Baaxaadegii jacaylka

B

axnaan wuu u gacan-haadiyay Bilan si ay u soo dhaqaaqdo, laakiin Bilan kumay soo dhaqaaqin, markii uu waxoogaa u gacan-haadiyay ee ay Bilan u soo dhaqaaqi weyday dhinaciisii ayuu Baxnaan isagu u tegay Bilan oo isku nabaysa geed, neef-tuuraysana, indhahana taagaysa ayuu Baxaan yidhi; “Bilan ina keen.”

Baxnaan wuxuu markaa doonayay inay sii ag-maraan halkii ay isaga iyo Libaaxa uu dagaalku ku dhexmaray, laakiin Bilan oo ay muuqatay bulbushii Libaaxa dhintay ayaa diiday inay cagteeda si toos ah ugu dhaqaajiso dhinicii raqda Libaaxu taalay, Baxnan ayaa mariyay Bilan jiho kale oo aan u dhoweyn raqdii Libaaxa, kana mid ah waddooyinka ku beegan jihadii uu ka xigay guriga ay hada yihiin reer Baashe.

Baxnaan dhaawacyo ayaa ka soo gaadhay dagaalkii uu ku dilay Libaaxa, waxaanu dareemayaa xanuun ka haya meelo ka mid ah jidhkiisa oo haddii aanu ku jirin safarkan uu iska fadhiisan lahaa, taa waxaa u sii dheer Baxnaan waxaa la socota Bilan oo uu aad u jecel yahay, markaa xannuunka jidhkiisa haya waxaa shiiqiyay jacaylka Bilan ee ka soo butaacaya wadnaha Baxnaan, soona qaadaya xididada jidhkiisa ayaad moodaa inay noqdeen sida daawooyinka loo yaqaan xanuun-joojiyaha, markaa ismuu dhimin awoodii socod ee Baxnaan, Bilana may dareemin in uu Baxnaan qabo dhaawac, haddii ay arki lahayd nabarada ku yaal Baxnaan ee ka hooseeya go’a uu ku qaraniyo.

Runtii Bilan aad ayay u nixi lahayd, in uu Baxnaan la soo tegay Bilan waa laga ogaaday dhinaca reer Baashe, taas oo keentay in loo sii diyaar-garoobo markii ay muuqii Bilan iyo Baxnaan ku soo baxeen reer Baashe ayaa waxaa kor u riday rasaas ka dhacaysa qoryaha fudud ee ay inta badan geel-raacatadu qaataan Guray iyo Jirde oo ay walaalo yihiin Baxnaan, Saado iyo Hibaaq oo ilmo Baashe ah ayaa iyaguna isku keenay alaabtii aqal Somali ee dhisaysay Aqal Somali laba daryaale ah oo ah hoyga loo dhiso aroosyada cusub, Sareedo oo ah Baxnaan hooyadii iyo haween kale ayaa iyaguna ka qaybqaadanayay hawsha lagu soo dhoweynayo Bilan iyo Baxnaan, waxaase isagu geed shishe oo waxoogaa u jira halka reerku deggen yahay dooyaysnaa Baashe Cirsuge oo ah Baxaan aabihii oo aan raali ka ahayn arrintan ay soo dhoweynayaan xubnihii kale ee qoyskiisa, waxaaanu arkaa in inankiisa Baxnaan aanu la socon taagta iyo tamarta reerkooda oo aanu tixgelin duruufta jirta ee reer Baashe oo hayntoodu ay yar tahay oo uu arko inaanu hadda xamili Karin reer cusub oo ay mas’uuliyaddeedu ku soo korodho.

Uma adka sida magaalada reer Baxnaan, isla habeenkiiba waxay ku hoyden guri iyaga u gaar ah oo ka samaysan qalab dhammaantii ay farsameeyeen farshaxano degaanka ahi, waa guri ah aqal-Somali oo leh qaab dhismeed ku habboon degaankiisa, marka dabka lagu shido, isla markiiba kulaylku wuu gaadhaa guriga gudihiisa, marka uu qalabkiisu u dhan yahay waa dugsoon habeenkii, waana qabow waabiya kulka qorraxda maalintii, waa qalab fudud oo marka la furfuro uu si fudud u qaadi karo gaadiidka xoolo dhaqatada ee awrku.

Baxnaan kamuu sheekayn in ay Libaax is haleeleen iyo inuu dilay toona, laakiin dadkii kale ee soo maray wadadaa kadib dhacdadii Baxnaan iyo Libaaxa ayaa arkay raadka ninka iyo qof dumar ah ee ka yimid halkii uu ka dhacay dagaalkaasi, soona galay guriga reer Baashe Cirsuge, gaar ahaan aqalka cusub ee loo dhisay qoyska cusub ee arooska ah.

Mashxaraddii, damaashaadkii, salaantii iyo caweyntii arooska reer Baxnaan Baashe waxay ku dambaysay aramadii dhaawacii u soo gaadhsiiyay Libaaxu.

Baxnaan oo aroortii uu xanuunkeedii aad ugu soo baxay Baxnaan oo qarsoomay barar, xumadna la myir-beelay, markii ay xaaladii ka soo rayn weyday ee uu xanuunkii ku soo kordhay Baxnaan ayuu Jirde Baashe oo ah wiilka Dhalasho ahaan ku xiga Baxnaan qoyska reer Baashe ayaa joojiyay gaadhiga Dhaga-fiiq oo ku caan ahaa degaankaas si loogu geeyo dhakhtarka ku yaal Hargeysa oo uu beri aroor tegi karo gaadhigaasi haddii aanu shil kale ku dhicin, Bilan waxaa ku caddaatay talo waa kan Baxnaan sakaraadka ah, waxay ahayd aroos, arrimo kala fog ayaa Bilan isku mar la soo gudboonaaday, Jirde markii uu gaadhiga soo horjoojiyay ayaa isaga iyo Guray oo isna walaalo ay yihiin, waxay qaadeen Baxnaan si ay u saaraan gaadhiga, markii ay saareen shidhka gaadhi noociisu yahay (IZUZU), oo loo yaqaan (Siisoow), ayay Bilan oo soo joogsatay albaabkii gaadhiga ku yidhaahdeen, “wuu bogsan doonaa Insha-Allah ee iska joog.”

Laakiin Bilan, iyada oo maqiiqan ayay gashay shidhkii gaadhiga, waxaanay ku qabatay madaxii Baxnaan dhabteeda, Sado oo ay walaalo yihiin Baxnan ayaa iyana la fuushay shidhkii, Bilan si ay u raacdo.

Bilan waxay sii hoos ah kolba shalmadeeda iskaga tiraysay ilmo aanay celin karayn oo kolba soo dhaafaysa indhaheeda, waxaa qalbigeeda ku soo dhacay in jacaylka ka dhaxeeya iyada iyo Baxnaan u lahaa dhinacyo badan oo ka soo horjeeda oo uu ka mid ahaa Libaaxaa jidgooyada u galay ee dhaawacay gacalaheedii Baxnaan, Bilan waxaa iskugu xigay habeenkii ugu wanaagsanaa nolosheeda oo ay guri kula hoyatay Baxnaan iyo subaxii xigay oo uu Baxnaankii ay jeclayd ku jiro xaalad caafimaad oo halis ah, intaa waxaa u sii dheer Bilan waxay gaadhay go’aan ka dhan ah reerkoodii reer Gaas Saddexle, gaar ahaan ededeed Ruun oo ay Bilan markii u dambaysay gurigeeda joogtay, ma saadaalin karto sida ay talogoosashadan u arki karaan Bilan reerkoodu, waxaa intaa u raacda iyada oo og in aad loo baadi-goobayo oo ay reerkooda dhib badani gaadhayso si ay u hubiyaan halka ay ku sugan tahay Bilan, waxaase iyana jirta waxaa u soo korodhay Baxnaan oo markii hore ay Bilan ku baratay codkiisa iyo heesaanimadiisa ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka ah, hada waxay Bilan goob-joog ka ahayd geesinamada uu Baxnaan kaga adkaaday Boqorkii Habar-dugaaga ee Libaaxa ahaa markii ay is-haleeleen, waxay rumaysan tahay Bilan in dhaawacyadan ku yaala Baxnaan ku gaadhay difaaca nafteeda iyo tiisaba oo haddii kale ay labaduba halisgeli lahaayeen.

Arrintan dambe ayaa ah tiir bir ah oo ku dhisan niyadda Bilan marka la eego mawqifka ay ku raacday Baxnaan iyo sida aanay uga leebmi doonin.

cid waloo isku dayda inay ka leexiso jidka ay haysato Bilan, waxa qudha ee hadda ugu daran Bilan waa caafimaadka Baxnaan oo ay u qabto jacayl aanay cid kale ula sinayn.

 

Faysal cali waraabe oo lagu soo dhaweeyay dooxa

D

oha (Haatuf) – Guddoomiyaha ururka UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa xalay hadal u jeediyay dad ka tirsan jaaliyada reer Somaliland ee ku nool dalka Qatar ee ku yaala Khaliijka Carabta.

Faysal Cali Waraabe oo maalintii Isniintii dhoweyd soo gaadhay caasimadda dalka Qatar ee Doha, waxa xalay ay Jaaliyaddu ku martiqaaday kulan lagu qabtay Hudheelka weyn ee magaciisa la yidhaa Shaalimaar, halkaas oo ay isugu yimaadeen tiro dad ah oo lagu qiyaasay 500 oo qof.

Guddoomiyaha UCID wuxuu munaasibaddan ka jeediyay warbixin ku saabsan xaaladaha ka jira dalka Somaliland gudihiisa, isaga oo dadkii halkaas isugu yimid uga xog-waramay horumarka dalku gaadhay iyo himilooyinka la higsanayo, taas oo ay ka qaybgalayaasha kulankaasi si weyn ugu riyaaqeen una sacabiyeen.

 

Wasiirka xannaanada xoolaha

H

arg (Haatuf):- Aqoon-isweydaarsi ahaa dood ku saabsan sharciga xoolo-dhaqista ee Somaliland oo 6 maalmood ugu socday dhakhaatiirta daryeelka xoolaha Somaliland oo ka kala yimid gobollada Somaliland isuguna jira dhakhaatiirta xoolaha ee hadda gacanta ku haysa hawsha wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo dhakhaatiirta xoolaha ee hadda iyagu iskood u shaqaysta iyo xirfad yaqaanada sare ee hawlaha daryeelka xoolaha, waxaa aqoon-isweydaarsigaasi soo agaasintay hay’adda VETAID ee Ingiriiska ah, ayaa shalay lagu soo gebogebeeyay qolka kulanada ee hay’adda Gabood hay’adaha aan dawliga ahayn ee COSONGO.

Soo gebogebaynta aqoon-isweydaarsigaas waxaa ka soo qaybgalay maamulka wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Somaliland oo uu ugu horreeyo wasiirka wasaaradaas Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha waaxyaha.

Saleebaan Yuusuf oo ka hadlayay kulankii shalay ee lagu soo gebogebaynayay shirkaas ayaa sheegay in dhakhaatiirta ka tirsan wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo dhakhaatiirta sida gaarka ah uga hawlgala daryeelak xooluhu in wax-qabadkoodu uu yahay mid u siman wasaarad ahaan oo ay jirto wada-shaqayni.

Agaasimaha guud ee wasaaradaas ayaa isna sheegay in sharcigan xannaanada xoolaha lagu turjimi doono Somali si uu u fududaado fahamkiisu.

Agaasimaha waaxda caafimaadka ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dr. C/laahi Axmed Xasan ayaa isagu u sheegay wargeyska Haatuf in kooxaha wareega ee daryeelak caafimaadku ay ka hawlgalaan kolba halka laga soo sheego caafimaad-xumo la soo deristay xoolaha ee degaanada Somaliland, iyaga oo baadhitaan ku sameey xaqaa’iqa xanuunada war ahaanta loogu keenay. Agaasime C/laahi wuxuu intaa ku daray in ay dhowaan kooxahaas daryeelka caafimaadka xoolaha ee wasaaradda Xanaanada Xooluhu ay ka hawlgaleen degaanku ku yaala galbeedka iyo bariga Somaliland .

Dr. Maxamed Ismaaciil Ducaale oo ka mid ah dhakhaatiirta xoolaha ee ka qaybqaadanayay aqoon is-weydaarsigaas shalay la soo gebogebeeyay ayaa u sheegay Haatuf in hawlwadeenada daryeelka xoolaha iyo dhakhaatiirtoodu ay ka hawlgalaan goobaha ay ka jiraan cuduro si weyn uga dilaacay oo waxyeelo u leh xoolaha (Outbreak).

Xoolaha nool ee la dhaqdo ayaa ah ilaha koowaad ee dakhliga iyo nolosha dadka ugu tirada badan ee Somaliland, laakiin waxaa muuqata in aanay weli hirgelin barnaamijyo la taaban karo oo horumariya qaabka dhaqashada xoolaha nool ee Somaliland oo ah mid gaboobay, taas oo saamayn ku leh suuq u helida xoolaha la dhoofiyo iyo kor u qaadida nolosha dadka xoollo-dhaqatada ah, waxaa iyana jirta duruuftii si dhab ah loogu hawlgelin lahaa dhakhaatiirta iyo hawlwadeenada caafimaadka oo aad weli moodo inay ku liidato hay’adaha xukuumadda Somaliland u qaabilsan xannaanada xoolaha, marka la eego gargaarka la siin jiray xannaanada xoolaha. Dhinaca calanka ee dhulkii la isku odhan jiray Somaliya ee wixii ka horreeyay 1988 iyo kaalmada hadda soo gaadha Somaliland ee caalamka dhinaca daryeelka xoolaha ayaad moodaa in ay jirto baahi loo qabo in la helo heshiisyo iyo gargaar dhinaca daryeelka xoolaha ah oo lagu caawiyo xoolo-dhaqatada Somaliland, taas oo u baahan in marka hore la aqoonsado dawladda Somaliland.

 

Baro xuquuqdaada

Wakhtigan casriga ah, dawladaha leh hababka kala geddisan way qabtaan doorashooyinka, hase yeeshee doorashooyinkaasi ma wada aha dimuqraadi.

Haddii aynu soo qaadano xukuumadaha shuuciga ah, keli-taliska garabka midig iyo dalalka uu ka taliyo xisbiga qudhi, intuba waxay muujiyaan doorasho ku sheeg aan daacad laga ahayn.

Haddaba si ay u xaalaystaan xukunkooda, qaarkood waxay soo taagaan musharax keli ah ama liis gaar ah oo xukuumaddu soo gudbiso, taas oo aanay jirin cid la loolamaysaa ama la kala dooranayaa.

Qaar ka mid ah doorashooyinkaas waxay xukuumaduhu oggalaadaan in ka badan hal musharax, hase yeeshee waxay caadaystaan cago-juglayn iyo cadaadis si ay u baqogeliyaan musharixiinta la tartamaya kuwa ay xukuumaddu wadato. Qaar kale waxay soo gudbiyaan musharaxiin si dhab ah u tartamaya laakiin Xisbi keliya ka soo wada jeeda.

Haddaba doorashooyinka sidaa u dhaca laguma tilmaami karo in ay yihiin dimuqraadi.

 

3.1. Doorasho Dimuqraadi ah

a)      Doorashada dimuqraadiga ahi ma aha in la codeeyo oo keliya, balse aa in ay noqotaa mid loo wada gudboon yahay, loo dhan yahay oo loolan xaq iyo xalaal ahi dhaco. Taasi waa ta dadku ay u doortaan xukuumadda talada u haysa iyaga oo u xor ah in ay u dhaliilaan si xor ah oo ay baahiyaan dhaliishaas iyaga oo adeegsanaya qalabka warbaahineed ee madaxa-bannaan.

b)      Doorashada dimuqraadiga ahi waxa weeye mid ay dhammaan muwaadiniintu ay leeyihiin xoriyadda cabiraada ra’yiga, xoriyadda isu soo ururka iyo in ay mucaaradku si cad oo badheedh ah u dhaliili karaan dawladda. Doorasho dimuqraadi ahi maaha in mucaaaradku la dooran karo oo keliya tiiyo mucaaridku xakamaysan yahay oo aanu xor u ahayn warbaahinta, isla markaana aanu xor u bannaan bixi Karin una dhoola-tusan Karin waqtiyada ololaha doorashadu socdo. Isla markaa xisbiga ama ururka talada haya waa in uu sharciga iyo xeerka doorashooyinka ula siman yahay xisbiyada iyo ururada kale iyo dhammaan mucaaradka, isaga oo aan marnaba ka faa’iidaysanayn awoodiisa xukuumadeed kuna tagri falayn hantida qaranka sida gaadiidka iyo qalabka warbaahinta ama is-gaadhsiinta.

c)      Doorashada dimuqraadiga ahi waa in ay noqotaa mid muddaale ah, dimuqraaediyadu ma doorato madaxweyne, ama keligii-taliye daa’im ah. Dadka ladoorto waa lala xisaabtamaa. Taa macnaheedu waxa weeye qofku wuxuu haynayaa xilka loo doortay muddo cayiman, muddadaasi marka ay dhammaato waa in uu ku soo noqdaa dadkii doortay si ay mar labaad u doortaan ama ay xilka uga qaadaan haddii uu ka soo bixi waayo gudashadiisa.

d)      Doorasho dimuqraadi ahi waa in ay noqotaa mid looo dhan yahay oo xor ah. Waxay doorasho xor ah noqon kartaa keliya markay tahay mid aan cidina ka xakamaysnayn in ay ka qaybqaadato. Mahadhooyinka dimuqraadiyada ugu waaweyn waxa ka mid ah halgankii kooxaha la takoori jiray, kuwaas oo lagu takoori jiray hanti la’aan, midab, diin, qabiil, jinsi (haweenimo) iwm. Haddaba iyada oo laga shidaal=-qaadanayo halganka dimuqraadiyada, waa in doorashada dimuqraadiga ahi noqotaa mid loo dhan yahay, dadka oo dhamina u siman yahay.

e)      Doorashada dimuqraadiga ahi waa inay noqotaa saar ah sidii mudanayaashii golayaasha dhexe iyo degaan ee waqtigii keli-taliskii Siyaad Barre. Balse waa inay noqdaan dad gudan kara xilka loo doortay oo arrimaha dalkana ka doodi kara kana go’aan qaadan kara.

f)       Doorashada dimuqraadiga ahi kuma koobna doorashada wakiilada iyo madaxda oo keliya. Hababka qaarkood waxa shacbigu u codayn karaa go’aano ama shuruuc cusub oo afti loo qaadayo. Habkan waa xisbiga talada hayaa soo gudbiyaa sharciyada uu doonayo inuu dhaqangeliyo. Waxa kale oo go’aan ama sharci soo gudbin kara xisbiyada mucaaradka ah, amaba tiro cayiman oo ka mid ah shacbiweynaha u diiwaangashan inay codeeyaan.

 

3.2. Habsami u dhaqanka dimuqraadiyada iyo mucaaradka daacadda ah.

Dimuqrsaadiyada waxa kobciya oo dhidibada u aasa isla xisaabtanka iyo qarsoodi la’aanta. Waxaa ka reeban shardigan qarsoodi la’aanta qodob qudha oo muhiim ah, kaas oo ah codaynta qarsoodiga ah. Codaynta qarsoodiga ahi waxay meesha ka saaraysaa doorashadu inay noqoto mid cadaadis iyo caga-juglayn yeelata oo xakamaysa ikhtiyaarka codaynta ee qofka muwaadinka ah. Doorashad xalaasha ahi waxay suurtogelisaa in qofku codkiisa ku dhiibto hab-qarsoodi ah oo isaga ku kooban, isla markaana waxa si cad oo aan qarsooid ahayn loo maamulayaa ilaalinta sanaaduuqda codka iyo tirinta waraaqaha cododka oo si loo wada joogo loo tirinayo. Taasi waxay abuuraysaa in dadweynuhu kalsooni buuxda ku aqbalaan go’aanka doorashada iyo in ay ku qancaan in xukuumadda ka dhalata doorashadaasi ay tahay tii ay aqlabiyadda codbixiyeyaashu doorteen.

Doorashada kadib, marka xukuumadda la dhiso waxa soo baxaya ugu yaraan hal xisbi oo mucaarad ah.

Bulshooyinka ku jira marxaladda kala-guurka ah, gaar ahaan kuwii xukunku qori caaradii isku beddelay, waxa adkaata in dadku fahmaan jiritaanka mucaarad daacad ah.

Mucaaradka daacadda ah waxa loo yaqaanaa mucaaradka ka soo horjeeda xukuumadda markaa talada haysa, hase yeeshee dalka, distoorka iyo dadweynahaba u daacada ah, waxa ay yaala mucaaradka iyo muxaafidkuba ka midaysan yihiin ilaalinat danta duug ee dalka iyo dadka.

Dhammaan dhinacyada kala geddisan ee dimuqraadiyada dhabta ahi waxay ka midaysan yihiin dhawrista xeerarka saldhiga u ah dimuqraadiyada, iyaga oo ah dhinacyada ku tartamaya siyaasaddu aanay isjeclayn haddana waa inay is-xaqdhowraan, dulqaad iyo ilbaxnimona muujiyaan, gaar ahaan markay noqoto doodaha iyo isku-dhoolatusadka siyaasadeed ee waqtiyada tartanka iyo loolanka siyaasadda.

Marka ay doorashadu dhammaato, xisbiga ama xisbiyada laga badiyay waxay oggolaadaan go’aanka dadweynaha. Haddii dawladdii hore u talinaysay ay dhacdo waxay si nabadgelyo leh u wareejisaa xukunka. cid kastaaba ha badisee waxay labada dhinac heshiis ku yihiin wadashaqayn si loo xalliyo wixii dhibaato ah ee yimaada, looguna wada-adeego danta guud ee dalka iyo dadka.

Qolada markaa mucaaradka noqotay iyaga oo kalsooni buuxda ku qaba oo og inaanay naftooda iyo xorriyadooda toona khatar ku jirin ayay heshiis ku yihiin muxaafidka iyo xukuumaddaba inay dhawraan dhammaan mabaadiida dimuqraadiyadda iyo dawladnimadaba.

Marka waqtigii doorashadu soo dhawaato, waxay xisbiyada mucaaradka ahi fursad u leeyihiin inay u tartamaan xukunka.

Soo ururiyoo doorashada dimuqraadiga ah micnaheedu ma aha in loolan iyo halgan loo galo si loo noolaado, balse ujeedada loolanka iyo tartanku waa u adeega dadka dalka iyo danta guud.

 

Markii uu galay liiskii musharixiinta

B

erbera (Haatuf):- Guddoomiyihii gobolka Saaxil, isla markaana isagu ku magacownaa Duqa Magaalada Berbera Xasan X. Maxamed Warsame (Xasan-Gadhweyne), ayaa wareejiyay labadaa xilba kadib markii uu galay liiska musharaxiinta ee tartanka doorashooyinka ururada siyaasadda ee Somaliland.

Daboyaaqadii toddobaadkan ayuu Xasan X. Maxamuud xilkaas ku wareejiyay Maxamed Axmed Xasan (Taalata Codle) oo noqonaya Badhasaabka cusub ee gobolka Saaxil iyo Duqa magaalada Berbera xaflad ka dhacday xarunta gobolka Saaxil.

Weriye C/raxmaan X. Daahir (Casaan) oo ka soo waramay xil-wareejintaas ayaa sheegay in mas’uuliyiinta xilka la kala wareegay ay halkaas ka soo jeediyeen hadalo isugu jira, mahad-celin iyo dardaaran wada-shaqayn iyo inay ka soo qaybgaleen xil-wareejintaas saraakiisha iyo shaqaalaha D/Hoose ee Berbera.

Xil-wareejintani waxay ka mid tahay xeerarka doorashooyinka ee xusaya in mas’uulka haya xil ee is sharaxaa uu xilka tiriyo muddo ka hor xilliga doorashada arrintan oo hada khusaysa doorashooyinka ugu soo horreeya ee golaha degaanada Somaliland.

 

Fadliga iyo Axkaamta soomka

Hordhac:

Bisha Soon, waa bil uu Eebbe (sw) dhex yeelay fadli aad u weyn. Bisha Soon waxaa loogu magac daray bishii qur’aanka, taasoo macnaheedu tahay in qur’aanka la soo dejiyay bil Ramadaan., sida ku cad aayad qur’aan ah. Waa bil uu Ilaah furo albaabada Jannada, uuna xiro albaabada Naarta. Waa bil uu Ilaah (sw) ugu magac daray irid ka mid ah albaabada Jannada, albaabkaasoo ay maalinta qiyaame ka soo geli doonaan dadka sooma. Waa bil abuura midnimo iyo iskaashi. Haddaba, sidaa darteed asxaabtii Rasuulka (scw) ee sharafta badnaa waxay ahaayeen kuwii si xiiso iyo farxad ku jirto ugu qaabila bisha Ramadaanka. Aad ayeey u farxi jireen markay u dhalato bisha Soon, dhinaca kalena waxay jeclaan jireen inuu sannadkoo dhammi noqdo bil Ramadaan, si ay uga faa’ideystaan fadliga Soonka.

Macnaha luqadeed ee Soon:

Ereyga Soon waa erey asal ahaan carabi ah, macnahiisuna waa hadal ka af-xirasho. Waxaana laga fahmi karaa oraahdii Alle (sw) uu ku lahaa Maryama Bintu Cimraan (cs): " Waxaad tiraahdaa waxaan Allaha Raxmaanka ku nadray (sharday) inaan hadalka ka soomo oo cidina lama hadlayo maanta". Suuradda Maryama aayadda 26. Haddii aan ka eegno macnaha xaqiiqada ay xanbaarsan tahay waa iyadoo laga af-xirto wax allaale wixii soonka afuriya/buriya ee ficil iyo oraahba ah.

Qaybaha Soonka:

Soonku wuxuu u qaybsamaa labo qaybood, kuwaasoo kala ah mid faral (waajib) ah iyo mid Sunno ah. Soonka waajibka ah ayaa wuxuu u sii qaybsamaa ilaa saddex qaybood, waxayna kala yihiin:

Soonka bisha Ramadaan

Soonka kafaaro-gudka

Soonka sharadka (nadarka).

Xikmadda Soonka:

Lama soo koobi karo ujeedooyinka iyo xikmadda Soonka ka danbeysa; waxaana ka mid ah in Illaah amarkiisa loo hogaansamo. In dadka ay dareemaan gaajada iyo darxumada, si ay u xasuustaan khaaliqooda abuuray, sidoo kale inuu ugu naxariisto fuqurada. Ujeedooyinka Soonka waxaa ka mid ah, inuu Illaah dadka simo oo kan taliya iyo kan loo taliyo, maal qabeenka iyo kan saboolka ay si wadajir u dareemaan gaajada oo ay wada sooman yihiin. Soonku wuxuu dhaliyaa midnimo iyo sinnaan, is jeceyl iyo is kaashi, sidoo kale waa cibaado laga doonayo qof kastoo ka mid ah muslimiinta, isagoo markaana buuxinaya shuruudda Soonka.

Xukunka Soonka:

Soonku waa waajib sida laga fahmi karo kitaabka qur’aank ah iyo Sunnada Nebiga (scw). Ilaah wuxuu qur’aankiisa ku yiri: "Dadkii Alle rumeeyayow waxaa la idinku waajibiyay inaad soontaan sidii dadkii idinka horeeyay loogu waajib yeelayba, waxaadna mudan tihiin inaad dhowrsataan" (Suradda Al-baqara 183). Wuxuu kaloo Alle yiri: "Bisha Ramadaan waa bishii la soo dejiyay qur’aanka, isagoo hanuun dadka u ah iyo caddeyn oo hanuun iyo kala bixin (xaqa iyo baadilka) ah ee ruuxii jooga bisha soon ha soomo, ruuxiise buka ama musaafir ah waxaa dushiisa saaran maalmo kale soonkood, Ilaah wuxuu idinla doonayaa fudeyd ee idinlama doonayo culeys, waana inaad dhammeystirtaan tirada, waynaysaana Ilaah wuxuu idinka hanuuniyay, waxaadna mudantihiin inaad Ilaah ku shukrisaan" (Suradda Al-baqara 185). Dhinaca Sunnada Nebiga (scw), waxaa jira axaadiis fara badan oo dhammaantood caddeynaya waajibinimada soonka, waxaana ka mid ah xaddiis Dhalxa Binu Cubeydillah uu yiri, waxaa Rasuulka (scw) weydiiyay nin, isagoo ku yiri: "Rasuulkii Alloow waxaad ii sheegtaa soonka uu Alle igu waajib yeelay?." Rasuulka (scw) ayaa wuxuu ku yiri: "waa bisha Ramadaanka". Wuxuu misna yiri: "ma soon aan bisha Ramadaanka ahayn oo la igu leeyahay ayaa jira?". Wuxuu yiri: "Maya, aan ka ahayn kaad sunno ahaan u soonto". Haddaba, halkan waxaan ka fahamnay in soonku yahay waajib aan dood ka taagnayn waajibnimadiisa, dhinaca kalena waxay culumada Islaamka isku waafaqsanyihiin in qofkii si ula-kac-ahaan u diida waajibnimada soonka uu gaaloobayo. Soonku waxaa la waajibiyay maalin isniin ah, ayna tahay labada bisha Shacbaan sannadkii 2aad ee hijriga.

Shuruudda Soonka:

Soonku, wuxuu leeyahay shuruudo, oo haddii aanan lala imaanin uu burayo soonku, waxaana ka mid ah:-

"Islaamnimo" Qofka Soonka laga doonayo waa inuu Muslim yahay.

"Miyir qab" Qofka waalan waajib kuma aha soonka.

"Qaangaar" Ilmo caruur ah lagama doonayo soon ( hase ahaatee way fiican tahay haddii caruurta lagu tababaro soomidda markay yar yihiin).

"Awoodid" Soonku waxaa loo banneeyay inay afuraan ciddii aan awood u lahayn oo ay haysato dhibaato caafimaad iyo arrimo kaleba. Dadkaasi aan awoodi karin waxaa loo qaybiyaa ilaa saddex qaybood oo kala ah sida:

Kuwo loo banneeyay inay afuraan, hase ahaatee laga rabo inay quudiyaan miskiin.

Qaar sidoo kale iyagana loo banneeyay inay afuraan, ka dibna ay soonka qalleeyaan (gudaan), laakiinse aan quudinayn cidna.

Iyo ugu danbeyntii kuwo ay waajib ku tahay inay afuraan, dabadeedna ay soonka gudaan.

Qaybta hore waa dadka da’da ah oo aan awoodda u lahayn inay soomaan, kuwaasi waajib kuma aha inay soomaan oo waxaa loo fasaxay inay afuraan, laakiin waxaa laga doonayaa inay quudiyaan miskiin (qof baahan) maalin kasta oo Ramadaanka ka mid ah. "Kuwii Soonku dhibayay waxay bixin quudin miskiin" Suuradda Al-baqara 184. Sidoo kale waxaa qabytan soo hoos galaya qofka xanuunsan ee aan rajada laga qabin inuu bogsado. Waxaa kaloo ku jira hooyada uurka leh iyo tan ilmaha nuujinaysa, waa haddii ay ula baqdo nafteeda iyo tan cunuga inay quudaantaasi la timaaddo oo ay afurto. Qaybta labaad oo ah kuwa loo baneeyay inay afuraan, isla markaana markii ay awood u helaanna soonkii soo gudaan oo qalleeyaan, waxaa ka mid ah qofka xanuunsan ee rajeynaya inuu bogsoodo, qofka safarka ku jira ee aan deganayn. Illaah kor ahaayee wuxuu yiri " Qofkii idinka mid ahi oo xanuunsan, ama safar ku jira waxaa korkiisa ah inuu soomo maalmo soonkood" Suuradda Al-baqara. Qaybta ugu danbeysa ee ay waajib ku tahay inay afuraan, isla markaana ay soonka dib u gudaan waa:- Haweeney inta ay ku jirta wakhtiga caadada iyo kan dhalmada, waa Xaaraan in ay xilligaas soonto, waxaana laga doonayaa in ay soonto marka ay daahirto.

Tiirarka Soonka:

Soonku wuxuu leeyahay labo tiirar oo asaas u ah Soonka, kuwaasoo loo baahan yahay inuu qofka soomani la yimaado, waxayna kala yihiin:- 1) Af-xirasho laga af-xirto cabidda iyo cuntada laga bilaabo goorta ay qoraxda soo baxdo ilaa ay ka dhacdo. "Cuna oo cabba intuu ka muuqdo liilanka cadi (waagu) kan madoow" (Suuradda Al-baqara aayadda 184).Tiirka labaad waa niyadda, camal kastana waxaa shardi u ah niyad (ikhlaas) oo lama aqbalayo camalka hadduusan niyad wadan. Aayada ku jira Suuradda Al-bayyina iyo Suuradda Al-xaj ayaa qeexaya arrinkan. Sidoo kale, wuxuu Rasuulka (scw) xaddiis ku yiri " Camal kasta waxaa saldhig u ah niyad, qof kastaana wuxuu leeyahay wixii uu niyooday". Qofka soomani waxaa laga doonaya inuu niyeysto soonka, ka hor inta ayan qoraxda soo bixin maalin kasta. Waxaa kaloo la yiraahdaa, waxaa qofka ku filan niyadda uu niyeysanayo maalinta ugu horeysa ee uu niyoonayo soomidda bisha soon oo dhan. Xafsa hooyada Mu’miniinta waxay Rasuulka (scw) ka werisay inuu Rasuulka (scw) yiri "Qofkaan kulmin niyadda (niyadda iyo go’aanka ah in la soomo) ka hor fajarka uma sugaanin oo ma laha soon".

Waxyaallaha buriya soonka:

Waxaa loo qaybiyaa waxyaabaha soonka buriya ilaa labo qaybood: Qaybta koowaad oo ah in si ula kac ah loo cuno cunto ama loo cabo cabitaan; sidoo kale is matajin ula kac ah, caadada ama dhiiga dhalmada, ruuxa sooman oo niyeysta inuu afuro. Waxaa kaloo ka mid ah waxyaabaha buriya soonka qofka oo gacantiisa isaga keena biyaha shahwada (siigada).

Qaybta labaad ee buriya soonka, isla markaana waajibiya in la qalleeyo soonka, sidoo kalena waajibiya in lala yimaado kafaaro gud ayaa waxaa ka mid ah galmada labada is qabta ee maalinta Ramadaanka. Kafaaro gudka halkan aan ku xusnay waxaa si tartiib leh u sheegtay aayad qur’aan ah sida qofka u galmooday xaaskiisa maalin soon ah, waa inuu xoreeyaa addoon (addoonsi wax la yiraahdo maanta ma jiraan, allahu aclam)), haddii uu awoodi waayo waa inuu soomo labo billood oo isku xiga, hadduu awoodi karin waa inuu quudiyaa lixdan masaakiin. Qofkii xaaskiisa u gaalmooda labo jeer maalin ramadaan ah qofkaasi waxaa laga doonayaa hal jeer kafaaro-gudkeed, gabadhiina laguma leh kafaaro-gud (waa sida uu qabo Imaam Al-Shaafici). Qofka uma bannaana inuu u galmoodo xaaskiisa maalmaha Ramadaanka, hase ahaatee way u bannaan tahay galmada habeenka.

Sunnooyinka Soonka:

Soonku wuxuu leeyahay sunnooyin fara badan oo ay habboon tahay in lala yimaado. Waxaa ka mid ah sunnada Soonka in la de-dejiyo afurka, isla markaana la dib dhigo Suxuurta. Rasuulka (scw) wuxuu yiri "Dadka kheyr kama suulaan inta ay dedejinayaan afurka, ayna dib u dhigayaan Suxuurta". Waxaa kaloo ka mid ah sunnooyinka Soonka in marka la afurayo lagu billaabo xabbado timir ah, Rasuulkuna (scw) sidaa ayuu sameyn jiray. Waxaa kaloo ka mid ah Sunnooyinka Soonka, in la duceysto kolka la afurayo, waana wakhtiyada ay u badan tahay in la aqbalo ducada. In la sameeyo cibaado badan sida Salaadaha sunnada, bixinta sadaqada iwm. Bisha Soon wuxuu Illaahay dhexdeeda yeelay denbi dhaaf uu u denbi dhaafo addoomadiisa u hogaansama isaga, xoreynta Naarta iyo Naxariis uu naxariisto. Waxaa ku jira habeennada Ramadaanka, habeen ka kheyr badan 1000 billood, waana habeenka Leylatul-qadri. Sunnooyinka Soonka waxaa ka mid ah in habeenka Ramadaanka la badiyo ducooyinka iyo akhriska qur’aanka. Waxaa kaloo ka mid ah in masaajidyada lagu ictikaafo (negaado) maalmaha Ramadaanka, gaar ahaan tobanka ugu danbeeya bisha Ramadaan. Culumadu waxay sheegaan in habeenka laytalu-qadriga ku jiro tobanka ugu danbeeya Ramadaanka.

Ibraahim Salah

 

Taariikhdii Rasuulka

QISADII BAXIIRA

Markuu Rasuulka SCW 12 sano jirey ayaa adeerkiis Abii-dhaalib iyo rag kale oo qureysh ka mid ah ay safar ugu kicitimeen dhinaca Shaam, wuxuu markaa Rasuulku scw ka codsadey adeerkiis inuu raaco, adeerkiisna waa uu ka yeelay. Dabadeed markuu safarkii baxay waxaa uu sii maray meel la yiraahdo Busra oo ay safarrada qureysheed ee Shaam u socda sii mari jireen uuna degganaa nin raahib (suufi) ahaa oo Baxiira la oran jiray heystayna diinta masiixiga, cilmina u lahaa waxyaalihii uu ilaahay ku sheegay Tawreet iyo Injiil. Ninkaas raahibka ah safarrada qureysheed waa ag mari jireen danna kama geli jirin; laakiin maanta waxaa uu arkay calaamooyin ku saabsan wiilkan yar oo safarka la socda, calaamooyinkaas oo kutubtii hore lagu sheegay, markaas ayuu ninkii martiqaad u sameeyey safarkii oo dhan. Waa ay la yaabeen waxayna yiraahdeen "weligayo waannu ku ag mari jirney martiqaadna nooma aadan samyn jirin ee maanta maxaa jira?", wuxuu ku yiri waa sax laakiin marti baad tihiine imaada. Markii ay u yimaadeen wuxuu yiri "Ma cid baad ka soo tagteen?", waxay ku jawaabeen yar ayaannu rarkii uga soo tagnay. Baxiira ujeeddadiisu waxay ay ahayd wiilka yar markaasu ku yiri "u yeera wiilka".

Markii la qadeeyey ayuu Baxiira su'aal weyddiiyey Abii-dhaalib oo uu ku yiri "wiilkan mxaad u tahay"? wuxuuna ugu jawaabey "Aabbe ayaan u ahay". Baxiira waxa uu yiri "suurogal maaha in wiilkan aabbihiis nool yahay ee maxaad u tahay?". Abii-dhaalib waxaa uu yiri "Adeer baan u ahay", intaa ka dib Baxiira wiilkii ayuu gees ula baxay wuxuuna weyddiiyey su'aalo, ugu dambeyntiina wuxuu ka arkay khaatumkii nebinimda oo nabiga scw garbihiisa dhexdooda ku yaalley.
Baxiira wuxuu ku yiri Abii-dhaalib "wiilkani arrin weyn ayuu yeelan doonaa, waxa aan anigu ka fahmeyna haddey nimanka yahuudda ihi ka fahmaan waa ay dilayaan ee ku celi magaaladiisii kana ilaali yahuudda", Abii-dhaalib markii uu alaabtiisii soo gateyba si degdeg ah ayuu ugu soo rogmaday Makka. Markaas ka dib waxaa uu Rasuulku SCW Makka ka baxay hal mar oo kale illaa hijrada laga gaarey. Rasuulka SCW markuu soo barbaaray waxa uu bilaabey inuu buuraha Makka adhiga ku ilaaliyo

GUURKII KHADIIJA

Markuu Rasuulka SCW 25 sano gaaray wuxuu guursaday Khadiija bintu Khuweydlad. Khadiijo waxay ahayd qof maalqabeen ah quruxna leh oo ka sheegganayd haweenkii qureysheed, waxayna da'deedu ahayd markaas 40 sano. Ka hor waxay soo guursatay nin ay laba carruur ah u soo dhashay. Khadiijo maalkeeda ayay hadba qof u dhiibi jirtey si uu ugu tijaareeyo waxayna wax ka siin jirtey faa'iidada. Waxay maqashay Maxammed binu Cabdullahi scw runtiisa, dabeecaddiisa wanaagsan iyo ammaanadiisa oo Makka oo dhan caan ka ahayd oo loogu magac daray loona bixiyey Maxammed Aammiin. Markaas ayey u yeertay Nabiga SCW una soo badhigtay inuu xoolaheeda maanta u tijaaro geeyo. Rasuulka SCW waa uu ka yeelay oo tijaaradii ayuu qaaday, waxayna ku dartay wiil u joogey oo la yiraahdo Maysara. Nabiga SCW iyo Maysara waxay xoolihii u qaadeen Shaam halkaas oo uu Nebiga SCW ku soo iibiyey xoolihii uu kexeeyey isla markaasna wuxuu soo gaday wixii Makka looga baahnaa. Faa'iido aad u badan ayuu Nebiga SCW Khadiijo u soo hooyey taasoo u keentay kalsooni dheeraad ah iyo in ay aragtay ammaanadii iyo akhlaaqdii Rasuulka SCW.
Maysara wuxuu u sheegay Khadiijo waxyaabo mucjiso ah oo uu Nebiga SCW ku arkay, sidaa daraadeed Khadiijo markay ka aragtay Nebiga SCW arrimahaas iyo waxa la midka ah, waxay Rasuulka SCW u soo bandhigtay iney is guursadaan. Rasuulka SCW wuxuu la soo tashaday adeerradii wayna ka aqbaleen weyna u dooneen oo labadii eheyl ayaa isku yimid, halkaas ayaana Rasuulka SCW loogu meheriyey Khadiijo.

Khadiijo, oo uu Nebiga SCW qabay ilaa uu 50 sano dhaafay, waxay Nebiga SCW u dhashay carruurtiisa oo dhan marka laga reebo Ibraahim oo ay dhashay Maariyatul Qibdiya. Waxayna Nabiga carruurtiisu ahaayeen saddex wiil oo la kala oren jirey: Ibrahim, Qaasim iyo Cabdullaahi (oo la oran jirey Dayib iyo Daahir) iyo afar gabdhood oo la kala oran jirey: Seynab, Ruqiyo, Ummu-khalthum iyo Fadumo. Saddexda wiil wey saqiireen hase yeeshee gabdhihii way hanaqaadeen oo islaamka ayey la kulmeen weyna wada islaameen.

Gabdhaha waxaa loo kala guursaday sidatan: Seynab waxaa guursaday Abil Caas; Ruqiya iyo Ummu-kalthum waxaa kala guursaday laba wiil oo Abii lahab oo Nebiga SCW adeerkiis ahaa uu dhalay. Ninkaas oo Rasuulka SCW aad u dhibay caqabadna ku noqday dadkii iney islaamka qaataan ayaa markay soo degtay suuratu lahab wuxuu, Abii lahab u yeedhay labadiisii wiil wuxuuna ku yiri: "u fura Maxammed labadiisa gabdhood" wayna fureen ka dibna waxaa labadii gabdhood iska daba guursaday Cismaan binu Cafaan oo ay labadiiba ka dhinteen; Faadumo waxaa iyada guursaday Cali bin Abii Daalib oo ahaa Nabiga scw ina adeerkiis.

Nebiga SCW carruurtiisa oo dhan way ka wada hor dhinteen Faadumo oo lix bilood ka dambeysey maahane, waxaana carruurtiisa ugu waynaa Qaasim, waxaa ku xigtay Seynab, waxaa ku xigtay Ruqiya, waxaa ku xigtay Umu-kalthum, waxaa ku xigay cabdullaahi oo ugu yaraa bah khadiija. Rasuulka scw carruurtiisu waxa ay dhasheen Nabinimada ka hor Cabdullaahi iyo Ibraahim maahane, Cabdullaahi waa la isku khilaafaa in uu nabinimada ka hor dhashay iyo in uu ka dib dhashay, waxaase loo badan yahay in uu Nabinimada kadib dhashay. Ibraahim isagu wuxuu ku dhashay madiina sannadkii 8aad ee hijriga waxaana dhashay maariyatul qibdiya saan soo tilmaanayba.

La soco…………

 

 

 

 

 

xaaadda cakiran ee shirka Kenya iyo

 

K

enya (Haatuf) -  Jaamac Cali Jaamac ayaa shalay mar kale debedda looga saaray shirka dib-uheshiisiinta kooxaha Somaliya ee ka  socda magaalada Eldoret ee dalka Kenya, waxayna taasi qayb ka tahay hirdan iyo ismaandhaaf xoog leh oo waqtigan xaadirka ah ka aloosan shirkaa, laakiin arinta Jaamac Cali Jaamac waxay si gaar ah u khusaysaa C/laahi Yuusuf, taas oo uu C/laahi Yuusuf leeyahay xaaraam aniga iyo Jaamac shirka ma soo wada fadhiisan karno, waayo anigaa Puntland ka taliya. Sidoo kale Col. Shaatiguduud iyo Aadan Madoobe oo labaduba ah laba hogaamiye-kooxeed oo ka soo jeeda Raxan-weyn ayuu iyagana ka dhexeeyaa loollan siyaasadeed, iyadoo uu mid waliba goonidiisa u leeyahay aniga wax halayga waydiiy talada Raxan-weyn. Laakiin taasi kuma koobna meel qudha ee guud ahaan waa loollan gudaha ah oo degaan walba goonidiisa uga taagan.

 

Shirku waxa uu hadda ku jiraa wejigii labaad, hase yeeshee guud ahaan shirkaa waxa hadheeyey loollan iyo ismar-waa xoog leh, iyadoo aad moodo inuu loollanku mar-ba marka ka sii dambaysay sii xoogaysanayo, waxayna taasi keentay inay marba kooxi ka dareerto shirka.

Ajandaha hadda muranka xoogga lihi ka taagan yahay waxa uu yahay saami-qaybsiga guddiyo ka kooban ilaa 6 guddi oo la doonayo inay soo naaqishaan, iskuna soo duba-ridaan ajandayaasha dib-uheshiisiinta ee aayaha Somaliya, sida: Hub ka dhigista, Maaraynta mushkiladda dhulalka la kala haysto, Dhismaha dawlad sal-balaadhan oo Somaliya ah, Diyaarinta distoor ku salaysan nidaam-dawladeed ku dhisan hab federal ah oo ay yeelato Somaliya iyo weliba qoddobo kale, laakiin arinta samaynta guddiyadaasi waxay noqotay mawduuc la isku mariwaayey oo ay shirgudoonka iyo dhinacyada shirka daadihinayaa faraha kaga gubteen.

Inkasta oo ay kooxaha Somaliya ee shirka fadhiyaa kala duruufo iyo danno duwan yihiin oo ay arintoodu marba midab keenayso, hadana marka la eego loollanka waqtigan xaadirka ah taagan waxa loo kala saftay laba garab oo waaweyni, kuwaas oo uu garab ka mid ah horkacayo hogaamiyaha maamul-goboleedka Puntland, C/laahi Yuusuf Axmed, waxaana raggga garabka C/laahi raacsan ka mid ah, Shaatiguduud, Janaraal Morgan, Cabdilaahi dheere oo Jawhar ka taliya iyo qaar kale. Sidoo kale garabka kale oo ka kooban Kooxda maamulka Carta iyo 8 hogaamiye-kooxeed, waxaana ka mid ah hogaamiye-kooxeedyadaa Cismaan Caato, Adan Madoobe (Raxan-weyn ka mid ah) iyo xulafada la yidhaahdo Isbahaysiga dooxada Jubba ee ka taliya Kismaayo.

Marka laga yimaado guddiyada lixda qaybood ah oo ay tiradoodu gaadhayso ilaa 90 xubnood waxa kale oo uu iyana buuq weyni ka aloosmay xaddiga ergooyinka ee shirka lagu soo reebay, taas oo ay weli xiisadi ka taagan tahay, ilaa 1000 Ergay ayaa shirka iska soo xaadiriyey, laakiin ilaa 362 ergay ayuu shirgudoonku ka soo reebay inta kalena waa laga saaray shirka.

Salaasadii toddobaadkan waxa dhacay murankii ugu xoogga badnaa, waxaana hoolka shirku ka socday dood kulul oo faraha la iskaga gubtay, wuxuuna murankaasi socday 24 saacadood oo aan loo kala kicin (Min 8:00 subaxnimo—8:00 subaxnimo ee kale). Laakiin arintu may soo afjarmin ee ismariwaagu weli wuu taagan yahay.

Labada garab ee ay u qaybsan yihiin kooxaha shirka fadhiyaa markii laga hadlayey xulidda guddiyada waxay madasha ka soo kala jeediyeen laba rayi oo iska soo horjeeda, taas oo uu garabka C/laahi Yuusuf soo jeediyey inay shirgudoonku la wareegaan soo xulista guddiyadaa, halka ay garabka kalena taa gaashaanka ku dhufteen, soona jeediyeen inay guddiyadaa Somalidu dhexdeeda iska soo doorato ama iska soo xusho.

Xiisadda iyo ismariwaaga siyaasadeed ee shirka Eldoret ka ooggani keliya ma aha ajandaha saamiqaybsiga guddiyada iyo ergooyinka shirka, laakiin waxa jira arimo badan oo huursan, taas oo ay cid waliba doonayso inay u sii weel samaysato, tasina waxay keentay loollan xoog leh oo cidiyo ku dagaallan ah.

Ugu yaraan saddex qaybood oo waaweyn ayaa loo qaybin karaa nuxurka dagaalka siyaasadeed ee ka dhex-ooggan hogaamiyayaasha iyo kooxaha siyaasadeed ee ku hirdmaya Somaliya, kuwaas oo kala ah: Ta hore waa loollan loogu kala dheeraynayo awoodda xukunka ee Somaliya, taas oo ay xulafo waliba goonideeda u doonayso inay mindida daabkeeda qabato, ta labaad waxay tahay loollan dhinaca dhulka iyo xuduudaha dalka ah, taas oo ay xulafo waliba u halgamayso inay gacanta ku qabato ama yeelato inta badan maamul-goboleedyada iyo gobolada istaraatijiga ah ee Somaliya iyo ta saddexaad oo noqonaysa loollan dhinaca isirka ah, taas oo la doonayo in la isku riixo awood dhinaca qabiilka ah, laakiin inkasta oo ay taasi jirto, haddana loollanka hadda Eldoret ka taagani waxa uu ku salaysan yahay xulafooyin iyo isbahaysi aad moodo inay dano gaar ahi israaciyeen. Tusaale ahaan isbahaysiga la magac baxay dooxada Jubba waxay cududoodu ka soo kala jeedaa Habar-gidir iyo Mareexaan, sidoo kale C/laahi Yuusuf iyo Janaraal Morgan iyo Weliba Kornayl Shaati guduud ayaa iyaguna u halgamaya inay gacanta ku dhigaan Kismaayo.  

Doodda socotay maalintii salaasadii waxay hogaamiye-kooxeedyada iyo siyaasiyiinta shirkaa ka qayb gelaysaa isku dhaafsadeen doodo kulul oo aan waxba la isku hambayn, waxaana doodahaa laga milicsanayey dareemada iyo mawaaqifta siyaasadeed ee ay kala qabaan kooxaha iyo xulafooyinka shirka ku hirdamayaa.

“Gobolka Sool iyo Sanaag waxay ka tirsan yihiin Somaliland, adiguna kama talisid, xataa Gaalkacayo ma joogaysid hadii cadaalad iyo nabad la waayo”sidaa waxa yidhi Cismaan Xasan Cali (Caato) oo la  hadlaya C/laahi Yuusuf.

“Kismaayo waxa igu haysta nin Caabud-waaq u dhashay”sidaana waxa yidhi Janaraal Morgan oo la hadlaya Col.Barre Hiiraale oo ka mid ah taliyayaasha isbahaysiga hadda Kismaayo ka taliya, isaga oo la hadlaya, laakiin Co. Barre Hiiraale oo u jawaabaya Janaraal Morgan ayaa isna yidhi “Waa runtaa oo waan u dhashay Caabud-waaq, laakiin adiguna (Morgan) waxaad u dhalatay Qardho (Puntland), dhulkana waxa nagu aaminay dadkii lahaa, ilaa inta dawlad Soomaaliyeed la helayona waxaanu ka ilaalinaynaa dadka Morgan oo kale ah”.

Inkasta oo uu loollanka hadda oogani u muuqdo kooxo iyo xulafooyin siyaasadeed oo isu bahaystay dano siyaasadeed, hadana waxaan iyana qarsoonayn loollan-siyaasadeed xambaarsan halganka reernimada, waxaana jeegaanta loollanka iyo hirdanka siyaasadeed ee reernimada ka dhex-muuqda qabiilooyin waaweyn, sida: Hawiyaha, Daaroodka, Raxan-weynta iyo weliba beelo yar yar oo la isla jiidhay, sida. Jareerta, biyomaalka, cad-cadka, Garraha iyo qaar kale.

Dhinaca koonfurta shishe ee Somaliya meesha ugu weyn ee gacan ku haynteeda sida weyn loogu loollamayaa waxa weeye Marsada Kismaayo ee ay hadda gacanta ku hayaan isbahaysiga dooxada Jubba, halka uu sannado oo hadda ka horaysay ka talinayey Janaral Morgan, laakiin hadana xulafada C/laahi Yuusuf iyo Janaral Morgan waxay u halgamayaan sidii ay mar labaad gacanta ugu dhigi lahaayeen marsada Kismaayo iyo degaamada ay xukunto.

Dhinaca kale sida ay tibaaxayaan wararka iyo xogaha shirkaa u dhuun-daloolaa waxa dareenkeedu taagan yahay cidda noqonaysa hogaanka sare ee dawladda la damacsan yahay inay Somaliya yeelato, waa hadii uu shirkaasi noqdo mid naajaxa, iyadoo ay dawladaha urur-goboleedka IGAD iyo dawladaha reer galbeedka ka go’an tahay inay ilowba dawlad Somaliya u talisa halkaa ku soo dhisaan. Sidaa darteed wararka qaarkood ayaa tibaaxaya inay dawladaha shirka daadihinaya qaarkood C/laahi Yuusuf u wadaan inuu noqdo Ra’iisal-wasaaraha dawladda la damacsan yahay in shirkaa lagu soo dhiso, sidoo kale waxa jagada madaxweynenimada lala hadal hayaa ninka la yidhaahdo Maxamed Caddow oo ah ninkii shirkii Jabuuti madaxweynenimada kula tartamay C/qaasin Salaad, laakiin taasi waa gacan uur ku jirta, waxayna ku xidhnaan doontaa sida ay istaraatijiyadooodu u guulaysato ururada iyo dawladaha shirka daadihinaya, iyadoo ay wararka iyo xogaha shirkaa u dhuun-daloolaa saadaalinayaan inuu shirkaasi ka duwanaan doono shirarkii ka horeeyey, taas oo la leeyahay ku talo galku waxa weeye inay shirkaa wax ka soo baxaan, iyadoo taa macneheedu yahay in ugu yaraan la dhiso dawlad.

 

Ex. Xaruntiii dadweynaha Hargeysa oo la bixiyey

H

argeysa (Haatuuf): Dhismaha ku yaal badhtamaha magaalada Hargeysa oo hadda ah xarun caafimaad, horena loo odhan jirey xarunta dadweynaha (Civil Center) ayaa shalay hawl-wadeenadii caafimaadka ee halkaa ka shaqayn jirey lagu war-geliyey inay ka urursadaan, waxayna taasi ka dambaysay markii ay dawladdu dhismahaa siisay dad qof  dadweyne ah.

Sida ku cad qoraal ka soo baxay xafiiska maayarka Hargeysa waxa meeshaa laga dhigayaa bakhaar ganacsi, sidaa darteed waxa uu qoraalka ka soo baxay xafiiska maayarka Hargeysa amrayaa in meeshaa lagu wareejiyo cidda la siiyey, laakiin qoraalka kuma cadda magaca qofka la siiyey, waxayse wararka arintaa la xidhiidhaan tibaaxayaan in la siiyey ganacsatada yar yar ka mid ah.

Sheekada la xidhiidha in goobtaa la siiyey qof dadweyne ah waxay hadal haynteedu ku sinayd ilaa sannadkii 1997-kii, waxaana jirey amaro iska soo daba baxay oo daboolka ka qaadayey in goobta la siiyey qof dadweyne ah, loona bedelayo goob ganacsi, halkii ay ka ahayd xarun caafimaad, amaradaasina waxay ka soo kala baxeen wasaaradda caafimaadka iyo maamulka dawladda hoose, laakiin sida ay wararku sheegeen marar dhawr ah ayaa la hakiyey amaro laga saaray. Sidaa darteed maayarka cusub ee Hargeysa, Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-dheere) isaga oo tixraacaya qoraalo oo sheegaya in dhismahaa la siiyey qof dadweyne ah ayuu hadda soo saaray amar kama dambays ah oo uu maamulayaasha iyo booliska dawladda hoose ku farayo inay amarkaa fuliyaan, isaga oo dhinaca kalena amarkaa ogaysiiyey dhinacyo ay ka mid yihiin: Labadiisa maayar-xigeen, xoghayaha dawladda hoose iyo isu duwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Hargeysa.

Qoraalkaasina waxa uu u dhignaa sidan:

“Tixraac warqadda Lr. WGL/694/97 ee 27-kii May 97 ujeedadeeduna ahayd warbixin Lr./F/29, kana soo baxday xafiiskii xoghayihii hore fulinta dawladda hoose ee Hargeysa iyo warqadda kale ee Lr:XMDH/H-09/01 ee 28-kii Febarweri, 2001 ujeedadeeduna ahayd soo jeedin, kana soo baxday guddiga farsamada dhulka ee maamulkii hore iyo go’aanka kale ee LR:XDH/H-3742/01ee ay ujeedadeedu ahayd warbixin bakhaar, kana soo baxday Chief Engineerka dawladda hoose ee Hargeysa iyo go’aanka kale ee LR:41/01 ee Nofembar1, 2001, ujeedadeeduna ahayd go’aan guddi fulineed, kana soo baxday guddiga fulinta maamulkii hore iyo warqadda LR:MOHL/100/1.00/ ee March1, 2001, ujeedadeeduna ahayd fulin go’aan ka soo baxay wasiirka wasaaradda caafimaadka oyo warqadda kale ee ka soo baxday isuduwaha caafimaadka gobolka Hargeysa.

Sidaa darteed anaga oo ka duulayna dhammaan dhukumantisyadaa kor ku xusan waxaan farayaa masuuliyiinta ay warqaddani sida tooska ah ugu socoto inay fuliyaan amarkaa, una furaan goobtaa, sharcigana waafajiyaan, isla markaana loo dhamaystiro dhukumantiga sharciga ah”ayuu maayarku ku soo xidhay qoraalkiisa.

Dhismahan oo hadda ahayd xarun xanaanada dhalaanka iyo hooyada (MCH), waxa mar deganaa oo ay xarun caafimaad u ahayd Dr-Bulxan, hase yeeshee markii dambe wuu ka baxay, waxaana la wareegtay dawladda, gaar ahaan wasaaradda caafimaadka.

 

Wasiirkii cusbaa ee boosaha iyo isgaadhsiinta oo is casilay

H

argeysa (Haatuf): Wasiirka cusub ee wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta, C/laahi Cumar Cige (C/laahi cadde) ayaa shalay istiqaalad u gudbiyey madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, sidaana waxa uu ku cadeeyey qoraal ku socod siiyey madaxweynaha, kaas oo ku codsanayo shaqo ka fadhiisad.

Mudane C/laahi Cadde waxa uu qoraalkiisa ku sheegay inuu sabab caafimaadkiisa la xidhiidha isaga casilay xilka, wuxuuna qoraalkiisa ku yidhi “Mudane madaxweyne waxaan si xushmad leh kuugu soo gudbinayaa codsi Istiqaalad , taas oo ay sababtay xaalad caafiimaad, taas oo aan markii hore uga waabtay xilkii aan hayey oo ahaa xil balaadhan iyo waqtiga oo u baahnaa dhabar adayg iyo adkaysi.

Mudane madaxweyne Dalkeenu waxa uu u baahan yahay talo-wadaag, iskaashi, iski duubnaan iyo inuu nin waliba halka uu joogo heegan uga ahaado xilka Qaranka ee dhamaanteen ina wada saaran. Sidaa darteed waxaan kuu ballanqaadayaa inaan mar walba diyaar u ahay wixii talo, tusaale iyo hiil-ba aad iiga baahato adiga iyo cidii kale ee dalkan xil qaran u haysa”ayuu ku xidhay qoraalkiisa. Laakiin mdune C/laahi Cadde waxa uu istiqaaladiisan ku dhawaaqay  dhawr maalmood ka dib markii laga wareejiyey jagadii wasaaradda daakhiliga ee hore u heyey, loona bedelay wasaaradda daakhiliga, sidaa darteed waxa uu istiqaaladiisa badka soo dhigay, isaga oo aan xataa la wareegin xilkii wasaaradda loo bedelay, taas oo hadii dhinac kale laga eego la odhan karo malaa waxa uu qawadey wasaaradda qarrada yar ee loo bedelay.

 

 

Kacaankii dhergiga

Taliye NO:53: Taliyahani isaga oo ka waramay sidii loo dilay Janaraal Ba’alu Girma waxa uu yidhi “Nin ay muddo dheer aqoon isu lahaayeen Ba’alu oo ahaa wasiirka gaashaandhigga, Mulgeeta Lule ayaa nin C.I.D-da u shaqayn jirey oo la odhan jirey Shamalis Sangaw u sheegay inuu gudoomiyuhu (Mingistu) doonayo. Laakiin Shamalis Sangaw ayaa markii ay fariintu soo gaadhay aniga ii yimi oo igu yidhi “Miyaad garanaysaa sababta uu ii doonayo gudoomiyuhu”, waxaana ugu jawaabay “Ma garanayo sababta laguu doonayo”, ka dibna wuu iga tegay, waxaana lay sheegay inay Shamalis iyo Mingistu in badan wada sheekaysanayeen oo ay aad isugu raageen maalintaa oo ay xataa wada wada qadeeyeen. Hase yeeshee markii ay soo sheeko dhamaysteen ee uu ka soo laabtay ayuu Shamalis Sangaw I soo maray, wuxuuna igu yidhi “Gudoomiyuhu wuxuu ii doonayey inuu iga waraysto Ba’alu”, waxaan markaa ugu jawaabay “Aniga maxaad iigu sheegaysaa, orodoo isaga (Ba’alu) u sheeg. Laakiin maalintaa habeenimadeedii waxaan maqlay in Ba’alu Girma ay C.I.D-du kaxaysatay, wax yar ka dibna waxa C.I.D-da ka soo baxday waraaq la leeyahay Ba’alu Girma maadaama uu baxsaday hala soo qabto.

Anigu waxaana aaminsahay in colaadda uu Mingistu ninkaa (Ba’alu) u qaaday inuu geliyey Shamalis Sangaw iyo Tasfaaye Welda Salaase.

Ba’alu Girma waa la dilay, waxaana dilkiisa fuliyey Tasfaaye, waxaana amarka dilka soo bixiyey Mingistu.

Tasfaaye anigu ma jecli, laakiin waxa uu ahaa nin Mingistu aad ugu daacad ah, isla markaana waxa uu ahaa nin dadka iyo dalkaba aqoon badan u leh (Intelligence), sidoo kalena laga soo bilaabo ilaa markii uu Mingistu talada qabsaday waxa uu ahaa ciidanka nabad sugidda.

Ninka la yidhaahdo Janaraal Taariku Layna waxa uu berigii hore taliye u ahaan jirey Mingistu, aadna wuu u cadaadin jirey Mingistu xiliga uu taliyaha u ahaa, wuxuuna Taariku ahaa sarkaal aqoon badan leh, laakiin Mingistu taa kama cafiyin, wuuna dilay markii dambe ee uu talada qabsaday, waxaana taageerayaasha Mingistu ka maqlay “Taariku waxa loo dilay fal musuqmaasuq”, laakiin meel uu lacag heloba ma joogin Taariku, sidaa darteed taasi marmarsiinyo ayuun bay ahayd iska ahayd ee sababta dilku waa wax kale, wayna iska cadahay. Tusaale ahaan maalin maalmaha ka mid ah Mingistu waxa uu Taariku ku yidhi “Adigu ma lihi karti aad wax ku hogaamiso”.

Maalin maalmaha ka mid ah Mingistu waxa uu Taariku ka hadlayey inka badan saddex saacadood, waxaana ereyadiisa ka mid ahaa “Iska daa in xil muhim ah oo dawladeed loo dhiibo’e xataa may ahayn in taliye looga dhiggo guutada Naadaw”, laakiin ninka uu Mingistu leeyahay karti ma lahayn waxa uu ka mid ahaa ragga ugu aqoontu badan, uguna kartida badan saraakiisha Itoobiya.

Gebi ahaanba Mingistu waxa uu ahaa nin aan talooyinka iyo waanooyinka ay dadku u soo jeediyaan qaadan ee aragtiisa iyo aqoontiisa uun ku socda, sidaasina waa sidii uu dalka ku rogay.

Tusaale ahaan may ahayn hawl-galadii dalka ka jirey dalka Ruushka laga sameeyo Itoobiya oo dalka Itoobiyo lala maseeyo Ruushka, taasna waxa tusaale u ah hawl-galkii la magac baxay ololaha cas oo lagaga dayday Ruushka, falalkaa caynkaas ahna may ahayn in la sameeyo.

Mingistu iyo kuxigeenadiisii fekerkii maarkiisiisamka (Shuuciyadd) iska aqoon ay yaqaanaanoo xataa may ahayn kuwo inta ay buugaagta halka dambe la galeen soo akhristay.

Markiisamku waxa uu lahaa kacaanku waa inuu la socdaa had-ba xaaladdu sida ay tahay, laakiin Mingustu iyo raggiisa kuma uu jirin nin qudha oo taa akhristay. Tusaale hogaamiyayaashii shuuciga ahaa ee reer Poland waxay ahaayeen niman diiniyiin ah oo wax badan aqoon leh, laakiin kuwii Mingistu sacabada u garaacayey waxay ahaayeen kuwo indho la’  oo wax kale iska daayoo waxay gooyeen dhirtii ay beereen, waxayna meeshoodii ka taageen taaladii Lenin.

Mingistu waxa uu ahaa nin mashaakil ah ama qumay ah, waayo markii la abuuray golaha Dhergiga isagu waxa uu samaystay ciidan gaar ah oo si gooniya loo biiliyo, kuwaas oo amarkiisa oo qudha ku dhaqmaya, laakiin hadii aanu Mingistu joogin ninka kale ee ciidankaas amri jirey waxa uu ahaa Mangistu Gamaju, sidaa darteed ciidankaasi labadooda oo qudha ayuu u xidhnaa oo amarka ka qaadan jirey.

Inqilaabkii bshii May 89-kii, ragga fashiliyey waxay ahaayeen Mangistu Gamaju iyo Tasfaaye Welda Salaase, iyaga oo hawl-geliyey ama isticmaalay ciidamadaa aan cid kale ka amar qaadan jirin… La soco cadadka dambe.

 

Awr Dabar La’aan dhacay waxa cuna dugaagee

Hadii aanu nahay cuqaasha, odayaasha iyo wax garadka reer Gebilay ee ay magacyadoodu hoos ku qoran yihiin waxaanu cabasho ka muujinaynaa wasiir ka tirsan xukuumadda Somaliland, una dhashay degaankaa, waayo waxa uu ku kacay falal waxyeelo ku ah wada noolaanshaha dadka degaanka, sida kala fogaynta iyo kala daadinta isku duubnid beelaha degaankaa ku wada nool iyo luminta xuquuqdayada, isla markaana wuxuu lumiyey kalsoonidii xisbiga UDUB ee degmada Gebilay.

Tusaale ahaan maalin buu shir qabtay, wuxuuna yidhi waxa la qaybsanayaa golihii degaanka ee soo qaysada hadii aad cuqaasha tihiin, una soo gudbiya gudoomiyaha UDUB, isla markaana hadii aanu beelaha reer Gebilay nahay saami cayiman ayaanu kala leenahay, dabadeedna waanu soo xulanay, laakiin laba maalmood ka dib waxaanu maqalay inuu iska daadiyey xubnihii aanu soo xulanay isaga oo nagala tashan, waxaanuna dacwad gaadhsiinay madaxda sare ee UDUB ilaa guddiga doorashada, laakiin halkaana kagama hadhin, isaga oo xushay xubno isaga daacad u ah, iska daa Gebilay oo wuxuu xataa dhex galay oo kala qaybiyey xubniii Allaybaday ee UDUB. Arimahaasna waxaan aaminsahay inuu doonayo inuu degmada ku khal-khaliyo, anaga oo dareensan inay u qarsoon tahay falal ay rag hore ku kaceen.

Sida uu sheegay anagu ma ogin UDUB labaad ee hal UDUB ayaa dalka ka jira oo la wada ogyahay.

Ta kale nimanka dhaleeceeyey wasiirka cusub ee arimaha gudaha, waxaanu leenahay taasi meesha ma qabato hadii aan laga hor tegayn cidda daacadnimo ka muuqato.

Ugu dambayn ninkaa wasiirka ah waxaanu u soo jeedinaynaa inuu dhufayska ka soo baxo oo mabda’iisa cadaysto, anaga oo leh wixii dhibaato wada ilaahow dhibkiisa na dhaafi.

Magacyada dadka qoraalkan saxeexay

1-Caaqil Aw Yuusuf Magan  2-Caaqil Yaasiin Caqli 3- Caaqil Nuur Cilmi Samatar 4- Caaqil Muxumed Xirsi Xuseen  5-Caaqil C/laahi Qaale Fariid   6- Caaqil Maxamed Cige Geelle 7- Isam Xuseen Aw-Muuse 8- Sh. Maxamuud Nuur Warfaa  9- AwJibriil Taani Geedi  10- Maxamed Cumar Warsame 11- Cismaan Miiggane Suldaan 12- Ismaaciil Cali Gurey 13- Cali Cabdi Barkhad 14- Xasan Xuseen Samatar 15- Ismaaciil Aw-uuse Sh. Xasan 16- Cumar Muxumad Sayre 17- Maxamed Cismaan Dhegeweyne  18-Isaaq  Cali Barre  19- Mustafe Cali Barre 20- Aw-Daahir Cumar Taani  21- Cabdi Miigane Nuur.

 

“waa Gudi Is Caleemo Saartay Oo Aanay waxba ka Jirin

H

argeysa (Haatuf): Qoraal ay ku saxeexan yihiin 18 xubnood oo ah aqoonyahano iyo shaqsiyaad kale oo ka tirsan beesha ciidagale ee deegaanka gobolka Hargeysa ayaa xalay soo gaadhay Wargeyska Haatuf, qoraalkaas oo ah baaq ay kooxaha soo qoray u jeedinayaan dawladda Somaliland iyo shacbigeeda wuxuu u qornaa sidan soo socota,

“anaga oo ah aqoonyahano beesha ciidagale ee magacyadoodu hoos ku qoran yihiin waxaanu u sheegaynaa dawladda Somaliland & shacbigeeda in aanay waxba ka jirin gudi tidhi waxaanu nahay gudi siyaasadeed oo sheegta magaca beesha oo kolba ku shirta inay tahay gudi is-caleemo saartay oo aanay waxba ka jirin.

Magaca beeshaba ay ku hadli karaan golayaasha Qaranka & madax dhaqmeedyada beesha oo qudhi, iyada oo xili axsaabeed ay jirto oo laga guurayo beelihii”

Magacyada

Dr. deeq Cabdi xaashi

Dr. cali Xasan xirsi

Dr. axmed cali Maxamed

Dr. naasir Muuse Ismaaciil Cumar Geelle

Dr. axmed saalim cige

Maxamed weyrax Warsame

Cabdilaahi cali Muxumed

Jamaal sahil geele

Maxamed Yuusuf cige

Cabdilaahi Xasan iidaan

Faysal xuseen qawdhan

Cabdiqaadir siciid xuseen

Cabdi geele Jaamac

Cabdi Xasan Cabdi

Yuusuf maxamed cali

Maxamuud biixi cali

Cabdi cali Jaamac

Maxamed Jaamac maxamed (Cabdale)

 

 

“ururka ama Madaxda aad u aragtaan inay mustaqbalkiina, kan carruurtiina”

B

oorama (Haatuf): Gudoomiye ku xigeenka labaad ee urur siyaasadeedka KULMIYE siraad cali Yuusuf ayaa weli ku guda jirta ololeheeda dhinaca siyaasada ee ay ururkoodu ku hanan lahaa taageerada guusha tartanka hogaanka dalka. Gudoomiye ku xigeenadu oo shalay booqasho ku tagtay deegaanka Baki ee gobolka Awdal, ayaa waxa si diiran u soo dhaweeyay duqay iyo waxgaradka degmada Baki iyadoo ka waraysatay xaaladda nololeed dhaqaale iyo nabadgelyo. Socdaalka siraad cali Yuusuf ku tagtay deegaanka Baki waxa ka horeeyay socdaal ay salaasadii ku tagtay magaalada Boorama halkaasoo loogu soo dhaweeyay tobonaan gaadiid ah oo ay saarnaayeen taageerayaasha ururka KULMIYE ee Boorama.

Hadal ay gudoomiye ku xigeenadu uga jeedisay fagaarahaa ku yaal badhtamaha magaalada (khyriyada) Boorama, waxay dadweynaha uga mahad celisay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Boorama iyadoo ka waramaysa dhinaca Siyaasadda waxay siraad cali tidhi “anigu odhan maayo na doorta oo khasab ma aha, dalku waa dimuqraadi waxaase cida ama ururka Madaxda idin kula talinayaa inaad doorataan mustaqbalkiina, kan carruurtiina, caafimaadkiin, iyo waxbarashadiina, wax idiinka qabanaya”

Socdaalka gudoomiye ku xigeenka waxa ku wehelisay marwada Gudoomiyaha urur siyaasadeedka KULMIYE iyo xubno ka socday qaar ka tirsan ururada haweenka dalka iyo gobolka ka jirta.

Soo dhaweynta gudoomiye ku xigeenka ayaa waxay neef qabaw ka soo saartay urur siyaasadeedka KULMIYE oo dhawaantan taageerayaal ururka UDUB ahi kala daadiyeen soo dhaweyn heer sare ahayd oo loo sii sameeyay Gudoomiyaha KULMIYE axmed maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

 

Si xun wax u maamul sixir ka daran

Marka la aasaaso urur ama Xisbi waxa loo sameeya xeer iyo barnaamij uu ururkaasu leeyahay kaas oo lagu ansixiyo shirweyne ururkaasu isugu yimaado markaa waxa ku waajiba dhammaan xubnaha ururka inay ku dhaqmaan, oo fuliyaan wixii ay jidaysteen, sidaa awgeed ururka UDUB wuxuu leeyahay xeer iyo barnaamij ay tahay in ururka lagu dhaqo, ee ururka UDUB wuxuu baal maray oo ka leexday ujeedooyinkii ururka ee ay ahayd inu ku dhaqmo.

Hargeysa wuxuu kala qaybinayaa ururka waxaanu carqalad ku yahay habsami u socodkii hawlaha ururka isagoo leh weji qabyaaladeed.

Taageerayaashii ururka waxa loo qaybiyay reero sida ay tahayna waa kala dirida ururka tolow maxay noqonaysaa musharaxa leh taageerayaashiisa buuxiyayna shuruudihii looga baahnaa iyo kuwii xulistaba, iyo waliba qaar kale oo dheeraada marka laga tago in lagu daro liiska lana tuuro faylkiisa, laguna reebo hab beeleed, la qaato midaan buuxin shuruudihii looga baahnaa iyo habkii xulista murashaxiniinta oo lagu soo xushay hab qabiil Sidaasi ma dawbaa? Ma xeerbaa? Ma xaqbaa? Miyaa la ogolyahay Gudoomiyaha gobolka inuu sidaa yeelo? Si xun wax u maamul sixir ka daran, Gudoomiyaha ururka iyo gudoomiye ku xigeenka ururka, iyo xubnaha Golaha dhexe ee ururka UDUB waxaan u soo jeedinayaa in arritan oo ururka ku keenaysa sumcad darro iyo kala qaybsanaan ahna xeer jabin urur iyo mid qaranba in wax laga qabto oo la saxo khaladkaa haddii kale waxa ururka ku dhacaya qaybsan aanu ka soo waaqsan karin.

Faarax Aadan Jaamac Hargeysa

 

Hoonka Baabuurta Qaadka wax halaga qabto

Ciidanka nabadgelyada wadooyinka waxa aanu ka codsanaynaa in ay wax ka qabtaan hoonka ba’an ee ay tumayaan baabuurta qaadku marka ay soo gelayaan magaalada Berbera.

Sida aynu ka warqabno waxa aynu galnay bishii barakaysnayd ee Ramadaan oo inagu waajib ah in aynu soono, maadaama aynu nahay umada muslina 100% bishan oo uu ilaahay soo dejiyay qur’aanka kariimka ah bishan ramadaan waxa ay leedahay fadaa’il dheeraaada sida uu rasuulku inoo tilmaamayna waxa ay u qabsantaa saddex tobnaad. Tobanka ugu horeeya waxa uu inoogu sifeeyay naxariis, tobanka dhexena dambi dhaaf, tobanka dambena waxa uu inoogu sifeeyay in uu ku jiro habeenka laylatul qadri oo ah habeen ka kheyr badan kun bilood, oo camalka khayrka leh ee aad samaysaa uu la midyahay camal aad moodo sideetan sanadood ah aad soo waday. Haddaba waxa la doonayaa in aynu ka faa’iidaysano oo aanu dhayal inagu dhaafin khayrka iyo barakada ay xambaarsantahay bisha Ramadaan. Qaadlaha iyo baabuurtiisana waxa aanu odhan lahayn Ilaahay ka yaaba oo inkaar ha naga shaqaysanina ee hoonka naga yareeya waanu dhibsanaynaaye inta lagu jiro bisha Ramadaan.

Cabdi haaruun cali haaruun macruuf Berbera

 

Ilaa imika waxay u xidhan yihiin lama garanayo

Asalkaba bani’aadamku wuxuu xayawaanka kaga duwan yahay ismaamulka iyo kala dambaynta ismaamulkaasi haddii uu wanaagsanaa wuxuu horseedaa horumar, hadduu xumaadana fawdo iyo dib u dhac. Dadweynaha reer Boorama waxay muddo ka nasteen xasilooni darro laga dhaxlay maamulkii Boorama ee kan ka horeeyay kaasoo wakhtigaas sababay dhimasho lix qof, falalka keenay dhibtaasi waxay ka dhasheen dhul kooxo dhalinyaro ah iyo maamul xumo aanu maamulkaasi kala garanayn xalinta mashaakilaadkaasi, iyo caddaalad darro. Haddaba iyadoo beryahan dambe aad moodo inay dadweynuhu soo xusuusanayaan qalalaasaha wakhtigaas marka la eego muuqaalka maanta ee Boorama ayaan moodaa in la shiday. Taariikhdu markay ahayd 5/11/02 ayaa Ciidanka amaanku weerar ku kiciyeen qoys nabad ku seexday, wakhtigaas oo ahayd 3:00 aroornimo waxay Ciidanka birmadka xabsiga dhigeen xubno ka tirsan qoyskaasi intii baxsatay mooyee, iyadoo aan la garanayn sababta sidaa cadaawada leh ee Ciidankaasi u dhaqmay, markii aan weydiinay waxa sidan keenay waxay noogu jawaabeen maxkamada sare ayaa soo amartay taasoo aanan hubin dadkaasi oo Boorama degenaa mudo ka badan 27- sanadood, ilaa imika wax loo haysto lama garanayo. Falalka caynkaas ahina waxay xumaynayaan xidhiidhka Shacbiga iyo xukuumada sidaa darteed waxaan codsanaynaa in dadkaa ku xidhan sabab la’aanta lasii daayo, maadaama aan la horkeenin maxkamadaha sharciga. Nabadgelyadana waxa fiican inay Shacbiga iyo xukuumadu ka wada shaqeeyaan ee maaha in xukuumadu dadweynaha kula kacdo tacaddi iyo cabudhin waxaanan hadalkayagii ku soo gunaanadaynaa nabadu shacbi iyo Xukuumadda waa u dan.

Cismaan tukaale aw cali

Cabdi nuur dumaal

Xasan buug

Axmed Muxumed warmahaye

Shabar Aadan cali Boorama

 

Baro xuquuqdaada

3. sida ay musharraxiintu liiska ugu kala horeeyaan ee la isugu xigsiiyaya ayaa loo aqoonsanayaa in loo soo kala doortay ururka/xisbiga gudihiisa.

4. muran kasta oo ka dhasha xeraynta ama bandhiga liis musharraxiin oo ka dhex dilaaca urur/Xisbi gudahiisa waxa go’aan ka gaadhaya Golaha dhexe ee xisbiga/ururka arrintu khusayso.

 

2.1. 1. 3. qodobka 24aad

astaamaha liistooyinka musharaxiinta

1-      Astaamaha liisaska musharaxiinta ee ururada/xisbiyada ka muuqdaa waa inay kala duwanaadaan marka la soo bandhigayo.

2-      Xisbi/ururna waa in aanu isticmaalin astaan uu Xisbi/urur kale hore ugu isticmaalay doorasho hore.

3-      Astaantu waa in ay ahaato mid gaar ah oo muujinaysa sumada aqoonsiga, hase yeeshee waa in aanay ka muuqan calaamado dawladeed, qabyaaladeed ama dariiqo.

4-      Xisbi/urur wuxuu isticmaalayaa astaan keliya markuu soo bandhigayo musharaxiinta heerka deegaanka ama madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

2.1.1.4 qodobka 26aad

qabashada liiska musharaxiinta

3-liistooyinka musharaxiinta madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waa in la geeyo xafiiska gudida, kuwa musharaxiinta deegaanadana la geeyo xafiisyada doorashada degmooyinka ka hor 6-da galabnimo maalinta 45aad intaanay codbixintu dhicin, iyadoo ay dhan yihiin lifaaqyadiisa ku tilmaaman xeerka.

4-Xafiiska guddiga ama xafiisyada doorashada ee degmooyinka waxay hubinayaan in musharaxiinta liisaska ku qorani buuxinayaan dhammaan shuruudaha u dhigan heerkooda, musharaxa aan buuxin shuruudaha waxa lagu celinayaa urur/xisbigii soo sharaxay si ay bedelkiisa u keenaan muddo loo cayimay.

2.1.1.5 qodobka 27aad

sheegida liisaska musharaxiinta

1-      Gudida iyo xafiiyadooda degmo kasta waa inay diyaariyaan qaabka sheegida musharaxiinta iyadoo u habaynaya siday u kala horeeyaan, kana muuqato astaamahaoodii.

2-      Guddida iyo xafiisyadiisa goob kasta oo cod-bixineed waa inay qoraal ahaan diyaariyo qaab sheegid liisaska musharaxiinta degmada iyadoo lagu dhejinayo goobaha cod-bixinta degmada.

3-      Guddida iyo xafiisyadiisu waa inay 30 maalmood ka hor taariikhda cod-bixinta ku dhejiyaan liisaska musharaxiinta degmada goobaha fagaarayaasha, boodhadhka ogaysiiska, xafiisyada dawladaha hoose iwm. Sidoo kale waa in suuqa lala maro oo cod baahiye lagu sheego, haddii ay suura gal tahayna idaacada laga sheego ama wargeysyada lagu baahiyo.

 

 

2.2 mabaadii’da doorashada

 

2.2.1 qodobka 47aad

nidaamka cod-bixinta

1-      markuu dhamaado hawlgalka ku xusan qodobka hore, Gudoomiyaha goobta cod-bixiyaha siinaya warqadii cod-bixinta oo lagu dhuftay goobta oo laga reebay dabadii hadhaaga ahayd ee laga gooyay.

2-      Markaa cod-bixiyuhu wuxuu gelayaa qolka yar ee warqada ku soo calaamadaynayaa, kuna soo xardhanayo.

3-      Cod-bixiyuhu wuxuu calaamad soo saarayaa warqadii cod-bixinta oo ka soo saarayaa dhinaca midig ee astaanta uu codka siinayo, asagoo isticmaalaya qalin-biro ah oo uu siinayo Xoghayaha goobtu. Ka dib warqadii wuu soo laabanayaa isagoo ku xidhaya dacalkii yaraa ee xabagta lahaa waxaanu ku ridayaa sanduuqii loogu talo galay cod-bixinta.

4-      Makuu cod-bixiyuhu warqadiisa ku rido meesha daloosha sanduuqa, waa inuu goobta ka baxo, waxase ka horeysa inuu Gudoomiyaha goobtu hubiyo in cod-bixiyaha ay si fiican uga muuqato calaamadii aan tirtirmayn, markaas haddii aanay calaamadu si fiican u muuqan waa in lagu celiyo mar kale, si loo cadeeyo inuu codkiisa dhiibtay.

5-      Haddii cod-bixiyuhu arko in warqadda la siiyay aanay dhamayn ama dhaawac qabto, waa inuu soo celiyo oo Gudoomiyaha goobta weydiisto mid fayow, arrintaas waa in qoraal ahaan loo diiwaan galiyo.

6-      Gudoomiyaha goobtu wuxuu xaq u leeyahay inuu goobta ka saaro cod-bixiye kasta oo cudur-daar la’aan goobta ku daaha oo laga qaado warqada cod-bixinta, waxaana markale loo ogolaan karaa inuu codkiisa dhiibto markay dadkii kale ee goobta ku sugnaa ee codkooda dhiibanayay ay dhamaadaan.

7-      Haddii cod-bixiye lagu helo inuu sito waraaqo cod-bixineed oo dheeraad ah ama kuwo kale oo ka duwan kuwa codka lagu bixinayo ama hore codkiisa u soo dhiibtay Gudoomiyaha goobtu waa inuu si degdeg ah u amro inla qabto oo booliska u dhiibo si maxkamad loo horgeeyo, arrintaas waa in qoraal ahaan loo diiwaan galiyo.

 

Wareega Labaad Ee Ciyaaraha Champion-ka

16 kooxood ayaa isugu soo hadhay wareega labaad ee ciyaaraha koobka Champion-ka kuwaas oo kala ah; 1 Real Madrid
2 Manchester United
3 Barcelona
4 Valencia

Seeding Pot 2
5 Juventus
6 Arsenal
7 Internazionale
8 AC Milan

Seeding Pot 3
9 Deportivo La Coruna
10 Bayer Leverkusen
11 Roma
12 Borussia Dortmund

Seeding Pot 4

13 Lokomotiv Moscow

14 Ajax

15 Newcastle United

16 Basle ……..

isku aadka wareegan labaad ee kooxaha ayaa soo baxaya maanta, iyadoo aanay isku beegmayn kooxaha isku arkay wareegii hore ee tartanka ciyaaraha Champion-ka sidoo kale ayaanay kooxaha isku dal ka yimid aan laga dhigayn isku group, habka loo shaxaynayo isku aadkan ayaa la filayaa inuu si hubanti ah isugu beego kooxaha Manchester United iyo Deportivo La Coruna oo ay Manchester kaga adkaatay markii ay afar kooxood isugu soo hadheen wareega kama dambaysta ah. Madaxa Manchester United oo ay ka muuqatay in aanu saadaalin karayn waxa ay kooxdiisu ka mudan karto sanadkan ciyaaraha Champion-ka Sir Alex Ferguson ayaa ciyaaraha Champion-ka ka yidhi “ waa wareeg iyo tartan ay sanadkan adagtahay sida guul looga soo hooyaa”.

Spain waxa wareegan ugu jira afar kooxood halka talyaanigana rubuc ka mid ah kooxaha kale ee safanaya wareegan ka tirsan yihiin kooxihiisa, Ingiriiska ayaa isna ku leh (3) kooxood wareegan, halka Basel ay markii ugu horeysay u tartamayso Switzerland wareega labaad ee tartanka horyaalada champions. Group-ka G ee ciyaaraha Champions-ka waxa goolka guushu ay ku raacday Deportivo La Corun oo 2-1 kaga adkaatay AC-Milan waxa u dhaliyay Roy Makaay, markii hore waxa goolka ku horeysay AC-Milan, waxaase goolka barbareynta u dhaliyay Kooxda Diego Tristan inta aanay goolka ay ku badisay aanu u saxeexin Makaay, labada kooxoodba waxay kaga soo baxeen Group-ka G ciyaaraha tartanka Champions-ka min (12) dhibcood.

Kooxaha Gruopka (H) Barcelona ayaa 3-1 ku jiidhay Kooxda Galatasaray saddexda gool ee ay guushu ku raacday Barcelona waxa u kala dhaliyay Dani, Gerard iyo Giovani. Kooxda Locomotiv Moskow ayaa ugu hooseysaysay groupkan H, waxaase ay ku timid kaalinta labaad Group-kaas ay ku soo baxday markii ay 2-0 kaga guulaysatay Kooxda Brugge, waxaana labada gool u kala dhaliyay L.Moskow Julio Cesar iyo Dmitry Loskov. Arbacadii ayay Newcastle guul darro baday Kooxda Feyenoord markii 3-2 ay kaga adkaatay Sidaana ay Newcastle ku daba-joogsatay Kooxda Juvantus oo ugu horeysay group-ka E u soo bixida wareega labaad ee ciyaaraha champions-ka. Ciyaarta oo laba gool iyo laba gool ay kala dhaliyeen Newcastle iyo Feyenoord waxa goolka ugu dambeeyay ee guushu ku raacday Newcastle u saxeexay Bellamy. Group-ka F Manchester United ayaa horumar samaysay markii ay laba gool kaga badisay Kooxda reer jarmal Bayern Liver-Kusen.

Labada gool waxa u kala dhaliyay Manchester United Juan Sebestian Veron iyo Ruud, Kooxda Bayern Liver-Kusen iyadu wax gool ah may dhalin.

 

 

Hogaamiyihii Ikhwaanul Muslimiin Oo Geeriyooday

Qaahira (W. Wararka) Hogaamiyihii ururka Ikhwaanul Muslimiin Sheekh Mustafe Mash-huur ayaa ku geeriyooday maalintii shalay magaalada qaahira ee dalka Masar iyadoo cimrigiisu yahay 83 sano. Sh. Mash-huur oo todobaadkii tagay uu helay xanuun ku soo boodo ahi waxa uu yaalay Cusbitaalka halkaas oo uu ku geeriyooday, Sh. Mash-huur waxa uu hogaamiye u ahaa ururka ugu weyn ururada Islaamiga ah ee ka jira Caalamka kaasoo ah ururka Ikhwaanul Muslimiin, waxaana la filayaa inuu beddelo ku xigeenkiisii Sh. Ma’muun oo haatan u ahaa ururka hogaamiye intii uu bukay Sh. Mash-huur. Ilaahay ha u naxariistee Sh. Mash-huur waxa la Xidhay cahdigii Jamaal Cabdi Naasir 1965kii-----1971kii markaas oo uu cafiyay Madaxweyne Anwar Al-Saadaat oo markaa hayay xukunka Masar. Marar badan ayuu Sh. Mash-huur dibadaha ku ahaa Laaji sida Kuwiet iyo Jarmalka oo uu joogay 5 sanadood.

1996kii ayay Ikhwaanul Muslimiinku Sh. Mash-huur u doorteen hogaamiyahooda ka dib markii uu geeriyooday hogaamiyihoodii hore Xaamid Abu Nasir.

Ururka Ikhwaanul Muslimiin waxa la aasaasay 1928kii waxaana aasaasay  Xasan Al-Bana, kaasoo markii dambe ku faafay dalalka Islaamka oo dhan. Waxaanu ururku ku socdaa siyaasad ka soo horjeeda in xoog la adeegsado balse hagaajin lagu sameeyo maamulka dalalka Islaamka si aayar aayar ah. Waxaa kale oo ururku aaminsanyahay habka Axsaabta badan, isagoo xubno baarlamaan ku leh dalal badan oo Islaam ah. Alla Ha u naxariistee Sh. Mash-huur maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso magaalada Qaahira, halkaasoo uu ka dhici doono aaska marxuumku