Siiradii Nebi Muxamed (CSW)
Markii
ay dhammaatay muddadii saddexda beri ahayd oo ay ugu talo galeen inay godka ku
jiraan ayaa Cabdullaahi binu Ureyq keenay labadii neef oo geela ahaa oo ay ku
bixi lahaayeen. Abuubakar ayaa Rasuulka SCW siiyey labada neef kii wanaagsanaa,
markaasaa Rasuulku yidhi "qiimihiisa ayaan kuu celinayaa oo aan ku
qaadanayaa", Abuubakarna arrintaas wuu diiday, hase ahaatee Rasuulku SCW
wuxuu ku adkaystay go'aankiisa isagoo laga yaabo inuu rabay kheyrkaas iyo
ajarkaas hijrada inuu ku maro wax uu leeyahay. Asmaa' bintu Abuubakar waxay
iyaduna keentay jiscinkii waddada lagu mari lahaa hase yeeshee waxay soo
illowday xadhiggii lagu rari lahaa alaabta markaasay boqonkeedii dhexda ugu
xidhnaa laba u kala jeexday oo midna siisay midna la hadhay. Sidaa dardeed
Asmaa' waxaa lagu naaneysi jirey laba boqonley.
Dabadeed
Rasuulka SCW iyo Abuubakar way baxeen iyadoo uu la socdo Cabdullaahi ibnu Ureyq
oo ahaa ninkii labada neef oo geela haa keenay, ahaana nin dhulyaqaan ah,
safarkana hogaaminayey, wuxuuna awrka la fangashanaa (lasaarnaa) Abuubakar.
Wuxuu ka bixiyey meel aan la marin oo dhinacii koonfureed ah, ka dibna hoos iyo
dhinaca bari oo badda ah ayey mareen. Abuubakar maaddaama uu ahaa nin aad loo
yaqaan oo ummad badani garanaysey markii la weydiiyo oo lagu yidhaahdo "waa
kuma ninkan kula socda?" wuxuu ku jawaabayey "waddaduu igu
hanuuninayaa" isagoo ula jeedda waddada xaqa ah ayuu igu hanuuninayaa.
Nimankii
reer Makka markay meel walba ka raadiyeen Rasuulka SCW iyo Abuubakar oo ay 3
maalmood baadi goob iyo orod ku jireen oo ay ka quusteen ayey waxay bixiyeen
ogeysiis ay u direen beled iyo baadiyaba oo ay ku leeyihiin "ninkii
Maxammed ama saaxiibkii Abuubakar midkood nolol ama geeri ku keena wuxuu
leeyahay boqol halaad". Reer baadiyihii oo ahaa dad aad u xoolo jecel waxaa
galay hunguri iyagoo u hanqal taagaya geelaas tirada badan, nin walbana
dhinaciisa ayuu u orday. Muddo saddex maalmood ah markay Rasuulka SCW iyo
Abuubakar sii socdeen ayaa ninka la yidhaahdo Sureyqa binu Maalik isagoo rag la
fadhiya waxaa u yimid nin markaasaa ninkii la weydiiyey oo lagu yidhi "ma
aragtay nimankaas", markaasuu ninkii ku jawaabay "wax ma arag laakiin
meel halkaas ah waxaa iiga muuqanayey bidhaan dhowr qof oo wax saaran ah".
Sureyqa markuu hadalkaas maqlay dhareerkii ayaa ka daatay isagoo rajaynaya in ay
boqolkii halaad u soo gacan galeen, wuuna fahmay in ay raggaas la tilmaamayo
yihiin Rasuulka SCW iyo Abuubakar. Sidaa darteed wuxuu sameeyey khiddaad uu ku
rabo in raggaa meesha fadhiya ayna arrinta fahmin si ayna geela ula qaybsan,
wuxuuna yidhi "war aamus waxaad aragtay waa nimankii reer hebel oo geelu ka
baxsaday oo halkaa marayaye'. Halkaas arrintii looga aamusay oo waxaa loo qaatay
in Sureyqa arrintiisu dhab tahay.
Sureyqa
markii muddo meeshii la fadhiyey oo arrintii la hilmaamay ayuu wuxuu yidhi
"intaan kacay oo guriga galay ayaan gabar la hadlay oo ku idhi
"faraskeyga gadaal iiga bixi oo buurtaa gadaasheeda ii gee", aniguna
intaan labistay oo hubkeygii qaatay baan dhuumasho ahaan faraskii ugu tegey,
dabadeedna waxaan ka daba tegey Rasuulka iyo Raggii la socday. Markaan u
dhowahay ayaan qori tuurtay, markaasaa waxaa iii soo baxay kii aan nebcaa oo ah
inaanan wanaag ka helayn (oo aan ku khasaarayo), aniguse kama yeelin arrintaa oo
hore ayaan u sii socday. Markaan ku dhawaaday ayuu faraskii cagaha dhulka si
fiican ula galay, qaacna ka baxay meeshii, markaasaa waxaa ii caddaatay in
Maxammed aanan waxba gaadhsiin karin uuna guuleysan doono sidaa darteed intaan
qeyliyey ayaan ku idhi 'ammaan ayaad iga helaysaan waana idin nabad gelinayaa ee
Maxammedow ii qor warqad amaan ah si haddii aad berri wax qabsato oo aad
guuleysato aan u heysto'. Rasuulku SCW wuxuu amray Caamir ibnu Fuhayr in uu
waraaqadda u qoro. Suraaqa ayaa markaa hadlay oo ku yidhi Rasuulka SCW
"maxaad iiga baahan tihiin cunto iyo wax walba wan hayaaye', markaas ayaa
lagu yidhi "waxba kaagama baahnin ee wixii aad aragto naga jeedi"
"waa yahay' ayuu isna ku jawaabay, dabadeedna markuu laabtay cidduu arko
wuxuu ku oranayey "dhinacaa anigaa soo maray oo cidi adinkama jirto".
Rasuulku
SCW iyo raggii la socday waxay gaadheen Quba oo xoogaa ka baxsan Madiina.
Waqtigaasi wuxuu ahaa maalin Isniin ah 8dii Rabbiicul-awal sannadkii 1aad ee
hijriga.
Dadkii
muslimiinta ahaa ee Madiina joogey oo isugu jirey muhaajiriintii Makka ka timid
iyo Ansaartii degganeyd Madiina markay maqleen in Rasuulku SCW ka soo baxay
Makka ayey heegaan galeen oo maalin walba waxay tegi jireen duleedka Madiina
iyagoo eegaya wax soo socda. Sidey sidaa u ahaayeen ayey maalinkii dambe iyagoo
sidii u sugaya markay qorraxdii ku kululaatay meeshii ka tageen, markii ay
tageen ayaa waxaa Rasuulka SCW arkay nin yahuudi ah markaasuu aad u dhawaaqay oo
yidhi "waxaad jecleydeen oo aad suggeyseen ayaa yimid". Muslimiintii
ayaa soo firxaday iyagoo hubkoodii wata oo takbiirsanaya Rasuuulkana SCW soo
dhoweynaya. Dabadeedna hareeraha ayey ka galeen. Rasuulka SCW wuxuu ku degey
reer bini Camar bini Cawf Xaafadooda, gaar ahaan wuxuu ku sii degay ninka lay
yidhaahdo Kaltuum ibnu Hadiyi. Dad badan oo muslimiinta reer Madiina ka mid ahaa
ma ayna kala garaneyn Rasuulka SCW iyo Abuubakar hase yeeshee markii dambe ayey
ogaadeen. Ka dib Rasuulku SCW wuu fadhiistay, Abuubakar wuu istaagey isagoo
dadkii soo dhoweynaya. Intii Rasuulku SCW meesha joogey waxaa Makka ka yimid
Cali binu Abii-dhaalib oo soo dhameeyey hawshii uu Rasuulku SCW u xilsaaray iyo
ammaannadii uu uga soo tegey.
Rasuulku
SCW wuxu Quba joogey dhowr maalmood, wuxuuna ka dhisay masaajidka la yidhaahdo
Masjidu Quba. Ka dibna wuxuu Rasuulku SCW ka tegey Quba maalin jimce ah oo uu
Madiina tegay isagoo ay muslimiintii dhinacyada ka socdaan. Markaas. Markuu sii
maro qabiil walba oo Ansaar ka mid ahna waxay lahaayeen "annaga nagu soo
deg" laakiin Rasuulku SCW wuxuu lahaa 'hashaani way amran tahay meeshii ay
fadhiisato ayaan ku degayaa". Waxay ugu dambayntii hashii fadhiisatay oo uu
ku degay meesha masaajidkiisa uu ka dhisay oo ay degganaayeen reer bini
Cabdinajaar oo Ansaar ka mid ahaa, Nabiga aabbihiina reer abti u ahaa. Gaar
ahaan wuxuu ku sii degay guriga ninka la yidhaahdo Abaa Ayuub Al-ansaari.
Waxaa
iyaguna woo hijrooday oo waqtigaas Madiina yimid xaaskii Rasuulka SCW Sawda
bintu Samca iyo laba gabdhood oo uu dhalay oo kala ahaa Faadumo iyo Ummu
Kaltuum, waxaa kale oo la socday Usaama binu Seyd iyo hooyadiis Ummu Ayman iyo
qoyskii reer Abuubakar oo ay Caa'isha ku jirtey.
Caa'isha
waxay tidhi "markii aan Madiina imid ayaa waxaan ugu imid aabbahay iyo
Bilaal oo qandhadii Madiina ku dhacday markaasaan Abuubakar ku idhi 'aabbe sidee
tahay' isagoo xoogaa qandhadu deysey oo leh "qof walba wuxuu ku dhex
waabariisanayaa ehelkiisa isagoo ay geeridu uga dhowdahay kabihiisa suunkooda'.
Bilaal ayaan isna ku idhi "sidee tahay Bilaal" isagoo isna tirinaya
beyt yar oo tilmaamaya u hiloobidda iyo jaceylka Makka. Rasuulka ayaan u tegey
oo u sheegay hadalladoodii, markaasuu Rasuulku SCW yidhi "Ilaahow Madiina
na jecleysii sidaad Makka noo jecleysiisey ama si ka daran , Ilaahow Madiina
caafimaadi oo barakee saaceeda iyo mudkeeda, kana rar xanuunka iyo qandhada oo u
rar Juxfa". Ilaahay ducadaa Rasuulka SCW wuu ka aqbalay waxayna Madiina
noqotay Meel ay aad u jecel yihiin, saxadeeduna fiican tahay.
Sidoo
kale Rasuulku SCW isagoo asxaabtiisa ku samir siinaya daltabyada Madiina waxa uu
yidhi: "Qofkii ummaddayda kamid ah oo ku sabra Cudurka iyo dhibka Madiino
waxa aan maalinka qiyaamaha u noqonayaa shafiic iyo markhaati".
Sidoo
kale Rasuulku SCW isagoo Madiina u ducaynaya waxa u yidhi: "Allahayow noo
barakee magaaladayadan, miraheeda, mudkeeda, iyo saaceeda, barako ay lasocoto,
Allahayow Ibraahiim waxa uu ahaa addoonkaagii , Nabigaagii iyo khaliiilkaagii,
anna waxaan ahay addoonkaagii iyo nabigaagii, wuxuuna (ibraahiim) kuu baryo
weydiiyey Makka, anna waxaan kuu baryayaa Madiina siduu Makka kuugu baryo
weydiyey iyo si la mid ah.
Rasuulka
SCW iyo asxaabtiisii waxay heleen dhul cusub oo ay diintoodii iyo dacwadoodii ka
faafin karaan, joogitaankiisana ay xor u yihiin. Magaalada Madiina waxay noqotay
magaalo islaam, in kastoo dadkii deggenaa ayna wada ahayn muslimiin, waxayna ka
koobnaayeen 3 qaybood oo kala ahaa:
1)
Muslimiinta oo isugu jirey muhaajiriin Makka ka yimid iyo Ansaar oo Madiina
degganayd oo laba qabiil ka koobnaa lana kala oran jirey Awas iyo Khasraj, hase
yeeshee Rasuulku SCW uu u bixiyey Ansaar.
2)
Mushirikiintii ka hadhay Ansaar
3)
Yahuud oo ka koobnayd saddex qabiil oo la kala oran jirey Banuu Qeynuqaac, banuu
Nadiir iyo banuu Qureyda.
Dildilaacii Ubaxa iyo Kacaankii Dhergiga
Tasfaaye isaga oo ka waramaya jawigii ay wada hadaladu u dhaceen waxa uu
yidhi “Waxa jirey nin dhakhtar ah oo oo ka mid ahaa hogaamiyayaasha jabhadda
Ereteriya, ninkaasi waxa uu waxbarasho u tegay dalka Suudaan, ka dibna halkaas
ayuu kaga biiray jabhadda, markaa ninkaas oo qudha ayaan afka Xabashiga aqoon,
sidaa darteed labadayada dhinac waxaanu ku wada hadlaynay AF-Xabashi si
wanaagsana wanu isu fahmaynay, inkasta oo aanu markii hore waxoogaa kala
qaloonay, hadana markii dambe waanu isku soo dadownay, waxaanuna isu fidinay
casuumado.
Ka
dib markii ay sheekadu soo shaac baxday, isla markaana ay meel wanaawsan marayso
ayuun baa markii dambe qoonsimaad weyni ka yimi dhanka Ereteriyiinta, sidaa
darteed kulan aanu yeelanay ayey dood kulul ka soo jeediyeen, waxaana
hadaladooda ka mid ahaa “Anagu ciidankayaga iyo dadkayaga waxaanu u sheegnay
inay wada hadalo noo socdaan dawladda Itoobiya, waqti dhowna nabad la heli
doono, wada hadalka dhinacayaguna meel sare ayuu gaadhay, laakiin idinku waad ka
qariseen shacbigiina iyo ciidankiinaba, waayo maxaad uga qariseen, anagu waxaanu
dadkayaga iyo ciidankayaga u sheegnay in dhibaatadii ka dhex-taagnayd
gobanimo-doonka Ereteriya iyo dawladda Itoobiya laga shaqaynayo sidii xal loogu
heli lahaana, taas oo qoraaladeedana dunida u baahinay, isla markaana arinta
waanu ku war-gelinay oo way la socdaan halka wax marayaan, waxayna intaa na
leeyihiin dedaalkii waan-waanta nabaddu halkee buu marayaa. laakiin idinku kuwii
idin caawinayey waxba umaydin sheegin, welina waxaad leedihiin caawimo keena,
waa inaad qoraalada heshiiska soo diyaarisaan oo aad faafisaan”ayey
yidhaahdeen, waxayna ku adkaysteen oo ay nagu cel-celiyeen inaanu arinta ka
badheedhno oo baahino, dabadeedna waxaanu ku nidhi “Iminka go’aan idinma
siin karno, laakiin ballanta dambe ayaanu jawaabteeda soo qaadi doonaa”, ka
dibna waanu kala tagnay oo dib ayaanu ugu laabanay Itoobiya, dabadeedna
gudoomiyaha (Mingistu) ayaanu u sheegnay arintu halka ay marayso, waxaanuna ku
nidhi “Nimanka waxa ay na waydiiyeen wax dhibaato noo geysanaya ma aha, wayo
waxay yidhaahdeen qoraalka iyo halka ay arimuhu marayaan baahiya oo daboolka ka
qaada, markaa waa inaynu sidaa yeelna, adiguna (Mingistu) markaa aad golayaasha
ka hadlayso hadii aad dedaalkan nabadeed ee aanu wadno si guud mar ah u xusto
way wanaagsanaan lahayd, garabna way na siinaysaa”, dabadeedna inta uu yidhi
bal aan waxoogaa ka fekero ayuu markii dambe nagu yidhi “Hayaay maxaa la hayaa
ee qoraalka lagu bixinayaa, waayo marka hore arintan hadii ay dadweynaha iyo
ciidanka labaduba maqlaan way ka cadhoonayaan, markaa yaa doonaya inuu qoorta
dhigto ama naftiisa huraya, waa maxay arinta noocan ah ee aad soo gaadheen,
taasi ma aha arin sax ah oo aynu qaadan karno”ayuu si kulul u yidhi ka dibna
wuu iska fadhiistay, runtii taasi waxay nagu noqotay xaalad cakiran oo aanu ka
dul-qaadin karin qofka meeshayda oo kale oo jooga, laakiin waan iska dul-qaatay.
Eretriyiintu
waxay dhinacooda leeyihiin “Dawladda Itoobiya ma jiro wax ay noogu talo
gashay, waayahay garanay aynu heshiino, laakiin maxaa qorshe ah oo aanu
shicibkayaga ula tegaynaa, waayo arintu xagayaga ma hawl-yara maxaa yeelay dad
badan ayaa naftooda ku waayey dagaalka gobanimo-doonka, dhiigii
geesiyayaashayada ayaa qul-qulay, maxaanu arimahaa kaga jawaabaynaa, markaa inta
aad xaaladda iyo arimaha meesha yaal eegtaan sida ay tahay uga jawaaba, hadii
kale oo aanu arinta aanu codsanay jawaabteeda wayno waxay taasi cadaynaysaa
inaanu Dhergiga ka go’nayn inay waan-waantu sii socoto, idinkuna (Ergada
Itoobiya) waxaanu u aragnaa inaad noogu soo noqnoqnaysaan inaad warar naga
urursataan iyo inaad xogtayada waxa aanu damacsanahay ogaataan oo qudha, laakiin
iminka laga bilaabo kuwo waal-waallan baa idiin iman doona, waxna inooma xidhna,
anaguna hadii ay arintu gaadhayso heer aad talaaba milateri nagu baabi’isaan
oo aanu dhamaantayo sidaa ku baaba’ayno nagama suurtoodo inaanu albaabada
guryihiina oo aanu idinka barino nabad baanu doonaynaa, ballantii aynu lahayna
waanu ka baxnay ee nabadgelyo”ayey yidhaahdeen, ka dibna waanu kala
dhaqaaqnay.
Run
ahaantii guul-daradaa aad iyo aad baan uga xumaaday, dhamaantayona ragayagii
hawshaa ku jirey waxaanu kala kulanay daal iyo rafaad badan, laakiin markii
anaga oo meel wanaagsan marinayna ay naga burburtay aad iyo aad baanu uga
xumaanay, waxaana nagu dhacay niyad-jab weyn.
Gannat:
Dhinac
kale hadii aynu eegno dadkii ay tafiirtoodu ahayd Israa’iiliyiinta ee Itoobiya
deganaa, laakiin ka guuray ee Israa’iil tegay, waxa la yidhi hawl-galkaa waxa
fuliyey sirdoonka Iraa’iil, arintaa maxaad ka sheegi kartaa oo aad war ka
hasyaa?
Tasfaaye:
Hawl-galkaa
dadkaa lagu raray waxa uu ahaa mid ay ka wada hadleen wasiirada arimaha debedda
iyo hogaamiyayaasha sarsare ee labada dhinac (Itoobiya iyo Israa’iil). Ninka
la yidhaahdo Kaassa Kabadhe ayaa arintaa ak shaqeeyey oo laba ilaa saddex goor
Israa’iil loo diray si uu arintaa uga soo shaqeeyo, dabadeedna ninkaas oo
arinta masuuliyadeeda qaatay ayaa sirdoonka Israa’iil (Mossad) iyo Mingistu
Xayle Maryam xidhiidhiyey oo sidaa arinta ku dhameeyey.
Dadkaa
markii la rarayey ka hro intii aan raristooda la bilaabin inta gobolka GONDAR
laga soo qaaday ayaa la soo dejiyey xaafad Adis-ababa ku taal, halkaas oo
Teendhooyin looga sameeyey.
Xubnihii
guddiga ahaa ee arintaa ka shaqaynayey waxa ka mid ahaa Tasfaaye Dinqa, Kaasa
Kabadhe, Kornayl Maarsha Qasaala iyo rag kale, laakiin arinta aniga iga
dhaadhici wayday waxay ahayd markii la yidhi waxa la gaadhay heshiis lacageed,
waxaana u malaynayaa in lagu heshiiyey inay Israa’iil lacagtaa bixiso
Itoobiyana dadka FALAASHAHA u soo rarto Israa’iil, dabadeedna markii uu
heshiiskaasi dhamaytirmay dadkii waa la raray, waxaana raritaankoodu lagu
dhamaystiray habeen iyo maalin qudha, ka dibna lacagtii ay Israa’iil
bixinaysay markiiba waxa la dhigay Bangi Itoobiya leedahay oo NEW-YORK ku yaal.
Ganat: Arintaasi intee bay ka horaysay soo gelidii Yahaadhiga?
Tasfaaye:
Waxay ahayd afar ilaa shan bilood ka hor qiyaastii, arintuna waxay ahayd mid
lacag dad lagu bedelanayo, waxayna dhalisay diidmo weyn, laakiin aniga nimanka I
necebi wax aan jirin ayey iga sheegeen, waxayna yidhaahdeen “Tasfaaye Walde
Salaase dawladda cusub intuu la heshiiyey ayuu dadkii iibiyey”, ka dibna waxay
daadiyeen waraaqo ay sidaa ku qoreen, laakiinn xaqiiqda arintaa hadii la doonayo
in la ogaado hala waydiiyo Kaasa Kabadhe iyo Tasfaaye Danqaa, waayo iyaga ayaa
qaatay lacagta dadkaa lagu bedeshay.
Ganat:
Israa’iiliyiintu waxay yidhaahdeen lacagta waxaanu idin siinaynaa marka aad
dadka noo keentaan ka dib, markaa lacagtaa miyaa la bixiyey?
Tasfaaye:
Haa lacagta waa la bixiyey, waayo ninkii aan dhinaca nabad-sugidda arintaa u
wakiishay oo ahaa Kornayl Maarsha waxa uu ii sheegay in lacagtaa la bixiyey.
Ganat:
Markaa
ma suuq madow bay ku bixiyeen lacagtaa?
Tasfaaye:
Lacagta Tafaaye Dinqa iyo Kaasa Kabadhe may qaadin ee waxa lagu shubay Bangi
Itoobiya ku leedahay Newyork, waxayna labadaa nin qoraal ay lacagtaa ka soo
saareen ku xuseen xataa Akoon nambarka lacagta lagu shubay.
Ganat:
Waxa jirey hawl-gal kaa ka horeeyey oo ay dadka kuwaas oo kale ahi
Israa’iil ugu guureen, kaana ma lacagtan oo kale ayaa la bixiyey?
Tasfaaye: Maya jirto lacag kaa laga bixiyey, waayo waxa uu ahaa wax
tuugo ah, dadkaasina markii u horaysay ee ay dalka ka baxayeen waxay lug ku
mareen dhinaca gobolka GONDAR, waxayna lugtaa ku galeen dalka Suudaan, ka dibna
mucaaradka ayaa gacan siiyey oo dhoofiyey, sababta awgeedna sarkaal
nabad-sugidda suudaan ah oo la odhan jirey Janaraal Cumar ayaa derejadii lagaga
qaaday, dhinacayagana inay mucaaradku gacan siiyeen oo ay dhoofeen waa la ogaa,
sheekadeeduna intaas aan kuu sheegay ayey ahayd…
La
soco Cadadka dambe…
Baro Xuquuqdaada
6.2. Qodobka 38aad
Waraaqaha cod-bixinta waa inay ku daabacan yihiin astaamaha
ururada/xisbiyada oo kor u taagan si afar gees ah. Astaan kastaa waa inay
leedahay meel banana oo loogu talagalay inuu cod-bixiyuhu ku muujiyo codkiisa.
Waraaq kastaana waa inay leedahay cidhifyar oo xabagaysan oo lagu rogo warqadda
cod-bixinta oo lagu lingaxo.
6.3. Qodobka 39aad
Goobta Cod-Bixinta
1.
Goob kasta oo cod-bixinta laga dhiibanayaa waa inay
lahato laba qol oo Jar Jar oo loogu talagalay in lala galo calaamadaynta
waraaqaha cod-bixinta loona habeeyo in qarsoodi codka lagu hubiyo.
2.
Sanaaddiiqda cod-bixinta lagu ridayaa waa inay yaaliin meel
muuqata ama hareeraha ka xigaan miisaska Gudoomiyaha goobta cod-bixinta.
6.4. Qodobka 40aad
1. Halka nuqul ee ku xusan qodobka 27'aad ee xeerkan waa in lagu dhejiyo
meel wada arki karo oo ka mid ah xafiiska doorashada ama goobta cod-bixinta
gudaheeda iyo dibedeedaba. ,
2. Nuqulka ogaysiinta ee ku xusan qodobka 27'aad ee xeerkan oo Guddidu ka
soo sameeyay liiska musharraxiinta oo u kala horeeya sidii loogu soo gudbiyay
waa in lagu dhejiyo banaanka xafiisyada doorashada iyo gudaha meel wada arki
karo.
6.5.
Qodobka 41aad
Qaybinta Qalabka Doorashada
Meel doorashada degmadu waa inuu hubiyo in goob kasta oo cod-bixin ka
dhacayso in la geeyo wixii qalab ah ee loo baahan yahay markay saacadu tahay
6:oo saac ee subaxnimo ka hor maalinta cod-bixinta.
Guddidu waa inuu geeyo meel doorashada degmada qalabka loogu talagalay
cod-bixinta ugu dambayn 4ta galabnimo maalinta ka horaysa cod-bixinta. Goob
kasta oo cod-bixineed waa in la siiyo:-
a) Nuqul muujinaya magacyada hawlwadeenada goobta
b) Nuqul muujinaya wakiilada ururada/xisbiyada ee goob-jooga ahaanaya.
6.6 Qodobka 42aad
Xafiiska
Goobta Cod-Bixinta
Gudoomiyaha goobta cod-bixintu markuu helo qalabka ku xusan qodobka la
soo dhaafay-waa inuu: -
a) Dhiso xafiiska oo uu hubiyayaasha iyo xoghaynta u sheego inay yihiin
hawlwadeenadii goobta isla markaana la socodsiiyo sida ay hawsha loo
xilsaaray u gudanayaan. '
b) Hubiyo in wakiilada xisbiyadajururada ee loo soo ogolaaday inay goob-
joog ahaadaan inay joogaan.
c) Markuu hubiyo inay saxaaraduhu lingaxan yihiin waa inuu furaa saxarada
oo uu hubiyo inay dhan yihiin qalabkii, waana inay goob-joog ahaadaan
Hawlwadeenadii goobta iyo wakiiladii ururadaj axsaabtu
d) Markuu hubiyo isaga iyo hawlwadeenadiisa iyo wakiiladu in xidhmooyinka
ay ku jiraan shaambadda goobta iyo waraaqaha cod- bixintu lingaxan yihiin, waa
inuu furo xidhmooyinka oo waraaqaha cod- bixinta la dhaco shaambada goobta, oo
si nidaamsan ugu' rido weel xafidan. Waxaa reebban inay markaas joogto qof aan
ahayn inta goobta ku qoran.
e) Inuu hubiyo in ogeysiinta ay ku qoran yihiin tilmaamaha cod-bixinta
iyo liisaska musharraxiintu ku dhegan yihiin meelihii loogu talagalay.
f) Inuu hubiyo in qalabkii loo baahnaa ee cod-bixinta loogu talagalay loo
agaasimay sida xeerku tilmaamayo, si hawsha doorashu si hufan ugu hirgasho.
Waa inuu diiwaan-geliyo dhamaan hawlgalka kor ku xusan in la fuliyey.
Qoraalka waa inay ku caddaato shaambadda goobta, tirada waraaqaha cod-bixinta ee
goobta cod-bixintu heshay.
Waa inuu markaa ka saxeexo hawlwadeenada iyo wakiiladaba in wax waliba
sidii loogu talagalay yihiin.
Markuu hubiyo Gudoomiyaha goobta cod-bixintu in hawshaasi qabsoontay waa
inuu ku dhawaaqo in cod-bixintu furay tahay.
6.7. Qodobka 43
1.
Guddoomiyaha goobta cod-bixinta waxa waajib ku ah
inuu ilaaliyo nidaamka inta doorashadu socoto. Booliska ayuu ku amri karaa inuu
qof goobtaa dibeda uga saara ama in la qabto qof gef ku sameeyay hawsha
doorashada ama qof waali ka muuqato.
2.
Booliska looma oggola inuu galo gudaha goobta
cod-bixinta haddii aanu Gudoomiyuhu amrin.
3.
Saraakiisha Booliska iyo kuwa shaqaalaha dawladda
waa in ay fuliyaan codsiyada Guddoomiyaha goobta si loo hubiyo in si dhib yar
codka loo bixiyo oo aanay dhicin in lagu ururo miiska hawlwadeenada ama goobta
agteeda.
4.
: Gudoomiyaha goobta cod-bixinta iyo kuwa meel dhexe
waxay xaq u leeyihiin inay isticmaalaan awoodaha ku qoran xubnaha qodobkan.
6.8 Qodobka 44aad
Gelidda Goobta Cod-Bixinta
1.
Xafiiska goobta cod-bixinta waxa geli kara dadka
maamulaya xafiiska iyo kuwa ka wakiilka ah xisbiyada/ururada iyo kuwa codka
bixinaya.
2.
Waxa reebban in cod-bixiyayaashu hub la yimaadaan
goobta, markiiba qof ayaa gelaya, iyadoo lookala hor marinayo sidii loo soo kala
horeeyay, hasa yeeshee waa la tixgelin karaa inuu ugu hormaro haddii ay jirto
qof ka shaqaynaya hawsha doorashada oo doonaya inuu codkiisa bixiyo.
6.9 Qodobka 45aad
.Talaabooyinka ka horeeya Cod-Bixinta
1. Cod-bixiye kasta wuxuu codkiisa dhiiban karaa markuu
a)
Bixiyo tilmaamihiisa ku saabsan magaciisa,
aqoonsigiisa iyo da'diisa.
b)
La
hubsado inuu xaq u leeyahay cod-bixinta oo buuxinayo shuruudaha cod-bixinta,
iyadoo si guud mar ah looga eegayo aqoonsigiisa, waraaqaha uu sito, marag-muujin
kale ama sidii kale ee kolba loo caddayn karo.
2- Calaamad khad aan tirtirmi Karin laga mariyo cidida far-yarada gacanta
bidix, haddii gacanta bidix maqan tahayna waa in cidida far-yarada gacanta midig
laga mariyo, haddii ay labada gacmood maqan yihiin waa in laga mariyo meel kale
oo jidhka cod-bixiyaha oo la arki karo. .
6.10. Qodobka 46aad
1. Waxa codkiisa dhiiban kara cod-bixiyaha taga goobta cod-bixinta oo
codkiisa ku ridi kara sanduuqa.
2. Haddii uu jiro qof ay naafonimo u diiday inuu codkiisa bixiyo
Gudoomiyaha goobta cod-bixinta ayaa u ogolaanaya in cod-bixiye kale oo uu
aaminsan yahay inuu gacan siinayo oo ka caawiya sidii uu codkiisa u dhiiban
lahaa.
3. Xoghayaha goobta cod-bixinta ayaa qoraalka gelinaya sababta loo
ogolaaday in qofkaas naafada ah laga kaalmeeyo sidii uu codkiisa u bixin lahaa,
waxa kale oo uu qoraalka ku muujinayaa qofka naafada ah iyo qofka kaalmeeyey.
6.11. Qodobka 48aad
6.12. Qodobka 49aad
Xafiiska goobta cod-bixintu waa inuu si ku meel gaadh ah go'aan uga
gaadho cabashooyinka (haddii ay jirto) oo ay ka mid yihiin kuwa af ahaan loo soo
jeediyey iyo wixii muran ah ee ku hawlgalka goobta cod-bixinta. Cabashooyinka
iyo muranadaas waa in qoraal ahaan loo diiwaan-geliyo.
6.13. Qodobka 50aad
1. Markay cod-bixiyayaashu
codkooda bixiyaan Gudoomiyaha goobtu wuxuu cod sare ku dhawaaqayaa inay
cod-bixintu xidhan tahay.
2. Markuu Guddoomiyaha goobtu ka ururiyo miiska dhamaan waraaqaha iyo
qalabk.a aan tirinta wax ahmiyad ah u lahayn wuxuu bilaabayaa hawsha soo
socota:- .
a)
Hubinayaa tirada cod-bixiyayaasha isagoo ka eegaya
tirada waraaqaha cod-bixinta.
b)
Ururinayaa oo tirinayaa waraaqaha cod-bixinta ee aan
la isticmaalin waxaanu ku ridayaa baqshadda laad.
c) Xaqiijinayaa oo saxeexiisa ku muujinayaa waraaqaha doorashada ee xumaaday ama aan hagaagsanayn ee ay soo celinayeen cod- bixiyayaashu, ama la arkay inay xun yihiin, waxaanu ku ridayaa baqshada 2aad.
Madaxweyne
Maanta Ayaan Kuu Baahannahay ee Wax Ila Qabo
Anigoo
ah Muwaadin reer Somaliland ah, deggena magaalada Laas-Caanood ee gobolka Sool,
Mudane Madaxweyne Daahir Rayaale, waxaan u ahaa inankiisii, gacan-yarahiisii,
saaxiibkii iyo dareewalkiisii muddo dhawr sannadood ah. Run ahaantii aad iyo aad
buu Madaxweynuhu wakhtigaas ii tixgelin jiray, iina raali-gelin jiray.
Haddaan
ka waramo Madaxweynaha, waa qof u qalma xilka iyo masuuliyadda uu Qaranka u
hayo, haddaba Mudane Madaxweyne, haddaan isaga kaa waramo anigu muddo dhawr
sannadood ah waan xannuunsanayay, xannuunkaas oo ahaa mid maskaxda (Waali) ah;
sida runtiina ma aan helin wax daryeel ah ama dabiib ah, hadday tahay dalka iyo
dibaddaba.
Haddaba,
waxaan si xushmad leh kaaga codsanayaa in aad arrintaas wax igala qabatid,
anigoo ku rajo weyn in aad wax igala qabanayso. Madaxweyne, adigoo runtii ku
hawlan xilka aad qaranka u hayso, waxaad ka taxadirtaa in wax ay adiga kaa
yimaadaan, anigana aanay isoo gaadhin oo dhexdeena mashruuc ka furmo.
Waxaan
Illaahay kaaga baryayaa in xilka aad Qaranka Somaliland u hayso uu kuu
fududeeyo. Aamiin.
Allaa
Mahad Leh
Mustafe Maxamed Jaamac (Caydhaf),
Laas-Caanood
Haweenka
Oo Go’aansaday In ay la gorgortamaan Axsaabta Siyaasiga ah
H |
argeysa
(Haatuf): Kulan ay isugu yimaadeen haweenka ku hawlan arrimaha
siyaasadda, uuna soo qaban-qaabiyay ururka “Women Political Forum” ayay ku
go’aansadeen in ay dumarku la gor-gortamaan axsaabta Siyaasiga ah, taas oo ah
sidii ay haweenka uga qayb-gelin lahaayeen talada Xisbiyada, door muuqdana u
siin lahaayeen., waxaana sidaa lagu sheegay war-saxaafadeed ay haweenku ka soo
saareen gaba-gabadii kulankooda oo muddo dhawr maalmood ah uga socday Hotelka
Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana kulankan ka qayb-gashay Wasiirka
Arrimaha Bulshada iyo Daryeelka Qoyska, Edna Aadan Ismaaciil.
Sida
war-saxaafadeedku sheegay, ururka Women Political Forum oo la aasaasay September
1, 2001, si ay haweenku ugu diyaar-garoobaan marxalada doorashooyinka, si ay
kaalintood a uga qaataan. Ujeedada ugu weyn ee ururkan loo aasaasayna, waa sidii
dumarka looga qayb-gelin lahaa talada dalka iyo sidii loogu tababari lahaa in ay
hantaan xilkaasi, loona samayn lahaa midnimo ay yeeshaan haweenku, inkasta oo ay
ku kala jiraan axsaab kala duwan.
Waxa
kale oo war-saxaafadeedku sheegay in ururka Women Political Forum, uu 24-kii –
28-kii November qaaday olole Wacyi-gelinta Doorashooyinka ah. Waxaanay ugu
dambayntii sheegeen, in ay ku talo-jiraan sidii olole kaa la mid ah uga bilaabi
lahaayeen gobollada dalka oo dhan.
Xubin
Ka Tirsanaa Musharaxiinta Deegaanka ee Ururka ASAD Hargeysa oo Jagadaas Baneeyay
H |
argeysa (Haatuf):
Qoraal uu ku qoran yahay Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ee Gobolka Hargeysa,
Ibraahim Nuur Garow oo soo gaadhay Wargeysa Haatuf, ayaa xusay in
Mustafe Cabdi Qaloonbi oo ka tirsanaa Liiska Musharixiinta ee urur-siyaasadeedka
ASAD ee Golaha Deegaanka Hargeysa, gaar ahaan kaydka inuu baneeyay jagadaas.
Qoraalkani,
wuxuu intaa raaciyay in sababta uu Mustafe Cabdi Qaloonbi u baneeyay jagadaas ay
tahay inuu yahay shaqaalaha dawladda oo aan ruqsad ka qaadan shaqadaas.
Qoraal
ku lifaaqnaa qoraalka gudoomiyaha guddiga doorashooyinka ee Gobolka Hargeysa oo
isna uu Mustafe Cabdi Qaloonbi soo gaadhsiiyay Haatuf, ayuu ku
sheegay in liiska musharaxnimada ee lagu daray ay ahayd arrin aan laga
talo-gelin oo aanu ogeyn go’aaminteedii.
Mustafe
Cabdi Qaloonbi, waa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Nabadgelyada Wadooyinka ee
Booliska Somaliland, waxaanu hore ugu soo baxay qaar ka mid ah Jaraa’idka
dalka, isagoo qayb ka ahaa qoraalo ay Guddiga Beesha Subeer Celi (Arab) ay kaga
hadlayeen arrimo khuseeya ururada siyaasadda.
Salmaan
Rushti Oo Taageeray Ayaan Xirsi Cali oo Wax Ka Sheegtay Diinta Islaamka
M |
aqaal
uu ku soo qoray Jariiradda New York Times Salmaan Rushti oo hore ay Caalamka
Islaamku u cambaareeyeen buug uu ku fadeexadeeyay Diinta Islaamka, ayaa ku
difaacay gabadha la yidhaahdo Ayaan Xirsi Cali oo ah Soomaaliyad oo dhowaan la
sheegay in ay baahisay hadalo gef ku ah Diinta Islaamka.
Salmaan
Rushti, wuxuu maqaalkaas ku sheegay in aanay Ayaan Xirsi, wax gefa ku sameyn
Diinta Islaamka ee ay sheegtay in ragga Islaamku cabudhiyaan haweenka, taas oo
Salmaan Rushti ku waafaqsan yahay Ayaan in ay tahay xaqiiq jirta.
Maqaalkaas
Salmaan Rushti, wuxuu ku sheegay in ay Caalamka Islaamka ku soo badannayaan dad
uu sheegay in ay qabaan Fikradihiisa oo kale, waxaanu tusaale u soo qaatay
Professor reer Iiraan ah oo la yidhaa Hashem Aghajaan oo khudbad uu ka jeediyay
magaalo ku taal Iiraan ku sheegay in dadka reer Iiraan si indho la’aana u
taageerayaan wadaadda Diinta Islaamka. Professor Hashem, waxaa lagu xukumay dil,
laakiin Ayutulaha dalkaas ayaa ogolaaday in dib loo eego xukunkiisa.
Warkani
wuxuu intaa ku daray in ay boqollaal arday ahi mudaharaado magaalada Tehraan,
iyagoo ku codsanaya in aan la dillin. Hay’adda Amnesty International iyo
Dawladda Maraykanka, ayaa iyaguna dhaleeceeyay xukunkaas Professor Hashem.
Waxa
kale oo uu soo qaatay Salmaan Rushti, suxufiyad reer Nayjeeriya ah oo la
yidhaahdo Isiamo Daniel oo dhowaan maqaal ay qortay uu sababay dhimashada in ka
badan boqol qof. Isiamo oo ah masiixiyad u dhalatay dalka Nayjeeriya oo xilliga
ay maqaalkaas qortay uu ka socday tartan Haweenka ugu quruxda badan adduunka ay
Isiamo soo qaaday Nebi Muxamed (CSW) oo tidhi ereyo cadho galiyay Muslimiinta
reer Nayjeeriya. Isiamo, waxay arrintaa aawadeed u qaxday dalka Maraykanka,
sababtoo ah Muslimiinta dalka Nayjeeriya ee ka xanaaqay qoraalkeeda oo
go’aansaday in ay dilaan, tartankii quruxda ayaa isna loo qaxiyay dalka
Ingiriiska, si halkaa loogu qabto.
Warkani
wuxuu intaa raaciyay, in qoraalka Isiamo Daniel uu xaalad adag oo siyaasadeed ku
abuuray Madaxweyne Obesanjo oo isagu qudhiisu ah Masiixiyiinta reer Nayjeeriya.
Qoraalka
uu Salmaan Rushti ku qoray New York Times, waxaa ka muuqatay in uu aad u
riyaaqay doodad Ayaan Xirsi Cali ku dooday iyo kuwa kale, sida Professor Hashem
iyo Isiamo Daniel.
Siyaasadda
ururka ASAD
H |
argeysa
(Haatuf): Mudane Cali Xasan Biixi oo ka tirsan Golaha Wakiillada
ee Somaliland, xoghayana ka ha Guddiga Shuruucda ee Golahaas, isla markaana ah
xubin ka tirsan Golaha Dhexe ee urur-siyaasadeedka ASAD oo aanu ka wareysanay
dhinacyo badan, ayaanu hore idiinku soo gudbinay qaybtii hore ee Wareysigiisa
cadadkii Arbacadii ee 212aad, qaybtii labaad ee wareysigaasina, waxay u dhacday
sidan:
S:
Xili waxaa la galay laga gudbayo xili beeleedkii oo loo gudbay xiligii
xisbiyada, sideed u aragtaa wada-shaqaynta Golayaasha Sharci-dejinta ee Golaha
Wakiilladu ka midka yahay iyo xukuumadda?
J:
Runtii
waxaan u arkaa in ay wanaagsan tahay, sababtu waxa weeyi waxaynu ku jirnaa
marxalad u baahan in gacmaha la is qabsado, lawada tashado oo wadajir looga
gudbo, waayo doorashooyin ayaynu imika gelaynaa, kuwaas oo hadday nabadgelyo,
degenaan iyo wanaag inoogu dhacaan, ictiraaf, horumar iyo sumcad wanaagsan ina
siinaya. Haddii wadashaqayn la’aan iyo isku buuq dhacaana dibu dhac inoo
keenaya, iyadoon aan ognahay weliba cidii aan doonayn wanaagana ay shirar
leeyihiin, cadowyo badan aynu leenahay, sidaa daraadeed waa ku waajib in ay wada
tashadaan, waxna wada qabtaan, waanay fiican tahay wada shaqeyntu ilaa iyo hadda
wax dhibaato ahi ma jiraan.
S:
Mudane Cali, Golaha Wakiillada, waxaa lagu soo dooran jiray beelo, imika ururo
loo gudbay, bal ka waran adigu ururka aad ka tirsan tahay ee ASAD, hawlihiina
siyaasadeed?
J:
Sida
aad sheegtay, waxaan ka tirsanahay ururka ASAD. Ururka ASAD-na wuxuu ka mid
yahay ururadaa maanta tartanka siyaasadeed diyaarka u ah. Awal waxaa lagu xaman
jiray shir-beeleed iyo wax noocaas ah, hase yeeshee imika wuxuu diyaar u yahay
inuu ka qayb-galo doorasho xalaal ah oo lagu tartamo oo xalaal u dhacda, waxaanu
mabda’iisa koowaad yahay in nabadgelyo iyo wada tashi, iyo gacmo isqabsi ay
wax waliba ku dhacaan. Ururka sidaas ayay hawshiisu tahay, ma aha urur la col ah
xukuumadda iyo ururada midna, waayo cid heli doonta dee Allaahu yaclam. Runtii
waxaanu ognahay marka doorashooyinka deegaanku dhacaan, waxaa soo hadhaya saddex
urur. Saddexdaa hadhaa dee dadkoodii iyo siyaasiyiintii, kuwa kale ayay ku
biirayaan, markaa waxay ku wanaagsan tahay in marka horeba laga hormarayo danta
guud, danta ama ururka ama shakhsiga wax helaya, jiritaankeeda iyo sidii taa loo
wada ilaalin lahaa in ay mudnaanta koowaad siino, waxaanan ragga musharixiinta
ah ee madaxweynaha doonaya kula talinayaa in ay danta guud ka hormariyaan danta
gaar ahaaneed oo muhiimku noqdo sidii jiritaanka, xasiloonida nabadgelyadaba,
cidii ku guulaysatana loo hambalyeeyo ayaan iyadana soo jeedin lahaa. Ururka
ASAD niyad-wanaag, ayaa runtii ka muuqda, markaa diyaar ayuu u yahay doorashada.
S:
Markaa loo eego miisaanka musharixiinta u tartamaysa jagada Madaxweyne-nimada ee
Somaliland, waxaa jirta aragti ah in doorashooyinku ay noqonayaan mid adag,
aragtideed adigu ka qabtaa?
J:
Horta
sidaad la socoto doorashada aynu manta galeynaa waa tii deegaanka, dadku yay
moodin in tan Madasweyne la dooranayo, konsalkii ayaa la dooranayaa lixdan
ururna way ku kala hadhayaan, hadafka ugu muhiimsan ee tani leedahay waa taa.
Saddexda xisbi markii ay inoo soo baxaan ayaa saddexdii nin ee isu sharayay
jagada Madaxweyne-nimada Somaliland iyo saddexdii K/Xigeen ay soo baxayaan,
dabadeedna halkaa ayuu dalku ikhtiyaarkiisa iyo sadexda nin ee dalka loo soo
sharaxay sida ay yihiin lagu kala dooranayaa, markaa anigu waxaan aaminsanahay
in adayg dhibaato ahi aanay jirin ee dadka uun ay tahay in saddexda urur ee soo
baxaa ay hor keenaan in ay kala doortaan, iyagoo leh kaasaa dalka iyo dadka wax
u taraya, fikradda aan ka qabaa waa taa. Wixii shuruucee ee cid hadhowto ka
gudbiweyda ee distuurka ku yaal hadhow, taasina waxay u taallaa guddiga
doorashooyinka, golayaasha iyo cidii shuruucda ku shaqo leh.
S:
Musharaxa ururka ASAD ee jagada Madaxweynimadu waa kuma?
J:
Runtii
ilaa iyo hadda weli, guddoomiyaha ururku waa Saleebaan Maxamuud Aadan oo waynu
naqaanaa, K/xigeenkiisa 1aad waa C/raxmaan Aw Cali Faarax, K/xigeen 2aad ayuu
leeyahay oo ah Fu’aad Aadan Cadde, haddaba waxa weeyi sida qaynuunku dhigayo
ama xeerka iyo dastuurka ururku golaha dhexe ee ururka ayaa soo saari doona
marka nink Madaxweynimada loo soo sharaxayo, sidaa daraadeed lama odhan karo
hebelbaa musharaxa iyo hebel baan musharax ahayn. Ilaa hadda waxaynu ku ognahay
ururo, ururadiina gudoomiyayaal ayay leeyihiin iyo k/xigeeno, maaha macnaheedu
ninkaas ayuunbaa u taagan Madaxweyne-nimo, ninkii loo garto, haddii ururkayaga
Saleebaan loo garto isagaa noqonaya, haddii rag kale laysla garto oo ay soo
baxaana kuwaasaa noqonaya ururka, waxaa hadda u gudoomiye ah Saleebaan, waxaanad
moodaa ASAD in ay kaga duwan tahay ururada iyadoon khilaaf lahayn, ilaa iyo
hadda niman isku kalsoon oo wax isu ogol oo aan khilaaf dhexdooda ka jirin,
runtii weeyaan.
S:
Waxaa la idinku xaman jiray in aad shir-beeleed u ololeysaan oo doorashooyinka
aanay xilligan ka haboonayn, bal xantaa ka waran maxaa ka jira?
J:
Fikirkaasi
waa kii isbedelay markii uu ururku is-diiwaangeliyay, markii uu furtay
xafiisyadiisa gobollada iyo degmooyinka. Hadafka qudha ee uu weligiiba taagnaa
waxay ahayd ha la helo doorasho xalaalla, markaa wax shirbeeleeda oo ururku
hadda wado ama ka duwan Somaliland runtii ma jiro, haddii doorahso ama dhici
waydo ama wax kale yimaadaan wuxuu kala mid yahay ururada iyo golayaasha, talada
ummadda sidii la odhanayo ayuun buu isna kala qayb-qaadanayaa, laakiin wax gaar
u ah oo uu manta wataa ma jiro oo ahayn doorasho xalaal ah in la helo.
S:
Ururada qaarkood waxaad moodaa in ay leeyihiin hogaamiyayaal caana oo si
sharciya ha loo soo saaro ama yaan loo soo saarine loo arko inuu isagu yahay
musharaxa jagada Madaxweyne-nimada ee ururkaas, waayo sida UDUB Madaxweyne
Daahir Rayaale; HORMOOD, waxaa u ah Cumar Carte, Axmed Maxamed Maxamuud
Siilaanyo, wuxuu u yahay ururka KULMIYE, markaa dee idinkana hogaamiyihiinu sow
Saleebaan Maxamuud Aadan maaha?
J:
Kolay
Haa, anagana ilaa iyo hadda ninka Madaxweynaha ah ee noo ah waa isaga, laakiin
sharciyeyntii iyo habkii waxaa la marayaa habkii aan kuu sheegay in hadhow la
xalaal doono cidii doonto ha noqotee.
Wareegii Labaad ee Horyalka Yurub oo ku Bilaabmay
Ciyaaro Adag
T |
artanka
horyaalka Yurub ee loo yaqaan Champion League, ayaa toddobaadkan ay iskaga
horyimaadeen kooxaha u soo gudbay wareega labaad oo loo qaybiyay afar qaybood (4
Groups), ciyaarahaas oo dhacay maalmihii Salaasadii iyo Arbacadii toddobaadkan.
Ciyaarahaas
waxa ay ahaayeen ciyaaro ay iskaga horyimaadeen kooxaha ugu waaweyn Yurub, uguna
magaca weyn.
Haddaba
inaga oo si guud u duulmari doona sideedii ciyaarood ee toddobaadka waxa ay ugu
horayn doona ciyaarihii Salaasadii.
AC Milan oo Dhirbaaxo Ku Dhuftay Real Madrid
Ciyaartii
ugu weynayd ee sida xooga ah loo xiisaynayay, loona hadal-hayay waxa ay ku
dhammaan doonto, ayaa ay isku haleeleen AC Milan iyo Real Madrid, ciyaartaas oo
ka dhacday magaalada Milan garoonka San Siro oo ay daawanayeen taageerayaal lagu
qiyaasay in ka badan 76, 000 oo qof.
Kooxda
Milan, ayaa iyadu ku guulaysatay in ay muujiso kaalinteeda kooxeed, kadib markii
ay kaga guulaysatay 1-0, goolkaas oo uu u dhaliyay ciyaaryahanka weerarka ah
Andrei Shevchenko oo isagu ka soo noqday dhaawac.
Kooxda
Real Madrid, ayaa iyaduna ciyaarta ku ciyaaraysay iyada oo ay ka maqnaayeen
saddex ciyaaryahan oo aasaaska kooxda ahaa oo kala ah; ciyaaryahanka reer Brazil
ee Ronaldo, ciyaaryahanka khadka dhexe ee Claud Mclele iyo ciyaaryahanka difaaca
u hogaamiya kooxda Real Madrid, Fernando Heiro iyo weliba ciyaaryahanka Khose
Maria Guiti, halka ay layaab noqotay in uu ka maqnaado weerarka kooxda Milan
ciyaaryahanka Filipo Inzaghi oo xaalad dhaawac awgeed u maqnaa.
Goolka
ay guushu ku raacday Milan oo dhashay daqiiqadii 18aad, taas oo ay kubad ugu
timid ciyaaryahanka Chevchenko gudaha khadka 18aad, isaga oo si habsami ah u
maamulay oo isula rogay dhinaca gool, kuna laaday kubadda dhinaca midig ee
shabaga, goolkaas oo hormariyay kooxda Milan inay hogaanka ciyaarta qabato.
Ciyaartiina waxay guushu ku raacday kooxda AC Milan oo iyada lagu ciyaarayay
garoonkeeda San Siro.
Ciyaartii
labaad ee isla qaybta 3aad (Group C), ama guruub C, ayay guulaysatay kooxda
Jarmalka ah ee Brosia Dortmund oo iyadu ku guulaysatay Horyaalka Yurub sannadkii
1997-kii, guul qaaliya oo ay ka guulaysatay kooxda L. Moscow 2-1.
L.
Moscow, ayaa iyadu ku horaysay goolka daqiiqadii 31aad. Laakiin farxadda
kooxdaasi may noqon mid sii waarta, kadib markii ay kooxda Dortmund keentay
goolkii barbardhaca laba daqiiqadood kadib oo uu u saxeexay ciyaaryahanka reer
Czech ee Thomas Rosky. Laba daqiiqadood ka hor dhammaadkii qaybtii hore ee
ciyaarta ayuu ciyaaryahanka weyn ee reer Czech uu u dhaliyay goolkii labaad ee
kooxdiisa. Waxaanay ciyaartii ku dhamaatay B. Dortmund oo 2-1 ku badisay.
Barbardhicii Juventus iyo Guushii Manchester
Ciyaarihii
Group D ee iyaduna isla habeenka dhacday ayaa kooxaha Deportivo iyo Juventus
isku haleeleen. Ciyaartaas oo ay kooxda Deportivo La Caruna ayaa ka fajicisay
kooxda Juventus, kadib markii ay laba gool oo darandooriya ka dhalisay kooxda
martida u ahayd ee Juventus oo ay u dhaliyeen Deigo Tristan iyo ciyaaryahanka
reer Holland ee Roy Mcowy daqiiqadihii 9aad iyo 11aad ee ciyaarta qaybteedii
hore.
Laakiin
Juventus, ayaa iyadu ku guulaysatay in ay keento barbardhac, kadib markii uu u
dhaliyay goolka koowaad ciyaaryahanka Alexsandro Bernadly daqiiqadii 38aad, ka
hor intii aanu ciyaartoyga reer Czech ee Bavel Nedved-na uu u saxeexay goolkii
ay dhibicda ku heshay Juventus daqiiqadii 59aad, ciyaariina ay ku dhammaatay
2-2.
Ciyaartii
labaad ee isla Group D oo dhexmartay kooxaha Manchester United iyo Bazel,
ciyaartaas oo ay goolka ku horaysay kooxda Bazel daqiiqadii koowaad, laakiin
kooxda Ingiriiska ah ayaa iyadu dhalisay saddex gool toddoba daqiiqadood
gudahood qaybtii labaad ee ciyaarta. Goolka hore ee ay barbardhaca kula noqotay
waxa u keenay ciyaartoyga reer Holland Van Nestroy daqiiqadii 61aad. Daqiiqadi
kamay soo wareegin kadib markii uu kubad uu Nestroy si wanaagsan u maamulay ka
dhaliyay kooxda Bazil oo ay Manchester ku hormartay ciyaartii, kadibna ay kooxda
Bazil ka luntay ciyaartii, dabadeedna ay Manchester ka faa’iidaysatay goolkii
sadexaad oo uu u dhaliyay ciyaaryahanka reer Norway, kadib baas uu ka helay
Nestroy. Ciyaartiina waxay ku dhamaatay guul ay la hoyatay Manchester 3-1.
Kooxaha
Group B ayaa iyaguna ciyaarihii ay yeesheen, waxa ay Barcelona ka badisay koox
Leverkusen oo iyadu hoygeeda lagu ciyaarayay. Bacelona oo iyadu sii wada guulaha
isdaba jooga ah ee ay ka keenayso horyaalka yurub, ayaa iyadu ciyaartaas ku
badisay laba gool oo ay u keeneen laba ciyaartoy oo iyagu bedel ku soo galay oo
kala Saviola iyo Overmars, guushaas oo noqonaysa tii toddobaad ee si isdaba
jooga ay ku guulaysato ciyaaraha Horyaalka Yurub.
Ciyaartii
labaad waxa iyaguna iskaga horyimid Inter Milan iyo Newcastle United, ciyaartaas
oo ka dhacday garoonka Newcastle ayay inter ka faa’iidaysatay dhinaashaha
kooxda Newcastle kadib markii laga ciyaartoy oo uu kaadh cas ka qaatay ciyaarta,
waxaanay dhalisay Kooxda Inter saddexgool. Laakiin kooxda Newcastle ayaa isku
dayday in ay dhashato goolal, umase suurto gelin ilaa hal gool mooyaane goolkaas
oo dhashatay daqiiqadii 72aad, balse Recoba ayaa isagu u saxeexay goolkii afraad
ee kooxda Inter Milan, ciyaartiina waxa ay ku dhammaatay 4 – 1 ay Inter ku
guulaysatay.
Ciyaaraha
Group B ayaa iyaduna kooxda Arsenal ay garoonka Olmypic-ga ee Roma kula yeelatay
kooxda AC Roma, ciyaartaas oo daawanayeen 50,000 qof, waxa isagu isku muujiyay
inuu yahay xidigga ciyaartaas weeraryahanka reer Faransiis Theiry Henry oo
saddex gool uu kala dhaliyay daqiiqadihii 6aad, 70aad iyo 75aad ku siiyay
kooxdiisa guusha, halka ay Roma dhashatay hal gool daqiiqadii 4aad.
Isla
Groupkaas ayaa kooxaha Vallencia iyo Ajax ciyaari ku dhexmartay garoonka
Vallencia, ciyaartaasina waxay ku dhamaatay 1-1 ay isla mari waayeen labada
kooxood.
Dood
H |
argeysa (Haatuf):
Dood-cilmiyeed muddo saddex maalmood ah socotay oo ay ka qayb galeen ilaa dhawr
iyo labaatan suxufi oo ka kala socda qaybaha iyo hayadaha kala duwan ee
saxaafadda Somaliland ayaa shalay lagu soo gebagebeeyey magaalada Hargeysa.
Dood-Cilmiyeeddan
oo ay wada jir u soo qaban-qaabiyeen saddex hayadood oo samafal ah oo kala ah:
ICD, PENHA iyo FOPAG waxa uu ku qabsoomay Huteelka Maansoor ee magaalada
Hargeysa, waxaana mudadii uu socday lagu qaadaadhigay mawduucyo la xidhiidha
marxaladda xasaasiga ah ee xiliga doorashooyinka iyo isbedelada siyaasadda lagu
jiro iyo doorka ay saxaafaddu ka qaadan karto, taas oo ay suxufiyiintii
dood-Cilmiyeedaa ka qayb qaatay iswaydaaradeen arimo badan oo la xidhiidha
xiliga lagu jiro iyo saamaynta ay geedisocodka adeegyada saxaafadda ku yeellan
karto, iyadoo ay geedisocodka doodda daadihinayeen hawl-wadeeno ka kala socda
saddexdaa hayadood iyo weliba rag kale oo khibrad u leh arimaha saxaafadda.
Runtii
mudadii ay dooddu socotay duruufo dhinacyo badan leh oo saamayn ku yeellan kara
suxufiga iyo saxaafadda ayaa lagu gorfeeyey madasha, isla markaana waxa aad la
isula jeex-jeexay kaalinta ama doorka ay saxaafaddu ka qaadan karto hawlaha
doorashooyinka, taas oo la isla tilmaamay dhumucda ay leedahay marxaladdan
xasaasiga ah iyo feejignaanta looga baahan yahay ninka suxufiga ah iyo
saxaafadda guud ahaan, waxaana gebagebadii doodda lagu go’aamiyey ilaa toban
qoddob oo ah dhaqanka iyo anshaxa
adeeg ee suxufiga iyo saxaafadda, kuwaas oo la isla gartay in inmuddo ah ugu
yaraan ilaa mudada ay socdaan hawlaha doorashooyinku si ku meel-gaadh ah ay
beesha saxaafadda Somaliland ugu sii dhaqanto, iyadoo ay tobankaa qoddob si guud
u tilmaamayaan ilaalinta anshaxa suuban ee saxaaafdda iyo kaalinta
dhexdhexaadnimo ee looga baahan yahay saxaafadda hadii ay tahay hay’adda
(Institution) iyo hadii ay tahay hawl-wadeenka saxaafaddaba.
Qoddobadaana
waxa uu nuxurkoodu ku salaysana inay saxaafaddu feejigo dheeraad ah ka yeelato
marxaladda xasaasiga ah ee xiliga doorashooyinka iyo inay dhexdhexaadnimo iyo
dul-qaad weyn ka muujiso arimaha socda iyo ururada iyo dhinacyadda siyaasadda ee
hirdamaya hadii ay ta dawliga ah iyo hadii ay tahay ta Madaxa banaan dirkaba.
Arimaha
kale ee gebagebadii kulankaa lagu soo qaaday waxa ka mid ahaa duruufaha haysta
suxufiyiinta iyo guud ahaan goobaha wax soo saarka Somaliland, waxaana markii
laga hadlayey dhibaatooyinka iyo duruufaha bahda saxaafadda haysta si gaar ah
farta loogu fiiqay urur la’aanta saxaafadda Somaliland haysata, taas oo aanay
lahayn urur kulmiya, laakiin waxa halkaa lagu gorfeeyey baahida loo qabo in la
sameeyo urur saxaafadeed. Hase yeeshee waxay doodi ka abuurrantay sida iyo
dariiqa loo marayos samaynta ururkaa, waxayse xubno suxufiyiinta ka mid ahi soo
jeediyeen in mustaqbalka la qabto kulan ay bahda saxaafaddu u dhan tahay,
halkaana lagu go’aamiyo samaynta iyo aayaha ururka saxaafadda.
Inkasta
oo ay qaar suxufiyiinta ka tirsani xuseen inay hadda jiraan dad ku hawlan
samaynta urur saxaafadeed, hadana taa waxa inta badan loo arkay mid aan la wada
ogayn ama loo dhamayn oo hadhaw dhibaatadeeda yeellan karta, sidaa darteed waxay
aragtidu u badatay inay daruuri
tahay kulan guud oo ay dhan yihiin qaybaha iyo bahda saxaafaddu in lagu abyo
karo urur-saxaafadeed tifaftiran, taas oo macnaheedu yahay inay samaynta urur
saxaafadeed ku filayn qayb ama koox gaar isu abaabushay. “Waa inay samaynta
ururka saxaafadda kulan guud ka yeeshaan dhammaan suxufiyiintu oo ay xataa ka
soo qayb galaan weriyayaasha goboladu, hadii kale oo ay kooxi urur ku dhawaaqdo,
waxa imanaysa koox kale oo iyana urur ku dhawaaqda, taasna waxba kuma
samaysmayaan”sidaa waxa ku dooday Shukri Xariir oo ka mid ahayd suxufiyiintii
kulankaa ka qayb galay.
Mawduucyada
kale ee dood cilmiyeedaa lagu lafaguray waxa ka mid ahaa waajibaadka laga rabo
masuuliyiinta iyo maamulada dawladda, hadii ay tahay dawladda dhexe iyo hadii ay
tahay dawladaha hoose, kuwaas oo la isla tilmaamay waajibka shilis ee ka saaran
adeegyada aasaasiga ah iyo horumarinta dadkoooda, laakiin waxa iyana farta lagu
fiiqay dayaca weyn ee taa ka muuqda. Sidoo kale waxa qoddobada halkaa lagu
gorfeeyey ka mid ah doorka ay dadweynuhu ku leeyihiin marka laga hadlayo
aayahooda, laakiin la isla tilmaamay inaanay u bislayn inay la xisaabtamaan
cidda ay u igmadeen danahooda guud, sidaa darteed loo baahan yahay in wacyigooda
kor loo qaado.
H |
argeysa (Haatuf):
Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa laga martiqaaday ka
helay dalka Senegaal ee ku yaal galbeedku Afrika, waxaana martiqaadkaa u fidiyey
madaxweynaha dalka Senegaal Abdoula
Wade, sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu af-hayeenka madaxtooyada,
Cabdi Idiris soo saaray. Laakiin war-saxaafadeedka af-hayeenku waxa uu ka
dambeeyey kulan ay isla shalay qasriga madaxtooyada Somaliland ku yeesheen
madaxweyne Daahir Rayaale iyo Sarkaal
la taliye u ah madaxweynaha Senegaal oo magaciisa la yidhaahdo, Diakhate Pakhda,
halkaas oo ay madaxweynaha iyo sarkaasi kulan muddo hal saac ah qaatay ku
yeesheen, iyadoo uu war-saxaafadeedku sheegay in kulankaa ay labada dhinac kaga
wada hadleen xidhiidhka labada dal ( Somaliland & Senegaal)., iyadoo uu
sarkaalka dawladda Senegaal ka socdaa yahay ninka martiqaadka soo gaadhsiiyey
madaxweyne Rayaale.
Sida uu sheegay war-saxaafadeedkaasi martiqaadka uu madaxweynaha dalka
Senegaal u fidiyey waxa uu jawaab u ahaa dhambaal fariin ah oo uu hore
madaxweynaha Somaliland ugu diray hogaamiyaha Senegaal, waxaana la sheegay inuu
dhambaalkaa sii qaaday oo uu gaadhsiiyey madaxweynaha Senegaal
sarkaal dawladda Somaliland u qaabilsan arimaha dalalka galbeedku Afrika
oo magaciisa la ydihaahdo Xasan Diini.
“Madaxweynow waxaan ku faraxsanahay inaan qaabilo Xasan Diini, taas oo
ii noqotay munaasibad aan si buuxda ugaga borto xaaladda wadankiina iyo inaanu
helo war ku saasban shaqada wanaagsan ee aad qabsateen”ayuu madaxweynaha
Senegaal ku yidhi dhambaalka martiqaadka ah ee uu u soo diray madaxweynaha
Somaliland, laakiin wuxuu intaa ku daray dhambaalka madaxweynaha Senegaal
“Aniga oo munaasibadaa ka faa’iidaysanaya
waxaan kuu fidinayaa inaad martiqaad rasmiya dalka Senegaal bisha
ramadaan ka dib, laakiin waxa maalinta ay noqonayso isla meel dhigi doona
Wasaaradaha arimaha debedda ee labada dawladood” .
Weftiga
Laascaanood
L |
aas-caanood (Haatuf):
Wefti wasiiro u badan oo ka socda dawladda Somaliland ayaa hadda hawlo maamul ka
wada gobolka Sool, iyaga oo ku sugan xarunta gobolka Sool ee Laascaanood,
waxayna weftigaasi halkaa ku maqnaayeen muddo ka badan hal toddobaad, ka dib
markii ay khamiistii toddobaadkii hore ka baqooleen magaalada Hargeysa.
Madaxa weftigaa C/laahi Xuseen Iimaan (Darawal) oo ah wasiirka
dib-udejinta ayaa sheegay inay hadda gacanta ku hayaan hawlo ay ka mid yihiin
tirokoobka iyo dib u habaynta ciidamada kala duwan ee Somaliland ee gobolka Sool
iyo weliba sidii loo qaramayn lahaa ciidamo kale iyo weliba sidii loo dhaqaajin
lahaa maamulka gobolka, wuxuuna wasiirku sidaa ku sheegay waraysi aanu
isgaadhsiinta telefoonka kula yeelanay isaga oo jooga Laascaanood, taas oo uu
tafaasiil ka bixiyey guud ahaan hawlaha ay gobolka ka wadaan iyo waxyaalaha ay
kala kulmeen socdaalkooda gobolkaa, laakiin adaxa weftiga, Cabadilaahi Darawal
isaga oo ka waramaya hawlaha ay gobolka u tageen wuxuu yidhi “Hawlaha aanu
gobolka u tagnay waxa ka mid ah ciidamada oo la tirokoobo iyo la qarameeyo oo la
isku qayb-qaybiyo iyo maamulka oo al dhaqaajiyo oo xafiisyadii badhasaabka iyo
kuwii kale ee degmada ama gobolka oo la furo, hawlihiina hadda si fiican ayey
noogu socdaan”.
Mar kale wasiirka dib-udejintu isaga oo ka waramaya xaaladda nabadgelyo
ee gobolku sida ay hadda tahay waxa uu yidhi “Aad iyo aad bay xaaladda
nabadgelyo u wanaagsan tahay, wax dhibaato ah oo hadda ka jiraana ma jiraan”,
laakiin sida ay hore u sheegeen warar la xidhiidha socdaalka weftigaa waxa
markii ay Laascaanood ku sii dhowaayeen rasaas ku furtay dabley hubaysan oo
jid-gooyo u gashay, taasina waxay keentay baa la yidhi inay weftigu laba goosan
noqdaan oo goosan-ba mar galo magaalada Laascaanood oo ah xarunta gobolka Sool,
laakiin wasiirka dib-udejinta oo aanu waydiinay inay jirto dableyda la sheegay
inay rasaaseen wuu qiray, laakiin waxa uu sheegay inay nimanka raasaaseeyey
ahaayeen niman ciidanka Qaranka ah oo mushahar ka maqan ka cadhaysnaa. ”Waxay
ahaayeen niman ciidanka Qaranka ah ka tirsan oo ka xanaaqsan mushahar ka maqnaa,
laakiin may ahayn wax dadka gobolka ku dhaqan ay shaqo ku lahaayeen, arintaasina
way dhamaatay oo hadda wax dhibaato ahi kama taagan”.
Weftiga wasiirada ahi waxay gobolka Sool u baqooleen maalin ka dib
markii ay ka soo hoyden wefti shilis oo isugu jiray Salaadiin, xubno Guurtida
ah, siyaasiyiin madax banaan, duqay iyo wax garad kale, kuwaas oo muddo saddex
bilood gaadhaysa hawl-gal nadabeed ka waday gobolka, ka dibna xal ka gaadhay
colaaddo dhexmaray beelo ka tirsan reer Sool, waxayna wararku sheegeen inay
weftigaasi saamayn weyn oo siyaasadeed ku yeesheen gobolka, taas oo ay dadka
reer Sool aad u soo dhoweeyey, ugana mahdadoobeen hawsha nabadeed ee ay
weftigaasi qabteen. Hase yeeshee Madaxa weftiga wasiirada, C/laahi Xuseen Iimaan
(Darawal) oo aanu waydiinay xaaladda nabadgelyo iyo jawiga siyaasadeed ee ay
hadda kala kulmeen gobolka waxa uu yidhi “Xaaladda nabadgelyo iyo jawiga
siyaasadeed ee gobolku aad iyo aad bay u wanaagsan tahay, hawshii ay weftigaasi
soo qabteena way ka muuqataa”.
Wasiirku waxa dib-udejintu waxa uu sheegay inaanu hadda sheegi karin
mudada uu qaadanayo socdaalkooda hawleed ee gobolka, laakiin waxa uu xusay inay
ku xidhnaan doonto had-ba inta ay ugu dhamaato hawlaha maamul ee ay wadaan,
isaga dhinaca kalena sheegay inay soo dhowayn weyn kala kulmeen dadka reer Sool,
waxaana xubnaha weftigaa ka mid ah wasiirada xanaanada xoolaha,
cadaaladda,Wershadaha iyo wasiirkuxigeenka gaashaandhigga iyo weliba xubno ka
mid ah mudanayaasha baarlamaanka Somaliland.
Guddiyada
doorashooyinka
H |
argeysa (Haatuf):
Tababar socday muddo laba maalmood ah oo loo qabtay guddiyada doorashooyinka
gobolada iyo degmooyinka Somaliland ayaa shalay lagu soo gebagebeeyey xarunta
guddiga doorashooyinka heer qaran ee magaalada Hargeysa, waxayna tababarkaa
hawl-wadaneeda guddiyada doorashooyinku ku baranayeen mawaadiic la xidhiidha
nidaamka ay dadku u codaynayaan marka la gaadhoxiliga doorashada.
Tababarkan oo ay soo qaban-qaabiyeen guddiga doorashooyinka qaranku
waxyaalaha ay ka qaybgalayaashu ka baranayeen waxa ugu muhimsanaa sida uu
cod-bixiyuhu ugu muujinayo cod-bixintiisa (Ballot Paper) ururka uu codkiisa
siinayo maalinta ay doorashadu dhacayso.
Warqadda cod-bixinta oo ay dhowaan guddiga doorashooyinku u soo
bandhigeen ururada siyaasadda ee u taagan tartanka madaxtinimada dalka waxa lagu
xardhay magacyada iyo calaamadaha lix urur-siyaasadeed oo kala ah: ASAD,
HORMOOD, KULMIYE, SAHAN, UCID iyo UDUB. “Mudooyinkan waxaanu wadnay wacyigelin
guud oo ku saabsan ahmiyadda doorashadu leedahay, laakiin hadda waxa la gaadhay
waqtigii dadka loo sharaxi lahaa habka loo codaynayo” sidaa waxa yidhi Maxamed
Sheekh oo xubin ka ah guddiga doorashooyinka Qaranka, wuxuuna intaa ku daray
“Arintaa fulinteeda waxa uu waajib ka saarran yahay guddiyada doorashada,
ururada siyaasadda iyo warbaahinta”.
Ururka
UDUB oo olole ka wada gobolka Saaxil
B |
erbera (Haatuf):
Musharaxiinta dawladaha hoose ee degaanka gobolka Saaxil ayaa Arbacadii doraad
dadka reer Berbera kala hadlay fagaaraha la yidhaahdo 26-ka Juun, waxaana halkaa
isugu soo baxay dadweyne tiro badan.
Khuda-badda ay musharaxiinta iyo taageerayaasha ururka UDUB u jeediyeen
dadka reer Berbera waxay qayb ka tahay olole weyn oo uu ururka UDUB toddobaadkan
halkaa ka bilaabay, taas oo ay ugu xusul-duuban yihiin sidii ay u kasban
lahaayeen taageerada dadweynaha, isla markaana uga soo kaban lahaayeen dhaawaca
ka soo gaadhay khilaafaad siyaasiya oo saameeyey gudaha ururka UDUB.
Weriyaha Haatuf
ee gobolka Saaxil, C/raxmaan X. Daahir ayaa war-bixin nooga soo diray ololaha uu
ururka UDUB ka wado gobolka Saaxil, xaruntiisa Berbera iyo saamaynta uu ku
yeeshay dadka degaankaa, wuxuuna war-bixintiisa ku bilaabay:
“Isu soo baxa fagaaraha 26-ka Juun oo ay soo abaabuleen xubnaha
musharaxiinta golayaasha degaanka dawladaha hoose iyo taageerayaasha ururka UDUB
waxa isugu yimi dadweyne badan, waxayna taasi ku soo beegantay xili ay dadku
daawanayaan loollan k dhexeeya xubnaha musharaxiinta ururka UDUB oo aad moodo
inuu ka dhexeeyo xadhig jiidad iyo is-garbin..
Markii hore falkinta iyo kala hagidda siyaasadaha iyo dhaqdhaqaaqayada
ururka UDUB ee gobolka Saaxil waxa shidhka ugu jirey oo hormuud ka ahaa
Xasan-Gadhweyne oo isku hayey labada jago ee maayarka Berbera iyo badhasaabka
gobolka Saaxil, wuxuuna Xasan liiskii u horeeyey ee musharaxiinta ururka UDUB ee
degaanka Saaxil kaga jirey lambarka koowaad, laakiin waqti dambe ay hogaanka
sare ee UDUB soo saareen waxa uu kaga jiraa meel aad u dambaysta, waxaana
lambarkiisii lagu bedelay Cabdalle Maxamed Carab, waxayna Cabdalle iyo xubno
kale oo cusubiba si firfircoon uga dhex-muuqdaan ololaha cusub ee hadda ka socda
gobolka Saaxil..
Ninka hadda kumeelgaadhka u sii haya xilalka maayarka Berbera iyo
badhasaabka Saaxil, Maxamed Axmed Xasan ayaa ugu horayn isu soo baxa fagaaraha
26-ka Juun ka hadlay, wuxuuna halkaa ka jeediyey hadal wacyigelin iyo baraajujin
u badan. “Qofkasta waxa la gudboon inuu xil iska saaro sidii uu u gudan lahaa
wixii waajib ah ee dhiniciisa saaran”ayuu yidhi Maxamed Axmed Xasan.
Gudoomiyaha xafiiska UDUB ee Berbera, Siciid C/laahi Yaasri oo ay
hareeraha joogaan xubnaha musharaxiinta ururka UDUB ee degaanka Saaxil ayaa isna
faagarahaa ka ahdlay, waxaana ereyadiisa ka mid ahaa “Waxaan doonayaa inaad
isu miisaantaan musharaxiinta ururada kale iyo musharaxiinta ururka UDUB ee
hortiina taagan oo aan filayo inay yihiin kuwo idin anfaca inaad tayadooda
eegtaan, anaga oo jecel inaad dawladiina iyo xisbiga UDUB nala doorataan”.
Waxa kale oo isna halkaa aka hadlay Cabdalle Maxamed Carab oo ah ninka
lambarka koowaad ku qoran, wuxuuna yidhi “Dadweynow kuwa aad xilka u
dhiibanaysaan waa inaanay noqon kuwo ku naax-naaxa cashuurta laga soo ururiyo
hooyada sariibadda fadhida, ninka aad xilka u dhiibanaysaana waa inaad kuraasta
cadiirka ah isugu timaadaan”. Sidoo kale waxa isna fagaarahaa ka hadlay
badhasaabkii hore ee gobolka Saaxil, isla markaana ahaa maayarkii Berbera, Xasan
Gadh-weyne, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay “Waa ilaahay mahadii mar hadii aan
fiursad u helay inaan halkan idinkala hadlo aniga oo qof caadiya, kana mid ah
musharaxiinta ururka UDUB, waayo wax badan ayaan halkan idinkala ahdlay iyadoo
uu xil i saaran yahay”, laakiin wuu sii waday hadalka wuxuuna aad ugu
dheeraaday duruufihii uu soo maray iyo waxyaalihii u qabsoomay mudadii uu isku
hayey labada xil ee maayarka Berbera iyo badhasaabka Saaxil. Hase yeeshee waxa
uu markii dambe u weekday dhinaca ururka UDUB iyo xaaladiisa, wuxuuna yidhi
“UDUB waa mudankii axsaabta, waxaadse moodaa inay qaar aasaasayaashii ururka
ka mid ahi hadda cadho kaga maqan yihiin, kuwaas waxaan leeyahay walaalayaal noo
kaalay idinkama maaranee”., laakiin Xasan-gadhweyne waxa uu ka hadlay liiska
musharaxiinta ee uu markii hore lambarka koowaad kaga jirey iminkana uu kaga
jiro lambar 14, wuxuuna yidhi “Maalmihii ina dhaafay waxay dad badani
iswaydiinayaan tolow maxaa Xasan-Gadhweynihii lambar kowga ahaa lambar afar iyo
toban ku qoray, laakiin aniga hadii xubinta u dambaysta ku cadhoon-maayo oo ku
tegi maayo ee ninkasta oo ka taga ama ka cadhooda aniga uun buu iigu imanayaa
xisbiga UDUB, magacayguna waa UDUB, Berbera waxay u baahan tahay tacmiir iyo wax
loo qabto, laakiin uma baahna nin marna sii raaca, marna soo raaca”.
Ururka
Somaliland Forum oo deeq waxbarasho siinaya arday
H |
argeysa (Haatuf):
Ururka Somaliland Forum oo ay ku bahoobeen qurba joog badan oo reer Somaliland
ah ayaa sheegay inay deeq waxbarasho dhowaan siin doonaan 32 arday oo ka mid ah
ardayda wax ka barata jaamacadaha Somaliland, sidaana waxa sheegay Dr. Axmed
Xuseen Ciise oo xubin ka ah ururka Somaliland Forum.
Deeqdan waxa la siinayaa 32 arday ee ugu dhibco badnaada jaamacadaha
xili waxbarasheedka foodda inagu soo haya, waxaana xulista ardaydaa loo saari
doonaa guddi ka kooban labada jaamacadood ee Hargeysa iyo Boorame iyo saddex
xubnood ka tirsan Somaliland Forum, waxayna xubnaha Somaliland Forum kala yihiin
Qaniya Ismaaciil Aadan (Maraykan), Axmed Xuseen Ismaaciil (Sucudiga) iyo Xuseen
Wadaadyare (Sweden).
Waxa kale oo la sheegay inuu ururka Somaliland Forum jaamacadda Hargeysa
dhowaan siin doono kaalmo kale ee dhinaca Laybareeriga ah (kutubta).
Ururka
ASAD iyo ololahiisa doorashada
T |
oronto- Kenada: urursiyaasadeedka ASAD ayaa toddobaadkan xafiis ka
furtay magaalada Toronta ee dalka Kenada, waxaana xafladii xafiiskaa lagu furay
taageerayaashiisa kala hadlay gudoomiyaha ASAD, Saleebaan Maxamuud Aadan
(Saleebaan-gaal) oo hadda socdaal ahwleed ku maraya debedaha, wuxuuna Saleebaan
ugu horayn taageerayaashiisa uga waramay xaaladda guud ee ay Somaliland
ku sugan tahay waqtigan xaadirka, isaga oo dadka debedaha ku guubaabiyey sidii
ay uga qayb qaadn lahaayeen dhismaha iyo horumarinta dalkooda, mar labaadkana
waxa uu ugu waranay ujeedooyinka iyo barnaamijka urukiisa, waxaana kulankaa
qaban-qaabadiisa lahaa Mustafe Cabdi Cartan oo ah xidhiidhiyaha waqooyiga
Ameerika ee ururka ASAD.
Dhinaca kalena olole siyaasadeed oo ay qaar ka tirsan hogaamiyayaasha
ururka ASAD ka wadeen degaamada Berbera iyo Sheekh ilaa toddobaadkii ina dhaafay
waxay xafiisyo cusub ka furteen magaalooyinka Berbera iyo Sheekh,
Sida uu sheegay mudane Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan ururka ASAD,
isla markaana mudane ka tirsan golaha wakiilada Somaliland waxa uu ururka
magaalada Berbera ka furtay 4 xafiis, sidoo kale magaalada Sheekh-na hal xafiis,
waxayna xubnaha ASAD munaasibadahaa ay Xafiisyada ku furteen k jeediyeen
khudabdo ay kaga waramayaan barnaamijka iyo mabaadi’ida ururkooda, iyadoo ay
taasi qayb ka tahay ololaha ay ururada siyaasadda Somaliland hadda ka wadaan
dalka, taas oo ay isugu diyaarinayaan doorashooyinka dawladaha hoose ee la
filayo inay dalka ka dhacaan badhtamaha bisha Diisambar ee foodda inagu soo
haysa.
Axmed
Siilaanyo oo u baqoolay Sanaag
H |
argeysa (Haatuf):
Gudoomiyaha urur-siyaasadeedka KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud iyo wefti uu
hogaaminayo ayaa shalay u kicitimay gobolada bariga Somaliland, waxayna weftiga
socdaalkooda ku simi doonaan ilaa gobolka Sanaag, iyadoo ay taasi qayb ka tahay
ololaha siyaasadeed ee ururka KULMIYE ku doonayo inuu ku hanto taageerayaal
badan.
Gudoomiyaha ururka KULMIYE, Axmed Siilaanyo iyo weftigiisu waxa ay ka
bixitimeen magaalada Hargeysa oo ay iyada lafteeda toddobaadadii ina dhaafay ka
wadeen ololayaal dhinaca siyaasadda ah, waxayna wararku sheegeen inuu weftiga
KULMIYE socdaalkiisan ku tegi doono magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka
Sanaag iyo degmooyinka kale ee gobolka Sanaag, laakiin lama oga inta uu qaadan
doono safarka weftiga KULMIYE ee gobolada bari.