Haatuf News

 

Issue: 215 ___________________________________Taariikh: 2-12-2002

 

“Way Fiican Tahay Inay Doorasho Dalka Ka Dhacdo, Laakiin Waxa Muhiim Ah In Lays Weydiiyo Diyaar Ma U Nahay”

“Caadifad Meel Laguma gaadho ee Runtaa lays tusaa, aniga walaac baa ii muuqda”Professor . Axmed Xuseen Ciise

 

 

H

argeysa (Haatuf): “Doorashadu wax-tar iyo dhibaato labadaba way yeellan kartaa, waayo hadii ay si fiican u dhacdo wax-tar weyn bay u yeelanaysaa Somaliland, hadii ay inaga xumaatana waxa laga yaabaa inay Somaliland u yeelato dhibaato aan laga soo kaban karin, sidaa darteed…”Sidaa waxa yidhi professor, Axmed Xuseen Ciise oo madax ka ah xarunta cilmi baadhista Somaliland ee marka magaceeda la soo gaabiyo la yidhaahdo IPR, isla markaana xubin ka ah ururka Somaliland Forum oo ah urur ay ku bahoobeen dad badan oo aqoon yahano reer Somaliland ah oo qurbajoogga ka mid ah, Sidoo kalena professor Axmed Xuseen waa nin aqoon u leh arimaha siyaasadda, wuxuuna ka mid yahay dadka u dhaqdhaqaaqa sidii ay Somaliland ictiraaf u heli lahayd. Sidaa darteed Axmed waxay hadaladiisani ka mid ahaayeen waraysi khaas ah oo ay wada jir ula yeesheen weriyayaal ka kala socda wargeyska Haatuf iyo Telefishinka Madaxa banaan ee Hargeysa, wuxuuna professor Axmed Xuseen waraysigaa kaga hadlay marxaladda doorashooyinka iyo duruufaha ku xeerran, isaga oo farta ku fiiqay dhibaatada ka iman karta hadii ay doorashada ku timaado murkucasho, wuxuuna ku taliyey in xaaladda hoos loo eego, lana hubiyo inay inkaaniyaadka iyo wacyiga doorashooyinku diyaar yihiin iyo inkale. sidoo kalena waxa uu tilmaamay sida ay isaga ula muuqato doorashada iyo axwaasheedu. laakiin professor Axmed Xuseen ugu horayn waxa uu tafaasiil ka bixiyey deeq waxbarasho oo uu ururka Somaliland dhowaan sheegay inuu siin doono 32 arday oo ka tirsan Jaamacadaha Somaliland (Hargeysa & Camuud), isaga oo arinta k hadlayana wuxuu yidhi “Ururka Somaliland Forum waxa uu deeq waxbarasho siin doonaa 32 arday oo jaamacadaha Camuud iyo Hargeysa ka kala tirsan, deeqdaasna waxa loogu magac daray marxuum, C/raxmaan X. Cali Ismaaciil oo ka tirsanaan jirey Forum-ka, ahaana xubin muhim ah, toddobaadka soo socdana waxa imanaya saddex xubnood oo arintaa u socda, lana xidhiidhiya jaamacadaha si loo soo xulo ardaydaa, waxaana ardaydaa xulistooda loo eegayaa natiijada imtixaanka, ka dibna deeqda la siiyo ardayda ugu fiican xagga aqoontu”.

Professor, Axmed Xuseen waxa uu sheegay ardaydaasi iyaga oo jaamacadahooda dhiganaya inay Somaliland Forum ka bixin doonaan kharashaadka, wuxuuna intaa ku daray in mudada laga bixinayaa ay ku xidhnaan doonto had-ba inta uu ururku u qorsheeyo, iyadoo ugu horayn la carifay hal xili waxbarasho (cemester). “lminka xiliga (semester) soo socda ayaa laga bixinayaa, laakiin waxaanu ku talo jirnaa inaanu joogtayno oo sannad kastaba ardayda ugu fiicnaata la siiyo deeqda”ayuu yidhi. Laakiin intaa ka dib waxa uu ka hadlay dhinaca doorashooyinka iyo arimo la xidhiidha, wuxuuna ugu horayn yidhi “Doorashooyinka foodda inagu soo haya waa dhab oo waxa jira dad oo dunida ah oo eegaya ama xiisaynaya sida ay u dhacaan, markaa doorashadu horta waa wax aad loo eegayo, waxayse ku xidhnaan doontaa kolba sida ay u dhacdo, wax-tar iyo dhibaato labadaba way yeellan kartaa oo hadii ay si fiican u dhacdo wax-tar weyn bay u yeellan kartaa Somaliland, hadii ay inaga xumaatana dhibaato aan laga soo kaban karin ayaa laga yaabaa inay u yeelato Somaliland, sidaa darteed waxa loo baahan yahay in iminka laga wada shaqeeyo sidii ay si fiican ugu dhici lahaayeen doorashooyinku”.

Marka doorashooyinka Somaliland laga hadlayo dad badan waxa u muuqdaa qabyo iyo duruufo badan oo ku gadaaman hawsha doorashada, kuwaas oo hadii ay doonaan wiiqi kara suurta-galnimadeeda, sidaa darteed Professor Axmed Xuseen mar la waydiiyey isagu sida uu arintaa u arko wuxuu yidhi “Horta doorashooyinku asalkoodaba ma hawl yara oo dawlado intaas oo sannadood soo jirey, sida Maraykanka oo kale ayaa isku qabsaday. Laakiin doorashooyinku ma aha wax aan la samayn karin ee waa wax dhaca oo maalin walba la sameeyo, sidaa darteed doorashooyinka waa laga samayn karaa Somaliland hadii talo fiican la qaato, waxaase meesha ku jira in nidaamkii la helo oo aan la iska indho tiring oo la hawl yaraysan, mana aha in la iska yidhaahdo doorasho ayaa la samaynayaa ee hebel iyo hebelow masuul ka noqda, ka dibna aynu inaga oo aan diyaar aynu doorashadii ku dhex dhacno”, laakiin Axmed isaga oo qiimaynaya sida uu hadda u arko hawsha diyaar garowga doorashada wuxuu yidhi “Iminka laba toddobaad ka hadhay waqtigii loo qabtay doorashooyinka dawladaha hoose, hadana anigu inta aan ka war qabo waxa ii muuqatay qabyo fara badan oo jirta, tusaale waxa dhowaan la isku raacay in la sameeyo diiwaangelin si loo ogaado dadka footaynayaa kuwa ay yihiin, taasna sida ay u dhacday warkeeda waynu haynaa, waxa kale oo qorshaysan in 1200 oo meelood laga footayn doono,  waxaana goob kasta looga baahan yahay in sanaaduuqdii la dhigo, in dadkii ka shaqaynayey la dhigo, inay Asxaabtu goob kasta muraaqibiin geytaan iyo gaadiidkii iyo shidaalkii loo diyaariyo,  laakiin taasi iima muuqato inay weli diyaar tahay, iyadoo ay laba toddobaad oo keliyi ka hadhay, markaa doorashadu waa inay waqti heshaa, waana inay marka hore u dhacda cadaalad, mar labaadka waa in dadka wax dooranaya ikhtiyaarkoodu jihaysan yahay, laakiin hadii aan waxba loo diyaarin oo aan dadka laga dhaadhicin waxa ay dooranayaan iyo muhimadda ay doorashadu leedahay iyo hadii aan waqti fiican la siin si ay u kala ogaadaan dadka musharaxiinta ah ee isa soo sharaxay waxay yihiin, markaa doorashada hadii laga waayo cadaalad iyo ihktiyaar dadka ah runtii way wiiqmaysaa, sidaa darteed maanta anigu walaac yar baan ka qabaa, waxaana noqonaysa halkii aynu horumarka ka doonaynay inay dib dhac inoo keenaan doorashooyinku, mana arko wax inagu khasbaya inaynu degdeg u qabano doorashooyinka, way fiican tahay inay dalka doorashooyin ka dhacaan, laakiin waxa muhim ah inaynu is-waydiino waar diyaar ma nahay, hadii aynaan ahayna aynu waqti siino”.

Marka laga hadlayo doorashooyinka Somaliland  had iyo goor sawaxanka ololaha doorashada marka la wado waxay dad badani ku dhawaaqaan in doorashooyinka lagu gaadhi doono ama lagu higsanayo aqoonsiga Somaliland, laakiin Professor Axmed Xuseen oo la waydiiyey isagu sida uu taa u arko wuxuu yidhi “Anigu ma ogi dawlad keliya oo inta ay ballan-qaad keentay ina tidhi hadii aad doorashada qabataan waanu idin ictiraafaynaa, laakiin waxay dadka qaar odhanayaan hadii aad talaabadaa qaadaan waa talaabo fiican, mase jirto cid ina dul-taagan oo ina leh hadii aad doorashada qabataan waanu idin ictiraafaynaa, hadii aad qaban waydaana idin ictiraafi mayno”.

Dad badan oo dhinacyada siyaasadda ka mid ah ama dad kale oo ka mid ah dadka arimaha doorashooyinka wax ka yaqaan iyo xataa hadii aad xog-waraysato dadka arimaha gacanta ku haya ma ilowsana duruufaha ku gadaaman hawsha doorashada, laakiin hadana waxaad moodaa inaan xataa talo laga lahayn, iyadoo aad moodo in lala xishoonayo in la is taabsiiyo duruufaha oo calal-aqilu talo laga yeesho, sidaa awgeed Axmed Xuseen mar la waydiiyey sida ay taasi ugu muuqato wuxuu yidhi “Horta anigu waxaan qabaa marka ay timaado arin adag ama arin siyaasadeed oo kale in laga saaro caadifadda, hadii aad caadifad wax ku qabatana meel kuma gaadhsiinayso, sidaa darteed waxa fiican in inta caadifidda meel la iska dhigo runta lays tuso oo aan la kala xishoon in lays tuso sida ay wax yihiin, marxaladda aynu maanta joogno marka aad eegtona uma arko inay tahay maalin inta dur-baan la tumo oo dumarka iyo caruurta la soo saaro la yidhaahdo kursi baan doonayaa, taas oo laga yaabo inaad is tidhaahdo maanta adigaa horeeyee wixii doonaa ha ka dhaceene yaan waxba laga wada hadlin oo yaan wax dan ah lays waydiinin, dadka kursiga doonayaana waa inay ahaadaan dad doonaya inay dadkooda wax u qabtaan, doonayana inay dadkooda dhibaatada ka ilaaliyaan oo hadii ay arkaan in kursi doonkooda dhibaato ku jirto diyaar u ah inay dib uga noqdaan, markaa runtii anigu waxaan u arkaa qolooyinkan Asxaabta, ka dawladda iyo kuwa kaleba inay dib isugu laabtaan”.

Degmooyin ama gobolo ka mid ah Somaliland ayey dad badani qabaan inaanay doorashooyinka dawladaha hoose ee loo cayimay 15-ka Diisambar ka dhici karayn, sidaa darteed Axmed Xuseen mar la waydiiyey bal sida uu u arko hadii ay degmooyinka qaar ka dhacdo, qaarna ka dhici waydo, wuxuu yidhi “Horta hadii ay laba ama saddex meelood ay doorashadu ka dhici waydo, Taasi dhibaato ma leh oo adduunka kaleba taasi way ka dhacda, laakiin hadii ay meelo badan doorashadu ka dhici waydo taasi guul ma aha, waana dhibaato”.

Professor Axmed Xuseen Ciise maadaama uu waxoogaa walaac ah ka muujiyey xaaladda doorashada, waxay weriyayaashu waydiiyeen bal xalka ama dariiqa kale uu arko in marxaladda lagaga gudbi karo ama waxa uu ku talinayo wuxuu yidhi “Dadka arinta loo xil saaray iyo dadka talada Somaliland haya ayey taal inay eegaan xaaladda oo ay iswaydiiyaan waar suurta gal ma tahay inay doorashooyinku sidan ay xaaladdu tahay u dhacaan, hadii aanay sidaa ku dhici karayna la yidhaahdo maxaa talo ah, laakiin aniga taladaydu waxay tahay inay doorashooyinku u dhacaan sidii dhabta ahayd ee xaqa ahayd ayaa ka muhimsan in layska qabta uun”.

 

 

 

 

Kheyr Waxba Kuma Yeellee, Shar U Toog-Hay

Faallo: _____________________A. Ducaale

 

D

alka Ivery Coasta (Ayfari Koosti) oo ku yaal Afrikada galbeed waxa labadii sannadood ee u dambeeyey ka oognaa qalasaase siyaasadeed iyo dagaalo faraha lagaga gubtay oo ay kumanaan qof ku naf-waayeen, kumanaan qofna ku barakaceen, hanti badanina ku burburtay, dagaaladaas oo maanta maraya heerkii ugu xumaa waxay ka kaceen ismariwaa ka dhashay doorashooyin dalkaa laga qabtay sannadkii 2000, waqtigaas oo nin musharax doorashada laga baabi’iyey, taasina ay keentay inay ka cadhoodan beesha uu dhalasho ahaan ka soo jeedo iyo taageerayaashiisii, halkaana waxa ka huray qalalaase sababay inay milaterigu inqilaabaan talada, laakiin arintu way siii socotay oo taliskii milateriga ahaa ayaa isna mar kale dabayaaqadii 2001 qabtay doorashooyin kale, laakiin kuwaasina ma noqon kuwo lagu qanco oo xaalada soo dabaala, waxayna taasi kabriidka ku sii qabatay rabshado siyaasadeed iyo dagaalo hor leh oo dhiig badani ku daatay, waxayna dagaaladaasi mar kale isu sii bedeleen dagaalo diimeed iyo kuwo qabiil, waxayna marayaan meel xun, dalka Ivery Coast-na waxay mushkiladdani la soo deristay, isaga oo ka mid ah dalalka Afrika ugu qanisan, dabcan uguna xasiloon, laakiin maanta xaaladdu way isbedeshay dhinac kasta.

Sidoo kale rabshadihii siyaasadeed iyo dagaaladii ba’naa ee intii u dhexaysay sannadihii 2001ilaa 2002 ka holcay jasiiradda Madagaskar ee ku taal badweynta Hindiya waxay ka hureen doorashooyin la qabtay oo natiijadoodii la isku waafaqi waayey, ka dibna hubka la isu gurtay, ka dib markii ay labadii nin ee kala hogaaminayey labadii xisbi ee tartamayey oo uu mid waliba goonidiisa u sheegtay inuu doorashada helay sidaa darteedna uu yaha madaxweynaha xaqa ah ee dalkaa, dhibaatadii dalkaa ka hurtayna inkasta oo marar badan xal nabadgelyo lagu soo dabaalay ilaa maanta arimideedii way qiiqaysaa.

Rabshadihii siyaasadeed iyo dagaaladii mudada socday ee dalka Kenya ee bariga Afrika ka dhacay sannadkii 1992-kii waxay iyaguna ka bilaabmeen doorashooyin dalkaa laga qabtay, taas oo ay mucaaradka iyo dawladdu warmaha isu gurteen, ka dib markii ay mucaaradku ku dacwiyeen in lagu shubtay, taasina waxay keentay dagaalo dhiig badani ku daateen.

Dalka Al-jeeriya oo ku yaal waqooyiga Afrikada ayey doorashooyin ka dhacay sannadkii 1992-kii sababeen dagaalo riiq-dheeraaday oo socday toban sanno-kudhowaad, waxayna dagaaladaasi qarxeen markii xisbi la odhan jirey FIS oo helay doorashada ay milaterigu baabi’iyeen guushiisii doorashada, taasina ay keentay inay qoriga qaataan, laakiin xisbigii FIS oo markii hore ahaa xisbi siyaasi ah waxa uu markii dambe isu bedelay jabhad hubaysan oo la yidhaahdo JIA.. Dagaaladaasina inkasta oo ay hadda yara qaboobeen waxay galaafteen dad gaadhaya ilaa 60’000 oo qof (Lixdan kun oo qof).

Sidoo kale dalka Jabuuti ayey isna sannadkii 1999-kii ka dhaceen doorashooyinkii madaxweynaha, waxaana soo baxay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, laakiin doorashooyinkaasi inkasta oo ay qabsoomeen, hadana ma noqon kuwo turxaan la’, ee waxay noqdeen kuwo ay isku colaadsadeen rag markii hore saaxiibo isu dhow ahaa, laakiin markii dambe damaca siyaasaddu colaysiiyey. Sidaa darteed cilladdii doorashadaa ka dhalatay waxay sababtay inqilaabkii dhicisoobay ee dalkaa ka dhacay 7-dii Diisambar sannadkii 2000. Inqilaabkaas oo uu hogaaminayey janaraalkii hore ee ciidamada booliska Jabuuti, janaral Yaasiin Yaabe Galab inkasta oo uu dhicisoobay, hadana waxa uu sababay iska hor-imaad milateri oo maalmo hadheeyey xasiloonida nololeed iyo atmosfeerka siyaasadeed ee dalka Jabuuti, iyadoo janaralkii inqilaabka hogaaminayey xabsiga loo taxaabay, wuxuuna janaral Yaabe aakhirkii ku dhintay xabsiga dhexdiisa.

Sidoo kale dunida reer galbeedku ee lagu majeerto inay horumar weyn ka gaadheen waxa loo yaqaan Dimoqraadiyadda iyo nidaamka doorashooyinka ku dhisan Axsaabta badan ayaa iyaga laftoodu ka ceeb la’ayn ka soo dhalaalidda hawsha adag ee doorashooyinka.  Tusaale ahaan dalka Maraykanka oo hadda ah atooraha dunida doorashooyinkii madaxweynaha ee sannadkii 2000 waxay dhalisay muran xoog leh oo si weyn u gil-gilay xaalka Maraykanka, arintaas oo inkasta oo markii dambe la soo afjaray khilaafkii ba’naa ee ka dhex-aloosmay labadii musharax (Bush & Algore), hadana waxay noqotay arin loo qaadan waayey, waxayna dad badan oo dunida ahi aaminsan yihiin inay ahayd dhacdo eel ku reebtay gudahah Maraykanka. Laakiin markaa taa laga yimaado nidaamka xisbiyada badan iyo hanaanka doorashada ku dhisan waxa uu ka mid yahay nidaamyada siyaasadeed ee aad loo majeerto, sidaa darteedna wadamo badan oo ku dhaqmay oo dunida ahi way mahadiyeen, iyadoo la odhan karo cid waliba waa sida ay uga faa’iidaysato ama u dabakhdo.

Saddex iyo toban maalmood oo qudha ayaa inaga xiga maalintii loo cayimay inay qabsoomaan dooraashooyinka dawladaha hoose, waxayna maalintaasi tahay 15-ka bisha Diisambar ee maanta labada ah, iyadoo waxa la doonayaa yahay in Somaliland markii ugu horaysay isbedelka siyaasaddu ku yimaado hanaanka ku salaysan nidaamka xisbiyada badan, waxaana hadda garoonka dushiisa safan ilaa 6 urur-siyaasadeed oo uu mid waliba kabaha u iladay inaanay cidina ka orod badin, waxaana ururkasta hal-kudheg u ah “Xaaraam, waa habeen xalay tegay in layga orod badiyo”.

Dadka reer Somaliland cid aragta doorasho ku dhisan nidaamka xisbiyada badan waxa ugu dambaysay sannadkii 1969-kii, waqtigaas oo dal-weynihii Jamhuuriyaddii Somaliya laga qabtay doorashooyin, laakiin doorashooyinkaasi iyaga laftoodu ma noqon kuwo la mahadiyey, waxayna sababeen dagaalo Ehliya oo meelo badan ka dhacay, isla markaana asaayihii doorashoyinkaasi waxa uu sababay inqilaabkii milateri ee dalkaa ka dhacay isla sannadkii 1969-kii. Sidaa darteed 90% dadka reer Somaliland waxa la aaminsan yahay inay aqoon iyo ra’yi ka haysan doorashada iyo camalkeeda, taasina waxay marag u tahay inay nidaamkan iyo dadku qariib isku yihiin. Laakiin marka laga yimaado badownimada iyo bisayl la’aanta dadka ka haysata dhinaca doorashada, waxa intaa dheer duruufo shilis oo ku gedfan hawsha doorashada, sidaa darteed-na ceeb ma aha hadii ay dad badani ka werweraan ama fili karaan inay si hawl-yar wax u qaloocdaan.

Laga soo bilaabo ku dhawaaqidii la soo noqoshada madax banaanida waxay isbedelada siyaasadeed ee Somaliland ku iman jireen shir-beeleedyo lagu soo doorto dawladda iyo madaxda dalka maamulaysa, laakiin hadda waxaad moodaa inay dad badani sas iyo cuqdad ka qaadeen sababta runta ahi waxay doonto ha ahaatee. 

 Dadka arimaha doorashada majaraha u haya iyo weliba dad badan oo dhinacyada siyaasadda ka mid ahi waxay leeyihiin “Bahasha yaan loo baqan way suurta gelaysaa ee ha lagu dhiirado”, isla markaana waxay saadaalinayaan inay arimuhu mar walba sida wacan u dhacayaan, waxayna ku sawax-mayaan in hadii ay doorashooyinku inoo qabsoomaan la gaadhi doono guul weyn oo siyaasadeed, sida Ictiraaf iyo wax la mid ah, laakiin aragti kale ayaa iyana leh “Armay sidu sidii noqon waydaa oo aynu noqonaa duqsi fuud kulul dabaashay, waxayna aragtidaa sidaa lihi milicsanaysaa duruufaha meesha yaal. Laakiin dadka qaar ayaa iyaga oo duruuf milicsanaya, dareenkooduna aanu werwer la’ayn, hadana ku odhanaya  “Mar hadii aanu jirin  dariiq kale oo la isku waafaqsan yahay oo isbedelka xiliga loo mari karaa doorashada hala wado, waxay doonto dhashee”., taasna waxay uga jeedaan dadka talada dawladda haya iyo dhinacyada iyo ururada siyaasadda oo aan si wax u wada arkin ama xataa hadii ay si wax u wada arkaana wax badan la kala gabaya, arimahaasina waxay keeneen in duruufta laga xishoodo.

Arimahaa macnahoodu ma aha inay jirto cid mabdi’iyan diidan doorashada iyo nidaamka xisbiyada badan, laakiin su’aasha doodda dhalinaysaa waxay tahay diyaar ma la yahay. Laakiin hadda ma muuqato cid diidani, waxaadna moodaa in loo wada riyaaqsan yahay oo durbaanka loo tumayo inay doorashooyinku dhacaan, ilaa hadana ma jirto wax dood ah ama muran ah oo ka taagan dhicidda doorashada, sidaa darteed qormadan ujeedadeeduna ma aha inay muran geliso doorashada, laakiin waxa uu nuxurku yahay, “Shar u toog hay, khayr waxba kuma yeelee”, taas oo macneheedu yahay ugu yaraan yaan laga xishoon in lays dareensiiyo duruufaha jira si talo looga yeesho ka gudubkooda si aanay u noqon talaabo aan loo meel deyin oo hadhow la qoomameeyo, sida meelo badan oo qayrkeen ah oo iyaguba laga yaabo inay markii hore isbidayeen ku dhacday oo xataa marka waxa kale oo laga yimaado ugu yaraan waa inaan loo ilowsanaan inaynu ka mid nahay dunida Afrika ee musuqmaasuqa iyo wax is-dhaafdhaafinta qaniga ku ah, inaga oo og doorasho iyo wax is-dhaafdhaafini inay gaas iyo kabriid isu yihiin.

 

 

Berbera (Qarnigii 7aad – 2002) Gobolka Saaxil, waa sidee xaalada Nololeed?

Waraysi: G. Gobolka Saaxil

B

erbera (Haatuf): Magaalada Berbera, Xarunta Gobolka, waa magaalo xeebeed ka mid ah kuwa ugu da’da weyn magaalooyinka xeebaha ku yaal Gacanka Afrika, waxaana lagu qiyaasaa inuu dhismaheedu bilowday Qarnigii 7aad, xiligii Maamulladiii IFAT iyo ADAL, waxaa ka muuqda Berbera dhismayaashii ay ka dhistay Maamulkii Turkiga ee Ingiriisku kala wareegay 1885-kii. Hadda waxaa magaalo-ganacsiga Berbera ka ah Maayor, Mr. Maxamed Axmed Xasan (Talaata Codle), oo isla markaa ah Badhasaabka Gobolka Saaxil.

Toddobaadkan ayuu wargeyska Haatuf kula kulmay Duqa Berbera, Mr. Maxamed Axmed Xasan (Talaata Codle), xafiiskiisa Maamulka ee Berbera, waxaanu Haatuf la yeeshay wareysi dhinacyo badan leh, waxaanu u dhacay sidan:

S: Guud ahaan warbixin naga sii magaaladan Berbera?

J: Magaalada sidaad u ogtihiin, waa magaalo xeeb ah, dhaqaalaha dalkuna iyaduu xoog uga yimaadaa, dalku iyaduu ku dhisan yahay, hase yeeshee iyada dhinaceeda in ay ka abaarsan tahay oo dhaqaalaha wixii loo baahnaa aanay ka helin ayaad moodaa, waase loo dadaalayaa. Hadda Madaxweyne Ku-xigeenku markii uu yimid, wuxuu ku balanqaaday in wax laga qabto, xaga tacliinta, caafimaadka, laydhka, biyaha, arrimaha bulshada oo dhan in wax laga qabto oo gacan la saaro oo la helo laydh joogto ah oo 24 saacadiid ah, biyo aan kala go’in, caafimaadka, daryeel fiican, iskuulladana la dhiso, markaanu arrimaha bulshada eegno biyo horta joogto ah imika magaaladu way heshaa oo ku filan. Hay’addan Jarmalka ah ee THW iyo Wakaallada Biyaha ee Berbera markay iskaashadaan ee ay iyadana maal-geliyay Hay’adda THW la yidhaa ee Jarmalku, waxay gaadheen in ay imika biyo ku fillan magaalada keenaan, kiyoostooyin farabadana ay furaan, sameeyaana meel ay baabuurta dabdamisku ka qaataan biyaha, oo haddii uu dab dhaco in markiiba meelo mucayan ah ay biyaha ka qaataan, 6 meelood ayaa loo sameeyay, dhuumihii hore ee qasabadaha magaalada galayay way wada badeleen saacado cusub, ayaa la keenay oo lagu xidhay Masaajidada, si biyaha khasaaraya ay u yareeyaan, waxaa la keenay qasabadahan marka la cadaadiyo biyaha soo deynaya, markaad gacanta ka qaadana ay biyuhu ay is xidhayaan, si loo dhaqaaleeyo biyaha.

Biyaha waxaa lagu talo-jiraa in la balaadhiyo oo faro-deero iyo Dubaar la kala qaado; faro-deero la geeyo in ay dadkuun waraabiso loogu talo galo oo dadku ka cabo, Dubaarna marka xoolaha la furo, meeshani waa xaruntii xoolaha, xoolo badan ayaa ku soo degaya, waa meeshii xoolaha laga dhoofin jiray, Inshaa Allah, marka xoolaha la furo biyaha dadka iyo biyaha xoolaha la kala duwo oo ay Dubaar gaar u noqoto biyaha xoolaha, Faro-daarana ay u noqoto mid dadweynuhu uu ka cabo, ceelal hor lehaa la qodo oo biyo macaan oo la cabo la helo. Xaafadihii aanay Berbera biyuhu tegi jirin waa la geeyay, sida; Burco Sheekkh oo kale oo kyoostooyin ayaa loo sameeyay waagii hore, habeenna Burco Sheekh ayaa loo furi jiray, habeenna xaafad kale ayaa loo furi jiray. Imika sidii maahee, way helaan biyaha, aad ayaanu xaga biyaha u wanaagsanahay halkay marayaan iyo sidii hore markaad isu eegto. Xaga Caafimaadka haddaan in yar ka taabto, magaaladan Berbera waxaa joogi jiray Hay’adda COOPI oo gacanta ku haysay muddo dheer, waxay ahayd markii dalka la soo galay 1991-kii ICRC, ayaa joogi jirtay, dabadeedna COOPI, ayaa bedeshay, marqudhaba muu waayin hay’ad gacanta ku haysa Cusbitaalku, dhakhaatiir heer sare ah , ayaa joogi jirtay, dabeeto muddo dhexdaasa ayaa waxaa ka dhammaaday kontaraagii ay ku shaqaynaysay COOPI, gaab ayaa markaa soo baxay (wakhti aanay hay’adiba gacanta ku hayn) oo uu Cusbitaalku xaalad ahaan ka soo dhacay meel sare, meel hoosana yimid, shaqaalaha ka shaqeeya Cusbitaalka Berbera maca dhakhaatiirta COOPI ayaa wax siin jirtay, Wasaarada Caafimaadka iyo Wasaarada Maaliyaddu markaa waxba may siin jirin. Markay hay’addu meesha ka laabatay, waxaa banaannaaday kaalinteedii (gaab) oo soo baxsaday, waxaa dhammaatay daawadii, waxaa dhammaaday wixii kale ee tashiilad ahaa, sida; naaftada mishiinada, qalabka dayactirka, qalab dibu-hagaajinta guryaha, qalabkii kale ee lagu shaqaynayay. Waxaas oo dhammi inaga ayay inagu soo baxsadeen, markaa halkaa dhibaato culus ayaa ka timid, waxaa la isku dayay in arrintaa wax laga qabto, waa loo dedaalay gobolku wuu u dedaalay, dekeddu waa u dedaashay.  Markii ka dambaysay, waxaa la waday maadaama ay hay’adii meesha ka baxday in aynu isku tashano oo la shaqaaleeyo hawlwadeenada caafimaadka qoraal ayaa la sameeyay (proposal), imtixaan ayaa laga qaaday, wixii imtixaanka gudbay waa la soo shaqaaleeyay.

La soco cadadka dambe

 

 

Ganacsidihii Loo Haystay Shaqaaqadii Burco Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Eeddaa

Shir-Jaraa’id_____________________________________________________

 

B

urco (Haatuf): Ganacsade Axmed Maxamed Diiriye oo qayb ka ahaa iska hor-imaad gacan ka hadal ah oo 21-kii bishii ina dhaaftay magaalada Burco ku dhexmaray ciidanka Booliska iyo dablay hubaysan oo la sheegay inuu oday ka ahaa ganacsade Axmed Maxamed ayaa shalay markii u horaysay ka hadlay dhacdadaa, wuxuuna jawaabo ka bixiyey su’aalo laga waydiiyey arintaa.

Dagaalkaas oo la xidhiidhay muran dhinaca dhulka ah oo dhexmaray dawladda hoose ee Burco iyo ganacsade Axmed Maxamed Diiriye waxa uu sababay dhimasho ilaa afar qof ah oo ay leeftay rasaastu iyo dhaawac dhawr iyo toban qof gaadhaya, iyadoo dadka dhintay ioy dadka dhaawacmayba la sheegay inay galaafatay rasaastiii dableydu, laakiin waxa kale oo ay arintaasi sababtay in xabsiga loo taxaabo koox odayaal ah oo loo aaneeyey dableydii dagaalka geysatay, kuwaas oo ay isku beel yihiin ganacsdahan.

Ganacsade Axmed Maxamed Diiriye arimahaa waxa uu kaga hadlay shir-jaraa’id uu ku qabtay xafiiskiisa Burco, iyadoo ay shirka jaraa’id ku weheliyeen qaar ka tirsan odayaasha ardaagiisa, sida, Cabdi Maxamed Cabdi (Cabdi boodo), waxaana wada jir uga jawaabayey ganacsade Axmed Maxamed iyo Cabdi Maxamed Cabdi oo la sheegay inuu yahay gudoomiyaha ardaaga ganacsadaha, wuxuuna shirkooda jaraa’id ku soo beegmay xili uu weli ismaandhaaf ka dhex-taagan yahay dawladda iyo dhinaca ganacsade Axmed Maxamed Diiriye, laakiin Axmed isaga oo taa ka jawaabaya wuxuu yidhi “Anigu waxaan jecelahay wax kasta oo ay nabadgelyada Somaliland ku jirto”, wuxuuna intaa ku daray “Cid kasta oo ay dhibaato meesha waanu tacsiyadaynaynaa, wax kasta oo wanaag ahna diyaar baanu u nahay, mana jiraan wax dhibaato ah oo beelaha na dhex yaal, laakiin meesha cadaalad baa ka maqan ilaa cadaalad la helona ma jiraan wax hagaagayaa, sida ay cadaaladdu ku imanaysaana waa iyadoo wixii khaladaad ah la saxo, waxa meesha ka dhacayna waa qader alle, masuuliyaddana cid baa iska leh, waxaase jira dhaqan aynu ka dhaxalay dawladdii Siyaad Barre, kaas oo ah in la taageero cidda dembiga leh, lana saaro cid aan dembiga lahayn, waxaanuna doonaynaa in maamulka sare cid cadaalad ahi nooga timaado oo noo garqaado maamulka Burco”.

Ganacsade Axmed Maxamed isaga ayaa lagu eedeeyey inuu eelka meesha ka dhigay oo uu ka dambeeyey, laakiin ata wuxuu kaga jawaabay “Waxaanu aaminsanahay inuu maamulka Burco waxan dhigay, oo ay falkan geysteen nimanka shaadhka soo gashaday, waxaan qabaa inay dadkaa dawladdu dishay, waxa la xidh-xidhay odayaashii iyo wax garadkii beesha ee arinta xalili lahaa ee lagala hadli lahaa, taasina waxa weeye gef ay maamulku leeyihiin, waxayna doonayaan inay iska horkeenaan beelaha, sidaa darteed waxaan madaxweynaha iyo dawladda sare iyo  cid kasta oo ay arinrani khusayso waxaan ka codsanayaa in arinta cagaha loo dhigo, lana baadho ciddii dembiga lahayd, ilaa odayaasha la soo daayana ma jirto wax wada hadal ah oo aanu maamulka la yeelanaynaa, waxaanuse la xidhiidhnay dawladda sare,waxaanuna arintaa iyada ah wax ka qabashadeeda uga fadhinaa wasiirka daakhiliga Somaliland”.

 

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

Waraysi Mingistu

Qaybta labaad ee buugga ka hadlaya kacaankii dhergiga.

Qaybtan oo ah qayb aad u xiisa badan waxay ku saabsan tahay waraysi dheer oo ay gabadha buuggan qortay Ganat Ayale Ambasa la yeelatay Mingistu Hayle Mariam (Madaxweynihii hore ee Itoobiya), waraysigaas oo uu Mingistu jawaabo kaga bixiyey su’aalo taf-dheer oo dhinacyo badan, aadna loogu faaqiday waayihii iyo dhacdooyinkii soo maray Itoobiya mudadii uu ka talinayey waxa uu u dhacay sidan:

Ganat: Mingistu Marka hore iiga waran taariikhdaadii dhalasho iyo meesha aad ku dhalatay, welibana ii raaci taariikhdii ciyaal-nimadaadii?

Mingistu: Waxaan dhashay bishii Juun 16-keedii sannadkii 1940-kii, magaca mingistu la yidhaahdo waxa la iigu bixiyey, waxaan dhashay weerarkii uu Itoobiya ku soo qaaday faashiistihii Talyaanigu, taas oo aan dhashay wax yar ka dib markii dalka laga saaray faashtihii Talyaaniga.  Waxaan ku dhashay magaalada Adis-ababa, waxaana ku dhashay guri yar oo uu Talyaanigu dhisay oo ku yaal xaafadda Goorgis. Mar aabahay warasyi lagala yeeshay taariikh nololeedkiisii, ayuu sheegay inuu isaga aabihiis ahaa Oromada Shawa degan, islamarkaana waxa uu ahaa beeralay, wuxuuna ku dhashay oo uu ku barbaaray meesha loo yaqaan Furi oo hadda ah meesha loo yaqaan Rapi. Laakiin dadka iminka jooga e caqliga xun ee qabyaaladiistaha ahi si xun ayey wax uga sheegaan taariikhdayada, wayna qaloociyaan magacayaga oo waxay isku dayaan inay dadka nacsiiyaan. Meesha uu aabahay ku dhashay ka dib markii aan waynaaday ayaan soo arkay, nimankii aabahay iyo awowgay ay meel wada deganaayeen maanta qaarkood meeshii way ka tageen, qaarkoodna way dhinteen, laakiin yaraantaydii waan aqaanay oo waan booqan jirey, dhulkaasi waxa uu ahaa dhulkii awowgay, aniguna xataa waxaan soo arkay buul yar oo dunsan oo uu awowgay lahaa iyo weliba dhulkii uu beerran jirey..

Aabahay Xayel Maryam Walde waxa uu ahaa curidkii Aabihii , curid-kuxigeenkiisuna waxa uu ahaa Asraat Walde, awowgaygana waxa uu u dhintay xanuun asiibay, laakiin aabahay dhulkaa waxa uu sii deganaa ilaa iyo markii uu talyaanigu soo galay dalka Itoobiya. Hase yeeshee markii uu Talyaanigu soo galay Talyaaniga waxa suuq yeeshay digaagadaha iyo beedka, ka dibna aabahay inta uu digaag badan dhaqdo ayuu beedka ay dhalaan iibin jirey oo uu reerkooda ku biillin jirey, taas ayeyna ahayd shaqadii ugu horaysay ee uu aabahay ka xoogsadaa, wuxuuna iiga sheekeeyey inuu sheekadan marxalado badan kala soo kulmay.

Ka dib markii Talyaaniga dalka laga eryey aabahay waxa uu ka qayb galay askartii ugu horaysay ee casriga ahayd ee dalka laga qoro, lambarkiisii askarinimona waxa uu ahaa 1000 (Kun), sidaa darteed marka aan waydiiyo askarta lambar kowgu waa kuma waxa ii I odhan jirey “Waa kornayl Asfaw Shimanda”, hadaba anigu waxaan dhashay markii uu aabahay miyiga ka soo wareegay ee uu magaalada soo galay.

Hadii aan dhinaca hooyaday kaaga waramo waxay ka soo jeeday degaanka la yidhaahdo Tagulete, halkaas oo ku taal waqooyiga gobolka Shawa, dhulkaasina maadaama uu ahaa dhul-daaqsimeed dadku way guur-guuri jireen oo kolba meel ayey degi jireen, marka dalka la soo weerarana gabareegu inta ay askar noqdaan ayey dagaalka geli jireen.

Hooyaday awowgeed Walda Amaane  laba ka waaweyni oo ay walaalo ahaayeen waxay ku dhinteen dagaalkii Talyaaniga lala galay, sidaa darteed si nimankaa ay walaalaha ahaayeen ee dagaalkaa ku dhintay loogaga abaal-gudo awowgay dhul ayaa laga siiyey meel la yidhaahdo Barga oo Adis-ababa u jirta qiyaas 10 Km ah, halkaas oo uu lo’ iyo beero ku dhaqday, wuxuuna ahaa beeralay taajir ah, waxaana halkaa kula noolaa walaalihii iyo kuwa kale ee qoyskooda.. Hooyaday ninkii u horeeyey ee la siiyey halkaas ayuu ku koray,. Wuxuuna ahaa nin la odhan jiray Ina Qays Yaa’in Nawaari Maryam, ka dibna markii ay inbadan is qabeen ayey kala tageen.

Hooyaday adeerkeed, Walda Amaanu iyo hooyaday walaalkeed oo ka yaraa Dirasiliini waxay ku biireen ciidan uu urursaday nin geesi ahaa oo la odhan jirey Asash Sawde, waxayna ka mid noqdeen dagaalyahankii dagaalka la galay faashiistihii Talyaaniga, hooyaday iyo gabdho kale oo asxaabteed ahina waxay sahayda u gud-bin jireen dagaalyahankaa, iyaga oo rasaasta dhiisha ay biyaha ku shubtaan ugu sii qaadi jirey, wararkana u gud-bin jirey, dabadeedna markii ay ciidamadii faashiistuhu ogaadeen inay hooyaday ku jirto hawshaa ayey hooyadeed iyo aabaheed-ba dhawr goor xidheen, gurigii ay deganaayeena habeen madow ayaa la gubay, waxaana loo gaystay dhibaato badan, taariikhdaasina ma aha mid been waa mid ay dadkii la deganaa iyo ummadda oo dhami garanayso.

Markii ay arintu marba marka ka si dambaysta sii qadhaadhaatay ee ay nafteedu marar badan khatar gashay ayaa hooyaday markii dambe loo soo masafuriyey dhinaca Adis-ababa, waxayna timi guri eedadeed lahayd (Taadaraj Wubeet) gurigaasina waxa uu ku yaalay meesha xaafadda la yidhaahdo Araat Kiilo, dabadeedna hooyaday iyadoo gurigaa ku nool ayey aabahay kulmeen, laakiin sida ay caadada dalkayaga lag yiqiinay ahayd gabadha inta xoog lagu kaxaysto ayaa aqal la gaysan jirey sidaana lagu guursan jirey , markaa hooyadayna sidaas oo kale ayaa lagula aqal galay, sidaas ayaan aniguna ku dhashay, laakiin hooyaday inkasta oo aanay iyadoo wax jecel guursan, hadana jacaylkii ay aniga I jeclayda awgeed ayuu xidhiidhkii aabahay iyo hooyaday ee guurku mid rasmi ah isu bedelay, ka dibna walaashayda iga yar Amala Warqa Xayle Mariam iyo walaalkayga gabadha ka sii yar Getaana xayle Mariam.

Aabahay waqtigii uu askariga noqday nimankii Ingiriiska ahaa ee ciidankiisa tababaray waxa uu ka bartay sida hubka loo sameeyo (repair), xiligaana way yaraayeen ragga aqoontaas oo kale lihi, sidaa darteed marba meel baa shaqadiisa looga baahan jirey oo la gayn jirey. Siidaamo, Negayle, Gobolka Kafaa, gobolka Shawa,  waqooyiga iyo bariga dhammaantood wuu ka soo shaqeeyey, laakiin markasta oo aabahay hawl loo diro hooyaday si aanay aniga iiga fogaan ayey u silci jirtey, markaa inkasta oo hooyo-kasta jacayl ay ubadkeeda u qabto aanu ahayn mid la qiyaasi karo, hadana hooyaday jacaylka ay I jeceshahay waxa uu ahaa mid igu weyn, sidaa darteed aniguna muxubada aan hooyaday u hayey waxay ahayd mdi weyn, laakiin maadaama uu kolba meel shaqo u tegi jirey oo uu wada joogayagu yaraa macaankiisa ma garanayo ee dhadhanka ay hooyadu lahayd ayuun baan garanayaa. Marar aan u tegi jirey awowgay iyo ayeyday mooyaane inta badan hooyaday uun baan la joogi jirey., laakiin hooyaday qoyskeedu mararka qaarkood marka ay ka yaabaan xaaladeeda nololeed ayey soo dhexgeli jireen oo ay ku odhan jireen “Maxaa ninkan askariga ah ku daba sudhay maad aayar dhulkaaga iska joogtid”, laakiin aabahay oo isna ahaa nin Madaxa taaga waxa uu taa kaga jawaabi jirey “iyada waad la hadhi kartaan, laakiin inankayga cid iga reebi kartaa ma jirto”, dabadeedna wuu ila baxsan jirey, dabadeedna hooyada sidaa kuma hadhi jirin ee aniga awgay ayey u soo raaci jirtey aabahay.

Markii dambe ee uu Ugaadeeniya Ingiriisku ku soo wareejiyey maamulka Itoobiya aabahay waxa uu ka mid ahaa ciidankii jiidahaa loo bedelay, laakiin hooyaday inta ay na kaxaysay ayey Dirir-dhabe na geysay, Dirir-dhabena waxay ahayd meel kaneeco iyo xanuuno badan, sidaa darteed hooyaday halkaas ayey ku dhimatay, geerideedana saddexdayada caruurta ah ee ay dhashay waanu joognay, aniguna markaa sagaal jir baan ahaa, waxayna geedidii hooyaday ku timi igu noqotay naxdin iyo niyad jab, jacaylkii aan u qabey dartiina mar kasta oo aan xanuunsado waan ooyi jirey, maantana inkasta oo waqtiga badan ee ka soo wareegay ay wax badan iga masaxantay, hadana dareenkeedii waan hayaa….

 La soco cadadka dambe.

 

Iftiinka Islaamka

Siiradii Nebi Muxamed (CSW)

 

Heshiiskii Uu Rasuulku (SCW) La Galay Yuhuuddii Madiina

Yuhuudii madiina daganayd sidaan soo tilmaanayba waxa ay ka koobnayd sadex qabiilo oo lakala odhan jiray Banuu Qaynuqaac, Banuu Nadiir, iyo Banuu Qurayda, sidoo kale waxaa jirtay yuhuud kale oo daganayd dhulkaas xijaas sida khaybar iyo agagaarkeeda.

Yuhuuddaas oo ka soo guurtay dhinaca Shaam timidna Madiina iyo agagaarkeeda waqti hore waxay barteen luuqaddii carabiga, waxayna qaateen dhaqankii carabta. Saddexdan qabiil ee yuhuuddu waxay xulafo la kala ahaayeen labadii qabiil ee carabta ahaa ee Madiina deggenaa (aws iyo khasraj) sidii aan soo sheegnayba.

Yuhuuddu carabta waxay u ahaan jireen culimo maxaa yeelay waxay ahaayeen ehlu-kitaab oo diintii Nabi Muuse ayey hasteen. Waxayna markii hore ugu faani jireen "Nabi ayaa aakhiru samanka imaan doona, waana rumeyn doonaa waana idinla dagaallami doonaa" hase yeeshee markii uu Rasuulkii kitaabkooda lagu sheegay yimid oo carab ka soo baxay way diideen, xiqdi iyo xaasidnimo darteed iyagoo odhanaya: "anaga ayay rusushu naga soo bixi jirtey". Kitaabkoodii in badan oo ka mid ah way beddeleen siiba intii ka warramaysay Nabiga SCW iyo sifooyinkiisa, waxayna Rasuulka SCW la qaabbileen colaad iyo xumaan.

Markii gaaladii qureyshi weydiiso in Maxammed SCW uu Nabi yahay iyo in kale waxay odhan jireen "maaha Nabi idinkaana ka toosan oo ka hanuunsan". Ilaahayna isagoo arrinkaas ka warramaya wuxuu yidhi:

((MA ARAGTAY KUWA KITAABKA QAYBTA LAGA SIIYEY OO RUMAYNAYA SIXIR IYO SHAYDAAN, KUNA ODHANAYA KUWA GAALOOBAY KUWAAN (GAALADA AH) AYAA JID UGA HANUUN BADAN KUWA MU'MINIINTA AH, KUWAASI (YUHUUDA) WAA KUWUU ALLE NACLADAY, CIDII ALLE NACLADANA U HELI MAYSDI GAR GAARE)), ( Suuratu-Nisaa 51-52).

Sidoo kale mararka qaarkood waxay Rasuulka SCW u maleegi jireen shirqoollo ay rabaan iney ku dilaan, Arintaasna weligoodba caan ayey ku ahaayeen oo rususha Ilaahay qaarna way dili jireen qaarna way beenin jireen siduu Ilaahay ku leeyahay Aayadan:

((WAXAA ILMA BANII ISRAA'IIL KA QAADNAY BALAN, WAXAANA U DIRNAY RASUL, MAR WALBA OO RASUUL ULA YIMAADO WAXAYNA NAFTOODU JECLAYN KOOXNA WAY BEENIYAAN KOOXNA WAY DILAAN)), ( Suuratul-Maai'idah 70).

Haddaba yuhuuddu iyagoo sidaas rususha Ilaahay la qaabili jirey haddana Nabigu SCW wuu uga sii xag jirey oo waxay u arkeen iney iyagu rusulnimada uga xaq leeyihiin maaddaama ay rusushu iyaga ka soo bixi jiren. Waxay kale oo ay isu arkayeen siday haddaba aaminsanyihiin iney carabta iyo dadka kaleba ka sarreeyaan oo yihiin dad Ilaahay doortay.

Yuhuuda dadka kasoo islaamay way yaraayeen, waxayna noqdeen dadka kuwa ugu cadaawada badan muslimiinta siduu Alleba qur'aanka ugu sheegay, waana arrin ay caan ku ahaayeen ilaa markii ay Ilaahay nacaladiisu ku dhacday, waana soo marnay qisadii Baxiira uu ku yidhi Abii-Dhaalib oo ahayd wiilkan ka ilaali Yuhuud, maxaa yeelay haddii waxa aan anigu ka fahmay ay ka fahmaan way dilayaan.

Yuhuuda qofkii ka islaama waxa ay la qaabili jireen cadaawad, haddii uu qofkaasi ahaa dadkooda kan ugu sharaf badnaa markii uu islaamo waxay ka dhig jireen kan ugu xun, waxaan bukhaari saxiixiisa ku wariyey in markii uu Rasuulku SCW madiina yimid uu nin ragooda kuwa ugu sharafta badan, uguna cilmiga badan kamid ahaa oo la odhan jiray Cabdullaahi binu Salaama uu islaamay markii Rasuulku SCW madiina yimid wuxuu ku yidhi: "waxa ay yuhuud ogtahay in aan ahay sayidkoodii iyo caalimkoodii uuna i dhalay sayidkoodii iyo caalimkoodii marka u yeer oo wax iga waydii (sidaan dhexdooda ka ahay) intayna ogaan in aan islaamay maxaa yeelay haddii ay ogaadaan in aan islaamay waxay iga sheegayaan wax aanan ahayn. Rasuulku SCW waa uu u cid diray markay u yimaadeena waxa uu ku yidhi: "yuhuuday Alle ka baqa, waxaan ku dhaartay Allihii isaga maahane uuna Alle kale jidhin waad ogtihiin in aan Rasuulkii Alle oo xaqa ahay, aanan la imid xaq ee islaama, waxay yidhaahdeen: "m ogin", wuxu yidhi: "see Cabdullaahi binu Salaama dhexdiina ku yahay?", waxay yidhaahdeen: "wa sayidkaayagii nooguna cilmi badan, waxaana dhalay sayidkayagii ahaana caalimkayagii", wuxu yidhi: "ka warama hadii uu islaamo", waxay yidhaahdeen: "xaashaa lillaah ma islaamayo (madhacayso)", wuxu yidhi: "ka warama haduu islaamo"?, waxay yidhaahdeen: "xaashaa lillaah ma islaamayo", wuxuu yidhi ina salaamow usoo bax markaasuu soo baxay oo ku yidhi: "yuhuudey Alle ka baqa Ilaah baan ku dhaartay, Allihii isaga maahane uuna Alle kale jirine waad ogtihiin in uu (Nabi Maxamed) yahay Rasuulkii Alle SCW oo uu xaq la yimid", waxay yidhaahdeen: "been baad sheegtay", markaasuu Rasuulku SCW (iyagii) iska bixiyey.

Rasuulku SCW markuu arkay yuhuudda iyo cadaawaddooda iyo ineyna xaqa doonayn wuxuu sadexdii qabiil ee yuhuudda ahaa la samaystay heshiis ah in la is nabad geliyo, cadowna aan la isugu kaalmayn, Madiinana la wada difaaco, waxayna qodobadii heshiiskaasi ahaayeen sidatan:

1.       Yuhuudu waxay baxsanaysaa qarashkeeda, (markii magaalada la wada difaacayo) muslimiintuna waxay baxsanayaan qarashkooda.

2.       Yuhuudu waxbay labixinayaan muminiinta inta ay muminiintu dagaalka ku jiraan.

3.       Yuhuuda reer banii Cawf waa ummad muminiinta la nool, yuhuudu diintooday leeyihiin muslimiintuna diintooday leeyihiin, (yuhuudu) waxay leeyihiin ma waalidooda iyo naftooda (waa xor) qofkii dambi gala oo dulmi sameeya maahane, qofkaasuna ma halaagayo waxaan naftiisa iyo reerkiisa ahayn.

4.       Yuhuuda reer banii Najaar waxay leedahay (xuquuqda) ay yuhuuda reer banii Cawf leedahay oo kale.

5.       Yuhuuda reer banii xaarith waxay leedahay (xuquuqda) ay yuhuuda reer banii Cowf leedahay oo kale.

6.       Yuhuuda reer banii saacida waxay leedahay (xaquuqda) ay yuhuuda reer banii Cawf leedahay oo kale.

7.       Yuhuuda reer banii Jasham waxay leedahay (xuquuqda) ay yuhuuda reer banii Cowf leedahay oo kale.

8.       Yuhuuda reer banii Aws waxay leedahay (xuquuqda) ay yuhuuda reer cowf leedahay oo kale.

9.       Yuhuuda reer banii thaclaba waxa ay leedahay (xuquuqda) ay yuhuuda reer Cowf leedahay oo kale, qofkii dulmi la yimaada oo dambi gala ma ahane, isaguna waxaan naftiisa iyo reerkiisa ahayn ma halaagayo.

10.   Reer Jafna waxay kamid yihiin (yuhuuda) reer thaclaba.

11.   Reer banii shudhayba waxa ay leeyihiin (xuquuqda) ay yuhuuda reer banii Cawf leedahay oo kale, samafalkuna xumaantu is hortaagaa.

12.   Xulufada reer banii Thaclaba iyagay ka mid yihiin.

13.   Saaxiibada yuhuud iyagay la mid yihiin (oo xuquuqdoodo kale ayey leeyihiin).

14.   Qof iyaga (yuhuuda) ka mid ah oo bixi karaa ma jiro, in uu Maxamed SCW u idmo ma ahane.

15.   Qof loo qaban karo ma jiro dhaawac hore aargudashadiis, qofkii dhib sameeyana waxa uu halaagay naftiisa iyo reerkiisa, qofkii la dulmiyey maahane, Allena raali ayuu ka yahay kaas.

16.   Cidda waraaqdaan kala qoratay way iska kaashanayaan cidii la dagaasha, waxaana ka dhexeeya waanin, waano iyo samafal xumaanta joojiya.

17.   Qofna loo qaban maayo xiliifkiisa (dambiga uu sameeyo), gargaarkana waxaa iska leh ciddii la dulmiyo.

18.   Yuhuudu waxay kharashka labixinayaan mumininta inta ay muminiintu dagaalka ku jiraan, (maxaa yeelay magaalda waa la wada daganaa mumiminiintaana difaaceysay).

19.   Yathrib gudaheeda waa ka xaaraam (in ay ku xadgudubto) cidda waraaqdaan kala qoratay.

20.   Midka la magan galiyo waxa uu la mid yahay qofka kale hadduuna dhib la imaan, dambina galin.

21.   Madiina cid la guma magan galin karo in dadkeeda (Rasuulka SCW) looga idan qaato ma ahane.

22.   Wixii cusub ee ku soo kordha dadka warqaddaan kala qortay ama khilaaf laga baqayo in uu wax fasahaadiyo waxaa loo celinayaa Allaah iyo Rasuulka Alle ee Maxamed SCW Allena waxa warqaddaan ku qodhan iyo wanaagiisa raali buu ka yahay.

23.   Lama magan galin karo qureysh iyo ciddii garabsiisa.

24.   Dadka warqaddaan kala qortay way isugu tagayaan ciddii yathrib ku soo duusha.

25.   Haddii (yuhuud) loogu yeedho heshiis ay (cid kale) la galayaan oo ay samaynaayaan, waa ay galayaan wayna samaynaayaan, iyaguna sidaas oo kale hadday (muminiinta) ugu yeedhaan xaq ayey ugu leeyihiin muminiinta waxaan ka ahayn cid Ilaahay diintiisa la dagaalamaysa.

26.   Qolo walba waxaa dusheeda ahaaday in ay (difaacdo) dhinaceeda.

27.   Yuhuuda reer Aws waa xor naftooda iyo ma-waalidooduba, sida ay xor u yihiin dadka saxiifaddaan (kala qortay), waxayna wanaag barax la' kula joogayaan dadka saxiifaddaan ehelkeeda ah, samafalkuna waa in uu xumaanta ka soko maraa, kii xumaan sameeyana isagay dushiisa ahaatay. Allena waxa uu rumaynayaa (karaali yahay) waxa waraaqdaan ku yaala iyo wanaagiisa.

28.   Is ma hor taago waraaqdaan qof aan daalim ahayn ama aan dambiille ahayn.

29.   Qofkii Madiina ee ka baxaya waa aamin kii joogayana waa aamin waxaan ka ahayn daalim ama dambiile. Allena waa magan galinayaa qofkii samafala oo dhawrsada Rasuulka Alle ee Maxamedna waa magan galiyaa.

Sidaas ayuu ahaa heshiiskii uu Rasuuku SCW la galay yuhuudii Madiina daganayd isaga oo u caddeeyey wax walba, kana dalbay in nabad gelyo loogu wada noolaado Madiina oo aan la isku xadgudbin, lana wada difaacdo magaaladaas la wada dagan yahay, hase yeeshee yuhuud oo ilaa waqtigaasba caan ku ahayd dhagar iyo ballan ka bax ma ayna ilaalin ballaantaas ay Alle iyo Rasuulkiisa SCW la galeen muddo yar ka dibna waxay ay bilaabeen ballan jebin, intii hore waxa ay dusha ka huwanaayeen heshiiskaas hoostana waxay ka wadeen xumaan, waana arrinta haddaba lagu yaqaano oo ay caalamka ka dhaadhicisay hase yeeshee islaamku u yaqaano munaafaqnimo, waxaase la yaab ah in dad badan oo muslimiin sheeganaya ay siyaasaddaas sahyuuniyadda ee laba wajiilanimada ah u haystaan tan kaliya ee saxda ah iyaga oo ka indho la siyaasadda wanaagsan ee islaamka, haddaba sadexdii qabiilo ee yuhuudda ahaa mid walba mar ayuu ka baxay, waxaynuna kaga hadli doonaa siday ugu bexeen ballantaas iyo siduu Rasuulku SCW u galay qeybaha soo socda.

 

 

 

Baaxaa-Deggii Jacaylka: Billan Iyo Baxnaan Q: 15aad_____________

Billan waxa ay u qaban karto Baxnaan oo laga qaaday xorriyadiiisa oo xidhan ayay aad uga fikiraysaa, way jeclaan lahayd in askariga ilaalinayaa si fudud u yidhaahdo “Raac Billan” waxaa qalbiga billan ku jira “Alla yaa ku bara afka ay dadkani ku hadlayaan reer Keniya (Sawaaxiliga)” Waxay maskaxdeedu tusaysaa malaha haddii ay afkaa aqoon lahayd in ay u sharaxi lahayd askarta ilaalinaysa, jacaylka ay u qabto Baxnaan iyo in ay kumaankun kiiloo mitir isaga awgii ay u soo martay, bal si ay indhaha uga qaado. Waxay isleedahay, malaha marka aad arrintaa uga waranto way ku qanci lahaayeen. Isla sheekaysigii Billan ee keligeed, waxa soo dhexgalay xiligii booqashada oo dhammaatay Xabsiga Mombasa ee uu Baxnaan ku jiro, waxaana si adag loogu tilmaamay in ay baxaan Billan iyo Medino. Medino Isloow oo ah, gabadha soo jid marisay ayaa uga sheekeysay laba-saddex qof sababta keentay Mombasa Soomaalidii degenayd Mombasa, waxaana markiiba faafay jacaylka Billan maanqaaday ee Baxnaan. Arrintani, waxay noqotay mid gaadhay ilaa Nayroobi iyo magaalooyinka kale ee Kiiniya, ilaa ay gaadhay in ay Jaraa’idka ku soo baxdo sheekada jacayl ee Billan iyo Baxnaan, qaar ka mid ah Wargeysyada maalinlaha ah ee Nayroobi oo sawiray Billan oo qoraansanaysa Baxnaan oo ka soo jeeda albaab bir ah oo haysta biraha albaabkaa, waxaanay cinwaan uga dhigay jacaylka Billan iyo Xadhiga Baxnaan.

Simon Dives oo hore ula kulantay Baxnaan ayay sheekadan soo jiidatay, waxaanay si degdeg ah ugu ambabaxday Mombasa, si ay ula kulanto Billan. Simon, waa qoraa ka tirsan BBC oo hore wax uga qortay Baxnaan, waxaanay xiisaynaysay in ay aragto Billan oo uu Baxnaan uga waramay. Simon, waxaa ku weheliyay safarkeeda laba sawir-qaade oo mid uu sito Kamaradda Filimada (Movie Camera), midna uu sito Kamaradda sawirada lagu qaado (Photo Camera), waxa isagu ku afar ahaa turjumaan ah nin u dhashay Soomaalida reer Kiiniya, Cali Atoore oo Af-Soomaali, Sawaaxiliga, Af-Ingiriisiga iyo afaf kaleba isagu isku turjuma, sida; Faransiiska iyo Isbaanishka. Cali Atoore, wakhti badan kumay qaadan inuu helo Billan, waxaanu balan ka soo qaaday in ay la kulmaan galabnimadaa. Cali Atoore, si kale ayuu ugu dhigay Billan, waxaanu ku yidhi; “Waxay qolada aan kuu keenayaa wax kaala qabanayaan sii-deynta Baxnaan, arrintaas oo ay aad ugu riyaaqday.

Billan, waxay layaabtay galabnimadii markay u yimaadeen raxan weriyayaal ah oo wata kamarado aad u dhumuc weyn, salaan kadib markii la fadhiistay ayaa sawir qaadayaashii rakibteen kamaradahoodii, waxaanay u jiheeyeen   dhinaca Billan iyo Simon oo ku fadhiya laba kursi oo isku dhow. Billan, waxoogaa ayay yara naxday oo hore umay arag qalabka lagu soo jeediyay, wareysi iyo dhammaan hawshan ku socota galabtaas guriga ay martida ku tahay ee Mombasa, laakiin rumaysnaanta ay rumaysnayd in arrintan wax lagala qabanayo soo-deynta Baxnaan, ayaa siisay Billan geesinimo oo qarisay u aqoon-darida arrimaha wareysiga. Cali Atoore, ayaa weydiiyay magaceeda, waxaanay u sheegtay in la yidhaahdo Billan Gaas Saddexle oo ay ku dhalatay hawdka Hargeysa kaga beegan koonfurta. Billan, wuxuu weydiiyay turjumaankii sababta keentay Kiiniya, waxaanay tidhi; “Waxa i keenay Baxnaan oo ah wehelkii wadnahayga oo aanan ereyo ku soo koobi Karin, baaxadda jacaylka iyo kalgacaylka aan u hayo, haddana ah ninkaygii, ayaan aawadii u soo jiidhay jid dheer oo aanan dareemin daalkii iyo dhibaatadii iga soo gaadhay.”

Qoyska ay ku degtay Billan oo fahmayay marka uu turjumo Cali Atoore, oo aan intooda badani af-soomaaliga aqoonin, inkasta oo ay hido ahaan Soomaali ka soo jeedaan, waxaa Af-Soomaaliga ka yaqaanna waxooga labada waalid, waxayse la yaabeen sheekadii ay ka haysteen Billan ee ahayd, Gabadh reer miyi ah oo caashaq dawakhiyay iyo jawaabaha Billan, ayaa aad u kala fogaaday.

Cali Atoore, wuxuu weydiiyay Billan, bal in ay waxbarasho gashay oo ay Iskuul hore u dhigatay iyo in kale, waxaanay Billan u sheegtay in ay taqaan hawl-maalmeedka inan kaga beegan qoyska reer miyi ee xoolo dhaqatada ah, in ay taqaan ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka. Intaa kadib, intay Billan dhoola-caddayn yar kadib oo qosola, waxay si kaftan ku jiro u tidhi; “Anigu Iskuulka aan ka soo baxay waa kan Baaxaadegga jacaylka ee naga dhexeeya aniga iyo Baxnaan.”

Cali Atoore, markii uu turjumay ayaa qosol niyadda ay wada qosleen Weriyayaashii iyo intii kale ee dhegaysanaysay. Billan, waxa la weydiiyay imaatinkeedu waxa uu ka qabanayo xadhiga Baxnaan, waxaanay ku jawaabtay “Ma garanayo, waxaan ka qaban karo soo deynta Baxnaan, laakiin imaatinkayga Mombasa, waxbaan u qabtay naftayda, waayo, waxaan anigu u haraadanaa in aan arko Baxnaan, taasaa ii darnayd, waanan arkay inkastoo aanay igu filnayn aragti maalin iyo laba ah, waxaan ku sugnaan doonaa Mombasa inta la soo deynayo Baxnaan, awoodaydu waa intaa.”

Wareysi dhinacyo badan leh kadib, waxaan maalintii ku xigtay Simon Dives, si hiil leh u soo bandhigtay sheekada Billan iyo Baxnaan, xadhiga Baxnaan sababtii uu ku yimid Kiiniya. Waxay Simon Dives, ka sheekaysay sida ay Soomaalidu uga xaasho nabarrada ee ay odayaashu uga heshiiyaan. Waxaa Simon warbixinteeda ku soo bandhigtay, sida xadhiga Baxnaan uu u saamayn karo maskaxda gabadh da’ yar oo la yidhaa Billan oo ah xaaska Baxnaan, oo hadda ku sugan Mombasa. Simon Dives, waxay qoraalkeeda ku dhaliishay masuuliyiintii kooxdii uu ka midka ahaa Baxnaan ee u timid Nayroobi, Bandhigii Dhaqamada Afrika. Simon, waxay qoraalkeeda ku muujisay in arrintaasi ay u baahan tahay in indho naxariis leh ay ku eegaan masuuliyiinta gacanta ku haysaa…

La soco…………