Fadeexad: Wasiir Ka Tirsan
Xukuumadda
Warbixin –
Cumar D. Cumar
X |
iligii
shaqada Wargeyska lagu jiray, ayaa war soo gaadhay xafiiska Wargeyska Haatuf,
xaruntiisa Hargeysa. Warkaas oo uu soo diray nin u dhashay
Ninka
warkan soo sheegay, wuxuu u muuqday nin haya xog dhaba, laakiin waxaa suurto-gal
ah in arrintani ay tahay mid ka dhici karta
Guud
ahaan, ninka xogtan soo siiyay Wargeyska Haatuf, wuxuu sheegay inuu aad uga
naxay wadankan soo koraya ee Somaliland ee u baahan in la caawiyo iyo hantida
intaa le’eg ee wasiirkeedu ku soo shubtay xisaabaadka Baananka Scot Bank iyo
ABBI Bank oo uu sheegay inuu indhihiisa ku arkay magaca Wasiirka iyo tirada
lacagtaba.
Run
ha ahaato ama wax haka dhinaadeene, warka ninkaasi noo soo diray, waa arrin ka
suurto-gali karta Masuuliyiinta xilalka u haya
H |
argeysa
(Haatuf): Dr, Cabdi Aw-Daahir oo ay hore guddiga fulinta ururka UDUB u sheegeen
inay ka qaadeen xilkii xoghayaha guud ee UIDUB si adag u dooday inuu yahay
xoghayaha guud ee UDUB ee sharciga ah, isla markaana waxa uu dacwad qoraal ah u
gudbiyey labada guddi ee diiwaangelinta ururada siyaasadda iyo ta
doorashooyinka, isaga oo guddiyadaa ka codsaday inaanay cid kale u aqoonsan
xoghayaha guud ee ururka UDUB.
Cabdi
Aw-Daahir waxa uu sidaa ku sheegay qoraal laba boq ka badan oo uu ku
socod-siiyey labada guddi ee diiwaangelinta iyo doorashooyinka, isla markaana
ogaysiiyey dhinacyo ay ka mid yihiin: Maxkamadda gobolka Hargeysa, Maxkamadda
sare ee distooriga ah iyo golaha dhexe ee UDUB.
“Markii
ay taariikhdu ahayd 4. 11.2002 waxaan cadeeyey inaanu isu taagi doono
musharaxnimada madaxweynenimada, hadii uu ururkayga UDUB ii doorto, iyadoo uu
taa ii ogolyahay qooddobka qoddobka 6aad ee xeerka ururka”ayuu Cabdi ku yidhi
qoraalkiisa, wuxuuna intaa ku daray “5/11/2002 ayaa shir qarsoodi ah lagu
qabtay madaxtooyada oo ay isugu yimaadeen xubno ka mid ah guddiga fulinta,
shirkaas oo aan waafaqsanayn xeerka ururka , qoddobkiisa 15aad, xarafkiisa 6aad
oo xoghayha guud awood u siinaya inuu qabto waqtiga shirka aan caadiga ahayn
guddiga fulinta, aniga oo markaa joogay xafiiska ururka, taas oo ay ahayd shirka
lagu qabto xafiiska ururka halka madaxtooyada lagu qabtay, shirkaasna waxa lagu
gaadhay go’aan aniga igu soo gaadhay qalabka warbaahinta waxayna ku sheegeen
go’aankaa inay xilkii ka qaadeen xoghayaha guud, laakiin qaabka loo adeegsaday
waxay ahayd sharci daro, waayo xoghayaha guud waxa xilka ka qaadi kara ama u
dhiibi kara golaha dhexe ama shirweyne, sida ku cad qoddobka 12aad, xarafkiisa
3aad”.
Dr
Cabdi Aw-Daahir waxa uu qoraalkiisa ku xusay qoddobo badan oo uu ku tilmaamay
kuwo loogu dhaqaaqay si sharciga ururkooda baalmarsan, sidaa darteed uu qaabka
xilka looga qaaday u arko sharci daro, mar hadii sidaa tahayna waxa uu ku
dacwiyey inuu isagu yahay xoghayaha guud ee sharciga ah ee ururka UDUB, isla
markaana uu u taagan yahay musharaxnimada madaxweynenimada ee ururka UDUB.
Qoraalkan
dacwadda ah ee uu Cabdi Aw-Daahir u gudbiyey guddiyada diiwaangelinta iyo
doorashooyinka waxa uu ku soo beegmay, iyadoo jagada xoghayaha guud ee ururka
UDUB loo magacaabay Maxamed Ismaaciil Bulaale oo ay dhalasho ahaan Cabdi
Aw-Daahir isku beel ka soo jeedaan, sidaa darteed Cabdi Aw-Daahir waxa uu
qoraalkiisa si dad-ban ugu xusay magacaabidda cusub ee jagada xoghayaha guud ee
UDUB, wuxuuna isaga oo arintaa ka hadlaya yidhi “Guddiga diiwaangelinta waxaan
ka codsanayaa inaan cid kale loo aqoonsan xoghayaha guud
ee UDUB oo aan ahayn kii sharciga ahaa oo ah Cabdi aAw-Daahir, bacdamaa
cid kale la soo dhoob-dhoobay, taas oo aan waafaqsanayn xeerka ururka UDUB ee
aad diiwaangeliseen, isla markaana ay qaabka loo maray tahay burburin xeerka
ururka ah”.
“Reerkii Dhibta
Geystay
Ismaanu Arag, Waxaanu
La Kulanay Dawladda Iyo Masuuliyiinta Gobolka”
Shir-Jaraa’id – Beelihii ay ka dhasheen dadkii ku
dhintay Shaqaaqadii Burco
B |
urco
(Haatuf): Eheladii dadkii ay waxyeeladu ka soo gaadhay dhacdadii dhulka ku
saabsanayd ee Burco dadku ku dhinteen, dad badanina ay ku dhaawacmeen 22 bishan,
ayaa shalay Shir-jaraa’id oo ka dhacay magaalada Burco si wadajira uga hadlay
mowqifkooda ay ka taagan yihiin waxyeelada ka soo gaadhay arrintaa.
Axmed
Aadan oo ka tirsan Hawlwadeenada Haatuf ee Gobolka Togdheer oo arrintaa ka soo
waramay, ayaa sheegay in Shirka Jaraa’id ee ay eheladaa dadkii ku waxyeeloobay
dhacdadu Burco ay daba socotay war iyo Shir-jaraa’id ka baxay warbaahinta,
gaar ahaan TV-ga Burco oo ay qabteen Beeshii lagu eedeynayay waxyeeladii ka
dhacday magaalada Burco 22-kii bishan.
Warkani,
wuxuu intaa ku daray in dadka ku dhintay gacan ka hadalkaas hore u dhacay ay ka
soo kala jeedaan afar beelood, iyadoo afarta beeloodba ay shalay ka qayb-galeen
shirka Jaraa’id ee ay u qabteen waxyeeladii gaadhay iyo cida ay ku
eedaynayaan.
Shirkaa
Jaraa’id, wuxuu ku bilaabmay hadal uu ka jeediyay Gudoomiye Axmed Cige
Maxamuud oo yidhi; “Halkan waxa fadhiya dadkii ay ka dhinteen walaaladood iyo
Aabayaashood, waxaanu leenahay marka hore sidaad u samirteen hore iyo haddaba u
samra, haddii waxyaalo yaryar oo hadal ahi jiraan aynu imikana u samirno, waxaa
kale oo aanu u tacsiyadaynaynaa dadweynaha reer Burco, hooyooyinka waayay
carruurtoodii, Aabayaasha ay dhinteen wiilashoodii, dumarka ay ragoodii ku
dhinteen mashaqadaa iyo carruurta yaryar ee agoonowday, iyana waxaanu leenahay
samir iyo iimaan. Waxaan mahadnaq u soo jeedinayaa hawsha dhacday dadkii wanaaga
ku galay ee isku taxalujiyay in aan xumaantu fidin ee wanaaga iyo wadajirka ka
shaqeeyay, aad baan ugu mahadcelinayaa, Illaahay kheyr ha idinku abaalmariyo
ayaan leeyahay, dadkaas oo farabadan, ayna ka mid yihiin masuuliyiinta Gobolka,
masuuliyiinta dawladda ee arrintaa loo soo diray, waxaanu halkan ku joognaa
afartii beelood ee dadkooda lagu laayay dhacdadaa, waxaanu nidhi amniga aynu
adkeyno, dadka la laayay waxay ahaayeen dad aan waxba galabsan, afartayada
beelood midba jaho ayay magaalada ka soo gashaa, waxaanu heshiis ku nahay in
aanu nabadgelyada adkeyno, marka dhibtu dhacday reerkii dhibta geystay ismaanu
arag, waxaanu la kulanay dawladda, masuuliyiinta gobolka iyo weftigii Hargeysa
ka yimid.”
Axmed
Cige Maxamuud, wuxuu shirkaa Jaraa’id ka sheegay in arrintu kala cadaato oo
haddii ay dawladdu leedahay anagaa khaladka lahayn, markaa loo raaco
masuuliyiinta gobolka haddii cid loo daba joogana cidii la soo qabto oo sharciga
la mariyo. Waxaa kale oo uu Axmed Cige hadalkiisa ku daray oo uu yidhi;
“Dawladda markii aanu hadalka isku celcelinay, waxaanu isla qaadanay in
hadalkayagu yahay macquul meel loo dhaafaana aanay jirin, tallaabadii ugu
horeysay ee dawladdu qaaday waxay ahayd, waxay soo qabqabatay qaraabadii dadkii
dhibka geystay, waxaa iyana jirta shir saxaafadeed ay qabteen eheladii gacan ku
dhiiglayaasha, reer ahaanna ay u qabteen Jaraa’idka iyo Telefiishanka.
Arrintaas markaanu aragnay aad iyo aad ay noo dhibtay in dadkii iyagu dhibtan
geystay ee xaga dawladda iyo xaga shicibkaba laga ogyahay ay shir jaraa’id
qabtaan oo ay yidhaahdeen wax lanagu leeyahay ma jirto, dawlad ayaa loo
raacayaa, waa mid aad loola yaabay.”
Ayaanle
Cismaan Ibraahim oo ka mid ahaa odayaasha beelaha ay waxyeeladu ka soo gaadhay
shaqaaqada dhawaan ka dhacday Burco, ayaa isna yidhi; “Waxaa la arki jiray
gacan ku dhiigle baxsada oo ummaddu ku dhibaatooto oo la yidhaa la waaye maxaa
xal ah, waxaa la yaab leh gacan-ku-dhiigle Wargeysyada iyo Telefiishanka u
waramaya oo isagu soo indho cad.”
Iftiinka Islaamka
Zakaatul Fidriga
Z |
akada Fidriga waxaa looga jeedaa zakada ama quudka la bixiyo maalmaha ugu dambeeya ee bishan barakaysan ee ramadaan ama maalinta koowaad ee bisha xigta Ramadaanta ee Shawaal, waxaa kalo lagu macneeyaa sadaqada Fidriga. labadaa magac ama tilmaamood ee aan sheegnayna waxay sal ku leeyihiin sharciga oo sidaa u qeexay.
Waxaa
hadaba sidaa loogu magacaabay iyadiiyoo ay tahay quud si sadaqo ah loo bixinayo,
tan oo looga jeedo in ajar iyo xasanad lagaga helo xaga rabi iyo dhamaystir ku
jeeda bishan barakaysan ee Ramadaan.
Sidoo
kale waxa ay in badan oo culimada ka mid ahi sheegaan in zako loogu magaacaabay
maadaama uu yahay falkani mid lagaga doonayo xaga rabi dahirnaan. Sida qoran wax
wayn bay ka tari doontaa bixiyaha sadaqadaa hadii uu waqtigeedii ku bixiyo
islamarkaana uu siiyo cidii xaqa u lahayd ee mudnayd.
Zakada-fidriga waxaa la jideeyay sanadkii labaad ee hijriyada-waqtigii Ramadaanta, sida qoran zakada waa arin ay si baahsan oo xeel dheer uga Warantay shareecadu gaar ahaan marka laga hadlayo dhanka quraanka iyo xadiiska labadaba. Akhqi qoowlka Ilaah. "Waxaa aflaxay kii zako la baxay" 9:Al-shamsi, Cumar ibnu Cabdilcaziiz waqtigii uu madaxa Muslimiinta ahaa waxa uu akhrin jiray aayadan kadibna waxa uu fari jiray dadka si ay zakada ula baxaan.
Cikrimaa
laga sheegay inuu yidhi markii uu ka waramayay aayada "Waxaa aflaxay kii
zako la baxay" waa qofka la baxa zakada-fidriga ka hor inta aan la tukan
salaada ciida. sidoo kalaa in badan oo salafkii hore ahna ay yidhaahdeen.
Waxaa
saxaabadu sheegeen in Suubanoow nabigeenii uu Waajibiyay sakada-fidriga, sidan
bayna Muslimiintu isku raaceen kuwii hore iyo kuwii dambaba. Reer Madiinana
waxay ahaayeen kuwa aan aragba zako ka fadli badan tan fidriga.
Ibnu
mundur iyo qaar kale oo raga cilmiga ah ayaa iyaguna isku raacay oo qalinka ku
duugay waajib ahaanshaha Zakada-fidriga.
Waxaynu
hadaba odhan karaa Intaa ku filan Cadaynta halka ay sharciga ka taagantahay
Zakada-fidrigu, sida aan horayba uga hadalay tani waxa ay qayb ka tahay,
doonista uu sharcigu doonayo in laga dahiro nafta dhaqanno badan oo aan fiicnayn
sida bakhiilnimada, iyo dhamaan akhlaaqda aan hagaagsanayn, iyo dhamaystirka
dahirnaanta soonka tan oo looga jeedo in lagu kabo xoogaagaa sadaqada ah ee uu
adoonkaa Illaahay dhiibtay, wixii dhacdhac ahaa ee ka fakaday intuu uu gudanayay
acmaashii Ramadaanta.
Tan
ugu muhiimsan ayaa iyana ah in maalintaa ciida laga furto dadka masaakiinta ah
baryada iyo halkii ay ku wareegi lahaayeen aqalada dadka, oo hadii la siiyo
maalintaa xoogaaga yar ee sadaqada ah waxay ka deeqaysaa baryada maalintaa ciida
ah ee dadka muslimka ahi oo dhan ay faraxsanyihiin.
Ibnu
Cabaas waxaa laga wariyay in uu Nebigu N.N.K.H.A "u waajibiyay
sakada-fidriga, daahirinta qofka sooman iyo quudinta Masaakiinta" waxaa
weriyay Abuu daa’uud.
Waxaa
kaloo si toos ah uga muuqanaya waajib yeelida sakada-fidriga
*
Muujinta ku mahadinta Illaahay dhamaan galadaha uu ku siiyay ee ah; in aad ku
dhamaysatay bishii ramadaan iyo gudashadeedii sidii uu Illaahay doonayay, iyo
weliba sida uu Illaahay kuugu fududeeyay in aad ku dhaqaaqdo falalka hagaagsan
ee uu isagu raaliga ka yahay.
*
In si dhan loo qaybsado faraxa iyo jacaylka walaaltinimo ee bulshada dhexdeeda.
Zakada-Fidriga
Waxay ku waajibtaa qofwalba oo Muslim ah lab ama dhedig, reer badiye ama reer
magaal, waxaa si guud ay ugu waajibtaa qof walba oo Muslim ah, sidaasay xataa
muslimiintii hore ay ka bixin jireen zakada fidriga haweenka uurka leh.
Waxayna
ku waajibin oo aan laga doonaynin zakada-fidriga Agoonta, dadka waalan, iwm,
kuwan waxaa kabixinaya hadii ay jiraan dadka iyaga mas’uul ka ah isalamarkaana
u haya wax hanti ah oo ay iyagu leeyihiin, waxaa laga weriyay in uu Nebigu yidhi
N.N.K.H.A "ka bixiya Zakada-fidriga dadka idinku hoos nool"
Raashinka Nooca la doonayo in laga bixiyo Zakada-Fidriga.
Waxa
ay Bukhaari iyo muslimba qoreen iyagoo kasoo xiganaya Saciid al-khudri in uu
yidhi "waxaanu bixin jirnay- Zakada-fidriga- waqtigii Nebiga N.N.K.H.A
Cunto Badar ah, ama Timir ah, ama Galay ah, ama Zabiib ah,......”.
Weedh
kale oo isla Isaga laga soo xigtay ayuu ku yidhi "Raashinkayagu waaga waxa
uu ahaa Galay, Zabiib, Caano la fadhiisayay, iyo Timir"
Sida
qoran waxaa ugu fadli badan in lagu gaabsado inta nooc ee raashin ah ee lagu
sheegay axaadiistii Nebiga N.N.K.H.A, waxaa sidoo kale qoran iyana in la bixin
karo waxa ugu fiican ee markaa anfacaya dadka masaakiinta ah ee ujeedaduba tahay
in maalintaa laga deeqo baryada badan iyo ku wareega xaafadaha. akhri qoowka
Illaahay "Ma gaaraysaan qiimaha samafalka ilaa aad bixisaan waxa aad ugu
jeceshihiin"2:91.
Jamaacad
kale oo culimada ah ayaa iyaguna qaba in lagu bixin karo zakada-fidriga ee
maalintaa wax walba oo u samaysan qaabka midhaha, sida galayda, timirta,
zabiibka.iwm sidana waa tan uu qabo ibnu taymiyah..waxaanuu soo qaatay weedhe
Eebbe ee odhanaysa "tan sida badan aad ku quudisaan reerihiina"..wuxuu
uga jeedaa ku bixiya zakada-fidriga waxa sida badan aad quudataan ama aad ku
quudisaan reerihiina.
Halkan
waxaa laga cararayaa in ay noqdaan waxa ay dadku u bixinayaan sadaqada wax liita
iyo dhanka kale in dadka qaar wax ayna awoodin madaxa laga saaro oo markaa ay ku
cuslaato.waana sida in badan oo culimada ah ayqabaan, waana kan ugu dhow xaga
sharciga marka loo eego.
Ibnu
qayim waxa uu yidhi markii u ka hadlayay arintan "tani waa sida saxa ah,
waana sida aan la odhan waxaan iyadaa ahayn, maadaama ujeedada ugu wayni ay
tahay in masaakiinta la iska hortaago wareega iyo baryada xaafadaha maalintaa
ciida iyo weliba in loo yabooho in ay cuni doonaan ama ay heli doonaan maalintaa
sida badan waxa ay dadka magaaladaasu quutaan. waana halka uu Nebigu
N.N.K.H.A
yidhi "Ka deeqa maalintaa wareega xaafadaha iyo baryada masaakiinta"
Sidaasi
hadaba waa sidii ay u arkeen culimadu Naxariistii Janno allaha siiyee laakiin
waxaan shaki ku jirin in hadii la helo iyo hadii la waayaba ay tahay maalintaa
in la bixiyo waxa ugu mudan ee ay quutaan dadka Muslimiinta ah ee degan
magaalada.
Rag
badan oo culima ah ayaa iyagu ku adkaystay in ay bixinayaan un oo keliya tii ay
ku arkeen axaadiista Nebiga N.N.K.H.A, sida laga soo xigtay abuu saciid RC in uu
yidhi anigu waxan u bixinayaa sidii aan u bixin jiray waqtigii Nebiga..Waxa uu
ugal jeedaa cunto uun quud ah. Markii uu sidan odhanayay Saciid waxa uu arkay
baa la yidhaahdaa dad bixinaya wax kale.
Imisaa la bixinayaa Zakada Fidriga.
Waxay
Sugtay axaadiista Nebigu N.N.K.H.A in "Nebigu waajibiyay Zakada fidriga in
la bixiyo Afar Sacab..Sacabkana waxaa lagu qiyaasaa in uu ka dhigan yahay muga
labadaada gacmood oo la isu geeyay oo galay ah, ama Zabiib ah, ama Bur ah, Iwm,
Marka loo badalo dhanka kiilooyayntana waxaa lagu qiyaasaa 2.500Kg Labo kiilo
iyo badh, waxay kaloo culimadu qabaan wixii intaa dheer in ay u noqonayso qofka
la baxaya sadaqo hor Illaahay ah. Waana halka uu rabigu ka yidhi "Qofkii
sameeya wax yar oo khayr ah wuu arki"
Waqtiga la Doonayo in La bixiyo.
Bixinta
Zakada-fidriga waxa ay leedahay laba waqti
1
- waa Waqtiga ugu fadliga badan waana laga bilaabo marka ay qoraxdu dhacdo
habeenka ciida ilaa laga gaadho waqtiga Salaada Ciida, waxaana ugu sii hagaagsan
inta u dhaxaysa Salaada subax ee Maalinta ciida ilaa laga tukado Salaada Ciida
Waana sida qoran, waxaa laga weriyay Ibnu Cumar RC in uu yidhi waxaa la faray in
lala baxo inta aan la aadin salaada ciida ka hor. Waxay hadaba halkaa ku
fasiraan culimada weedha Eebbe ee odhanaysa "waxaa aflaxay qofkii la baxa
Zakada, ee xusa magaca Rabigiisa
tukadana".
Waxay
culimadu halkaa ka cadaynayaan in tartiibtaa Illaahay ku waday ay tahay in loo
wado, ugu horayntaba in Zakada-fidriga lala baxo, dabadeedna xagaa iyo salaadii
ciida iyo xusidii Eebbe loo dhaqaaqo. sidana waa sida in badan oo culimada ah ay
isku raacsan yihiin.
2
- Waqtiga ay kaa gudayso..waxaa lagu sheegaa in waqtigani uu yahay maalin ama
laba maalmood maalinta ciida kahor, waana sida uu weriyay bukhaari "waxay
ahaayeen saxaabadu kuwa siiya masaakiinta inta aan la afurin maalin ama laba
maalmood ka hor ciida" arintaasuna waxa ay ahayd mid ay isku raacsanayeen.
Sidoo
kale xadiiskii Cabdulaahi ibnu Cabaas ayaa sheegaya isaguna in uu Nebigu
N.N.K.H.A yidhi "Qofkii bixiya salaada ciida ka hor waa zako la
aqbalay..qofkii bixiyase salaada ciida ka dib waa sadaqo ka mid ah sadaqooyinka
maalin walba la baxsho"Waxaa soo saaray abuu daa’uud.
Ibnu
qayim waxa uu yidhi intaas oo idil waxaa laga fahmi karaa in ayna banaanayn in
laga dib dhigo waqtiga salaada ciida kadib. waxaa looga jeedaa iyadiiyoo ayna
jirin wax cudurdaar ah oo oo ku kalifay in uu qofku ka dib dhigo waqtigaa
Zakada-fidriga
Waxayse
raga diinta aadka u fahamsan isku raaceen in qofka lagu leeyahay zakada-fidriga
ayna uga hadhayn kadib dhigida uu ka dib dhigay waqtigii loogu tala galay ee uu
faray sharcigu in lagu bixiyo, balse ay tahay dayn lagu leeyahay oo laga doonayo
in uu gudo waqtigii markaa ay usuurogasho waa salaada ka dib’e. Waxay kaloo
culimadaasu qabaan in hadii uu qofku si ula kac ah uga dib dhigo waqtigeeda
Zakada-fidriga uu ku mudanayo dembi, islamarkaana uu ku kacay fal xaaraan ah,
dembigaana uuna ka dhacayn ilaa uu bixiyo Zakadaa lagu leeyahay.
Sidii
aynu soo sheegnay waxaa laga weriyay cabdulaahi ibnu cabaas RC in uu yidhi
"waxa uu u waajibiyay Nebigu N.N.K.H.A Zakada-fidriga, in ay ka dahirto
Qofkii bishaa Soomay wixii dembi yaryar ee ka dhacay, iyo quudinta
masaakiinta" sida ku cad xadiiska waxaa waajib ah in lagu wareejiyo Zakadaa
dadka masaakiinta ah...
Culimada
badhkood, ayaa qaba in la bixin karo qiimaha Zakaatul Fidriga oo lacag ah, balse
waxa fadli badan cuntada oo la bixiyo.
“A |
rrintaa
aad bay shicibku noogaga soo horjeestay oo noogu naceen, waxaanuna gaadhnay heer
aanu nacno xataa xidhashadii dirayska, ka dibna markaas ayaanu saraakiishayadii
dhalinyarada ahayd bilownay inaanu samaysano xidhiidh noo gaar ah, taasiina
waxay noqotay wareegi saddexaad ee
dhaqdhaqaaqa.
Kornayl
Yalam Sawda iyo ragiisii inta ay u dhaqmaan sida ay iyaga la tahay ama ay
danahooda eegeen ayey soo noqdeen iyaga oo aan wax jawaab ah ka sidin wixii ay
ciidamada iyo shicibku doonayeen, waayo markoodii horeba way ku qanacsanaayeen
maamulkii boqortooyada, ka dibna inta la iswaydiiyey arinta sida laga yeelayo
ayaa la go’aamiyey inaanay shirarka ka soo qayb gelin wixii abaanduule iyo
wixii ka sareeyaa, taas oo la yidhi ragga shirarka tegayaa hadda ka dib waa
inaanay derejo ahaan ka sarayn gaashaanle, waqtigaasina waxa uu ahaa marxalad uu
dareenka kacaanku aad ugu fiday ciidamada dhexdooda”, sidaa waxa yidhi
Mingistu Xayle Mariam oo ka waramaya sidii uu ku bilaabmay dhaqdhaqaaqii
kacaankoodu. Laakiin waxa uu si gaar ah uga sheekeeyey sidii uu ku bilaabmay
dhaqdhaqaaqii magaalada HARAR, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay:
“Bilihii
ugu horeeyey dhaqdhaqaaqyadii xubnahayagii Harar joogay, waxaanu u shaqayn jirey
ama u wada socon jirey had iyo goor si wada jir ah, dhaqdhaqaaqyadaasin waxay
ahaayeen kuwo mar walba dhegaysanaya codka ciidanka ee ku dhawaaqaya “Waxa
jirta dhibaato”, toddobaad walba waxaanu yeelan jirey shirar. Xiligaa waxaanu
waraysi la yeelanay ciidan la dulmiyey oo dacwad ku soo oogay janaraal Xayle
Bakadaani, waxaanuna bilownay inaanu arimaha siyaasadda ka hadalo anaga oo isu
ekaysiinayna inaanu ka hadlayno ciidamadii la dulmiyey, laakiin taa waa nalagu
fahmay, waayo sarkaal la odhan jirey Janaraal Dagina Gugsa ayaa Adis-ababa
nalooga soo diray, wuxuuna imaatinkiisu la xidhiidhay in ciidanka dib-uhabayn
lagu sameeyo, balse ma hubo cidda sabab u ahayd soo diristiisa. Laakiin Janaral
Dagina xiliyo hore ayuu joogi jirey Harar, xiligaasna waxa uu ahaa nin kalgacayl
badan ka mutasytay ciidamada, sidaa darteed waxaan filayaa in sababta isaga loo
soo diray ahayd iyadoo la isyidhi hawshaa ciidamada Harar wuu ka soo qaban
karaa, maadaama uu ahaa nin halkaa laga jeclaa.
Janaral
Dagina markii uu yimi Harar ayuu aniga ii yeedhay, ka dibna xafiiska ayaan ugu
imi, wuxuuna igu yidhi“Jawigu ma wanaagsana, halkana kugulama hadli karo, waxa
wanaagsan inaynu meel kale ku kulano”, ka dibna waanu ballanay, dabadeedna
kulankii aanu u ballanay ayaanu yeelanay, wuxuuna iila hadlay si waalinimo ah,
wuxuuna igu yidhi “Waxa aad samaynaysaan waa la ogaaday, sidaa darteed aniga
waxa la ii soo diray inaan idin waaniyo, markaa hadii aniga si waalidnimo kuu
waaninaya waxaan doonayaa inaad is ilaaliso”. Intaa ka dib sababtii uu u yimi
ayuu damcay inuu kala hadlo ciidanka, laakiin ciidankii waxay u direen fariin,
waxayna yidhaahdeen “Meesha kulanku ka dhacayaa hadii aanay ahayn xerada
kaydka hubka ma imanayno, ta kale ilaa aanu anagu kuu yeedhno ha isku iman
xerada”, laakiin anaga ayaa ciidankii la shiray oo arintaa kala hadalay,
waxayna na waydiiyeen “Janaraal Dagina muxuu doonayaa”, waxaanuna u sheegnay
in loo soo diray odaytinimo, taasna way qaateen oo wuu la hadlay, ka dibna waxa
uu janaraal Dagina ku laabtay Adis-ababa,, laakiin waxa hadana yimi wefti ka
kooban afar janaraal oo uu hogaaminayo janaraal Walda Salaase, waxaana naloo
sheegay inay janaraaladu u socdaan inay ciidamada wada hadal la yeeshaan, ka
dibna waxaanu soo diyaarinay raggii la hadli lahaa iyo doodii aanu hordhigi
lahayn, laakiin waxa hadana naloo sheegay inay qayb kasta oo ciidanka ah
meeshooda ugu tegayaan oo waraysi la yeelanayaan, isla markaana ay yidhaahdeen
ciidanku iyaga oo wada jira ama isu dhan lama hadlayno, taas oo ay
barnaamijkoodiina diyaarsadeen , dabadeedna waxay barmaamijkoodii wada hadalka
iyo saacadda ay nala kulmayaan, waxaana barnaamijkaasi u qorshaysnaa inay
ciidamada isgaadhsiintu xeradooda ku sii diyaar garoobaan oo halkaa lagula hadli
doono, sidoo kale kooxda fanka iyo qolada gaadiidkuna xerada kaydka hubka ku
diyaar garoobaan. Hase yeeshee janaraalada sababta ay ciidamada gooni-goonida
ugula shirayeen waxay ahayd inta ay ciidamadu kala qayb-qaybsamaan ay dabadeed
meesha ka dhex-kaluumaystaan cidda dhaqdhaqaaqan ka dambaysta ama hormuudka ka
ah, anagana arintaasi may ahayn mid noo cuntamaysay, dabadeedna waxaanu go’aan
adag, waxaanuna nidhi “Janaraaladu hadii ay doonayaan inay ciidanka wada hadal
la yeeshaan waa inay iyaga oo isu dhan wada hadalka la yeeshaan, hadii kale oo
ay kala qayb qaybiyaan ma yeelayno”.
Xiligaa
waan xusuustaa waxay ahayd maalin Sabti ah, waxaana nala yidhi xerada haka
bixina, laakiin inta aan soo diyaariyey ilaa shan iyo toban dubaabadood oo ay
saaran yihiin qoryaha Mishigaanku ayaan taliye unug uga dhigay nin la yidhaahdo
Damaqe Baanjaw, taliye-xigeena uga dhigay nin la yidhaahdo Adfaare, waxaana
dabaabadahaa iyo ciidanka wata u diray meesha ay joogaan janaraaladu, dabadeedba
markii ay meeshii ay janaraaladu joogeen tageen ayey hubka ka dhigeen ilaaladii
weftiga janaraaalada, ka dibna taliyhii unugga dabaabadaha, Damaqe ayaa inta uu
janaraaladii is hor taagey oo salaan ku gaadhay ku yidhi “Taliyayaal ciidanka
ah ayaa doonaya inay wada hadal idinla yeeshaan , sidaa darteed idinka oo raali
ah ina keena”, laakiin waxay markiiba u fahmeen inay taasi tahay khasab in
lagu kaxaynayo, waxayna yidhaahdeen “Waayahay”, ka dibna inta ay soo
kaakaceen ayey fuuleen baabuur Landarover ah oo ay wateen, dabadeedna ciidankii
aan u diray inta ay nimankii janaraalada ahaa dubaabadihii xagga hore iyo xagga
dambeba ka soo mariyeen ayey soo kaxeeyeen oo ay ii keeneen. Waxaan lahaa xafiis
yar, dabadeedna nimankii janaraalada ahaa waxaanu ku xidhnay xafiiskaygii oo
aanu dusha kaga qafilay, waxaanuna la xidhnay taliyihii qaybta Harar, janaraal
Naga Tagani. Intaa ka dibna niman ay ka mid yihiin Lagasa Asfaaw, Damaqe Baanjaw
iyo Naguse Faanta ayaa u tegay janaraaladii oo la hadlay.
Ninka
la yidhaahdo Damaqe Baanjaw waxa uu ahaa nin calool-adag oo haybad askarinimo
leh, sidoo kale Lagase waxa uu ahaa nin ku fiican dhinaca dhiirigelinta iyo
abaabulka degdegga ah, waxayna nimankaasi ku yidhaahdeen janaraaladii “Waxa
jira su’aalo qoraal ah oo ay ciidanku doonayaan in looga jawaabo, sidaa
darteed waa inaad boqortooyadii telefoon u dirtaan oo aad arimahayaga nooga
dhamaysaan, sidaa marka aad noo yeeshaan waanu idin sii daynaynaa, arintayadu
waa intaa , isla markaana sida uu sharcigu yahay waxay ahayd inaad hortagtaan
ciidanka, anaguna aanu halkaa su’aalahayaga ku soo bandhigno oo aad waxa aanu
doonayno naga gaadhsiisaan boqortooyada, hase yeeshee maadaama aad idinku
diideen wanaagii waxa khasab nagu noqotay inaanu awood isticmaalno”, intaa ka
dibna waxay janaraaladii ku jawaabeen “Su’aalihiina waxaanu telefoon ugu
sheegaynaa Liij Indhalshaw (Wasiirka madaxtooyada)”, laakiin hadana Lagase
ayaa ku yidhi “Ciidanku waxay codsadeen in boqorka toos loogu gudbiyo, mana
doonayno jawaabta uu bixiyo Liij Indhaalshaw”, hadana janaraaladii waxay
yidhaahdeen “Waa isku mid Liij Indhaalshaw iyo boqorka mid aanu u sheegnaaba,
waayo Liij Indhaalshaw waxa uu koleyba u sii gudbinayaa boqorka, ka dibna waxa
uu soo sheegayaa jawaabta uu boqorku ka bixiyo arintaa, markaa tani waa maxay
dhibaatada ay taasi leedahay ”. Dabadeedna markii ay halkaa maraysay ayey
aniga (Mingistu) dib iigu soo noqdeen oo ay ii sheegeen wixii ay janaraaladu ku
yidhaahdeen, waxaana ku idhi “Dhibaato ma laha hadii arinta loo sheego Liij
Indhaalshaw oo uu jawaabta boqorku soo diro”.
Su’aalaha
aanu soo diyaarinay waxa ka mid ahaa nimankii dulmiga loo haystay oo lagu soo
eedeeyey inay shicibka dulmiyeen, kuwaas oo aanu cadaymahooda haynay waxay isugu
jireen saraakiil ciidamada ah iyo kuwo ciidamada ah, waxa kale oo taa noo
wehelisay anaga oo lahayn taliyayaasha ciidamada hebel ioy hebel ha nalaga
bedelo.
Waxa
dhacday in la xidh-xidhay niman ay ka mid yihiin Janaraal Ababe Gamadaa,
Janaraal Xayle Baykadaani iyo qaar kale, laakiin inta dembigoodii la iska
ilaaway ayaaba la dalacsiiyey, waxaana janaraal Ababe ioy janaraal Xayle
Baykadaani laga dhigay taliye-xigeenada ciidamada dhulka. Sidoo kale janaraal
Asfaa oo aanu dalbanay in la soo xidho oo ka mid ahaa ragga eedaha loo haystay
ayaan cidina soo qaban, waxa kale oo iyaguna jirey su’aalo kale oo la
xidhiidhay dulmiga loo geystay shicibka.
Jawaabtii
boqorku way timi, ka dibna nimankii janaraalada ahaa way noo soo sheegeen,
waxayna sheegeen in arimaha qaarkood hadda la fulinayo, qaarna ay waqti u baahan
yihiin, anagun waayahay ayaanu ku nidhi, laakiin waxaanu codsanay in su’aalaha
aanu soo jeedinay iyo jawaabaha ay boqortooyadu ak bixisay laga sii daayo
Idaacadda, waxaanuna nidhi “Arintaasna waxaanu ka sugaynaa in warka sideeda
fiidnimo laga sii daayo”, janaraaladii waxay noo sheegeen in la yeelayo sida
aanu codsanay.
Dhalinyarada
Boorama Oo ka Shiray Adkeynta Nabadgelyada Xiliga Doorashooyinka Deegaanka
B |
oorama
(Haatuf): Kulan ay soo qabanqaabiyeen dhallinyarada ururka Da’samo ee Boorama,
ayaa shalay lagu qabtay magaalada Boorama. Weriyaha Haatuf ee Gobolka Awdal,
Maxamed Cumar, ayaa soo sheegay in kulankaasi uu ahaa mid aad u ballaadhan,
marka la eego sida ay uga soo qayb-galeen dhallinyarada ururka Da’samo oo ah
urur dhallinyaro oo xaruntiisu thaay magaalada Boorama ee Gobolka Awdal.
Kulankaas,
waxaa ka hadlay Gudoomiyaha ururka Da’samo ee Boorama, Jaamac Yuusuf Axmed oo
ka hadlay sameeynta ay nabadgelyada magaalada Boorama ku yeelan karaan rabshado
ay ku kaceen in muddo ahba, kuwaas oo soo kordhay dhawaanahan, waxaanu soo
jeediyay Gudoomiyuhu in laga waantoobo rabshadahaas aan ujeedada lahayn, waxaanu
sheegay in ururka Da’samo oo ka soo horjeeda rabshadaha gacan-ka-hadalka ah ee
ay ku kaceen kooxo dhallinyaro reer Boorama ahi.
Hogaanka
ururka dhallinyarada ee Da’samo iyo xubnahoodu ku kulmay shirkaasi, waxay isla
qaateen in laga warhayo cida ka qaybqaadata falal waxyeelaya nabadgelyada
magaalada Boorama, xaafadaha kala duwan ee magaaladaas ee ay ku nool yihiin
xubnaha ururka Da’samo oo ay wargeliyaan ciidanka nabadgelyada.
Wariye
Maxamed Cumar, wuxuu intaa ku daray in ugu dambeyntii ka qayb-galayaashii
shirkaa dhallinyarada ee ururka Da’samo in ay ku balameen sidii loogu
foojignaan lahaa ilaalinta nabadgelyada, siiba xiligan doorashooyinka Golayaasha
Deegaanka ee magaalada Boorama.
WAADIGA CIYAAAAAAAAAAAAAAAARAHA
Real
Madrid Oo Markii Saddexaad Ku Guulaysatay Koobka Qaaradaha (Intercontinental)
Y |
okohame
(W. Wararka): Kooxda reer Isbayn ee Real Madrid, ayaa ku
guulaysatay koobka horyaalka qaaradaha adduunka (intercontinental) ee loo yaqaan
Toyota Cup, kaas oo ay sannadkiiba mar iskaga horyimaadaan labada kooxood ee ku
guulaysta koobka Liberterdause ee Koonfurta Ameerika iyo koobka Horyaalka Yurub
ee Champions, kadib markii ay ka badisay kooxda Olimpia ee Paraguay 2-0 shalay,
ciyaartaas oo ka dhacday garoon ku yaal magaalada Yokohame ee dalka Japan.
Goolasha
Real, waxa u dhaliyay xidiga reer Brazil ee Ronaldo iyo Guiti daqiiqadihii 4aad
iyo 84aad, waxana Ronaldo loo doortay ciyaartoygii ugu wanaagsanaa ama xidigii
ciyaartaas shalay, waxana la gudoonsiiyay Jaa’isad ah gaadhi ay Shirkadda
Toyota bixisay.
Kooxda
Real Madrid, markii saddexaad ee ay ku guulaysato koobkan Intercontinental,
waxaanay barbaraysay tirada inta jeer ay koobka qaadatay kooxaha Nationale,
Benarol oo ah (Uruguay) iyo kooxda Talyaaniga ah ee AC Milan oo mid waliba
saddex goor ku guulaysatay koobkan.
Real
Madrid, waxa ay hore ugu guulaysatay koobkan (Intercontinental) sannadkii
1960-kii, kadibna waxa uu mar labaad ku guulaystay sannadkii 1998-kii, waxaanu
ku khasaaray ciyaartii kama-dambaysta ahayd ee sannadkii 2000, taas oo ay ka
badisay kooxda reer Argentine ee Boca Junios. Guushanise, waxay ku soo beegan
xili ay kooxda Real u dabaaldegayso sannad-guuradii 100aad ee aasaaska kooxda.
Halka ay kooxda Olimpia markii labaad ku guuldaraysatay koobkan
Intercontinental, kadib markii ay hore ugu guuldaraysatay sannadkii 1970-kii.
Si
kastaba ha ahaatee, marka aynu u soo noqono ciyaartii shalay, waxa ay kooxda
Real mutaysatay guusha ay gaadhay marka loo eego sida ay ciyaarta ugu gacanta
saraysay 90-kii daqiiqadood ee ay ciyaartu socotay, iyadoo ay hubaal ahayd in ay
goolal intaa ka badan dhalin lahaayeen ciyaartoygeedu, haddii aanay luminin
fursado badan oo ay heleen oo qaarkood ay ahaan lahaayeen goolal haddii ay ka
faa’iidaysan lahaayeen weeraryahanada Real Madrid, laakiinse ay u suurto-geli
wayday in ay dhashadaan oo ay lumiyeen fursado badan.
Xidiga
reer Brazil ee Ronaldo oo ahaa ciyaartoyga si weyn uga cad-caddaa garoonka
shalay, ayaa furay gool-dhalinta daqiiqadii 14aad, kadib markii uu Roberto
Carlos oo ah meesha ay weerarada kooxda Real ka unkamayeen khatartoodu kubad
baas dheer ah u dhigay ciyaartoyga afka hore isna ka ciyaara ee Raul, dabadeedna
uu si farsamo heer sare ahi ku jirto uga dul booday kubada ama u dhaafay, lugta
uu ku dhigay Ronaldo, isagoo difaaca la dhaafay, dhinaca bidixna ka dhigay
goolwadihii kooxda Olimpia, una saxeexay kooxdiisa goolkii koowaad.
Ronaldo,
waxa uu hore laba gool ugu dhaliyay ciyaar uu ku ciyaaray garoonkan uu shalay ku
ciyaarayay, goolashaas oo uu ku dhaliyay Xulka Jarmalka ciyaartii kama-dambaysta
koobka adduunka ee 2002, isagoo u ciyaara xulka wadankiisa oo uu kooxdiisa u
horseeday in ay hanato Koob Adduunka 2002 lix bilood ka hor.
Guiti,
ayaa isagu u saxeexay goolka labaad, kadib markii uu bedel uu ku soo geliyay
tababaraha kooxda Real, isagoo ku bedelay Ronaldo, waxaanu goolkaas u dhaliyay
daqiiqadii 84aad ee ciyaartaas, kadib markii kubad koone ah uu soo laaday Luis
Figo uuna madaxa ku dhuftay.
Ciidanka
Nabadgelyada Wadooyinka Hargeysa Oo Digniin U Jeediyay Gaadiidleyda
H |
argeysa
(Haatuf): Ciidanka nabadgelyada wadooyinka qaybtiisa Hargeysa ayaa shalay soo
saaray digniino ay u jeedinayaan baabuurta dadweynaha.
Qoraal
uu soo saaray taliyaha ciidanka nabadgelyada wadooyinka gobolka Hargeysa,
Maxamed Cabdi Liibaan waxa lagu xusay ilaa lix arimood oo ay ciidanka
nabadgelyada wadooyinku sheegeen in looga digayo gaadiidka dadweynaha, waxayna
sheegeen in cidii arimaha looga digayo ka joogsan wayda laga qaadi doono
talaabo. Arimahaa qoraalkaa lagu xusay ee looga digayo gaadiidka dadweynahana
waxay kala yihiin:
“1- Waxa mam-nuuc ah in baabuurta
muraayadahooda lagu dhejiyo bacaha mad-madow iyo daahyada lagu xidh-xidho, taas
oo ah xaaraan sida uu tilmaamayo qoddobka 39aad ee xeerka nabadgelyada
wadooyinka, waxaana hadii sidaa la yeelo lagu mutaysan doonaa ciqaab xadhig,
xayiraad iyo ganaax.
2—Waxa
xaaraan ah, isla markaana mam-nuuc ah in baabuurta lagu isticmaalo wiishka iyo
hoonka aad u dheer ee khal-khalka gelin kara dadweynaha sida uu tilmaamayo
qoddobka 38aad ee xeerka nabadgelyada wadooyinka.
3-
Waxa mam-nuuc ah in baabuurta yar yar dusha sare loogu xidho laydhadhka yar yar
sida uu tilmaamayo qoddobka 85aad ee xeerka nabadgelyada wadooyinka.
4-
Waxa mam-nuuc ah in baabuurta la saaro rar ka badan inta loogu talo galay, sida
uu tilmaamayo qoddobka 24aad ee xeerka nabadgelyada wadooyinka.
5-
Waxa mam-nuuc ah in baabuurta lagu xidho laydhka midabka ah iyo laydhka kulul,
sida uu tilmaamayo qoddobka 35aad ee xeerka nabadgelyada wadooyinka.
6-
Waxa mam-nuuc ah inay suuqa maraan baabuurta qiiqa badan tuuraysa, kuwaas oo ay
xaaraan tahay in la wado suuqa, sida uu tilmaamayo qoddobka 37aad ee xeerka
nabadgelyada wadooyinka” intaas ayey ka kooban yihiin arimaha ay ka digeen
ciidanka nabadgelyadu inay ku dhaqmaan baabuurtu, laakiin waxay qoraalkooda ku
soo afjareen hadalo ay ku xusayaan talaabada laga qaadi doono cidda ku dhaqmi
wayda amarradaa, waxayna yidhaahdeen “Iyadoo ay ciidanka nabadgelyada ee dalka
oo dhami qaadi doonaan olole ku saabsan arimaha kor ku xusan iyo kuwo kaleba
waxa dadweynaha looga digayaa cidii lagu qabto arimahaa arimahaa ay mutaysan
doonto ciqaab kulul, mana jirto id sharciga ka saraysa, laakiin cid kasta waxa
ka sareeya sharciga, waana inuu qof waliba ka sii tabaabushaysto inta aan
ciidanku gacan adag ku qaban, iyadoo ololaha arintaa ku saabsani maalmaha foodda
inagu soo haya bilaabmi doono” .
Fallo: Liibaan M. Shire
B |
urco
(Haatuf): Maayarkii magaalada Burco, Aadan Maxamed Mire (Inawaqaf) iyo
kuxigeenkiisii, Maxamed DiiriyeXayd ayaa toddobaadkii hore xilka iska
wareejiyey, ka dib markii ay iska sharaxeen ururka UDUB, waxayna xilka ku
wareejiyeen xoghayihii dawladda hoose, Sacad Maxamed Sheekh oo hadda ah ninka ku
fadhiya kursiga maayarnimo ee magaalada Burco oo ah xarunta gobolka Togdheer.
Laakiin su’aasha meesha taal waxay tahay maamulkii Aadan Maxamed Mire
(Inawaqaf) oo xilka loo magacaabay muddo hadda laga joogo ilaa shan bilood,
muxuu qabtay mudadii uu talada hayey, sidee bayse hadda arintu noqonaysaa.
Maamulka
Aadan-waqaf waxa uu bilowgii uu xilka la wareegayba dardar cusub oo shaqo isaga
oo ka bilaabay dhinaca nadaafadda, taas oo uu xaafadaha iyo suuqyada magaalada
ku ekeeyey ololayaal nadaafadeed, waxaana ololayaashaa nadaafadeed lagu
saxar-qaaday meelaha qashinku tuurran yahay, iyadoo uu xiligaa surimada iyo
suuqyada magaalada dhex-tuurnaa qashin xoog lihi. Qashinkaas oo xataa meelaha
qaarkood kala xidhay wadooyinka iyo surimada magaalada., taasina waxay keentay
inay waxoogaa dib u soo kabato bilicdii dhinaca nadaafadda ee magaalada, iyadoo
xataa suuqyada qaarkood laga baneeyey sandaqado wax kala xidhay.
Inkasta
oo ay mushkiladda dhulku tahay mid gaamurtay oo aan hawl-yari meesha looga saari
karin, hadana mudadii maamulka xilka wareejiyey waxoogaa waa la xakameeyey, isla
markaana waxa uu maamulkaasi muujiyey dedaal uu doonayo inuu wax kaga qabto
mushkiladda faraha ka baxday ee dhul-boobka, waxaana gacanta dawladda dib ugu
soo noqday qaar ka mid ah dhulka danta guud.
Shaqaalaha dawladda hoose oo xad-dhaaf ahaa ayuu maamulkii xilka wareejiyey dhimay, taas oo ay shaqaalaha dawladda hoose tiradoodu gaadhaysay ilaa saddex boqol iyo badh, laakiin waxa laga soo reebay tiro wax yar ka badan kala badh, iyadoo u maayarkii hore Aadan Maxamed sheegay inay tirada xadi-dhaafka ah ee shaqaaluhu ka mid tahay duruufaha la degay dawladda hoose.
Inkasta
oo uu maamulkii Inawaqaf waxoogaa xakameeyey dhibaatadii dhulka, hadana nasiib
daro maalmihii uu xilka wareejinayey waxa magaalada Burco ka dhacday dhibaatadii
ugu xumayd ee dhinaca dhulka, ka dib uu muran ku saabsna dhinaca dhulku sababay
dhimasho ilaa afar qof ah iyo dhaawac dhawr iyo toban qof
ka badan, taas oo ay koox dabley ah oo dhul uu deganaa nin ganacsade ah
oo magaciisa la yidhaahdo Axmed Maxamed diiriye difaacaysay tac-shiirad huwisay
booliska dawladda hoose oo doonayey inuu meesha ka raro degsiimo la sheegay inay
deganayd meel aan munaasib ahayn. Mushkiladaa oo ay wasiiro Hargeysa ka tegay
Burco u tageen xal u helideeda ilaa hadda lagama qaadin talaabo cuntanta.
Marka
la isku soo ururiyo maamulkii maayarkii xilka wareejiyey inta ay doono ha
le’eekaadee wax qabadkiisu waxa uu ahaa mid waxoogaa la dareemay, taas oo ay
dad badan oo reer Burco ahi ku tilmaameen in lagaga rasytay labadii maamul ee ka
horeeyey., laakiin dadka reer Burco waxay hadda iswaydiinayaan sida ay xaaladdu
noqonayso hadda ka dib, taas oo la leeyahay ninka xilka la wareegay, Sacad
Maxamed Sheeklh tolow sidee buu wax odhan doonaa, iyadoo ay dooddu tahay ma ka
dari doonaa, mise wuu ka sii rayn doonaa mudada ku meel-gaadhka ah ee uu xilka
hayo.
H |
argeysa
(Haatuf): Ololaha ururada siyaasadda Somaliland ayaa ilaa labadii todobaad ee u
dambeeyey xaami noqday, waxaana magaalooyin badan oo ay caasumadda Hargeysa ugu
horayso si weyn u hadheeyey orodka iyo sawaxanka ururada siyaasadda, taas oo la
xidhiidha doorashooyinka dawladaha hoose oo ay mudadii loo cayimay inay dhacaan
kaabiga saaran tahay.
Toddobaadkii
ama labadii toddobaad u dambeeyey mar qudha ma damin sawaxanka iyo guclaha
ururada siyaasaddu, waxaana socday shirar, khudbado fagaare, xafiisyo cusub oola
furayo iyo socdaalo ay hogaamiyayaaasha ururadu galaabixinayaan magaalooyinka
dalka. Iyadoo ay magaalada Hargeysa si weyn u hadheeyeen ololayaasha ururada
siyaasaddu, taas oo ay dadku habeen iyo maalin ka jiifi la’yihiin gurdanka iyo
sawaxanka ururada siyaasadda, waxaana socd xdhig jiidad weyn oo ay ururadu ku
doonayaan inay ku kala hantaan taageerada dadweynaha.
Ururka
HORMOOD ayaa shalay magaalada Hargeysa ka furtay ilaa laba xafiis oo kala duwan,
kuwaas oo ay mid-ba xaafad ka fureen, waxayna madaxda ururka munaasibadahaa ay
xafiiska ku furteen ka jeediyeen khudbado ay kaga waramayaan barnaamijyadooda
iyo mabaadi’dooda siyaasadeed. Sidoo kale ururka SAHAN ayaa isna doraad xafiis
cusub ka furtay xaafad ka mid ah magaalada Hargeysa, waxayna taasi wax yar ka
dambaysay markii ay wefti uu hogaaminayo gudoomiyaha ururkaasi, Dr. Maxamed
Cabdi Gaboose ka soo laabteen socdaal siyaasadeed taageero raadis ah oo ay ku
tageen gobolka Sanaag.
Sidoo
kale waxa isna sawaxankiisu badnaa ururka ASAD maalintii doraad, taas oo ay
Madaxda iyo taageerayaasha ASAD si balaadhan u soo dhoweeyeen gudoomiyahooda,
Saleebaan Maxamuud Aadan oo ka soo laabtay socdaal taageero raadis ah oo uu ugu
maqnaa dalal debedda ah, waxayna suuqyada magaalada ku soo mariyeen kolonyo
baabuur oo ay hareeraha ka lushaan dad kor ugu dhawaaqaya halkudhegyo ay ku
muujinayaan taageerada ururkooda. Laakiin marka la eego labadii toddobaad ee ina
dhaafay sanqadha ururada siyaasadda habeen iyo maalin lagama seexan, waxaana
dhacayey xaflado ay xafiisyo ku furanayaan, isla markaana ay uga
faa’iidaysanayaan khudbado siyaasadeed oo la xidhiidha ololahooda siyaasadda.
Gudoomiyaha
ururka UCID, Faysal Cali Waraabe iyo wefti uu hogaaminayo ayaa iyaguna
habeenimadii sabtida ka soo hoyday socdaal ay ku tageen gobolka Saaxil, halkaas
oo ay meel fagaare ah kala hadleen dadka reer Berbera.
Gudoomiyaha
urur-siyaasadeedka KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) iyo wefti uu
hogaaminayo ayaa iyaguna maalmihii u dambeeyey socdaal taageero raadis ah ku
maraya degaamada gobolka Sanaag, waxayna weftiga Axmed-siilaanyo doraad gaadheen
magaalada Ceerigaabo, halkaas oo ay meel fagaare ah kala hadleen dadweynaha reer
Ceerigaabo, waxayna wararku sheegeen inay weftiga KULMIYE marka ay soo
dhamaystaan safarkooda Sanaag ay u weecan doonaan dhinaca gobolka Sool.
sidoo kale madaxweyne Rayaale oo ah gudoomiyaha ururka UDUB ayaa isna
lagu wadaa inuu socdaal aan ka madhnayn taageero raadis ugu bixitimo gobolada
bariga ee Somaliland maalmaha foodda inagu soo haya, iyadoo uu ururka UDUB-na
hadda ku jiro gucle ay doonayaan inay kaga soo kabtaan hoos ku yimi mudooyinkii
ina dhaafay, ka dib markii uu khilaaf ka dhex-oogmay hogaanka ururkaa.
Ololaha
irca isku shareeray ee ururada siyaasaddu waa mid ay ugu xusul-duubban yihiin
sidii ay ugu sii weel samaysan lahaayeen doorashada maalmaha aan badnayni inaga
xigaan ee golayaasha degaanka.
Hayadaha
qaar waan u mahad celinayaa, qaarna waan dhaliilayaa
Aniga
oo ku hadlay magaca beelaha iyo dadka degaamada Boon (Awdal) oo ka kooban ilaa
toban waxood waxaan si weyn ugu mahad naqayaa hayadihii wax qabadka muuqda iyo
ka qarsoon-ba noo qabtay, kuwaas oo noogu jira diiwaanka qiimaynta taariikhda,
iyaga oo noogu qiimaysan sida ay u kala horeeyaan, sida, UNDP, UNHCR, Bisha Cas,
EFAD iyo WHO, waxaanuna leenahay mar kale soo noqda anaga oo idin soo
dhowaynayna, laakiin waxaan si weyn u dhaliilayaa hay’adda WFP oo ka baaqsatay
inay sii wado gargaarkii aadaminimo ee ay siin jirtey xaruntii xanaanada
caruurta ee magaalada Boom, halkaas oo ay ku jireen dad jilicsan oo isugu jira
caruurta agoomaha iyo dadka danyarta ah, kaamkaas oo u xidhmay raashin la’aan,
ka dib markii ay WFP si lama filaan ah u joojisay kaalmadii ay siin jirtey,
iyadoo aan cidna ogaysiin ama kala tashan, isla markaana ay baahiyihii
xanaanooyinkaa loo furay halkoodii yihiin, dadka meeshaa ku noolina weli kama
quusan inay WFP u soo noqoto oo ay kaalmadeedii aadaminimo dib uga bilowdo
degaamadaa.
Waxa
kale oo aan iyana dhaliilayaa hay’adda COOPI, haydaas oo ah hay’adda qudha
ee degan gobolka Awdal, iyadoo muddo dheer-na deganayd, laakiin ilaa mudadaa
ilaa maanta uma ay qaban degaamada BOOn, isla markaana inkasta oo aanu marar ka
codsanay inay wax noo qabato, hadana may dhicin inay degaamadaa mar qudha hoos u
eegto, waxaanuna leenahay COOPI-yey bal mar qudha xagayaga soo daymood.
G |
ebilay
(Haatuf): Shirkada qaadka 571 ayaa 21-kii bishii ina dhaaftay ee Nofembar markii
u horaysay ganacsigeedii keenista qaadka Itoobiya dib ugu soo celisay kastamka
Kalabaydh, ka dib markii ay shirkadaasi bil ka hor ka wareegtay marinka
Kalabaydh, taas oo ay bilowday inay qaadka diyaarad ka soo saarta madaarka
magaalada Dirir-dhabe ee dalka Itoobiya, kuna dejiso madaarka Hargeysa.
Inkasta
oo aan warar rasmi ah laga soo saarin sababta ay shirkadda qaadka 571 ugu soo
laabatay marinkii ay hore uga guurtay ee kastamka Kalabaydh, hadana waxay
wararka qaar tibaaxeen inuu khilaaf dhexmaray maamulka shirkadda iyo kastamka
magaalada Jig-jiga ee dalka Itoobiya oo qaadka lagu cashuuro, khilaafkaas oo ka
dhashay, ka dib markii ay maamulayaasha Itoobiya kordhiyeen cashuurtii ay qaadka
ka qaadi jireen.
Sida
uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed Xasan dib u soo
noqoshada qaadka shirkadda 571 waxa uu saamayn dhaqaale ku yeeshay degmada
Gebilay oo dhaqaale ahaan si weyn u dareentay markii ay shirkadaasi keenista
qaadkeeda ka weecisay marinka Kalabaydh, iyadoo uu qaadku ahaa meesha dakhliga
ugu badan ee cashuuruhu ka soo galo degmada Gebilay.
Ninka
la yidhaahdo Maxamed-Buur oo ka mid ah saraakiisha shirkadda qaadka 571 ayuu
weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay oo kula kulmay Kalabaydh waydiiyey sababta uu
qaadku markii hore uga wareegay marinnadiisii hore ee Kalabaydh, wuu ka
gaabsaday inuu tafaasiil badan bixiyo, laakiin wuxuu yidhi “Horta qaadku ma
aha siyaasad ee waa ganacsi, ganacsiguna kolba halkii ay dani ugu jirto ayuu
maraa”, wuxuuna intaa ku daray inaanay kastamka Kalabaydh uga wareegin wax
khilaaf ah, basle ay danahooda ganacsi u wareegeen, isla markaana waxa kale oo
uu sheegay inuu dhamaaday khilaafkii dhowaan dhexmaray shirkadooda iyo kastamla
Jig-jiga.
Sida uu sheegay maamulaha kastamka Kalabaydh, Cali Axmed intii aanu
qaadka 571 ka wareegin marinka kala Kalabaydh waxa uu dakhliga kastamkaasi
gaadhayey inta u dhexaysa 70 milyan ilaa 80 mliyan oo shillin Somaliland ah
maalintii, laakiin markii uu qaadkaasi ka wareegay waxa uu dakhliga kastamka
Kalabaydh hoos ugu soo dhacay ilaa 23 malyuun oo shillin Somaliland ah.
Dawladda
hoose ee Gebilay oo 10% qaadata cashuurta ka soo xeroota kastamka Kalabaydh
intii aanu ganacsiga qaadka 571 ka weecan marinka Kalabaydh waxa uu ahaa
dakhliga kastamkaa ka soo galaa 7 milyan oo shillin Somaaliland ah maaalintii,
laakiin markii uu qaadku weekday waxa uu hoos u gaadhay dakhligii kastamka ka
soo geli jirey wax kala badh ka sii yar xisaabta hore., taasina waxay keentay
maamulka Gebilay inuu iska bixin kari waayo daymanka lagaga yeesho
hawl-socodsiintooda.
“Maxaan
mushahar idin siiyaa sawkan qaadkii inaga wareegay” sidaa waxa yidhi xoghayaha
dawladda hoose ee degamada Gebilay oo u jawaabayey qaar shaqaalihiisa ka tirsan
oo waydiistay mushahar ka maqan, laakiin ereyga ah “Maxaanu haynaa sawkan
qaadkii inaga leexday” waxa uu intii qaadku ka weekday marinka Kalabaydh
hal-kudheg u noqday maamulka dawladda hoose ee Gebilay, taas oo ay madaxda
dawladda hoose qofkii dhaqaale kala hadlaba jawaabtaa siin jireen, Laakiin marka
laga yimaado duruufta dhaqaale ee ka dhalatay qaadka wareegay waxa kale oo ay
dad badan oo reer Gebilay ahi dhaliilaan maamulka laftiisa, gaar ahaan xoghayaha
oo ah ninka sida gaarka ugu xil saaran maamulka wax soo saarka dhaqaalaha,
waxayna dadku leeyihiin waxay ahayd inuu maamulku sameeyo guntigiijis iyo dedaal
dakhli abuuris ah si uu uga soo kabto dakhligii kaga baaqday qaadka wareegay,
laakiin taa muu samayn ayaa lagu dhaliilayaa. “Gabadhaydii oo dhakhtarka ku
umushay waxaan xoghayaha dawladda hoose ka soo waayey konton kun oo shilin
Somaliland ah” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah shaqaalaha dawladda hoose.
Shirkadda
qaadka 571 oo ah shirkadda ugu weyn ee ganacsiga qaadka laga keeno dalka
Itoobiya ee loo iib-geeyo Somaliland iyo degaamada Somalida kaleba waxa uu
markii u horaysay si xoog leh suuqyada ganacsiga u soo galay sannadkii 1996-kii,
laakiin si dhakhso ah ayey shirkadaasi u balaadhatay ilaa ay noqotay shirkadda
ugu weyn shirkadaha qaadka.