Guddi Ka Shaqaynaya Ilaalinta Doorashooyinka
H |
argeysa
(Haatuf): Guddi si dhexdhexaadnimo ah uga hawl-geli doona
ilaalinta doorashooyinka ayay magacaabayaan guddiga doorashooyinka ee Qaranka,
iyagoo la tashanaya ururada siyaasadda.
Guddigan
ilaalinta doorashooyinka (Integrity Watch Committee) ma aha hay’ad sharciya,
laakiin waxay ku hawl-geli doonaan laba heshiis oo mid ay wada galeen ururada
siyaasadda,
Si
guud marka loo soo koobo guddigan, wuxuu ku hawlgelayaa hay’ad ka socota
dadweynaha oo caawinaysa ka hortaga wixii dhib u keenaya sidii ay
Xubnaha
guddigaa ka mid noqonayaa, waxaa laga rabaa qodobadan:
1.
Qofka
ka mid noqonaya guddigan ilaalinta doorashooyinka, waa in aanu ka mid noqon oo
aanu ka tirsanayn ururada siyaasadda.
2.
Qofka
ka mid noqonaya guddigan ilaalinta doorashooyinka, waa inuu si adag dhexdhexaad
uga yahay ururada tartamaya.
3.
Waxaa
lagu soo xulayaa ixtiraamka ay ku leeyihiin dadka dhexdiisa iyo sumcadiisa hore
ee bulshada dhexdeeda, waana in xubnahani ay lahaadaan aqoon bulshanimo,
siyaasad, uu ku guto hawshaas ah goob-jooga iyo qiimaynta wadajir u fullinta
qaabka u degsan doorashooyinka.
4.
Guddigani
wuxuu ka koobnaan doonaa 11-qof tiro aan ka badnayn oo ay ku jiraan, wakiilo
lixda gobol ka socda.
Hawlaha
uu guddigaasi qabanayo, waxa ka mid ah:
1.
In
ay qiimeeyaan heerka uu urur-siyaasadeed kastaa run ahaan ugu dhaqmay heshiis ku
dhaqankii ay la saxeexeen ururada kale iyo guddiga doorashooyinka, sida ay
arrintaa u hirgelinayeen iyo natiijooyinka.
2.
In
ay qiimeeyaan ilaha dhaqaalaha iyo
3.
Guddigani
waxay qiimeenayaan lahjadda iyo qaabka ay ururada siyaasaddu ugu ololaynayaan,
si uu u hirgasho doorasho xor iyo xalaal ah.
4.
Guddigani
waxay baadhayaan cabashooyinka ka yimaada heshiis ku dhaqanka ay isla ogolaadeen
ururadu oo loo marayo, sida uu ugu qoran yahay heshiiskaas.
Guddigani,
waxay hawsha u fududaynayaan hawlaha qaarkood guddiga doorashooyinka, si ay u
korodho ka qayb-galka bulshada ee doorashooyinku, xubnaha guddigani waxay
xidhiidh shaqo la yeelanayaan Akademiyadda Nabadda iyo Horumarka oo siin doona
tababaro dhinaca Maamulka iyo Hawl xafiiseedka ah.
Faysal Cali Dhurwaa oo ka hadlay Deegaanada Degmada Gabiley
G |
abiley
(Haatuf): Guddoomiyaha ururka UCID, Faysal Cali Waraabe
iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa
socdaal ku maray deegaanada degmada Gabiley.
Weriyaha
Haatuf ee Gabiley, Maxamed Xasan , ayaa sheegay in Guddoomiyaha
UCID iyo weftiga la socday ay
booqashadu uga bilaabantay Gabiley 3-dii bishan, iyagoo ka bilaabay deegaanka
Arabsiyo.
Weftigan
UCID oo ay ka mid ahaayeen xubno ka tirsan Golaha Dhexe ee Ururkaasi, waxay
hadalo u jeediyeen dadweynihii ka soo qayb galay kulanadii ay weftigaasi kula
yeesheen intii ay ku jireen ololahooda siyaasadda ee ay ka wadeen degmada
Gabiley.
Gudoomiyaha
ururkaas, Faysal Cali Warabe oo la hadlayay dadweynaha reer Arabsiyo, ayaa
yidhi; “Maanta waxaanu doonaynaa in aanu samayno Maamul furfuran oo aan
Hargeysa ku ururin, Gabiley-na ku ururin oo ay tuulo kastaa taabato danteeda oo
ay ka tashato.”
Faysal
Cali Waraabe, isagoo la hadlaya dadweynaha Degmada Alaybaday-na, waxa
hadalladiisii ka mid ahaa; “Waan arkaa in aan Alaybaday waxba loo qaban
tobankii sanno ee aynu xorta ahayn, laakiin aad iyo aad baan ugu farxay markaan
arkay tacabka aad qabsateen.”
Guddoomiyaha
UCID, Faysal, isagoo ka hadlaya Magaalada Gabiley, wuxuu yidhi: “Ururkayaga
UCID iyo magaalada Gabiley, waxay iska metelaan Somaliland jacaylka, gobolkani
waa gobolkii ay xarakadu ka bilaabantay, waa gobolkii aad gobanimada ugu
dhintay, 55 xafiis ayaanu dibadda ku leenahay. 12 xafiis oo ka mid ah, waxa ka
madax ah dad gobolkan ka soo jeeda, maanta aduunyada oo dhan ayaa indhaha inagu
soo haysa, waxaad u baahan tihiin beerihii in la idinku gacan qabto, in la
idinka joojiyo khudradda dibadda ka imanaysa ee jebinaysa khudradda aad soo
saartaan.”
Sida
uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Gabiley, dadweyne aad u tiro
badan ayaa ka soo qaybgalay kulanadii ay ururka UCID kula yeesheen dadweynaha
degmada Gabiley, magaalooyin kala duwan oo ku yaal deegaankaas.
B |
erbera
(Haatuf): Badhasaabka Gobolka Saaxil, isla markaana ah Duqa
Magaalada Berbera, Maxamed Axmed Xasan (Talaata Codle) oo shalay la hadlay
dadweynaha reer Berbera Salaadii Ciida kadib, ayaa ugu bushaareeyay laba bilood
ka bacdi ay bilaabanto heshiisyo lala galay shirkado Caalami ah, kuwaas oo dhisi
doona garoonka diyaaradaha ee Berbera, taas oo uu sheegay Badhaasaabku in ay wax
weyn ka tari doonto shaqo-la’aanta iyo rajadii dib loogu dhisayay Warshadda
Sibidhka ay rajo fiican leedahay, taas oo uu sheegay Badhasaabku in ay ka
hawlgeli karaan ilaa afar kun oo qof oo shaqo ka heli kara.
Weriyaha
Haatuf ee gobolka Saaxil, C/raxmaan X. Daahir oo ka soo waramay
hadalkaa uu badhasaabku u jeediyay dadweynaha reer Berbera, ayaa shalay si
farxadleh u ciiday, iyadoo magaalada Berbera ay bilic samayd dadka ciida awgeed
la dhex mushaaxayay iyo maamulka gobolka Saaxil ee uu gudooomiyaha u yahay
Maxamed Axmed Xasan (Talaata Codle), ay 50 neef u qaybiyeen cusbitaalada,
Jeelasha, Ciidanka Booliiska iyo Ciidanka Qaranka. Weriyuhu wuxuu intaa ku daray
in ganacsada qaadka ee Cawl C/laahi Beegsi in maalintii ka horaysay Ciida uu ugu
deeqay dharkii ciida 29-qof oo ka mid ah dadka ku jira Jeelka.
Mingistu
M |
ingistu Xayle Mariam oo ka waramaya wixii ay ku sameeyeen saraakiil
sarsare oo wefti ahaa oo looga soo diray xarunta Adis-ababa, wuxuuna yidhi
“Maalintaa markii la maqlay inaanu xidh-xidhnay janaraaladii Adis-ababa ka
yimi ayaa magaalooyin kale lagu xidh-xidhay qaar ka mid ah saraakiishayada,
sidoo kale dawladda Adis-ababa fadhiday waxay iyaduna warbaahinta ka sii daysay
barobagaanda. Tusaale ahaan ciidankii gantaalaha ee Diridhabe fadhiyey ayaa
yidhi “Hadii aad si dhakhso ah janaraalada u sii dayn-waydaan waanu idinku soo
duulaynaa, yaad moodeen saraakiisha aad intaad soo ururiseen xidh-xidheen”.
Ninkii ciidanka gantaalaha haystay waxa la odhan jirey Gataajaw Baalja, isaga
ayuuna ahaa ninka digniinta noo soo diray, wuxuuna yidhi “Hadii aad
janaraalada sida ugu dhakhsaha badan u sii dayn-waydaan waxa la idinku garaaci
doonaa diyaarado”, sidoo kale xagga sare (Adis-ababa) waxa iyana nalooga soo
diray digniin culus . Laakiin dhinaca kalena waxaan maqlay saraakiil qaybtayada
ka tirsan oo leh ama ku hadaaqaya “Mingistu Xayle mariam iyo saraakiisha la
socdaa maxay wadaan iyo maxay damceen”, ka dibna markii aan sidaa maqlay ayaan
idhi “Dhamaan wixii saraakiil ah inta aad soo ururiyaan ii wada xidha”,
dabadeedna kuligood inta magaalada la soo raafay, hadii ay tahay ka gurigiisa
jooga, hadii ay tahay ka suuqa maraya iyo hadii ay tahay mid meel kale joogaba
iyadoo aanu mid ka maqnayn ayaa la soo ururiyey, ka dibna qol weyn oo ku yaalay
guriga fanka iyo suugaanta ayaa lagu xidhay dhammaantood, laakiin qaarkood
markii ay ogaadeen inay askari doon-doonayso ayey is qariyeen, taasina waxay
keentay in xataa qaarkood la soo qabto ama laga soo saaro sanaaduuq hoostood
iyaga uu ku dhuumanaya, tusaale ahaan waxaan xusuustaa mid Adraafu ka soo qabtay
isaga oo ku hoos-dhuumanaya kabadh.
Sraakiishii aanu xidh-xidhnay waxa ilaalintooda loo xil-saaray Niguse
faanta, sidoo kale nimankii janaraalada ahaa waxa ilaalintooda loo xil-saaray
Damaqe Baanjaw iyo Lagase, balse aniga laftayda ayey I xidheen nimankii ciidanka
ahaa ee wax xidh-xidhayey, sababta oo ah waxay yidhaahdeen “ Saraakiishan aanu
xidh-xidhnay hadhow marka la sii daayo waxay odhan doonaan waxa na xidhay
Mingistu, hadaba si aanay sidaa u odhan waanu kuu ekaysiinaynaa”, waxaana taa
looga jeeday si khal-khal loo geliyo, “Waayahay”ayaan idhi. Laakiin wax yar
ka dib waxa soo kordhay digniinihii laga soo dirayey Dirir-dhabe iyo meelo kale
, dabadeedna askartii ayaa inta ay iga soo dhex-qaadeen saraakiishii aan la
xidhnaa igu yidhi “Hawl baanu kuu doonaynaa”, sababta ay iigu yeedheena
waxay ahayd iyaga oo ka yabaalay ciidanka
Dirir-dhabe fadhiya ee digniinaha soo diraya, laakiin waxaan ku idhi “ma jirto
cid idin soo weeraraysaa ee is dejiya, way iska hadlayaane, ninka madfaca
hayaana Dirir-dhabe ilaa Harar idinkama soo tooggan karo”, markaas ayey hadana
igi yidhaahdeen “Hadii ay meeshooda ka soo durkaana”, waxaan hadana ugu
jawaabay “Ma iman karaan, basle hadii aad taa ka shaki qabtaan meesha la
yidhaahdo Dhangago waxaad dhigtaan laba dubaabadood oo qori saaran yahay”>
Markaa aanu sidaa is leenahay waxa soo gelayey habeen, sidaa darteed sideedii
fiidnimo markii ay noqotay ayaa la soo daayey warkii sideeda, waxaanuna si xiisa
badan u sugaynay inaanu idaacadda ka maqalo su’aalahayagii inuu boqorku ka
jawaabo, laakiin warkii la sii daayey waxa uu noqday mid naga wada cadhaysiiyey,
warkaasina waxa uu ahaa “Janaraal Xayle
Baykadaani oo ahaa taliyaha ciidanka dhulka ayaa xilkii ka degay”, warkaasna
markii ay ciidamadu maqleen waxay ka muujiyeen dareen cadho leh , waxayna ka
cadhoodeen oo ay iswaydiiyeen “janaraalka maxaa xilka looga qaaday”, laakiin
janaraalka xilka ugama degin ikhtiyaarkiisa, balse magaalada Harar waxa la isla
dhexmaray su’aal ah “maxaa janaraalka xilka looga qaaday”.
Damaqe Baanjaw iyo qaar kale ayaa gurigayga iigu yimi iyaga oo wata
dubaabad uu qori mishigaan ahi u saaran yahay, waxayna igu yidhaahdeen “Taliye
waxba kama hadhsana inay arintu faraha ka baxdo, waayo markii aanu dhexqaadnay
magaalada, waxaanu aragnay qolyo kale oo uu iyagana wata dubaabado qori u saaran
yahay, waxayna nagu yidhaahdeen “Joogso, kumaad tahay”, markaa waxaanu ku
siganay inaanu xabadda isku ridno, waayo aad ayey u kacsanaayeen, waxayse yara
qaboobeen markii ay na garteen, marka aad eegto ciidanka magaalada dhexmaraya
fara-badnaantiisana waxaad moodaa inay ciidamadii dhammaantood magaalada soo
galeen”.
Inta ay waxaas oo dhami dhacayaan janaraaladii waxay ku xidhan yihiin
xafiiskayga, dabadeedna askartii ilaalinaysay ayey ku yidhaahdeen “Hawadii
baad naga xidheen”, ka dibna askartii waxay ka fureen daaqadaha, waxayna u
fadhiisteen daaqadaha agtooda. Xafiiskayga marka aad daaqadihiisa furto daaqadda
dhinaca bariga u jeedda waxa u dhow dhul yar oo banaan, dabadeedna markii dambe
ayuun baan soo agmaray daaqaddaa, waxaana arkay daaqadda furan, ka dibna
askartii ila socotay ayaan ku idhi xidha daaqadda, sidaas darteed janaraaladii
ima ay arag, waayo hadii ay I arkaan way garan lahaayeen, waayo waxa ku jirey
rag badan oo I garanaya, sida: Taliyahayga Janaraal Naga, Taliyaha akaademiyadda
Harar janaraal Gisaw Balayne iyo weliba gacan-yarihiisa oo la yidhaahdo Kornayl
Mulaatu.
Askartii ila socotay waxaan faray inay janaraalada xidhan u sheegaan
“Inaanu janaraal Xayle xilka kaga degin ikhtiyaarkiisa ee ay ku timi codsi ka
yimi ciidanka la yidhaahdo ciidanka Libaaxa ee guutada saddexaad, isla markaana
aan xilka oo qudha laga qaadine xataa la xidhay, sidaa darteed waxaad ku
tidhaahdaan janaraalada arintaa sida ugu dhakhsaha badan ugu dambayn sagaalka
fiidnimo halaga sii daayo warka, hadii kale wixii dhaca kama masuul nihin”.
Iyadoo ay taasi jirto hadana weli ciidankau dhaqdhaqaaqiisii wuu sii
watay, anaguna wax dad ah oo shicib ah maanu xidhin ee taliyayaashii ciidamada
oo qudha ayaanu xidh-xidhnay, laakiin ciidanku ikhtiyaarkooda iyaga oo u socda
oo aanaan amrin ayey u tageen badhasaab-xigeenkii gobolka Harar, Fit Awraari
Mindaa, waxayna soo kaxeeyeen isaga oo gurigiisa jooga, waxa kale oo ay soo
qabqabteen oo ay ku soo dareen xubno kale oo muhim ah oo ay ku jiraan rag
baayacmushtar ah iyo duqaydii magaalada intoodii badnayd, ka dibna way
xidh-xidheeen, wuxuuna ahaa ninka raggaa xidh-xidhay nin feedhyahan ah oo
booliska ka tirsanaa oo la odhan jirey, Basha
Doona. Laakiin markii aan maqlay inay niman caynkaas ahi xidh-xidhan yihiin,
waxaan idhi “Degdeg u sii daaya nimankaa, waayo taasi waa arin mawqifka
ciidanka dhaawacaysa oo burburinaysa”, waana ku xayraamay nimankii wax soo
xidh-xidhay oo waan ku dhexdhacay aniga oo is qaraniya waayo maan doonayn inay
cidi I ogaato.
Sidii aanu raadyowga u dhegaysanaynay ayaanu raagnay, waayo waxay qolada
idaacaddu yidhaahdeen “Waxaanu goor dhow idiin soo dayn doonaa war soo
habsaamay”, ka dibna warkii sidii aanu u codsanay ayey u soo daayeen, waxayna
idaacaddu tidhi “Guutada saddexaad codsigoodii awgeed go’aankii hore ayaa
dib loo saxay , wuxuuna boqorku amar ku bixiyey in xilka laga wareejiyo janaraal
Xayle Baykadaani oo ku takri falay xilkii uu hayey, waxaana lagu xukumay inuu
xidhnaado ilaa inta la baadhayo, iyadoo loo saaray guddi baadha kiiskiisa’,
intaa markii uu warku sheegay ayey ciidamadu dhammaan ku farxeen. Ka dibna anigu
gurigayga ayaan iska qabtay, nimankii janaraalada ahaana caawa halkooda haw
hoydeen ayaa la yidhi. Run ahaantii waa kari karayey in loo ogolaado inay caawa
u hoydaan Raas huteel, laakiin jawiga ayaan wanaagsanayn, ciidankana waxa ku
jirey cabsi, oo waxaanu is nidhi hadii ay arkaan nimankaas oo huteelka hurda way
idinka shakiyayaan ciidanku, dabadeedna waxay u hoydeen xerada ciidanka, balse
habeen-badhkii intaanu idaacadda Harar qabsanay ayaanu waxoogaa barobagaandha ah
ka sii daynay, Laakiin may jirin dad badan oo dhegaystay, waxaase jirye qoraal
yar oo aanu hore u soo diyaarsanay, kaas ayaanu sii daynay waxaana akhriyey nin
la odhan jirey “Hilata waraq” (libaaxii ugaadeen)
La soco cadadka dambe.
Sidee looga ciiday
Somaliland
H |
argeysa (Haatuf):
Salaadda ciidul-fidriga ayaa shalay
laga tukaday guud ahaan dunida islaamka, gaar ahaan gobolada iyo degmooyinka
Somaliland, ka dib markii ay dadka muslimiinta ahi soo dhamaysteen soonka bisha
Ramadaan.
Guud ahaan magaalooyinka oo dhan salaaddii hore markii uu waagu guduutay
ayey wadaadadu tak-biirta la oogsadeen, taas oo hordhac u ahayd salaadda
ciidal-fidriga, iyadoo ay dadku isugu soo baxeen garoomada iyo masaajidada
waaweyn ee magaalooyinka.
Caasumadda Somaliland ee Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee Somaliland
ayaa si weyn looga ciiday, waxaana masjid jaamaca weyn ee Hargeysa dadka kula
tukaday madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo kuxigeenkiisa,
mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, laakiin madaxweyne Rayaale oo la filayey inuu
munaasibadda ciidda awgeed dadka la hadlo wax hadal ah ma jeedin, taas oo markii
uu salaadda dhamaystay uu cod-baahiyaha kaga tiraabay weedho kooban oo duco ioy
bogaadin ah oo la xidhiidha munaasibadda farxadda leh ee ciidul-fidriga , isla
markaana uu xusay inaanu ku soo talo gelin khudbad jeediyo, sidaa darteed dad
badan oo daafaha masaajidka hoganayey ama meelaha makarafoonadu ka lushaan
dhegta u dhowaynayey si ay u dhegaystaan khudbadda madaxweynaha ayaa iska kala
dareeray markii uu madaxweynuhu ka cudur-daartay khudbadii laga filayey.
Magaalada Hargeysa iyo guud ahaan magaalooyinka kale ee Somaliland ayaa
si weyn looga dareemayey damaashaadka farxadda ciidul-fidriga, waxaana
shaaricyada qariyey kumanaan dad ah oo inta badan ku lebisan dhar bilic leh,
taas oo sidii ay caadadu ahayd ay caruurtu guryaha ka soo debed baxeen, iyaga oo
farxadda ciidda darteed damaashaadaya, waxayna caruurtu suuqa ku
dhex-mushaaxayeen lug iyo gaadhi intaba, iyadoo ay daadihinayaan waalidiintoodu.
Marka la eego muuqaalkii isu soo baxa munaasibadda ciiddu waxa uu ahaa
mid si weyn u camiray magaalada, laakiin marka laga yimaado bilicda dhinaca huga
iyo guud ahaan sida ay dadku ugu niyad-samaayeen farxadda ciidda waxaan iyana
qarsoonayn duruufta dhaqaale ee hoos-hadhsanaysa xaaladda nololeed ee dadka,
gaar ahaan dadka danyarta ah, waxaynuna xusuusanahay inay ciiddani ku soo
beeggantay iyadoo ay xidhantahay sayladdii ugu waynayd ee ganacsiga Somaliland
oo ah Sucuudi Arabiya, taas oo saamayn weyn ku leh xaaladda nololeed ee dadka
reer Somaliland iyo guud ahaan dadka Somalilda ah ee ku dhaqan mandaqadda bariga
Afrika, iyadoo aynu ognahay inay nolosha Somalidu 75% inka badan ku xidhan tahay
xoolaha. Laakiin inkasta oo ay taasi jirto, hadana labadii toddobaad ee ka
horeeyey ciidda waxay ganacsiga dharku ahaayeen kuwa xaami ah oo aad u camiran,
taas oo ay dadku ka iibsanayeen dharkii ciidda, waxayna taasi keentay inuu
qiimaha dharku cirka isku shareero.
Magaalooyinka waaweyn ee dalka, gaar ahaan magaalo-madaxyada gobolada
ayaa sida ay wararku sheegeen si weyn looga ciiday, iyadoo ay magaalooyinka
waaweyn ee xarumaha gobolada inta badan dadka la tukadeen madax sarsare oo
dawladda ka tirsani, sida wasiiro iyo madax kale, iyadoo ay meelaha qaarkood
madaxda dawladdu dadka la hadleen.
Gabiley Maxaa Ka jira?
G |
ebilay (Haatuf):
Boqolaal qof oo dadweynaha reer Gebilay ah ayaa shalay isugu soo baxay tukashada
salaadda ciidul-fidriga, ka dib markii ay soo dhamaysteen soonka bisha Ramadaan,
waxayna dadku isugu soo baxeen si weyn.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Gebilay, Maxamed
Xasan Maayarka Gebilay, Abiib Xasan Fil-fil ayaa dadka la hadlay markii ay
salaadda ka soo jeesteen, waxaana ka mid ahaa waxyaalihii uu dadka reer Gebilay
maayarku kala hadlay ilaalinta nabadgelyada iyo arimaha doorashada.
“Beryahan dambe waxa soo baxday in makarafoonka TV-ga laga hadlo ama
jaraa’idka wax lagu qoro oo waxa uu doono yidhaahdo, markii ninkii inankii uu
keenay la qaadan waayey ee shuruudo lagu reebay xaq waxa loogu leeyahay haloo
bedelo, intaa wax dhaafsan oo meesha yaalaa ma jiraan”ayuu yidhi maayarku,
isaga oo ka hadlaya arimaha doorashada, wuxuuna intaa ku daray “Maadaama wixii
reero loo qaybsaday ma aha in kooxo lagu cararo”, wuxuuna maayarku ururada
siyaasadda ugu baaqay inay ilaaliyaan xasiloonida.
Dhinaca kale sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf
ee Gebilay, wasiirka hidaha iyo dhaqanka Somaliland, mudane Cismaan Xasan Mire
oo hogaaminaya koox fanaaniin ah ayaa Arbacadii doraad socdaal ku yimi degmada
Gebilay, waxayna ujeedada socdaalkoodu la xidhiidhay wacyigelin la xidhiidha
doorashooyinka, waxayna magaalada Gebilay ioy meelo kale ka dhigeen riwaayado
iyo majaajilooyin la xidhiidha wacyigelinta doorashooyinka. “Dareenkaaga guud
dadweynow u sheeg, hadii lagu doorto wacan, hadaad waydana ha dudin”ayey ku
heeseen fanaaniintu.
Wasiirka hidaha iyo dhaqanka ayaa isna la hadlay dadka degmada Gebilay,
waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Nin walowba codkaaga bixi waayo ikhtiyaar
baad leedahay, kalana garta meesha xun iyo meesha wanaagsan”, laakiin
galabnimadii isla galabnimadii Arbacada ayey wasiirka dhaqanka iyo kooxda
fanaaniinta ah ee uu hogaaminayaa degmada Gebilay uga sii gudbeen dhinaca
gobolka Awdal.
KULMIYE iyo UCID iyo
Boorame
B |
oorame (Haatuf):
Xubno ka mid ah guddiga fulinta ee urur-siyaasadeedka KULMIYE ayaa Arbacadii
doraad dadka reer Boorame kala hadlay meel fagaare ah oo ay xafiis cusub ka
furteen, uguna baaqay inay xiliga doorashada codkooda u dhiibtaan si nabadgelyo
ah.
Siyaasiga Cabdi Xasan Buuni oo ka mid ah hogaamiyayaasha ururka KULMIYE
ayaa ka mid ahaa madaxda halkaa ka hadashay, wuxuuna Buuni dadka kala hadlay
arimaha doorashoyinka, isaga oo faah-faahin ka bixiyey barnaamij siyaasadeedka
ururkooda, isla markaana waxa kale oo uu ka hadlay wax qabadka xukuumadda
Somaliland. “Afar iyo soddon sannadood ayaa laga ooga markii ay dhaceen
doorashooyinkii dalka ugu dambeeyey, waqtigaana intiina badani ma garanaysaan,
sidaa darteed waxaan idiin soo jeedinayaa inaad ka faa’iidaysataan
doorashooyinka oo aan anigu waayo-arag u ahay”ayuu Cabdi Xasan Buuni, laakiin
isaga oo ka hadlaya wax qabadka dawladda Somaliland wuxuu yidhi “Dawladda wax
qabadkeeda waxa ugu wanaagsan aftida distoorka iyo nabadda, laakiin dhinaca wax
soo saarka hal cagaf looma keenin dalka, sidoo kalena qorshe looma samayn
da’yarta ka soo baxaysa jaamacadaha iyo Dugsiyada”. “Ilaah baan idinku
dhaarshee xagee baa lagu arkay nin caafimaad daro u liita oo cusbataal la keenay
oo la yidhaahdo keena lacag lagu baadho”ayuu intaa ku daray.
Mr. Buuni waxa kale oo uu soo qaaday wadada isku xidha gobolka Awdal iyo
Jabuuti laba saacadood iyo badh qudha ayaa loo socon lahaa hadii la sameeyo.
Cabdi Xasan Buuni waxa uu ka mid yahay raggii siyaasadda ku soo biiray
sannadihii lixdamaadkii, isla markaana inmuddo ah wuu ka maqnaa garoomada
ciyaarta siyaasadda, laakiin isaga oo tilmaamaya waqtigan xaadirka ah iyo
dareenkiisa siayasadeed wuxuu yidhi “siyaasadda waxa igu soo celiyey markii
aan arkay ururka KULMIYE inuu ku haboon yahay inuu maamulka dalka qabto, isla
markaana hadii uu maamulka qabto uu dalka wax ka qaban doono”.
Cabdi Xasan Buuni waxa uu dadka reer Awdal ku booriyey inay
doorashooyinka ka qayb qaataan oo ay doortaan madaxdii maamuli lahayd. Sidoo
kale Cabdi Xasan Buuni waxa uu ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti,
wuxuuna yidhi “Waxaanu ka shaqan doonaa Ismaaciil Cumar Geelle oo uu beryo
dhowayd madmadow na soo kala dhexgalay sidii taa wax looga qaban lahaa, loogana
wada shaqayn lahaa wixii aan jiritinkaanka Somaliland lid ku ahayn”.
Dhinca kalena
hogaamiyayaasha urur-siyaasadeedka UCID ayaa isna isla Arbacadii doraad
dadweynaha reer Boorame kala hadlay fagaaraha khayriyadda Boorame, waxayna taasi
qayb ka tahay ololaha uu ururkaasi ugu jiro doorashooyinka dawladaha hoose ee
foodda inagu soo haya, iyadoo ay halkaa socdaal siyaasadeed ku tageen wefti
ururka UCID ah oo uu hogaaminayo ururka UCID, Faysal Cali Waraabe.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal,
Maxamed Cumar waxa ka mid ahaa madaxdii ururka UCID ee fagaaraha khayriyadda
kala hadlay dadka reer Boorame, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Waxaanu
idiinku nimi inaanu idiin sheegno barnaamijka uu dalka ku hogaamin doono ururka
UCID hadii uu ku guulaysto doorashooyinka madaxtinimada, kaas oo ah cadaalad iyo
in laga faa’iidaysto khayraadka dalka iyo sidii aynu uga kaaftoomi lahayn
odoyaashii afartanka sannadood ina soo xukumayey, taas oo aanu doonayno sidii ay
da’yartu uga qayb qaadan lahayd xukunka”, wuxuuna intaa ku daray “Waxaanu
doonaynaa inaanu waxbarashada bilaash ka dhigno ioy sidii aanu u soo noolayn
lahayn qiimaha shilinka Somaliland iyo sidii aynu uga faa’iiysan lahayn
tamarta qoraxda ee aynu laydhka uga dhalin lahayn, waxa kale oo aanu doonaynaa
sidii aanu wax uga qaban lahayn dekedda Saylac”.
Faysal waxa kale oo uu ka hadlay xoolaha nool ee Somaliland, isaga oo
sheegay in hadii ay talada ku guulaystaan ay suuq cusub uga raadin doonaan
dalalka Yurub, wuxuuna yidhi “Xooleheena ay Carabta xumi inagu gumaysanayaan,
waxaanu u diri doonaa Yurub iyo Maraykanka hadii aanu ku guulaysano
doorashooyinka, mana doonayno inaanu waxoogaa timir ah oo sako ah ku doonano
kursi, laakiin waxaanu doonaynaa inaanu anagu sako bixino oo uu dalkeenu
barwaaqo noqdo”. Laakiin waxa uu intaa ku daray “Maayar la soo magacaabay oo
guryo ka dhistay garoomadii ciyaalku ku ciyaarayey, waanu dumin doonaan xataa
hadii uu laba-saddex dabaq ka dhistay hadii aanu doorashada ku guulaysano”,
wuxuuna Faysal Cali-waraabe ugu dambayn dadka reer Awdal ka codsaday inay
doorashooyinka qaybtooda ka qaataan oo ay codkooda dhiibtaan, nabadgelyadana
ilaaliyaan.
Ururada siyaasadda iyo
guddiga
Doorashooyinka oo heshiis
wada saxeexay
H |
argeysa (Haatuf):
Lixda urur-siyaasadeed ee u taagan tartanka doorashooyinka madaxtinimada
Somaliland iyo guddiga doorashooyinka ayaa habeen hore Huteelka Maansoor ee
magaalada Hargeysa wadajir ugu saxeexay heshiis la xidhiidha marxaladda sida
looga gud-bayo marxaladda doorashooyinka iyo sida looga jibbo keenayo marxaladda
kala guurka ee foodda inagu soo haysa, iyadoo ay ururada siyaasadda iyo guddiga
doorashooyinku qalinka ku duugeen qoddobo door ah oo ay ku qeexayaan sida iyo
waxa laga yeelayo marxaladda kala guurka.
Qoraalka heshiiskaa oo ka badan saddex bog waxa qoddobada lagu heshiiyey
ka mid ah inay ururada siyaasaddu wax walba ka horaysiiyaan maslaxadda guud ee
dalak, xataa maslaxadooda iyo inay dhammaan ururada siyaasadda Somaliland
ilaaliyaan ku dhaqanka hanaanka dimoqraadiyadda iyo mabda’a wada tashiga, isla
markaana waa inay ilaaliyaan xasiloonida iyo ammaanka dalka.
Waxa kale oo ay ururada siyaasaddu cadeeyeen inay iskaashi iyo wada
shaqayn la samaynayaan guddiga doorashooyinka Qaranka, iyaga oo hoosta ka
xariiqay inay guddiga doorashooyinku yihiin hay’adda maamulaysa ee dhexda u ah
hawlaha doorashada, sidaa darteed ay guddiga doorashooyinku yihiin cidda ka
masuulka ee ay dummadeeda saaran tahay nidaamka doorashooyinka. Waxa kale oo uu
heshiisku dhigayaa inay guddiga doorashooyinka masuuliyadooda tahay sidii ay uag
shaqayn lahayd inay dalka ka dhacdo doorasho xor ah oo xalaal ah. Laakiin
qoddobada muhimka ah ee ay dhinacyadani ku heshiiyeen waxa ka mid ah: In
mustaqbalka ahmiyadda la siiyo dhisidda dawlad sal-balaadhan oo ay ka wada qayb
galaan dhammaan ururada iyo dhinacyada siyaasadda ee dalka ka jiraa, iyadoo aan
loo eegayn ururada ku guulaysata doorashada dawladaha hoose iyo kuwa aan ku
guulaysan, taas oo macneheedu yahay haba la kala badsadee waa in xeedhada
gacanta la wada geliyaa, wuxuuna heshiisku leeyahay ururada iyo dhinacyada
siyaasaddu waxay taa ka kaashanayaan golayaasha ama hayadaha qaanuuniga ah ee
dalka ka jira. Hase yeeshee heshiisku waxa uu leeyahay goorta sidaa la yeelayaa
waa marka ay xiligii loogu talo galay qabsoomi waayaan doorashooyinka
madaxtinimada sare, iyadoo uu heshiisku leeyahay waxa dhismaha dawlad noocaas
lagaga cararayaa gaab dawlad sharci ahayn oo soo baxda marka uu dawladda jirta
xiligeeda qaanuuniga ahi dhamaado, taas oo uu heshiisku dhigayo Axsaabta
doorashooyinka dawladaha hoose aqlabiyadda ugu badan hela ayaa dhisidda dawladda
caynkaas ah mudnaanta weyn yeelanaya, laakiin waa inay noqotaa ayuu heshiisku
leeyahay dawlad lagu wada jiro, hadii ay tahay axsaabta guulaysatay iyo hadii ay
tahay asxaabta aan guulaysan-ba iyo weliba qoddobo kale.
Heshiiskan waxa wada jir u saxeexay xubno kala duduwan oo madaxda
ururada siyaasadda ah, waxayna kala yihiin ururada heshiiskaa saxeexay UDUB,
UCID, ASAD, KULMIYE, SAHAN iyo HORMOOD, waxayna masuuliyiinta dhinacyada
heshiiska saxeexay iyo xubno kale oo munaasibaddaa ka soo qayb galay madashaa ka
jeediyeen hadalo ay ku ta’kiidainayaan heshiiska.
Marka laga yimaado ururada mucaaradka ah, ururka UDUB waxa u saxeexay
heshiiskaa madaxweyne-kuxigeenka, ahna gudoomiye-xigeenka UDUB, Axmed Yuusuf
Yaasiin.
Heshiiskani waxa uu ka dambeeyey wada hadalo ay dhinacyadani (Ururada
siyaasadda & guddiga doorashooyinka) yeesheen oo muddo bil gaadhaysa soo
taxnaa, wada hadalkaasna waxa gogosha u dhigtay hay’adda horumarinta nabadda
Somaliland.
Shir saddex geesood ah
H |
argeysa (Haatuf):
Saddex dhinac oo kala ah: lixda urur-siyaasadeed, golaha salaadiinta iyo guddiga
doorashooyinka Somaliland ayaa habeen hore kulan fadhi ah oo albaabadu u xidhan
yihiin ku yeeshay magaalada Hargeysa.
Shirkaas oo sida ay wararku sheegeen saacado badan qaatay waxa ka soo
qayb galay madax ka kala socota ururada siyaasadda, cutub salaadiin ah iyo
guddiga doorashooyinka, waxayna foodda is dareen dood dheer is xaal-waraysi iyo
araah is dhaafsi ah.
Inkasta oo aanay shirkaa warar rasmi ahi ka soo bixin, hadana waxay
warar u dhuun-daloolaa sheegeen in shirkaa lagu lafo-guray xaaladda
doorashooyinka iyo guud ahaan wacyiga guud ee marxaladda kala guurka, taas oo
sida la sheegay ay dhinacyadu is dhaafsadeen xogo la xidhiidha xaaladda wadanka
iyo geedi socodka hawlaha doorashooyinka.
Sida ay wararku sheegeen waxa kulankaa soo qaban-qaabiyey golaha
salaadiinta, waxa si gaar ah loo falan-qeeyey xaaladda nabadgelyada iyo
saamaynta ay ku yeellan karaan xarakaadka doorashooyinku, waxaana dodo laga
yeeshay sida looga gudbayo marxaladda doorashada, taas oo macneheedu yahay in la
isla jilciyo sida ugu haboon ee ay doorashooyinku u noqon lahaayeen kuwo turxaan
la’, isla markaana u dhaca si nabadgelyo ah.
Kulankaas inkasta oo uu saacado badan qaatay hadana laguma gaadhin wax
go’aamo ah, waxayna salaadiintu ururada siyaasadda u soo jeediyeen inay dib
isugu noqdaan si ay wax isu soo jilciyaan, iyadoo ay salaadiintu intaa ku dareen
inay kulan kale la soo yeelanayaan xukuumadda, iyaga oo sheegay inay xukuumadda
falan-qayn iyo xog-waraysi kala soo yeelanayaan sida ay doorashadu u noqon karto
mid turxaan la’ oo u dhacda si xalaal iyo xor ah, waxaana ka mid ah waxyaalaha
laga yaabo inay salaadiintu xukuumadda kala sheekaystaan
bal inay hayso ciidan nabadgelyo oo hanan kara ammaanka guud ahaan dalka
, gaar ahaana goobaha ay doorashooyinku ka dhacayaan.
Sida ay wararka kulankaa ku saabsani tibaaxeen, waxa kulankaa loo
balamay mar kale oo maalmaha foodda inagu soo haya ah.
Inkasta oo ay lixda urur-siyaasadeed wakiilo ka fadhiyeen shirkaa,
haddana ururka UDUB ayaa isagoo laba garaba shirka fadhiyay, taas oo uu garab ka
mid ah hogaaminayay Maxamed Ismaaciil Bulaale oo dhawaan loo magacaabay
Xoghayaha Guud ee UDUB, halka garabka kale ee shirka fadhiyay uu hogaaminayay
Dr. Cabid Aw Daahir, oo marar badan ku celceliyay inuu yahay Xoghayaha Guud ee
Sharciga ah ee UDUB.
Iftiinka Islaamka
OGGOLAANSHIHII JIHAADKA
Markii
muslimiinta 13 sano la soo dhibayey, nooc walba oo dhib ahna lagu sameeyey,
iyagana aan Ilaahay weli u idmin iney dagaallamaan oo raddi ficil (gacan celin)
sameeyaan, intaasna lagu boorrinayey iney ku sabraan dhibka iyo wax walba oo
gaalada ka soo gaadha, ayaa markii ay Madiina yimaaddeen, oo dad iyo degaanba ay
heleen, waxaa loo idmay jihaadkii waxaana soo degey aayadahan:
((WAXA LOO IDMAY
KUWII LALA DAGAALLAMAYEY (INAY DAGAALLAMAAN) MAXAA YEELAY WAA LA DULMIYEY,
ALLENA GAR GAARKOODA WAA KARAA, WAA KUWII GURYAHOODA LOOGA BIXIYEY XAQ DARRO IYO
IN AY YIDHAAHDEEN RABBIGAAYO WAA ALLE, HADDAYNA JIRINNA IN ALLE DADKA QAARKIIS
QAARKA KALE KU DIFAACO WAXAA LA DUMIN LAHAA SAWAAMICDA (MEELAHA YAHUUDU KU
TUKATO), BIYACA (KANIISADDA), MEELAHA LAGU TUKADO, IYO MASAAJIDDA DHEXDEEDA LAGU
XUSO MAGACA ALLE WAX BADAN, ALLE WAA U GAR GAARAYAA CIDDII U GAR GAARTA
(DIINTIISA), ALLENA WAXA UU AHAADAY (ALLE) MID QAWI AH OO CASIIS AH)),
(Suuratul-Xaj 39-40).
Aayadahaas wixii ka
dambeeyey waxaa si is daba joog ah u bilaabmay isuna raacraacay aayadihii ka
hadlayey jihaadka, oo muslimiinta amrayey kuna boorrinayey iney u dagaallamaan
jidka Allaah iyo iney kalimadda Allaah noqoto midda koreysa oo caalamka ka
talisa. Waxaana uu Ilaahay u ballan qaaday dadka mujaahidiinta ah iney leeyihiin
labada wanaagsan midkood: Shahiidnimo ama Guul. Sidaa soo kale wuxuu Allaah
sheegay in dadka ku dhinta jihaadka ayna dhiman balse ay Ilaahay agtiisa ku nool
yihiin.
Jihaadka qur'aanka
iyo sunnaduba aad ayey uga hadleen uguna boorriyeen muslimiinta, aayadaha iyo
axaadiista ku soo arooreyna aad ayey u badan yihiin. Jihaaddku waa waajib marna
wuxuu noqdaa fardul ceyn marna fardul kifaaya. Wuxuu fardul ceyn noqdaa oo qof
walba oo muslim ah ku waajib noqdaa markii beled islaam ah lagu soo duulo ama
ciddii uu imaamka muslimiintu amro in ay jihaad u baxdo. Fardul kifaayana wuxuu
noqonayaa markii muslimiintu iska deggan yihiin oo iyagu duullaanka qaadayaan,
haddiise wax ku filan la waayo dhammaantood waajibkii waa saaran yahay waana
dambiilayaal oo ciqaab bay ku muteysanayaan.
Sidoo kale nusuusta
islaamku waxay noo sheetay in cisiga islaamku uu ku jiro jihaadka, markii laga
tagana uu Ilaahay dulli badayo muslimiinta. Wuxuu Rasuulku SCW yidhi isagoo
arrintaa ka hadlaya: "qofkii dhinta isagoo aan duullaan gelin (jihaad) ama
aan naftiisa ugu sheekayn jihaadka wuxuu dhintay dhimasho jaahili.
Allaahna sidoo kale
isagoo mu'miniinta ku boorrinaya jihaadka wuxuu yidhi:
((ALLAAH WUXUU
DADKA MU'MINIINTA AH NAFTOODA IYO MAALKOODA UGA IIBSADAY INAY JANNO U AHOOTO,
WAXAY KU DAGAALLAMAAYN JIDKA ALLAAH, WAY LAYNAYAAN WAANA LA LAYNAYAA, WAANA
YABOOH XAQ AH OO KU SUGAN TOWREET, INJIIL IYO QUR'AANKA, YAA KA OOFIN BADAN ALLE
BALLANKIISA, KU BISHAARAYSTA (MUJAAHIDIINTOW) BAYCIINII AAD ALLE LA GASHEEN,
ARRINKAASINA WAXAA WEEYE LIIBAAN WAYN)), (Suuratul-Tawbah 111)
Haddana wuxuu
Ilaahay qur'aankiisa ku yidhi:
((KUWA MU'MINIITA
AHOW MA IDIN TUSIYAA TIJAARO IDINKA KORINEYSA CADAAB DARAN; WAXAAD RUMEYNEYSAAN
ALLAAH IYO RASUULKIISA, WAXAADNA KU JIHAADAYSAAN JIDKA ALLAAH NAFTINNA IYO
MAALKIINNABA, TAAS AYAANA IDIIN KHEYR BADAN HADDII AAD WAX GARANAYSAAN)),
(Suuratu-Saff 10-11).
Rasuulka SCW wuxuu
jihaadka uga hadlay axaadiis tiro badan oo kala duwan wuxuuna yidhi:
"Carraabo jidka Allaah (loo carraabo) waxay ka khayr badan tahay adduunka
iyo waxa ku jira". Sidoo kale wuxuu Rasuulka SCW yidhi "waxaa la ila
soo saaray saacadda (qiyaamaha) horteeda seef ilaa Allaah keliya laga caabudo,
resqigeygana waxaa la yeelay warankeyga hadhkiisa hoostiisa, dulli iyo
xaqiraadna waxaa la dul yeelay qofkii amarkayga khilaafa, qofkii dad isu
ekeysiiyana (ku deyda) iyaguu ka mid yahay". Sidoo kale xaddiis, uu Imaam
Axmed weriyey qaybtiisa ugu dambaysa wuxuu Rasuulku SCW ku yidhi "markaad
jihaadka ka tagtaan Alle wuxuu idinku ridayaa dulli, idinkana qaadi maayo ilaa
aad diintiinna u noqotaan".
Jihaadka
waajibnimadiisa waxaa ku jira xikmado iyo faa'iidooyin aad u tiro badan oo aanan
wada koobi karin, islaamkuna wuxuu meel walba ku gaadhay wuxuu ahaa jihaad.
Jihaadku wuxuu muslimiinta ka saaray dulligii iyo dulmigii ay ku jireen saddex
iyo toban sano ee Makka oo aan jihaadka la waajib yeelin, kuwaas oo ahaa in
marar badan la isku dayey in Nabiga SCW la dilo, muslimiintana la dabar gooyo.
Markii ay nabiga (SCW)
asxaabtiisu soo samrayeen 13 sanno ayuu Illaahay u fasaxay in ay Jihaadaan oo is
difaacaan, intaa kadibna waxaa dhacay dagaalo badan oo dhexmaray asaxaabtii uu
Nebigu (SCW) hogaaminayay iyo gaaladii ka soo horjeeday Islaamka, kuwaas oo
badankooda ay guushu ku raacday Muslimiintii xaqa waday. Dagaaladaana, waxa ugu
horeeyey dagaalkii Beder oo ay Muslimiintii ku laayeen qabqablayaashii
Quraysheed badankooda halkaa ku dabar go’ay, kadib waxaa dhacay dagaalo kale
oo ay ka mid yihiin dagaalkii Uxud oo ka dhacay Madiina agteeda. Dagaalkii
Axsaab oo ahaa duullaan ay soo qaadeen huwan ka kooban gaaladii xaqa diidanayd.
Dagaalkii Tabuuk markii ay Rasuulka iyo Asxaabtiisii halganka ka wadeen Madiina
muddo 10 sanno ah, ayay aakhirkii dib u qabsadeen Maka oo ah baradoodii laga soo
saaray. Kadibna Rasuulka (SCW), waxaa u yimid xaqii isaga oo geeriyooday markii
ay diintu dhammaystirantay, balse waxa dedaalkii halkii ka sii waday
asaxaabtiisii oo Caalamka gaadhsiiyay diinta Islaamka.
F/G: Qormadan Iftiinka Islaamka oo joogto ugu soo bixi jirtay Wargeyska bishii barakaysnayd ee Ramadaan, hadda wixii ka dambeeya waxay soo bixi doontaa maalinta Jimcaha haddii Alle yidhaa