Haatuf News

 

Issue: 220 ______________Taariikh: December 9, 2002

 

Meherkii Mr. Cabdifataax Maxamuud Caydiid & Aamina Maxamed Axmed

Oo ka Dhacay mgalaalada Hargeysa Xalay oo ay Bishu Ahayd December 9, 2002

   

MEHER WACAN


6-da Urur-Siyaasadeed Ee Somaliland Oo Wada-Jir U Cambaareeyay Weerarkii Lala Beegsaday Weftigii Madaxweyne Rayaale

    

H

argeysa (Haatuf) Lixda urur Siyaasadeed ee u taagan tartanka madaxtinimada Somaliland ayaa shalay wada jir u soo saaray warmurtiyeed ay kaga jawaabayaan weerarkii ay doraad Ciidamada maamul goboleedka C/laahi Yuusuf la beegsadeen weftigii uu hogaaminayay Madaxweynaha Somaliland Daahirr Rayaale Kaahin, ee booqashada ku tagay magaalada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool, waxayna ururadani si kulul u cambaareeyeen weerarkaa, isla markaana waxay dhaqamada C/laahi Yuusuf iyo xulafadiisa ku tilmaameen kuwa kali-talisnimo xambaarsan, kana soo horjeeda hanaanka nabada iyo talo wadaagga.

 

Lixdan urur Siyaasadeed oo kala ah        ASAD, HORMOOD, KULMIYE, SAHAN, UCID iyo UDUB, waxay sheegeen inay aad uga xumaadeen weerarkii ay Ciidamada maamul goboleedka C/laahi Yuusuf ku soo qaadeen weftigii Madaxweyne Rayaale ee magaalada Laas-caanood, iyaga oo intaa ku daray inay aad uga tiiraanyaysan yihiin, dhibaatadii dhimasho, dhaawac iyo burburba lahayd ee uu weerarkaasi sababay.

Qoraalka ay lixdan urur soo saareen waxa uu nuxurkiisu u qornaa sidan:

 “Marka dib loo jaleeco sooyaalka taariikheed ee Somaliland iyo halgankii qadhaadhaa ee ay soo galeen si ay u helaan xornimo, cadaalad, iyo dimuqraadiyad, waxa u ahaa halgankii sababta u noqday inay ridaan diktaatooriyadii nidaamkii Siyaad Barre.

 

Dadka reer Somaliland waxay tobankii sanadood ee u dambeeyay muujiyeen sida ay nabadu uga go’antahay, isla markaana waxay ku guulaysteen inay si nabadgelyo ah u soo afjaraan wixii khilaafaad ah ee dhexyaalay, sidoo kalena waxay dhidibada u taageen nidaam dawladnimo, iyaga oo aan wax taageero ah ka helin dunida, intaa ka dibna waxay dadka reer Somaliland qaateen hanaan distoori ah oo uu gundhigiisu yahay sharciyada, hanaankaas oo ay ku higsanayaan, sidii ay dalkooda doorashooyin xor ahi uga dhici lahaayeen, iyada oo ay ujeedada doorashooyinku tahay in la balaadhiyo cadaalaada iyo dimuqraadiyada.

Haddaba haddii aanu nahay ururada siyaasada Somaliland waxaanu aad uga xumaanay, naxdina nagu riday weerarkii gaadmada ahaa ee maleeshiyada hubaysan ee C/laahi Yuusuf la beegsadeen madaxweynaha Somaliland iyo weftigii uu hogaaminayay, iyaga oo booqanaya Laas-caanood.

Sidoo kale waxaanu ka tiiraanyaysanahay wixii dhimasho iyo dhaawac ama burbur ah ee uu weerarkaasi keenay, anagoo og inay booqashada madaxweynaha iyo weftigiisu ahayd mid nabadeed oo ka fog ujeedo dagaal, iyadoo loo diyaar garoobayo doorashooyinka Somaliland ee ay ta u horeysaa dhacayso 15ka bishan.

 

Waxaanu aaminsanahay inay ujeedada doorashadu tahay sidii ay dadka reer Somaliland u gudan lahaayeen xuquuqdooda ah inay doortaan Madaxda hogaaminaysa, haddii ay tahay heer qaran, gobol, iyo degmo, isla markaana waxaanu qabnaa haddii ay dhacaan inay doorashooyinkaasi noqon doonaan dhacdo taariikhda gasha, oo saamayn ku yeelan doonta gobolka geeska Afrika.

Nimanka ka soo horjeeda cadaalada iyo dimuqraadiyada ee uu hogaaminayo C/laahi Yuusuf waxaanu u sheegaynaa inaanay ka qaldamin mawqifka iyo rabitaanka dadka reer Somaliland , isla markaana waa inay ogaadaan sidan:

1.       Dhaqamada gacan ka hadalka ah ee ka soo horjeeda dimuqraadiyada ee ay ku kacaan C/laahi Yuusuf iyo kuwa la maxaafsadaa, ma qabno inay yihiin kuwa metela dadka reer Puntland, isla markaana anagu dadka reer Puntland iyo Soomaalida kaleba uma hayno wax cadaawad ah.

2.       Doorashooyinka soo socdaa way ka dhici doonaan Somaliland , dimuqraadiyaduna maaha wax qurux badan oo hadyad la isku siiyo waa xaq ka mid ah xuquuqaha dadka, sidaa darteed haddii ay C/laahi Yuusuf iyo xulafadiisa la maxaafsataa dagaalka ka ridaan xuduudaha Somaliland doorashadu uma baaqanayso.

3.       Anaga iyo taageerayaashayada ku dhaqan dhammaan dalka Somaliland waxaanu diyaar u nahay inaanu difaacno dalkayaga iyo hanaankayaga dimuqraadiyadeed, xataa haddii ay nagu kalifayso inaanu gacana isku difaacno, gacana ku footayno.

4.       Waxaanu aaminsanahay dadka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan inay muujin doonaan sida ay uga soo horjeedaan diktaytarrada iyo kuwa la shaqaysta, taas darteedna ay doorashada soo fool leh si ballaadhan oo nabadgelyo ah uga qayb qaadan doonaan.

5.       Waxaanu ognahay inay dadka reer Somaliland u halgamayaan cadaalad iyo dimuqraadiyad isla markaana uu dhamaaday wakhtigii diktaytarradu, sidaa darteed aanay dagaal oogayaasha ay ka mid yihiin iyo xulafada la maxaafsataa dib u dhigi karin” ayay ku soo gebagebayeen qoraalkooda

Dhinaca kalena ururada Hormood iyo Ucid ayaa shalay na soo gaadhsiiyay dhambaalo gaar gaar ah oo ay ku cambaareynayaan weerarkii ay Ciidamada maamul goboleedka C/laahi Yuusuf la beegsadeen weftigii Madaxweyne Rayaale iyagoo ururadani weerarkaa ku tilmaamo gardarro ay kula kaceen Somaliland

 

 

Madaxda Ururka SAHAN oo Meel Fagaare ah Kala Hadlay Dadweynaha Burco

 

B

urco (Haatuf):- Gudoomiyaha ururka siyaasadeedka SAHAN Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, masuuliyiin ka tirsan maamulka gobalka Tog-dheer iyo cuqaal ayaa horaantii sabtidii meel fagaare ah kala hadlay dadweynaha reer Burco xarunta gobalka Tog-dheer ee Somaliland .

Hawlwadeen ka tirsan xafiiska Haatuf ee Burco Axmed Aadan Yuusuf oo arintaa ka soo waramay ayaa sheegay in kulanka ururka SAHAN, Madaxda kale iyo dadweynaha reer Burco uu ka mid ahaa ololaha siyaasada ururka SAHAN, Gudoomiyaha ururkaas Dr. Maxamed Cabdi Gaboose waxaa ka mid ahaa hadalada uu halka ka jeediyay “ ururada iyo siyaasiyiinta kale waxay lahaayeen ilaa lixdankii. “ Waxaanu dhisaynaa wadooyin, dhakhtaro iyo iskuulo, waxa kaliya ee laga arkaa waa iyagoo ku guura dadweynaha waxna u qabtaan, anigu taa odhanmaayno oo daacad baanu ka nahay waxaanu idiin dhisaynaa wixii aad noo diritaan, maalmahan waxaan maqlayay inaan doorasho suurtoobayn oo mudo loo kordhiyo xukuumada taasi ma tahay wax suurtogalaaya, dadweynoow maya weeyi”.

 

Waxaa iyaguna kulan kaas ka hadlay masuuliyiin kale oo ka tirsan ururka SAHAN oo hadaladooda ay ka mid ahaayeen in ururka siyaasadeedka SAHAN ay asaaseen dhalinyaro mutacalimiina oo u dhashay Somaliland iyo in ay himilada ururkaas ay ka mid tahay horumarka dalka iyo waxu qabadka dadweynaha reer Somaliland, masuuliyiintaa SAHAN ee hadalada uu jeediyay dadweynaha reer Burco waxa kale oo ay sheegeen in hadii ururka SAHAN uu guulaysto doorashooyinka in uu wax ka qabanayno oo ay bartilmaameedkiisa yihiin dhinacyada waxbarashada iyo arimaha caafimaadka.

 

Dawlada Oo Deeq Raashina U Gudbisay Beelihii Ka Heshiiyay Xurguftii Gobalka SOOL

 

B

erbera (Haatuf):- laba gaadhi oo raashin ka mid ahaa deeq ay bixisay bisha cas ee Imaaraadka Carabta oo hoos tagata sheekh saayidka Xukuma Dalkaas ayaa loo raray labada beelood ee fiqi-shini iyo reer Cilmi ee gobalka Sool oo dhawaan ka heshiiyay colaad dhexmartay.

 

Deeqdan raashinka waxaa la sheegay in uu u gudbinteed belahaas uu amray Madaxweynaha J.S.L Mudane Daahir Rayaale Kaahin sida uu u xaqiijiyay wariyaha Haatuf ee gobalka Saaxil C/raxmaan X. Daahir oo Arintaa wax ka waydiiyay bashasaabka gobolka Saaxil Maxamed Axmed Xasan Talaata-Codle.

Warkani wuxuu intaa raaciyay in deeqdaas ay ka qaadeen Berbera odayaal ka tirsan labada beelood ee Faqi-shini iyo reer Cilmi oo la socday Madaxweyne Rayaale xiligii uu safarka kaga ambabaxay Hargeysa ee ku socday Laas-caanood oo iyagu kaga hadhay Berbera.

 

Deeqdan ayaa laga keenay dalka Imaaraadka diyaarad iyadoo loogu talogalay dadka jilicdasani laga rajo-qabo in aay soo qaadno Berbera qaybo kale oo deeqdaas ahi.

 

Madaxweyne Rayaale Oo La Hadlay Reer Caynabo

 

C

aynabo (Haatuf):- Madaxweynaha J.S.L Mudane Daahir Rayaale Kaahin  ayaa shalay meel fagaare ah kala hadlay dadweynaha reer caynabo, halkaas oo uu habeen hore ku soo hoyday ka dib markii ay isaga (Madaweynaha) iyo weftigiisu ka soo laabteen Magaalada Laas-Caanood oo uu dagaal ku haleelay maalin-badhkii doraad.

 

Warsaxaafadeed sida uu sheegay uu soo saaray Af-hayeenka madaxtooyada Cabi Idriis waxa uu Madaxweyne Rayaale dadka reer Caynabo uga Mahad-naqay sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen, laakiin waxa kale oo uu ka hadlay dagaalkii ku qabsaday magaalada Laas-Caanood isaga oo tilmaamaaya sida ay dawlada Somaliland ka yeeshay weerarka kaga yimid dhinaca Puntland “Caynabo waa degmo aan cusbayn oo taariikhi ah iyadoo ceelkeeda looga soo aroori jiray dhulbadan” ayuu yidhi madaxweynuhu markii uu la hadlaayey reer Caynabo, wuxuuna intaa ku daray “Sida ay codsadeen odoyaasha degmadu waxan qabaa mustaqbalka inay gobal noqon doonto waxaanse idinka balan-qaadayaa wixii aad xaq u leedihiin inta aan joogo inaan laydinka duudsiyin”.

 

Madaxweyne Rayaale waxa kale oo khudbadiisa caynabo ku soo qaaday hadal-haynta ku saabsan mudakordhinta dawlada, wuxuuna yidhi “anigu waxaan ahay ninkii lagula taliyey Muddo-kordhin ee yidhi Somaliland kuma iibsamayso muddo-kordhin ee doorasho ayeey ku iibsamaysaa, sidaa awgeed waxaan aaminsanahay doorasho, sidaa darteed hadii ay dadkaygu ii doortaan waan u shaqaynayaa, hadii aan heli waayana ma noqon doono nin duda oo yidhaahda tolaayeey” laakiin waxa uu intaa ku daray “Waxaan idinka codsanayaa raga kale ee tartamaaya waa inaad waydiisataan inaad balan-qaad caynkaas ah ka heshan”.

 

Madaxweyne Daahir Rayaale isaga oo ka hadlaaya Laas-Caanood iyo wixii ay ka kulmeen wuxuu yidhi: “ Meeshu (Laas-Caanood) dalkeeni weeyi waxaanuna ku tagnay niyad-wanaag, si wanaagsanna waana loogu soo dhaweeyey laakiin nasiib daro ayaa ka dhacday oo Garoowe ayaa lagaga soo duulay, balse anigu waxaan ilaalinaayay oo aan amar ku bixiyay inaanay dhibaato gaadhin maatada iyo dadka shicibka ah sidaas ayaanan uga soo laabtay.

Hasa yeeshee Somaliland xuduudeeda ayay xidhan doontaa iyadoo arintaas laga wada tashandoono marka aan soo laabto”.

Waxa lake oo fagaaraha Caynaba ka hadlay gudoomiye-xigeenka koowaad ee golaha guurtida J.S.L Sh. Axmed Nuux Furre isga oo xusay in si fiican loogu soo dhaweeyay Laas-Caanood laakiin wixii halkaas ka dhacay  waxa ka mas’uul ahaa ayuu yidhi maamul gobaleedka Puntland, oo uu ku tilmaamay in ay ku soo duushay Somaliland.

 

Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay wasiirka warfaafinta C/laahi Maxmed Ducaale, Chief Caaqil Ismaaciil Ducaale, Chief Caaqil Cali Xirsi, Sh. Cali Muuse iyo Cali Cumar.

Odayaasha degaanka Caynaba waxyaabihii ay Madaxweynaha ka codsadeen waxa ka mid ahaa, dib u dhiska saldhiga Booliiska, Jeelka iyo Masaajidka Dagmadaasi wuxuuna madaxweynuhu balan qaaday in ay meelahaa dhakhso wax u ga qabandoonaan, war saxaafadeedku waxa uu ugu danbayn xusay inuu madaxweynuhu sii wadan doono booqadashadiisa gobalada bari.

 

Lama Soo Weerarin Laas-Caanood Ee Waxa La Soo Weeraray Somaliland

 

H

argeysa (Haatuf):- urur siyaasadeedka ASAD ayaa maalintii shalay xafiisyo ka furtay dagamada 26 June ee magaalada Hargeysa, xafladihii furitaanka xafiisyada ASAD waxa ka qayb galay oo hadalo ka jeediyay madaxda sare ee ASAD oo uu hor-kacayo gudoomiyaha ururkaasi Saleebaan Maxamuud Aadan  ayna ka mid yihiin gudoomiye ku xigeenka labaad Fu’aad Aadan Cade, Mujaahid Maxamed Kaahin iyo madax kale.

 

Gudoomiyaha ururka oo khudbad u jeediyay dadweyne aad u badan oo isugu yimid xafladda lagu furaayay xafiiska ASAD ee 26 June waxa uu kaga hadlay weerarka ay ciidamada C/laahi Yuusuf ku soo qaadeen magaalada Laas-Caanood ee gobalka Sool iyo barnaamujka ururka ASAD.

“ Arinta Laas-Caanood ka dhacay maha in la soo weeraray Laas-Caanood oo qudha ee waxa la weeraray qaranimada Somaliland iyo jiritaankeeda, waa xorayn labaad, waa qarannimo, ninka Laas-Caanood kaa qabsaday Hargeysa iyo Booramaba wuu inoogu iman doonaa” Sidaa waxa yidhi gudoomiyaha ururka ASAD isaga oo intaa ku daray in meel looga soo wada jeesto jiritaanka Somaliland.

Waxa kale oo uu si faahfaahsan uga waramay barnaamujka iyo siyaasadda ururka ASAD.

Waxa kale oo isaguna halkaa ka hadlay gudoomiye ku xigeenka labaad ee ASAD Fu’aad Aadan Cade iyo Mujaahid Maxamed Kaahin oo ka tirsan golaha dhexe ee ASAD oo ka waramay sida loogu baahan yahay in laga hortago weerarka Puntland: “ Hadii aanay Laas-Caanood jirin Hargeysina ma jirto, Dhulbahante dantiisu waxay ku jirtaa dadkiisa Somaliland in ay la mid noqdaan oo ay hal maamul hoosyimaadaan oo ah calanka Somaliland, hadii halgankii hore Isaaq sheeganaayo oo ay ku mahadsanyihiin halganka maanta waynu wada galaynaa” Sidaa waxa yidhi Fu’aad Aadan Cade.

 

Mujaahid Maxamed Kaahin dhiniciisa wuxuu si weyn uga waramay halgankii loosoo galay xoraynta Somaliland .

 

 

Adis-Ababa

Markii La Aasaasay Dhergiga

Mingiste oo ka waramaya sidii iyo xiligii la aasaasay dhergiga wuxuu yidhi:
”Markii dhergiga la aasaasay intayadii qaybaha ka kala socotay mar qudha maanu wada iman, waxaana jiray kuwo naga dambeeyey oo soo habsaamay, laakiin markii aanu galay hoolkii shirka lagu qabanayey waxa shirka waday oo shirgudoon ka ahaa kornayl Adnaafu, dabadeedna waxaan ku idhi Adnaafu “waxaanu nahay xubnihii ay soo wakiisheen guutada saddexaad ayaanu qoraalkii u dhiibnay, balse hoolka waxa markaa ku sugnaa wakiiladii ka kala socday qaybaha Adis-ababa, ilaalada madaxtooyada iyo masuuliyiintii booliska oo qudha.

 

Ajandihii shirka ayaa la soo bandhigay, wuxuuna ku saabsanaa oo la yidhi “Saraakiisha sida xaq-darada ah kuraasta ugu fadhida ee ay shicibku ka cabanayaan maxaa laga yeelayaa”, ka dibna inta liistadoodii la soo bandhigay ayaa la iswaydiiyey kee baa la xidhaa iyo kee baa la xidhaa, waxaana la go’aansaday in la sooo xidh-xidho saraakiishaa, iyadoo ay soo qab-qabashada saraakiishaa gacan weyn ka geysanayeen boolisku. Laakiin inta badan ragga shirka ka soo qayb galay uma ay ekayn kuwo garanaya cidda la soo xidh-xidhayo iyo waxa ay dhimeen.

 

Marka la eego qaabkii uu shirku u socday waxa ka muuqatay waxoogaa isku dhexyaac iyo nidaam daro ah, sidaa darteed shirku uma muuqan mid u qalmi kara Qaranka, isla markaana meesha kama ay muuqan dadweynaha dhan cid metesha iyo maamulkiisa.

 

Intayadii Harar ka socotay markii aanu aragnay inay wax aan wanaagsanayni ka socdaan shirka inkasta oo aanu hoolka fadhiisanay, hadana waanu ka taxadernay inaanu ka qayb qaadano hawsha socota. Laakiin aamusnaantayada waxa arkay dadkii shirka ka soo qayb, waxayna nagu yidhaahdeen “Qoladiina guutada saddexaad maxaad la aamusteen”, markii su’aashaa hoolka dhexdiisa nalaga waydiiyey ayaan anigu kacay, waxaana idhi “Inteena halkan fadhida ee shiraysaa waxaynu dhamaanteen wakiil ka nahay ciidamada dalka oo dhan, markaa marka hore muxuu tahay waxa aynu ka shiraynaa, muxuu yahay mawqifkeenu, hadii ay tahay inaynu dadka xidhxidhno inoo cadeeya taa, laakiin marka aad fulinaysaan go’aan caynkaas oo kale ah waxa ka dhiman, ta kale dhinacayaga nimanka la xidh-xidhayaa waxay geysteen iyo khaladka ay galeen ma garanayno, markaa la is leeyahay dalka gef bay ka galeen in la xidhixidho way wanaagsan tahay, waxaase taa ka horaysa inuu mawqifkeenu cad yahay, waayo hadii aynaan cadayn waxa aynu doonayno iyo ujeedadeena way adkaanaysaa ka soo qayb galka shirku” .

 

Markii aan intaa idhi ayey xubnihii kale ee ila socdayna iga daba kaceen oo sharaxaad dheeraad ah ka bixiyeen mawqifkayagii, dabadeedna fekradii aanu soo jeedinay ayaa shirkii oo dhami isku raaceen, ka dibna isla maalintii habeenimadeedii ayuu shirkii soo afjarmay. Laakiin maalin labaadii xubnihii aan hore u iman ee shirka ka qayb gelayey ayaa Adis-ababa soo wada galay, markaas ayuu shirku u ekaaday shir culus oo dhamaystiran, laakiin markii shirkii maalintaa la furayey waxa lagu bilaabay ereyo shirka dhexdiisa lagaga dhawaaqayo oo la leeyahay “Su’aalihii uu shalay soo jeediyey Mingistu Xayle Mariam iyadoo aan laga jawaabin ma wanaagsana inaynu hore u sii socono”, hadaladaas ayey dadkii meesha fadhiyey ku cel-celiyeen, dabadeedna kornayl Adnaafu oo ahaa shirgudoonka wuxuu u maleeyey inaan isaga ka soo horjeeda, ka dibna inta uu cadhooday ayuu yidhi “Iminka maxaad leedihiin hala yeelo”, laakiin intaa markii uu yidhi ayuu iska fadhiistay oo hawshii uu wadayba iska dhigay, dabadeedna waanu is wada eegnay, ka dibna nin sarkaar ah ayaa intuu kacay yidhi “Hadii aynu garan-waynay wax aynu qabano oo aynu is daawanay dee gaashaanle Mingistu Xayle Mariam su’aalihii uu soo jeediyey isaga laftiisu xalkooda ha keeno”.

 

Inta aan kacay ayaan idhi “Waa inaynu samaysano guddigii shirka maamuli lahaa, ka dibna aynu wax doorano, aniga oo tilmaamo ka bixiyey sida nidaamku yahay”, laakiin intaa markii aan idhi ayey qaar ka mid ah raggii shirka fadhiyey ku dhawaaqeen gaashaanle Mingistu halaga dhigo guddiga, balse qaar kale ayaa taa diiday oo yidhi “Ma noqonayso”, ka dibna waxa la doortay kornayl Faanta iyo Indhaale. Laakiin iyadoo ay weli xulashadii socoto ayaanu galay waqti yar oo nasasho ah, balse markii aanu hoolkii shirka ku soo noqonay ayaa la soo jeediyey ra’yi odhanaya “Qofka aynu dooranayno halkii laga odhan lahaa Madaxweyne, waxa ka wanaagsan inaga oo nidhaahna gudoomiye”, dabadeedna waxa la isku raacay in la qaato ereyga gudoomiye.

 

Anigu waxaan u ololeeyey oo aan shirka cadaadis ku saaray in gudoomiye loo doorto Adnaafu, laakiin isagu shirkii maalintii hore markii aan idhi shirka mawqifkiisa hala cadeeyo ee aan doodda soo jeediyey ayuu u qaatay inaan ka soo horjeeda, taas darteedna iima u calool-wanaagsanayn, taasina waxay keentay inuu aniga iga codeeyo markii gudoomiyaha la dooranayey. Dabadeedna aniga 98 cod ayaan helay, laakiin isagu (Adnaafu) waxa uu helay 99 cod, sababtuna waxay ahayd isagu iima taagan gacanta, halka aan anigu isaga gacanta u taagay, balse wareegi labaad ayaan ka codad batay, ka dibna sidaa ayaa aniga la igu doortay. Hase yeeshee anigu waxaan idhi “ Kama maarmo Adnaafu oo la’aantii ma shaqaynayo”, ka dibna waxaan ka dhigtay kuxigeen. Runtii waxaan u malaynayaa Adnaafu inuu cuqdad ii qabay, laakiin markii ay dhamaatay doorashadii gudoomiyenimadu waxa hadana la bilaabay xulistii xoghayaha guud ee golaha dhergiga, halkaa markii ay maraysay ayaan anigu idhi “Waxaad doorateen hogaamiyihii dhaqdhaqaaqa iyo kuxigeenkisii, balse xoghayaha guud waxa uu ka dhigan yahay isku dubaridaha dhaqdhaqaaqa, taas oo macneheedu yahay gacanta midig ee dhaqdhaqaaqa, markaa idinka oo eegaya masuuliyadda uu xilkaasi xambaarsan yahay waa inaad si taxader leh u xushaan xoghayaha guud”, intaa markii aan idhi ayaa waxa kacay nin la yidhaahdo Pedros, wuxuuna yidhi “Ka warama hadii uu Mingistu Xayle Mariam laftiisu doorto xoghayaha guud oo aynu ariintan isaga u dayno”, ka dibna wixii dad hoolka fadhiyey oo dhami sidaas ayey isku wada raaceen, dabadeedna kornayl Gabrayas Walda ayaa soo jeediyey isaga ayaana laga dhigay xoghaye guud.

 

Gabrayas waxa uu ahaa sarkaal ka tirsan maamulka qaybta wararka ee ciidamada, wuxuuna ahaa nin qoraal diyaarinta aad ugu wanaagsan oo aad moodo in ilaahay haybad u siiyey, isla markaana waxa uu nin hawshiisa u jajaban oo dabeecad iyo dul-qaad wanaagsan, sidaa darteed kuma aan guul-daraysan doorashadii aan doortay….

La soco cadadka dambe.

 

 

Qaybe oo ka hadlay dagaalkii Laascaanood

 

H

argeysa (Haatuf): Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland , mudane Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) ayaa si kulul u canbaareeyey, kuna tilmaamay dagaal-ooge wasiirka daakhiliga ee maamul-goboleedka Puntland, Axmed Cabdi Xaabsade.

 

Mudane Qaybe shirjaraa’id uu shalay ku qabtay guriga uu degan yahay ee magaalada Hargeysa waxa uu kaga hadlay weerarkii ay ciidamada maamul-goboleedka C/laahi Yuusuf doraad ku soo qaadeen magaalada Laascaanood, iyaga oo bartilmaameed ka dhiganaya weftigii Madaxweyne Rayaale ee booqashada ku joogay Laascaanood, wuxuuna mudane Qaybe sheegay inuu aad uga xun yahay wixii halkaa ka dhacay, isaga oo Madaxweyne Rayaale iyo weftigiisana uga tacsiyadeeyey weerarkii lala beegsaday.

“Aad baan uga xumahay falkii la kulmay Madaxweynaha iyo weftigiisa”ayuu yidhi, wuxuuna intaa ku daray “Waxa kale oo aan aad ugu xumahay warkii ka soo baxay wasiirka daakhiliga Puntland, Axmed Cabdi Xaabsade, waayo wuxuu qirtay inuu dagaal-ooge yahay iyo inuu ka dambeeyey weerarkii dhacay, taas oo aanay cidi la ogayn, anigu magaalada Laascaanood waan la hadlay shalay (Doraad) wax dhibaato ahi kama jirin intii aanay weftiga madaxweynuhu tegin iyo ka dib markii ay tageen-ba, si fiicana waa loo soo dhoweeyey, waxaana Madaxweynaha u qorshaysnaa inuu wada hadal la yeesho garaadada iyo odayaasha degaanka, laakiin arinta dhacday waxa ku kacday cid debedda kaga timi magaalada, taas oo markii hore la garan-waayey cidda waxan ka dambaysta, waxaase markii dambe qirtay Axmed Cabdi Xaabsade oo sheegay inuu ka dambeeyey”.

 

Gudoomiyaha wakiilada Somaliland mudane Qaybe oo dhalasho ahaan ka soo jeeda beesha Sool, isaga oo weli ka hadlaya hadalka ka soo yeedhay wasiirka daakhiliga maamul-goboleedka C/laahi Yuusuf wuxuu yidhi “Axmed Cabdi Xaabsadee waxaan u canbaaraynayaa si adag, mana aha in ummad walaalo iyo deris ah la iska horkeeno oo la dhex-dhigo xabbad”.

 

Mudane Qaybe waxa kale oo uu yidhi “Madaxweynaha iyo weftigiisa waan ka tacsiyadaynayaa arintaa foosha xun ee ku dhacday, laakiin waxaan rajaynayaa, kuna baaqayaa in nabadda la adkeeyo, waayo waxaynu ku jirnaa hawlihii doorashada, waxaynuna doonaynaa inaynu doorashooyinka nabad kaga gudubno, sidaa darteed cid kasta oo ay arintani khusayso waxaan ugu baaqayaa in nabadda la adkeeyo oo aanay shaqaaqada yar ee Laascanood ka dhacday inaga weecin himiladeena”.

 

Mudane Qaybe waxa uu hadalkiisa ku darsaday fariin ku wajahan Madaxweyne Rayaale iyo dadka reer Sool, wuxuuna yidhi “Diyaar baan u ahay wax alaale wixii aan Madaxweynaha kala qaban karo arimahan, iminkana hadii uu jecel yahay inaanu ugu tago meesha uu joogo diyaar baan u ahay, dadka reer Sool-na waxaan leeyahay nabadda adkeeya oo yaan khal-khal laydin gelin, qarankana wax la qabsada”.

Intaa ka dib gudoomiyaha wakiilada Somaliland, mudane Qaybe weriyayaasha ayaa su’aalo ka waydiiyey arinta uu ka hadlay, waxaana ugu horayn la waydiiyey su’aal ahayd dadka qaarkii oo weerarka la kulmay Madaxweynaha iyo weftigiisa shirqool loo dhigay, laakiin waxa uu taa kaga jawaabay “Horta shaqaaqadu kama ay bilaabmin Laascaanood gudaheeda ee waxa uu weerarku kaga yimi debedda, ta kale Madaxweynaha iyo weftigiisa si wanaagsan baa loogu soo dhoweeyey Laascaanood, taas darteed anigu ma qabo inay wax khiyaamo ahi  jirtay”.

 

Waxa kale oo jiray warar sheegayey in mudane Qaybe loo qorsheeyey inuu raaco weftiga Madaxweynaha, laakiin uu ka baaqsaday, sidaa darteed mar la waydiiyey sababta uu safarkaa uga baaqsaday wuxuu yidhi “Horta qorshuhu waxa uu ahaa inaanu waqti hore oo ramadaantii dhexdeeda ah tagno, laakiin hadda waxa iga soo gudo galay kalfadhigii golaha oo maanta (Shalay) furmay, iyadoo uu gudoomiye-xigeenkii koowaad, C/qaadir maqan yahay, gudoomiye-xigeenkii labaadna caafimaad ahaan ugu maqan yahay Abudabay, markaa golihii ayaan waayey cid aan kaga tago, taasaana khasab ka dhigtay inaan baaqdo, waana ku qanacsanahay safarka Madaxweynaha eegobolada bari”.

Mudane Qaybe mar la waydiiyey bal sida uu u arko in loo maarayn karo dhibaatada siyaasadeed ee ka jirta gobolka wuxuu yidhi “Horta anigu ma aaminsani in curfi wax lagu dayo, dadkuna kala afkaar wuu noqon karaa, laakiin marka hore waa in nabad wax walba lagu dhameeyaa, mar labaadkana waa in dadka maslaxad la tusaa oo sidaa lagu soo jeediyo, isla markaana dhibaatada dhacday waa in halkaa lagu joojiyo, waayo anigu xabad iyo nabadgelyo daro xal uma arko”.

Safarkii Madaxweyne Rayaale

 

Ceerigaabo (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland , mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa xalay guure ku galay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sool, ka dib markii ay maalin-badhkii shalay ay ka baqooleen degmada Caynaba .

 

Sida ay sheegeen wararku Madaxweynaha iyo weftigiisu waxay qader nusasaace gaadhaya ku sii hakadeen degmada Gar-adag, sidoo kale waxay ku sii hakadeen degmada Ceel-afweyn, hase yeeshee sida ay sheegeen warar aanu ka helay gobolka sanaag Madaxweynaha iyo weftigiisu goor dambe oo xalay ah ayey galeen magaalada Ceerigaabo, lamina sheegin wax tur-xaan oo la kulmay weftiga, iyadoo ay wararku sheegeen in meelahaa si weyn loogu soo dhoweeyey. Laakiin Madaxweynaha iyo weftigiisa lama oga mudada ay joogi doonaan gobolka sanaag iyo sidoo kale inay magaalada Ceerigaabo u dhaafayaan dhinaca degmooyinka bariga sanaag iyo inay ka soo laabanayaan Ceerigaabo, balse warar aan rasmi ahayn ayaa sheegaya inay Madaxweynaha ioy weftigiisu halkaa ku sugnaan doonaan muddo ilaa laba maalmood gaadhaysa, iyadoo ay wararka qaar leeyihiin marka ay weftiga madaxweynuhu soo dhamaystaan booqashadooda gobolka Sanaag waxay dib ugu soo laaban doonaan magaalada Hargeysa, halka warar kalena leeyihiin waxa laga yaabaa inuu muddo qaato safarka Madaxweynaha iyo weftigiisa ee gobolada bari.

 

Madaxweyne Rayaale iyo eweftigiisu waxay dhinaca Ceerigaabo u weecdeen, ka dib markii ay ka soo laabteen magaalada Laascaanood oo ay kala kulmeen weerar lama filaan ah oo ay ku soo qaadeen ciidamada maamul-goboleedka C/laahi Yuusuf.

 

Dhinaca kalena magaalada Laascaanood oo aanu la xidhiidhnay ayey dadkii aanu la xidhiidhnay noo sheegeen inay xaaladdu aad u degan tahay, isla markaana magaalada dib uga laabteen ciidamadii maamul-goboleedka Puntland ee doraad weerarka dagaal ku soo qaaday magaalada, iyaga oo bartilmaameed ka dhiganayey weftigii Madaxweyne Rayaale oo socdaalka ku joogay halkaa.

 

Waxa kale oo ay wararka gobolka Sool naga soo gaadhay sheegeen inay hogaamiyayaasha iyo guud ahaan dadweynaha reer Laascaanood wadaan dhaqdhaqaaqyo ay ku kala tacaalayaan soo dabaalidda xasiloonida iyo sidii ay jawaab uga bixin lahaayeen wixii dhacay.

 

Waxa kale oo ay wararku sheegeen in ciidamada xoog leh la dhoobay magaalada Oog oo dhinaca Laascaanood ka xigta Caynaba.

 

Al-Qaacida Oo Sheegtay Weerarkii Mombasa

 

A

l-jazeera:- Ururka Al-Qaacida ee uu hogaamiyo Usaama Binu Laadin ayaa sheegtay in ay ka danbeeyeen weerarkii dhawaan lagu qaaday hotel ku yaalay magaalada Mumbasa ee dalka Keyna oo ay lahaayeen dad Israa’iiliyiin ahi ayna ku dhinteen ugu yaraan 16 qof.

 

Sida uu sheegay Saleebaan Abu Qays oo u hadlay ururka Al-Qaacida waxa uu balan qaaday in ay fulin doonaan weeraro kale oo ay ku qaadi doonaan bar-tilmaameedyo ay leeyihiin Maraykanka iyo Israa’iil oo uu ku tilmaamay cadawga Islaamka.

 

“Mararkii hore noomay suurto galayn in aan fulino weeraro noocaas oo kale ah balse haatan waxanu samaynay horumar aanu ku fulin karno weeraro noocan oo kale ah” Sidaa waxa yidhi Saleebaan Abu Qays oo fariintiisa ay baahisay shabakadda wararka ee internet-ka isaga oo intaa ku daray in aanay cadawga Islaamku ka badbaadayn weerarada mujaahidiinta isaga oo isla markaana u soo jeediyay xubnaha ururkooda inay u diyaar garoobaan dagaal intii hore ka khatarsan.

 

Waxa kale oo uu canbaareeyay dagaalka ay Maraykanka iyo Israa’iil ku hayaan dadka reer Falastiin iyo dalka Ciraaq iyo meelo kale oo ay Muslimiintu daganyihiin.

 

Weerarka ka dhacay Mumbasa 28 November waxa ilaa hadda socota baadhitaanka arintaa la xidhiidha iyadoo ay Booliska Kenya sheegeen in ay baahin doonaan sawiradda dad loo haysto in ay fuliyeen weeraradaa.

 

 

Caqligii Iswadaa Biirsadaa Ceel Biyayn Kara

Somaliland oo soo martay marxallado kala duwan tan iyo guumaysigii Ingiriiska, hadaba Somaliland oo xilligii Ingiriiska ka dib gashay taariikh madow oo aad uga liidata tii gumaysiga ninka Cadaanka ah (British man) oo runtii u baahan in bal dib 1oo baadho waxna laga qoro taariikhdaa si jiilkastoo soo kacayaa u ogaado taariikhda Somaliland marxaladaha kala duwan ee ay ka soo gudubtay. xilli walba waxa laga helayay dadyow ka gudubsiinayay laanta hortaagan Somaliland waxa kaloo barbar socday guulo aad u tira badan oo marka ka danbaysa la gaadhayay guulahaa farabadnaa ee lagaadhayay kuwii ugu horeeyey oo ka mid yahay DISTOORKA umaddan maanta hagaya iyo guulaha soo socda 1oo maro hab nidaam san oo xalaal ah marka hare waxaan aad ugu mahad celinayaa weftigii isugu jiray Guurtida, Salaadiinta, siyaasiyiin, iyo waxgaradkaba ee dhawaan ka soo laabtay ay Gobolka Sool, weftigani waxa uu muujiyay samir iyo dulqaad muwaadinimo ee mudada dheer ka maqnaa guryahoodii, waftigan guulihii ay soo hooyeen oo ka mid ahaayeen heshiisiinta beelaha iskudegaanka ah ee carqaladayari dhex taalay iyo in ay soo gunaanadeen horumarinta gobolka Sool, waxaa maanta iyaduna Alxamdullilaahi ah in rabadaan barakadeedii ina siiyey lagana qaaday xayiraadii lagu hayay xoolaha Adhiga ah taasi waa in ilaahay looggu shugri naqdiyo ammaana waxaa mutaystay cidda samirka muujisay ka dib markii Carabuhu ku soo rogeen cunaqabatayn xagwalba ka saaran mid quud iyo mid Dublamaasinimoba ah Somaliland oo noqotay meel isha caalalmku ;oo jeedo tan iyo intii la sameeyey Distoorka qaranka, guulaha guusha ugu wayn ee hadhsan oo ah tan ICTIRAAFKA waxaase caalamku sugayaa kaliya in ayeegayaan marxaladan codayntu sid a ay u dhici doonto, mar aan wax ka waydiiyey Mr.Toni Nieminen oo dhawaan booqasho kaga soo noqday Somaliland waxaan wax ka waydiiyey horumarka Somaliland wuxuu ku jawaabay umadi waxa ay horumar samaysaa mar ka ay hesho nabadgalyo, xoriyad taam ah iyo wada shaqayn wadaninimo, wuxuuna yidhi maanta Somaliland Dalalka ugu horreeya Qaaradda Afrika ee u bislaaday dimuqraadiyadda taasaa keenaysa in Caalamka dawlad walba udiyaar noqoto bal inay eegto Somaliland iyo mustaqbalka dhaw, Doorashooyinkan soo socda ee usoo horreeyaan kuwan degaanadu (dawladaha hoose) waxa 1oo baahanyahay in la sugo amaanka lana xalaaleeyo codaynta doorashooyinka, hadaba muwaadinoow adiga ayaa xalaalayn kara,Wadan doorasho ka dhacayso laga ma waayo musuqmaasuq bal hadase in la yareeyo taasna waxaa yarayn kara muwaadinka codeeyaha muwaadin walba waa inuu ka fikiro keebaa u wanaagsan nabadda ay isku degaanka yihiin xisbigeebuu ka soo jeedaa kaa ummadda u fiicani murashaxa wanaagiisa iyo tayadiisa u raac adna markaasaad anfacadeeda heli dalkuna uu heli adoo la kaashanaya maskaxdaada iyo ubaraarugsanaantaada wadaninimo, ku baraaruji Reekaaga, saaxiibkaa, jaarkaaga, dadka ka u wanaagsan ee anfacidoona (gacmihii is wada tiirsadaa shayna ku cuslayne caqligii is wad a biirsadaa ceel biyeyn kara e) ereyadii C/laahi Suldaan (Tima-cadde) alle naxariistiisii janno haka waraabiyo, Somaliland waa meesha dibada kagaa maqan, iyo mid gudaha ku sugan maanta taa waxaa muwaadinka codbixiyaha ah oo u codeeya xalaal iyo wadaninimo guusha ictiraafkiina hal sallaan baa inaga xiga isna talaabada soo socota ayaynu ku fuuli insha Allaahu"".

Cumar Cabdi Nuux Hargeysa

 

 

Dhulka Somaliland Ma Gali Karo Gorgortan

Sida la wada ogyahay dib ula soo noqoshada xoriyadda iyo qaranimada Somaliland waxa loo soo maray halgan hubaysan oo muddo Toban sanadood ah socday (1981-1991) iyada oo ay ku nafwaayeen kumanyaal qof kumanyaal kalena ay ku laxaadwaayeen. Haddaba haddii aanu nahay haweenkii ka soo qayb galay halganka, waxaanu cambaaraynaynaa weerarka argagixisada reer Garoowe ku soo qaadeen maalintii sabtidii madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaal Kaahin iyo weftigiisii booqashada ku joogay Laas-caanood. Haddaba anaga oo hiil iyo hooba la garab taagan difaaca qaranimada Somaliland, waxaanu leenahay argagixisada Cabdilaahi Yuusuf, dhulka iyo qaranimada Somaliland gorgortan ma gali karaan waxaad yeeli kartaana ma jirto, dadkayaguna waa kuwii horeba iyada oo hadh cad la wada joogo idinka iyo soomaali oo dhan ugu quusgooyay, guushuna raacday ninkii la huleelay. Dadkuna waa kii uun waliba maanta ka sii kulul. Haweenka reer Somalilandna waxaanu ku guubaabinaynaa inay guntiga dhiisha iskaga dhigaan.

Saynab Cabdilaahi Gadhle, Hargeysa.

 

Faysalow siyaasadaadu yaanay noqon sida geedka dhiloyahanka

Marka hore waa Ilaahay mahadii heerka wanaagsan ee aynu maata mareyno illahayna ha inaga yeelo kuwii ku sii socda nabadgalyo iyo hormar wanaagsan.

 

Hadaba waxaa jirta sida aynu la wada socono inay fooda inagu soo hayso doorashadii golayaasha deegaanka ururaduna ay bilaabeen ololahooda doorashada Ilaaheyna ha ka yeelo ta ku dhamaata nabadgalyo cadalad iyo hufnaan.

 

Haddii aan u guda dago mawduuceygan. Aan kaga hadlayo waxa ururada looga bahan yahay, ururka siyaasiga waxaa looga bahan yahay in uu soo bandhigo waxa uu qaban doono haddii uu doorashada ku guuleysto taas 00 uu ku muujinayo bilaa rabshad, cayla’aan ay jirto oo ay u muuqato in ururada badidoodu tubtaa qaadeen ayaa waxaa muuqata in ururka la yidhaahdo (UCID) isagu taas ka beydhey oo uu maciinsaday  cay tan iyo saloolasho aan 1oo baahneyn oo aad is odhan kartid xaladiisu waa. dhabqin.

 

Hadaba waxaan leeyahay Gudoomiyaha ururka UCID saaxiib faysalow siyaasadaadu yaanay kaa noqon sida nin aan kaligii istaagi Karin ilaa uu cid saloosho mooye siyaasada faamalaydhka haka soo galin ee Albaabka ka soo gal dabeecadan dhilowahanimada ah- badal (geedka la yidhaah dhilowyahaynka ayaan isagu iskii isu istaagin ilaa uu geed kale isku maro mooyaane) waxaan kale oo aan ku leeyahay cid aanad gaadheyn oo wadanka iyo dadkanba kaga waxtar badan dadkii ay wax bareena ay yihiin kuwa maanta u ah hormarka wadanka ka qeyb qaadanaya horey iyo maanta wadanka hormarkiisa u tagan saloolashadooda waa lagu dhaamaaye wax qabadkaaga mustaqbalka soo banidhig yaanay siyaasadaada ujeedadeedu kaa noqon mid ku saleysan ashkhaas sababta oo ah waxaa tusaale kugu filan niman ku jiri jirey ururka SAHAN oo ay siyaasadood shakhsi ku saleysneyd bacia ka homa ahaa halyeeyo bulshada ka dhax muuqda maantana meelaha ku tirarsanayn .

Maxamed Cabdi C/laahi (maslalaye) Hargeysa

 

 

SHEEKO:

 

Baxnaan hindihiisa hal abuurka heesaha wuxuula kaashaday nin isaaguna ka mida fanaaniinta gaar ahaan abwaanada hal abuurka oo la yidhaa Hugur dhinbiil waxaanay wada sameeyeen riwaayad uu Baxnaan ugu magac daray “Qalbi Jacayl iyo Qiil Magaalo”, riwaayada waxa xidig ka noqday Baxnaan, dhinaca kale waxa qalanjo ka noqotay oo la jishay Baxnaan inan ka mida fanaaniinta oo magaceedu ahaa Qaali Jaamac, riwaayadanwaxaa hindisaheeda intiisa badan lahaa Baxnaan waxaanay dulucdeedu ahayd jacaylkii Baxnaan ku haleelay miyiga sidii uu ugu waayay qiilka jacaylkiisa markii uu joogay miyiga ee ay u suurto gali weyday in uu la kulmi, ama uu guursadaba Bilan, Baxnaan sida iyo sababta uu uga yimid miyiga oo ahayd inuu xoogsi tago oo uu badaha isku biimeeyo si uu u soo shaqaysto hanti uu ku iibsado xool uu geelu ugu horeeyo si uu yarad ugu bixin karo inanta uu jeclaaday ee Bilan, sidaa si aan ahayn in uu ku guursan karo Baxnaan Bilan muu rumaysnayn, fikradaa Baxnaan waxa bedelay imaatinkiisii uu yimid Hargeysa markii ay arrintaas ka sheekaysteen Heebaan Salal oo ay Baxnaan isku qoys yihiin, qisada riwaayada uu ka hindisay Baxnaan dhacdooyinkiisii.

 

Dhinaca jacaylka ee soo maray ayuu ugu magac bixiyay qalbigiisii oo jeclaaday Bilan halkaas oo uu yidhi “qalbi jacayl” iyo magaalada Hargeysa ee uu ka helay ninka ay isku qoyska yihiin ee reer magaalka ahaa Heebaan Salal, ee u sheegay masaafada inanta mar haddii ay ogoshahay taas oo iyana ka soo qaatay qiil magaalo, Inkasta oo uu markii dambe yarad bixiyay Baxnaan oo uu siiyay Bilan aabaheed, haddana waxay u muuqatay in ay ahayd duco ay siiyeen Gaas Saddexle iyaga oo ah qoys reer Baxnaan oo ay Bilan tahay xaaskii Baxnaan, waxaan shaki ku jirin in aanu Gaas Saddexle yarad uga qaateen Bilan (11) halaad haddii aanay joogin guriga Baxnaan oo aanay reer ahayn. Riwaayada qalbi jacayl iyo qiil magaalo waxay ku salaysantahay jacaylka Bilan iyo Baxnaan, laakiin marka la jilay isagu Baxnaan kaalintii wuu ku jira waxaase kaalintii Bilan jilaysa Qaali Jaamac oo aan qurux iyo qoton midna aan ka hoosayn Bilan, sida dhacda Baxnaan iyo Qaali waxay wada qaadeen riwaayada heeso dhawra oo jacayl ah, waxaanay riwaayadii ka dhigeen magaalooyin bada, Qaali riwaayadani waxay u ahayd tii koowaad ee ay jisho waxaanay jilistii riwaayadani ku abuurtay jacayl u gala Baxnaan ay la jilayso riwaayada ee ay ku jilayaan laba isjecel, Qaali waxay noqotay haweenay mar walba ku lamaan Baxnaan oo dhiniciisa is Marisa marka ay ku jiraan hawl faneedka, meelaha ka baxsan Hargeysa Qaali waxay meel la degtaa Baxnaan, fanaaniintii ayaa kaftan iyo dacaayada ugu yeedha Baxnaan iyo Qaali inay yihiin laba isjecel waxana la yidhaa haddii aad Baxnaan aragto eeg, dhinaca kale waxaa joogta Qaali, waxa jira tiraba 4 heesood oo riwaayada ku jira oo ay wada qaadayeen Baxnaan iyo Qaali, dhawr jeer ayay Qaali ku tidhi Baxnaan goormaad I meherinaysaa, Baxnaan si fudud ayuu u yidhaa oo kaftan ku jiro dhawaan, arrintani Qaali waa ka dhab laakiin baxnan waa ka kaftan Qaali waay ogtahay inuu Baxnaan xaas leeyahay oo uu weliba aad u jecelyahay xaaskiisa, waxay Qaali ka war qabtaa in saddex ka mida heesahan ay wada qaadaan ee jacaylka ah uu Baxnaan u alifay jacaylkii Bilan, arrimahaas oo dhami haddana maaha kuwa horjoogsanaya in Qaali ay guur ka rabto inuu Baxnaan guursado, rag hore ayaa ku maahmaahay (haweenka kii doonaa ma helo, kay doonaanse ma waayaan), dabinkii ay Qaali la doonaysay Baxnaan waxay la heshay habeen ay riwaayad ka dhigeen magaalada gebilay oo kooxdu ay degtay huteelada la seexdo oo ay Qaali isku beegtay in ay habeenkaa meel  ula hoyoto Baxnaan, habeenkaa Baxnaan wuu ku guuldaraystay inuu xukumo dareenkiisa waxaana jiidhay bilicdii habeenkaa ee Qaali, ma dhaadin Baxnaan in dhacdaadaasi ay noqon karto arrin aan u dhib yaraan sidii ay dhacdadu u dhacday bil ka bacdi habeenkaas ayay Qaali sidii hore si ka diiran oo amar u eg ula hadashay Baxnaan oo ay tidhi “Baxnaan inaad arrintan hore u dhamayso iyo inaad rag is aragtaan ayuunbaad kala dooran”.

 

Baxnaan hore umuu fahmin in ay Qaali leedahay waxbaa soo kordhay waxaanu damcay inuu iska dhaqaaqo, Qaali ayaa shaadhka soo qabatay oo soo jeedisay Baxnaan, waxaanay tidhi Qaali intay caloosha istaabatay “Baxnaan halkan waxaa ku jira ilmo ku calool galay jacaylkii riwaayada qalbi jacayl iyo qiil magaalo habeenkii gebilay”.

 

Erayadaasi markii ay ku dhaceen dhagaha Baxnaan hareeraha eegay bal in cidi maqlayso, markuu arkay in aan cidi maqlayn ayuu yidhi “naa walaal in Ilaahay ceebtaada asturo mar dambe ha ku celin hadalkaa”

Qaali oo aad moodo in iyadu ay taabatay guushii ay mudo raadinaysay ayaa tidhi “haddii aad deg deg arrintayda u dhamayn waydo intaan hadlo ayaad waliba dhegaha faraha galin, hayaay, hayaay, hayaay!!”

 

 

Ha Ku Meeraysan Rag Aydaan Isku Mawqif Ahayn

Tixraac maqaal ku soo baxay Wargeyska Haatuf cadadkiisii 218 soona baxay 6/12/02 ciwaankiisuna ahaa “Madaxweyne Gebilay way ku jeceshahay” ayaa waxa la  yaab nagu noqotay anagoo ah dadka aan inta badan wax ku qorin wargeysyada in aanu maqaalkaas oo ahaa baaq ku dhex aragnay magacyadayada 34 qof oo la sheegay inay baaqaas saxeexeen. Haddaba waxaanu halkan ku cadaynaynaa meel aanu maqaalkaas ku saxeexnay inaanay jirin, cid wax naga weydiisayna aananu arag, waana been abuur qaawan oo sharaftayada iyo karaamadayada meel ka dhac weyn ku ah. Haddana u daadegno baaqaas waxa uu u muuqdaa inay qoreen rag aan isku kalsoonayni markii ay ku darsadeen magacyadaas rag aanay isku mawqif ahayn, waxaanay u muuqdaan inay yihiin dad mansab doon ah, iskuna haysta inay milgo iyo maamuus ku leeyihiin beesha dhexdeeda balse miisaan iyo magac toona kuma laha. Waxa kale oo ay noo gaysteen aflagaado iyo deelqaaf iyagoo sheegtay waxaan jirin, waxaanay sheegtaan UDUB, waxaanan filaynaa inay jiraan dadka kale oo ay sidayada ay iska soo qorteen. Haddaba waxaanu u sheegaynaa kuwa qiirada UDUB dhexmartay ee durbaanka la yaaca iyo kuwa wax tabanayaba inaanaan ka mid ahayn. Waxanaga dardaarana in saxaafadu ay iska hubiso waraaqaha ay dadku la yaacaan iyagoo doonistooda oo qudha u socda.

Maxamed Haybe Geele

Maxamed Cabdi Axmed (Darbo) Hargeysa

 

Boorama: 200-Oo Qof Oo Loo Tababorayo Hawlgalka Goobaha Doorashooyinka

Boorama (Haatuf) 200 qof oo loo soo xulay ka hawlgalka codbixinta ee doorashooyinka lagu wado inay dhawaan dalka ka dhacaan, ayaa shalay tababar ugu furmay Dugsiga sare ee Sh. Cali Jawhar, ee magaalada Boorama. Dalkan oo laga soo xulay ardayda wax ka barata jaamacada Camuud iyo macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada Boorama waxa uu qorshuhu yahay inay ka hawlgalaan goobaha codbixinta ee gobolka Awdal. Waxaana tababarkan oo ay soo qabanqaabiyeen gudiga doorashooyinka ee gobolka Awdal ay ku qaateen duruus la xidiidha qaabka codbixinta iyo nidaamka loogu talo galay inay doorashooyinku u dhacaan. Sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf ee Boorama Maxamed Cumar, oo warkan noo soo diray dhalinyarada goobaha ay ka hawl gali doonaan waxa lagu kala saaray bakhtiyaanasiib, taasoo ka mid waliba aqbalay halka uu nasiib u helay. Dhinaca kale sida uu ku soo waramay Weriyahayahayagu Cali Cilmi Geele oo madax u ah gudiga abaabulka doorashooyinka ururka UDUB u qaabilsan gobolka Awdal ayaa beeniyay inuu khilaaf ka dhex jiro maamulka UDUB ee heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Awdal. Isaga oo intaa ku daray in ay haatan galeen abaabul ay ugu diyaar garoobayaan doorashooyinka si ay u kasbadaan taageerayaal badan isla markaana ay ula tartamaan ururada kale oo kaga horeeyay ololaha doorashooyinka.

 

 

 

Waa Meherkii Mr. Cabdifataax Maxamuud Caydiid & Aamina Maxamed Axmed

Oo ka Dhacay mgalaalada Hargeysa Xalay oo ay Bishu Ahayd December 9, 2002

MEHER WACAN


Hooyo Weris Aw Jaamac Xasan, C/Raxmaan Maxamuud Caydiid, C/Caadil Maxamuud Caydiid, Nasra Maxamuud Caydiid Iyo Odaygeeda C/Laahi Maxamed Cabdi, Raxma Maxamuud Caydiid, Iyo Odaygeeda Maxamed Yuusuf Cali, Nuura Aw Jaamac, Iyo Xasan Aw Jaamac Xasan

Dhammaan dadkaasi waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan meherka

C/fataax Maxamuud Caydiid &

Aamina Maxamed Axmed

Oo meherkoodu ka dhacay Xalay magaalada Hargeysa, waxaanay leeyihiin noqda kuwii aqal-galkooda ku gaadha bashbash iyo barwaaqo..


Aabo Maxamed Axmed C/Laahi, Hooyo Caasha Cismaan Jaamac, Iyo Carruurtooda, Shukri Maxamed Axmed, Cali Maxamed Axmed, Adeero Siciid Axmed C/Laahi, Adeero Daahir Axmed C/Laahi,

Dhammaan dadkaasi waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan meherka

C/fataax Maxamuud Caydiid &

Aamina Maxamed Axmed

Oo meherkoodu ka dhacay Xalay magaalada Hargeysa, waxaanay leeyihiin noqda kuwii aqal-galkooda ku gaadha bashbash iyo barwaaqo..


Hooyo Faadumo Muxumed, Khadar Ibraahim Xasan, Iyo Xaaskiisa, Ubax Nuur Side Carruurteeda (Ugbaad, Xamse, Xasan,) Mahdi Ibraahim Xasan, Xasan Ibraahim Xasan, Ibraahim Xan Iyo Xaaskiisa, Maxamed Ibraahim Xasan, Amaal Ibraahim Xasan Iyo Carruurteeda, Ayaan Ibraahim Xasan Iyo Carruurteeda,

Dhammaan dadkaasi waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan meherka

C/fataax Maxamuud Caydiid &

Aamina Maxamed Axmed

Oo meherkoodu ka dhacay Xalay magaalada Hargeysa, waxaanay leeyihiin noqda kuwii aqal-galkooda ku gaadha bashbash iyo barwaaqo..

Hooyo Faadumo Cilmi Xuseen, Iyo Carruurteeda Oo Kala Ah Cawil Ibraahim Aadan, Xaashi Mawliid Ibraahim Iyo Xaaskiisa, Ismaaciil Ibraahim Aadan Iyo Xaaskiisa, Iyo Samsam Ibraahim Aadan

Dhammaan dadkaasi waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan meherka

C/fataax Maxamuud Caydiid &

Aamina Maxamed Axmed

Oo meherkoodu ka dhacay Xalay magaalada Hargeysa, waxaanay leeyihiin noqda kuwii aqal-galkooda ku gaadha bashbash iyo barwaaqo..


 

 

Cumar Cabdi Iyo Carruurtiisa, Maxamed Caydiid Cabdi, Shamis Caydiid Cabdi Iyo Carruurteeda, Maxamed Xasan Cabdi Iyo Xaaskiisa, Iyo Caruurtiisa, Axmed Aadan Cabdi Iyo Xaaskiisa, Iyo Carruurtiisa, C/Laahii Xasanc Cabdi Iyo Xaaskiisa Iyo Carruurtiisa, Maxamed Cali Cabdi, Xaaskiisa, Iyo Inankooda, Ismaaciil Cali Cabdi, Xaakiisaa Iyo Inankooda, Muxumed Xasan Cabdi Xaaskiisa Iyo Caruurtooda, Aabo Qorane Xasan C/Laahi

Dhammaan dadkaasi waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan meherka

C C/fataax Maxamuud Caydiid &

Aamina Maxamed Axmed

Oo meherkoodu ka dhacay Xalay magaalada Hargeysa, waxaanay leeyihiin noqda kuwii aqal-galkooda ku gaadha bashbash iyo barwaaqo..

Mowliid Ciise Hure, Mamduux Cismaan Sheekh, C/Qani Daahir Cilmi, Saciid Sheekh, Shucayb Xasan, Sidiiq Cismaan Iid, Ismaaciil Ibraahim Aadan, C/Risaaq Maxamed Ismaaciil (Fiiq), C/Qani Jaamac Ismaaciil, C/Raxmaan Maxamuud Caydiid,

Dhammaan dadkaasi waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan meherka

C/fataax Maxamuud Caydiid &

Aamina Maxamed Axmed

Oo meherkoodu ka dhacay Xalay magaalada Hargeysa, waxaanay leeyihiin noqda kuwii aqal-galkooda ku gaadha bashbash iyo barwaaqo..


Aabo Qorone Xasan, Hooyo Ifraax Maxamud Caydiid, Farxaan Qorane Xasan, Foosiya Qorane Xasan, Shaadiya Xasan, Fihiima Qorane Xasan,

Dhammaan dadkaasi waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan meherka

C/fataax Maxamuud Caydiid &

Aamina Maxamed Axmed

Oo meherkoodu ka dhacay Xalay magaalada Hargeysa, waxaanay leeyihiin noqda kuwii aqal-galkooda ku gaadha bashbash iyo barwaaqo..


   Hinda Axmed Diiriye, Iyo Carruurteeda, Sidiiq Faysal Faarax, Istaahil Faysal Faarax, Hinda Faarax Dalal Iyo Inanteeda, Sahal X. Xasan Geele Iyo Xaaskiisa,

Dhammaan dadkaasi waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan meherka

C/fataax Maxamuud Caydiid &

Aamina Maxamed Axmed

Oo meherkoodu ka dhacay Xalay magaalada Hargeysa, waxaanay leeyihiin noqda kuwii aqal-galkooda ku gaadha bashbash iyo barwaaqo..


 

Sahra Cumar Cabdi Iyo Carruurteeda, Badra Cumar Cabdi, Iyo Odaygeeda, Iyo Carruurteeda, Najax Cumar Cabdi Odaygeeda Iyo Carruurtooda, Ayaan Cumar Cabdi, Hoodo Cumar Cabdi, Iyo Hooyo Canab Cismaan,

Dhammaan dadkaasi waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan meherka

C/fataax Maxamuud Caydiid &

Aamina Maxamed Axmed

Oo meherkoodu ka dhacay Xalay magaalada Hargeysa, waxaanay leeyihiin noqda kuwii aqal-galkooda ku gaadha bashbash iyo barwaaqo..


Hooyo Sahra Xirsi Axmed, Aamina Muxumed Faarax Iyo Carruurteeda, Maxaamed-Rashiid Muxumed Faarax Iyo Xaaskiisa, Jimcaale Muxumed Faarax Iyo Xaaskiisa, Axmed Muxumed Faarax, Xuseen Muxumed Faarax, Khaalid Muxumed Faarax, Iyo Xamse Muxumed Faarax, Caalin Muxumed Faarax Caalin Muxumed Faarax,

Dhammaan dadkaasi waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan meherka

C/fataax Maxamuud Caydiid &

Aamina Maxamed Axmed

Oo meherkoodu ka dhacay Xalay magaalada Hargeysa, waxaanay leeyihiin noqda kuwii aqal-galkooda ku gaadha bashbash iyo barwaaqo..


 

 

 

Hooyo Siraad Cismaan Cawaale, Siciid Ismaaciil Xuseen (Guraase), Axmed Ismaaciil Xuseen Iyo Xaaskiisa, Mukhtaar Ismaaciil Xuseen, Niciima Ismaaciil Xuseen, Khadar Ismaaciil Xuseen, M/Amiin Jibriil Xuseen,

Dhammaan dadkaasi waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan meherka

C/fataax Maxamuud Caydiid &

Aamina Maxamed Axmed

Oo meherkoodu ka dhacay Xalay magaalada Hargeysa, waxaanay leeyihiin noqda kuwii aqal-galkooda ku gaadha bashbash iyo barwaaqo..


Cali Diiriye, Cabdi Jaamac Xayd, Cumar Jaamac Ismaaciil, Axmed Yaasiin, Ibraahim Weerar, Axmed Candhoole (Joon), Cali Candhoole, Axmed Gahayr,

Dhammaan dadkaasi waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan meherka

C/fataax Maxamuud Caydiid &

Aamina Maxamed Axmed

Oo meherkoodu ka dhacay Xalay magaalada Hargeysa, waxaanay leeyihiin noqda kuwii aqal-galkooda ku gaadha bashbash iyo barwaaqo..


 

Hooyo Caasha Ibraahim Xasan, Sabaax Aadan Ciyi, Sawsan Aadan Ciyi, Asma Aadan Aabo Cali Axmed Cabdilaahi, Hooyo Faadumo Badmaax Habane Iyo Carruurtooda, Caydaruus Cali Axmed, Warsame Cali Axmed, Nimco Cali Axmed, Hodan Cali Axmed, Axmed Cali Axmed,

Dhammaan dadkaasi waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan meherka

C/fataax Maxamuud Caydiid &

Aamina Maxamed Axmed

Oo meherkoodu ka dhacay Xalay magaalada Hargeysa, waxaanay leeyihiin noqda kuwii aqal-galkooda ku gaadha bashbash iyo barwaaqo..


 

Xoore Maxamuud Jaamac, Hooyo Saynab Axmed Cabdilaahi Iyo Caruurtooda, Rooda Xoore, Fahiima Xoore, C/Raxmaan Xoore, Iyo Fu’aad Xasan,

Dhammaan dadkaasi waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan meherka

C/fataax Maxamuud Caydiid &

Aamina Maxamed Axmed

Oo meherkoodu ka dhacay Xalay magaalada Hargeysa, waxaanay leeyihiin noqda kuwii aqal-galkooda ku gaadha bashbash iyo barwaaqo..


Aabo Mawliid Saxardiid, Hooyo Sureer Jaamaac, Iyo Caruurtooda, Hodan Mawliid, Nimco Mawliid, Nadiira Mawliid, Nasra Mawliid, Cumar Mawliid, Mustafe Mawliid, Sacad Mawliid,

Dhammaan dadkaasi waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan meherka

C/fataax Maxamuud Caydiid &

Aamina Maxamed Axmed

Oo meherkoodu ka dhacay Xalay magaalada Hargeysa, waxaanay leeyihiin noqda kuwii aqal-galkooda ku gaadha bashbash iyo barwaaqo..


Maxamed Aw Jaamac Xasan iyo Xaaskiisa, Cumar Aw Jaamac Xasan iyo Xaaskiisa, Canab Aw Jaamac Xasan iyo caruurteeda, Sahra Aw Jaamac Xasan iyo Caruurteeda, Hibo Aw Jaamac Xasan, Khadra Aw Jaamac Xasan iyo Caruurteeda, Xasan Aw Jaamac Xasan, Xuseen Aw Jaamac Xasan, Ifraax Aw Jaamac Xasan, Nuura Aw Jaaamac Xasan

Dhammaan dadkaasi waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan meherka

C/fataax Maxamuud Caydiid &

Aamina Maxamed Axmed

Oo meherkoodu ka dhacay Xalay magaalada Hargeysa, waxaanay leeyihiin noqda kuwii aqal-galkooda ku gaadha bashbash iyo barwaaqo..