Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 222 December 11, 2002

 "Xad-Gudubka Lagu Soo Sameeyay Dalka, Qaranku Wuxuu Ka Qaadi-Doonaa Tallaabada Ku Haboon"

Sidee Bay Ururadu Uga Faa’iidaysan Karaan Codbixinta Degmada Aanay Cidi Uga Sharaxnayn?

Gudoomiyihii UDUB Ee Gabiley Iyo Xubno Kale Oo Xabsiga Loo Taxaabay

"Dawladdu Wax Xil Ah Iskamay Saarin Taakuleynta Degmada Dacar-Budhuq"

Banaan-Bax Lagu Diidan Yahay Weerarkii Laas-Caanood Oo Ka Dhacay Boorama

Somaliland Oo Laga Xusay Maalinta Xuquuqal Insaanka Dunida

Kulmiye Oo Dar-Dar Galiyay Ololihiisa Doorashooyinka

Shirkadda African Express Airways Oo Dib U Bilaabaysa Duulimaadyadeedii Somaliland

Maxaa Ka Dhiman Hawl-Galada Ciidamada Nabadgelyada Wadooyinka?

Haweenka UDUB ee waaxda Maxamuud Haybe oo canbaareeyey weerarkii Laascaanood

Ururka SAHAN Oo Socdaalo Ku Galaa-Bixiyay Deegaano Hargeysa Iyo Oodweyne Ah

Wefti Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha ASAD Oo Socdaal Ku Maraya Saaxil Iyo Togdheer

Cumar Carteh Qaalib Oo Socdaal Ugu Baxay Gobollada Bari

Wefti KULMIYE ah oo la hadlay reer Gebilay

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

RAADYOW MA QALOOCSHE

Maxaa helay Wargeyska Maandeeq

Baaxaa-Deggii Jacaylka: Billan Iyo Baxnaan

Sool Waa Somaliland Dal ahaan iyo Dad ahaanba Dhiig iyo Dhaqanbana reer Somaliland

Argagixisada Garoowe Iyo aashaanka Somaliland

ARGAGIXISADA GAROWE IYO GASHAANKA SOMALILAND



 "Xad-Gudubka Lagu Soo Sameeyay Dalka, Qaranku Wuxuu Ka Qaadi-Doonaa Tallaabada Ku Haboon"

"Wakhti aan fogayna dalka Xuduudihiisa waa la sugi doonaa"

Madaxweyne Rayaale oo La hadlayay Dadweynaha reer Burco

Burco (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay fagaaraha khayriyadda Burco khudbad uga jeediyey dadweynaha reer Burco, isaga oo khudbadiisa kaga hadlay arimo badan oo la xidhiidha xaaladda dalka iyo weerarkii kala kulmay booqashadii uu ku tegay Laascaanood.

Madaxweyne Daahir Rayaale iyo weftiga uu hogaaminayaa waxay magaalada Burco soo gaadheen nuskii dambe ee habeen hore, ka dib markii ay doraad gelinkii dambe ka soo caraabeen magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, waxaana Madaxweynaha iyo weftigiisa ku soo dhoweeyey magaalada Burco madaxda iyo dadweynaha reer Burco.

Weriye Liibaan Maaweel Shire oo Haatuf ka tirsan, kana mid ah weriyayaasha weftiga Madaxweynaha la socda ayaa ka soo waramay khudbadaha ay Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee weheliyaa ka jeediyeen magaalada Burco.

Sida uu ku soo waramaY weriyaha Haatuf waxa khudbadda uu Madaxweyne Rayaale ka jeediyey fagaaraha khayriyadda Burco isugu soo baxay dadweyne aad u tiro badan, isu soo baxaas oo ay weriyayaashu ku tilmaameen mid si weyn loo soo camiray, laakiin intii aanu hadlin madaxweynuhu waxa halkaa ka hadlay ka mid ah odayaasha iyo madaxda maamulka Burco, waxaana ugu horayn halkaa ka hadlay Axmed-yaasiin Gabaxaddi oo ka mid ah odayaasha reer Burco, isaga oo ku tiraabay ereyo soo dhowayn ah, ka dibna waxa kale oo halkaa ka hadlay badhasaabka togdheer, Cali Cabdi Hurre iyo ninka hadda maayarka ka ah Burco Maxamed Sheekh. "Madaxweyne ku soo dhowow gobolka, muskiladda ugu weyn ee na haysataana waa ta dhulka ee nooga ducee" sidaa waxa yidhi badhasaabka Burco. Cali Cabdi, iyadoo ay madaxda maamulka Burco halkaa ka jeediyeen hadalo soo dhowayn ah. Sidoo kale waxa isna halkaa ka hadlay wasiirka boosaha, Xasan Cabdi Khayre. 

Gudoomiye-xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida, Sheekh Axmed Nuux oo ka mid ah weftiga Madaxweynaha ayaa isna hadal ka jeediyey fagaaraha khayriyadda Burco, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa "Hadii aan reer Burco jirin Somaliland ma jirteen,, go’aanka weftiguna waxa uu ahaa marka aanu Sool iyo Sanaag ka soo dhamaano inaanu soo noqono oo aanu Burco fadhiisano"ayuu yidhi, laakiin isaga oo ka hadlaya weerarkii Laascaanood wuxuu yidhi "Anagu maanu dagaalamin oo ciidankii nala socday inay dagaalamaan anagaa iska hortaagnay, waayo hadii ay dagaalamaan wax weyn oo aan loo fadhiyin baa dhici lahaa, sidaas ayaanu kaga soo baxnay ciidamadii Oog joogay iyo kuwo kale oo gurmad ahna amar baanu siinay oo aanu ku nidhi ka jooga, taasina waxay naga ahayd dhaqaalaha Somaliland iyo niyaddii saalixa ahayd ee aanu ku tagnay meesha, idinkana waanu maqalay inaad ilaa dharaartaa diyaar ahaydeen , laakiin waxaan idiin sheegayaa xukuumadda Somaliland iyo shicibkeedu inay diyaar u yihiin inay difaacdaan dalkooda, isla markaana ay xuduudaha dalka la sugo, waxaynuna ka war-sugi doonaa amarka Madaxweynaha iyo xukuumadda ee lagu hawl-geli doono".

Intaa ka dib Madaxweynaha ayaa lagu soo dhoweeyey makarafoonka, wuxuuna khudbadiisa ku bilaabay "Run ahaantii wixii aad ilaa xalay ilaa maanta (Shalay) ii muujiseen ma aha wax aan kelmado mahad naq ah ku soo koobi karo, Burcona in la faaniyo xaq bay u leedahay, waayo taariikh bay leedahay, waxaana weeye meeshii ay ka dhasheen halyeeyadii ugu badnaa ee dalka xoriyadiisa dhaliyey, wadaniyadda iyo qiirada ummadda Somaliland-na xarunteeda waa Burco, cid kula murmaysaana ma jirto"ayuu yidhi madaxweynuhu, laakiin waxa uu intaa ku daray "Hadii aan idiinka waramo kormeerkayagii Laascaanood, meesha niyad wanaag baanu la tagnay dalkeenii oo aanu tagnayna way ahayd, laakiin ciddii ku soo xad-gudubtay qaranku wuu ka tashan doonaa talaabada ku haboona waa laga qaadi doonaa, iyadoo uu qaranku kaashanayo shicibkiisa iyo awoodiisa, waqti aan fogayna dalka xuduudihiisa waa la sugi doonaa".

Madaxweyne Rayaale isaga oo ka hadlaya siyaasadda debedda wuxuu yidhi "Rajo badan baanu dawladaha caalamka ka qabnaa, xidhiidhna waanu la samaynay, waxa kale oo jira shirkado adduunka ah oo kuwa shidaalka ah oo aanu heshiis la galay, waqtiguna maanta mar uu ka fiican yahay ma jiro, waxaanse anigu idiin sheegayaa dardaaran yar, kaas oo ah horumar kasta oo aynu samaynayno in nabadgelyada la ilaaliyo ha loogu horaysiiyo, inta nabadda xumanaysana waa inaan qolo laga dhigin ee loo arkaa cidda ummadda wax ka xumanaysa, waana in wax ka qabashadooda gacan lagu siiyo ciidamada amniga, ninka ciidanka ah ee habeen iyo maalin soo jeedana waa xilka qaran ee uu hayo lagu ixtiraamo, waayo ilaahay baa inoo sakhiray ee wax aanu siina ma jirto".

Madaxweyne Rayaale waxa uu ka hadlay mushkiladda dhulka, wuxuuna yidhi "Arinta dhulka inta aanu sharci ka soo saarayno wax dhul ah oo dambe oo la bixin karaa ma jiro, laakiin ninkii jago hore lahaa oo ay sharciyaddu u dhan tahay ha dhisto, weliba jagadaasi waa inaanay bilicda magaalada wax u dhimin, markaa maayarada iyo shaqaalaha dawladda hoose ninkii dambe ee bixiya dhul ku haboonayn waxa laga qaadayaa talaabo sharci ah, suurta galna noqon mayso inuu ninka dadka gorada isu geliyaa suuqa iska mar-maro ee talaabo ayaa laga qaadayaa"ayuu Madaxweyne Rayaale ku soo koobay nuxurka khudbadiisa.

Madaxweyne Rayaale iyo weftigiisu waxay xalay u hoyden magaalada Burco, laakiin maanta ayaa lagu wadaa inay uga soo baqoolaan dhinaca galbeedku, taas oo la filayo inay Berbera ku soo hakan doonaan, basle ay uga soo gudbayaan dhinaca Hargeysa. 

Top


Sidee Bay Ururadu Uga Faa’iidaysan Karaan Codbixinta Degmada Aanay Cidi Uga Sharaxnayn?

Go’aano ay wada-jir u soo saareen Gudiyada Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Ururada 

Hargeysa (Haatuf): Gudiyada diiwaan-gelinta ururada iyo doorashooyinka Qaranka, ayaa wadajir u cadeeyay sida ay codkooda u dhiibanayaan taageerayaasha ururada aan la ansixinin ama aan gudbin liiska musharixiinta golaha deegaanka ee degmooyinka qaarkood, iyaga oo sheegay in ay taageerayaasha u bannaan tahay in ay codkooda dhiibtaan, iyadoo uu ururku taasi uga faa’iidaysanayo sare u kala tirada guud ee ay ururadu ku kala helayaan gobollada, waxaanay gudiyadu sidaa ku cadeeyeen war-saxaafadeed ay shalay wadajir u soo wada saareen oo ay kaga hadleen qodobo dhawr ah oo khuseeya doorashooyinka golayaasha deegaanka ee lagu wado in ay dalka ka dhacaan 15-ka bishan Diisambar.

Warsaxaafadeedkaas oo dhammaystirana, wuxuu u qornaa sidan:

"Maanta oo ay taariikhdu tahay 8/12/2002, waxaa kulan wada yeeshay, komiishanka doorashooyinkaka qaranka iyo guddiga diiwaangalinta ururadda siyaasiga ah. 

Dood iyo falanqayn dheer kadib, waxay isla ogolaadeen:

  1. In wixii muran iyo mad-madow gelin kara saaxadda doorashoyinka hadda laga sii gaashaanto. 

  2. In laysla meel dhigo qodobada sharciyeed ee tarjumadaha kala duwan bixin kara. 

  3. In qodobada ku qeexan xeerka doorashada Law No. 20/2001 iyo xeerka ururadda siyaasiga ah Law 14/2000 ee hoos ku sheegan aragti mideysan laga yeesho, laguna dhaqmo, sida laysula meel-dhigay ee u adeegeysa danta guud. 

Komiishanka doorashooyinka iyo guddiga diiwangelinta ururada, markey arkeen qodobada 6aad ee xeerka doorashada ee qeexaaya xuquuqda cod-bixiyaha iyo inuu cod- bixiye kasta oo buuxiyey shuruudaha xeerku tilmaamay uu xaq u leeyahay inuu codkiisa ka dhiiban karo degmada uu ku sugan yahay ee doorashadu ka socoto. 

Markay arkeen qodobka 22aad ee xeerka doorashooyinka ee habka doorashada isu qiyaasidda saamiyada kuraasta golayaasha iyo tirada codadka ururadda ee gobol ama degmo, hello. (Proportional Representative System). 

Markay arkeen qodobka 4aad farqadiisa 11 aad ilaa iyo 14aad ee xeerka ururada siyaasiga ah ee qeexaaya habka qiimaynta saddexda urur ee loo aqoonsan doono inay ku guulaysteen doorashada koowaad ee golayaasha deegaanadda. 

WAXA LA GUDOONSHAY

  1. Degmooyinka doorashadu ka dhacayso, waxa ku tartamaaya ururada loo ansixiyey liistooyinka golayaasha deegaanada, waxayna ku kala baxayaan habka isu qiyaasidda saamiyada kuraasta (Proportional System) sida ku cad qodobka 22aad ee xeerka doorashooyinka. 

  2. Degmooyinka aan tartan ku dhicin ee la soo bandhigay liis urur keliya, lana ogolaaday, waxaa la qaadanayaa murashaxiinta lagu soo magacaabay liiskaas.

  3. Qiimeynta iyo is reeb-reebka ururada, waxaa loo raacayaa sida ku tilmaaman qodobka 4aad ee xeerka ururadda, kaasoo lagu saleynaayo guusha urur gaadho ee ku xidhan inuu helo 20% ee ugu yaraan 4 gobol, tirada cod-bixiyayaasha guud ee looga cabir qaadanayo qiyaasta, qiimeynta codadka gobollada laga soo gudbiyo tiro koobka codadka gobolada.

  4. Ururkii aan degmo ka dhiiban liisto murashaxiin ma haweysan karo inuu saami kuraasiyeed ka hello tartanka deegaankaasi. Hasa yeeshee, taageerayaashiisa way u banaan tahay inay urur kale u codeeyaan maadaama uuna ururkiisu wax kuraasi ah ku lahayn deegaankaas, isagoo aan liisto murashax ka dhiiban. Haddiise uu go'aansado inuu u codeeyo ururkiisa aan tartanka degmadaas ku jirin, waa loo ogol yahay cod dhiibashadda, waxaana ururkiisu ka faa'iidayaa oo kaliya sare u kaca tirada guud ee Ururadu persentage ahaan ku kala helayaan tartanka Gobolada."

Top


Gudoomiyihii UDUB Ee Gabiley Iyo Xubno Kale Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Gebilay (Haatuf): Gudoomiyaha xafiiska Gebilay ee ururka UDUB, Xuseen Nuur Bakaal (Soobe) iyo laba xubnood oo kale oo iyaguna ka mid ah xubnaha ururka UDUB ee Gebilay ayaa shalay lagu xidhay saldhigga booliska Gebilay.

Labada Nin ee lala xidhay gudoomiyaha UDUB ee Gebilay waxa la kala yidhaahdaa: Maxamed Maxamuud Nuur oo ah Nin musharaxnimadiisa lagu muransan yahay iyo Aadan Weli oo isna xafiiksa UDUB degmada Gebilay u qaabilsan abaabulka iyo wacyigelinta. Sidoo kale waxa isla shalay gelinkii dambe saldhigga booliska Gebilay lagu xidhay laba xubnood oo ka mid ah musharaxiinta UDUB ee degmada Gebilay, kuwaas oo kala ah, Maxamed Cabaas Jaamac iyo Maxamed Geele Seed, iyadoo uu Maxamed Cabaas mar ahaan jiray xoghayaha dawladda hoose ee Gebilay, halka uu Maxamed Geelle Seed-na mar ahaan jiray maayarka Gebilay.

Weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed Xasan ayaa xadhigaa nimankaa wax ka waydiiyey taliyaha saldhigga booliska Gebilay ayaa sheegay inuu nimankaa u gudbin doono dhinaca Hargeysa, isaga oo sheegay inuu sidaa amar ku qabo. Laakiin labada musharax ee xidh-xidhan oo la waydiiyey bal waxa uu yahay sababta xidhigooda ayaa ku andacooday inuu xadhigooda ka dambeeyo wasiirka daakhiligu, iyaga oo intaa ku daray in la doonayo in rag aan ku jirin lagu soo daro meesha, sidoo kalena rag la doonayo in meesha looga qaado rag kale. Hase yeeshee marka laga yimaado xubnaha UDUB ee lagu xidh-xidhay degmada Gebilay waxa kale oo isna magaalada Hergeysa lagu xidhay nin la yidhaahdo, C/raxmaan Aadan Cumar oo isna ah xoghayihii ururka UDUB ee degmada Gebilay, wuxuuna xadhigiisu la xidhiidhaan arinta lagu xidh-xidhay qoladada Gebilay lagu xidhay. Laakiin marka taa laga yimaado waxay tani u muuqataa inay qayb ka tahay khilaafkii ururka UDUB ee mudada soo jiray oo ay weli turxaantiisii ooggan tahay, sidaa darteedna uu xadhigani la xidhiidho muran ku saabsan liiska lagu muransan yahay ee musharaxiinta golayaasha degaanka UDUB, iyadoo ay ragga la xidh-xidhay yihiin mid ka mid ah garabyada ururka UDUB ee ay xurgufta hoose ka dhaxayso. Balse xubnahan xidh-xidhani waxay ku andacoonayaan in lagu tumanayo sharciga doorashooyinka.

Top


"Dawladdu Wax Xil Ah Iskamay Saarin Taakuleynta Degmada Dacar-Budhuq"

Duqa Degmada Dacar-Budhuq iyo Duqay Deegaankaa Ka tirsan

Dacar-Budhuq (Haatuf) Qoraal ay soo saareen xubno ka tirsan deegaanka Dacar Budhuq ee gobolka Hargeysa ayaa soo gaadhay Wargeyska Haatuf waxaa ku qornaa Gudoomiyaha Dacar Budhuq Aadan X. Cismaan Cigaal, Sahra Weyrax Ibraahim oo ah Gudoomiyaha ururka haweenka ee Dacar Budhuq iyo odayaasha kala ah Muuse Cabdi Rooble, Axmed Maxamed Warsame, Khadar Cabdi Warsame, Yaasiin Xuseen Saleebaan, Jaamac Cabdi Ibraahim, Faadumo Cawaalle Warsame, iyo Gudoomiyaha ururka Dhalinyarada ee Dacar Budhuq Maxamed Xaamud Aw-Maxamed, iyo K/xigeenka Gudoomiyaha Dacar Budhuq Ibraahim Maxamed Giire iyo Maxamed Yaasiin Yuusuf.

Qoraalkaas waxaa ay ku sheegeen masuuliyiintii soo qortay in ay Dacar Budhuq tahay degtmo ballaadhan oo xukunta 15 tuulo oo beeraha waraabka ah ee ku yaalla ay gaadhayaan ilaa (500) oo beerood oo leh waxsoo saar taasoo ay yidhaahdeen dawladdu wax xil ah iskamay saarin wax taakulo ahna lama siin.

Odayaashaas iyo qaybaha kale ee bulshada reer Dacar Budhuq ee qoraalkan soo qoray waxay sheegeen in ay taageersanyihiin jiritaanka Somaliland laakiin ay dhaliil u soo jeedinayaan guddiga doorashooyinka ayuu yidhi Degmada Dacar Budhuq waxay ka mid tahay degmooyinka aan la ansixin iyagoo sheegay in ay Dacar Budhuq kaga haboon tahay in loo aqoonsado Degmo oo la ansixiyo bay yidhaahdeen meelo degmooyin lagu sheego oo ah (2) laba waab ama laba cariish ah.
Odayaashu waxay qoraalkooda ku sheegeen in taakulaynta iyo wax u qabadka deegaanka Dacar Budhuq oo aan wax laga qaban ay noqon doonto mid wax u dhinta horumarka Somaliland, qoraalkan odayaashu wuxuu xusayaa in xaga doorashada loo diiday Hargeysa sida daraadeed haddii cabashadoodii aan la tixgalin ay codkooda ku shubi doonaan Gobolka Saaxil.

Top


Banaan-Bax Lagu Diidan Yahay Weerarkii Laas-Caanood Oo Ka Dhacay Boorama

Boorama (Haatuf): Bannaanbax ballaadhan oo lagaga soo horjeedo weerarkii Laas-caanood, laguna taageerayo Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shalay ka dhacay magaalo Madaxda Gobolka Awdal ee Boorama.

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf ee Boorama, Mudaharaadkan oo ay ka qayb-galeen dadweyne aad u tiro badani, waxa ay socod ku mareen wadooyinka waaweyn ee Boorama, iyaga oo ku dhawaaqayay erayo ay ku diidan yihiin weerarka ay ciidamada Puntland ku soo qaadeen Laas-Caanood maalintii Sabtidii, iyadoo uu ku sugnaa wefti uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, aakhirataankiina waxaa la isugu tagay Fagaaraha Kheyriyadda ee Boorama oo ay goob-joog ka ahaayeen Wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland oo ay ka mid yihiin Wasiirada Qorshaynta, Dalxiiska iyo Wasiir Ku-xigeenka Qorshaynta.

Dadweynihii halkaasi isugu yimid, waxa hadalo u jeediyay Badhasaabka Gobolka Awdal, Maxamuud C/laahi Cige iyo Duqa Boorama, Maxamuud Muuse Bahdoon, iyaga oo amaanay sida ay Madaxweyne Rayaale uga go’an tahay fidinta Maamulka Somaliland, waxaanay ku baaqay in ay dadka Somaliland meel uga soo wada jeestaan difaaca dalkooda.

Top


Somaliland Oo Laga Xusay Maalinta Xuquuqal Insaanka Dunida

Hargeysa (Haatuf): Xaflad balaadhan oo lagu xusayay maalinta Xuquuqal Insaanka Caalamka ee 10 December, ayaa xalay lagu qabtay hotel-ka Ming-Sing ee Magaalada Hargeysa.

Xafladaas oo ay qaban-qaabadeeda iska kaashadeen hay’ada SCF/USA iyo ururka wadaniga ah ee Samo-Talis oo xuquuqal insaanka u ololeeya, waxaana ka soo qayb galay madax ka tirsan dawlada wakiilo ka socday hay’adaha samo-falka, ururada wadaniga ah iyo marti sharaf kale oo badan.

Waxa halkaa laga soo jeediyay khudbado kala duwan, ugu horeyna halkaa ka hadashay Faadumo Axmed Sheekh, oo ku hadlaysay Magaca ururka Samo-talis, waxaanay ka warantay Marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray ururka Samo-talis, waxa isna halkaa ka hadlay Jaamac Ibraahim Cawad oo ku hadlayay magaca naafadda.

"Dadka Naafadda ah, waa in xuquuqdooda iyo maamuuska ay mudan yihiin ay siiyaan bulshada Somaliland," ayuu yidhi Jaamac Ibraahim, isagoo halkaa ka jeediyay hadal aad u qiiro badan oo ku saabsan xaaladda Naafadda iyo daryeel la’aanta ay ku sugan yihiin.

"Diinta Islaamku, waxay ina fartay Xuquuqal Insaanka 14-qarni ka hor, sidaa daraadeed waa in aynu fulinaa." Sidaa waxa tidhi, Faadumo Siciid oo Xuquuqal Insaanka u qaabilsan Hay’adda UNDP. Faadumo waxay aad uga warantay xaaladda Xuquuqal Insaanka ee Somaliland, waxaanay u soo jeedisay dadka reer Somaliland in ay xil iska saaraan ilaalinta Xuquuuqal Insaanka.

Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay, Aadan Abokor oo ka socday Hay’adda ICD iyo Andrea Temagnan oo ah sarkaal ka tirsan Hay’adda UNDP.

Ugu dambayn, waxa xafladda soo gebo-gebeeyay oo ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Cadaaladda oo ka hadlay, sida loogu baahan yahay ilaalinta Xuquuqal Insaanka iyo in xil la iska saaro.

Top


Kulmiye Oo Dar-Dar Galiyay Ololihiisa Doorashooyinka

Hargeysa (Haatuf) Ururka KULMIYE oo ka mid ah ururada siyaasiga ah ee ka dhisan Somaliland ayaa dardargaliyay ololihiisa uu ugu diyaar garoobayo doorashooyinka golayaashaa deegaanka ee 15ka bishan lagu wado inay ka dhacaan Somaliland. Maalintii shalay ayaanay saddex wefti oo ka mid ah Madaxda KULMIYE u kala baxeen saddex jiho oo ka mid ah deegaanada Hargeysa hoos yimaado weftigaasina waxa kala ahaayeen wefti uu hogaaminayay Gudoomiyaha gobolka Hargeysa ee KULMIYE Prof: C/Casiis Maxamed Samaale iyo Gudoomiyaha abaabulka ee KULMIYE Iid Dhimbiil waxaanay soo mareen degmada Gebiley iyo deegaanada Arabsiyo Kalabaydh iyo Tog-wajaale weftiga labaadna waxaa hogaaminayay Khadar Cabdi Xuseen oo ka tirsan gudiga fulinta ee KULMIYE waxaanay soo mareen degmada Daarasalaam iyo deegaanada Geed-deeble, biyo shiinaha iyo xeedho. Weftiga Saddexaadna waxaa hogaaminayay Xasan C/laahi waxaanay soo mareen deegaanada Baliga cas, Ilinta dhexe, Ilinta Galbeed, iyo Boodhlay, ujeedada weftiyadaasina waxay ahayd wacyi-gelinta ururka Kulmiye ee doorashooyinka. Weftiyadaasina waxay dadka kala hadleen canbaaraynta weerarkii laascaanood iyo barnaamijka Kulmiye ee doorashooyinka

Top


Shirkadda African Express Airways Oo Dib U Bilaabaysa Duulimaadyadeedii Somaliland

Hargeysa (Haatuf): Shirkadda Diyaaradaha AFRICAN EXPRESS AIWAYS, ayaa lagu wadaa in ay maalinta barito bilawdo duulimaadyadeedii caadiga ahaa, kadib markii aanay shirkaddu in muddo ah samayn wax duulimaadyo ah.

Duulimaadyada shirkadda oo istaagay 20/9/2002, sida ay sheegeena masuuliyiinta shirkaddu, waxa ay dib u bilaabaysaa maalinta barito ee 11/12/2002, iyadoo ay diyaarad ay shirkaddu leedahay toddobaadkan timid magaalada Berbera.

Jadwalka Duulimaadyada Shirkaddu waa sidan:

Khamiis
Shaariqa - Hargeysa - Muqdisho - Nayroobi
Jimcaha 
Nayroobi - Muqdisho - Hargeysa - Shaariqa

Top


Maxaa Ka Dhiman Hawl-Galada Ciidamada Nabadgelyada Wadooyinka?

Hargeysa (Haatuf) sida dhacda maalmaha qaarkood booliska wadooyinka ee Hargeysa waxay hayeen hawl muuqata oo ay ku joojinayaan baabuurta laba meelood oo kala ahayd xafiiska taraafikada ee badhtamaha magaalada Hargeysa iyo xafiiska kastamka ee u dhaw dhakhtarka guud ee Hargeysa, shalay labada gooboodba waxay ku yaalaan wadada weyn ee wadnaha Hargeysa oo ah wado ay maraan baabuurta Hargeysa intooda badan ee isku xidha faras magaalaha Hargeysa xafiisyada dawladda ee caasimada Somaliland ee Hargeysa iyo xaafadaha wadadaas oo ay maraan baabuur faro badani iyadoo aad moodo in wadooyinka Hargeysa iyo baabuurtu aanay isku miisaanayn oo ay baabuurtu badan tahay, waxa waajiba in Ciidamada iyo hawlwadeenada kaleba lagu amaano hawshooda qaran, waxaa iyana haboon in la tilmaamo haddii ay wax ka qaldanyihiin, tusaalle hawlgalkii booliska wadooyinka ee Hargeysa sida kan shalay oo wadada ugu weyn Hargeysa laba meelood laga xidhay iyadoo boolis kale oo qoryo sitaana la socdo, waxay u muuqatay hawl aan loo qabanayn sidii ku haboonayd oo abuuri karta xanibaad gaadiid iyo buuq dadeed, waxaana wanaagsanaan lahayd in booliska wadooyinku ay istaagaan goobo uu socodka baabuurtu kaga yaryahay wadada dhakhtarka guud Hargeysa hormarta oo aan buuqna aanu ka imanayn, ka dibna gaadhiga aanay u dhamaystirnayn arrimaha ay baadhayaan ay si fudud u kaxeeyaan.

Dhinaca kale waxaa muuqatay shalay in baabuurtii qaar ay wadayaashoodii dib u kala firaynayeen markay arkaan booliska wadooyinka oo taagan. Arrintan waxaa wanaagsan in muwaadiniintu ay maraan sharciga iskood oo aanay sugin inta lagu qasbayo, dhinaca kalena waa in booliska wadooyinka ay haystaan gaadiidkii ay ku soo qaban lahaayeen cida sharci darrada in ay ka dhega adaygto, maadaama ay Hargeysi caasimad tahay waxaa wanaagsan in booliska wadooyinka loo hawl galiyo qaab aan abuurayn buuq iyo xanibaad.

Top


Haweenka UDUB ee waaxda Maxamuud Haybe oo canbaareeyey weerarkii Laascaanood

Hargeysa (Haatuf): Haweenka ururka UDUB ee waaxda Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa ayaa shalay canbaareeyey weerarkii ay dhowaan ciidamada maamul-goboleedka Puntland ku soo qaadeen magaalada Laas-caanood, iyaga oo bartilmaameed ka dhiganayay weftigii uu madaxweyne Rayaale hogaaminayey ee socdaalka ku tegay Laascaanood.

Kulan ay ururka haweenka UDUB ee waaxda Maxamuud Haybe ku yeesheen shalay gelinkii dambe xafiiskooda xaafadda Maxamuud Haybe ayey kaga hadleen arimo ay ka mid yihiin weerarkii ay ciidamada maamul-goboleedka C/laahi Yuusuf ku soo qaadeen Laascaanood iyo arimo kale, waxaana shirkaa gudoominaysay gudoomiye-kuxigeenka haweenka ururka UDUB ee garabka xaafadda Maxamuud Haybe, Marwo: Fadxa Cali Axmed, waxayna shirkooda ka soo saareen baaq ay ku canbaaraynayaan weerarka, iyagaoo ku tilmaamay weerar argagixiso oo wax loogu dhimayey nabadgelyada iyo wada jirka ay ummadda reer Somaliland ku wada nooshahay.

"Waxaanu aad u canbaaraynaa weerarkii gardarada ahaa ee ay ciidamada C/laahi Yuusuf ku soo qaadeen magaalada Laascaanood, iyaga oo weerarkooda la beegsaday booqashadii madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kaahin uu ku joogay laascaanood, weerarkaas oo ahaa mid qaawan oo gardaro ah" ayey yidhaahdeen haweenkaasi, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada difaaca dalkooda, iyaga oo yidhi "Iyadoo ay guryaha noo yaaliin daawayaashii iyo Alqabanadii aanu qaaxo kala soo noqonay, waxaanu diyaar u nahay inaanu ka qayb qaadano difaaca dalkayaga, iyadoo aanu aad uga soo horjeedno wax kasta oo dhibaato ah oo loo geysanayo dalkayaga iyo dadkayaga, isla markaana ay haweenku yihiin kuwa ay dhibaatadu ku dhacdo markasta".

Gudoomiye-xigeenka ururka haweenka UDUB ee garabka xaafadda Maxamuud Haybe, marwo Fadxa Cali waxay sheegtay inay weftigii madaxweynaha, dadka reer Laascaanood iyo guud ahaan dadka reer Somaliland uga tacsiyadaynayaan dhibaatadii ka soo gaadhay weerarkii ciidamadii C/laahi Yuusuf.

Top


Ururka SAHAN Oo Socdaalo Ku Galaa-Bixiyay Deegaano Hargeysa Iyo Oodweyne Ah

Hargeysa (Haatuf): Hogaamiyayaasha urur-siyaasadeedka SAHAN ayaa maalmihii ina dhaafay socdaalo is daba joog ah ku maray ilaa 14 tuulo oo ku yaal degaamada gobolada Hargeysa iyo togdheer, waxayna meelahaa ka jeediyeen khudbado ay kaga waramayaan barnaamij siyaasadeedka ay dalka ku hogaamin doonaan hadii ay doorashada.

Wefti uu hogaaminayey Maxamed Cige Cilmi oo ka mid ah guddiga fulinta ururka SAHAN ayaa ka mid ahaa hogaamiyayaasha ururka SAHAN ee galaabixiyey tuulooyinkaa, waxayna khudbadahooda ku sheegeen inay dalka diinta islaamka ku maamuli doonaan hadii ay ku guulaystaan hogaaminta talada, isla markaana ay kor u qaadi doonaan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo wax soo saarka khayraadka dabiiciga ah.

Waxa kale oo iyaguna dhinaca degmada Oodweyne u kicitimay wefti ururka SAHAN ah oo uu hogaaminayo Maxamuud Aadan Diiriye, weftigaas oo ka bixitimay magaalada Hargeysa waxay socdaalo ku soo mari doonaan degaamo ka tirsan degmada Oodweyne iyo magaalada Oodweyne, iyaga oo khudbado u jeedin doona dadka degaamadaa, waxayna socdaaladaasi qayb ka yihiin ololaha doorashada dawladaha hoose oo uu waqtigii loo cayimay foodda inagu soo hayo.

Top


Wefti Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha ASAD Oo Socdaal Ku Maraya Saaxil Iyo Togdheer

Berbera (Haatuf): Wefti uu hogaaminayo gudoomiyaha urur-siyaasadeedka ASAD, Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) ayaa shalay socdaal ku maray gobolka Saaxil, iyaga oo uga sii gudbay dhinaca gobolka togdheer.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil, C/raxmaan Xaaji Daahir (Casaan ) weftiga ASAD markii ay soo gaadheen magaalada Berbera waxay ku hakadeen xafiiska ay ku leeyihiin magaalada, halkaas oo ay ugu diyaar ahaayeen taageerayaashooda iyo dadweyne kale, waxa dadkaa hadal u jeediyey gudoomiyaha ASAD, Saleebaan-gaal, wuxuuna sheegay inuu ururkiissu diyaar u yahay doorashooyinka, isaga oo farta ku fiiqay inay lagama maarmaan tahay in la helo doorashooyin xor ah oo xalaal ah, isla markaana waxa uu carrabka ku adkeeyey isku millanka dawladda iyo ururka UDUB.

"Ka u sareeya iyo ka u hooseeya dadka dawladda u shaqeeyaa ilaa biyo-tooniga waa wada UDUB, laakiin shaqaalaha dawladda qofka la yidhaahdo HORMOOD ama KULMIYE ama ASAD buu galay shaqada waa laga eryeyaa, taasna waxaanu leenahay UDUB iyo dawladda taa ka yeeli mayno"ayuu yidhi gudoomiyaha ASAD, laakiin waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda gobolka Sool, isaga oo sheegay inay lagama maarmaan iyo waajib tahay ilaalinta jiritaanka qaranimada Somaliland, wuxuuna yidhi "Waxa waajib inagu ah inaynu xoojino walaaleheena reer Sool ee lagu soo duulay, waxa kale oo loo baahan yahay inaad u diyaar garowdaan doorashooyinka degaanka, maantana waxay taagan tahay tii uu C/rashiid sheegay ee uu yidhi "taana foodka ayaanu ku ridaynaa, taana xabbadda ayaanu ku ridaynaa".

Weftiga ururka ASAD ee uu hogaaminayo Saleebaan-gaal waxay hadda ku sugan yihiin magaalada Burco, laakiin sida ay wararku sheegeen waxay socdaalkooda ku simayaan gobolka Sanaag iyo meelo kale oo degaamada bari ah, waxayna taasi ka mid tahay ololaha doorashada ee ay ururada siyaasaddu u tafaxayteen.

Top


Cumar Carteh Qaalib Oo Socdaal Ugu Baxay Gobollada Bari

Berbera (Haatuf): Wefti ururka HORMOOD ah oo uu hogaaminayo, Cumar Carte Qaalib oo ah musharaxa ururkaa ayaa shalay galab ka caraabay magaalada Hargeysa, waxayna xalay ku hoydeen magaalada Berbera, halkaas oo ay ka jeedin doonaan khudbado ay kaga waramayaan barnaamijyadooda siyaasadeed. Hase yeeshee weftiga HORMOOD waxay gobolka Saaxil uga sii gudbi doonaan gobolada bariga, iyaga oo ku simi doona ilaa gobolada Togdheer, Sool iyo Sanaag, waxayna socdaalada ururka HORMOOD ka mid yihiin ololaha doorashada ururada siyaasadda oo hadda cirka isku shareeray, iyadoo mudadii loo cayimay doorashada dawladaha hoose ay kaabiga inoo saarran tahay.

Top


Wefti KULMIYE ah oo la hadlay reer Gebilay

Gebilay (Haatuf): Xubno ka mid ah madaxda urur-siyaasadeedka KULMIYE ayaa shalay xafiiskooda magaalada Gebilay kula hadlay dadweynaha reer Gebilay, waxaana masuuliyiinta KULMIYE ee dadka la hadlay ka mid ahaa Sh. C/casiis Muxumed Samaale oo ka mid ah guddiga fulinta ururka, sidaana waxa ku soo waramay weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed Xasan.

"Reer Gebilayow waxaan idin leeyahay wixii sax ah qaata, wixii qalad ahna diida"ayuu yidhi, Samaale, Isla markaana waxa uu Sheekh C/casiis canbaareeyey weerarkii ay ciidamada maamul-goboleedka C/laahi Yuusuf ku qaadeen Laascaanood iyo weftigii Madaxweyne Rayaale.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay xoghayaha abaabulka ururka KULMIYE, Mr. Dhinbiil, wuxuuna ugu horayn dadweynaha reer Gebilay ugu baaqay inaanay codkooda khasaarin ee ay bixiyaan maalinta foodka.

Weftiga KULMIYE waxa kale oo ay dadweynaha reer Gebilay uga warameen barnaamij siyaasadeedka iyo ujeedooyinka ururkooda, waxayna taasi ka mid ahayd ololaha doorashooyinka ee ay ururada siyaasaddu hadda ku jiraan.

Weftiga ururka KULMIYE oo isla shalay ka ambabaxay magaalada Hargeysa, ka dib booqashadoodii Gebilay waxay u sii dhaafeen magaalada Tog-wajaale, halkaas oo ay iyadana khudbado uga jeediyeen dadka degaanaka, iyadoo ay magaalooyinka weftiga si weyn ugu soo dhoweeyeen taageerayaashooda iyo dadweynaha magaalooyinkaasi., isla markaana waxa meelaha ka hadlay qaar ka mid ah masuuliyiinta ururka KULMIYE ee Xafiisyada degaamadaa. Laakiin marka laga yimaado hadalada la xidhiidha dhinaca ololaha doorashada waxa kale oo ay dadkii goobahaa ka hadlay carrabka ku dhufteen weerarkii ay dhowaan ciidamada maamul-goboleedjka C/laahi Yuusuf ku qaadeen magaalada Laascaanood, iyaga oo bartilmaameed ka dhiganaya weftigii Madaxweyne Rayaale, sidaa darteedna dadka goobahaa ka hadlay way canbaareeyeen weerarkaa.

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay M. M. Muuse, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Q: 43aad

Ganat: Boqorka markii xilka laga wareejiyey ka dib nolol-maalmeedkiisu sidee buu ahaa, adiguse markii uu xidhnaa miyaad la kulantay?

Mingistu: Marka ugu horaysa meesha uu boqorku ku jiray lama odhan karo waxay ahayd jeel, waayo markii u horaysay xerada guutada afraad ayuu joogay, ka dibna xagga sare ee madaxtooyada ayuu ku jiray, wuxuuna u noolaa si wanaagsan, anigu xiligaa waxaan hawlaha ka waday xerada guutada 4aad, sidaa darteed si ay boqorka nabadgelyadiisu u sugnaato ayaanu boqorka xeradaa u gaynay. Laakiin xidhista boqorku inkasta oo aanay ahayn mid iswaydiin leh, balse anagu si sharaf leh ayaanu u haynay, waxaanuna xoriyad u siinay ilaa inta uu kari karayo inuu u istareexo, shaqaalihiisuna way u shaqaynayeen, cuntada boqortooyada ayaa looga soo diyaarin jiray, caafimaadkiisana waa la sugi jiray (La ilaalin jiray). 

Sidoo kale qoyskiisa cidda uu doono iyo qofka uu yidhaahdo hala iigu yeedho waa loogu yeedhi jiray oo way wada hadli jireen, weliba mar uu yidhi Boqorad Taanay ha ila joogto meeshayda waanu u yeelay oo waxaanu ku nidhi hakula joogto. Hase yeeshee markii aanu ka baxnay xerada guutada saddexaad ee aanu u wareegnay madaxtooyada, waxaanu xafiis ka dhiganay xafiiskii boqorka, isagana (Boqorka) waxaanu u diyaarinay oo aanu dejinay guriga dabaqa sare ee xarunta madaxtooyada oo ahaa guri da’ weyn oo loox ka samaysnaa, uuna dhisay Asee Mililk, halkaas oo aanu uga dhisnay guri fiilo dhexe ah, wuxuuna gurigaasi lahaa ubuxyo qurux badan iyo dhir cagaar leh. Waxa kale oo gurigaa yaalay miisas dhagax ka samaysan oo loogu talo galay inay ku fadhiistaan dadka soo salaama ama u soo dacwad taga xiliyadii hore ee uu xukunka hayey, sidoo kale waxa uu gurigaasi lahaa geedad waaweyn oo hadh leh. 

Waxa kale oo gurigaa loo sameeyey dayr balaadhan oo inta uu doono uu iskaga dhex- war-wareegi karo, sidaa darteed halkaas ayuu iskaga raaxaysan jiray, laakiin halkaa guriga looga sameeyey ee loo dayray meel aan ahayn oo madaxtooyada dhexdeeda ama meel kale muu tegi jirin, sidoo kale cidiba may arki jirin oo uma ay tegi jirin, laakiin intayadii arki jirtay waxay ahayd in kooban, balse qoyskiisa hadii uu yidhaahdo hebel ama heblaayo ha la iigu yeedho waa loogu yeedhi jiray., markaa dadka loo fasaxay inay u tagaan waxay ahaayeen reer boqorka oo qudha, caafimaadkiisana waxa ka shaqayn jiray dad gaar ah oo loogu talo galay, kuwaas oo maalin walba la socon jiray xaaladiisa caafimaad had-ba sida ay tahay, sidaa darteed qoyskiisa iyo dadka caafimaadkiisa eegaya mooyaane cid kale uma ay geli jirin, xataa xubnaha dhergiga hadii ay tahay. Laakiin anigu boqorka marka la isku daro intii uu xilka hayey iyo intii aanu hayn saddex ilaa afar goor baan la kulmay, basle mar qudha keligay lamaan kulmin ee mar walba cid baa I wehelisay...

La soco cadadka dambe.

Top


RAADYOW MA QALOOCSHE

A. A. GARAS

Akhristayaal intiinii akhrisatay cadadkayagii shalay waxaanu idiinku soo gud-binay qayb ka mid ah raadyow ma qaloocshe, taas oo ay qayb ka mid ah uga hadhay sabab dhinaca daabacaadda ah, iyadoo uu mawduucaasi sida caadiga ah ugu soo baxo wargeyska maalinta salaasada, sidaa darteed waa tan qaybtiisii labaad oo ah waraysi:

S: Markii uu madaxyuubku meesha tegay miyaanu wadan ciidan fara badan?

J: Wuxuu sii kaxaystay ilaa lixdameeyo tikniko ah iyo ciidan ciidaa iyo camaarkaa ka badan, laakiin wuxuu kaga tegay Yagoori.

S: Oo maxay odayga uga celin-waayeen mooryaanta Odayga ku ciyaaraysay?

J: Mooyi malaa isagaan ku odhan wax iga celiya.

S: Oo miyuu baqday?

J: Mayee malaa wuu ka xishoonayey.

S: Oo ma xidid baa?

J: Mayee malaa wuxuu is yidhi hadaad layso reero ayey kugu noqonayaan oo Harti bay kuula geli doonaan.

S: Oo dawladdu miyey ka xishootaa mooryaanta dal kale kaaga soo duusha?

J: Horta mooryaantu ma aha mooryaantii aad tiqiinay ee waa mooryaan garaado leh, ta kale meesha dawladaha lagama yaqaan ee waxa laga yaqaan Laandheere, Ugaas, , gaashaanle sare, gabayaa hore, taajir hore, fanaan hore,, basaas dhexe, boos hore, Isim dhexe iyo isim sare.

S: Waxaan ku waydiiyey nimankii soo duulay miyey joogaan, mise Garoowe ayey ku noqdeen?

J: Qoladii hore qaarna isimo ayaa laga dhigay, qaarna Garoowe ayey shixnado faan ah kula noqdeen, wuxuuse war goor aan fogayn xagga Laascaanood ka soo foocay sheegay inay mooryaan hor leh oo aleelehedii wadataa soo degtay Laaskii.

S: Meesha bariis baa la rarayaa waa maxay shixnadaha faanka ah ee aad sheegtay?

J: Shixnadahaa faanka ahi waxay ka koobnaayeen, madaxweynihii Soomaalileyn ayaanu caydhsanay oo qar iyo buur baanu ka tuurnay ayaa ka mid ahaa shixnadaha faanka ah.

S: Waxaan ku waydiiyey salaadiintii iyo duubabkii reer Laascaanood ee madaxyuubka u yeedhay maxay mooryaanta uga celin waayeen, mise waxay la damacsanaayeen tabtii ay C/rashiid la damacsanaayeen?

J: Ilama aha inay sidaa rabeen, laakiin waxa laga yaabaa inay casuumadda iyo shirqoolku kala wateen laba jilib oo mid walib isim gaar ah leeyahay.

S: Waxaan ku waydiiyey xagee bay raacsan yihiin ma gobolka Garoowe, mise dalka Somaliland?

J: Horta dadka reer Sool waa dad dun wanaagsan oo soo dhowayntooduna badan tahay, cidkasta oo u tagtana way soo dhoweeyeen, hadii waxoogaa sooryo ah loo dhiibana waa caado rag oo way iska qaataan, kolba cidii u timaadana waxay u sameeyaan Isin cusub, laakiin habar reer Sool ah oo aan waydiiyey qiblada ay raacsan yihiin dadku waxay tidhi " Kufurtu bilaahay xagan iyo xageer-ba waanu nahay, xagaa kaleetona hadii ay timaado waanu nahay, laakiin inkasta oo xag walba la yahay reernimada ayaa dhextaal noo ah".

S: Oo waxaan ku waydiiyey dawladdii madaxyuubkeeda la weeraray maxay yeeshay, miyey iska qayilaad tagtay, maxay gobolkan yar ee lagaga soo duulay gafuurka ugu hdufan wayday?

J: Horta dawladdu ma aha wax xanaaq dhow, boolasigeeduna waxa weeye Asqo-asqo ka reeb iyo nabadayn oo hore ayey u soo xarbi dhamaysatay, xiligan la joogana cid is doorata mooyee cid is disha looma baahna, ta kale maalintii uu madaxyuubku ka hadlay Caynaba aniga oo is leh diinta Bug-laanta ayuu caayi doonaa ayuuba sheegay inuu musharax yahay, isaga oo sheegay inuu xayraankii Hargeysa kaga yimi oo aanu wax cadho ah qabin, taas oo aan u maleeyey inuu Hargeysa xayraankii u doonan doono, balse ma sheegin marka uu xayraanka soo qaato waxa uu samayn doono.

S: Iminka Laaskii waa sidee xaalkiisu, ma in la isku bilaabayo ayaad u malaynaysaa?

J: Walaahi ta dawlad ah warkeeda ma hayo, waxaase la sheegayey rag jeeni qaarran oo jooga meel Yagoori la yidhaahdo, ta kale goolaaftanku labada dhinac-ba wuu badan yahay, horena waa tii loo yidhi rag wax isaga gabaro weyn, balse waxay ila tahay inaan daf-daf iyo dagaal ciyaal lagu degdegin, laakiin nimankaa sida argagixisada u soo weeraray madaxyuubkii iyaguna talo damce, waxaynu ka warsugaynaa bal waxa ka soo baxa xayraanka madaxyuubka.

Geeraar

Iminkana ku soo dhowaada tix geeraar ah, waana tan.
Waxba yaan colaad lagula kicin, ceelka laaska ahe.
Waxba yaan ciil loogu qabin, ciidan reer bariye.
Waxba yaan Calool loogu siddin, curado reer sole.
Waxba yaanu Cabdow xaabsadihi, coofka weyn dhigine.
Waxba yaan faruhu noo cun-cunin, caaro-yuub qoriye.
Doorashada colaad laguma qalo, Cali ayaanloowe.
Camal xumidu waa shay, tashiga kaa cillayn kara’e.
Car yaa kaadsha oo doorashada, foodka ku cayuuqa.
Ha iska cago-bidhyeysee, dhowaan caadda way tegiye.
Ictiraaf dhowaan way ka heli, caalamkoo idile.
Cillada iy naxligu wuu ka bixi, curubta reer Laane.
Halkuu cirirku naga haysan jiray, caafimaad yimiye.
Carro nabada iyo horumar, baad ku cabi doontaane.
Caqli taliye yaa kala, sidiqa caamadaa badane.

Top


Maxaa helay Wargeyska Maandeeq

Muddo laba toddobaad ah indhaha akhristayaashu way waayeen joornaalka maandeeq ee ay gacanta ku hayso xukuumaddu, iyadoo uu joogsiga wargeyska Maandeeq ku soo beegmay xili xasaasi ah oo ay dhegaha dadku u dhegtaagayaan ololaha diyaar garowga doorashada. Laakiin Maandeeq oo ahayd hay’adda ugu balaadhan hayadaha warbaahinta dawladda ilaa hadda lama garanayo waxa helay. Hase yeeshee sida ay warar xog-ogaal ahi sheegayaan waxay u fadhidaa cillad xagga daabacaadda ah oo indhowayd u dhexaysay maamulka madbacadda Qaranka iyo ka wargeysyada Maandeeq Grooup, iyadoo ay horaantii sannadkii 2000 isku dhaceen gudoomiyihii maandeeq ee xiligaa iyo maamulka madbacaddu, taas oo arintooda dhawr goor la galay, waxaase markasta garta la siin jiray maamulka madbacadda, iyadoo la odhan jiray maamulka madbacaddu waxa uu ahaa mid awood badan leh had iyo goor.

Iminka waxa la sheegay inay cilladdu tahay mishiinkii wargeyska rogi jiray oo xumaaday, laakiin mishiinkaasi waxa uu ka mid yahay alaabooyinka duugga ah ee aan mar qudha la bedelin, iyadoo ay madbacadaasi tahay mid duug ah oo ilaa konton sannadood shaqaynaysay. Waxa kale oo la aaminsan yahay inay madbacadda qaranku soo saarto dakhli badan, sidaa darteed aan la odhan karin waxay awoodi wayday inay iibsato mishiin cusub oo ay ku bedesho ka duugga ah ee ay hadda u fadhido. Laakiin masuuliyiinta xukuumaddu ilaa hadda kama ay hadlin arintan, waxaase igu maqaalo ah inuu Madaxweyne-kuxigeenku dhowaan u saaray saddex wasiir oo soo baadha xaaladda madbacadda, kuwaas oo gudoomiye u yahay wasiirka madaxtooyadu, balse sida ay hadda xaaladda madbacaddu tahay laguma qanacsana, taas oo loo arko inaanay cidina xil iska saarayn hantida dawladda ee ay madbacaddu ka mid tahay iyo gaadiidka iyo guryaha dawladda, laakiin bal aynu ka warsugno waxa ay xaaladda madbacaddu ku dambayso, iyadoo ay su’aashu tahay maxaa helay madbacaddii Qaranka iyo wargeyskii maandeeq.

C/raxmaan Maxamed Guun, Hargeysa

Top


Baaxaa-Deggii Jacaylka: Billan Iyo Baxnaan

Q: 22aad - Sheeko taxane ah - waxa qoray Cumar D. Cumar (Japan)

May noqon siduu Baxnaan islahaa Qaali ku dhaaf habeen ee arrintii waxay la xushay tog baxaad weyn oo ay biyuhu soo rogmadeen, waxay u egtahay habeenkan uu la joogay Baxnaan Qaali in uu sito daad aanu garanayn meel u dhigi doono, Qaali waxay jaar yihiin maryama booda oo ay bilan isku barteen guriga habaryarteed ruun saddexle, Maryan Booda sheekadii shalay ka dhacday guriga Qaali ayay ku taabatay Salma oo ah bilan ina abtideed.

Habeenkaa uu Baxnaan ku dhaxay guriga Qaali, bilan may seexan werwer awgii waxaanay ka fikiraysay halka uu Baxnaan ku maqanyahay, waayo marka uu Baxnaan u baxayo safarada ee ay riwaayadaha ugu qaadayaan meel ka baxsan Hargeysa wuxuu soo maraa gurigiisa oo uu ka qaato shandad yar oo dhawr shay qaada waanu wargalin jiray bilan halka ay u safrayaan, bilan kuma tuhunsana hadda in uu ku dhaxay balwad aanay Baxnaan hadda ku arag muddo, sanqadho habeenimadaa dhawr jeer ay maqashay bilan ayay u qaadatay in uu ku garaacay Baxnaan, laakiin markay albaabka ag tagto ee ay cid weydo ayaa dib ugu noqoneysay, cashadii ay u dhigtay Baxnaan ayaa daboolan, bilan may qiyaasi karayn waxa uu ku maqanyahay Baxnaan, barqanimadii ayaa waxaa u wada yimid bilan ina abtideed Salma iyo Maryan Booda, oo xog-ogaal u ah Baxnaan iyo sheekada uu xalay ku dhaxay, bilan oo aad moodo in ay u baahnayd qof ay la sheekaysato, ayaa si farxad leh oo diiran u soo dhawaysay Salma iyo Maryan Booda, Salma oo og in uu Baxnaan xalay maqnaa ayaa tidhi "bilan waa maxay raashinkani miyaanu Baxnaan sii quraacan" bilan ayaa ugu jawaabtay "quraac maahee waa cashadii oo xalay ayaanu iman Baxnaan" Salma ayaa haddana weydiisay "oo xaggee ayuu ku maqnaa, bilan ayaa haddana ku jawaabtay "ma garanayo meesha uu xalay ku maqnaa, malaha riwaayad ayay meel u qaadeen," Salma iyo maryan ayaa is eegay, isuna suul dhabaaleeyay, qosol wada jirana raaciyay, qosolkaa ayaa bilan dareen galiyay, laakiin bilan meesha may soo dhigan in ay Salma iyo maryan uga xogogaalsanaan karaan iyada halka uu ku suganyahay, Baxnaan Salma oo la hadlaysa maryan ayaa tidhi "naa maryaneey ha ku wareerin naagtana waa naagtii ilaa Kiiniya ninkan awgii u tagtaye, edadeed iyo aabaheedna hore ayay uga quusteen inay xaga Baxnaan ka maraan, imika ayay ina odhan doontaa xagaa kuma aqaanee shaquu ku maqanyahay".

Bilan oo aan uga baran Salma hadalada sidaa u taagtaagan ayaa tidhi "ina abti ha ila yaabine waxaan ahay naf wax jeclaatay markaa wanaagiisa mooyee, xumaantiisa waa la iga indha-saabay, bal saaka ii warama maxaad ogtihiin adiga iyo maryan", intaa waxay raacisay bilan iyadoo tidhi "Salma badawnimada ha igula yaabine wax ii sheeg"Maryan Booda ayaa farta ka saartay warkii Baxnaan ee shalay iyo in sheekhu uu markii dambe guriga Qaali galay, xalayna uu halkaa Baxnaan seexday, bilan magaca Qaali kuma cusbaa oo waxay ku maqashay in ay tahay gabadha ay dhawr heesood wada qaadaan Baxnaan iyo xayaysiintii riwaayada "Qalbi jacayl iyo qiil magaalo" oo lagu xusayay magaceeda, markii ay sheekadii dhameysay Maryan Booda ee ay bilan si fiican u dhagaysatay ayay bilan noqotay si qof awoodii ka sii lumayso oo ay indhaheedu sii libdhayaan, bilan sariirtii ay ku fadhiday ayay dib ugu dhacday indhahana xaga kale ayay ka rogtay, Salma ayaa isku duubtay alla, alla, Maxaa helay, hayaay, hayaay, alla ba’ayeey, dhawaaqyadaa ayaa ka soo baxay Salma oo madaxa haysa bilan, Maryan Booda oo iyana la kulantay yaabka yaabkiisa ayaa iyana gacmaha iyo wadnaha kolba meel taabanaysa bilan oo aan meelina dhaqaaqayn neef yar oo sanka ka soo baxaysa mooyee, Salma ayaa tidhi Maxaan ku lahaa inantan ninkani wuu qaatay qalbigeedii iyo wadnaheedii bal badaad ina galisay maryaneey eeg alla naa gaadhi aan dhakhtarka ku gayno yaa ina siiya, maryan ayaa dibadda u booday oo u carartay dhinaca istaanka tagaasida oo waxoogaa u jiray, guriga Baxnaan, maryan ayaa tagsigii ugu soo sokeeyay ninkii watay ku tidhi "alla walaal inan baa sakaraadaysee ina eri, maryan may xusuusan inay lacag kula heshiiso ninkii tagsiga waday oo isaga qudhiisu u qaatay in run ahaan qof sakaraad yahay markii uu arkay gabadhan bilaa shalmada iyo bilaa masarka ah ee xiiqsan, ninkii tagsiilaha ahaa, Salma iyo maryan ayaa soo wada qaaday, bilan oo kala daadsan oo aad moodo in dareenkeedu uu maqanyahay, bilan waxaa la geeyay qaybta gargaarka degdega ah ee cusbitaalka guud ee Hargeysa oo markaa ka hawlgalaan samafalayaal ka socda dalka jarmalka oo hay’adooda la yidhaa "GED" (German Emergency Doctors), inan ka mid dhakhaatiirtaas jarmalka ah, Drs Gaby, ayaa u soo gurmatay oo markiiba kula tacaashay dawooyinka caawiya neefsiga iyo nafiifsiga, bilan indhaha ayay kala qaaday si fiican ayay u neefsatay, laakiin waxay ku bilowday mee Baxnaan, mee Baxnaan, alla Baxnaan, ii doona, alla Baxnaan ii doona, isaga dawadayda ah, hawlwadeenadii caafimaadka ee qaybta gargaarka ee cusbitaalka Hargeysa oo qaar soo dul joogsadeen bilan oo ay sariirta ku hayeen Salma iyo maryan, hawlwadeenadaas oo qaarkood rag ahaayeen ayay bilan indhaha marisay bal inuu Baxnaan ku jiro, bilan haddana waxay tidhi "yaa kaxaystay Baxnaan, yaa kaxaystay Baxnaan," bilan hadalada ay ku hadlaysaa ma aha kuwii uu ku hadli jiray qof caadiya xagga maskaxdu.
La soco

Top


Sool Waa Somaliland Dal ahaan iyo Dad ahaanba Dhiig iyo Dhaqanbana reer Somaliland

Weerarkii argagixisada ahaa ee maleeshiyada Cabdillahi Yusuf ku qaadday madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin maalintii Sabtidii, ee magaalada Laascaanood wuxuu ahaa mid loo gaystay dadka iyo dalka Somaliland. Haddaba gobolka Sool, oo ammaankiisa guud aad u liito, Waxaa dhawaan ka soo laabtay wafdi balaadhan oo isugu jiray salaaddin, oday dhaqmeedyo, guurti iyo sayaasiyanba. wafdigaas oo muddo badan ku maqanaa jiiddaas waxay run ahaantii bilaabeen tallaabadii ugu horaysay ugana wanaagsanayd ee wax lagaga qabannayay ismaandhaafka,nabadd galyada iyo siyaasadda aan deganayn ee gobolka Sool. Waxaad Caddaan ah oo mugdi iyo male toona lahayn in arrinka Sool wali uu yahay qabyo,Indhahana laga qarsanayay muddo kow iyo toban sannadood ah. horena aan aammaankeeda iyo maamulkeedaba waxba looga qaban. Ilaa hadda waxaa haboonayd in doorkii iyo fursaddii oday dhaqameedyada la sii wado tan iyo inta maamulka lagu baahinyo gobolka Sool
Safarkii Madaxweynaha ee gobolka Sool.

madaxweynaha Somaliland oo ay waajib iyo xilba ka saaran yahay madaxweyne ahaan in uu dalka wada gaadho ayaa haddana safarkiisani u ahaa mid aan xisaabtan la isu geegeeyay ku dhisnayn oo ahaa haddii caaddifiyadda laga saaro safar uu ku deg degay. Waxaa haba yaraatee meesha ka maqnayd qorshe loo dajiyay safarka madaxweynaha, waxaa kale oo aan marnaba xisaabta lagu darin in dhacdadan sabtidii dhacday ay ixtimaal ahayd oo ay dhici karaysay mar walba. Socdaalkaa madaxweynaha wuxuu ahaa kadiso uu guureeyay saq dhexe.Haddaba safarka sida foosha xun u dhacay, dadkii ka shaqeeyay amba abaabulkeeda lahaa runtii waxay ceeb u soo jiideen Somaliland oo dawlad ah. Gobal ka mid ah gobaladii dalkeedana ka difaaci kari wayday maleeshyo seddex gaadhi ah oo madaxweynihii dalka soo weeraray nolashiisiina khatar galiyay. 

Hadduu madaxweynuhu talada iyo go'aanka safarkaas isagu lahaana waxaa ku jiray degdeg fara badan iyo ka fiirsasho la'aan aan qurux badnayn. Madaxwenye Rayaale waxaa aanu meeshaba ku darin in dagaal gondaahaga ka dhalan karo, iyo in safarkiisu dagaal sabibi karo. Waxaa se su’aal leh madaxweynuhu cidamo ilaalo ah oo nabadgalyadiisa ilaalisa inuu watay iyo in kale? Waxaa aad iigu adkaatay liqina kari la’ahay illa hadda madaxweynahii Somaliland oo laascaanood u tagay sidii shakhsi caadi ah iyada oo aan ammaanka safarkiisa laga sii shaqayn. Weerarkan ay soo qaadeen maleeshiyada col Cabdillaahi Yusuf , waa inaan loo qaadan, lagana dhigin Somaliland oo la dagaalamaysa Puntland, waayo Puntland dal maha dawladina kama samaysna. Somaliland waa dal dawlad leh, ciidamo leh, Boolis leh ina la ogyahay in nabaddu gaadhsiisay qaranimada aynu manta ku faanayno. Nabadda darted iyo nidaamka dimuqraaddiyadeed ee doorasho ina looga reebay ka mid noqoshada dib u heeshiisiinta reer Somaliya. 

Col Cabdillahi Yusuf wuxuu mar walba raadinaayay ILLAHAYNA ka baryay in isku dhac la magac baxa Somaliland iyo Puntland uu ku faano, inakana inoo ah magac jab haddaynu is barbar dhigno Puntland. Waxaan qoraalkayga ku soo gunaanadayaa , in ay dhacdadani ahayd mid argagixiso ah.Mid inooga baahan adkaynta ammaanka gobolka Sool iyo Xuduudkiisaba laakiin aan si weyn kaga duwanahay dad badan oo maleeshiyooyinka budhcadda ah ee Cabdillahi Yusuf ku dhererinaaya Jamhuuriyadda Somaliland. Waxay ka dhigantahay libaax bisad ku dherersanya. Waana khasab in talaabo xukuumadeed laga qaado oo aan laga aamusin wixii dhacay sabtidii. Isla markaasna socdaalada madaxweynaha si rasmi iyo Borotakool madaxweynimo loo agaasimo. Tan manta dhacdayna aanay fadlan dib u dhicin.

Maxamud Caydiid Lafcanbe

Toronto, Canada

Top


Argagixisada Garoowe Iyo aashaanka Somaliland

Tan iyo markii lagu dhawaaqay xorriyadda iyo gooni isu taagga jamhuuriyadda Somaliland waxaa jiray dhaliilo farabadan oo ka soo baxaayey xukumadahii kala danbeeyey ee ka soo shaqeeyey ama ka soo taliyey aan idhaahde dalka Jamhuuriyadda SOMALILAND, waxay ahayd goor farxadleh ka dib markii odayaasha iyo reer laascanood iyagoo miyirkooga iyo maankooguba la joogo ay si toos ah uga soo qayb galeen shir weynahii dib ula soo noqoshada xorriyadda iyo madax banaanida Somaliland ee lagu qabtay 18 may 1991, magaalada Burco ee gobolka togdheer Somaliland, waxaa shirkaasi lagu gorfeeyey sidii dib loola soo noqon lahaa xorriyaddii luntay 1960, shacabka ku geedaman SOMALILAND BRITISH PROTECTORATE na la mideeyo, ilaahay mahadii taasi waxa ay ka hirgeshay badiba dhulka SOMALILAND, waxaa nasiib loo helay in cagta dhulka loo dhigo nidaam habaysan oo ay lahaayeen amaanteed cuqaashii, garadadii iyo waxgaradka shacabka reer Somaliland meel wal oo ay joogaan, si kastaba akhriste ha ahaate, waxaa la soo gaadhay 1993 May, goortaasi oo uu xilka la wareegay alla naxariisti janno ha ka waraabiye Madaxweynahii geeriyooday ee Somaliland Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, oo ahaa hogaamiyahii ku guulaystay inuu nidaamka dawladnimo ee Somaliland gaadhsiiyo badiba gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland oo dhan, hadaba iyada oo ay sidaa tahay, ayaa Marxuum cigaal ilaahay naxariistii janno ha siiye wuxuu geed gaaban iyo ku dheerba u koray sidii cuqaasha reer laascanood loo qancin lahaa waxaa loo diray reer Sool wufuud kala gedisan oo kala soo xaajoota bal waxay tabanayaan, waxaa loogu yaboohay in wax alla iyo wixii taag iyo taakulo ah ay walaalohooda reer Somaliland kala mid noqdaan, oo ay shacabka reer Somaliland meel wal oo ay joogaan diyaar ula yahiin in ay kala mid noqdaan xanuun, hagardaamo, horumar iyo horusocodba, balse nasiib darro akhristow taasi laguma guulaysanin, waxaa sida caadada u noqotay cuqaasha reer Sool oo lagu yaqiinay inay yahiin dadka ugu caqli galsan reer Somaliland ay bilaabeen inay ku socdaan hanaan farda badan fuulnimo ah, waxay ka soo jeesteen muraayado farabadan oo midba dhinac laga daawado, balse su,aasha meesha imanaysa waxay tahay Maxaa ay reer Somaliland ka kale reer Sool uga baahanyahay? xaqiiqdii markaan kuurgal farabadan ku sameeyey ee aan guntiga dhiisha iskaga dhigay ayaa waxaan ogaaday in haba yaraate iska daa wax kaloo in irbada caradeed waxtar ah aan Somaliland ka soo gelin reer laascanood, waxaan sidaan warbixin ay soo saartay wasaaradda maaliyadda ee Somaliland ka dheehday ku qiyaasay hanti dhan 1000,000 $ dollarka maraykanka ah lagu kharash gareeyey cuqaasha reer Sool sidii loola xaajoon lahaa, waxaa hadaba iyaduna meesha imanaysa oo la isweydiin karaa Maxaa reer Somaliland ku kelifay inay ka go,antahay laascanood inay tahay meel somaliland ka mid ah? akhristow sideedaba sidaad ogtahay taariikhda cidina ma masaxdo lama duugin karo cidina been kama sheegi karto, waxaa jirtay in qaaraddan africa muddo haatan laga joogo laba boqol oo sanno ay gumaystayaal kala gedisani qaybsadeen, gumastayaashaasi oo u sad dhigay xuduud (boarders), dhamaanba deeganada iyo dawladaha ku ceegagan qaarad weynta africa, taasi oo jamiciyadda quruumaha ka dhexaysaana qalinka ku duugtay in sidii gumaystahu u dhigay xuduudaha africa aan dib looga noqon karin lama taabtaanna tahay. hadaba waxaan odhan karta shacabka reer somaliland oo ilaahay ku manaystay caqli farabadan iyo foojignaan dheeraad ah ayaa iyaga oo aan marnaba adeegsanayn xoog iyo xeelad militery waxay ugu yabooheen walaalahooda reer Laascanood in ay xushmeeyan qodobada iyo qaraarada caalamiga ah ee qaramada midoobay runtiina taasi waxa ay ka midho dhashay ka dib markii dhawaan suldaano, cuqaal, garaado, iyo siyaasiyiin reer Somaliland ahi ay ku qaateen muddo bil ah in ay hawlo nabadeed dhex dhexaad ka gelaan, wada xajoodna ka gelaan sidii looga wada hadli lahaa arrimahaasi, ilaahay mahadii waa lagu guulaystay waxaana laga soo saaray bayaan loo wada dhanyahay. hadaba waxaa iyaduna meesha iman karta hadii taasi lagu guulaystay maxaa meeshaba keenaya in maamul goboleedyar oo jiritaankiisuba saqiiryahay ku loolamo gobolka sool? waxaan jecelahay inaan faallo kooban ka bixiyo arrintaasi.

Top


ARGAGIXISADA GAROWE IYO GASHAANKA SOMALILAND

Somaliland waxay ay leedahay ciidamo oo ah naftooda hurayaal si gaar ah u tababaran oo u adeega difaaca qaranka dhulkooga hooyo, waxa ay ciidamadaasi hadii loo baahdo ku qaadan karaan hawl gal (operation) in ay cagta mariyaan dhamaan argagixisada saldhiga ku leh tuulada garoowe, oo ay xitaa hadday doonan u qabsan karaan hawlo amaan ah awgeed iyaga oo ka sifayn kara hadii loo baahdo (cleaning the terorrims grouped in garowe), waxaa ficilkaasi in lagu dhaqooqo uu inyar u jirsaday maalintii doraad ahayd ka dib markii shacabka reer somaliland oo dhami ay aad uga cadhoodeen falkii argagixinimo (terror action) ee ay argagixisada garoowe ku soo qaadeen Madaxweynaha qaranka jamhuuriyadda Somaliland, waxaa laga dareemayey dhamaan talisyada ciidamada kala gedisan ee Somaliland dhaqdhaqaaq iyo shirar kala duwan, iyadoo xitaa ay dhaqdhaqaaq sameeyen qaybta ciidanka qaranka Somaliland ee saldhigoodu yahay Magalada Caynabo si ay u adkeeyan una galaan magaalada laas canood, balse nasiib wanaag Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa amar ku bixiyey inaan wax talaabo ah la qaadin ee isaga laga war sugo intuu safarka dhamaysanaayo, balse taasi waxay cadho ka keentay ururuda mucaaridka ah sida ururada ASAD, UCID, KULMIYE, HORMOOD, waxaanay ku baaqeen in ciidamada Somaliland loo ogolaado inay hawlgalkaasi fuliyaan, taasi ma dhicin ee mudane Rayaale wuxuu ballan qaaday inuu sida ugu dhakhsaha badanleh go,aan uga gaadhi doono hawlahaasi, wuxuuna ballan qaaday in uu u adeegi doono qaranka iyo shacabka Somaliland meel wal oo ay joogaan kana difaaci doono argagisada saldhigyada ku leh GAROOWE IYO MUQDISHO labadaba. hadaba waxaa la isweydiin kara talaabo intee le,eg ayuu Rayaale laga filaya inuu qaado. 

SOMALILAND GUUL IYO GOBONIMO.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

Top