Cumar Carte Oo Si Weyn loogu Soo Dhaweeyey Burco
Sheeko
Guusha urur Gaadho Danta Qarankaa Ka Weyn
Taariikh Nololeedkii Alla Ha U Naxariistee Muj: Aaden Dhamac Diiriye
1947-2002
Ururka Hormood Oo Xafiis Ka Furtay Degmada 26 June
AC-Milan Oo Hogaanka U Qabatay
Guruubka (C) Markii Ay Ka Guulaysatay Borusia Dormand
Barcelona Oo 3-1 Kaga Badisay Newcastle
Mingistu
Golaha Guurtida oo ka hadlay
doorashada
"Waxaanu cadaynaynaa inay beeshu taageersan tahay ururka UDUB"
Ururka KULMIYE oo isu soo bax sameeyey
Madaxweyne Rayaale iyo weftigisii
oo Hargeysa ku soo laabtay
"Waxa Hubaal Ah In Reer Sool Ka Tirsan yihiin Somaliland"
CABDIRAXMAAN BINU CAWF
"Doorashooyinkii Lixdankii iyo
Kuwa Maanta wax isma doorshaan" |
|
Cumar Carte Oo Si Weyn loogu Soo Dhaweeyey Burco
|
Burco (Haatuf): wefti balaadhan oo ka socda ururka HORMOOD oo uu hogaaminaayo musharaxa ururkaasi Cumar Carte Qaalib, ayaa maalintii doraad galabnimadii gaadhay magaalada Burco ee xarunta gobalka Tog-dheer, halkaas oo si weyn logu soo dhaweeyey iyadoo anay u kala hadhin.
Sida uu ku soo waramay Axmed Aadan Yuusuf oo ka tirsan Haatuf, weftiga oo hor kacaayo Cumar Carte Qaalib oo ay ka mid yihiin gudoomiyaha ururka HORMOOD Axmed Muxumed Madar, xog-hayaha guud ee ururkaas Eng. Cabdi Cali Jaamac iyo mas’uuliin kale oo ka tirsan ururkaas, waxaay maalintii shalay dadweynaha reer Burco kala hadleen fagaaraha Khayriyada oo ay isugu yimaadeen dadweyne aad u faro badani.
Ugu horen waxa halkaa ka hadlay gudoomiyaha ururka HORMOOD ee gobalka Tog-dheer Xasan Aadan oo ka hadlay ururka HORMOOD kuna soo dhaweeyay weftiga ururka magaalada Burco.
Ka dib waxa hadalka qaatay xog-hayaha guud ee HORMOOD Eng. Cabdi Cali oo dadweynaha reer Burco uga mahad naqay sida sharafta leh ee ay u soo dhaweeyeen "Burco waa magaaladaydii waxaanan jecelahay horumarkeeda, aniga oo ka qayb qaata dhismihii magaalada oo aan dhisay qaybo badan, markaas reer Burcow waxaan idiinku maqnaa sahan aan wax ku indhaindhaynaayay aniga oo eegaayay ururka dalka iyo dadkaba wax u qaban kara waxaanu ururkaasi noqday HORMOOD" ayuu yidhi xog-hayaha guud isaga oo ka hadlay intaa ka dib weerarkii ka dhacay Laas-caanood oo uu ku tilmaamay fal aad u xun oo lagu doonaayo in wax lagu yeelo Qaranka iyo xasiloonidiisa.
Xog-hayaha guud ka dib waxa dadweynaha reer Burco khubad balaadhan u jeediyay musharaxa ururka HORMOOD Cumar Carte Qaalib taasoo uu kaga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray iyo halganadii sidaba jooga ahaa ee la soo maray laga soo bilaabo 1960-kii ilaa marxalada uu maanta maraayo "Burco waxaan macalin ka noqday aniga oo 16 jir ah iyadoo ay I hor tubanyihiin dad faro-dan oo aan macalin u ahaa " intaa markii uu yidhi ayaa waxa salaan kula soo yaacay Cumar Carte dad faro-badan oo odoyaal ah oo uu Cumar Carte macalin u ahaa kuwaas oo xamaasad galiyay masraxa khayriyada Burco iyo ku dhawaaqayey erayo xamaasad leh oo ay ku soo dhaweynayaan, isaga oo aad uga hadlay ahamiyada waxbarashada oo uu sheegay in ay siinayaan ahmiyada kowaad " Qofku hadii uu aqoon leeyahay isagu wax buu qabsanayaa dalkiisana wax buu u qabanayaa, marabno inaanu aragno dhalinyaro bilaa camal ah, waxaanu doonaynaa markaanu dhalinyarada wax barno inaanu shaqooyin u abuurno" ayuu yidhi Cumar Carte.
Ka dib waxa uu ka hadlay khayraadka dalka iyo sida horumar lagu gaadhi karo waxaanu yidhi " Sidaad ogtihiin dalkeenu waa dal dihin gobal kasta waxa uu hodan ku yahay ayaanu horumarinaynaa tusaale ahaan Burco waxaanu ka horumarinaynaa xagga xoolaha nool sidii aanu suqyo ugu raadin lahayn, daaqa iyo caafimaadkoodana u sugi lahayn waana muhimadayada kowaad in gobal walba waxa uu hodanka ku yahay awood la saaro" ayuu yidhi, isaga oo intaa ku daray in uu dadaal u galay sidii xoolaha xayiraada looga qaadi lahaa " Waxaan dadaal badan u galay sidii Sucuudigu xoolaheena u furi lahaa, aadna waan ugu musanaabay amiirada Sucuudiga, waraaqo iyo dhanbaalona hawada ayaan u mariyay waxaanan ka war helay in ay garawsadeen" ayuu yidhi Cumar Carte, ugu dambayntiina waxa uu u soo jeediyay dadweynaha inay codkooda siiyaan cidii ay isleeyihiin waxbay idiin qabanaysaa.
Waxa isaguna halkaasi ka hadlay gudoomiyaha ururka HORMOOD Axmed Muxumed Madar isagoo sharax ka bixiyay ahdaafta iyo barnaamijka ururka waxaanu ka codsaday taageerayaashooda inay codbixinta uga qayb qaataan si asluub leh amaankana ilaaliyaan isagoo dadweynaha u sharaxay astaanta HORMOOD oo ah shinbir ama baas duulaya.oo magaca HORMOOD sita. Sida uu weriyuhu ku soo waramay ururka HORMOOD waa ururkii ugu horeeyay ee dadweynaha Burco u sharaxa astaanta u gaarka ah. Socdaalka weftigani waxay qayb ka tahay Ololaha ay ugu jiraan doorashooyinka.
Top
Bilan waxay laba maalmood ku jirtay mar ay ladantahay iy mar ay doorsoonto dhakhaatiirtuna waxay u sheegeen edadeed Ruun Saddexle in aan dhibaato weyni jirine ee ay waxoogaa naxdina oo ku dhacday ay keentay shoog (shock).
Baxnaan markii uu habeen ku dhaxay guriga Qaali Jaamac oo hadda xaaskiisa ah, ayuu gelinkii dambe is yidhi gurigaagii tag laakiin wuxuu la kulmay guri xidhan oo aan cidi joogin waxayna jaarkii u sheegeen in Bilan loo qaaday xagga dhakhtarka, Baxnaan xanuun kumuu ogayn Bilan markii uu jaarka weydiiyayna waxay u sheegeen in iyadoo la sido oo xaaladeedu halistahay laga qaaday guriga Baxnaan dhidid waaweyn ayaa ka soo daatay muuna haleelin in uu gaadhi ama bas u raacoo dhakhtarka wuxuuna miciinsaday lugta, markii u tagay dhakhtarkii baadi goob ka bacdi wuxuu soo dul joogsaday Bilan oo aan markaa indhaha kala hayn oo ay dul joogaan edadeed Ruun iyo ina abtideed Salma, Baxnaan ha soo xiiqee lamuu kulmin waji wanaagsan markii uu dul yimid Bilan waxaa si kulul loogu eedeeyay inuu isagu sababay xanuunkan ay Bilan cusbitaalka u taalo, waxaana lagu eedeeyay inuu yahay qayru masuul aan ogayn goortii la keenay dhakhtarka xaaskiisii uu ka masuulka ahaa, ereyadaa iyo wajiyo aad u adag oo uu kala kulmay Baxnaan sariirtii dhakhtarka ee ay Bilan taalay ayuu Baxnaan is-yidhi yaan la idinku soo buuqin, Baxnaan oo sii socda iyo Ruun oo hoos u tidhi "Baxnaankaaga mooyee na dhaaf balaayayahay inanta loo soo diray", ereyadaa dambe ayaa ku dhacay dhegaha Bilan oo indhaha kala qaaday waxay tidhi Bilan "Alla iigu yeedha ma Baxnaan buu ahaa", Baxnaan isagu muu maqal ereyadaa Bilan oo ku soo baxay cod gaaban, laakiin waxaa maqlay Ruun iyo Salma, oo ugu jawaabay Bilan si wada jira "naa naga aamus Baxnaan waa kee ma ka sidan ku baday, waxa la yidhi qofkaan quusan isagaa quusa", Bilan waxay sii eegtay albaabkii iyadoo markii ay arki wayday u holotay in ay istaagto si ay u dhaqaaqdo, waxaase qabtay oo jiifkii sariirta ku celiyay edadeed iyo Salma oo ilama abti yihiin, Bilan hadda waxaa loola dhaqmayaa sidii qof aan maskaxdeedu caafimaad qabin oo noqotay sida qof wax u dhimanyihiin, isla maalintaas ayaa dhakhtarka laga saaray Bilan oo la geeyay guriga edadeed, xiligaa Baxnaan wuxuu soo taagnaa dhinaca koonfureed ee wada hormarta cusbitaalka oo uu halkaa u taagnaa bal in ay ka yara dhaqaaqaan edadeed iyo ina abtideed aad u yara gashid Bilan’e, rajadaasi waxay dhammaatay markii uu arkay in garbaha la hayo oo laga saaray cusbitaalkii, Baxnaan wuxuu ogyahay in lagaga kacsanyahay dhinaca Ruun iyo inanteeda markaa iskumuu dayin inuu la hadlo Baxnaan hadda wuxuu hoy ka dhigtay guriga Qaali, maadaama uu gurigiisu xidhnaa oo furahana ay haysay Salma oo iyadu dhakhtarka geysay Bilan, Qaali iyada way u ahaatay oo Baxnaan guursay, waxaanay u aragtaa in jacaylkii ay riwaayada ku matashay ee iyada iyo Baxnaan uu isu rogay mid dhaba, laakiin dhinaca Baxnaan waa jooge maqan oo qalbigiisu wuxuu ku maqanyahay dhinaca Bilan, Baxnaan wuxuu isku dayaa inuu qariyo maahsanaantiisa marka uu la joogo Qaali isagoo og in Qaali ay tahay gabadh kulul oo dabeecad adag isagana aan kabaha ula baxayn, dhinaca kalena wuxuu is leeyahay Bilan faro kuma hayside bal haddana Qaali ha isa seegina, fanaaniinta ay isku shaqada yihiin, Baxnaan iyagu waxay raali ka yihiin guurkan cusub ee uu Baxnaan guursaday fanaanada Qaali, waxaana Baxnaan ku socota hambalyo toosa iyo mid laga soo hambalyeeyo warbaahinta, waxaa kale oo jira barnaamijyo faneed oo ay fanaaniintu u dhigayaan si ay lacag ugu deeqaan qoyska reer Baxnaan dhinaca Qaali, Baxnaan xagga dhaqaalaha isagu kama masuul aha xaaskiisa cusub ee Qaali, lama weydiin biil iyo wax kale toona weliba Qaali waxay u soo iibisay dhar ay dookh ahaan iyadu jecelaysatay inuu Baxnaan xidho, hadda Baxnaan kama aha waayo arag iyo nin wax badan u sheegi kara Qaali oo iyadu leh waxbarasho ilaa dugsi sare.
Dhinaca kale Qaali waxay ku kortay kuna dhalatay Hargeysa oo waxaa kala duwan nolosha korniin ee iyada iyo Baxnaan, kala duwanaashihii doonaa ha jiree, aqoonta waxbarasho ee ay doonto Qaali ha dheeraato Baxnaan hadda waa qoys Baxnaan iyo Qaali, nolosha qoysnimo ee ay hadda bilaabeen waa mid aad uga duwanaan doonta jilistii riwaaydii qalbi jacayl iyo qiil magaalo oo sabab u ahayd guurkan Qaali iyo Baxnaan.
Bilan waxaa loo qaaday reerkoodii miyiga waxaana go’aankaa gaadhay edadeed Ruun oo aad uga xanaaqday guurka labaad ee Baxnaan iyadoo Ruun og sida ay Bilan daacada ugu tahay Baxnaan.
Top
Guusha urur Gaadho Danta Qarankaa Ka Weyn |
Maalin qudha ayaa inaga xigta xiligii loo qoondeeyay inay doorashooyinkii dawladaha hoose dalka ka dhacaan.
Waxa ku tartamaya 6 urur Siyaasadeed, mid waliba doonayo inuu hanto guusha. Kuwaasoo soo gebagebaynaya olole ay soo wadeen in muddo ah.
Laakiin marka la eego dedaalka ay ururadu wadeen waxa uu mid waliba awooda saaray sidii uu guusha u heli lahaa, una soo jiidan lahaa taageerayaal badan oo ah dadweynaha codkooda bixinaya.
Marka taa la eego, waxay leedahay halis fara badan oo ku xeeran Marka aynu darisno xaaladda guud ee dalku siduu yahay, maamulka oo aan wada gaadhin qaybo ka mida dalka, dadweynaha oo aan waayo arag u ahayn habka doorashooyinka axsaabta badan. Marka taa lagu darro cadawgeena dibadda oo aad u fara badan, oo dedaal ugu jira sidii ay khalkhal u gelin lahaayeen doorashooyinka.
Sidaa darteed waxa ururada saaran xil culus kaasoo ah inay ka digtoonaadaan habka ay doorashooyinku u dhacayaan, si aanay khalkhal iyo amaan darro u sababin. Waana inay doorashadu noqoto mid ku salaysan danta guud ee dalka oo aan loo eegin danaha ay leeyihiin ururada iyo shakhsiyaadka ku loolamaya doorashada, marka aynu sidaa leenahay waxaynu uga jeednaa in ururada iyo shakhsiyaadka tartamayaaba inay dantooda gaarka ah ka horeysiiyaan danta guud. Dadweynaha wax dooranaya waa in ay u eegaan codkooda halka ay danta dalka iyo dadkuba ku jirto.
Marka doorashooyinka la eego dhibaatooyinka ay sababi karaan waxaynu tusaale u soo qaadan karnaa doorashooyinkii ka dhacay maraykanka sanadkii 2000kii taasoo dhalisay muran ku saabsan cidii guusha heshay, George W. Bush iyo Al-Gore oo ku tartamayay doorashadaasi. Balse markii dambe murankaasi waxa uu soo afjarmay markii ay go’aan ka soo saartay Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalkaas. Marka taa la barbar dhigo doorashooyinkeena waxay sababi karaan muran kaas la mida.
Haddaba waxa haboon inay ururadu muujiyaan isu tanaasul, iyagoo aqbalaya natiijooyinka ka soo baxa doorashooyinka. Waxa iyaduna qodob kale oo muhiima ah, inay ururadu iska ilaaliyaan inay u adeegsadaan doorashada cid aan xaq u lahayn codbixinta taasoo muran ka abuuri karta natiijooyinka doorashooyinka, islamarkaana dalka u horseedi karta dhibaato.
Waxa iyaduna xusid mudan sidii wadaniyada lahayd ee ay ay ururadu ugu heshiiyeen qaabka ugu haboon ee ay doorashooyinku dalka uga dhici karaan. Taas oo ay wada jir ugu sexeexeen habeenkii ciidu soo galaysay, xaflad lagu qabtay Hotel Mansoor laakiin taasi waxay u baahantahay in lagaga dhabeeyo xiliga doorashada. Waxa iyaguna amaantaa la wadaaga cidii ka soo shaqaysay heshiiska oo uu ugu horeeyo akadamiyada nabada iyo horumarka, taasoo la odhan karo ururada siyaasadu waxay muujiyeen debecsanaan wadaninimo. Ugu dambayntii waxa loo baahanyahay inay doorashooyinku noqdaan kuwo aayo uga taga ubadkeena iyo mustaqbalka dalkeena. Siduu abwaankeena Hadraawi hore u yidhi " Ku Sin inan Dumaalkeeda Sahan Dambee Laalan".
Top
Taariikh Nololeedkii Alla Ha U Naxariistee Muj: Aaden Dhamac Diiriye
1947-2002 |
Kayse Maxamed Cabdi.
Alla ha u naxariistee waxaa 6dii bishan December ku geeriyooday magaalada Jidah ee dalka Sacuudi Areebiya Muj: Aden Dhamac Diiriye oo ka mid ahaa halyeeyadii u soo dagaalamay xorriyada Somaliland xiligii SNM, Aaden Dhamac wuxuu ku dhashay Hargeysa sanadkii 1947kii Waxbarashada hoose/dhexe wuxuu ku dhamaystay Hargeysa, Waxbarashada dugsiga sare Camuud iyo Faarax Oomaar Hargeysa. Sanadkii 1971kii ayuu ku biiray Ciidamada waxaana waxbarasho uu Aaden Dhamac ugu maqnaa Ruushka ilaa sanadkii 1973kii, hawsha milatariga ayuu Aaden Dhamac kaga caanbaxay madaafiicda iyo hogaamintooda waxaanu ka gaadhay darajada Kornayl waxaana lagu siiyay bilad geesi, Alla ha u naxariistee Muj: Aaden Dhamac sanadkii 1983kii ayuu ku biiray halgankii hubaysnaa ee ay wadeen ururkii SNM waxaanu ka talaabay magaalada Boorama, intii aanu talaabin ka hore Aaden Dhamac Alla ha u naxariistee wuxuu ka hadli jiray cidii xaq darro lagula kacayo, ee uu la kulmo, intii uu socday halgankii SNM wuxuu Aaden Dhamac qabtay xilal kala duwan sida, taliye aag, taliye qaybeed, hogaano kala duwan oo uu ka midyahay hogaanka madaafiicda iyo hogaanka sahanka. Sanadkii 1994kii alla ha u naxariistee Muj: Aadan Dhamac wuxuu kaalin mugle ka qaatay aasaaskii guutada koowaad ee Ciidamada Qaranka ee Somaliland, sanaadii 1997kii wuxuu ka qaybgalay shirweynihii beelaha Somaliland ee Hargeysa oo lagu doortay M/weyne iyo M/weyne-xigeen.
Rabi naxariistii janno ha ka waraabiyee wuxuu ifka kaga tagay, Marxuum Aadan Dhamac Diiriye 4 carruura (3 hablood iyo wiil), Alla naxariistii janno ha ka waraabiyo. Aamiin aamiin aamiin waxa diyaariyay
Top
Ururka Hormood Oo Xafiis Ka Furtay Degmada 26 June |
Hargeysa (Haatuf) urur siyaasadeedka HORMOOD ayaa doraad xafiis cusub ka furtay Degmada 26ka June ee magaalada Hargeysa. Xafiiskaas oo ay furteen urur dhalinyaro ah oo magaciisa la yidhaahdo HUBSAD lana midoobay ururka HORMOOD, waxana xafladii furitaanka xafiiskaa hadal uga jeediyay Xasan Cabdi Maxamuud (Xasan Xaydh) oo ka mida musharaxiinta HORMOOD ee Golaha deegaanka Hargeysa. Waxaanu u mahad naqay ururka dhalinyarada ee HUBSAD oo iyagu gartay inay ku biiraan ururka HORMOOD isla markaana abaabulka xafiiska lahaa. Waxa kaluu ka hadlay barnaamijka ururka HORMOOD ay ku galayaan doorashooyinka iyo waxa uu ku talo galkoodu yahay haddii ay ku guulaystaan doorashooyinka. "cashuurta aad bixisaan ayaanu idiinku dhisi doonaa magaalada anagoo la dagaalamayna musuqmaasuqa iyo ku tagri falka hantida dadweynaha" ayuu yidhi Xasan Xaydh ugu dambayna wuxuu ku dhiiri galiyay dadweynaha inay u codeeyaan ururka HORMOOD, ee uu musharaxa ka yahay Cumar Carte Qaalib.
Dhinaca kalena maalintii shalay wefti uu horkacayo Xasan Xaydh ayaa socdaal wacyi gelineed ku soo maray degmada Daarasalaam iyo nawaaxigeeda iyagoo dadweynaha deeganadaas kala hadlay sida ay codkooda u bixinayaan islamarkaana waxay ku booriyeen inay codkooda siiyaan HORMOOD. Meelaha ay soo mareen waxa ka mid ah Degmada Daarasalaam, Biyo Khadar, Geed-Deeble, Xeedho, iyo Uudaan. Iyagoo meelaha qaarna ka soo furay xafiisyo u leeyahay ururka HORMOOD.
Top
AC-Milan Oo
Hogaanka U Qabatay Guruubka (C) Markii Ay Ka Guulaysatay Borusia
Dormand |
Habeen hore ayay Kooxda AC-Milan hogaanka u
qabatay kooxaha ku wada jira Group-C ee tartanka Champion markii ay ka
badisay Kooxda Jarmalka ah ee Borusia Dormund ciyaar ka dhacday Jarmalka,
Kooxda AC-Milan waxay guushu ku raacday hal gool oo kaliya, Borusia aanay
waxba ka dhalin.
Goolka qudha ee dhashay ciyaarta waxaa dhaliyay Filipo Inzaghi Wuxuuna
ahaa goolkaa ay guusha ku hanteen Kooxda AC-Milan oo leh lix dhibcood
wareega labaad ee tartanka Champions waxaanay hore ugaga soo badisay
AC-Milan 2-1 kooxda Lokomotic Moscow, Inzaghi wuxuu dhaliyay goolka
daqiiqadii 49aad ciyaartaas ka dhacay garoonkaas oo uu heer kulku aad u
qaboobaa wuxuu gaadhay (4Co) markii ciyaartu bilaabantay waqti ayaanay ku
qaadatay in ciyaartoydu isku kululeeyaan, Kooxda Dortmund oo ay
weerarkeeda hogaaminayeen ciyaartoyda kala Marcio Amoroso, Jan Koller,
Tomas Rosicky iyo Ewerthon waxay u dedaaleen si alla sidii ay gool ku
dhalin karayeen qaybtii hore ee ciyaarta waxaase fursad siin waayay
difaaca Kooxda AC-Milan, daqiiqadii 20aad ee ciyaartaas ayuu Rosicky ayuu
kubad la beegsaday gool Ac-Milan, kubadaas oo halis-galisay goolka
AC-Milan waxay dulmartay birta goolka waxaanay xagga dambe kaga dhacday
shabaga dushiisa, goolka ay guushu ku raacday AC-Milan ciyaartaas ee uu
dhaliyay Inzaghi wuxuu dhashay ka dib markii uu Clarence Seedorf uu kubad
sare u soo gudbiyay Inzaghi oo isna lugta bidix ku daba mariyay gool
hayaha Borusia Dortmund, goolkaas oo ay guushu ku raacday AC-Milan
tababaraha AC-Milan Carlo Ancelloti ayaa amaan soo jeediyay weeraryahanka
kooxdiisa ee Filipo Inzaghi isaga ku amaanay gool kale oo qaaliya oo uu
kooxdiisa AC-Milan u dhaliyay oo ahaa goolka ay guushu ku raacday AC-Milan
ciyaartan Borusia Dortmund afar cisho ka dib goolkii uu Filipo Inzaghi u
dhaliyay AC-Milan oo ahaa goolkii ay kaga badisay AC-Milan 1-0 kooxda AS
Roma, goolkaas oo guushii ay ka heshay AC-Milan ay hogaanka ugu qabatay
kooxaha Serie (A) ee talyaaniga, Ancellati tababaraha AC-Milan wuxuu ku
tilmaamay Filipo Inzaghi nin dhaliya goolalka qaaliga ah, waxaa kale oo uu
sheegay in u jeclaystay heerka ay taagantahay kooxdiisa AC-Milan.
Top
Barcelona Oo 3-1 Kaga Badisay Newcastle |
Barcelona ayaa heshay rikoodhka sare xaga guulaha ay ka soo hoysay ciyaaraha Champions- ka dib markii ay 3 gool kaga adkaatay Kooxda Newcastle arbacadii todobaadkan. Saddexda gool ee ay guushu ku raacday Barcelona waxaa u kala dhaliyay Dani Garas, Patrick Kluivert iyo Thiago Matto, dhinaca Newcastle waxaa goolka qudha ee ay dhalisay u dhaliyay Shola Ameobi.
Goolka u horeeyay wuxuu u dhashay Barcelona markii ay kubad daadihiyeen Xavi Hernandet iyo Dani ee uu kubada koonaha goolka u dusiyay Dani halkaana uu goolkii u horeeyay ugu dhaliyay Kooxda Barcelona qaybtii hore ee ciyaarta. Markii ay Newcastle ka badbaaday weeraro dhawra oo ay ku soo qaadeen weerarka Barcelona ayaa kula sinmeen kooxdii la ciyaaraysay gool u si fiican uga soo shaqeeyay Ameobi oo saxeexay kooxdiisa ka dib markii uu kubada uu u soo baasay Kieron Dyres uu si fiican u maamulay Ameobi oo dhinaca midig kubada kala soo galay goolka Barcelona halkaana barbaro kaga dhigay ciyaarta, toban daqiiqadood markay ka hadhsanayd dhamaadii qaybtii hore ee ciyaarta ayuu kubada loo soo gudbiyay si fiican uga faa’iideeyay Kluivert oo uu dhaliyay goolkii labaad ee kooxdiisa qaybtii hore ciyaartaasi ku soo gebagebawday 2 gool oo ay leedahay Barcelona iyo gool ay dhalisay Kooxda Newcastle. Bilowgii qaybtii labaad ee ciyaarta waxaa labada kooxoodba heleen fursadoo badan oo goolal ka dhalan karayeen, laakiin laga aan faa’iidaysan ka hore daqiiqadii 58aad markii uu madaxa ku dhaliyay Motto kubad koone, laga soo laaday. Halkaasna uu ugu dhaliyay goolkii saddexaad kooxdiisa Barcelona daqiiqadii 70aad aad ayuu darbad xoogan oo hoose la beegsaday Ameobi goolka Barcelona laakiin waxaa dibadda u saaray kubadaa goolwalaha Barcelona Roberto Bonano, sidaas ayay ku soo gebagebawday 3 gool oo ay guushu ku raacday Barcelona, halkaa ay Newcastle ka dhalisay gool kaliya, waxaa ciyaarta daawashadeeda tooska ah ee garoonka lagu ciyaarayay ka soo qayb gashay 45,110 oo daawade
Top
Mingistu Xayle Mariam, isaga oo weli ka waramaya boqorka iyo sidii xukunka looga wareejiyey iyo sidii ay xaaladiisu ahayd markii talada laga wareejiyey. Waxa uu yidhi "Markii u horaysay ee boqorka loo wareejiyey xerada guutada afraad aniga iyo niman kale ayaa u wada tagnay anaga oo wada socona, balse markii aanu u tagnay anigu inta aan u dhowaaday boqorka ayaan si xushmad leh ula hadlay, waxaana ku idhi "Kii haybadda lahaayow sababta aanu u jeclaysanay waxa weeye xaaladda dalkeena ka jirta awgeed, taas oo aanu uag jeedno si ammaankaaga loo sugi karo, sidaa darteed inkasta oo aanay kuu noqon karin sidii madaxtooyada oo kale, hadana waxaanu rajaynaynaa in aanay wax-ba isdheernaanayn xaaladdii nololeed ee madaxtooyada iyo xaaladda nololeed ee halkani, wixii iska kaa dhimana soo codso"., ka dibna markii aan intaa ku idhi ayaanu xeraynay oo aanu iskaga tagnay. Laakiin maalin kale ayaanu aniga iyo Adnaafu soo booqanay, maalintaana waxaanu ku nidhi kii haybadda lahaayow, anaga oo aan sharaftii uu lahaa ka qaadin. Tusaale ahaan marka aanu boqorka waydiino bal waxa uu aaminsan yahay waxaanu hadalkiisa ka fahmi jiray inuu isu arko nin Itoobiya heer sare gaadhsiiyey, sidaa darteed maalin maalmaha ka mid ah si aan u ogaado dareenkiisa ayaan ku idhi "Imbiryaaliyad", markaas ayuu yidhi "Ha odhan Imbiryaaliyad, waqti dhowayd may ahayn Imbiryaaliyad ee intii aanu ka soo wareegnay ayey noqotay imbiryaaliyad", laakiin asaasaqu may ahayn inuu sidaa yidhaahdo, balse da’diisu ha iska waynaatee, hadana sida ay dadka qaar yidhaahdaan uma asaasaqin. laakiin marka uu sidaa leeyahay waxa uu aaminsan yahay inay Imbiryaaliyaddu ahayd dawladihii ka horeeyey ee boqortooyadii Minilik.
Boqortooyadii Minilik xiligii ay talada haysay cuqaal ayaa ka talin jirtay degaamada Itoobiya, laakiin caaqil kastaa degaanka uu xukumo isaga ayaa sida uu doono ugu amarkutaaglayn jiray, sidaa darteed caaqilkaasi isaga oo ayaa xataa xoolaha ay dadku haystaan sida uu doono uga talin jiray, isla markaana isaga ayaa cidda uu doono xilka ka qaada, mana ay jirin madax ka saraysa oo looga dacwoodaa, cadaaladina may jirin, sidoo kale caaqilkaasi wax xidhiidh ah lama lahayn dawladda dhexe, laakiin xataa hadii uu xidhiidh la yeesho dawladda dhexe waxay taasi timaado marka cashuuro la ururinayo ee dhaqaale la doonayo iyo mar ay dagaalo iyo wax jiraan oo la leeyahay ka soo qayb gal ciidan iyo calaf-ba, waqtigaasna waxa uu caaqilku soo kaxaystaan ciidankiisa, sidaa darteed intaas wixii aan ahayn caaqil waliba degaankiisa isaga ayaa boqor ka ahaa oo sida uu doono ugu amar-kutaaglayn jiray, laakiin boqor Xayle Salaase arintaa wax buu ka bedelay ama ka qabtay, sidaa darteed ayuu u aaminsanaa inuu wax weyn u qabtay Itoobiya.
Anigu (Mingistu) sida aan aaminsanahay dhicista boqorka waxa u u sabab ahaa isaga (Boqorka) iyo shicibkiisa oo kala fogaaday, waayo ninka ama nimanka hogaamiyayaasha ah waxa looga baahan yahay inay gobolada iyo degaamada kala duwan ee dalkooda soo booqdaan oo ay xataa guryaha shicibka tagaan si ay dadka dareenkooda u ogaadaan, ka dibna ay fekradaha ay qabaan soo urursadaan oo ay ka duulaan.
Marka la eego dhaqanka Itoobiya boqorka sida ilaahay oo kale ayaa loo ixtiraami jiray, laakiin arimaha caynkaas oo kale ah ayaa sababay kala fogaanshaha boqorka iyo dadka. Tusaale ahaan hadii boqorka ra’yi loo soo jeediyo waxa uu odhan jiray "Sidee bay taasi u dhici kartaa, xagee baad ka keenteen fekradaha caynkaas oo kale ah" iyo jawaabo kale ayuu bixin jiray marka arin loo soo jeediyo, xataa marka loo sheego dhibaato jirta ama meel dhibaato ka jirto waxa uu odhan jiray "Idinku maxaad ka garanaysaan Itoobiya"., laakiin dhaqamada ama afkaaraha uu aaminsanaa ee iga yaabin jiray waxa ka mid ahaa isaga oo aan is odhan jirin ama aaminsanayn inay ummadiisa wax dhibaato ahi soo gaadhay. Tusaale ahaan arimo isbedel ku saabsan marka lala soo hadal qaado wuxuu odhan jiray "Idinku dalalka debedaha inta aad tagtaan ayaa wax aad soo wal-walaaqdeen halkan la iminaysaan oo aad ka sheeg-sheegaysaan, laakiin sidaa inaad yeeshaan waxa idiinku wacan faham la’aanta aydaan shicibka fahamsanayn".
Boqorku maadaama uu ahaa nin da’ ah oo aad u weyn hadalo ka nixiya may haboonayn in lagu yidhaahdo, laakiin anigu marka aan arimahaas oo kale wax ka waydiinayey waxa keliya ee aan u jeeday waxay ahayd inaan fahmo heerka uu fekerkiisu taagan yahay iyo waxa uu aaminsan yahay iyo weliba ilaa heerka uu fahamsan yahay xaaladda dalkiisa, basle ujeedadaydu may ahayn inaan dood iyo muran la galo".
Ganat: Boqorku ma ogaaday adigu cidda aad tahay?
Mingistu: Sida ay isaga la ahayd waxa uu ii maleeyey janaraal Amaane oo ahaa abaabulaha kacdoonka, isla markaana dalka maamulayey, sidaa darteed waxa uu mar-mar odhan jiray "Janaraal Amaane meeyey, ha ii yimaado oo hayla hadlo", laakiin marna ma odhan oo ma soo hadal-qaadin "Gaashaanle Mingistu", markaa marka uu yidhaahdo janaraal Amaane iigu yeedha waanu ugu yeedhi jiray, sidoo kale boqorku marka uu u baahdo qof qoyskiisa ka mid ah ee uu yidhaahdo iigu yeedha waanu ugu yeedhi jiray, sidaa darteedna mar qudha wax uu dalbaday umaanu diidin, isla markaana markii aanu madaxtooyada ka saaray, waxaanu gaynay meeshii wanaagsanayd ee aanu ugu talo galnay oo ahayd xerada guutada afraad. Laakiin waxyaalaha xusuusta igu reebay waxa ka mid ahaa, tusaale ahaan boqorka markii aanu madaxtooyada ka saaraynay waxay lahaayeen "Tuug-tuug", laakiin waxaan la yaabay waqti yar ka hor boqorku hadii uu madaxtooyada ka soo baxo marka uu jidka marayo dadku inta ay dhulka jiifsadaan ayey u sujuudi jireen, isbedelka noocaas ah ee isku xigay waxa uu ahaa mid cibro qaadasho ku fillan, sidaa darteed waqtiga iyo dadkuba way isbedelaan...
La soco cadadka dambe.
Top
Golaha Guurtida
oo ka hadlay doorashada |
Hargeysa (Haatuf): Golaha Guurtida Somaliland ayaa shalay soo saaray baaq ay ugu talo galeen marxaladda doorashada, waxayna dhinacyada kala duwan ee ay doorashadu khusayso u soo jeediyeen baaqyo dhawr ah.
Qoraal saddex bog ah o saxaafadda loogu talo galay ayuu xoghayaha guud ee golaha guurtidu soo saaray, waxaana qoraalkaa lagu xusay qoddobo dhawr ah oo la xidhiidha marxaladda doorashada, iyaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay ilaalinta nabadgelyada, laakiin ugu horayn odayaasha guurtidu waxay qoraalkooda ku xuseen arimo ay ka mid yihiin: Halgankii dib-uxoraynta, nabadayntii beelaha iyo go’aamadii la soo noqoshada madax-banaanida, nabadayntii colaadihii sokeeye iyo meelmarinta qaranimada iyo dawladnimada Somaliland. Hase yeeshee intaa ka din guurtidu waxay qoraalkooda kaga hadleen marxaladda doorashada, waxayna yidhaahdeen "Arinta xisbiyada badan iyo doorashooyinku waa arin inagu cusub oo aanay dadkeenu inta badan u lahayn waayo-aragnimo, isla markaana markasta oo ay laba nidaam kala digo-roganayaan waxa ka dhasha dareemo kala duwan iyo cabsi leh armaa intan yar la waayaa, laakiin waxay iswadaydiintu tahay marxaladdan doorashooyinka maxaa ina gudboon"ayey yidhaahdeen, waxayna soo jeediyeen dhawr qoddob oo kala ah:
-
Foojignaan dheeraad ah iyo ilaalinta nabadgelyada gudaheena iyo debedeenaba.
-
Cod-bixinta doorashooyinka oo aynu uga qayb qaadano si tiro iyo tayoba leh iyo doorashada oo ku meelmarta deganaan, iyadoo uu qof waliba codkiisau dhiibanayo si miyir-qabta oo aanay caadifadi ku jirin, isaga oo codkiisa siinaya ururka uu barnaamijkiisa waafaqsan yahay iyo musharaxa hadii ay tahay aqoon, karti, hufnaan iyo daacadnimo.
-
Inaynu caalamka u muuijino bisaylka bulshadeena iyo doonista dhismaha qaranimadeena oo si mug leh u tisqaada. Una meel marta, isla markaaana uu dalkeenu noqdo mid maqaam ku yeesha caalamka.
-
In isbedelka hogaaminta ee dalkeenu uu ku yimaado sifaha ku cad distoorka iyo shuruucda la xidhiidha, iyadoo aynu yiqiinsanayno inaanay jirin waddo kale oo inoo banaani.
Sidaa darteed inaga oo talo saaraynaynayna ilaaheenna waxa qof kasta oo reer Somaliland ah looga baahan yahay inuu si xil-kasnimo leh u dhawro nidaamka iyo anshaxa la xidhiidha cod-bixinta"ayey yidhaahdeen. Laakiin dhinaca ururada iyaga oo la hadlaya waxay yidhaahdeen " Waa inay goobaha cod-bixinta u soo dirtaan dad masuuliyiin ah, waana inay dadkaasi yihiin dad u hogaansamaya natiijada codka ee goobta uu wakiilka uga yahay ururkiisa, isla markaana uu tabashadiisa u maraa sida ku cad xeerka doorashada. Sidoo kale ururadu waa inay taageerayaashooda kala soo dardaarmaan wax kasta oo wax u dhimi kara habsami u socodka hawsha codaynta ee goobta. Sidoo kale dadka ku hawlan maamulka goobaha cod-bixinta iyo ciidamada sugaya amniga waxa horyaal hawl culus oo u baahan xaqsoor iyo dhexdhexaadnimo, iyadoo aanu filayno in dadkaa lagu xulay shuruudaha ku cad xeerka doorashada".
Golaha guurtidu waxa kale oo ay qoraalkooda ugu baaqeen golayaasha dawladda inay kaalintooda ka qaataan hawsha doorashada. Sidoo kalena saxaafadda ayey iyagana ugu baaqeen inay si taxader leh uga qayb qaataan hawsha doorashada oo ay ka feejignaadaan wax kasta oo xasaasiyad keeni kara. Laakiin waxay ugu dambayn yidhaahdeen "Dadweynow fursadani waa mid inoogu fadhida qiime weyn oo aan la goyn karin, taas oo u baahan inaynu uga gudubno si miyir qabta, lagagana gudbo iskaashi, isla markaana wada jir looga hortago wax kasta khal-khal gelinaya habsami u socodka hawlaha cod-bixinta, sidoo kalena waa in wixii xun laga wada hortago, wixii wanaagsana la wada taageero, sidaasina waa sida keliya ee aynun kaga midhodhalin karno hawlaha doorashada".
Top
"Waxaanu cadaynaynaa inay beeshu taageersan tahay ururka UDUB" |
Hadii aanu nahay Cuqaasha, odayaasha, dhalinyarada, culimo-udiinka iyo wax garadka hoos ku qoran oo ku abtirsada beesha reer-Dudub (Ka mid ah beelaha Awdal), anaga oo txiraacayna bayaan ku soo baxay wargeyska Haatuf, cadadkiisii soo baxay Diisembar, 10, 2002, bayaankaas oo ay ku qornaayeen dad aan cidna metelin, kuna hadli karin magaca beesha, waxay sheegeen inay beeshu taageeradii kala noqotay ururka UDUB, laakiin waxaanu halkan ku cadaynaynaa inaanay taa waxba ka jirin ee ay tahay been-abuur aan raad lahayn, sidaa darteena waxaanui mar kale cadaynaynaa inay beesha Reer-Dudub si buuxda u taageersan tahay ururka UDUB ee uu hogaamiyo madaxweyne Daahir Rayaale.
Xubnaha qoraalka saxeexay
Caaqil, Gamiye C/laahi Buubal
Caaqil, Xaaji Cabdi Maxamuud
Caaqil, Ismaaciil Maxamuud
Caaqil, Daahir Ismaaciil Furre
Caaqil Xuseen Cali Sabban
Cabdi C/laahi
Suldaan Cismaan Faarax
Cumar Muuse Fadal
Samadoon, Muuse Maxamuud
Nuur Cali Budin
Aadan Maxamuud Hoori
Barkhad Geedi Faahiye
Maxamed Muuse Budin
Jaamac C/laahi
Bul-bul Maxamed Ducaale
Axmed Xoosh Cumar
Samaroone Cumar Geedi
Axmed Ismaaciil
Maxamuud X. Xasan Sugaal
Axmed Sh. C/laahi
Maxamuud Sh. C/laahi
Maxamuud Sh. C/laahi Ibraahin Muumin Gadiid
Siciid Amiin Gadiid
Xaaji Cumar Geedi
Sh. Cumar Cismaan
C/laahi Cismaan
Iyo Axmed Hoori Buux.
Top
Ururka KULMIYE oo isu soo bax sameeyey |
Hargeysa (Haatuf): Urur-siyaasadeedka KULMIYE ayaa shalay magaalada Hargeysa ka sameeyey isu soo bax balaadhan, waxaana fagaaraha khayriyadda khudbado ka jeediyey hogaamiyayaasha ururka KULMIYE.
Boqolaal qof oo taageerayaasha ururka KULMIYE ah ayaa iyaga oo baabuur basas u badan wata magaalada ku soo wareegay, waxayna dadkaasi ku dhawaaqayeen halku-dhegyo ay ku muujinayaan taageerada ururkooda, isla markaana waxa baabuurta qaarkood ku rakibnaa makarafoono ay ka baxayaan heeso lagu amaanayo ururkaaa, laakiin markii dambe waxay taageerayaasha ururka KULMIYE iyo dadweyne kale oo tiro badani isa soo dhoobeen fagaaraha khayriyadda , halkaas oo ay khudbado uga jeediyeen hogaamiyayaashoodu, waxaana raggi halkaa ka hadlay ka mid ahaa gudoomiyaha ururkaa, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isla markaana khudbadaha ka sokow waxa madashaa laga soo jeediyey gabayo, heeso iyo barnaamijyo kale. Sidoo kalena marka laga yimaado gudoomiyaha ururka waxa kale oo halkaa ka hadlay gudoomiyaha xafiiska gobolka Hargeysa ee ururka KULMIYE, C/casiis Maxamed Samaale, iyadoo isu soo baxa ururka KULMIYE qayb ka ahaa gebagebada ololaha doorashada dawladaha hoose oo ay ammintii loo cayimay tahay 15-ka Diisambar oo ku began maalinta Axadda ee saadambe.
"Farxad weyn bay noo tahay sida laxaadka leh ee aad uga soo qayb gasheen kulankayaga, muuqaalka maanta halkan ka muuqdaana waa mid muujinaya taageerada iyo quwadda uu haysto ururka KULMIYE"ayuu yidhi, Axmed-Siilaanyo, wuxuuna intaa ku daray "Maanta waxa la soo gebagebaynayaa ololaha doorashooyinka dalka ka dhacaya, sidaa darteed shirweyne sidan oo kale ah oo aynu isugu nimaadno waxa inoogu dambaysta maanta, markaa waynu sii dardaarmaynaa, waxaynuna ku kala tegaynaa ballan iyo axdi".
Axmed-Siilaanyo, gudoomiyaha KULMIYE waxa uu ka hadlay qiimaha ay doorashada soo socota ee dawladaha hoose u leedahay Somaliland, wuxuuna yidhi doorashada aynu gelayno hadii aynu nahay ummadda reer-Somaliland waa wax qiime weyn leh oo ay dunidu eegayso, sidaa darteed waxaanu idinku wacdiyeynaa oo aanu idinku adkaynaynaa inay doorashadaasi si nabadgelyo ah u dhacdo".
Axmed-Siilaanyo waxa uu aad uga dheeraaday dardaaran la xidhiidha ilaalinta nabadgelyada iyo in la ilaaliyo nidaamka cod-bixinta, isaga oo taageerayaashiisa ku guubaabiyey inay nidaamka iyo anshaxa doorashada ilaaliyaan. "Hadii aynu doorashadaa maanta ku guulaysano shaki kuma jiro inuu calankeenu dunida iska dhextaagi doono"ayuu yidhi. "KULMIYE wuxuu u taagan yahay hogaan ummadda ku hogaamin kara cadaalad iyo walaalaynta ummadda, ururka KULMIYE hogaankiisu waa mid hore loo soo tijaaabiyey oo aad ogtihiin, horena waa tii loogu aaminay halgankii dheeraa ee aynu dalka u soo galay, kaas oo ahaa mid nalagu aaminay, markaa waxaanu leenahay halganka maanta ee dalka dhismihiisa ahna waa inaad nagu aamintaan"ayuu yidhi, Axmed-Siilaanyo, isaga oo aad ugu dooday in dalku wax qabad balaadhan u baahan yahay, sidaa darteedna uu ururka KULMIYE horumarka dalka aad uga shaqayn doono hadii uu talada hogaaminta kuu guulaysto/ kana shaqayn doono wax soo saarka khayraadka dalka, laakiin wuxuu yidhi "Wuxuu u baahan yahay hogaan lagu aamini karo, markaa waxaanu leenahay dadweynaha reer Somaliland waxaanu nahay hogaanka aad ku aamini kartaan baanu nahay ee nagu aamina".
Axmed-Siilaanyo waxa uu dadkii isugu soo baxay fagaaraha khayriyadda laabta uga garaacay inuu ururkiisu haysto taageero shilis iyo kalsooni balaadhan, laakiin isaga oo ka hadlaya suurtagalnimada ay doorashooyin dalka kaga dhici karaan iyo waxa uu ka aaminsan yahay wuxuu yidhi "Ama run haka noqoto ama been haka noqotee waxa jira dad yidhaahdaa doorashooyin dalkeena ka dhici kari maayaan, laakiin anagu waxaanu leenahay maanta awoodaa waxa leh dadka, sidaa darteed taa xaq bay u leeyihiin, markaa ma aha in laga qaado xaqooda, lamana doonayo dawlad dadka leh ee waxa la doonayaa dawlad dadku leeyahay oo ay gacantooda ku soo doorteen ama ku soo xusheen, waxaanu idin leenahay xaqa aad leedihiin yaan laydinka qaadin oo doorashada yaan laydiin diidin".
Waxa kale oo uu gudoomiyaha KULMIYE, Axmed-Siilaanyo ka hadlay weerarkii ay dhowaan magaalada Laascaanood ku soo qaadeen ciidamada maamul-goboleedka C/laahi Yuusuf, weerarkaas oo lala beegsaday wefti uu hogaaminayo madaxweyne Daahir Rayaale oo halkaa booqasho ku jooga, wuxuuna Axmed-siilaanyo yidhi "Dadweynaha reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan waa u diyaar inay dalkooda iyo calankooda difaacaan, taa heegan baynu u wada nahay, laakiin weerarkaa waxyaalaha looga jeeday waxa ka mid ah in doorashada laynaga joojiyo, balse doorashada laynaga joojin maayo, doorashadana waynu ku soconaynaa wax inaga joojinayaana ma jiraan, ta labaad hadii loola jeeday in inaga iyo dadka walaalaha ah ee reer-Somaliland in la iska horkeeno, taa ma yeelayno, dadkana colaadi ka dhex-oogmi mayso, dalkeena gudihiisana colaadi ka dhex-dhici mayso".
Top
Madaxweyne
Rayaale iyo weftigisii oo Hargeysa ku soo laabtay |
Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigii uu hogaaminayey ee mudada toddobaadka ah socdaalka ku marayey gobolada bariga Somaliland ayaa shalay ku soo laabtay magaalada Hargeysa, taas oo madaxweynaha iyo weftigiisa si balaadhan loogu soo dhoweeyey magaalada Hargeysa, iyadoo ay masuuliyiin badan oo dawladda ah iyo dadweyne tiro badani kaga hortageen jidka dhexe.
Kolonyo baabuur ah oo ay qaar badan oo ka mid ah dheegga kaga qoran tahay calaamadda ururka UDUB ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay jidka dhexe ee wadada dhinaca Berbera, halkaas oo ay ka soo gelbiyeen, sidoo kalena waxa wadooyinka magaalada hoganayey dadweyne soo dhowaynayey, iyadoo ay madaxweyne Rayaale iyo weftigiisu subaxnimadii isla shalay ka soo bixitimeen magaalada Berbera oo ay habeen hore u hoyden.
Madaxweyne Rayaale iyo weftigiisu waxay socdaalo ku soo mareen gobolada Sool, Sanaag, togdheer iyo Saaxil oo ay ugu dambeeyeen, wuxuuna madaxweyne Rayaale meelaha uu booqday khudbado u jeediyey dadweynaha degaamadaa, laakiin khudbadiisii ugu dambaysay wuxuu u jeediyey dadweynaha reer Berbera.
Weriyaha Haatuf, Liibaan Maaweel Shire oo ka mid ahaa weryayaasha la socday weftiga madaxweynaha ayaa ka soo waramay khudbadihii ay madaxweynaha iyo weftigiisu u jeediyeen dadka reer Berbera.
Gudoomiye-xigeenka golaha Guurtida, mudane Sh. Axmed Nuux oo ka mid ahaa xubnaha weftiga ayaa ka mid ahaa dadkii ka hadlay fagaaraha khud-badaha magaalada Hargeysa, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa "Magaalada Laascaanood markii hore si wanaagsan baa naloo soo dhoweeyey, laakiin markii dambe nasiib xumo ayaa nagu dhacday oo duulimaad nagaga yimi dhinaca Puntland oo ay iyaguna (ReerSool) iska celin-waayeen ileyn inay iska celinyaan bay ahayde ayaa arintii kharibtay, markii aanu qaddaynay ee aanu inyar fadhinay ee aanu samaysanay jadwalkii lagula hadli lahaa reer Laascaanood oo aanu filayno inay garaadada iyo cuqaasha iyo wax garadku noo yimaadaan ayaa waxa nagu bilaabantay xabbad, aad iyo aad baanu u yaabnay, laakiin madaxweynuhu wuxuu yidhi yaan dumarka iyo caruurta waxyeelo soo gaadhin ee dagaalku yuu socon, markaa iyagu hadii ay doonaan ha yidhaahdeen nimankii way yaaceen, ciidamada oog jooga ayaa iyaguna hore u ruqaansaday, laakiin madaxweynaha ayaa amar ku siiyey inay noqdaan,waayo magaaladu way burburi lahayd hadii dagaal ka qarxo, madaxweynuhu waxa uu ka sharaxan yahay xisbiga UDUB, sidaa darteed hadii aad doorataan wuu idiin shaqaynayaa".
Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay wasiirka warfaafinta, C/laahi Maxamed Ducaale, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa "Rag baa yidhi Bebera gobol uma qalanto, raggaasi maanta way noolyihiin, rag baa diidanaa in distoorka loo codeeyo, laakiin markii ay geeridu inagu timi waxaynu ku kala badbaadnay distoorka ee ay ragga maanta inala jooga diidanaayeen".
Wasiirka warfaafintu wuu sii waday hadalka, wuxuuna yidhi "Hadii aanu xukuumadda nahay in badan baanu xishoonaynay oo aanu aamusnayn oo ay meelahaa ka qaylinayeen UDUB-yadii yaryaraa ee UDUB-tayada ka farcamay, laakiin maanta waxaanu idinla socod siinaynaa inuu madaxweyne Rayaale musharaxa UDUB yahay, markaa hadii aad na doorataan waaanu idiin shaqaynaynaa, waadna ogtihiin inay xukuumaddani tahay hayin, waanuna shirabanahay".
Sidoo kale waxa isna halkaa ka hadlay wasiirka arimaha debedda , Maxamed Siciid Gees, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa "Anigu waxaan ahayd reer Berbera, markaa waxaan idinka codsanayaa inaad codkiina siisaan UDUB, xiligii marxuum Cigaal rag badan baa tareenka ka dhacay, kuwii tareenka ka dhacay maanta xisbiyo furtay".
Intaa ka dibna madaxweyne Daahir Rayaale ayaa makarafoonka lagu soo dhoweeyey, wuxuuna halkaa ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay doorashooyinka, weerarkii kala kulmay Laascaanood iyo sida ay dawladiisu ka yeelayso, isaga oo ugu horayn yidhi "Xaaladda Laacaanood waxaan u arkaa tii u dambaysay ee uu xalka dhibtu ka soo baxayey, umana arko inay dib-dhac noqonayso, waan ogaa inay ummaddu arintaa aad uga xumaatay oo uga qiirootay, laakiin marka ay arimaha noocaas oo kale ahi marka ay dhacaan ka fiirsasho ayey u baahan yihiin ee caadifad uma baahna, waxayse u baahan yihiin talo dhab ah, qarankana dhowaan talo dhab ah oo xuduudaha lagu sugayo ayaa ka soo bixi doonta", laakiin intaa ka dib madaxweynuhu waxa uu reer Berbera ugu bishaareeyey mashaariic badan, sida: Shirkado dalka maalgelinaya, dib-udhis lagu samaynayo meelo dhawr ah, sida wershadda sibidhka iyo shirkado batroolka qodi doona. "19-ka bishan ayaan tegayaa Senegaal oo laygu martiqaaday, markaa waxaan filayaa wax aynu inbadan sugaynay oo aynu bariga Afrika ka waynay inaynu halkaa ka soo helo"ayuu yidhi, laakiin madaxweynuhu waxa uu mar kale ka hadlay arintii Laascaanood, wuxuuna yidhi "Safarkaygii Laascaanood waxa uu ku jiray balamahaygii markii aan kurisgan qabtay, Laascaanood-na baqdin ugama soo bixin ee lexejeclo ayaanu uga soo baxnay, waxaanse idiin ballanqaadayaa inuu qaranku si dhakhso ah u gaadhayo taladii xuduudaha lagu sugi lahaa".
Dhinaca kale M/weyne Rayaale intii uu ku sugnaa magaalada Berebera waxa uu dhagax dhigay suuq cusub oo laga dhisayo magaalada Berbera, suuqaas oo ay dhismihiisa fulinayso hay’adda qaramada midoobay ee UN-HABITAT. Sidoo kale waxa la filayaa M/weyne Rayaale inuu maanta dadka reer Hargeysa kala hadlo fagaaraha Khayriyada.
Top
"Waxa Hubaal Ah In Reer Sool Ka Tirsan yihiin Somaliland" |
Cisman Qawdhan Warsame
Norway, Jaaliyadaha Degaanka Sool
Waxaa hubaal ah in Beesha Sool ay ka tirsantahay Somaliland marka loo eega dhul, dhaqan, wada noolaansho iyo walaaltooyoba. Waxaa aduunku markaati ka yahay in shacabka Reer Somaliland uu yahay shacab nabada jecel waana tay Soomaalida kale kaga duwan yihiin horumarkana ku gaadheen. Waxaan ogsoonahay in laga masayray halka Somaliland marayso.
Waxaanaynu sugaynay meeshii laynaga soo geli lahaa iyadoo Alla ha naxariistee uu ilaalin jiray Madaxweynaheenii geeriyooday meesha ugu sahlan ee laynaga soo geli karo taasoo uu u arkayey inay tahay Gobolada Barri ah meesha xaasxaasiga ah ee qabiilka loogu soo dhuuman karo isagoo Gobolka Sool aan cidna taladiisa waxba ka siin jirin isla markaana xubanaha ugu jira golaha Wasiirada ku gacansaydhi jiray fekradahooda ku saabsan Degaankaas.
Hadaba Anigoo ku hadlaya afka Jaaliyadaha Dibada ee Sool waxaan shacabka Somaliland Xukuumada iyo Golayaashaba u soo jeedinayaa inaanay raacin Dariiqa la doonayo in lagu burburiyo Somaliland kaasoo ah inay nabadgelyadeena burburiyaan isla markaana inoo qaybiyaan qabaa,il.
Waxaan canbaaraynaynaa hadalkii Axmed Cabdi Xaabsade oo ah mid burbur iyo colaadsii abuuraya manaha af dhulbahante balse waa hadalkii Cabdilaahi Yuusuf hadii shacabka iyo xukuumada Somaliland raacaan hadalka iyo ficilada Cabdilaahi yuusuf waxaa dadka reer Somaliland waayi doonaan ujeedooyinkii ay higsanayeen.
Waxaan soo jeedinaysaa in Somaliland isu aragto in xilka saaran yahay Soomaalida ee aanay ku dayan ficiladooda ku salaysan ka aar gudashada iyo hebelbaa wax ku yidhi ee dheh adna.
Jaaliyada Degaanka Sool ahaan waxaan kale oo u soo jeedinaynaa kooxaha xagga jira ee Reer Somaliland inaanay ku kaambayn garayn wax burbur u keenaya Somaliland anagoo uga digayna Ururada siyaasiyiinta ee Somaliland inaanay Doorashooyinka soo socda u isticmaalin arintii Laascaanood ka dhacday taasoo dadka xumaanta wadaa u fasiri karaan ama uga faaiidaysan karaan Qabiil iyo Arin Somaliland Sumcadeedii hoos loogu dhigo.
Waxaan u mahadnaqaynaa Madaxweyne Daahir Riyaale Sidii fiicnay ee uu uga soo baxay Magaalada Laascaanood isagoo u danaynaya shacabka taasoo ah mid looga abaal gudo anagoo ku boorinayna inuu maro wado aanay ka faaiidaysan dadka burburinteena wadaa.
Waxaan Maamulka Cabdilaahi Yuusuf u soo jeedinaynaa inuu joojiyo nabadgelyo darada iyo dhibaatooyinka uu degaanadaa ka wado taasoo aan Beesha dhulbahante u dulqaadan Karin iyadoo aanay shaqayn doonin qabyaalada iyo xirfadaha kharibaada ah ee uu isticmaalayo.
Ugu dambayntii waxaan shacabka reer Somaliland u soo jeedinaynaa inay raacaan maskaxda wanaagsan ee horumarka iyo isku duubnaanta inoo keenaysa shacabka reer Laascaanoodna u muujiyaan inay ka xunyihiin dilkii, dhaawicii iyo khasaarihii soo gaadhay.
Top
"ILAAH HA KUU BARAKEEYO MAALKA AAD BAXSATAY IYO MAALKA AAD REEBATAY"
Ducadii Nebiga (scw) ee Cabdiraxmaan Binu Cawf (6)
Cabdiraxmaan wuxuu ka mid ahaa tobankii qof ee ugu horeeyay ee soo islaama, wuxuu kaloo ka mid ahaa tobankii nin ee Jannada loogu bishaareeyay iyagoo dunida saaran. Wuxuu ka mid ahaa lixdii nin ee loo doortay guddiga Shuurada (talo bixinta) ka dib maalintii doorashada khilaafada Cumar Binu Khaddaab (rc). Wuxuu ka mid ahaa asxaabtii ka jawaab celin jirtay su’aalaha diiniga, iyadoo Rasuulka (scw) uu noolaa.
Wakhtigii jaahilayada ee Islaamka ka hor, waa intuusan islaamin’e, waxaa Cabdiraxmaan lagu magacaabi jiray: "Cabdi Camr", hase ahaatee kolkii uu soo galay diinta Islaamka oo soo islaamay, wuxuu Nebiga (scw) u baxshay magaca Cabdiraxmaan.
Cabdiraxmaan Binu Cawf wuxuu islaamay ka hor intuusan Nebiga (scw) gelin daartii Arqam Binu Arqam, waana xilligii uu soo islaamay Abuubakar As-siddiiq labo maalmood ka hor. Cabdiraxmaan islaamidda uu soo islaamay wuxuu kala kulmay rafaad, jirdil, dhibaato iyo hagardaamo aad u daran, sidii ay ula kulmeen isaga hortiis walaalihiisa diinta Islaamka kaga soo horeeyay. Cabdiraxmaan wuu u sabray dhibaatadaas dacwada ka soo gaartay, sidii ayba Saxaabaduba ay arrintaa ugu dulqaateen, rumeyntoodii xeesha dheereed oo kalena wuu la yimid.
Cabdiraxmaan wuxuu ka mid ahaa asxaabtii u haajirtay dhulka Xabashida isagoo la baxsanayay diintiisa. Kolkii uu Rasuulka (scw) iyo asxaabtiisa loo idmay inay u haajiraan oo u guuraan magaalada Madiina, Cabdiraxmaan wuxuu ka mid ahaa mar kale hormuudkaasxaabtaas. Rasuulka (scw) iyo asxaabtii la socotayba markay yimaadeen magaalada Madiina, wuxuu walaaleeyay Muhaajiriintii ka soo haajirtay magaalada Makka iyo Ansaartii deganayd magaalada Madiina.
Haddaba, Cabdiraxmaan oo ka mid ah muhaajiriintaas ayaa waxaa walaal looga dhigay Sacad Binu Rabiic Al-Ansaari (rc). Sacad Binu Rabiic wuxuu Cabdiraxmaan ku yidhi: "walaalkayow waxaan ka mid ahay ganacsatada degan magaalada Madiina kuwooda ugu taajirsan, waxaan leeyahay labo beerood iyo labo xaasas. Labadaas beerood bal soo eeg oo middaad doonto qaado, xaasaskaygana tii aad jeclaato ayaan kuu furayaa si aad adiga u guursato". Cabdiraxmaan ayaa ku yidhi: "Maalkaaga iyo xaaskaagaba Illaah ha kuu bakeeyo, laakiin waxaad i tustaa goobaha ganacsiga". Muddo yar ka dib Cabdiraxmaan wuu guursaday, wuxuuna u yimid maalintii danbe Rasuulka (scw).
Rasuulka (scw) ayaa Cabdiraxmaan weydiiyay inuu guursaday iyo qiimaha uu meher ahaan u bixiyay. Cabdiraxmaan wuxuu yidhi haa oo waan guursaday, meher ahaanna waxaan u baxay xabad timir wax le’eg oo dahab ah. Nebiga (scw) wuxuu Cabdirxamaan ku yidhi: "casumaad sameey (alla bari) waloow neef arina ha ahaadee, Illaah xaaskaaga iyo maalkaagana ha kuu barakeeyo". Ducadii Nebiga (scw) waa la aqbalay jeer uu Cabdiraxmaan Binu Cawf ka noqdo qof deeqsoon oo maal qabeen ah.
Cabdiraxmaan Binu Cawf wuxuu Rasuulka (scw) kala qayb galay dagaalo badan. Maalintii dagaalkii Badar ay dhacday wuxuu Cabdiraxmaan Binu Cawf ka muujiyay goobtii dagaalka wacdaro geesinimo leh ilaa uu ka dilo cadoowgii Alle ee la oran jiray Cumeyr Binu Cuthmaan Binu Kacab Al-Tamiimi. Sidaas si la mid ah ayaa Cabdiraxmaan wuxuu ahaa kii sugnaada maalintii dagaalka Uxud, halka qaar ka mid ah asxaabta ka carareen. Waxaa dagaalkii Uxud ka soo gaarey Cabdiraxmaan dhowr iyo labaatan dhaawacyood, qaarkoodna ay halis ahaayeen.
Hase ahaatee jihaadka Cabdiraxmaan waxaa lagu tiriyaa mid yar, marka loo bar-bardhigo jihaadka maalka uu kaga qayb galay. Waxaan arkaynaa Rasuulka (scw) oo doonaya inuu diyaariyo ciidan ilaalo ah, markaasaa wuxuu asxaabta ku leeyahay: "maalkiina ka saddaqeysta waayo waxaan doonayaa inaan diro ciidan ilaalo ah". Markii uu Cabdiraxmaan maqlay hadalkaas wuxuu u degdegay gurigiisa si uu wuxuu hayo oo maal ah ugu keeno Rasuulka (scw). Lacagtii uu haystay maalintaas waxay gaareysay 4000 oo dirham, wuxuuna ula yimid Rasuulka (scw) isagoo ku yidhi: "labo kun waxaan amaahiyay Illaah, labada kun ee kalena waxaan u soo dhaafay ciyaalka".
Rasuulka (scw) ayaa Cabdiraxmaan ku yidhi: "Illaah ha kuu barakeeyo maalka aad bixisay iyo maalka aad reebatay. Markii uu Rasuulka (scw) go’aansaday duulimaadkii Tabuuka oo ahayd dirirtii ugu danbeesay ee uu Rasuulka qaado intuu noolaa, ayaa waxaa lagama maarmaan noqotay in la helo maal fara badan, waayo ciidanka lagu duulayay ee Roomaanka ayaa ahaa kuwo in badan ka tiro iyo gaadiid badnaa muslimiinta, dhinaca kale sannadka uu dagaalku dhacayayna waxay ahayd sannad abaareed, safarkuna wuxuu ahaa safar dheer oo qaadanaya maalmo. Iyadoo intaasoo arrimood oo dhibaato ah ay jiraan, ayaa waxaa Rasuulka (scw) u yimid qaar ka mid ah mu’miniintii jeclayd inay ka qaybgalaan dagaalka, iyagoo ka codsanaya Rasuulka inuu ka xanbaaro oo uu ka bixiyo qarashka ku baxa safarka, Rasuulku wuu ka cudurdaartay waayo ma uusan haysan wax dhaqaale ah.
Mu’miniintii waxay laabteen, iyagoo indhahooda ay la burqanayso ilmo, murugo daraateed, sababtuna waa iyagoo aynan awoodin inay helaan nafaqada lagu aadayo duulimaadka Tabuuka. Mu’miniintaas sharafta leh waxaa maalintaa wixii ka danbeeyay loo baxshay kuwii oohinta badnaa, ciidankii dagaalka galayna waxaa iyagana loo baxshay ciidanka cidhiidhiga ama dhibaatada. Markay arrintu halkaa mareyso, wuxuu Rasuulka (scw) amray asxaabta inay maalkooda wax ka bixiyaan si jidka Alle ah iyo si ay maalkaas Ilaah uga ajar qaataan. Muslimiintii ayaa hal mar ajiibay fulinta codsigii Rasuulka (scw) si ay maalkooda uga saddaqeystaan.
Haddaba, asxaabtaas waxaa safka hore kaga jiray Cabdiraxmaan Binu Cawf. Wuxuu bixiyay labo boqol oouuqiyadood oo dahab ah. Cumar Binu Khadaab (rc) oo markaas aan ka fogeyn meesha ayaa yidhi: "waxaan arkaa inuu Cabdiraxmaan galay denbi, waayo wax maal ah ma uusan u soo dhaafin ehelkiis".
Rasuulka (scw) ayaa weydiiyay Cabdiraxmaan su’aashan: "wax maal ah reerkaaga ma u soo dhaaftay". Cabdiraxmaan ayaa yidhi: "haa, oo waxaan u soo dhaafay wax ka badan kana wanaagsan maalkii aan bixiyay". Rasuulka (scw) ayaa misna yidhi: "waa imisa". Cabdiraxmaan ayaa yidhi: "wixii uu Ilaah u yaboohay oo risqi iyo kheyrba ah". Ciidankii Muslimiinta waxay u anbabaxeen Tabuuka, halkaana wuxuu Ilaah ku maamuusay Cabdiraxmaan Binu Cawf wax uusan ku maamuusin mid ka mid ah muslimiinta. Waxaa la gaarey xilligii salaadda, markaa iyada ahna Rasuulka (scw) uu muuqan yahay. Cabdiraxmaan ayaa tujiyay muslimiintii, markii ay dhammaatay rakcadii koowaad ayaa waxaa yimid Rasuulka (scw), ka dibna wuxuu ku xirtay salaadda uu imaamka u ahaa Cabdiraxmaan.
Haddaba, ma waxaa jira wanaag iyo qiimo ka weyn inuu qof tujiyo intuu Eebe (sw) abuuray oo dad ah imaamkooda iyo inta nebiyo la diray imaamkooda. Waxaan u maleenayaa inay jawaabtu tahay: "MAYA". Markii Rasuulka (scw) uu geeriyooday, wuxuu Cabdiraxmaan Binu Cawf u istaagay u-adeegidda hooyooyinka mu’miniinta, waa xaasaskii Rasuulka (scw)’e. Cabdiraxmaan wuxuu u qumi jiray danahooda. Wuu wehelin jiray haddii ay safar galayaan. Wuu la xajin jiray, haddii ay aadayaan Xajka. Wixii ay doonayaan in loo sameeyo oo dhan ayuu u qaban jiray. Taasina waa ammaan ka mid ah waxyaabaha uu ruuxa uu ku faano, dhinaca kale waxaa laga qaadanayaa arrinkan isaga ah kalsooni weyn oo ay haweenka Nebiga (scw) ku qabeen Cabdiraxmaan. Samafalka iyo ixsaanka Cabdiraxmaan Binu Cawf uu u geli jiray haweenka Nebiga (scw) waxay gaartey, in uu maalin iibiyay dhul qiimihiisa dhan ilaa 40 000 oo diinaar, dabadeedna uu dhulkii u qaybiyay reer Banuu Zuhra (reerka ay ka dhalatay Aminatu Bintu Wahb oo ah Rasuulka hooyadiis), masaakiinta muslimiinta iyo masaakiinta muhaajiriinta iyo haweenka Rasuulka (scw). Cabdiraxmaan markii uu diray maalkii uu u qoondeeyay Caa’isha (rc), ayaa waxay Caa’isha tiri hadalkan: "Rasuulka (scw) wuxuu haweenkiisa ku yidhi: "idiinma naxayo anniga gadaasheyda aan ka ahayn kuwa saabiriinta (sabarka badan) ah mooyee".
Weligeed baaqiayeey ahayd oo ma tirtirmin ducadii Nebiga (scw) ee uu u duceeyay Cabdiraxmaan ee ahayd inuu Alle u barakeeyo maalkiisa, jeer uu ka noqday ninka ugu maalqabeensan asxaabta, uguna hanti badan. Ganacsiga iyo safarka Cabdiraxmaan waxay u dhaxeeyeen magaalada Madiina iyo magaalooyinka kale, safarkaasoo dadka u sida dhar, cunto, barafuuno iyo wax kasta oo ay dadku u baahan yihiin.
Maalintii ugu badnayd ee uu Cabdiraxmaan sadaqeysto waxay ahayd, markii ay Caa’isha (rc) tiri inuu Cabdiraxmaan Binu Cawf uu ka mid noqon doono ahlu-Janna oo uu geli doono Jannada. Wuxuu u yimid Caa’isha isagoo weydiinaya inay tiri hadalka, waxayna tiri: "Haa oo annigaa ka maqlay Nebiga (scw) inaad jannada gelaysid". Cabdiraxmaan wuxuu la booday farxad, isagoo ku yidhi Caa’isha (rc) hadalkan: "hooyo waxaan ku marqaati gashanayaa in safarkan iyo gaadiidka saaran oo dhan aan u bixinayo jidka Alle".
Wixii ka danbeeyay maalintaas, wuxuu Cabdiraxmaan kordhiyay sadaqooyinka iyo gacan ka geysigii muslimiinta uu sameyn jiray. Wuxuu sadaqo ahaan u bixiyay lacag gaareysa 200.000 oo dirham oo fidah ah iyo 200.000 oo diinaar oo dahab ah, isagoo jidka Alle ku bixiyay. Waa lacag aad u fara badan. Dhinaca kale wuxuu siiyay mujaahidiintii kale lacag gaareysa 1500 oo diinaar iyo 500 oo gaadiid ah. Markii ay soo dhowaatay geeridii Cabdiraxmaan Binu Cawf (rc) wuxuu xoreeyay addoomo fara badan.
Sidoo kale wuxuu u dardaarmay asxaabtii ka qayb gashay dagaalkii Badar in la siiyo nin kasta 400 diinaar oo dahab ah, sidiina ayuu qof kasta ku helay lacagtaas. Xaasaskii Rasuulka (scw) oo maalintaas noolaa wuxuu tiiba u dardaarmay maal fara badan, ilaa ay Caa’isha markasta Cabdiraxmaan ugu duceyn jirtay ducadan qiimaha badan: "Allaha Cabdiraxmaan ka waraabiyo isha jannada ku taal ee la yiraahdo SALSABIIL".
Haddii uu Cabdiraxmaan Binu Cawf uu masaakiintii muslimiinta, addoomadii dhibaataysnaa, xaasaskii Rasuulka (scw) ugu talo galay maalkaa faraha badan, haddana waxaynu og nahay inuusan iloobin reerkiisii, oo wuxuu iyagu u dhaafay maal fara badan, maalkaasoo ay adag tahay in la tiriyo. Wuxuu reerkiisa uga tagey 1000 neef oo geel ah, 100 fardo, 3000 neef oo ari ah.
Xaasaskiisii afarta ahaa dhaxalkii mid walba ay heshay waxay dhammeyd ilaa 80 000 oo diinaar. Waxaasoo dhan oo maal ah waa barakadii ducadii Nebiga (scw) uu u duceeyay Cabdiraxmaan. Hase ahaatee, maalkaas ma uusan fidneyn Cabdiraxmaan, sidoo kale mana uusan beddelin. Cabdiraxmaan lagama soo dhex saari jirin isaga iyo shaqaalihiisa u shaqeeya, tawaaduc badni awgeed. Maalin maalmaha ka mid isagoo soomanaa ayaa loo keenay cuntadii afurka. Wuu eegay, markaasuu yidhi: "waxaa maanta la dagaalkii Uxud lagu dilay Muscab binu Cumeyr isagoo iga kheyr badan. Ma aanan helin kafantii ugu kafni lahayn aan ka ahayn maro yar oo haddii aan madaxa ka saarno, ay lugihii muuqanayaan, haddii aan lugihii kafanta ka saarnana mnadaxii uu muuqanayo.
Adduunyadii ayaa naloo fidiyay barwaaqadeedii, waxaan ka cabsanayaa in abaalmarkeenii adduunyada aan ku qaadano". Intaa ka dib, Cabdiraxmaan wuxuu bilaabay inuu aad u ooyo, cuntadiina uuna waxna ka cunin. Alla ayaan badanaa Cabdiraxmaan Binu Cawf, waayo isagoo dunidan saaran ayaaba Jannada loogu bishaareeyay. Janaasada Cabdiraxmaan waxaa xanbaaray Sacad Binu Abii Waqaas, waxaana ku tukaday Cusmaan Binu Caffaan (rc). Ilaah waxaan ka baryaynaa inuu ka raalli noqdo Cabdiraxmaan, sidoo kalena u naxaraxiisto dhammaan asxaabtii usoo halgantay diintan Ilsaamka aamiin.
Top
"Doorashooyinkii
Lixdankii iyo Kuwa Maanta wax isma doorshaan" |
Eng. Maxamed Xaashi Cilmi
Muddo dheer ayaa ka soo wareegtay intii aynaan (reer Somaliland) isugu soo bixin tartan doorasho. Waxa hadaba isweydiinleh, maxaa faraq u dhaxeeya doorashooyinkii lixda-meeyaddii iyo kuwan dhowaan inagu soo foolleh?
Waxa xaqiiq ah oo aan shaki ku jirin, in doorashadii lixdankii ee gobonima-doonka, ee inoogu horeysay doorasho, ay ahayd tii ugu agaasin iyo abaabul wanaagsanayd una dhacda, si xor ah oo xalaal ah. Intii ka dambaysay muddadaas, doorasha waliba waxay ka fool xumayd oo ay ka liidatay tii ka horeysay.
Maxaa sababay in xaaladda doorashadu mar-walba ka sii darto? Israacii Somaliland iyo Somalia saamayn weyn buu ku lahaa arrintaa. Laba maamul oo kala jaad ah, oo qorshe iyo nidaam la' aan la isku cuffay ma ahayn kuwo wanaag laga quudarayn karo. Waxase haboon si arrinta looga faa'idaysto, loona fahmo in dib loo raaco sooyaalkii taariikheed ee maamuladii labada dal (Somaliland & Somalia) iyo israacii Julyl,1960.
Israacii shuruud la' aanta iyo deg-dega ku dhacay, wuxu sababay in Somaliland ka talaabsato doorashooyinkii iyo dhismihii Dawladaha Hoose. Kuwaas oo sal u ahaan lahaa dhismaha dawlad iyo maamul wax ku ool ah. Talaabadaasi laga booday waxa ay reebtay cidhib xumada laga soo kabanla' yahay iyo raad la' aanta iyo bur-burkii ku dhacay axsaabtii (SNL, USP) xukunka kala wareegtay mustacmarkii Ingiriiska.
Sababta Qaranimadii Somaliland, sida dhib yar ay u sibibixatay, waxa keenay. SNL / USP, oo ilduufeen ama garan waayey in ay meeleeyaan ragii la soo halgarnay, oo ay u magacaabaan manaasiibtii siyaasiga ahayd sida; gudoomiye gobol, gudoomiye degmo iyo maayarada magaalooyinka. Si ay boos uga soo dhisaan dawladaha hoose. Arrintaasi qayb ayey ka qaadatay habowgii ku dhacay Somaliland iyo xaaladihii xumaa ee la soo maray.
Waxa kale oo iyana muhim ahayd in la dalaciyo shaqaalahii. Dawladda, booliiska, iyo milatariga. Sidaas ayey xukuumaddu ku yeelan lahayd raad aan si fudud loo masaxin oo riiq dheeraada. Waxana suurta gal ahaan lahayd in israacii noqdo mid midho dhaliya ama halkaa ku hakada. Midnimadii qabyada iyo xikmad darrada ku dhalatay, waxa ku lumay ujeedadii loo unkay markeedii hore.
Dhinaca kale labada dal waxa ay ku soo bar-baareen laba maamul oo kala duwan, mid Ingriis iyo mid Talyaani. Ka Ingiriiska waxa gun u ahayd; aqoon, \ khibrad, maarnul toosan iyo wax soo saar, labada gelin la shaqeeyo. Waxa shaqaaluhu qaadan jiray mushahar ku filan iyo xuquuq la siiyo mudada hawlgabka. Taas oo dhawrkii sannadoodba lagu sar-jaro maceeshad-nololeedka wakhtiga. Musuq-maasuqu ceeb buu ahaa, doorasho lagu shubona lama aqoon . Hawluhu si habsami ah ayey u fulijireen. Wax waasto layidhaa lama aqoon. Shaqaaluhu wuxu ilaashan jiray xuquuq iyo mustaqbal u muuqda
Tayada shaqaalaha Somaliland waxay ahayd mid heer sare ah. Waxa lagu dallici jiray imtixaan, aqoon, khibrad iyo wax soo saar. Qofku kalsooni buu qabay uu ku meel-maro. Gacan qabasho iyo waastto midna uma baahan jirin. Sido kale farsamo-yaqaanku; makaanik, wastaad, nijaar, dirawal iwm waxay shaqada ku raadsan jireen shahaado ama cadayn laga soo qaato loo shaqeeye. Arrinta shaqaaluhu waxay ahayd maxaad taqaan. ee ma ahavn. vaad taoaan.
Nidaamkii qumanaa ee Somaliland, wuxu ku bur-buray israacii, isaga oo ku milmay kii Somalia Kaa Somalia oo ahaa mid aad u tayo xun, musuq-maasuq badan, doorashada lagu shubto, wax soo saarka iyo mushaharka shaqaaluhu yar yahay. Dalacaadana lagu kasbo gacan qabasho. Xaaladdu tahay: yaad tahay iyo vaad taqaan. Maah-maahduna tahay: "Shaqo dawladeed ma dhamaate ee ha ku dhamaan".
Hadaba halkeebay xaaladdu ka murkacatay? Sideebay xaaladdu ku gaadhay fool xumada xaddigaa le'eg ee ummadda ku habsatay? Ragii reer Somaliland ee aqoon-yahanka ahaa ama tacliinta lahaa, ee lixdankii ka ma soo bixin, milgihii iyo waajibkii saaraa, sababta oo ah; may qabin dareen siyaasiya Balse waxay u heelanaayeen, manaasibtii gurnaystuhu ka tagay iyo hab-nololeedkiisii ("Bangalo", gaadhi iyo mushahar balaadhan). Marka laga reebo rag tiro yar, oo ay Ingiriiska ay isku qabteen siyaasadda.
Xaaladda oo sidaa kor ku xusan ah, ayaa israacii iyo Qaranimadii cusbaydna soo kordhisay jagooyin sar-sare; Madaxweyne, Ra'iisal-wassaare, Wasiir, Danjire, Mudane iyo jagooyin fara badan oo isticmaarkii (lngiriis iyo Talyaani) ka tagay. Kuwaas oo aqoontii iyo khibradii lagu hananayayna midna jirin. Waa isbadal weyn oo siyaasadeed oo aan hore loo soo marin.
Darajooyinkan soo kordhay waxay dar-dar galiyeen loolankii siyaasadeed ivo tarankii qabiil. Aqoonyahankii Somaliland ee himidiisu ku ekayd qabo jagadii sarkaalkii Ingiriisku ka tagay, waxa galay hunguri siyaasadeed, markuu arkay darajooyinkaa sar-sare ee soo baxay. Waxa iyana ku sii dhiiri galisay, shaqadii iyo dalacaadii ay salka u ahaayeen aqoonta iyo khibradu oo noqotay gacan qabasho iyo wastto. Waxa kale oo u muuqatay, rag ay iska bidayeen aqoon oo wasiiro loo magacaabay. Markaa affar iyo lixdankiiba waxa soo baxay loolan siyaasadeed oo suurad cusub leh. Aqoon-yahankii oo la soo laabtay qabyaalad iyo tola'y iyo ha la'idoorto si aan reerka arrimihiisa u fuliyo. "Ilayn Xamar nin aan cid uu ku tiirsado lahayn, taayir uma rogmo".
Sidaasey ku abuurmeen axsaabtii tirada badnayd.oo reer waliba u soo sharaxay aqoon-yahankiisii. Kaas oo hadduu ku guulaysto doorashada ku biiri jiray SYL. Halkaa waxa ku lumay danihii guud, wax-qabad iyo cadaalad. Ilaa maanta waxa loo suxul duuban yahay waa Dano khaas ah. Wax-garadkii waa la baal maray. Sababtoo ah, marka dhismo iyo horu mar la wado ayaa wax- garadka loo baahda. Qabyaaladdiina waxa ay gacanta u gashay iyada oo waji cusub leh oo khatar ah, aqoon-yahankii. Waana kayd meel u vaal aqoon- vahanka. Mar uu mansab ku raadsado iyo mar uu ku ilaashado danihiisa gaarka ah..Jiilkii lixdankii ee talada dalka gacanta ku dhigay, wuxu ku sifoobay aabihii guul-darrada qarniga. Dawladdii dhamayd ee ay Xamar u qaadeen ma hayno ilaa maanta meel ay kaga warameen iyo halkay ku dambaysay iyo sidii facoodii reer Somalia u san-saareeyeen.
SNM waxay ka dhiidhiday tala xumadii lixdankii ee dawladoodii ku luntay iyo dhibaatadii ka dhalatay ee umrnadda reer Somaliland loo gaystay; boobkii, dhicii iyo xassuuqii. Dariiqa qudha ee SNM u furnaa wuxu noqday, inay soo celiso xurmadii karaamadii iyo Qaranimadii ummadda J. Somaliland ee jiilkaasi taseeyey. Si loo xaqiijiyo ujeedadaas, waxa loo huray adduun badan oo la soo dhisayey siddeed boqol oo sannadood iyo kuman-yaal ku shahiiday halgankii hubaysnaa. Waxa iyana ku barakacay ummad dhan oo qaxoonti-geedii ku firdhay daafaha duunida
SNM waxay guusha ku gaadhay; mujaahid naftii hure ah, dadweyne (gudo iyo dibad) ku deeqay maalkoodii. Dawladdii iyo shicibka reer Itoobiya oo ku soo dhoweeyey gacmo furan, una fidiyey taageero. Waa nassiib daro, waana taariikh in hogaankii sare ee SNM, isagu ku guul daraystay dhismo maamul tayo leh, wakhtigii halganka iyo labadii sannadood ee uu xukunka hayey Sidaas oo ay tahay, guulaha kale ee ay SNM soo hoysay waxa ka mid ahaa, nabadayntii beelaha reer Somaliland iyo go'aankii Burco ee 18 Mav'91kii ee la soo noqoshada Qaranimadii Somaliland.
Xukuumaddii SNM ee labada sano talada haysay, iyana waxay hidin weyday inay habayso ciidamadii iyo in ay. dhisto maamul wax ku ool ah. Waxa ay tasaysay himiladii hal-yeeyadii iyo shacbi-weynihii Somaliland ee soo halgamay. Si ururku raad u yeesho una sii jiro, oo aanu u baabi'in sidii axsaabtii lixdankii (SNL, NUF, USP, SNC, SDU iyo kuwii faraha badnaa ee ka dambeeyey). Waxa ay ahayd inay kala saarto ururka iyo dawladda Ururka xafiisyo uga furto gobolada iyo degmooyinka oo uu noqdo xisbi siysaasiyah, oo doorashooyinka magaciisa kaga qayb gala, kuna tar-tama
Iyana waa iska caado, in marka guuli soo hoyato, dadkii aan guushaas wax ku lahayni u qaybsamo laba qaybood. Qaar ku faanaan iyo qaar ka naxaan oo nacayb iyo colaadi ugu beeranto ciddii soo hoysay guusha Xaaladaha noocan ihi waa sooyaal taariikheed. Balse taariikhdii SNM: ungeedii, halgankii hubaysnaa iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay taariikh- yahannadaa qori doona, oo aan u dhaafi.
Waxase aan xog' ogaal u ahay, in Maxamed Siyaad Barre wassiirda Isaaq ee wafti uu dibadda ugu diro, uu ku amri jiray inay Jeddah (Saudi Arabia) sii maraan ama ku hakadaan soo noqodkooda, si ay dadka ugaga digaan waxa niman kaasi halkaa wadaan ivo inuu soo kala fur-furaan. Waxa ay u qaybsarni jireen, nin iska asturta oo iska af-gobaadsada iyo mid ku dhaarta, in aanu Ina siyaad Barre dhacayn oo yidhaah, "Waxan aad wadaan ka baxa". Waa arrimo la ogg yahay oo loo hayo wassiiradii Ina Siyaad Barre.
Sidoo kalena ma ogaan karaa wiil halgankaba ka soo bor jeedav? oo dumarkii ivo caruurtii La qaxav. habka go'aankii 18 May, 91kii ee la soo noqoshadii Qaranimada Somaliland u dhacay? Balse ma ka mudan yihiin mujaahidiintii u suurto gelisay inuu u loolamo jagada madaxweyne, inuu mahadnaq ka celiyo maahee inuu ku sheego kuwa aan raali ka ahayn jiritaanka Somaliland?
Gebo-gebo. Doorashooyinkii lixdankiii iyo kuwa maantu wax isma doorshaan, Lixdankii loolanku waxa uu ahaa kursi raadis, Maantana waa kursi raadis, Waxa halkaa ku lumay fikirkii iyo aragtidii Qaranimo ee u adeegi lahayd danaha caamka ah. Waxa iyana aan qabsoomeyn, danaha guud iyo barnaamij qeexan iyo horumar. Marka mudnaanta la siiyo danaha khaaska ah.
Waxaan ku soo gunaanadi lahaa. in dadweynuhu ku cibrro qaato sooyaalkii taariikheed ee soo maray, Inay musharax walba kula xisaabtamaan xilkii uu ummadda u soo qabtay siduu u gutay, hab nololeedka, anshaxa iyo dhaqan wanaagiisa. In laga taxadiro nin aan horeba loo mahadin, in mar labaad hogaanka dalka loo igmado. Taasi waxa ay u baahan tahay in dadweynaha laftiisu ka waantoobo caadifadda reerka iyo qabyaaladda inta badan hilaaban guul darrada.
Waxa haboon in muwaadin kastaa ku fakaro siduu u heli lahaa : caafimaad, tacliinta ubadkiisa, biyo, dariiqyo dhisan iwm iyo sidii bulshadu ku gaadhi lahayd nolol wanaagsan. Noloshaas uu hor taagan yahay loolanka qabiil ee ah ninka yagaanu dooran. Miyuu jiraa mid aan reer ka dhalani?
Arrimahan wax sal u ah nabad-galyada iyo xasiloonida. Iyana waxay ku nagaadaan cadaalad iyo xaq-soor suuban. Kuwaas oo aan iyana suur-toobayn inta laga lunsan yahay jidka toosan ee Islaamka.
Dalkuna wuxu u baahan yahay in laga difaaco cadowga siiba ka Maieerteeniva ee ku soo duulay gobolka Sool. Dawladduna waa in ay ka waantoodo taakulaynta ciidamada aan qaramaysnayn. Doorashadu ha ku socoto habkii loogu talo-galay iyo inta shirka dib u heshiisiinta Somaaliya ee Eldoret Kenya uu socdo.
Top
|