BADHEEDHAHA WARGEYSKA
"Waxay Doorashadu U Dhacday Si Ka Wanaagsan Sidii Aan Ku Qiyaasayay"
"Waxaan Caddeynayaa Inaanu U Hoggaansamayno Natiijada Ka Soo Baxda Doorashooyinkii Deegaanka"
Jaamacadda City University Ee Ingiriiska Oo Dhakhaatiir Cudurrada Indhaha Ah U Soo Dirtay Somaliland
Yuusuf X. Aadan Cilmi Qabille Oo Lagu Soo Dhaweeyay Hargeysa
"Waxaan Aaminsanahay Dadka Reer Somaliland In Ay Biseyl Ka Dhaxleen Hiddo-Samida
Dhaqankooda..."
Cabdi Xasan Buuni Oo Ka Hadlay Sidii Ay Doorashadu Uga Dhacday Boorama
50 Qof Oo Ku Dhintay Dooni Ku Qaraqantay Laybeeriya
Odhaahda Akhristaha
Codkayga Bagoon Ku Ciil-Baxay
"Waxaan ku biiray UDUB"
Baxaa-Deggii Jacaylka: Billan Iyo Baxnaan
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
Raadyow Ma Qaloocshe
Waadiga Ciyaaraha
Ronaldo oo lagu wado inuu noqdo xiddiga kubadda cagta ee Yurub sannadkan 2002 |
|
Ururada Siyaasada Iyo Foosha Ku Taagan
Ayaamihii ka horeeyey 15-kii Diisambar, 2002 oo ahayd maalintii ay dadku u dareereen cod-bixinta doorashada golayaasha deegaanka hogaamiyayaasha iyo hawl-wadeenada iyo weliba taageerayaasha ururada siyaasaddu waxay ku mashquulsanaayeen ololayaal ay ku raadinayaan taageero dadweyne, iyadoo dhawrkii maalmood ee ka horeeyey maalinta cod-bixinta ay dadka magaalooyinka ku dhaqani habeen iyo maalin ka seexan waayeen durbaanka iyo sawaxanka ururada siyaasadda, laakiin markii ay doorashadu dhacday xaaladdu ay is bedeshay, iyadoo halkii qaylada iyo sawaxanka lagu bedelay faq iyo xanshaashaq.
Sida la ogyahay 6 urur-siyaasadeed ayaa u saftay doorashada golayaasha degaanka Somaliland oo doraad looga codeeyey gobolada iyo degmooyinka dalka, kuwaas oo kala ah SAHAN, KULMIYE, ASAD, HORMOOD, UDUB iyo UCID.
Sida uu dhigayo xeerka doorashadu lix maalmood ka dib ayaa lagu dhawaaqayaa natiijada kama dambaysta ee cod-bixinta, laakiin hadda waxa socota tirintii codadka oo goobaha qaarkood, sidaa darteed dadku waxay dhammaantood u dhegtaagayaan waxa ka soo bixi doona natiijada cod-bixinta.
Inkasta oo uu yeedha-yeedhuhu badan yahay oo ay jiraan hadaaqyo ka oo baxaya goobaha qaarkood marka la tiriyo ka dib, taas oo la leeyahay goob hebla urur hebel baa u codad batay, hadana taasi ma aha wax lagu saadaal qaadan karo, sidaa awgeed arintu weli waa gacan uurku jirta, waxayna ururkasta iyo taageerayaashiisu is leeyihiin "Tolow maxaa ka soo bixi doona". Laakiin nimanka uu karka ugu weyni ku taagan yahay waxa weeye hogaamiyayaasha ururada siyaasadda, kuwaas oo hoosta kaga hadaaqaya ‘Salaamaad, tolow maxaa soo yeedhi doona", lagana yaabo inuu wadnahoodu aad u garaacayo, maskaxdooduna aad u shaqaynayso.
Hadii aad hogaamiyayaasha ururada siyaasadda waydiiso bal waxa uu ka filayo natiijada codadkii doorashada, waxa uu ku tusayaa dareen yididiilo leh, isaga oo ku odhanaya "Anagu waxaanu filaynaa natiijo wanaagsan". Laakiin taasi waa malo-awaal uu nafta ugu caqli celinayo ee ma aha xaqiiq kama dambays ah.
Sida la ogyahay lixda urur ee doorashada ka qayb galay waxa la doonayaa inay ka soo hadhaan saddex urur oo keliya, saddexda kalena ay meesha ka baxaan, laakiin sida uu dhigayo xeerka doorashooyinku ururku waxa uu soo bixi karaa oo keliya marka uu shanta gobol ee laga codeeyey gobolkiiba ka helo ugu yaraan 20% tirada dadka codeeyey, taasina waa jar adag oo aanay ka bixiddiisu sahlanayn. Sidaa darteed saddexda urur ee shardigaa buuxiya ayaa soo baxaya, noqonayana saddexda xisbi ee dalka ka jiri doona, laakiin kala yeelanaya kaalinta koowaad, labaad iyo saddexaad, sida ay u kala sed bataan.
Inta badan madaxda iyo ururada siyaasaddu waxay dhegta ku hayaan telefoono ay dirayaan ama loo soo diray, waxayna ku mashquulsan yihiin sidii ay ula socon lahaayeen wararka iyo hawlaha doorashada, sidoo kalena waxay had iyo goor ku jiraan shirar, iyaga oo ka tashanaya ama iska waraysanaya halka xaal marayo iyo had-ba wixii ku soo kordhay.
Arimuhu sida ay doonaan ha ahaadeene waa laga yaabaa inay ururada qaarkood niyadda ugu sheekaynayaan waxoogaa yididiilo ah, laakiin taasi ma aha mid ay ku ledayaan, sidaa darteed fooshu way ku taagnaanaysaa ilaa ay guddiga doorashooyinku ku dhawaaqaan natiijada kama dambaysta ah.
Top
"Waxay Doorashadu U Dhacday Si Ka Wanaagsan Sidii Aan Ku Qiyaasayay" |
Peter Schuckink - Goobjooge Ka socday Sweden Oo kormeeray Goobo Ka mid ah Hargeysa xiligii doorashada
Hargeysa (Haatuf): Peter Schuckink oo ka socda Xisbiga Liberal ee dalka Sweden oo goob-jooge ka ahaa doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Hargeysa, 15 December, ayaa xalay Haatuf Media Network uga waramay kormeerkii uu ku sameeyay goobaha doorashooyinka ee Hargeysa, waxaanu Peter sheegay in uu maray 30 goobood oo ku yaalla Hargeysa, si uu u soo eego qaabka ay dadku u codeynayeen iyo sida loo agaasimay.
Peter, wuxuu intaa ku daray inuu warbixin u gudbinayo xisbigiisa Liberal-ka ee Sweden oo ku saabsan doorashadii deegaanka ee dhacday. Isagoo ka hadlaya Peter, sidii ay u dhacday coddeyntu wuxuu yidhi; "Waxay u dhacday doorashadu si ka fiican sidii aan qiyaasayay."
Diblomaasigan reer Yurub oo ka mid ahaa goob-joogayaasha Caalamiga ah ee ka qaybgalay doorashooyinka golayaasha deegaanka ee Somaliland, waa markii saddexaad ee uu yimaado Somaliland, waxaanu Peter Schuckink intaa raaciyay in isagu asal ahaan u dhashay dalka Holland, hase yeeshee uu muddo dheer ku noollaa Sweden, sidaa daraadeed uu warbixin ku saabsan wixii uu ku arkay doorashooyinka uu siin doono Safaaradda Holland ee dalka Sweden, sidoo kalena wuxuu sheegay inuu warbixin u gudbin doono Hay’ad Caalamiya oo u soo wakiilatay arrintan oo la yidhaa Swedish International Liberal Centre oo danaysa siday dimuqraadiyaddu uga hirgashay wadamada dunida saddexaad.
Peter, waxa kale oo uu sheegay inuu uga warami doono warbaahinta Sweden, sida ay tahay xaaladda Somaliland, sidoo kalena ay warbixin ka codsadeen Jaaliyadda Somaliland ee degan magaalada Gothenburg ee dalka Sweden oo ay ku noolyihiin dad badan oo asal ahaan u dhashay Somaliland iyo in xisbiga Liberal ee uu ka tirsan yahay ay dawladaha hoose u doorteen laba qof oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland.
Top
"Waxaan Caddeynayaa Inaanu U Hoggaansamayno Natiijada Ka Soo Baxda Doorashooyinkii Deegaanka" |
Axmed Siilaanyo - Gudoomiyaha ururka KULMIYE
Hargeysa (Haatuf) Gudoomiyaha urur siyaasadeedka KULMIYE Axmed Maxamuud Siilaanyo ayaa Shacbiga reer Somaliland uga mahadnaqay sidii fiicnayd ee ay uga qayb qaateen codbixintii doorashada golayaasha deegaanka dalka oo maalintii doraad ka dhacday guud ahaanba dalka Somaliland isaga oo gudoomiyuhu tilmaamay inay arrintaasi adduunweynaha u muujisay xilkasnimada dadka reer Somaliland islamarkaana wuxuu Siilaanyo balan qaaday inuu ururkiisu u hogaansami doono waxkasta oo natiijadu noqoto oo ay cidii ku soo baxdana u hanayn doonaan mar uu xalay gudoomiyuhu u waramayay warbaahinta dalka "waxaan ku hambalyaynayaa umada reer Somaliland sidii fiicnayd ee nabadgelyada ahayd ee ay u dhacday doorashadii golayaasha deegaanku aniga oo ka wakiil ah masuuliyiinta iyo xubnaha ururka KULMIYE" ayuu yidhi Axmed Siilaanyo. Isagoo ka hadlaya sababta uu u hambalyaynayo doorashada waxa uu yidhi "sababtu waxa weeye waxaynu dhamaanteen ogsoonahay in ay marka ay doorashadu dhacayso ay leedahay shucuur gaara dadkana ay caadifadoodu kacsantahay waayo, waxa loo tartamayaa awood iyo xukun markaa adduunka oo dhan bay ka dhacdaa inay xasaasi tahay, dad badan oo dalka gudihiisa jooga ayaana aaminsanaa inay adagtahay sida ay dalka uga dhacdo doorasho nabad ah, taasoo ay la qabeen qayb ka mid ah bulshada caalamku" balse waxa uu sheegay inay dadka reer Somaliland u muujiyeen adduunweynaha inay yihiin dad xilkas ah oo ay ka dhabtahay inay dalkooda dhistaan islamarkana ay hore u mariyaan.
"Maalintii ay doorashadu dhacaysay meelo badan ayaan soo maray waxaanad arkaysay dad badan oo dhalinyaro u badan oo safaf ku jira oo ay ka muuqato xilkasnimo iyo deganaani, taasoo ay adagtahay sida ay uga dhacdo Caalamka, run ahaantiina hambalyo ayay mudantahay iyadooo ay dalka joogeen ajaanib kormeerayay doorashada" ayuu yidhi Gudoomiyuhu "dabcan odhanmaayo meelaha qaarkood, wax iswey-weydaarini may jirin, balse hada taa ka hadli maayo ee ujeedadaydu waa hambalyada sida fiican ee ay doorashadu u dhacday" ayuu intaa ku daray Gudoomiyuhu isaga oo kula dardaarmay dadka reer Somaliland in haddii ay doorashadii si fiican u dhacday aanu midhaheeduna inaga khasaarin.
"Waxaan halkan ku cadaynayaa in aanu u hogaansamayno waxkasta oo ay natiijadu noqoto iyo cidii soo baxdaba aanu u hanaynano" ayuu hadalkiisa ku khatimay Axmed Siilaanyo.
Top
Jaamacadda City University Ee Ingiriiska Oo Dhakhaatiir Cudurrada Indhaha Ah U Soo Dirtay Somaliland
|
Hargeysa (Haatuf): Laba Dhakhtar oo ka socda Jaamacadda City University ee dalka Ingiriiska, ayaa shalay ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa, Dr. Maxamed Abiib Xuseen oo ah dhakhtar ku takhasusay cudurrada indhaha oo shalay soo dhawaynta dhakhaatiirta Jaamacadda City University ee Hargeysa u joogay shalay garoonka diyaaraha ayaa Wargeyska Haatuf u sheegay in laba dhakhtar oo ay Jaamacadda City University ka socdaa ay shalay yimaadeen Hargeysa, iyagoo tababaro xaga daaweynta indhaha ah muddo gaaban u furi doona dhakhaatiir iyo hawlwadeenada caafimaad ee reer Somaliland.
Dr. Maxamed Abiib, wuxuu intaa ku daray in dhakhaatirtan Ingiriiska ahi ay ku yimaadeen Somaliland xidhiidh ay dhakhaatiir ahaan iyagu la sameeyeen, waxaa kale oo uu sheegay in bisha 21-keeda ay Dr. Maxamed Abiib iyo hawlwadeeno kale oo ka hawl-gala xanuunnada indhuhu ay bilaabi doonaan sahan kooban oo ay ku samaynayaan arday dhigata dugsiyada hoose, si loo eego tijaabada aragtidooda.
Dr. Maxamed Abiib, wuxuu xusay in arday da’ yar oo uu hayo xanuun dhinaca indhaha ahi oo uu baahan muraayad caawisa in macalimiinta iyo waalidkuba ay u arkaan ilmo aan waxbarashada ku wanaagsanayn, isagoo ilmuhu aan sabuuradda arkayn.
Hawsha ay dhakhaatiirtaa Ingiriisku ka qabanayaan Somaliland ee dhinaca caafimaadka, ayaa ah hawl samofal ah oo ay ku caawinyaan si wax looga qabto cudurrada indhaha.
Top
Yuusuf X. Aadan Cilmi Qabille Oo Lagu Soo Dhaweeyay Hargeysa |
Wuxuu Ka mid ahaa Aasaasayaashii Waxbarashada iyo Halgamayaashii Xoriyadda Somaliland
Hargeysa (Haatuf) Yuusuf X. Aadan Cilmi Qabile oo ahaa aasaasihii labaad ee Waxbarashada Somaliland ee garabgalay Maxamuud Axmed Cali Aabihii Waxbarashada ee Somaliland isla markaana Yuusuf X. Aaden wuxuu kaalin weyn ka soo qaatay halgankii ay xorriyada kaga qaadatay Somaliland maamulkii Ingiriiska, waxaa kale oo uu Yusuf X. Aaden bilaabay jilista riwaayadaha oo ay bilaabeen ardaydii iskuulada intii aan kooxaha fanku ka samaysmin Somaliland., barqanimadii shalay ayuu Yuusuf X. Aaden Cilmi uu dib ugu soo noqday dalkiisa waxaana ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa dad tiro badan oo isugu jira madax dhaqmeed, masuuliyiin dawladda ah, eheladiisa, caruurtiisa iyo Muwaadiniin badan oo qiimeyn iyo qadarin u hayo hayo Yuusuf X. Aaden, masuuliyinta ku soo dhaweysay Madaarka Hargeysa Yusuf X. Aaden waxaa ka mid ahaa Suldaan Maxamed Sul C/Qaadir, Duqa Caasimada Hargeysa Axmed Dheere, Cabdi Yuusuf Ducaale, (Akadamiyada Nabada iyo Horumarka), Cali Qaadi (Jaamacada Hargeysa).
Iyada oo ay fara badan yihiin kaalmaha halgan ee uu u soo galay umada reer Somaliland Yuusuf X. Aaden Cilmi ayaa Haatuf waxaa warbixin kooban ka siiyay Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) waxaanu yidhi "Yuusuf X. Aaden Cilmi waxa weeyi ragii ugu mudnaa halgankii horumarinta iyo Waxbarashada ee ay umada reer Somaliland soo gashay, Yuusuf X. Aaden wuxuu kaalin mug leh ka qaatay hirgalintii waxbarashada ubadka reer Somaliland xiligii uu bilowgeeda ku kalida ahaa Maxamuud Axmed Cali, wuxuu Yuusuf ahaa ninkii labeeyay ee weliba isagu raaciyay in uu u halgamo xorriyada dadka reer Somaliland. Yuusuf X. Aaden Cilmi wuxuu ka mid ahaa kooxdii u horeysay ee waxbarasho loo diro ee tagta Sudan ka dib ugu soo noqday Somaliland sanadadii dhawr iyo afartankii qarnigii hore si uu Waxbarashada ubadkii Somaliland ee xiligaa u hirgeliyo iyadoo ay dadka reer Somaliland xiligaa waxbarista ubadkooda ay khalad ka fahamsanaayeen taasoo uu Yuusuf u badheedhay khatar walba oo ka imanaysa in Waxbarashada loo bilaabo ubadka Somaliland taas oo ka bilaabantay meesha uu hadda ku yaalo iskuulka Sheekh Bashiir."
Cabdi Yuusuf Ducaale oo ka waramaya taariikhda Yuusuf X. Aaden waxaa kale oo uu yidhi, "Iskuulka Sheekh Bashiir halka uu yahay waab yar oo ku yaalay ayay ardayda wax ugu bilaabeen, Yuusuf Xaaji, halgankaa waxbarasho waxaa u weheliyay halgan Siyaasadeed oo qarsoonaa oo uu kula jiray Ingiriiska oo uu ku lamaanaa xisbigii gobonimada dhaliyay ee SNL, Yusuf X. Aaden waxaa kale oo u raaca halgan kale oo ah kii fanka, waa heesaa, waa gabyaa, wuxuu ka mid ahaa dadkii seeska u dhigay masraxan hareeriga ah qaybtan Somaliland, masraxaas oo ku bilaabmaya Riwaayadaha Cantar Iyo Cabla iyo isa seeg oo uu Xuseen Aw Faarax sameeyay, waxaa ka horeeyay Riwaayadahii yaryaraa ee ardaydaa ay dhigi jireen marka iskuulka la furayo iyo marka la xidhayo oo Afcarabi iyo qaarkood Af-Ingiriis lagu matali jiray, taa waxaa raacaya gabayadii iyo geeraaradii markaa dhudaa kaleana ee halganka ah wuu lahaa Yusuf X. Aadan, ugu dambayntii Yusuf wuxuu aasaasay kooxdii hidaha iyo dhaqanka ciyaarahooda ku soo bandhigi jirtay."
Yuusuf X. Aaden Cilmi markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa wxaa ka muuqday caafimaad qab, marka laga reebo laxaadka lugaha oo ay dhawr jeer jabniin kaga dhacay tan iyo 1977kii oo uu shil ku galay dalka Nayjeeriya oo uu kaga qayb galay bandhig dhaqanka dadka madaw oo dunida oo lagu qabtay halkaa.
Top
"Waxaan Aaminsanahay Dadka Reer Somaliland In Ay Biseyl Ka Dhaxleen Hiddo-Samida
Dhaqankooda..." |
Daahir Maxamuud Xadi - Suxufi ka hadlaya xaaladii doorashadu u dhacday
Hargeysa (Haatuf): Sida la ogyahay waxa maalintii doraad ee Diisamber 15, 2002 dalka Somaliland ka dhacay doorashooyinkii dawladaha hoose, taas oo ay codkooda dhiibteen, waxaana doorashadaa ka qayb galay 6 urur-siyaasadeed, iyadoo ay cod-bixintaasi si nabadgelyo ah u soo gebagebawday, ka dib markii ay socotay inka badan 12 saacadood.
Daahir Maxamuud Xaddi oo ah suxufi sare oo hadda ka hawl-gala telefishinka Hargeysa oo maalintii ay doorashadu dhacaysay ku sugnaa degaamo galbeedka Somaliland ah, sida Boorame iyo Gebilay ayaanu kala sheekaysanay sidii ay cod-bixintu uga dhacday degaamadaa iyo bal sida uu u ekaa jawigii doorashadu iyo weliba guud ahaan aragtidiisa la xidhiidha sida uu arko dhacdadii codaynta, wuxuuna weriye Xaddi hadalkiisa ku bilaabay "Runtii goor hore oo abaara 7:00 subaxnimo ah ayey hawsha cod-bixintu ka bilaabatay degaamadaa, iyadoo ay goobaha cod-bixinta diyaar yihiin, hawl-wadeenadii ka shaqaynayey doorashada iyo dadweynuhuba, laakiin markii hore waxa jiray cabsi la qabey, taas oo ku salaysnayd waayo-aragnimo la’aanta arimaha doorashooyinka, hadii ay tahay qofka hawl-wadeenka ah iyo hadii ay tahay dadweynahaba, waxyaalaha werwerka laga qabeyna waxa ka mid ahaa in nabadgelyadu ay carqalad gasho, balse werwerkii la qabey waxa meesha ka saartay wada shaqayntii iyo isku duubnidii dhinacyada dadka, waxaana wax lagu farxo ahayd sidii loogu diyaar garoobay ilaalinta nabadgelayda, taas oo xataa marka laga yimaado ciidamada amniga iyo hayadaha nabadgelayda dadka laftiisii ayaa noqday Boolis iyagu nabadgelyada ilaashanaya, isla markaana aad ugu jajaban kala dambaynta iyo nidaamka, aniga oo si gaar ah u xusaya sida ay dadku ugu diyaarsanaayeen inay nabadgelayda adkeeyaan iyo ururada siyaasadda laftooda oo inkasta oo ay wax kala doonayaan, hadana isku aragti ka ah ilaalinta nabadgelyada, isla markaana ay ka go’an tahay inaanay carqaladayn doorashada".
Weriye Daahir Maxamuud Xaddi waxa uu sheegay inay degaamada galbeedku, gaar ahaan gobolka Awdal cod-bixinta doorashada ka dhacday, laakiin waxa uu xusay goobo muran dhinaca xuduudaha ah darteed ay cod-bixintu doraad ka baaqatay. Laakiin waxa uu intaa ku daray inay dadku gobolka Awdal iyo guud ahaan degaamada galbeedka Somaliland si shilis ugu soo debed baxeen cod-bixintii doorashada. "Dad aad u fara badan ayaa ka codeeyey gobolka Awdal iyo degaamada Gebilay oo iyagana booqday isla maalintaa"ayuu yidhi weriye Xaddi, isaga oo guud ahaan xaaladdii cod-bixinta doorashada ee degamaadaa ku tilmaamay mid turxaan la’aan ku meelmartay.
Hase yeeshee mar la waydiiyey inuu wax dhaliilo maamul ah arkay inta ay doonaan ha le’ekaadeene ama wax carqalad kale ah waxa uuu yidhi "Runtii waxoogaayo gol-daloolooyin ahi way jireen, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhaliilo farsamo maamul, tusaale ahaan waxa jiray goobo aan la gaadhsiin sanaaduuqdii cod-bixinta, sida Goobta Xariirad oo kale. Sidoo kale degmada Baki oo kale guddigii doorashada laftoodii ayuu muran ka dhex jiray, kuwaas oo isku qabsaday qaabka maamulka".
"Anigu waxaan u arkaa inay ummaddani tahay ummad iibisay rabitaankeedii, taas oo ay doonayaan inay sameeyaan isbedel, wuxuuna foodkaasi u dhacay si wanaagsan oo aanu uga dhicin Maraykanka oo kale oo aynu ognahay in la isku qabsaday, waxa kale oo aynu ognahay Kenya in dib loo dhigay markii la isku mariwaayey iyo sidoo kale Avery Coast ta dhacday, markaa ummadda reer Somaliland waxay muujiyeen baan odhan karaa inay ka horumarsan yihiin qaramo weligood jiray" ayuu yidhi Xaddi, isaga oo aragtidiisa ka dhiibanaya sida uu guud ahaan u arko doorashadii golayaasha degaanka ee doraad looga codeeyey gobolada iyo degmooyinka Somaliland, marka laga reebo gobolka Sool intiisa badan.
Waxa dadka arimaha siyaasadda faaqida iyo weliba dadka indheer garadka ah soo jiitay sida bisaylka weyni ka muuqdo ee ay dadka reer Somaliland u codeeyeen, iyaga oo si xilkasnimo shilisi ka muuqato ugu fara adaygay ilaalinta nabadgelyada iyo weliba ixtiraamka nidaamka cod-bixinta, laakiin weriye Daahir Maxamuud Xaddi mar la waydiiyey sida uu u arko inuu bisaylkaasi ku yimi waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay inay taasi salka ku hayso hiddosamida sooyaalka dhaqan ee bulshada Somaliland, wuxuuna yidhi "Anigu waxaan aaminsanahay inay bisaylkaa ka dhaxleen hiddo samida sooyaalkood dhaqan, kaas oo ku salaysan xeer dhaqan iyo ixtiraam". Laakiin marka laga yimaado bisaylka dabiiciga ah iyo xilkasnimada ay dadweynuhu kaga gudbeen xadaafiirtii hawshii cod-bixinta, weriye Daahir Maxamuud Xaddi waxa kale oo uu hogaamiyayaasha ururada siyaasadda ku tilmaamay inay iyaguna kaalin xilkasnimo ka qaateen arinta. "Runtii waxaan iyagana aad u faaninayaa nimanka siyaasiyiinta ah ee ururada, kuwaas oo aan odhan karo waxay muujiyeen xilkasnimo weyn, iyaga oo muujiyey inaanay doonayn waxa dadku doonayo wax ka duwan, sidoo kale saxaafadda ayaa iyana kaalinteeda ka qaadatay hawsha, iyaga oo ka turjumaya rabitaanka dadka".
Top
Cabdi Xasan Buuni Oo Ka Hadlay Sidii Ay Doorashadu Uga Dhacday Boorama |
Boorama (Haatuf): Siyaasiga caaanka ah ee Cabdi xasan Buuni, kana tirsan guddiga fulinta ee urur-siyaasadeedka KULMIYE, ayaa Maanta ka hadlay dareenkiisa iyo dareenka taageerayaasha ururka KULMIYE kaasoo ku saabsan qaabkii ay dhacday doorashooyinkii golaha deegaanada ee gobolka awdal gaar ahaanna magaalada Boorama.
Mudane Buuni oo saaka shir jaraaid ku qabtay xarunta ururka siyaasiga ah ee KULMIYE, sida uu ku soo waramayo weriyaha Haatuf ee Boorama Maxamed Cumar wuxu ugu horreyn ammaan iyo mahadcelin u jeediyey taageerayaasha ururka iyo sidii ay ugu dadaaleen nabadgelyada intii ay socotay doorashadu. ''Marka hore eebbaa mahad leh oo noo suurta-geliyey in dadweynuhu isagoon dhb isu geysan doorashadu soo gebogeb owdo.doorashada maanta waxa mahad gar ah ku leh taageerayaasha ururka KULMIYE aad baanan idiinku mahadnaqayaa.'' Isagoo ka hadlayey shirrkan jaraa'id '' doorashadu weli ma dhammaan, natiijadiinna masoo bixin haddii aad aragtaan wax ka hooseeya waxaad filayseen ha niyad jabina. Ciyaarbaa la ciyaaray wareeggii hore ayaa dhammaadaay kuwa kalena way dambeeyaan. Waxaad ku ammaanantihiin dulqaadka aad muujiseen idinkoo gaadiidkii ay saaarraayeen taageerayaashiinnu la Xidhay kuwii ay la socdeen taageerayaasha UDUBna la sii daayey oo meshii ay doonaanba ay marayeen.''
Mudane Cabdi Xasan, waxa kale oo guud ahaan ka warramay sida uu u saluugsan yahay qaabkii ay u dhaceen doorashooyinkaasi, waxa uu caddeeyey inay ahaayeen kuwa aan u dhicin si xaq ah. ‘‘Aniga iyo Madaxweyne ku-xigeenkii horeba waxan oo dhan taagnayn xarunta komishanka qaranka, annaga oo u sheegnay in si caadaaalad ah gaadiidka sidda taageeerayaasha ururada loo maamulo si caddaalad ah, balse may dhicin oo kuwayagii ayaa la diiday'' in la sii daayo. Isagoo ka hadlayey goobaha codbixinta waxa uu sheegay in goobaha qaarkood xoog lagaga soo saaray wakiiladii ururada, kuna hadheen wakiiladii UDUB.
Waxa kale oo uu intaa ku daray in goobaha codbixinta ee ka baxsan magaalada laga soo sheegay in UDUB ay ka heshay codad aan caqli-gal ahayn, marka loo eego baaxaddooda iyo dadka ku nool deegaankaasi.
Ugu dambayn, Cabdi Xasan Buuni, waxa uu soo jeediyey in dhacdooyinka lagala kulmay doorashooyinkii shalay wixii ka dhacay haddii dib loo eegi waayo ay wax u dhimi doonto wax kasta oo danta guud iyo qarannimada ku lug leh.
Top
50 Qof Oo Ku Dhintay Dooni Ku Qaraqantay Laybeeriya |
Monrovia (W. Wararka): Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhintay qaar kale oo intaa ka badana waa la la’yahay ka dib markii ay dooni rakaab siday ku qaraqantay halka ay ku kulmaan wabiga Maafa iyo Harada Biisu oo ku yaalla W/galbeed ee dalka Laybeeriya.
Sida uu sheegay afhayeen u hadlay Madaxtooyada Laybeeriya 13 qof oo ka mid ah 120 qof oo saarnaa doonidaasi ayaa ka badbaaday shilkaasi ayna socoto hawlaha lagu baadi doonayo dadka qaraqmay iyadoo ilaa hadda la soo saaray 50 qof oo ku dhintay shilkaasi, hawlo gurmada oo xoog leh ayaaka socda aaga uu shilku ka dhacay, iyadoo ay ka qayb qaadanayaan dad mutadawaciin ah oo u dhashay deegaanka, kaluumasatada iyo Ciidamada qalabka sida oo kaashanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helokobterada.
Dadka doonidan saarnaa oo la sheegay inay ka soo noqdeen aaska inan dhalinyaro ah oo geeriyooday waxa shilka ku dhacay sabab u ahaa sida la sheegay markii ay rogmatay doonidii ay saarnaayeen waa shilkii labaad ee ka dhaca halkaasi muddo 20 sano ah. Iyadoo sanadkii 1982kii ay ku dhinteen dad gaadhaya 100 qof markii uu ku dumay god laga qodayay macdanta birta iyo dahabka.
Top
Waxay Ahayd Maalin Ciid Ah
Markii iigu horeysay ee aan codkayga si xor ah oo dimuqraadiyada aan ugu dhiibto goobaha codka laga bixinayo.
Waxay ahayd 15 December 2002, maalintii ay dadweynaha reer Somaliland ay u dareereen goobaha codbixinta ee ay ugu codaynayeen Golaha deegaanka oo ay ku tartamayeen lixda urur ee kala ah ASAD, HORMOOD, KULMIYE, UCID iyo UDUB. Haddaba waxay dadweynaha ay codkoodii ku bixiyeen iyaga oo xor ah oo aanay cidna ku khasbayn inuu mid gaara u codeeyo.
Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay sida xoriyada leh ee ay muwaadiniintu ay ugu soo kalaheen salaadii hore siday codkooda u dhiibtaan waxaana dadka ka muuqday dareen farxad leh oo ay weliba ku ducaysanayeen Ilaahayow mid khayr qabta nooga dhig.
Nabadu maanta waxay ahayd ta furaha ah inay dadku isu tagaan si xishmad iyo qadarin mudan oo aanu qofna hagardaamo u gaysanayn dadka oo iskuna hambalyaynayeen ciid wanaagsan. Haddaba waxaan leeyahay hambalyo dadka muwaadiniinta ahaw, waa maalin weyne ciid wanaagsan waana waajib ina saarnaa inaynu doorano cidii inoo talinaysa dawladaha hoose siduu Distuurku dhigayay dhammaan shacbiweynaha reer Somaliland waxaan leeyahay ayaynaan u kala tagin. Iskuna duubnaanteena waana doorashadii inoogu horeysay ee shacabkeenu arkaan iyagoo madaxbanaan waa ilaahay mahadii mar haddii dadweynuhu ay aayo ka tashigoodu ay iyagu ikhtiyaar u leeyihiin. Haddaba farxad iyo barwaaqo inoo ah siduu Ilaahay shicibkeenii uga dhigay qaar wada jira oo aan lahayn wax cadaawad iyo turxaan midna. Waxa xusid mudan inay dadku markay codkooda ay dhiibtaan ee ay goobta ku soo baxaan siday afkooda uga haysteen ka aan codeyn si ay codkooda u qarsadaan waayo haddii ay codkooda dibadda ka sheeg-sheegaan oo ay taaganyihiin dadka aan codaynin waxaa dhalanaya buuq iyo sawaxan markaad dadku maxay dhiibanayaan?
Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan codkayga ugu hibeeyo cidii aan doono taana waxaa ii suura galisay nabadgelyada iyo xasilooni ku wada noolaanshaha iyo Dimuqraadiyada taala dalkayga. Haddaba ha jirto Somaliland iyo qaranimadeed u waanu helaynaa ictiraaf rasmiya markaynu gudano labada waajib ee inagu hadhay ee kala ah Madaxweynaha iyo M/weyne ku xigeenka iyo Golaha baarlamaanka, qofkii kale cadawga Somaliland ninkii ahaw ka tasho inaanay cidna kuu joojinanayn waxaanan kuu sheegaynaa inaanu naf iyo maalba ku difaacaynaa qaranimada dalkaygan Somaliland.
Mawliid Khadar Riggen
Hargeysa
Top
Codkayga Bagoon Ku Ciil-Baxay |
Waxa mahad leh shacabka Somaliland ee u bislaaday jidka loo marayo dawladnimo waarta oo rabbi ku gergaaro, ayaga ayaa mutaystay mahadnaqayga kowaad, waxa kale oo mudan iyana ammaan, dhammaan hay'adaha kala duwan ee ku hawlan suura gelinta hawshan ballaadhan.
Waa guul dhammaanteen u soo hoyatay xisbi kastaaba ha ku soo bexee ma jirto cid aan guuleysanini, waayo Somaliland ayaa ah yoolka aynu higsanayno dhammaan.
Farxaddii markii aan ogaaday in si nabadgelyo ah ay ku dhammaatay codbixintii ayaa anoo Habeenkii oo dhan ku soo jeeday khadka internetka si aan radio Hargeisa ugala socdo xaalladda, waxan farxaddii idhi ereyadan
Ninkii cabban baa caloolyoobee
Cadkaygale caawa ii dhaha
Caddaatay dadkii inuu calmadee
Ayaan calankeenu ciil mudan
Ciiddii badisaa shicibku u cugtee
Hambalyo ku casuum adoon caban
Dhaaxaa caqabado col ii dhigayee
Codkaya bagaan ku ciil baxay
Casiiska allaa ku caynshay xaqee
Innaba cadaw teello muu dhigan
Codkii shicibkaa caddeeyey runtee
Rabbow abid cawri kaa dhawr...Somalilandeey
Ali Adam awaleh
London UK
Top
Dadweynaha reer Somaliland waxaan u sheegayaa inaan ka baxay ururka ASAD oo aan hor uga mid ahaa, waxaanu ku biiray ururka UDUB, aniga oo ururka UDUB u arkay mid ay dhexdiisa taal cadaalad iyo kala dambayn, sidaa darteed ayaan ugu biiray.
Yuusuf Cabdi Jaamac (Cagayare), Hargeysa
Top
Baxaa-Deggii Jacaylka: Billan Iyo Baxnaan |
Q: 25aad - Sheeko Taxane ah - Waxa Qoray Cumar D. Cumar (Japan)
Qaali maalmahan dambe waxay weydiisaa Baxnaan in uu soo baro reerkooda reer Baashe Cirsuge oo aan soo booqan intii uu guursaday baxnan Qaali, waxay kula kaftantay Baxnaan inay la yaabantahay Baxnaan sida aanay uga maqal ama u arag cid qoyskooda ah oo ay indhaha saartay, Baxnaan muran badan ama jawaab saxa kamauu siin sababta uu u liito xidhiidhka u la leeyahay reerkooda, run ahaantii wuxuu Baxnaan ka jeclaan lahaa haddii ay Qaali odhan lahayd maxaad ula xidhiidhi weyday Bilan, halka uu Baxnaan dhagaysto heesaha cabashada ah iyadu Qaali waxay galisa cajaladaha ah lamaanaha lab iyo dhedig ee heesaha jacaylka oo ay weliba la qaado ereyada muujinaya jacaylka Baxnaan wuxuu jeclaan lahaa cid kala talisa sidii uu u soo ceshan lahaa Bilan, isla markaanaa aanu qalalaase uga yimaadeen dhinaca Qaali markii uu Baxnaan asxaabtiisa fanka qaar kala sheekaystay arrintan bal in ay la taliyaan, waxaa uu Baxnaan kala kulmay laba talo oo aanu midna u guuxin, midi waxay ahayd guurso naag saddexaad iyadoo ay ragii taladaa siiyay ku yidhaahdeen waxaa heshiinaya labadaada xaas ee hore, Baxnaan taladan umuu arag mid maskax fayow ka timid, waayo wuxuu Baxnaan ka dabaalan la’yahay Bilan iyo Qaali, markaa caqligiisu muu aqbali karayn hawl saddexaad gal, talada kale waxay ahayd Qaali isku koob oo gabadhaa Bilan ee kaa duday iskaga daa taladan dambe ayaa kaga sii xumayd ta hore oo wuxuu u arkayaa qofka yidhaa Baxnaan ka maaran Bilan qof u cadawa naftiisa iyo noloshiisa, qofka aan hoos u ogeyn qalbiga Baxnaan ee arka sida ay Qaali u baashirayso ninkeeda Baxnaan way ku adagtahay inuu fahmo sababta u Baxnaan ugu fikirayo ruux ka maqan.
Bilan xanuunkii loo geeyay miyiga ee ahaa naxdintii ay ka naxday warkii u warameen Maryan Booda iyo Salma way ka bogsatay laakiin waxay dareentay isbedel kale oo ku keenay caajis, kala daadsanaan ugu dambeyntiina waxay fahamtay in caloosheeda ilmo galeen, bilo ka dib waxaa muuqatay in Bilan ay uur leedahay, xaaladan cusub ee Bilan waxay bedeshay aragtidii reer Gaas Saddexle ee arrinta Baxnaan waxaana la go’aamiyay in la raaciyo Bilan sidii dhaqanku ahaa xeedhooyin oo lagu celiyo gurigeedii, Gaas Saddexle oo Bilan aabaheed ahi hadda wuu raacsanyahay in Bilan lagu celiyo guriga Baxnaan waayo wuxuu la socdaa in inantiisu ay tahay xaamilo waxaanu Gaas doorbidayaa in gurigeedu noqdo halka hoyga u noqonaya iyada iyo ilmaheeda, Gaas arrintan wuxuu wargeliyay walaashii ruun oo degen Hargeysa, Bilan waxay ogtahay go’aanka reerkooda reer Gaas ee hadda aan taagnayn halkii hore waxaanay aragtaa in reerkoodu u diyaar-garoobayo sidii ay ugu celin lahaayeen gurigeedii iyo ninkeedii Baxnaan.
Bilan mar mar ayay maskaxdeedu dib u xusuusato dhacdooyinkii soo maray iyada iyo Baxnaan waxaanay aragtaa sawiro kala duwan oo isugu jira farxad cabsi, naxdin, daacadnimo, balan ka bax, xanuun aroos, cadho, wax diidmo ogolaansho, hadda xiligan waxay Bilan ku jirtaa farxad. Ay ku faraxsantahay in reerkoodu aay la ogolyihiin in ay ku noqoto ninkeedii oo weliba aabaheed u hawshaas gali doono, Bilan ma hubto in jawigaa farxada ah ay sidaa ugu jiri doonto waayo muddo bilo ah ismay arag Baxnaan, Bilan mararka qaar waxay is odhan jirtay muxuu Baxnaan ugu soo badheedhi la’yahay aabahaa ee uu u odhan la’yahay Bilan ayaan doonayaa, laakiin taasi may dhicin, waxayse Bilan sidii ay ku ogeyd Baxnaan ay hubtaa inuu Baxnaan muuqeeda iyo la joogeedaba uu aad u jecelyahay, mana rumaysan karto Bilan, Baxnaan ayaa naag kale kaa doortay oo adiga kaa maarmay, Bilan waxay tirsanaysaa in sidii uu u bilawday jacaylka ka dhaxeeya iyada iyo Baxnaan in aan dhinaceeda daacadnimo iyo waxtar mooyee aanay wax kale ka iman, laakiin dhawr jeer uu Baxnaan dhaawacay jacaylkooda siyaabo kala duwan, Bilan hees ayay hoos u qaadaa ay ereyada ku jira iyadu isku toosisay waxaanay, tidhaahdaa "Beri-samaadkii, waagii Bilana, Baxnaan waan u bogay barashadaadii, bartuu degay jacaylkii, beerkiyo wadnaha wuxuu noqday noloshaydiyo mid aan nusqaantiyo ka ilaaliya nacabka, barbaarkaaga inuu baylah iyo baydh baydh bidhaantooda muuqaal ma aha balanteenii adna Baxnaan, adna Baxnaan".
Marka ay hoos ahaan ereyadan u tirinayso Bilan waxaa u sawirma Baxnaan oo horjooga, waxaanay ereyadan tirisaa Bilan inta badan marka ay iska jiifto indhahana ay isku hayso sidii qof hurda, marar qaar ayay Bilan is tidhaahdaa alla ha baran lahaydaa Baxnaan, ha jeclaan lahaydaa, halkii aad ku kulanteen, ha tagin lahaydaa, haddana Bilan iyadaa isu jawaabta oo tidhaahda yaa ka wanaagsan Baxnaan ee aad la kulmi lahayd, yaa ka wanaagsan Baxnaan ee aad jeclaan lahayd, yaa ka wanaagsan Baxnaan ee aad naagtiisa noqon lahayd? Dhammaan su’aalahaasi waxay Bilan kaga jawaabtaa Baxnaan ayaa intaba u qalma, Bilan waxay xusuusataa wixii doonaa ha jiraana in aan weli Baxnaan erey xun si toosa ugu odhan, waxay xusuusataa in uu Baxnaan badbaadada Bilan uu biimeeyay naftiisa, Bilan waxay ogtahay in berito ay iyada iyo xubno qoyskooda ahi in ay u ambabaxayaan Hargeysa.
Top
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga |
Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991
Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay M. M. Muuse, Waxa Tifaftiray A. Ducaale
Q: 47aad
Mingistu: "Ras Imiru (qoyska boqortooyada) ayaa isha iiga sanqaday markaas ayaan idhi si uun yeel, ka dibna inta uu kacay ayuu yidhi "Aniga ujeedadaydu ma aha inaan dhexdhexaadiyo arinta lagu muransan yahay ee odhanaysa waxa jirta lacag meel la dhigtay iyo ma jirto, laakiin arinta ku saabsan lacag baa meel la dhigtay waa sheeko dadka oo dhan dhex-wareegaysa, sidaa darteed in arintaa jawaab laga bixiyaa inay muhim tahay ayaan u arkaa, sida la leeyahayna hadii ay run tahay oo ay lacagi jirto ma jiraan wax dalkayaga noo dhaamaa, taasina ma aha mid aan boqorow afka ka leeyahay ee dhibaatada dalka ka jirtaa mid iyo laba toona ma aha, oo xataa waqtigan xaadirka ah weli dadka kama hadhin diiftii abaarihii gobolka Wallo, markaa waxaan leeyahay si uun hala yeelo oo go’aan hala sheego inay wax jiraan iyo inaanay jirin", dabadeedna Ras Imiru markii uu intaa yidhi ayuu boqorkii fajacay oo uu Ras Imiru eegay, ka dibna waxa uu ku tiraabay "Anagu mar hore ayaanu idiin sheegnay oo aanu idin nidhi haba yaraatee ma jirto wax aanu dadkayaga ka qarsanaynaa, hadalkaasina waa qawlkayagii ugu dambeeyey, intaas wax ka badan oo aan idin odhanayaa ama idiin sheegayaa ma jirto, ta kale dhokmantiyada aad haysaan ee aad leedihiin waa cadaymo haba yaraatee ma jiro wax xidiidh ah oo ay la leedahay arintan, balse hadii ay jiraan cadaymo kale oo uu baanku idin siiyey keena oo aanu wada eegno", ka dibna waxaanu ku nidhi "Maxay hadaba yihiin dhokmantisyadani", wuxuuna ku jawaabay "Ma aha wax loo baahan yahay inaan idiin sheego", markaas ayaanu hadana ku celinay "Ma doonaysid miyaa inaad noo sheegto", wuxuuna ku jawaabay "Haa looma baahna inaan idiin sheego."
Si kasta waanu yeelay oo arintaa waxba waanu ka qaban kari waynay, dabadeedna dadweynihii ayaanu u sheegnay inuu diiday inuu sheego lacagtaa, taasina waxay keentay inay dadweynuhu fiiro gaar ah u yeeshaan boqorka iyo arimihiisa. Laakiin hadii aan arinta dib ugu noqdo ujeedada aan anigu lahaa may ahayn ama maan doonayn inaan boqorka kursiga ka tuuro ama ama aan dilo, laakiin arintu waxay ku timi xaaladdii xumayd ee xiligaa dalka ka jirtay, dareenkii xumaa ee ay dadka ku dhalisay abaarihii gobolka Wallo, necaybkii dadka ugu beermay maamulka boqortooyada iyo waxyaalo kale, taasina waxay abuurtay mucaaradad odhanaysa waa in boqorka xukunka laga dejiyaa, sidaa darteed arintaasi waxay ahayd arin aanu hore uga soo wada tashanay, taas oo arimihii aanu ka tashanay ee aanu iswaydiinay ay ka mid ahaayeen : Dawlad noocee ah ayaa loo baahan yahay, maxay noqon kartaa talaabada ugu haboon ama ugu weyn ee uu shicibku aqbali karaa, boqorka marka xukunka laga dejiyo meel noocma ah ayaa la dejinayaa iyo arimo kale ayaanu ka wada tashanay, laakiin arimahaasi may ahayn wax nin qudhi go’aaminayey oo tiisa uun la raacayey, balse marka ay dadka qaar arimaha ka sheekaynayaan ee ay wararka y\u bixinayaan sidii aan anigu ahaa qof awood leh oo boqorka dili kara ama leh go’aan uu keligii qaadan karo waa la yaabaa , taasi waa mid been ah, waxaana xogta runta ah laga ogaan karaa xubnihii kale ee dhergiga.
Laakiin anigu xataa marka boqorka loo tegayo keligay umaan tegi jirin, sababta oo ah hadii uu qof qudhi u tago waxa meesha imanaysay maxaa keligaa kaaga xidhan boqorka iyo su’aalo kale, sidaa darteed maadaama ay dareemada caynkaas ahi jireen, waxa mar walba lagama maarmaan ahayd inaanu qofna keligii u tegin. Ta kale markii aanu boqorka lacagta waydiinaynay waxaanu goob joog ka dhignay Ras Imiru, taas oo aanu uga jeednay inay dadweynuhu ogaadaan inay arintu run tahay, sidaa darteed markii aanu nimanka boqortooyada la hadlaynay waxaanu hadaladoodii ku duubnay kamarad si aan hadhow loo odhan waa beentood ee ay dadku sheekada u aaminaan, laakiin marka la isku soo ururiyo haba yaraatee may jirin wax qudha oo aanu keli u qaban jiray.
Hase yeeshee markii aanu shaaca ka qaadnay inuu boqorku diiday inuu lacagta sheego ama bixiyo ayey dadweynuhu sidii ay u dhamaayeen gadoodeen, ka dibna wixii dhacay waad wada garanaysaan. Ta kale markii uu xilka ka degay marba marka ka dambaysa caafimaadkiisu wuu ka sii darayey, laakiin mar qudha ayey xaaladdiisu is bedeshay oo uu shook qaaday, waxaan u malaynayaa in wixii shoogga qaadsiiyey ay ka mid ahaayeen kelinimo uu dareemay iyo waxyaalo kale oo fara badan, sidaa darteed mar aanu la soo hadalay ayaanu aragnay isaga oo ku hadlaya hadallo is dhaaf dhaaf ah, tusaale ahaan waxa uu na waydiin jiray niman beri hore dhintay oo ay qaarkood janaraalo yihiin, dabadeedna markii aanu aragnay inuu hadalo isdhaaf ah bixinayo ayaanu nidhi ninkan waa in dhakhtar loo doono, waanuna ugu yeedhnay, waxaana ka mid ahaa dhakhtarada boqorka u iman jiray Professor Asraat iyo qaar kale.
Waxa jiray guddi la odhan jiray guddiga ilaalinta jeelka, sidoo kale waxa iyaguna jiray guddi kale oo la odhan jiray gudiga ilaalida boqortooyada, guddigaasina waxay lahaayeen taliye, sidaa darteed mar walba guddigaa ayaa nala soo socod siin jiray xaaladda boqorka iyo caafimaadkiisaba, isla markaana wax kasta oo loo qaban karayey waa loo qaban jiray, markaa aniga iyo Adnaafu midkaayana uma tegin keligii, waayo sabab aanu keligayo ugu tagno ayaan jirin.
Taliyaha ilaalada boqorku waxa uu ahaa gaashaanle Yaaooraw, sidoo kale waxa loo xilsaaray inuu boqorka kool-kooliyo Indhaale , kaas oo loo xilsaaray inuu had iyo goor boqorka agjoogo, taas oo ay ahayd in hadii ay wax yari ku soo kordhaan caafimaadka boqorka uu dhakhaatiirta si degdeg ah ula socod siiyo, anaguna markasta oo aanu u tagno waxa la joogi jiray ilaaladiisa, sidaa darteed cid ilaaladiisa iyo adeegayaasha ahayni uma ay dhowaan jirin boqorka oo xataa dhakhtarka ka shaqeeyaa keligii uma uu tegi jirin hadii aanay ilaaladiisa iyo adeegayaashiisu ag joogin. Laakiin markii u dambaysay, gaar ahaan xiliyadii uu caafimaadkiisu sii liidanayey ayaanu shir uu golaha dhergigu lahaa kaga wada hadalay caafimaadka boqorka, iyadoo ay wararkiisa na soo gaadhsiin jireen xubnaha ilaaladiisa ama Daani’el oo ahaa gudoomiyaha guddiga golaha dhergiga u qaabilsan jeelka .
Mararka qaarkood marka uu boqorku dhex-warwareegayo xerada dhexdeeda waxaan maqmaqli jiray hadalada kaftanka ah ee ay is dhaafsan jireen ilaaladiisa, tusaale ahaan maalin ayuu boqorku ku yidhi mid ka mid ah ilaaladiisa "Bal hadda ii dhiib qorigaaga aan eegee", ka dibna askarigii si sharfan ayuu ugu dhiibay, laakiibn boqorku inta uu qoslay ayuu askarigii ku yidhi "Adiga oo ah ilaaliyahayga sidee baad qorigaaga iigu dhiibtay" dabadeedna wuu u celiyey.
Amiirada la odhan jiray Tanaanay anigu waxaan uga shaki qabaa inay boqorka la joogtay markii uu dhimanayey, sababta oo ah reer boqor anaga oo si sharaf leh u haynay, ka dib markii uu Amiir Makoonin dembi galay, ka dibna xabsiga ayaa loo taxaabay, intaa ka dib waxaan u malaynayaa inaanay boqorka cidi nooga tegin.
La soco cadadka dambe.
Top
A. A. Garas
Halkani waa Raadyow Ma Qaloocshe, oo aydun ka dhegaysataan Mowjadaha hebla iyo heblaayo.
Akhristayaashayada amuuraha badanow, waxaynu soo gaadhnay amintii aan warka idin tiimbin jiray, waxaana maanta u leh Ina Food Far Ku dhuuqe.
Warka Sanduuqiisii
Jamhuuriyadda Shankaroonland, ayaa caashaqeeda koombo miistay, hiirtii waaberi ee dorraad ayaa namta laga saaray sanduuq sanka waraaqo laga xurbinayo. Dad caashaq la il daran oo sida tusbaxa iskaga daba rogmanaya ayaa habar weliba ururkay ogolaatay jacaylkeeda warqad ugu sawirtay oo sanduuq dhakada kaga juqaashay. Dadkaasi markay codka ku sardamayeen oo aan moodaysay geel cusbo loo dhigay, may jirin cid ku dhimatay, laakiin waxaan arkay dad badan oo faryaro bidixdu dhiig cas leedahay, dadkaas oo aan is idhi malaha sanduuq ayaa ka qaniinay, laakiin la ii sheegay in ay tahay calaamada cilaansaarka doorashada. Dhammaan daabiyadaha dalka, ayaa ka masoobay quraacda foodka, tuulada laanta taalooga leh oo aan aartiiga kula xidhiidhay, ayaan oday joogay weydiiyay siday u galeen saduuqoodii, waxaanu ii sheegay in ay dibiriyeen oo uu cifanaayo.
Tuulada shaarubo naagoodle oo aan hangool la tiigsaday, ayay ii sheegeen in ay sanduuqoodii caashaq ka dhaamiyeen. Tuulada Carmal seexato, ayaa iyana laga soo tabiyay inuu ka jiro sanduuq codka ku margaday, goob ay ka socotay koombo miiska foodka oo aan isha ula tegay ayaan la kulmay habar farawlaha oo magaceeda ku sheegtay Xulbado Internet. Habartaasi, waxay ii sheegtay inay tahay markii u horeysay ee ay caashaqeeda ikhtiyaar u bixiso, halkaas kagama hadhine waxan ku su’aalay ururkaad siisay, waxay ku jawaabtay; "Waataan raggayaga waayaa, waxaan ugu riday ururkii inantayda dumaalay," oo maxaad ku garatay; "Waar inanku miyuu hurdaa, dee waxan ku idhi xisbiga reer hebel halkuu leeyahay." Lixda urur ee codka lagu qulaaminayay oo kala ahaa; ururka Qodinle, ururka Sumalle, ururka Shimbirle, ururka keengacanta, ururka kutuble ujo, ururka Aardoboole, kuwaas oo dhammaantoodba caashaqa u marti ahaa.
Markii ay socotay xumadda doorashadu may jirin urur quraacdu ka go’day, laakiin si loo kala badbadayba degma waliba wixii ay caashaq u haysay faraqyada ayaa loogu guray. Ragga ururada ka madaxda ah oo ah rag aan kursiga xoog ku doonaynin ee xarago ku soo doontay markii ay socotay xumadda doorashadu raggaas waxa u dheeraad ahaa qandho badan oo malaha ka dhalatay qadoodiga foodka. Raggaas mid waliba inta taagii xiniinyo isku booray, iyagoo raggaasi xoog, xoolo, xigto iyo xididba wixii ay hayeen ku soo weerar galay, iyagoo raggaasi dhegahoodu waxay maqlaan ay ugu jeclaayeen "Adigaa laguugu wada riday," iyadoo mid waliba ku ducaystay intii uu quraanka yaqaanay.
Xarbiga doorashooyinka oo socday baxdo ilaa dhacdo, ayaa miskii hore ee habeen hore juqaalka lagu adkeeyay sanduuqyada, ururkastaana intuu budhkiisa iyo indhihiisa soo qaatay, ayaa la kala xisaabsaday wixii ay dookhooda u arkaan. Guddiga koob basharka lahi, oo iyagu dheglayda doorashada hayay, ayaa sheegay in loo baahan yahay in foodadka la kala qaboojinayo oo inta siigada laga maydho dhawr casho kadib la soo saari doono.
Foodadka iyo dookhyada kala nooca ahaa, ayaa markii sanduuq qudha lagu ururshay la sheegay in ay is dirireen oo sanduuqa dhexdiisii qawda isaga saareen, iyadoo markii laga furay sanduuqyada lagu arkay caashaq dookh dilay iyo cadad badan oo dhaawac, kuwaas oo aan ururna aan la siinin ee la dhigay dhakhtarka foodka.
Doorashadan oo ka mid ah, cawaandinimada cusub ee Shankaroontu la soo baxday, iyadoo laga yabaalsanaa in ay faataxo qasan Qaranka ku keento, shakigaas oo ay qabeen ragga aan ogeyn fariidnimada Shankaroonta.
Doorashadan Shankaroontu samaysay oo quruxdeeda iyo dheg badnaanteeda aan is idhi Alla yaa guursada oo geel ka bixiya, taas oo Ingiriisku amakaag u dhintay, Jarmalkuna fajac la gaabtay, Faransiisna dhaygag la liito. Dalka Maraykanka oo isagu isu haysta in doorashooyinka hooyadii leedahay, isagoo dunida ugu digdigleeya doorasho sameeya, ayaa la sheegay inuu ka wareeray doorashada Shankaroonta. Habar gaalad aan u gartay, balse cid ay ka sii tahay aanan garanayn, ayaan weydiiyay ishay leedahay doorashada Shankaroontu, waxaanan ku idhi; "Halluu..Habaryuu litil Geeral" kolkaasay iigu jawaabtay; "Fayn..Fayn. Taldhaqyuu." Kolkaasaan ku ceshay; "Haw aaryuu Shankaroon elegshan on your eyes?" say tidhi; "I seem it come iniijiwal election oorayd very well, good nice victory, very bad of little biti"
Habartaas oo intaa markay ii sheegtay Ingiriisidii aan aqaanay igu go’day ayaa sheegtay in marka Maraykanka doorashadu ka dhacayso Shankaroonta loogu yeedhi doono, "Fari egesbeerti" my be, maxaa yeelay Shankaroonland ayaa Maraykanka kaga fiican doorashada "Are you Biliif".
Si kastaba ha ahaatee, dalkan oo balwadan oo kale ay ugu dambaysay dhawr iyo sodon sano ka hor, taas oo loo baxshay "Food qasaaray", ayaa tan doraad dhacdayna loo baxshay "Food Mirqaan", inkasta oo dadka qaar ugu yeedheen "Doorasho dirqi". Laakiin anigu waxaan u arkay elegshan kibray, iyadoo ilaa eega la ogayn ururadu siday loo kala qooqay, wixii oo caashaq ahaa ururadana weli cusbadu ku jirto oo aan la ogan saddexda xisbinimada qaadaysa, ayaa iyagaiyo Allahoodee la sheegay inuu liibaanay ururka agoonka ah oo aan u baqanayay. Ururkaas oo odaygiisii maanta iga hoseeyo, iyadoo musharaxiisana maalin dhawaydLaas-caanood lagaga nixiyay, ayaa la sheegay in habro badani caashaq ka dibiriyeen, waxaanay qiyaastaydu sheegaysaa in cid soo raacdaba isagu soo baxay, ururada kale oo aan iyaguna ragganimada kala dhicin, kuwaas iyaga jeebkooda iska soo noolyay oo aan dawladdu shidaalka ugu shubin, haddana kalsoonidu kidhka tahay. Maalin aan dheerayn ayaa la kala ogaan doonaa, mid kasta meesha uu nafta la gaadho.
Habar reer Berbera ah oo aan su’aalay ururka ay u codaysay ayaa tidhi; "Hooyo, anigu waan gaboobay oo UDUB ayuun baan doortay, haddaan urur kale ugurido saw markaan aakhiro tago marxuumkii I qabsan mayo."
Dhegeystayaashayada Caashaqa aan shaqsanaayow, warkii waa naga intaa, imikana Gabaygan caashaqa la ciirka ah ila taabta:
Gabay
Inanyahay Jacaylkaygu
Waa kaaga labadiiye,
Intaa waxaan la soo luudayaa
Yuu lug kaa jebine,
Sidii foosto ceel laga dhuraan
Laban legdaaye
Cawrala galgalatooy
Adaan kuu gol leeyahaye,
Aad kuu lahaadee
Adaan kuu gabyaaye
Xisbi laga dhigyey
Yaa sidii urur kuu aas-aasa
Allow yaa astaan kaaga dhiga
Aniga ruuxayga
Magacaaga yaa ururiyoo
Alufyo soo qaata
Allow yaa agoon xoolaheed
Kuugu alalaasa
U codee bal yaa igu yidhaa
Udub sidiiye,
Inanyahay midaan doonayoo
Diidan baad tahaye
Walibana midaan doortay
Oo duufle baad tahaye
Dawadii aniga lay qoroo
Diiran baad tahaye
Qayrkay intuu urur dhisuu
Dhigayay kaambayno
Ama uu kuweydiyo Togdheer
Kanada gaadhayay
Ama kolaymaraan noqonayuu
Koox Habra ah doontay
Ayuun baan kalgacalkaa
Cambaro tuug ka celiyaaye
Adigoo itaalkaasle ayaan
Meeday leeyahay
Sidii ururadii oo kalaan
Kuu werwerayaaye
Sidii musharax
Laga food bataan
Sii naxnaxayaaye
Sidii musharax
Lacag waayay baan
Ciil isdabayaaye
Saddex magac Illaahay
Haddaad sidatan dayn waydo
Lacagtii dhammaataye
Waloon kaaga malaqsiini.
Top
Lazio oo kaalinta labaad tagtay ciyaaraha Serie A markii ay 2-1 ku quusisay Juventus
Roma (Reuters): Kooxda Juventus, ayaa habeenkii axada la hoyatay guul la’aantii afraad, afar ciyaarood oo isku xiga markii ay kooxda Lazio ku quusisay 2-1 ciyaartii dhexmartay.
Guusha ay la hoyatay kooxda Lazio, waxay ku kasbatay kaalinta labaad ee kala horeynta Horyaalka kooxaha heerka koowaad Serie A ee Talyaaniga. Ciyaartaas, waxaa kooxda Lazio 2-da gool ee ay ku guulaysatay u wada dhaliyay Stefano Fiore oo khadka dhexe uga loolama Lazio.
Lazio waxay dhammaan ku guulaysatay toddobadii ciyaarood ee ugu dambeeyay ee ay u safato oo ay ugu dambaysay ciyaartan ay ku lagaday kooxda Juventus.
Ciyaartan Lazio iyo Juventus, waxaa qaybtii hore gool-dhallinta ku hor martay Juventus markii uu dhammaystiray Pavel Nedved kubad uu soo dhisay Alessandero Del Piero, Lazio ayaa daqiiqad gudaheed kula simantay Juventus, markii Stefano Fiore kubad sare shebaga goolka Juventus dhigay baas uu madaxa ugu soo dejiyay Bernando Corradi. Goolka ay guushu ku raacday Lazio, wuxuu u dhashay 5 daqiiqadood kadib wakhtigii nasashada ciyaarta markii uu Fiore uu laad madfaca kala tiigsaday goolka Juventus meel u jirta ilaa 20m oo uu lugta midig ugu saxeexay goolkii ay kooxdiisu ugu hinqatay kaalinta labaad ee kala horeynta kooxaha, markii ay guushu ku raacday 2-1.
Ciyaartan weerar Juventus qaybtii dambe ee ciyaarta weerar badan kumay soo waajihin difaaca kooxda Lazio, kooxda Juventus waxay guuldaradii ka raacday ciyaartan ay u ahayd tii labaad ee toddobaad gudaheed.
Top
Ronaldo oo lagu wado inuu noqdo xiddiga kubadda cagta ee Yurub sannadkan 2002 |
Ciyaaryahanka Ronaldo ee hadda u safta kooxda Real Madrid ee Spain, ayaa ugu muuq weyn 6-ciyaartoy oo laga dhex xulayo xidiga kubadda cagta ee Yurub sannadkan 2002. ciyaaryahanada sannadkan loo soo xulay inuu ka soo dhex baxo ninka loo aqoonsanayo ciyaaryahanka sannadkan ee Yurub waxay kala yihiin:
-
Ronaldo (Brazil, Real Madrid)
-
Raul (Spain, Real Madrid)
-
Zinedine Zidane (France, Real Madrid)
-
Roberto Carlos (Brazil, Real Madrid)
-
Oliver Kahn (Germany, Bayern Munich)
-
Thiery Henry (France, Arsenal)
Abaalmarinta xidiga sannadkii ee Yurub, waxaa la siiyay sannadkii 1995-kii Stanley Methew oo reer England ah, xiligaa kadib waxaa abaalgudkaa loo ogolaaday dhammaan ciyaartoyda kubadda cagta ee ka ciyaara Yurub, waxaanay markii horeysay qaatay George Weah, isagoon u dhalan Yurub.
Xavier Rivoire oo ah suxufiyiinta ugu sareeya ee wax ka qora kubadda cagta oo Faransiis ah, ayaa isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi: "Ciyaartoyda dunida ugu wanaagsani, waxay naadiyo ganacsi ugu ciyaaraan Yurub, ciyaaryahanka sannadkii u haysta kubadda ee Yurub, abaalgudka lagu sharfaa waa mid huwan sharaf weyn, go’aanka lagu dooranayo xidiga kubadda cagta ee Yurub sannadkan waxaa go’aamiya suxufiyiinta ugu heerka sareeya Yurub oo dhan, kuwaas oo leh waayo-aragnimo iyo awood fulinood."
Qoraaga caanka ah ee Faransiiska u dhashay Rivoire, wuxuu arrinta ka rumaysan yahay in Ronaldo uu ka soo mudhbixi doono lixda ciyaartoy ee uu ka mid ka yahay oo uu isagu noqon doono ciyaaryahanka lagu abaalmarinayo jaa’isadda sannadka oo uu gudoomi doono goobta lagu bixiyo ee Paris oo ah goob indhadaraadara iftiinka ka widhwidha.
Rivoire, wuxuu yidhi: "Waxay aniga ila tahay 6-da ugu heerka sareeya in ay yihiin Ronaldo, Raul,Roberto Carlos, Oliver Kahn, Zinedine Zidane iyo Thiery Henry, taas oo uu u muuqdo Ronaldo ninka ugu haboon abaalmarintaas."
Jaa’isadan sannadlaha ah ee lagu maamuuso ciyaaryahanka ugu ciyaarta wanaagsan kubadda cagta Yurub, waxaa qabanqaabiya Jariirada ka waranta kubadda cagta ee Faransiiska (France Football Magazines), waxaanay la xidhiidha dhaqanka soo jireenka ah abuuristii Naadiyada ciyaaraha.
Qoraagan dhinaca ciyaaraha kubadda cagta ee Faransiiska ah Rivoire, wuxuu sheegay fikirka abuurista ciyaaraha kubadda cagta ee koobka adduunka (World Cup) iyo tartanka horyaalada Champions ay ka yimaadeen jariidad Fransiisa oo la odhan jiray I’Equipe Magazine, waxaanay lahaa hindisahaa Jules Rimet iyo Henri Delauney.
Mr. Rivoire, wuxuu intaa ku daray in aan hadda Faransiisku aanu aad ugu sii awood weynayn dhinaca ciyaaraha kubadda cagta oo dadka Faransiisku ay ogyihiin in aanay guulo badan kala soo hoyan garoomada.
Top
Real Sociedad Oo Si Cad Hogaanka Ciyaaraha Spain U Hantiday Markii (2-1) Ku Samirsiisay Mallarco |
Kooxda hoggaaminaysa tartanka kooxaha heerka koowaad ee Spain Real Sociedad, ayaa sii adkaysatay in ay halka uga sareysa kaga sii jirto kala horeynta tartanka kooxaha kubadda cagta ee Spain, kadib markii ay 2-1 kaga adkaatay ciyaartii doraad kooxda Mallaro.
Real Sociedad, waxay weli haysata xili-ciyaareedkan rikoodh aan ciyaarna dhinaceeda dhulka la dhigin, Real Sociedad waxay ku horkacaysaa kooxaha Spain 32 dhibcood, waxaa kaalinta labaad Valencia oo 28 dhibcood leh, kooxda Madrid oo ay dheeryihiin hal ciyaar labada kooxood ee hore ayaa iyana kaalinta saddexaad ku jirta, lehna 24 dhibcood oo ay siman yihiin kooxda Celta del Vigo, waxaa iyaguna ku xiga oo min 23 dhibcood leh kooxaha Real Betis, Deportio iyo Mallarco.
Ciyaarihii doraad, waxaa guuldaro weyn la kulantay kooxda Barcelona oo ay kooxda Sevilla 3-0 kaga badisay ciyaar ka dhacday garoonka Camp Nau, waxaanay Barcelona u ahayd 3 guuldarro oo ay kala kulantay ciyaarihii u dambeeyay, laba gool ka mid saddexda gool ee ay guushu ku raacday Sevilla, waxaa dhaliyay Mariano Toedtli oo ah ciyaartoyda kayd ah ee Sevilla oo ah reer Argentina.
Kooxda Sevilla goolkii u horeeyay ee ciyaarta dhexmartay Barcelona u dhaliyay Javi Casquerro, wuxuna ahaa rigoore loo dhigay Sevilla daqiiqadii 50aad ee ciyaarta oo ku yimid khalad uu galay Philippe Christanval oo ka galay Jose Antonio Reves oo weerarka uga ciyaarayay Sevilla.
54,000 oo ahaa daawadayaashii ciyaartan oo u badnaa taageerayaasha kooxda Barcelona, ayaa ku foodhyay oo lahaa iscasil gudoomiyaha kooxda Barcelona Joan Gaspart. Barcelona waxay kaga jirtaa kaalinta 13aad ciyaaraha Isbaanishka, waxayse Barcelona 10 ciyaarood oo isku xiga ku guuleysatay ciyaaraha Champions ee Yurub.
Barcelona sii quusatay ciyaartii doraad 15-kii daqiiqadood ee u dambeeyay markii uu Mariano Toedti oo bedel ku soo galay daqiiqadii 71aad oo uu nasiyay Antonito Ramiro, Mariano Toedtli afar daqiiqadood oo qudha markii uu ciyaarta ku jiray ayuu madaxa ugu dhaliyay kooxdiisa goolkii labaad, isla Toedtli ayaa goolkii saddexaad u dhaliyay Sevilla kubad uu dhinaca midig kala soo galay goolka Barcelona.
Ciyaartan taageerayaasha Barcelona, ayaa aad uga dhawaaqayay Maamulka kooxda Barcelona in ay iscasilaan, waxaanay lulayeen masarada gacanta ee cadcad oo ay ku muujiyeen mudaharaad diidmada ah.
Sawiradii Cadaka
Caption Picture (1): Haweenay warqadii codeynta ku ridaysa sanduuqa codbixinta
Caption Picture (2): Shukri Xaaji Boondaro oo ah xubin ka tirsan G. Doorashooyinka oo fadhida Qolka Isgaadhsiinta Doorashooyinka
Caption Picture (3): Muwaadin curyaan ah oo codbixinta ka qaybqaatay
Caption Picture (4): Saf ka mid ah safafka codbixinta ee goobihii doorashooyinka
Top
|