Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 227 December 18, 2002

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Ka Hadlay Murankii Goobaha Coddeynta Ee Degmada Lughaya Iyo Xaddeynteeda

Salaadiinta Somaliland Oo Ka Hadashay Doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka

Warqad Furan

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Oo Sheegay In Ururada Qaar Dalbadeen In Lagu Celiyo Tirinta Codadka

Harta Sheekha Iyo Isbedelka Ku Yimid

Thambi Imbeki Oo Markale Oo Doortay Hogaamiyaha ANC

Shirweynihii Mucaaridka Ciraaq Oo La Soo Gebagebeeyay

Aragtida Akhristaha

Horayso iyo Danbaysaba way ku fashalintay Dawladu Hanashada Gobolka Sool

Arrintii 11 Sept USA Ku Dhacday Iyo Ta Ku Dhacday Somaliland Waa Isku Mid

Dildilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

Waadiga Ciyaaraha

El Hadji Diouf oo u muuqda in loo dooranayo ciyaaryahanka Afrika ee Sannadkan 2002

Baxaa-Deggii Jacaylka: Billan Iyo Baxnaan

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland, Mud. Ismaaciil Aadan Cismaan

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Ka Hadlay Murankii Goobaha Coddeynta Ee Degmada Lughaya Iyo Xaddeynteeda

"Ansixinteedu degmooyinka kale ayay la mid tahay, Baarlamaanka cusub ee iman doona ayaa ka hadli doona hadday..."

Shir-Jaraa’id - Wasiirka Arrimaha Gudaha

Hargeysa (Haatuf): Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland, Mud. Ismaaciil Aadan Cismaan, ayaa shalay shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, waxaanu shirkaa Jaraa’id kaga waramay xaaladii nabadgelyo ee xiligii doorashooyinka, muran ku saabsan xadadka degmooyinka iyo goobaha coddeynta.

Mudane Ismaaciil oo ka waramayay Muran ka dhashay goobaha coddeynta ee degmada Lughaya, ayaa yidhi: "Eeryada Lughaya iyo Daara-Salaam dhexdooda, sidaad ogtihiin Daara-Salaam waa magaalo yar oo ka tirsan Hargeysa, hase yeeshee loo gudbiyay in degmo laga dhigo, welina lama ansixin ee waxay la mid tahay degmooyinka kale ee la magacaabay, markaa Daara-Salaam ahaan xuduud ay iyadu leedahay oo loo cayimay ma jirtee, weli waxay ka tirsan tahay degmada Hargeysa, ansixinteeduna degmooyinka kale ayay la mid tahay oo Baarlamaanka cusub ee iman doona ayaa ka hadli doona hadday ka gudubto shuruudaha lagu ansixinayo waynu arki doonaa, haddii ay ka gudbi waydana waa la arki doonaa. Degmada Hargeysa iyo Lughaya oo kale xaddeyn maaha waxani, waa goobihii coddeynta, halkee imika sanduuqa la sii dhigaa dhinacay doonto ha raacsanaatee, ama sanduuqu Hargeysa mid loogu soo coddeynayo oo soo raaca ha noqdo, ama mid loo coddeynayo Boorama ha ahaado. Haddii sanduuqa lagu cadeeyay Boorama uu tago, iyo haddii sanduuqa lagu coddeeyay Hargeysa yimaado, qiimayn gaar ah malaha oo bobulayshanka ah meesha kuma jirto, waxa weeyi uun axsaab tartamaysa. Saddexda meelood ee laga soo qaaday Sanaaduuqda Lughaya la dhigay, waxay ahaayeen Ceel Sheekh, Ceel La-Helay iyo Bil-Gaalay, hadday doonaan ha ka mid ahaadaan Hargeysa, haddii kalena haka mid ahaadaan Lughaya, anagaa wasaarad ahaan Ceel La-helay iyo Bil-Gaalay, muran baa ka taagan cidi nama odhan, Guddiga kumishinkuna namay soo weydiinin, waxay ahayd waxa Guddiga kumishinka u qoran oo ay hayaan. Markaa, markii imika doorashadu sahadambe oo kale dhacaysay, ayay niman odayaal ah oo dacwoonayaa yimaadeen, may noo sheegin meel heblaayo iyo meel heblaayo toona, cunsuriyad baa ku jirta ay ku hadlayeen uun dhulkaas ayaanu anagu leenahay iyo reer hebel baa loo dhigayaa, taasina xaalad maanta loo baahan yahay haba yaraatee may ahayn, ee waxay ahayd si degenaansho ah in ay u yidhaahdaan meel heblaayo, waxaanay u doodayeen Daara-Salaam. Waa in degmada Hargeysa, masuuliyiinteeda, odayaasheeda, cuqaasheeda iyo salaadiinteeda, haddii degmada Hargeysa xad ay lahayd oo meesha loo dhigayay cid kale, waxanina wax meel inaga tegaya maaha, Tijaabadii u horeysay doorashada weeyi, bacda doorashada waa wax la sixi karo goobtii oo la raacin karo coddeyntii ay lahayd."

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka hadlayay, dhacdada sanaaduuqda lagaga soo qaaday goobihii coddeynta ee Lughaya, ayaa yidhi: "Niman cunsuriyadi ku jirto, ayaa halkan ka duulay iyagoon ahayn budhcad hub sidata, afar baabuur bay kaxaysteen, dadkii danyarta ahaa ee halkaa joogay ayay abaabul ku sameeyeen, saddexdii goobood ee ay Lugahayi sanaaduuqda dhigatay, odayaashii ilaalinayay iyo muraaqibiintii ayay soo afduubeen oo gawaadhida soo saarteen. Dabadeed markaanu arrintaa ogaanay, nimankii iyo sanaaduuqdii ayaanu qabanay, 20 nin ayay noqdeen, jeelka ayaanu u gudbinay, sanaaduuqdiina waxaanu ku wareejinay Guddiga Doorashooyinka."
Wasiirku, wuxuu intaa ku daray in saddex goobood ay raaci doonnaan halkii ay ka tirsanaan jireen oo ay baadhi doonaan arrintaa.

Wasiirka Arrimaha Guduhu, waxa kale oo uu sheegay in Wasaarada Arrimaha Guduhu aanay samaynaynin xaddeyn ee la raacayay xadadkii degmooyinka ee hore u jiray, iyo in wasaarada arrimaha guduhu ay qabanaysay wixii dacwad ah ee ka soo gaadha degmooyinka ee ku saabsan xadadkoodii hore.

Guud ahaan shirkaa Jaraa’id ee shalay, wuxuu Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland, Mudane Ismaaciil Aadan Cismaan uu ku sheegay in doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee degmooyinku ay ku dhacday jawi nabadgelyo ah.

Top


Salaadiinta Somaliland Oo Ka Hadashay Doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka

Hargeysa (Haatuf): Suldaan Ibraahin Suldaan Jaamac Samatar oo sheegay inuu ku hadlayo magaca salaadiinta Somaliland ayaa sheegay inay salaadiintu shacbiga Somaliland ku hambalyeynayaan sidii nabadgelyada ahayd ee ay u suurtageliyeen cod-bixintii doorashada golayaasha degaanka Somaliland.

"Waxaanu shicibka reer Somaliland uga hambalyeynaynaa sidii nabadgelyada ahayd ee ay u suurtageliyeen cod-bixintii doorashada golayaasha degaanka"ayuu yidhi suldaan Ibraahin, laakiin waxa kale oo uu iyagana u mahad naqay ururada siyaasadda, isaga oo yidhi " Waxaanu iyagana si gaar ah ugu mahad naqaynaa ururada siyaasadda ee tartamaya, xukuumadda iyo bahda warbaahinta, kuwaas oo dhammaantood si xilkasnimo ku jirto u gutay xilkooda, iyaga oo si dhaxal gal ah uga qayb qaatay hawshii doorashada"ayuu yidhi, Suldaan Ibraahin , wuxuuna intaa ku daray "Waxaan iyana la ilaawi karin doorkii ay salaadiintu ka qaateen adkaynta nabadgelyada iyo wacyigelinta bulshada mudadii ay doorashadu socotay iyo ka hor-ba ugu dambayna waxaanu dadweynaha reer Somaliland u rajaynaynaa in qaybaha kale ee inoo hadhay iyagana ilaahay si nabadgelyo ah inooga gudbiyo."

Top


Warqad Furan

Ku: Shacabweynaha Somaliland

Og: Gudida Doorashooyinka Somaliland

Og: Xisbiyada Soamaliland

Ka: Ururka Somaliland Forum

Taariikh: 16/12/2002

Sumad: SLF/EC-10-2002/2003

Walaalayal,

Waxaad naga gudoontaan salaanta Islaamka. Anagoo ku hadlayna magaca ururka Somaliland Forum ee ay ku bahoobeen qurbo jooga reer Somaliland, waxaanu halkan idiinka soo jeedinaynaa amaan balaadhan, hadaad tihiin shacab weynaha reer Somaliland ee ku sugan waddankii, sida quruxda badan ee aad uga qayb qaadateen cod bixintii doorashooyinka dowladaha hoose ee Somaliland, maalintii Axada ee bisha Diisambar 15 keedii 2002.

Walaalayaal, shalay ayay ahayd maalintii aad u xaqiijiseen adduun weynaha horumarka siyaasadeed ee ay gaadhay Somaliland, ee aad sida kalsoonida buuxda ugu codayseen dastuurkii, maantana waxaad muujiseen inay Somaliland tahay qaran suurto geliyay inay doorashooyin xor ihi ka dhacaan, taas oo tusaale u noqon doonta Afrika oo dhan.

Diisambar 15keedu waxay ka gashay taariikhda Somaliland baal dahab ah.
Muwaadin walba oo reer Somaliland ahi waxa uu manta xaq u helay in markii ugu horeysay muddo 34 sanadood ah uu si xor ah codkiisa u dhiibto, una codeeyo xisbiga uu ku qanacsan yahay innuu ka turjumayo himiladiisa.

Waxa aynu marwalba isku ognahay inaad halkaa ka sii wadan horumarka
wadanka idinka oo mar walba ahmiyada kowaad siinaya sidii loo sii kobcin
lahaa nabad galyada, korna loogu qaadi lahaa habka dimoqraadiga ah ee ka
jira Somaliland. Waad naga farxiseen, Walaalayaal, ee idinkana Ilaahay haydinka farxiyo, hana idinka abaalmariyo sida quruxda badan leh ee aad ugu codeyseen Doorashooyinkii. Hore ayaa loo xaqiijiyay in wadan waliba uu horumar ku gaadho dedaalka iyo waxtarka shacbigiisa, idinkuna hadaad tihiin shacab weynaha reer Somaliland ee wadankii ku dhaqan waxaad muujiseen dedaal aan Ilaahay mooyee cid kale garab idinku siin.

Waxa kale oo aanu mahad balaadhan u soo jeedinaynaa gudida Doorashooyinka sida xilkasnimada leh ee ay isaga xil saareen hawshan culus ee loo igmaday. Sidoo kale waxaanu hambalyo u soo jeedinaynaa Dawlada Somaaliland, Golaha Guurtida iyo Baarlamaanka Somaliland oo xil gaar ah iska saaray sidii doorashooyinku u qabsoomi lahaayeen. Mahad iyo amaan kale waxaanu u soo jeedinaynaa dhamaan qaybaha kala duwan ee ciidanka amniga Somaliland oo si waayeelnimo ah u sugay nabadii. Waxa sidoo kalee halkan ka tahniyadaynaynaa Xisbiyadda Siyaasadeed iyo sida ay Nabadda u ilaaliyeen ugana qayb qaateen Doorashooyinka. Waxaanu u soo jeedinaynaa xusbiyada ku tartamaya doorashooyinkan inay ku qancaan maxsuulka doorashooyinkan oo ay ixtiraamaan sharciga iyo doonista shacab weynaha.

Waxaanu ku boorinaynaa xu sbiga laga guulaysto inuu ku bogaadiyo xusbiga guulaysta isna uu isu sii diyaariyo sidii uu ugala shaqayn lahaa dhismaha iyo horumarinta dalka.

Ilaahay baa mahad leh,

Ururka Somaliland Forum

www.somalilandforum.com Wixii faahfaahina kala soo xidhiidh: Dahir A.
Jama; Guddoomiye: chair@somalilandforum.com ama Ahmed H. Ismail;
Gud.-Ku-Xigeen: vice@somalilandforum.com.

Top


Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Oo Sheegay In Ururada Qaar Dalbadeen In Lagu Celiyo Tirinta Codadka

Hargeysa (Haatuf) Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Qaranka Axmed X. Cali Cadami ayaa cadeeyay mar aanu xalay la xidhiidhnay in ururada qaar ay codsadeen in mar labaad hubin lagu sameeyo tirintii codadka ilaa iyo hadda ay ururadu kala heleen taasna ay gudigu aqbashay taas oo laga yaabo inay dib u dhac ku keento ku dhawaaqista rasmiga ah ee natiijada doorashadii golayaasha deegaanka ee dalka ka dhacday 15 December oo la filayay sidii markii hore lix cisho ka dib la qorsheeyay oo ahayd oo ku beegan 21-ka bishan December oo ah sabtida soo socota. Waxaa kale oo uu sheegay in codad aad u tiro yar (4-7) goobaha qaarkood la xisaabiyay codad xumaaday markii uu codbixiyuhu calaamadiyay astaanta ururka uu u codeeyay dusheeda, iyadoo ay tahay in la xisaabiyo oo kaliya codadka saxda ah, sida ay horeba ugu heshiiyeen ururadu codbixinta ka hor. 

Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Qaranka Axmed X. Cali Cadami waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyay dariiqa iyo nidaamka ay tirinta codadku marayso hor inta aan la soo saarin natiijada rasmiga ah mar uu shalay u waramayay weriye C/Salaan Hereri oo ka socda Idaacada BBC-da kuna sugan Hargeysa waxaanu sheegay in in ilaa hadda tirinta codadka la dhamaystiray ilaa 75% ku dhawaaqista natiijada rasmiga ahna lala sugayo inta ay soo dhamaystirmayaan tirinta codadku "goobta codbixinta lafteedaa lagu tirinayaa codadka sida uu dhigayo xeerka doorashooyinku, ka dib waxaa loo soo gudbinaya degmada oo hubin lagu samaynayo tirada codadka oo galal ku kala jirta taasoo muujinaysa tirada codadka ay kala heleen ururada oo ay wada saxeexeen gudiga doorashada iyo goob joogayaasha ururada ee goobtaa ku sugnaa waxaana la samaynayaa hubin in ay arrimuhu wada sax yihiin, loona xaliyo wixii khilaaf ku yimaada ama aanay tirintu u dhicin sidii la rabay, ka dib degmada iyo gobolkaku waxay u soo gudbinayaan xarunta dhexe ee gudiga doorashooyinka taasaana noqonaynaysa natiijada hordhaca ah ee doorashada markaasaa natiijada gobol gobol la isugu darayaa" ayuu yidhi Gudoomiyuhu isaga oo ka hadlayay nidaamka ay marayso tirinta codadka doorashooyinkii dalka ka dhacay waxaanu intaa ku daray in markaa la samaynayo laba hubinood oo kala ah qiimayn lagu samaynayo tirada ay ururadu kala heleen iyo qiimayn kale oo ah sida ay ururadu uga heleen 20% afar ka mid ah gobolada dalka, taasoo shardi u ah 3-da urur ee ay tahay inay ka soo dhex baxaan ururada tartamayay. "sidaa ayay tirinta codadku ahaanaysaa iyadoo maraysa dariiq ah laga soo bilaabo goobta codbixinta, degmada, gobolka, ilaa ay u soo gudubto heer qaran oo ah xarunta gudiga doorashooyinka Qaranka markaas ayaa lagu dhawaaqayaa natiijada ka soo baxday doorashooyinka golayaasha deegaanka" ayuu yidhi. Gudoomiyaha mar la weydiiyay sida ay gudi ahaan uga sii diyaar garoobeen wax isdaba marin tirinta codadka ahi inaanay dhicin waxa uu sheegay inay taa aad uga sii tabaabulshaysteen iyagoo kaashanaya la taliyayaal ay u soo direen ururka Midowga Yurub (EU) goob kastana laga magacaabay gudoomiye, xoghaye, tiriye, iyo hubiye kuwaasoo lagu soo xulay sida ay ugu kala fiicanyihiin shaqada ay qabanayaan.

"Axsaabtuna kaalin muhiim ah ayay ku lahaayeen doorashada iyagoo goobkasta gaystay goob joogeyaal ka socda kaalintoodiina si weyn bay uga soo baxeen" ayuu yidhi Gudoomiyuhu isaga oo ka hadlayay kaalinta ay Axsaabtu ku lahaayeen doorashada. Waxaanu intaa ku daray in xal laga gaadhay goobo iyo sanaaduuq meelaha qaarkood la isku qabqabsaday ugu dambayn Gudoomiyaha oo ka waramay goorta la filayo inay soo baxdo natiijada hordhaca ah ee doorashooyinku waxa uu yidhi "waxaan filayaa in ay ka soo horayso sidii markii hore la filayay iyadoo ilaa hadda la helay tiro gaadhaysa 75% markaa 25% ayaa hadhay natiijadii dhamaystirka noqonaysay" ayuu yidhi gudoomiyuhu. 

Top


Harta Sheekha Iyo Isbedelka Ku Yimid

Muddo haatan gaadhaysa saddex bilood ayay dawladda Itoobiya xayiraad dhinaca Ganacsiga ah ku soo rogtay xuduuda ay la leedahay Somaliland taasoo keentay inuu istaago dhaqdhaqaaqii ganacsi ee u dhaxeeyay labada dal.
Meelaha aadka looga dareemay xayiraadaasi Ganacsiga oo ay dawladda Itoobiya ku sababaysay inay kula dagaalamayso koontarabaanka iyo badeecadaha bilaa cashuurta ah waxaa ka mid ah magaalada Harta Sheekha oo ahaan jirtay xarun ganacsi oo aad u camiran taasoo intii xayiraada xuduuda ka dambaysay ay aad isku bedeshay xaaladeedu.

Maxamed Cabdi Sh. Maxamuud oo dhawaan booqday Harta Sheekha ayaa warbixintan nooga diyaariyay "waxay ahayd magaalo ay nolosheedu aad u fiicantahay isla markaana ay suuqyadeedu camiranyihiin lagana dhisay dhismayaal aad u qurux badan, suuqyadeeda waxaa isdhaafayay gaadiid sida ama qaadaya badeecado kala duwan waxaanay xarun dhexdhexaad u ahayd Ganacsiga ka taga dekedaha Berbera iyo Boosaaso iyo Ganacsatada ka timaada gobolada kale duwan ee Itoobiya. Taasi waxay Harta Sheekha ka dhigtay magaalo camiran oo had iyo jeer ay dadku isdhaafayaan. Balse intii ka dambaysay markii ay dawladda Itoobiya soo rogtay xayiraada dhinaca xuduuda xaaladdu sidii hore aad bay isaga bedeshay.

Marka aad haatan tagto magaalada Harta Sheekhu waxay markiiba indhahaagu qabanayaan busaarad hadhaysay magaalada iyadoo ay hoos u dhaceen dadkii badnaa ee magaalada dhex qaadi jiray in ku dhaw 30% waxaa kale oo yaraaday gaadiidkii dhex socon jiray magaalada iyadoo qaar badan oo ka mid ah gaadiidkii laga lahaa Somaliland ay haatan xidhanyihiin. Sidoo kale waxa albaabada loo laabay meherado badan oo camirnaan jiray ka hor xayiraada kuwaasoo isugu jiray tukaano, bakhaaro, hotelo, kuwaasoo ay tiradoodu gaadhayso 180 meheradood. Sidaa darteed waxa meesha ka baxday guryihii cusbaa ee laga dhisanayay Harta Sheekha oo markii hore guryaha la kala siisan jiray lacag ku dhaw 60,000 Birr. Dawladda Itoobiya ayaa ku soo rogtay Cashuur badan oo aanay karayn. Dadka ganacsatada ah taasoo gaadhaysa ilaa 20,000 Birr taasoo shardi looga dhigay meheradii la doonayo in la furo.

Dadka haatan ku sugan Harta Sheekha ayaa ah dad meel ay u ciirsadaan la’ iyagoo dhabanka iyo gacanta isku haya dad badan oo doonaya inay ka baxaana waxay la’yihiin gaadiid ay raacaan qaar kale oo badana waxa ay ka tagi kari la’yihiin badeecada dhextaala meheradahooda xidhmay oo ay dul joogaan. Dad badan oo aan wax ka weydiiyay xaaladda ay haatan ku sugantahay Harta Sheekhu ayaa ku jawaabay "bal magaalada haatan eeg oo xusuuso siday ahaan jirtay waad garan karaysaa faraqa u dhaxeeya" marka la isku soo duuduubo waxaad arkaysaa faraqa u dhaxeeya siday ahayd Harta Sheekhu iyo siday maanta tahay oo aad u kala fog mana muuqato inay markale xaaladeedu kasoo rayn doonto".

Top


Thambi Imbeki Oo Markale Oo Doortay Hogaamiyaha ANC

Pretoria (W. Wararka) Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Thambo Imbeki ayaa markale loo doortay hogaamiyaha xisbiga ANC oo haya talada dalka Koonfurka Afrika. 
Ka dib markii uu xisbigu isugu yimid shirweyne soconaya muddo shan maalmood ah, waxaana Imbeki iyo shan xubnood oo kale loogu doortay hogaanka xisbiga muddo shan sanadood ah, iyadoo aanay cidi la tartamin.

Dib u doorashadan Imbeki waxay jidka u furaysaa inuu isu soo sharaxo muddo shan sanadood oo kale ah jagada madaxtinimada Koonfur Afrika, doorashooyinka la filayo in la qabto sanadka 2004. sida ay muujiyeen saadaal laga qaaday dadweynaha Koonfur Afrika ayaa muujiyay in taageerada xisbiga ANC ay hoos u dhacday in ku dhaw 66% marka loo eego doorashooyinkii dhacay sanadkii 1999kii balse waxa la filayaa inaanay hoos u dhicin taageerada uu ururku ka heli karo doorashooyinka soo socda. Balse xisbiga waxa hortaagan dhibaatooyin ka dhashay xaaladaha dhaqaalaha ee Koonfur Afrika oo beryahan dambe hoos u sii dhacaysa.

Top


Shirweynihii Mucaaridka Ciraaq Oo La Soo Gebagebeeyay

London (W. Wararka) shirweynihii mucaaridka Ciraaq uga socday caasimada dalka Ingiriiska ee London ayaa la soo gebagebeeyay maalintii shalay ka dib markii lagu doortay gudi xidhiidhin ah oo ka kooban 65 xubnood kuwaasoo xilkoodu yahay inay qorsheeyaan waxa la yeelayo marka la rido Sadaam Xuseen ka dib.

Sida uu sheegay Jalaal Daalibaani, oo ah hogaamiyaha xisbiga midowga Kurdistaan oo ka hadlayay shirjaraa’id ka dib gebagebadii shirka waxa suurta gal ah in xubnahaasi qaar kale lagu daro si loo balaadhiyo wada tashiga ku saabsan xaaladda Ciraaq. 

Bayaan laga soo saaray gebagebadii shirka waxa ay mucaaridka Ciraaq aad ugu cambaareeyeen waxa ay ugu yeedheen tobanaankii sanadood ee uu cadaadiska ku hayay dadka reer Ciraaq Sadaam Xuseen iyo taliskiisa, taasoo ay sabab uga dhigeen dhibaatada muddada dheer haysatay dadka reer Ciraaq. 

Waxaanay ku baaqeen in isbedel degdega lagu sameeyo taliska ka dhisan baqdaad, balse mucaaridku iskuma wada waafaqsana waxa la yeelayo ka dib marka la rido Sadaam Xuseen.

Sida ay sheegayaan wararka qaarkood shirweynaha mucaaridka Ciraaq waxa la soo gebagebeeyay ka dib markii ay cadaadis saartay dawladda Maraykanku oo awood saartay in ay mucaaridku heshiis gaadhaan, si ay suurta gal u noqoto in xukunka laga tuuro Sadaam Xuseen. 

Top


Aragtida Akhristaha

Xukuumaddu ha ka joojiso Dhaqaalaha Faraha Badan Gobolka Sool Bariga Gobalka Sanaag iyo Degmada Buuhoodle

Ismaaciil C/raxmaan Cumar Xaashi

Waxaynu dhamaanteen ognahay dhacdadii foosha xumayd ee 7-12-2002 kala kullantay Madaxweynaha J.S.L iyo weftigiisii Gob. Sool Degmada Laas-Caanood, waxaanay ahayd isku day dil oo Madaxweynaha loogu talo galay (Illaahay ayuun baa wax dila) siday doonayaan way u dhici wayday.

Gobalka Sool mudadii aynu ahayn Somaliland 1991kii dawladii dambe ee lagu soo dhisay Boorama ee 1993-kii laga soo bilaabo xukuumadda Somaliland waxay dhaqaale faro-badan ku bixisaa dad la yidhaahdo Garaado, Salaadiin, Isimo, Boqorro, Madaxda Ciidanka oo ah (Taliyaha Sal/Ciidanka ee gobolka) iyo (taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka) iyo kuwo kale oo wata magaca hay’adaha Dawladda ee Gobalkaas, Badhasaabka iyo Maayoradda iyo dad kale oo ay iyagu wataan.

Dadkaas waxa si joogta ah loo siyaa Lacag aanay waxba ka jirin.

Madaxweyne, waxaa haddaba kula gudboon maadaama uu dhaqaale badani ku baxay indhahaagana aad ku aragtay in laga joojiyo wixii dhaqaale ahaa ee aan adkaynayn awooda dawlada ee Sool.

Talo ahaana waxaan xukuumada odhan lahaa, waa in si deg-deg ah loo geeyo Ciidamada Qaranka xuduudaha dalka ee gobalada Bari.

Top


Horayso iyo Danbaysaba way ku fashalintay Dawladu Hanashada Gobolka Sool

Nuur Muhundis Guudcade, Hargeysa

Laas-Caanood dhul ahaan waa Somaliland, laba iyo toban sano laga rajo sugayay inay Somaliland dhib iyo dheefba la qaybsadaan walaalahooda reer Somaliland waa mid lagu guul daraystay, walina kamay waantoobin hagardaamadii ay qaranimada Somaliland kaga soo horjeedeen oo ay ugu dambaysay dhacdadii foosha-xumayd ee qabsatay Madaxweyne Rayaale, waxaanay ka mid yihiin saddexda gole ee Qaranku u dhan yahay iyo waliba masuuliyiinta sarsare ee hay’adaha Dawladda. Waxa intaa dheer, shaqaalaha Dawladda oo ay ku jiraan iyo saddexda ciidan ee Qaranka. Waxa kale oo iyaduna jirta miisaaniyad gobolka la siiyo, waxaa soo dhammi, waxay ahayd in ay Somalilandnimada ku qancaan, waxbase Alle kama tarin, waxaanay Dawladda la gudboonaa waxaan ka badnayn laba sanno hadday kaga rajowaydo in ay ka fulaan ujeedooyinka dawladdu ka leedahay ee siyaasadeed in ay doc kale uga wareegto.

1. In ay ku muquuniso awood milateri, kuna qabsato dhammaan xuduudihii hore ee Somaliland, cidii ka hortimaadana cagta ay mariso.
2. In ay Beelnimo ula xaajooto, kuna dhammayso wixii ay tabanayaan si suluxa oo aan ahayn Qaranimada Somaliland oo ay horsed ka ahaayeen ku dhawaaqistii gooni isu taaga Jamhuuriyadda oo aan lahayn gorgortan in ay gasho.

Haddaba, iyada oo ay jirto arrimahaa aynu wax ka taataabanay, gobolka Sool wuxuu ka mid yahay Somaliland. Markaa waxaan leeyahay markii horeba waxa loo dulmay muwaadiniin reer Somaliland ah ee lagu laaluushayay cashuurta laga qaado. Waxa haddaba, iyaduna jirta in ay jiritaanka iyo qarannimada Somaliland ku xidhan tahay hanashada iyo gacan ku qabashada gobolka Sool.

Top


Arrintii 11 Sept USA Ku Dhacday Iyo Ta Ku Dhacday Somaliland Waa Isku Mid

Sida lawada ogyahay arrinkii ka dhacay dalka Maraykanka ee 11 September, arrinkaasi wuxuu noqday arrin Qaran (National Issue), taas oo ilaa maanta hay’adaha wararka fidiya ee mid dawliya iyio mid kaleba ay isku si ugu hadlaan Afka Dawladda Maraykanka.

Tusaale ahaan, Telefeeshanka CNN ee aynu aadka u daawano.

Haddaba, waxa layaable Jariiradda Jamhuuriya, cadadkeedii 09/12/2002 ay ku qortay dhanxiirkeeda, arrin lid ku ah xaaladda Qaran ee lagu soo weeraray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo gudanaya waajib Qaran.

Waxa kale oo aanu hambalyo u soo jeedinaynaa Gudoomiyaha Xisbiga ASAD oo aanu markii hore ka haysanay fikrad qalada, haddana muujiyay wadannimo daacad ah.

Waxa kale oo aanu hambalyo u diraynaa, Ciidanka Qaranka iyo ilaalada Madaxtooyada oo difaacay sharaftii iyo qarannimadii ummadda Somaliland.

Geba-gebadii, waxaanu leenay arrintasi lagu soo weeraray dalka Somaliland iyo Madaxweynahooda, waxay dadka kale bartay kii dhuumanaayey ee dhabarku muuqday iyo kii wadaniga ahaa. Allaa Mahad leh.

  1. Anwar Maxamed Cige,

  2. Xasan Aw Axmed Maxamed,

  3. Axmed Xasan Cali, Maxamed Ibraahim Maxamed,

  4. Mustafe Sh. Muxumed,

  5. Maxamed Axmed Yuusuf iyo

  6. Maxamed Cabdi Oomaar, 

Hargeysa.

Top


Dildilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

Q: 48

Ganat: Saraakiishii dawladdii Xayle Salaase ee janaraalada ahaa markii ay taariikhdu ahayd 21-kii Nofembar waxaad ku xukunteen dil, waxayna moodayeen inay cadaalad iyo sharci jiraan ka dibna way isu kiin dhiibeen oo idinka ayaa gacanta ku hayey, laakiin idinka oo aan maxkamad hor keenin oo aan la cadayn dembiga ay galeen ayaad cod u qaadeen oo aad dil ku xukunteen, markaa waxa la leeyahay nafo iska dhan ayaad ciyaar ciyaar u xukunteen, taasina taariikhdiina waxay ku tahay dhibic madaow, markaa sidee baad taa u aragtaa ?

Mingistu: Waxaan u malaynayaa inaanad aad u fahmin sida uu ahaa jawigii kacdoonkii Itoobiya, waayo xiligii uu dil-dilaacayey kacaanku ee la go’aaminayey siyaasadihii kacaanka adigu (Ganat) ardayad baad ahayd, laakiin hadaladaada waxaan ka dareemay inaad dhinac u xaglinaysid, sidaa darteed waxaan ku odhan karaa xataa maad muujin wixii aad dadka qaarkii ka maqashay oo qudha ee waxaad muujisay dareenkaaga oo qudha, balse marka taada laga yimaado waxaan u malaynayaa inay dad badan oo reer Itoobiya ahi fekrad qaldan ka haystaan sidii loo dilay nimankaa janaraalada ah ama sidii uu xukunkoodu u dhacay, laakiin su’aasha ugu horayn iswaydiinta lihi waxay tahay maxay sababtii keentay inuu qarxo kacaankii Itoobiya, sidoo kale waxay su’aasha kale tahay raggii xukuumaddii boqortooyada ku jiray maxay dembi geysteen iyo su’aalo kale oo la mid ah ayaa loo baahan yahay in la iswaydiiyo...

La soco cadadka dambe.

Top


Waadiga Ciyaaraha

Ronaldo Oo Markii Labaad Loo Magacaabay Xidigii Sannadka Ee Yurub

Paris (Reuters): Weeraryahanka kubadda cagta ee reer Brazil, ayaa markii labaad loo doortay inuu yahay xidigii sannadka ee Kubadda Cagta ee Yurub.

Ciyaartoyga safka hore ee weerarka uga ciyaara kooxda Real Madrid, wuxuu ahaa dhaliyihii 2-dii gool ee ay guushu ku raacday Xulka Brazil ciyaartii kama dambaysta ahayd ee koobka adduunka ee sannadkan 2002, waxaanu noqday Ronaldo gooldhaliyihii ugu goolasha badnaa ciyaarihii koobka adduunka ee lagu qabtay Japan iyo Korea sannadkan horaantiisii, waxaanu ka mid noqday Ronaldo sideeda ciyaartoy ee kaliya ee ku guulaystay Jaa’isada maamuuska leh laba jeer.

Ronaldo waxaa lala magacaabay oo uu ka guulaystay xidignimada kubadda cagta ee Yurub, ciyaartoyda kala ah; Roberto Carlos oo ay u wada ciyaaraan kooxda Real Madrid iyo Brazil, Goolhaye Oliver Kahn oo u ciyaara kooxda Bayern Munich iyo Jarmalka, Zinedine Zidane oo u ciyaara Real Madrid iyo France iyo Michael Ballack oo u ciyaara Bayern iyo Germany.

Ronaldo oo ah 26jir, waxaa uu sannadkii 1997kii ku guulaystay Jaa’isadda kubadda dahabka ah, waxaa iyaguna jaa’isaddaa ku guulaystay Alfredo Di Stefano (Spain), Franz Beckenbauar iyo Karl Heinz Rommenigge (Germany) iyo Kevin Keegan (Ingiriis) oo min laba jeer ku guulaystay.

Waxaa iyagu min Saddex jeer ku guulaystay Jaa’isaddan Michel Platini oo Farasiis ah iyo Marco Van Besten oo ah weeraryahan u dhashay Holland.

Dhaawac ka gaadhay jilibka, ayuu Ronaldo sannadkii hore in bdan uga fadhiyay ciyaaraha, laakiin sannadkan wuxuu la soo noqday dardar uu guulo ka gaadhay sannadkan 2002, waxaanu muujiyay ballantiisii ahayd inuu yahay ciyaartoyga ugu wanaagsan Brazil, wixii ka dambeeyay Pele.

Ronaldo oo kaashaday dhinaca weerarka Rivaldo, wuxuu ku dhammaystay koobkii adduunka sideed gool oo uu ku noqday dhaliyihii ugu goolasha badnaa ciyaarihii koobka adduunka ee sannadkan 2002.

Ronaldo, sidii fiicnayd ee uu u ciyaaray ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Yokohama, ayaa keentay isweydiin ah niyadda wanaagsan ee uu u hayo fursadaha meelaha baaxadda leh, kadib waxyeeladii ka soo gaadhay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee koobka adduunka sannadkii 1998, markaas oo uu Faransiisku 3-0 kaga badiyay kooxdii Ronaldo ee Brazil.

Ronaldo, ayaa yidhi kadib markii uu ku guulaystay kubadda dahabka ah; "Jaa’isaddani waa mid aad iyo aad uga qiimo badan jaa’isaddii sannadkii 1997, kubadda dahabka ahna kuma guulaystaan ilaa iyo xidigaha aadka u weyn mooyaane." Ronaldo waxa uu ugu hambalyeeyay Jaa’isaddan kooxdii dhakhaatiirta ahayd ee ku samaysay qalliinada badan ee isdaba jooga ahaa, kuwaas oo muddo badan uu uga fadhiyay ciyaaraha, kadib koobkii adduunka 1998-kii.

Ronaldo, waxa uu intaa ku daray isagoo u waramayay wareysi dheer oo ay la yeelatay Jariiradda France Futbol, cadadkeedii shalay; "Waxa la odhan karaa inaan noolaaday sannad aan macquul ahayn oo xataa laga qori karo ama laga samayn karo filimo badan oo Hollywood ah, wax badana laga qoray. Waxay ii tahay nolol cusub. Laba sannadood ama saddexba ka hor maynaan garanayn waxa dhici doona, dad badanina waxa ay ka shakisnaayeen in aan awoodi karo in aan goolal dhalin karo mar dambe, waliba xataa in aan ciyaari karo, sababtoo ah qalliinadii badnaa ee aan galay awgood."

Ronaldo, waxa uu helay 171 dhibcood, isagoo ka horeeyay saaxiibkiisa ay meel ka soo wada jeedaan dhalaso ahaan, kooxdana ay u wada ciyaaraan Roberto Carlos oo isagu helay 145 dhibcood, halka uu goolwadaha Jarmalka iyo Bayern Munich ka helay 114 dhibcood, Zinedine Zidane ayaa isaguna helay 78 dhibcood, halka uu isna ka helay Micheal Ballack 67 dhibcood.

Top


El Hadji Diouf oo u muuqda in loo dooranayo ciyaaryahanka Afrika ee Sannadkan 2002

Addis Ababa (Informer): Xidhiidhka kubadda cagta ee Qaaradda Afrika (CAF), ayaa dhawaan magacaabay magacyada laga dhex xulanayo ciyaartoygii sannadkan ee Afrika oo tiradoodu dhan tahay ilaa 22 ciyaartoy oo ka kala tirsan dalalka Afrika.

Ciyaartoyda loo magacaabay xidignimada kubadda cata ee sannadkan ee Afrika, waxaa ka mid ah El Hadji Diouf Oo Reer Senegal ah, weerarkana uga ciyaara kooxda Liverpool ee Ingiriiska. Mr. Diouf oo ah, ciyaartoy caalamiya, waxaa uu u muuqdaa in si xidhiida uu mar labaad ugu guulaysanayo in xidhiidhka kubadda cagta ee Afrika ay u caleemo saaraan xidignimada kubadda cagta ee Afrika. Waxaa isagu keligii laba jeer helay inuu qaato hormoodnimada kubadda cagta ee Afrika oo sannad walba ciyaartoy loo magacaabo, ciyaartoyga caalamiga ah ee Reer Ghana Abedi Pele oo hantay jaa’isadaha sannadihii 1991 iyo 1992-kii.

Wargeysyo iyo Warsidayaal badan, ayaa faalladooda ku sheegay in sannadkan 2002 uu Diouf noqon doono ciyaartoyga sannadkan ee Afrika, weeraryahanka libaaxyada Teranga ee Senegal. Wuxuu aad ugu soo shaac baxay, una muuqday loolankii ciyaaraha koobka adduunka ee sannadkan ka dhaay Japan iyo Waqooyiga Korea, taas oo ay kooxdiisa Senegal gaadhay semi-finals-ka (wareega 8 kooxood ee isugu soo hadhay) koobka adduunka ee kubadda cagta sannadkan 2002.

Salif Diao oo khadka dhexe uga ciyaara kooxda Liverpool iyo Bauba Diop oo ah reer Senegal, ayaa iyaguna hanan kara Jaa’isaddan, labaduba waxay leeyihiin qiimayn ay ku hannan karaan.

Liiska loo magacaabay in laga dhex xulo Hormoodka kubadda cagta ee Afrika sannadkan, wuxuu ahaa sidan:

Masar
Axmed Xusaam "Mido" (Ajax - Holland)
Ibraahim

Senegal
El Hadji Diouf, Salif Diao (Liverpool, England), Henri Camara (Sedan, France), Papa Bouba Diop (Lens, France) iyo Khalilou Fadiga (Auxerre, France)

Tuuniisiya
Hatem Trabeisi (Ajax, Holland) iyo Selim Ben Achour (PSG, France)

Nayjeeriya
Julius Aghahowa (Shkhtar, Ukraine) iyo John Otaka (Lens, France)

Cameroon
Lauren Etame Meyer (Arsenal, England), Geremi Njitap (Middlesbrough, England) iyo Samuel Et’o (Real Mallorca, Spanish)

Koonfur Afrika
Benni McCarthy (Celta Vigo, Spain) iyo Sibusiso Zuma (FC Copenhagen, Denmark)

Ghana
Ibraahim Abdulrazak (Saint Etienne, France)

Burkina Faso
Moumouni Dagano (Genk, Belgium)

DR Congo 
Lomana Lua Lua (Newcastle, England)

Mali
Seydou Keita (Lens, France)

Sierra Leone
Paul Kpaka (Germinal, Belgium)

Zimbabwe
Benjamin Mwaruwari (Auxerre, France).

Top


Baxaa-Deggii Jacaylka: Billan Iyo Baxnaan

Q: 26aad - Sheeko Taxane ah - Waxa Qoray Cumar D. Cumar (Japan)

Baxnaan shaqo kumuu darsan gurigiisii, sidii ay Bilan u xanuunsatay wxaana furaha haysay Salma oo ay Bilan ilma abti yihiin, markii Bilan ay ka soo ambabaxday reerkoodii iyadoo la soo raaciyay xeedhooyin si farshaxanimo qurux badan dusha uga xardhan, hoostana ay kaga jiraan muqmad, subag iyo timir, Bilan waxaa soo raacday hooyadeed, walaasheed iyo aabaheed Gaas oo ay isaga isqaabili doonaan Baxnaan, Bilan waxay u ahayd maalin aad iyo aad niyadeedu u fiicantahay waayo waxaa soo noqotay rajo wanaagsan oo ah in Bilan iyo Baxnaan ay qoys sii ahaadaan, waxaanay aad uga raali tahay inay kulmaan Baxnaan, Bilan wixii doonaa ha jiraana uma diyaar ah erey xun muran, iyo inay la doodo Baxnaan, xataa Bilan kuma talo jirto inay iyadu bilawdo sheekada ku saabsan Qaali, ma rajaynayso Bilan in uu Baxnaan si cad ugu yidhaahdo waxaan tagayaa gurigaygii kale ee albaabka soo xidho, Bilan qalbigeedu mararka qaar ayuu yidhaa malaha muu guursan Baxnaan ee waa la afduubay, Bilan waxay taagantahay indhaha Baxnaan arkaa ayaan badanaa, Dhudi oo ah walaasheeda ka weyn ayaa ku tidhi "naa Bilan miyaanad timaha daban waa intaasoo naagta aad dangalada tihiin kuu boodo timaadee".

Bilan oo aan xanaaq muujin ayaa tidhi "Anigu Baxnaan ayay wax naga dhaxeeyaan ee Maxaa naag ii keenaya, Horta anigu doonan maayo, haddii ay isoo doonatana, kala qabtaay inaan la odhanayn ayaan u malaynayaa". Reer Gaas intoodii Hargeysa u soo raacay Bilan waxay yimaadeen gurigii Ruun Saddexle, markii dambana waxay tageen gurigii reer Baxnaan oo ay furaha haysay Salma, u Maryan Booda ayaa u sheegtay Baxnaan inay Bilan timid oo uu la socdo aabaheed Gaas Baxnaan aad ayuu ugu farxay, marba dhinac ayuu u dhaqaaqay Baxnaan, wuu kacaa fadhiistay, farxad iyo taladii oo ku baahday ayaa isu raacday markii dambe ayuu goostay inuu doonto Heebaan Salal oo ay ku kala cadhoodeen arrinta Bilan iyo guurkii uu Baxnaan guursaday Qaali, Baxnaan wuxuu goostay in bal marka hore uu u diro guriga Heebaan si uu uga soo hubiyo sida xaal yahaya, Baxnaan furihii ayuu jaarka ugu dhiibay Qaali isagoo u faray fariin aan run ahayn oo yidhi "waxaan tagay reerkii miyiga oo war iiga yimid ee sidaa Qaali u sheega." 

Baxnaan wuxuu baadi doonay Heebaan markii ay kulmeena Heebaan wuxuu u muujiyay Baxnaan inuu u cadhaysanyahay Baxnaan sidii, laakiin Baxnaan ayaa uga waramay arrintu ugu yimid wuxuuna u sheegay inuu qaadan doono talada Heebaan, laakiin uu Heebaan tago gurigii isagoon xusin in ay is arkeen Baxnaan, Heebaan iyo Bilan aabaheed waxay hore isugu arkeen waagii uu Baxnaan yarad siinayay Gaas Saddexle, maalintaa oo ay aad u sheekaysteen, Baxnaan waxaa kale oo uu u dhiibay Heebaan lacag iyo raashin uu ugu talogalay gurigiisa, Heebaan ayaa tagay gurigii Baxnaan, muuqaalkii horaba markii ay isa salaameen Bilan wuxuu indhaha ku dhuftay in Bilan ay xaamilo tahay oo ay uur leedahay, gudaha markii uu galay ayuu Heebaan si xushmad leh oo odaynimo u salaamay Gaas Saddexle isnabdaadin ka dib ayuu Heebaan u mahad celiyay Gaas sida gobanimada leh ee uu gurigeedii ugu soo celiyay Bilan. 

Gaas hadalka muu badin wuxuu ku yidhi Heebaan "Guurka waxa guursada inanta tolka markaa waa taa xaaskiinii ee dhaqda", Gaas muu sii jeclaysanayn sii joogo guriga inantiisa waxaanu ka codsaday Heebaan oo gaadhi watay inuu u sii qaado xagga guriga Ruun Saddexle, Heebaan ayaa yidhi "waan ku geynayaa guriga, laakiin ha ambabxin inagoon is arag" Heebaan markii uu dhigay Gaas gurigii Ruun Saddexle ayuu abaaray halkii uu ku ogaa Baxnaan oo war ka sugayay, si kaftana ayuu Heebaan ugu yidhi Baxnaan "waxaad tahay doqon nasiib badan", Heebaan ayaa raaciyay oo maxaad iigu sheegi wayday in Bilan ay uur leedahay. Baxnaan ayaa yidhi "oo miyaan kaaga war roonaa Bilan Goormaa iigu dambaysay." Heebaan oo sii wada kaftankii ayaa yidhi "Soo fuul gaadhiga labadaada guri kee ayaan ku geeyaa," Baxnaan oo garanaya in Heebaan uu baadhayo ayaa yidhi "waar xaga Qaali miyi inaan ku maqanahay ayaan u sheegay, ee ina wadi gurigayga," Heebaan ayaa keenay Baxnaan gurigiisii oo aanu bilo badan arag soona horjoogsan, Baxnaan indhihiisu waxay baadi goobayeen in ay arkaan Bilan, markii uu guriga galay ee ay Bilan ku soo baxday ayaa la isku soo booday waana la is dhunkaday, Heebaan oo ka dambeeyay khajilaadana kaga bi’inaya Bilan oo naxday markii uu u soo galay Heebaan iyagoo weli isqaabilaadii ku jira Bilan iyo Baxnaan.

Top