Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 228 December 20, 2002

Wasiirka Dalxiiska iyo Suugaanta oo reer Saylac u mahadceliyey

Labada Gole Ee Baarlamaanka Somaliland Oo Wada-Jir U Ansixiyay Xukunka Deg-Degga Ah Ee Lagu Soo Rogey Gobolka Sool

Ururka HORMOOD Oo Sheegay In Mad-Madow Ka Soo Baxay Maamulkii Iyo Natiijada Cod-Bixinta

Cali Xalane Oo Caadeystay Inuu Somaliland Ka Faafiyo Warar Been Ah

36 Maxaabiis ah Oo La Gudoonsiiyay Shahaadooyin

Wershadda Laydhka Berbera Iyo Qorshaha Lagu Kicinayo

"Maanta Dunidu Waxay Garowsan Tahay In Ay Somaliland Tahay Dal U Bisil In Ay Is-Maamullaan"

IFTIINKA ISLAAMKA SICIID I. GURAASE

Baxaa-Deggii Jacaylka: Billan Iyo Baxnaan

Fariinta Akhristaha

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

"Waxaan Rajaynayaa In Aan Mar Labaad Halkan Imaado, Si Aan Ugu Guulaysto Jaa’isadan Oo Kale" Ronaldo...


Wasiirka Dalxiiska iyo Suugaanta oo reer Saylac u mahadceliyey

Boorama (Haatuf) Wasiirka Dalxiiska iyo Suugaanta Mudane Cusmaan Cali Bile ayaa daweynaha reer saylac iyo ururada siyaasiga ah uga mahadceliyey sidii nabadgelyada iyo xasiloonidalahayd ee ay uga qaybqaaateen doorashooyinkiigolaha deegaanka saylac iyadoo ay jiidaassi ka jiraan xaalad abaareed oo dad iyo duunyaba sameeyay sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf ee Boorama Maxamed Cumar.Mudaane Cusmaan oo kasoo laabtay deegaanka la xidhiidha degmada saylac oo uu muddaba ugu maqnaa xogogaal u noqoshada xaaladda nololeed ee dadka iyo duunyada ku nool jiiddaasi iyo ka warhaynta sida ay u dhacayaan doorashooyinka goalaha deegaanka degmada saylac ayaa waraysi uu siiyey Haatuf ku sheegay in dhawaan xukuumaddu qaadi doonto tallaabooyin wax lagaga qabanayo xaaladda adag ee nolosha ka haysata dadweynaha iyo duunyada ba.

Dhinaca kale guddoomiyaha maamulka Gobolka Awdal Mudane Maxamuud sheekh cabdilaahi ayaa shir ama kulan uu la yeeshay hawlwadeenadii, dawladda saraakiishii ciidamada kala duwan iyo xubno ka socday wakiilada ururada siyaasiga qaarkood ku ammaanay sidii hawlkarnimada iyo adkaysiga lahayd ee ayuga qaybqaateen hawlihii doorashooyinka golyaasha deegaanka degmooyinka gobolka Awdal. Guddoomiyaha gobolka oo guud ahaan ka warraamayey sidii ay u dhaceen doorashooyinka golyaashaka deegaanka degmooyinka gobolka awdal waxa uu sheegay in xitaa dalalka horeyu maray qaaarkood anay weli gaadhin heerka iyo qaabka dalka soomaaliland u qabanqaabiyey una suurtageliyey doorashooyinkaasi, taasoo uu ku tilmaamay mid xitaa goobjoogayaashii caalamka ka socday u qaadan waayeen in rabshad la’aanta iyo deggeenaashaha ay ku dhaceen. Guddoomiyaha oo ka warramayey waxa ka jira cabashooyin yaryar oo ay sheegayeen qaar ka tirsan ururada qaarkood waxa uu sheegay in kolleyba meesha hawl caynkaa u baaxad lihi ka socoto in aan laga waayeyn wax ka baylaha dhinaca xukuumadda, ururada iyo shacbigaba balse muhimaddu tahay in caalamku arko bisaylka annu gaadhnay.ugu dambayn guddoomiyuhu wuxu xusuusiyey ka qaybgeleyaasha shirka in aan la ilaawi doonin wixii wanaag ah ee uu galay iyo wixii xumaan ah ee uu dalka iyo dadkaba ka galay.

Top


Labada Gole Ee Baarlamaanka Somaliland Oo Wada-Jir U Ansixiyay Xukunka Deg-Degga Ah Ee Lagu Soo Rogey Gobolka Sool

"Afarta Garaad ee Lacagta Bartay looma Taag helayo..." 

Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar - Gudoomiyaha Guurtida

Hargeysa (Haatuf): Labada gole ee Somaliland (Guurtida & Wakiilada) ayaa shalay cod aqlabiyad ah ku ansixiyey xeerka xukunka degdegga ah ee uu madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ku soo rogay gobolka Sool, ka dib markii ay labada gole fadhi wada jir ah ku yeesheen xarunta golaha Guurtida ee magaalada Hargeysa, iyadoo markii loo codaynayey ajandaha xeerka degdegga ah ay madasha fadhiyeen 108 mudane, taas oo ay 91 mudane ogolaadeen xeerkaa, halka ay 3 mudane diideen, 14 mudanena ka aamuseen.

Fadhiga baarlamaanka oo ay wada jir u gudoominayeen labada shirgudoon ee labada gole ansixinta xeerkaa ka sokow waxay mudanayaashu go’aamiyeen in gobolka Sool loo diro guddi ka kooban labada gole oo socdaal xaqiiqo raadis ah ku taga gobolka Sool, iyadoo la sheegay inay guddigaasi daraasad ku soo samaynayaan sidii ay u dhacday iyo saamayntii ay lahayd xaaladdii dagaal ee magaalada Laascaanood kala kulantay madaxweyne Rayaale iyo weftigii uu hogaaminayey, ka dib markii ay iyaga oo booqasho ku jooga Laascaanood weerar ku soo qaadeen ciidamada maamul-goboleedka Puntland.

Intii aan la ansixin ajandaha xukunka degdegga ah waxoogaa dood ah oo ay ka qayb qaateen ilaa toban mudane ayey mudanayaasha labada gole ka yeesheen mawduucaa, iyadoo ay mudanayaasha doodda ka qayb galay aaraah kala duwan ka dhiibteen aragtidooda ku wajahan ajandahaa.

"waxaan xiligii weerarka lagu soo qaaday joogay Nayroobi wuxuuna weerarkaasi ahaa mu’aamarad lagaga soo shaqeeyey shirka Eldorete"sidaa waxa yidhi mudane Dable oo ka tirsan golaha wakiilada. Sidoo kale mudane Xaaji Cabdi-waraabe oo ka mid ah golaha Guurtida, isla markaana ka mid ahaa weftigii nabadaynta ee gobolka Sool, wuxuuna fadhiga ka jeediyey waxooga warbixin ah oo uu kaga waramayo xaaladda siyaasadeed ee gobolka Sool, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa "Dadka reer Sool waa dad Somaliland ah, laakiin waxa ku dhex-jira dad meel kale looga gacxan haadinayo, waxaana dul-taagan xiddigii inaga dul kacay, iyadoo ay fidmadu tahay labada calan ee Somaliland iyo Puntland, hadii aan labadaa calan mid la rogina Laascaanood degi mayso".

"Hartiga Somaliland ayaa ku gudban Somaliland, sidaa darteed marka aynu dhul-bahante iyo warsangeli helo ayeynu gaadhi karnaa xadka aynu Puntland la leenahay" sidaana waxa yidhi mudane Boosh-cadde oo ka tirsan Guurtida, laakiin mudane farxaan oo golaha wakiilada ka tirsan ayaa isna yidhi "Hartiga Somaliland inaguma soo duulin ee waxa laynagaga soo duulay meel ka baxsan, markaa bahasha yaan la reerayn ee qaranimo ah halooga dodo, ta kale weftigii madaxweynaha waxa laga sheegayaa qaladaad ee hala baadho". 

Mudane Aadan-sanweyne oo Guurtida ka tirsan ayaa isna yidhi, "inta aynu ka gudbayno marxaladaha doorashooyinka dalku uma baahna xukun degdeg ah." 

Ka dib markii ay mudanayaashu waxoogaa dood ah oo aan taf-dheerayn ka yeesheen ajandaha xeerka degdegga ah ayey gudogaleen codayntii ay ku ansixinayeen xeerka xukunka degdegga ah iyo in guddi xaqiiqo raadis ah loo diro. Hase yeeshee markii uu fadhigu furmay ayey shirgudoonada labada aqal warbixino iyo hadalo ujeedada fadhiga wada jirka ah la xidhiidha ka jeediyeen madasha.

Mudane Sh. Ibraahin Sh. Yuusuf ayaa halkaa ka hadlay, waxaana weedhihiisa ka mid ahaa "Cidda inala dagaalamaysaa ma aha reer Sool ee waa Puntland oo aan ogolayn inaynu talaabo qaadno, caynkaasna waxaynu ahayn 11 sannadood, haddana waxa la leeyahay Puntland ciidamadeedii nimanka garaadada la yidhaahdo ayaana meesha ka shaqaysanaya, waxaana leeyahay walaahay afartaa garaad ee lacagta bartay looma taag helayo, hadii wax laga qaban karayo dee halaga qabto, laakiin hadii aan laynagu khasbin dagaalami maynu".

Mudane C/qaadir X. Ismaaciil Jirde oo ah gudoomiye-kuxigeenka golaha wakiilada ayaa isna warbixin dhinac kale ah oo uu kaga waramayo safar uu dhowaan ka soo laabtay oo uu ugu maqnaa dalka Ingiriiska waxoogaa warbixin ah ka bixiyey.

Go’aanka xukunka degdegga ah ee lagu soo rogay gobolka Sool, marka laga reebo degmada Caynaba laguma sheegin mudada uu soconayo xeerkaasi, laakiin madaxweynuhu waxa uu qoraalka xeerkaa ku yidhi "Ilaa inta ay xaaladda gobolku ku soo noqonayso caadi waxa uu ku sugnaanayaa xukun degdeg ah".

Sida la ogyahay maamulka Somaliland itaal badan kuma laha gobolka Sool iyo weliba degaamada bariga Somaliland, sidaa darteed xukunka degdegga ah ee lagu soo rogay waxay dad badani iswaydiinayaan tolow muxuu itaalka maamul ee ay Somaliland ku leedahay gobolka Sool ku kordhinayaa hadii aan la helin talaabo kale oo wax lagaga bedelo xaaladda maamul ee gobolka Sool.

Top


Ururka HORMOOD Oo Sheegay In Mad-Madow Ka Soo Baxay Maamulkii Iyo Natiijada Cod-Bixinta

"Waxaanu Guddiga Doorashooyinka Ka Codsanaynaa in aanay ku deg-degin soo saarida natiijooyinka ka hor..." Axmed Muxumed Madar - Gudoomiyaha ururka Hormood

Hargeysa (Haatuf): Urur-siyaasadeedka HORMOOD ayaa sheegay inuu mad-madow badani ka soo baxay qaabkii loo maamulay hawshii iyo natiijadii cod-bixinta doorashadii golayaasha deegaanka Somaliland oo dalka ka dhacday 15-kii bishan aynu ku jiro ee Diisamber, sidoo kale waxa uu ururka HORMOOD guddiga doorashooyinka Qaranka ka dal-badday inaanay natiijada kama dambaysta ah ku dhawaaqin ilaa inta ay jawaab lagu qanco ka bixinayaan cabashooyinka ka soo baxay cod-bixintii dhacday.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha ururka HORMOOD, Axmed Muxumed Madar oo ay xalay na soo gaadhsiiyey ayaa lagu sheegay dhaliilaha la xidhiidha maamulkii iyo natiijooyinka qabyada ah ee ilaa hadda soo baxay, war-saxaafadeedkaasina isaga oo dhamaystiran waxa uu u qornaa sidan:

"Haddii aanu nahay ururka HORMOOD waxaanu qiraynaa in doorashooyinkii deegaanka ee dalka ka dhacay 15/12/02 inay u dhaceen si nabadgelyo ah oo xasiloon, taasna illaahay ka sokow waxa mahad iyo amaan-ba ku mutaystay shacbi weynaha reer-Somaliland oo muujiyay xilkasnimo, is-xilqaan, iyo samir. Laakiin nasiib darradu waxay tahay oo aanu halkan ku cadaynaynaa in mad-madaw badan oo aan la qaadan karini uu ka soo if-baxay habkii loo maamulay iyo natiijooyinkii ka soo baxay cod-bixintii, ee ilaa hadda la ogyahay. 

Waxa cad in ay dacwado badani oo ka imanaya ururada siyaasadda ay soo gaadhayaan guddiga doorashooyinka qaranka oo ilaa hadda aan laga qancin ururadaa. Sidaa darteed waxaanu guddiga doorashooyinka ka codsanaynaa in aanay ku degdegin soo saaridda natiijooyinka ka hor inta aanay jawaab lagu qanci karo ka bixin cabashooyinka horyaala" ayey qoraalkooda ku soo af-jareen.

Top


Cali Xalane Oo Caadeystay Inuu Somaliland Ka Faafiyo Warar Been Ah

"Maraykanka Oo Saldhig Ka samaysanaya Somaliland, isagoo gacan ka helaya Israa’iil"

Warkii ugu dambeeyay ee uu Cali Xalane Ku baahiyay Wargeyska Al Khaleej

Cali Xalane oo ah weriye magaalada Muqdisho wararka uga dira qaar ka mida warbaahinta Carabta gaar ahaana wargeysyada Al-Khaleej iyo Al-Sharqul-Awsad ayaa caado u noqotay inuu warar beena ka diro Somaliland oo uu ku faafiyo wargeysyadaasi.

Cali Xalane waxa u diray maqaalo badan oo been abuur ah, oo ku saabsan Somaliland, isagoo had iyo jeer ay wararkiisu yihiin borobogaandho lid ku ah Somaliland, waxayna qoraaladiisu ku salaysan yihiin mala-awaalo xaqiiqada ka fog oo aan marna runta ku salaysnayn.

Waxa kale oo caado u noqotay inaanu xusin halka uu ka helay wararkaasi, islamarkaana isagoo sheeganaya inuu xog-ogaal u yahay xaaladda Somaliland ayuu faafiyaa warar been abuur ah, oo inta badan aan la fahmi karayn halka uu ka keenay.

Lama soo koobi karayo wararka uu Cali Xalane ka been abuuray Somaliland balse haddii aynu soo qaadano warkii u dambeeyay ee uu maalmahan ku faafiyay Wargeyska Al-Khaleej oo ka soo baxa Imaaraadka Carabta waxa uu ciwaan uga dhigay "Ciidamada Maraykanka oo saldhig milatari ka samaysanaya Somaliland iyagoo ay gacan siinayso Israa’iil". Waxa uu ku sheegay in dawladda Maraykanku ay bilawday sidii ay saldhig uga samaysan lahayd Somaliland gaar ahaana meel afartan Kilo mitir u jirta magaalada Berbera. Waxaanu intaa ku daray in xubno ka socda sirdoonka Maraykanka, Israa’iil, iyo Ingiriiska ay dhamaysteen booqasho ay ku yimaadeen Berbera iyo Hargeysa todobaadyadii ina dhaafay, iyagoo dariiqa u xaadhayay saldhiga uu Maraykanku samaysanayo, oo uu ku tilmaamay mid gacan ka siinaya dagaalka uu Maraykanku kula jiro argagixisada.

Waxa uu intaa ku daray in ay Berberi muhiim u tahay istiraatiijiyada lagu ilaalinay badda cas iyo badweynta Hindiya, si loo ilaaliyo danaha ay maraykanka iyo Israa’iil ku leeyihiin gobolka.

Isagoo xusay in saldhigani uu noqonayo ka labaad ee ugu weyn geeska Afrika, marka lagu daro ka Djibouti uu dhawaan Maraykanku ka samaystay.

Sida warkan been abuurka ah ka muuqata Cali Xalane wararkiisu waa qaar xaqiiqada ka fog, islamarkaana aan lahayn ilo loo raaco oo uu xiganayo. Warkani maaha kii ugu horeeyay ee uu Cali Xalane ka been abuuro Somaliland balse waxa jiray qaar kale oo ka horeeyay. Waxase isweydiin leh waxa uu Cali Xalane uga jeedo wararkan oo aynu odhan karno waxa ugu weyn inuu xumeeyo sumcada ay Somaliland leedahay gaar ahaana xidhiidhka u dhaxeeya Somaliland iyo dunida muslinka ah iyo kuwa carbeed si ay Somaliland go’doon uga gasho dalalka carbeed ee ay jaarka yihiin. Sidaas ayuu ugu soo celcelinayaa xidhiidhka uu sheegay inuu ka dhaxeeyo Somaliland iyo Israa’iil si uu khal-khal u galiyo xidhiidhka soo hagaagaya ee ka dhaxeeya Somaliland dalalka ay walaalaha yihiin ee carabta, taasoo uu sii xoojiyay tan iyo markii ay dhawaan soo baxeen maal-qabeeno carbeed oo maalgashanaya Somaliland, isagoo doonaya inuu taa baabi’iyo ama aanay suurta galin laakiin waxa aynu u sheegaynaa in aanu xidhiidhka Somaliland iyo Carabtu ahayn mid u wasakhayn karayo Cali Xalane iyo noociisa meelaha nuxnuxda la wareega. 

Waxaase isweydiin leh sababta ay arrimahaasoo kale uga aamusantahay dawladda Somaliland gaar ahaana Wasaaradda warfaafinta oo arrimahan oo kale qaabilsan. Wargeysyada uu Cali Xalane beenta ka iibiyana waxaanu u sheegaynaa inay iska hubiyaan wararka aan xaqiiqada ku salaysnayn, taana waxay kaga badbaadi karayaan inay Somaliland u soo dirtaan weriyayaal xog-ogaal u noqda xaaladda Somaliland. Iyadoo aanay markeeda horeba macquul ahayn in Somaliland oo madaxbanaan wararkeeda laga xigto niman u adeega Qabqablayaal dagaal oo ka soo horjeeda wanaaga u soo kordha Somaliland. Ugu dambayna waxaynu leenahay "Beentu waxay raad leedahay inta runtu maqantahay". 

Top


36 Maxaabiis ah Oo La Gudoonsiiyay Shahaadooyin

Hargeysa (Haatuf) 36 ka mid ah maxaabiista ku jirta jeelka dhexe ee Hargeysa ayaa maalintii shalay la gudoonsiiyay shahaadooyin markii ay dhamaysteen waxbarasho u socotay muddo 6 bilood ah iyadoo uu hawsha waxbarista maxaabiista fuliyay ururka SOYDA. 

Munaasibadii maxaabiista dhamaystay Waxbarashada lagu gudoonsiiyay shahaadooyinka oo lagu qabtay xabsiga dhexdiisa waxa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Asluubta ee xabsiga dhexe ee Hargeysa Cismaan axmed Cigaal iyo ku xigeenkiisa Xuseen C/laahi Ducaale oo ay weheliyaan saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Asluubta Somaliland. Dhinaca ururka SOYDA waxa uga qayb galay Gudoomiyaha ururkaasi Maxamed Baaruud Qalinle iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan ururkaasi. Ugu horeyn waxa munaasibadaasi ka hadlay Taliyaha xabsiga dhexe Cismaan Maxamed Cigaal oo ugu mahad naqay ururka SOYDA hawsha ay u galeen inay waxbaraan maxaabiista ku jirta jeelka. Isaga oo intaa ku daray inay wax lagu farxo tahay maxaabiis jeelka ku jirta oo dhamaystay waxbarasho ay ku dhex qaateen jeelka. 

Intaa ka dib waxa munaasibadaasi ka hadlay Gudoomiyaha ururka SOYDA Maxamed Baaruud Qalinle isaga oo sheegay in maxaabiista ay waxbarayeen ay ahaayeen 150 maxbuus balse ay haatan shahaadooyinka qaateen 36 ka mid ahi, isagoo ka hadlay maxaabiista ay waxbarayeen waxa uu yidhi "70 ka mid ahi waa rag waaweyn 40 qofna ay yihiin dumar 30na ay yihiin carruur."

Ururka SOYDA oo ah urur samafal ah waa ururkii ugu horeeyay ee ku talaabsada hawl waxbarista maxaabiista ah.

Top


Wershadda Laydhka Berbera Iyo Qorshaha Lagu Kicinayo

Berbera (Haatuf): Shir saddex geesood ah oo ay ka soo qayb galeen madaxda shirkadda laydhka Berbera, maamulka dawladda ee Berbera iyo maareeyaha wershadda laydhka dawladda ee Hargeysa, ENG. Cabdi Cali Barkhad ayaa shalay ka dhacay magaalada Berbera, waxaana shirkaa lagaga hadlay sidii loo dhaqaajin lahaa, loona balaadhin lahaa wershadda laydhka Berbera.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil, C/raxmaan X. Daahir (Casaan) waxa hadda magaalada Berbera socdaal ku jooga maareeyaha wershadda laydhka Hargeysa, Cabdi Cali Barkhad, wuxuuna sheegay inuu jiro qorshe ay dawladdu ku doonayso inay balaadhiso baaxadda laydhka magaalada Berbera, isaga oo qorshahaa u soo bandhigay madaxda shirkadda laydhka Berbera, iyadoo uu kulankaa saddex geesoodka ah ka soo qayb galay badhasaabka Saaxil, ahna maayarka Berbera, Maxamed Axmed (Talaate).

"Berbera way ka duwan tahay magaalooyinka, waayo waxay leedahay shirkad midaysan oo korontada ah"ayuu yidhi Cabdi Cali Barkhad, wuxuuna sheegay inay dawladdu qorshaha dhaqaajinta kala tashan doonto shirkadda laydhka ee Madaxa banaan oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan B.E.E. Iyadoo la sheegaya inay dawladdu dhinaca laydhka iskaashi kala samanayso shirkadda shicibka ah ee laydhka ee Berbera.

Gudoomiyaha shirkadda laydhka Berbera ee B.E.E, Shariif Batuun, wuxuuna ka waramay sidii ay ula soo kifaaxeen laydhka magaalada. "Waxaanu ka soo bilownay heer aanu sallaanka tuurtayada ku qaadano, markaa dawladdu waa inay anaga nagu xoojisaa dhaqaalaha ay laydhka wax kaga qabanayso,"ayuu yidhi

Top


"Maanta Dunidu Waxay Garowsan Tahay In Ay Somaliland Tahay Dal U Bisil In Ay Is-Maamullaan"

Marwo Edna Aadan Ismaaciil - Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Bulshada

Hargeysa (Haatuf): Wasiirka horumarinta qoyska iyo arimaha bulshada ee dawladda Somaliland, Marwo Edna Aadan Dhakhtar ayaa faahfaahin ka bixisay shirar ay dhowaan, iyada iyo wefti ay hogaaminaysaa kaga soo qayb galeen dalal debedda ah, waxayna sheegtay inay shirarkaa ku bandhigtay doodo iyo macluumaad kale oo la xidiidha qadiyadda Somaliland.

Marwo Edna waxay shirarkaa ay ka qayb gashay iyo wixii ay kala soo kulantay kaga warrantay shir-jaraa’id oo ay doraad ku qabatay xafiiskeeda Hargeysa, iyadoo shirarka ay ka qayb gashay ay kala ahaayeen ilaa laba shir oo ku kala qabsoomay magaalooyinka Brusselis (Beljim) iyo Rooma (Talyaaniga), laakiin marwo Edna ugu horayn waxay ka qayb gashay shir ka dhacay magaalada Brusselis oo lagaga hadlayey caafimaadka iyo dhibaatooyinka haweenka dunida la soo dersa iyo weliba mawduucyo kale oo la xidhiidha xuquuqal-insaanka.

"Waxaan uga waramay Somaliland inay tahay meel nidaam iyo nabadgelyo ka jirto"ayey tidhi, waxayna intaa ka dartay inay shirkaa ka jeedisay warbixino ay kaga waramayso xaaladda Somaliland iyo muuqaalo ka turjumaya jawiga Somaliland. "Waxa kale oo aan shirka ka dhiibay warqad aan ku tilmaamayo sidii ay Somaliland ku gaadhay nabadda iyo horumarka dhaqaale iyo waxbarasho ee ka jira, waxa kale oo aan dhiibay sawiro aan ku tusayey faraqa u dhexeeya Somaliland-tii aynu dhaxalay 1991-kii iyo Somaliland-ta manta,"ayey tidhi Edna Aadan. Laakiin waxay hadana tidhi, "Farxad weyn waxa ii ahayd inaan shirkii Brusselis kaga qayb galay aniga oo ah wasiir Somaliland, sidoo kale waxa farxad weyn ii ahayd inay dad badan oo ka kala socday meelo kale, sida Itoobiya iyo Ingiriiska u doodeen qadiyadda Somaliland, kana jeediyeen warbixino wanaagsan oo aan aad u jeclaystay, maantana waxay dunidu garawsan inay Somaliland tahay dal nabad ah, isla markaana ay yihiin dad u bisil inay dalkooda maamushaan ". 

Hase yeeshee marwo Edna iyadoo sharax ka bixinaysa bal sida ay dadkii ay shirarkaa kala qayb gashay ee Ajnebiga ahaa u garawsadeen dacwadeeda waxay tidhi "Markii aan fursad u helay inay meel ka mid ah meelaha adduunka laga maamulo (Xarunta baarlamaanka Yurub) ka dhiibto dood ku saabsan qadiyadda Somaliland waxay ahayd mid aanan filayn, waxa kale oo fursad wanaagsan ii ahayd inaanu ka mid noqdo shirgudoonkii maamulayey shirkaa iyo inaan shirkaa ka dhiibo warqad ka hadlaysa xaaladda iyo qadiyadda Somaliland, waxaana halkaa la iigu qaabilay si weyn aniga oo wasiir ah".

Marwo Edna Aadan-dhakhtar waxay sheegtay inay shirkaa maamulaysay haweenay u dooda xuquuqda aadamaha oo xubin ka ah baarlamaanka Yurub ee ay xaruntiisu tahay magaalada Brusselis, isla markaana waxay intaa ku dartay inay fursad u hesho xubno badan oo baarlamaanka Yurub ka tirsan oo ay kala hadashay qadiyadda Somaliland.

Top


IFTIINKA ISLAAMKA SICIID I. GURAASE

Cabdullaahi Binu Cabbaas

Cabdullaahi Binu Cabbaas waxay ilmaadeer ahaayeen Nebiga (scw), wuxuuna ahaa Saxaabigii ugu aqoonta badnaa sida tusaale ahaan marka la eegayo tafsiirka iyo macnaha xeesha dheer ee qur’aanka oo Rasuulka (scw) ayaaba arrinkaa ugu duceeyay. Wuxuu caan ku ahaa Alle ka cabsiga, wuxuu badin jiray soonka, salaadda habeenka isagoo khaaliqa weyn (sw) ee abuuray mar kasta weydiisanaya denbi dhaaf iyo raalli ahaanshahiisa. Cabdullaahi wuxuu ka mid ahaa saxaabada ugu da’da yar oo wuxuu dhashay 3 sanno ka hor hijriga, markii uu Rasuulka (scw) dhintayna waxay da’diisu ahayd 13 jir. 

Sidaas oo ay tahay wuxuu Cabdullaahi binu Cabbaas ka xafiday Rasuulka (scw) 1660 xaddiis oo ay Imaamyada Bukhaari iyo Muslim ay ku sugeen kutubtooda. Cabdullaahi Binu Cabbaas Allaha ka raalli noqdee markii uu toddobo (7) jir-ka ahaa wuxuu u adeegi jiray Rasuulka (scw) sida marka uu doonayo Salaadda oo uu u diyaariyo weysada iwm. Marka uu Rasaalka (scw) galayo salaadda wuxuu la tukan jiray Rasuulka. Nebiga aad ayuu u jeclaan jiray la jirka iyo la joogista Cabdullaahi Binu Cabbaas, sidaa darteed wuu raaci jiray kolka uu Rasuulka qabanayo safar. Cabdullaahi wuxuu ahaa saxaabi uu Illaah ku mannaystay xikmad iyo aragti xeel dheer. Arrinkaana waxaa ugu duceeyay Rasuulka, oo wuxuu Illaah uga baryay inuu siiyo xikmad, Illaahna wuu ka aqbalay ducada Nebigiisa.

Xikmaddii Cabdullaahi iyo dooddii Khawaarijta: 

Waxaan hal tusaale ka soo qaadanaynaa mid ka mid ah xikmadihii Cabdullaahi Binu Cabbaas. Markii qaar ka mid ah raciyadii iyo asxaabtii Cali Binu Abii Dhaalib (rc) ay ka madax taageen amarkii Cali ee la xidhiidhay khilaafkii isaga iyo Mucaawiya dhexmaray ayaa wuxuu Cabdullaahi Binu Cabbaas ku yidhi Cali: "Amiirkii mu’miniintoow maad ii fasaxdid si aan ula soo hadlo oo markaa aan soo dhageysto waxay leeyihiin". Cali ayaa ku yidhi: "waan kaaga cabsanayaa". Cabdullaahi ayaa u celiyay waxaan ahay nin leh akhlaaq suubban oo aan cidna dhibin, sidiina ayuu ugu tagay. Markii uu u yimi khawaarijtii waxay weydiiyeen sababta uu u yimid, wuxuuna u sheegay inuu doonayo inuu wareysto. 

Qaar ka mid ah ayaa soo jeediyay inaan lala hadlin, qaarna waxay yidhaahdeen la hadla. Wuxuu yidhi waxaan weydiiyay sababta ay ula dagaalamayaan Rasuulka Alle (scw) ina adeerkii, marna uu u yahay sodog sidoo kalena ka mid ah qof rumeeya Rasuulka kii ugu horeeyay. Waxay yidhaahdeen waxaan ku haysanaa saddex qodob. Waa tan koowaade waa isagii oo xukunkii Islaamka siiyay dad gaar ah. Waa tan labaad’e wuxuu la dagaalamay Caa’isha (rc) iyo Mucaawiya, mana ka qaadan qaniimooyin oo ma qabqabsan dumarkiina. Tan saddexaad wuxuu ogolaaday inaanan la odhan Amiiral mu’miniin iyadoo ay muslimiinta oo dhammi u doorteen magacaas. 

Markii ay dhammeysteen hadalkooda, ayaa Cabdullaahi Binu Cabbaas ku yidhi: "Ka warama haddii aan idinku dul odhan aayado qur’aan ah iyo axaadiista Rasuulka (scw) ma ka noqonaysaan waxaad hadda ku sugan tihiin?". Waxay yidhaahdeen: "Haa". Haddaba, Cabdullaahi Binu Cabbaas ayaa ka jawaabay qodobkoodii koowaad ee ay ku haysateen Cali ee ahaa oraahdoodii ahayd in uu Cali uu siiyay xukunka dad gaar ah, wuxuuna Cabdullaahi arrintaa kaga jawaabaay odhaahda Alle (sw) ee leh: "U dira xaq soore ehelkiisa ah iyo xaqsoore ehelkeeda ah.." Suuradda Al-Nisaa aayadda 35. Wuxuu Cabdullaahi weydiiyay kooxdii su’aashan ah:"Illaah baa idinku dhaariye ma waxaa fadli badan xukunka ninka iyo afadiisa iyo addoonka mise xukunka ummad dhiiggeeda la badbaadinayo, dhaawaceedana la dhayayo? Waxay yidhaahdeen khawaarijtii haa oo waxaa fadli badan xukunka ummadda. 

Arrinta kale ee la xiriirta inuu Cali la dagaalamay Mucaawiya iyo Caa’isha, laakiinse uuna addoonsan dumarkooda isla markaana qaniimaysan maalkooda. Cabdullaahi wuxuu weydiiyay su’aashan ah: " Ma waxaad banaysan lahaydeen hooyidiin Caa’isha iyo wixii aad dumarka kale ka banneysateen, haddaad tiraahdaan "haa" waad gaalowdeen, sidoo kalena haddaad tiraahdaan ma aha hooyadeen iyadana waad gaaloowdeen oo waxaad ku kufrideen aayadda uu Alle ku yidhi: "Nebiga ayaa uga roon (turid badan) Mu’miniinta naftooda, haweenkiisuna waa hooyooyinkoo". 

Faa’iidadii iyo midhihii ka soo baxay kulankii Cabdullaahi Binu Cabbaas uu la yeeshay khawaarijta ayaa waxaa ka mid ahayd in tiro aad u badan oo ka mid ah khawaarijta ay ka soo laabteen khilaafkoodii iyo madax taagoodii ay ka madax taagayeen amarka Cali (rc), kuwaasoo tiradooda gaadhayay ilaa labaatan kun (20.000) oo qof, halka kuwa kale ee ku adkeystay khilaafka Cali ay gaadhayeen tiradoodu 4 kun oo keliya. Cabdullaahi Binu Cabbaas wuxuu ahaa kii aad u qaddariya oo u weyneeya doonista barashada waddada cilmiga. 

Intii uu Rasuulka (scw) ifka joogay wuxuu Cabdullaahi cilmiga ka biyo cabbi jiray Rasuulka (scw), hase ahaatee kolkii uu Rasuulka (scw) geeriyooday wuxuu u jihastay xagga saxaabada culumadeeda isagoo ka baranayay aqoonta iyo barashada diinta Islaamka. Cabdullaahi Binu Cabbaas isagoo ka hadlaya sidii uu u dalbi jiray waddada cilmiga wuxuu yidhi: "haddii aan maqlo nin ka mid ah asxaabta Rasuulka (scw) waxaan tagi jiray irida gurigiisa wakhtiyada duhurka kolkaasaan barkan jiray go’a aan wato, annigoo seexan jiray albaabka agtiisa, haddii aan doonana waxaan weydiisan jiray inaan u soo galo guriga oo markaa wuu ii fasixi jiray, wuxuu i weydiin jiray sababta aan ugu imid, markaasaan ku odhan jiray inaan kaa aqoon kororsado, waayo cilmigu waa loo tagaa ee isagu iskama yimaado, dabadeedna waxaan weydiin jiray xaddiiska aan doonayo inaan ogaado.. Sidaa ayuu ugu weynaa cilmiga Cabdullaahi Binu Cabbaas (rc) oo wuxuu u huri jiray helista barashada cilmiga. 

Sida uu Cabdullaahi u qaddarin jiray barashada cilmiga ayaa haddana u weynayn jiray culumada aqoonta u leh Islaamka. Matalan hal tusaale haddaan ka soo qaadano arrintaas, waxaa la ogsoon yahay in Zeyd Binu Thaabit uu ahaa qoraagii Waxyiga, dhinaca kale wuxuu ahaa kan ugu aqoonta badan magaalada Madiina marka laga hadlayo cilmiga garsoorka, fiq-higa, qiraa’ada (akhrinta toosan ee tajwiidka) iyo cilmiga dhaxalka. Haddaba, maalin maalmaha ka mid ah ayaa Saxaabiga la yiraahdo Zayd Binu Thaabit oo doonaya inuu fuulo awrkiisa ayaa waxaa is hor istaagay Cabdullaahi Binu Cabbaas oo doonaya markaas inuu hogaanka u qabto awrkii uu saarnaa. Markaa ayaa Zeyd ku yidhi: "faraha isaga qaad kii ay Rasuulka (scw) ay ilmo adeerada ahaayeene". Cabdullaahi ayaa yidhi: "Sidan oo kale ayaa nala faray inaan u wanaajino culumadeena". Zeyd ayaa isna yidhi: "ii soo laac gacantaada". Cabdullaahi wuxuu u fidiyay gacantiisa, dabadeedna Zeyd ayaa dhunkaday gacantii Cabdullaahi isagoo leh: "sidatan ayaa nala faray inaan ula dhaqano Aalu-beytka Nebigeena (scw). 

Cabdullaahi Binu Cabbaas wuxuu caado ka dhigan jiray doonista iyo dalabka cilmiga ilaa uu meel sare ka gaadhay. Masruuq Binu Ajdac oo ka mid ah madaxda Taabiciyiinta (ardaydii saxaabada) ayaa mar uu ka faaloonayay Cabdullaahi Binu Cabbaas wuxuu yidhi: " Haddaad aragto Cabdullaahi waxaad ogaanaysaa inuu yahay ninka ugu quruxda badan, hadduu dhawaaqaana waa ninka ugu fasaaxad badan xagga hadalka, marka uu sheekeenayana waxaad ogaanaysaa inuu yahay ninka ugu cilmi badan". 

Cabdullaahi markii uu dhammeystirtay waxbarashdiisa diinta, ayaa waxa uu bilaabay inuu dadka baro diinta. Guriga Cabdullaahi wuxuu isu baddelay Jaamacad ay ka soo baxaan Muslimiinta. Haa, waa Jaamacad marka dhinac kasta laga eego. Waxaynu ognahay in jaamacadaha maanta ay dhigaan macalimiin fara badan oo kala duwan, kuwaasoo dhiga maadooyin kala duwan. Hase ahaatee Jaamacadda Cabdullaahi waxaa dhigayay Cabdullaahi oo keliya, iyadoo maadooyinka cilmiga ay kala duwanaayeen. Mid ka mid ah ardayda dhigtay jaamacaddaas ayaa yidhi: " waxaan arkay fadhiga ama xalqada Cabdullaahi oo haddii aad Qureysh oo dhan ay ku faani lahayd ay u noqon lahayd faan, wuxuu yidhi waxaan arkay dadkii oo buuxiyay gurigiisa ilaa ay meeshu ka cidhiidhsanto, waxaan u talaabay ilinka guriga Cabdullaahi, dabadeedna wuxuu igu yidhi waxaad ii soo dhigtaa biyo aan ku weyso qaato, wuu weyso qaatay ka dibna wuxuu isu diyaariyay inuu ka jawaabo su’aalaha kala duwan ee ay dadka weydiinayeen. 

Cabdullaahi Binu Cabbaas Allaha ka raalli noqdee wuxuu dunida kaga tagey cilmi, faham, dhowrsanaan iyo xikmad xeel dheer. Markii uu dhintay Cabdullaahi Binu Cabbaas da’diisu waxay ahayd 71 sanno. Waxaa janaasada Cabdullaahi ku tukaday Muxammed Binu Al-Xanafiya oo uu dhalay Cali Binu Dhaalib (rc), saxaabo iyo taabiciyiin fara badan. Illaah ha weyneeyo abaal marinta Cabdullaahi Binu Cabbaas aamiin

Top


Baxaa-Deggii Jacaylka: Billan Iyo Baxnaan

Q: 27aad - Sheeko Taxane ah - Waxa Qoray Cumar D. Cumar (Japan)

Heebaan Salal isagoo khajilaada kaga biinaya Bilan oo ay isugu miyir beeleen Baxnaan oo aanay muddo is arag ayuu yidhi Heebaan Salal "anigu xaga Bilan ayaan ahay Baxnaanow, haddii aad Bilan ka xanaajiso, inana isu iman mayno", hadalka Heebaan ayaa keenay in ay Bilan iyo Baxnaan joojiyaan salaantii ay ka muuqatay in ay kulmeen laba qof oo ay labadooda qalbi mataanaysanyihiin oo muddo kala baaday, Heebaan ayaan ku sii raagin gurigii reer Baxnaan intay balameen Baxnaan ayuu salaama ku sii dhaafay Bilan, habeenkaa Bilan waxaa intii hore ku mashquulsanayd gurigeeda oo ay muddo ka maqnayd sidii ay u hagaajin lahayd, Baxnaana wuxuu u muuqday nin daalanaa, oo soo gaadhay halkii uu ku nasan lahaa oo si fiican dhacdiidka ugu seexday Cigaal wanaagsan oo ay gaari dumareed si fiican u sii gogoshay.

Baxnaan wuxuu dareemayaa in culays badani ka dagay waxaa meesha ka baxay werwerkii uu in muddo ah Baxnaan ka werwersanaa mustaqbalka uu mudan doono qoysnimadooda isaga iyo Bilan, Baxnaan wuxuu filayay in uu kala kulmo Bilan waji xun, cabasho iyo eedayn, laakiin wax ka duwan ayuu kala kulmay Bilan oo arkay in ay kasii firfircoontahay sideedii hore in aanu waxba iska dhimin dhinaca, Baxnaan wuu ogsoonyahay in aan Bilan waxba ka qarsoonayn oo ay ogtahay siduu ku guursaday Qaali iyo sababtii keentay inuu guursado. Baxnaan marka ay Bilan sheeko u soo wado ee ay ku bilawdo Baxnaanaw-ba wuxuu ka sii naxaa in Bilan ay soo wado hadal ku saabsan arrintii dhiniciisa iyo Qaali. Laakiin Bilan wax kale ayay kala hadashaa marka uu hubsado in Bilan aanay kala hadal dhinicii uu filayay ayuu neefsadaa oo ay ka baxdaa naxdintii uu ka qabay Bilan oo u furta sheekadii isaga iyo Qaali oo waliba ka doonta cudur daar iyo sababayn, Baxnaan aroornimadii ayay kulmeen Heebaan si ay u wada ambabixiyaan Bilan aabaheed oo ay sii wada hadleen Heebaan. 

Baxnaan wixii uu awoodi karayayba wuu isticmaalay si uu si fiican ugu sii ambabixiyo Gaas iyo xubnaha kale ee qoyska ay xididka yihiin, Baxnaan fasax ayuu Heebaan uga soo qaaday shaqadiisii waxaanu Baxnaan 2 todobaad ku ekaa gurigiisa socodkiisuna ma badnayn joogitaanka guriga ee Baxnaan ayaa u muujisay Bilan in uu Baxnaan u daacad yahay oo aanu meel kale niyada ku hayn, maalmo, habeeno, saacado iyo waqti wanaagsan oo nasasho iyo raaxo leh ayaa wada qaateen Bilan iyo Baxnaan, laakiin marmar ayuu Baxnaan is tusayaa in ay hortaalo arrin u baahan sidii uu uga dabaalan lahaa, wuxuu ogyahay Baxnaan in marka uu shaqo tago ay isku arki doonaan shaqada Qaali in uu hadal bilaabmi doono, wuxuu dareensanyahay in ay la soo dersi doonto sidii uu labadiisa xaas isugu wadi lahaa. Baxnaan niyadiisu waxay ogoshay Bilan, laakiin Qaalina waa xaaskiisii kale oo xaq bay ugu leedahay in uu tago gurigiisa, Baxnaan waxay ula muuqataa arrin adag in uu Bilan u cadaysto in uu laba xaas isku wadayo, xataa sidiisa ayaanu Baxnaan niyad u hayn Bilan mooyee in naag kale uu arrin ka dhaxeeyo oo ay halkaa ka dhalato arrin keeni karta in ay Bilan ka xumaato oo ay u kala maqnaadaan sidii ay dhawaan u kala maqnaayeen, Baxnaan wuxuu ka war hayaa in aan xanuun kale u iman Bilan ee ay ka naxday warkii isaga iyo Qaali, Baxnaan wuxuu ogyahay in Bilan ay cid walba uga hiilisay oo ay u daacad-tahay jacaylkooda. Baxnaan taladii rog rog, kor iyo hoosba ka eeg waxaa u cad in aan Qaali gafayn buuq iyo weerar ay aloosto haddii uu u hogaansami waayo sida ay doonayso. Baxnaan hadda wuxuu haystaa waxoogaa lacag ah wuxuu hindisay in uu xoolo siisto oo uu dib ugu noqdo nolosha miyiga oo uu la dego reerkooda reer Baashe Cirsuge, Baxnaan sidii wax u dhaceen iyo qorshahiisa cusub oo sababaysan ayuu u bandhigay Bilan, Bilan way ka soo horjeesatay arrintaa waxay tidhi "Baxnaan ha ka tagin shaqadaada ee anigu waan kuu samrayaaye arrinta si kale u xali".

Bilan iyadoo baadhaysa bal in uu Baxnaan la hayo Qaali iyo in kale ayay tidhi "Haddii aad jeceshahayna dee iska dayso xaaskaaga, adiga og", Baxnaan wuxuu fahmi karaa in aan hadalkaa Bilan daacad ahayn waxaanu ku jawaabay "Bilan dhinacaaga ma ahee anigaa doonaya in aan furdaamiyo arrin markii dambana aad ogayd halkay ila martay iyo halkii ay inala martay". 

Baxnaan wuxuu hoosta ka ogyahay in Qaali aanay ahayn naag hawl yari lagaga dabaalan karo.

Qaali maqashay in aanu Baxnaan miyiga ku maqnayn, waxay ogaatay in uu joogo oo uu la noolyahay Bilan, Qaali waxay go’aansatay in aanay ugu tagin guriga si aanay dhibaato u abuurmin, laakiin waxay goosatay in ay sugto inta ay Baxnaan kula kulmayso meel kale, Qaali xanaaq, buuf iyo baaf, hadalo kulul intuba kuma yara intii ay ogaatay in Baxnaan u joogo Hargeysa oo aanu iyadana ka soo ag-wareegin, Qaali waxay is tustay in aanu Baxnaan heli doonin cudurdaar in isagoo Hargeysa jooga aanu ka soo ag-wareegin, Qaali markii ay muddo ka dhex-goobaysay magaalada Hargeysa dhexdeeda in ay aragto Baxnaan oo socda mid ka mida wadooyinka ama yimaada shaqada ayay mararka qaar ka shikidaa sida uu run u ahaa warkaa joogitaanka Baxnaan.

Top


Fariinta Akhristaha

Somaliland Way Ismuujisay

Assad Yuusuf Cabdi.

Dawlada S/land oo khariidad ahaan ku dhacda hoosyaalka k/galbeed ee bada carabtu, waa Dawlad91kii iska muujisay geeska afrika markay si daacada isaga hurguftay boodhkii mudada 30ka sano ah ay ku qarisayDawladii burburtay ee Soomaaliya,waxaanay Dawladaha ay ka midka yihiin Jabuuti ,Itoobiya, iyo soomaaliya dhammaantood ku fidisay baalasheedii lahaa summadda gaarka ahee uu uga tegay isticmaarkii Ingiriisku,waa Dawlad aan helin wax aqoonsi ah laakiin shacabkeeda nabad kusoo dabaashay iyadoo dhidibada u taagtay tiirarkii Dawladnimo, shacabkeediina miiska usoo dul dhigtay Distuur Qaran, hadana ku tala jirta sidii ay uga dhici lahaayeen doorashooyin xalaal ahi,waa Dawlad darbiyo ku qortay xasuuqii shacabkeeda lagula kacay 88kii oon marnaba maanta ogolayn inay dadkeedu u dhintaan dano shakhsiyadeed. WaaDawlad kasoo dabaalatay mawjado larabay in lagu hafiyo si aanay uga go’in Soomaliya inteeda kale iyadoo xayiraado lala beegsaday ilihii ugu muhiimsanaa dhaqaalaheeda oo ahayd mawjada la rabay inay si dani ku baday ah ugu walwaasho dhinaca K/somaliya oo dabeeto ay u noqoto mid maamulkeedu aanu waxba ka duwanayn maamulada hada ka jira K/somaliya, taasoo fikradihii cadawgeeda isugu soo biyo shubtay in colaado laga dhex abuuro mooye aanay jirin si kale oo dubaha madaxeeda loola gaadhi karayaa, waxaana baryahan danbe soo baxay iyadoo xurgufo hore iska jireen in M/putlanduu cadaysto sidii uu isugu dhufan lahaaM/weynaha S/land iyo shacabkiisa ku nool M/madaxda gobolka Sool,iyadoo ay jiraan soomaali aad u tiro badan oo ku nool ciida S/land iyagoon la waydiin wax dal ku gal ah, iyo shacabka S/land oo si iinsaaniyadi ka muuqato ay ugu dul nool yihiin qaxoontiyo kasoo barakacay K/somaliya,taasoo aad ka turjuman karto inaanay wax cadaawada oo shacabka S/land ay u qabaan walaalahooda ku nool dalkii hore laysugu odhanjiray Somaliya aanay jirin.

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
  • Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

  • Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay M. M. Muuse, Waxa 

Tifaftiray A. Ducaale

Q: 49aad

Ganat: Saraakiishii dawladdii Xayle Salaase ee janaraalada ahaa markii ay taariikhdu ahayd 21-kii Nofembar waxaad ku xukunteen dil, waxayna moodayeen inay cadaalad iyo sharci jiraan ka dibna way isu kiin dhiibeen oo idinka ayaa gacanta ku hayey, laakiin idinka oo aan maxkamad hor keenin oo aan la cadayn dembiga ay galeen ayaad cod u qaadeen oo aad dil ku xukunteen, markaa waxa la leeyahay nafo iska dhan ayaad ciyaar ciyaar u xukunteen, taasina taariikhdiina waxay ku tahay dhibic madaow, markaa sidee baad taa u aragtaa ?.

Mingistu: Waxaan u malaynayaa inaanad aad u fahmin sida uu ahaa jawigii kacdoonkii Itoobiya, waayo xiligii uu dil-dilaacayey kacaanku ee la go’aaminayey siyaasadihii kacaanka adigu (Ganat) ardayad baad ahayd, laakiin hadaladaada waxaan ka dareemay inaad dhinac u xaglinaysid, sidaa darteed waxaan ku odhan karaa xataa maad muujin wixii aad dadka qaarkii ka maqashay oo qudha ee waxaad muujisay dareenkaaga oo qudha, balse marka taada laga yimaado waxaan u malaynayaa inay dad badan oo reer Itoobiya ahi fekrad qaldan ka haystaan sidii loo dilay nimankaa janaraalada ah ama sidii uu xukunkoodu u dhacay, laakiin su’aasha ugu horayn iswaydiinta lihi waxay tahay maxay sababtii keentay inuu qarxo kacaankii Itoobiya, sidoo kale waxay su’aasha kale tahay raggii xukuumaddii boqortooyada ku jiray maxay dembi geysteen iyo su’aalo kale oo la mid ah ayaa loo baahan yahay in la iswaydiiyo, sidaa darteed mid kasta oo ka mid ah saraakiisha, iyadoo aan si sharciga waafaqsan loo baadhin dembiga lagu soo oogay ayaa la laayey, laakiin inkasta oo aanay cidina jeclaysan xasuuqan cadaalad darada ah ee loo geystay saraakiishaa, hadana waqtigan xaadirka ah ee aynu joogno ee ay xaaladdu aad u xun tahay ma ah inaanu ka dhigno kuwo aan wax dembi ah geysan, isla markaana dadkii ay intaas oo sannadood soo layn jireen ee ay dhibaatooyinka u geysan jireen waxay ahaayeen kuwo la wada ogyahay, sidaa darteed dhibaatooyinkii ay shicibka u geysteen in si hawl-yar oo fudud la isaga dhaafaa ma aha cadaalad. Waayo marka aanu eegno isbedeladii siyaasadeed ee taariikhihii dawladda Itoobiya, miyuu jiraa mid xukunka si nabadgelyo ah ula wareegay, hadii uu jiro miyaad garanaysaa, kuma ayuu ahaa? 

Tusaale ahaan marka uu boqor dhinto waxa la caleemo saari jiray mid kale, laakiin boqorka la caleemo saaray ayaa hadana hadii la doono isagana xukunka laga ridi jiray, sidaa darteed weligeed lama door biddin in si wanaagsan oo dhibaato la’aan ah qunyar uun qof xilka loogu wareejiyo, miyaanay wax la wada ogyahay ahayn in inta la is madhiyo oo shuf la iska siiyo sidaa lagu kala bixi jirin, laakiin maamulkii u horeeyey ee sida wanaagsan ee ku meelgaadhka ah ee waqtiga la jaan-qaadaya xilka ula wareegay waxa uu ahaa isbahaysigii kacaankii 1973-kii, waayo isbedelkaasi waxa uu ahaa isbedel ilaa gunta ah, taas oo macneheedu yahay inaanu isbedelkaasi ahayn mid inta boqor laga qaado boqor kale la saaray. Sidaa darteed xiligaa ayey ahayd markii ugu horaysay ee la isku deyey in la sameeyo maamul cusub oo ka duwan maamuladii hore uga soo jiri jiray Itoobiya, taasina waxay keentay isbedel weyn oo ku yimi halganno is daba joog ah oo aad u bal-balaadhan, laakiin marka la eego isbedeladii dunida kale ka dhacay ee kacdoonada ahaa waxa ku daadan jiray dhiigag badan. 

Tusaale ahaan hadii aynu iswadaydiino xiligii kacaankii Faransiiska wixii la sameeyey, waxay dhacday muddo 70 maalmood gudahood ah ayey hogaamiyayaashii kacaankaasi magaalada Baariis gudeheeda isugu soo ururiyeen salaadiintii iyo cuqaashii dadka gumaysan jirtay, ka dibna inta ay shaaraca soo tubeen ayey miinshaar afaysan qoorta kaga wada gureen, laakiin markii nimankaa salaadiinta iyo cuqaasha qoorta laga gurayey dadweynuhu sacabka ayey u tumayeen, sidoo kale Ingiriiska iyo Jarmalka iyo taariikhdii Burja ee kacaankii Ruushka waxa dalalkaas ka dhacay wax ka sii weyn waxaas oo dhan, sidaa darteed marka la is barbar dhigo wixii dalalkaa ka dhacay iyo wixii dalkayaga ka dhacay ma aha wax la isku qiyaasi karo, markaa run ahaantii arintaa waa la buun-buuniyey. Ciddii doontaa ha rumaysato ama yey rumaysan balse anigu runta ayuun baan sheegayaa, sidaa awgeed anigu shakhsiyan dhinacayga talaabadii laynta nimankaa ee la qaaday maan raacsanayn, balse xataa xubnihii kale ee Dhergiga in laf tooda in lagu eedeeyo ma aha arinta ku saabsan lixdankii sarkaal ee la laayey, waayo waxa na muquuniyey codadkii xubnihii hoose ee dhergiga, iyaga oo codkooda hanjabaad iyo cadho raaciyey. 

Sidaa darteed go’aan la ansixiyey ayuu ahaa, laakiin anagu mawqifkii aanu wadnay ama aaminsanayn sidaa ma ahayn, isla markaana xataa kuma aanu fekerin inaanu go’aan caynkaas oo kale gaadhno. 

Nidaamka cadaaladda waanu habaynay oo waxaanu samaynay min maxkamaddii degaanka ilaa iyo maxkamaddii sare, isla markaana waxaanu doonaynay in nimankaasi wixii dembi ah ee ay geysteen in nin waliba uu si sharciga waafaqsan u helo abaalkiisa, laakiin ujeedada aanu nidaamka cadaaladda iyo maxkamadaha u samaynay keliya ma ahayn inaanu nimankaa dembigooda ku xaqiijino, balse waxaanu doonaynay shicibka Itoobiya oo intaas oo sannadood ku soo jiray cadaalad xumo iyo xaq-soor la’aan inay helaan cadaalad iyo inaanu ka soo baxno masuuliyaddii ay shicibka Itoobiya na saareen, isla markaana aanu dadweynaha reer Itoobiya u caleemo saaro hogaamiye ay iyagu doorteen, iyadoo uu fekerkayagu ahaa in marka aanu caleemo saarno maamul ay dadweynuhu doorteen aanu anagu dib ugu laabano hawlahayagii iyo inaanu ka qayb qaadano dhismaha dalka, hase yeeshee goorta ay doonto ha ahaatee in cidii dembi gasha maxkamad la soo taagi doono oo laga abaal-gudi doono wixii ay geysteen ayaanu is lahayn dadka xusuusiya. Tusaale ahaan waxa jirtay in la magacaabay guddi baadha dembiyada nimankaa, sidaa darteed maalin maalmaha ka mid ah ayaan guddigaa xafiiskooda ugu tegay oo aan hadal u jeediyey, waxaana kala hadlay sidii ay sharciga iyo cadaaladda wax walba u waafajin lahaayeen, sidoo kale guddigaasi markii ay masuuliyadda la wareegeen inta aanu u yeedhnay ayaanu gacanta ka saaray qoraalkii ay ku hawl-geli lahaayeen, isla markaana waxaanu qoddobada qoraalkaa ka sii daynay telefishinka iyo Raadyowga, anaga oo qoraalkaa ku sheegnay inaanu doonayno inay noqoto markii u horaysay ee ay cadaaladdu ka shaqayso Itoobiya dhexdeeda, markii aanu sidaa lahayna raggii joogay waxa ka mid ahaa Professor, Maasfin, Barakataa, Laama Guutamaa iyo qaar kale oo badan. Laakiin anaga oo waxaas oo dhan dejinay ayey maalin qudha arintani sida Qaansada noogu soo dhex-dhacday, balse waxaas oo dhan ninka ka dambeeyey waxa uu ahaa janaraal Amaane Andoon. Hase yeeshee janaraal Amaane markii aanu ka dhignay gudoomiyaha golaha Dhergiga ciidamadu may dooran , isla markaana xubin kama uu ahayn golaha dhergiga, waxayna ciidanka qaarkood nagu yidhaahdeen "Ma cid kale ayaad waydeen markaa Amaane ka dhigayseen gudoomiyaha", laakiin anagu waxaanu is lahayn arinta Ereteriya ayuu wax idinkala qaban doonaa, sidoo kale waxaanu is lahayn waa nin gaashaandhigga awoodiisa dhisayay.

Janaraal Amaane inuu ahaa nin leh tayo badan waa la wada ogyahay, sidoo kalena inuu ahaa nin damac leh oo kursiga ka hunguri qaba inuu ahaa waa la ogaa, sidaa darteed bilowgiiba wixii aanu isku khilaafnay waxa uu ahaa hunguriga caynkaas ah, aniga oo ku odhan jiray "Sidan iska daa", tusaale ahaan markii aanu damacnay ama aanu ka fekeraynay inaanu janaraal Gisaw ka dhigno taliyaha ciidanka dhulka wuu ka soo horjeestay, isaga oo yidhi "Janaraal Gisaw hadii uu noqday taliyaha ilaalada miyaanay intaasi ku filayn", taasina waxay ahayd dhacdo ay cid waliba ogtahay, laakiin janaraal Gisaw inuu ka aqoon sareeyo mooyee muu ahayn nin ka aqoon liita janaraal Amaane, isla markaana waxa uu ahaa nin karti leh oo hadalo cad-cad, sidoo kalena aan eexasho lahayn, dhinaca kalena waxa uu ahaa sarkaal dhisan, ta kale marka laga hadlayo wax qabadkiisa waxa uu ahaa ninkii wax soo baray ciidamada Itoobiya, tusaale ahaan anigu waxaan garanayaa anaga oo ku jirna kuliyadda ciidamada, wuxuuna ahaa ninkii soo diyaariyey buuggii aanu ka baranay habka iyo taatikada ciidamada...

La soco cadadka dambe.

Top


"Waxaan Rajaynayaa In Aan Mar Labaad Halkan Imaado, Si Aan Ugu Guulaysto Jaa’isadan Oo Kale" Ronaldo...

Gala (Real.com): Ciyaartoyga Ronaldo, ayaa ku guulaystay Jaa’isadda xiddignimada adduunka ee sannadkan 2002, taas oo ay bixiso Midowga Kubadda Cagta ee Adduunka (FIFA World Player of the year 2002).

Xidigan reer Brazil, waa markii saddexaad ee uu ku guulaysto (1996, 1997 iyo 2002) uuna ka guulaysto xidiga reer Portugal ee ay isku kooxda u wada ciyaaraan ee Luis Figo.

Xidigani, isagoo u mahadnaqaya saaxiibadiisa ay isku kooxda yihiin, waxa uu yidhi: "May noqoteen mid aan ku hawaysan karo la’aantood," waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi; "Waxaan rajaynayaa in aan mar labaad halkan imaado oo aan ku guulaysto tan oo kale."

Weeraryahankan reer Brazil, waxa uu muujiyay naxariisnimo, shir jaraa’id oo uu ku qabtay goobtii lagu gudoonsiiyay Jaa’isadan ee Gala, isagoo u mahadnaqay (Si aad iyo aad ah) dhammaan cidii ku gacanqabatay inuu halkan soo hawaysto ama soo gaadho. Ronaldo, waxa uu u sheegay saaxafadda arrin layaab ku noqday saxafiyiintii halkaa joogay, waxaanu yidhi: "Waxaan jecaylkiisa la dhacayaa oo aan sii jeclahay ciyaartoyga Zenadine Zidane, maalinba maalinta ka dambaysa."

Haddaba, shirkaa Jaraa’id iyo su’aalihii ay warbaahintu weydiisay waa kuwan:

-Inkastoo aanad xilli-ciyaareedkan 100% wada fayoobayn, Ma Rajaynaysay in aad ku guulaysatoJaa’isaddan oo kale?

-Ugu horeyntii Horyaalnimadii adduunka dabadeed, waxaan bilaabay in aan ka fekero waxa la yeeli karo. Marka aad qabato fullin hawleed heerkeeda ugu sareeya ee sida tartankan muhiimka ah oo kale, way fududahay in aad ku guulaysato jaa’isaddan oo kale, aad baanan ugu faraxsanahay in aan noqdo musharaxa jaa’isaddan.

- Waa maxay qiimayntaada sannadkan 2002?

- Waxa hubaal ah inuu ahaa sannad aad iyo aad u wanaagsan, waxaanan jecelahay in aan uga mahadnaqo magacaabistaydan dhammaan cidii ii suura-gelisay in aan ku guulaysto, sida; Inter Milan, Brazil iyo dabcan Real Madrid oo aan dareemay deganaansho ilaa iyo intii aan u soo wareegay caasimadda Isbaanishka ee Madrid, inkastoo markii hore igu adkaatay la qabsashada ciyaartoyda aanu isku kooxda nahay. Madrid, waa magaalo aad u cajiib, inkastoo socod gadiidka badan ee magaaladu imikaba isoo habsaamiyay 45 daqiiqadoo, waa idinka raali gelinayaa.

-Markii aad is-garab taagtay Oliver Kahn, sidee ayuu dareenkaagu noqday oo aad dareentay?

- Way fiicnayd ciyaartii kama-dambaysta ahayd ee koobkii adduunku, qofkastana xusuustiisa way ku jirtaa. Waxa keliya ee aan odhan karaa waa in aan anigu tan oo kale aan hore u soo maray, taas oo ahayd sannadkii 1998-kii oo aan la soo barbar istaagay Zidane.

-Ma u malaynaysaa in aad weligaa mar kale ku guulaysan doonto Jaa’isaddahan oo kale?

-Sannadkani waxa uu ahaa sannad adag, sharaf baanay ii tahay in aan halkan soo gaadho. Dhaawacyo ayaa isoo gaadhay. Sidoo kale, shaki iyo filanwaa ayaa ku jiray dib ugu soo noqoshadayda ciyaaraha. Hawlihii aan sannadkan oo dhan soo qabtay, ayaa imika abaalmarintooda aan ku helayaan jaa’isadahan aan ku guulaystay.

-Cadaalad ma tahay in aanu Roberto Carlos ka mid noqon musharixiinta Jaa’isaddan?

-Anigu ma ihi kii go’aaminayay cida ku guulaysanaysa. Ta keliya ee aan ogahay waa in Roberto Carlos uu run ahaan iigu farxayo guushaydan, ana aan ku farxi lahaa hadii uu isaga ahaan lahaa ka guulaystaa. Anigu waxaan isku dayay in shaqadayda u qabto sida ugu fiican ee aan u qaban karayo, waxaanan ku rajoweynahay inaan ku guulaysto qaar kale oo badan.

-Door Intee le’eg ayuu ka qaatay Tababare Scolari, xilli-ciyaareedkaagan wanaagsanaa ee sannadkan?

- Run ahaantii, wuu igu kalsoonaaday aniga oo weli soo gelin ciyaaraha, waxaanu ii sheegay inuu igu darayo xulka Brazil, muhiim baanay ii ahayd in aan ka qaybqaato dib ugu soo noqoshadaydii ciyaaraha, had iyo jeerna waan uga mahadcelinayaa kalsoonidaa uu i siiyay, cidkastana waan uga mahadnaqayaa, gaar ahaan tababarahan oo igu dhiirigeliyay in aan Brazil mar labaad u ciyaaro.

-Maxaad u malaynaysaa ka maqnaanshaha ay ciyaaryahanada Talyaanigu ka maqan yihiin Abaalmarinada Jaa’isaddan oo kale?

-Vieri waa xidiga Calcio (Tartan ciyaaraha kubadda cagta ee heerka koowaad ee Talyaaniga), waana ka ugu wanaagsan. Laakiin, fikrad ahaan waxaan qabaa oo odhan lahaa, halaga dhigo Abaalmarinada la bixiyo 5 kubadood oo dahab ah iyo shan abaalmarinood oo ah Xiddiga adduunka sannadka dambe, taasaana cid walba raali-gelin doonta. Abaalmarinada oo dhammi waa muhiim, cida ku guulaysataana way ku qancaysaa. Laakiin, waxba ma noqon kartid ciyaartoyda kooxdaada aad ka wada ciyaartaan (teammate) la’aantood, taasina waa hubaal.

-Kadib guushan adiga kuu gaarka ah, waa maxay rajada kooxdaada Real Madrid?

-Waanu ku hirdamaynaa tartamada oo dhan, Horyaalka Yurub (Champion League) iyo horyaalka Isbaanishka (Spanish Liga), labaduba waa hadafkayaga, waxaanan filayaa in aanu kari karno in aanu ku hannano labadaba.

-Ronaldo had iyo jeer, waxa uu ahaa nin u go’an bulshada, haddaba ma ka werwersan tahay cunufkan sii kordhaya ee ciyaaraha?

-Nasiibxumo, waxa ka dhaca garoonada kubadda cagtu waa wax aad u xun oo naxdin leh, waana wax dhaawacaya ciyaaraha. Kubaddu cagtu, waa shay aad u qurux badan, waana in aad garoonka u tagtid in aad ku raaxaysato daawashadeeda oo keliya.

-Marka aynu ka tagno cunufka garoomada, waxa jira dhibaato xun oo kale oo ka jira ciyaaraha kubadda cagta dhexdooda, taas oo ah dawooyin qaadasho ciyaatoyga ah, taa maxaad ka odhanaysaa?

-Ciyaartoy ahaan, anagu waanu ka takhalusnay arrimahaas oo kale, laakiin way jiraan ciyaartoyda qaarkood oo khiyaamo noocaas oo kale ah la yimaada. Illaahay mahadi ha ka gaadhee, dadka aniga ila jiraa weligay igulamay talin ee si wanaagsan ayay ii daryeelaan.

-Saddexdii kooxood (Brazil, Inter iyo Real) ee aad xilli-ciyaareedkan u ciyaaraysay, keebaa qaybta ugu weyn ka qaatay in aad xiligan ku guulaysato Abaalmarinaddan aad ku guulaysatay?

-Ma odhan karo ama xaddidi karo mid u gaar ah, ee dhammaantood way ka wada qaybqaateen. Laakiin imika kooxda keliya ee lagu tirinayaa waa Real Madrid, waxaanan rajaynayaa wakhti badan oo ii hadhay aan la sii qaadan doono.

-Sidee ayaad dareemaysaa kadib markii aad ka barbar ciyaartay Zidane?

-Run ahaantii, maalinba maalinta ka dambaysa ayaanu si wanaagsan isku sii barnaynaa. Had iyo jeerna marka aanu tababarka qaadanayno waxaanu samaynaa waxyaabo badan oo aan noo suuro-gelin in aanu samayno marka dambe ee aanu ciyaarta galno, laakiin wakhti wanaagsan ayaanu wada qaadanaa. Waxaan filayaa in aan jacaylkiisa la soo dhacayo (Qosol yar ayuu raaciyay).

-Ugu dambeyn yaad uga Mahadcelinaysaa Abaalmarinta FIFA ee xidigga adduunka ee aad heshay?

-Dad badan ayaan uga mahadcelinayaa, ma doonayo in aan cid iloobo, laakiin waxaan si gaar ah ugu mahadnaqo kooxdii dhakhaatiirta ahayd ee aadka iila shaqaynaysay labadii sannadood ee ina dhaafay, mana doonayo in aan iloobo reerkayagii, saaxiibaday, warbaahinta iyo cidkasta oo kaleba.

Top