Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 229 December 22, 2002

G/Guurtida Oo Hambalyeeyay Doorashooyinkii Dalka Ka Dhacay

"Waxaa Jira Ku Shubasho Xad-Dhaaf Ah Oo Ka Dhacday..."

Ururka ASAD Oo Daaha Ka Rogay Mad-Madow Iyo Dhaliillo Ku Saabsan Maamulkii Doorashada

"Waxaanu Halkan U Joogi Doonaa Inaanu Jebino Argagixisada"

6 Askari Oo Ku Dhintay Diyaarad Ku Bur-Burtay Afqaanistaan

Shir-Madaxeed Dalalka Khaliijka Uga Furmay Qatar

"15-Ka Diisembar Waxay Taariikhda Somaliland Ka Gashay Baal Dahab Ah"

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Sool Ma C/laahi Yuusuf Baa Looga Tagay

Ciidnaye Ma Ciideen

Halkay Wax Iska Dhaafeen Doorashada

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

Baxaa-Deggii Jacaylka: Billan Iyo Baxnaan

Waadiga Ciyaaraha

FIFA Oo Soo Saartay Sida Ay U Kala Horeeyaan Kooxaha Qaramada Adduunku

ARSENAL Oo Sii Adkaysatay Hoggaaminteedii Kooxaha


G/Guurtida Oo Hambalyeeyay Doorashooyinkii Dalka Ka Dhacay

Hargeysa (Haatuf) Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa ku hambalyeeyay ururada siyaasada, dadweynaha iyo Ciidamada qalabka sida ee Somaliland sidi xasiloonida lahayd ee ay dalka uga dhacday doorashooyinkii dawladaha hoose ee dalka ka dhacay 15kii bishan diisembar. Qoraalkan hambalyada ah oo uu na soo gaadhay oo uu ku saxeexanyahay Gudoomiyaha Golaha Guurtida sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar waxa uu u qornaa sidan: -

"Shir-gudoonka Golaha Guurtida, xubnaha Golaha Guurtida iyo shaqaalaha Guurtidu waxay u hambalyaynayaan Ururada siyaasiga, dadweynaha iyo Ciidamada Jamhuuriyada Somaliland sidii nabadgelyada ahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii codbixinta ee doorashooyinkii deegaanka ee ka dhacay JSL 15/12/02.

Waxa aanu leenahay hambalyo, Ilaahay waxaan ka rajaynayaa in uu xaqa ina waafajiyo."

Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar
Gudoomiyaha Golaha Guurtida 

Qoraal kaa la mid ah waxa na soo gaadhsiiyay Wasiirka caafimaadka Dr: Xasan Ismaaciil Yuusuf waxaanu u qornaa sidan:-

"Wasiirka Wasaaradda caafimaadka iyo Shaqada Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo ka dhammaan shaqaalaha Wasaaradda caafimaadka iyo shaqada, waxa uu hambalyo u jeedinayaa gudiga doorashooyinka Qaranka, sidii xalaasha iyo dimuqraadiga ahayd ee ay jawi nabadgelyo ah ku dhacday doorashooyinkii deegaamada Somaliland 15/12/02"

Dr. Hassan Ismail Yusuf
Wasiirka Wasaaradda caafimaadka iyo shaqada

Top


"Waxaa Jira Ku Shubasho Xad-Dhaaf Ah Oo Ka Dhacday..."- Dr. Maxamed Cabdi Gaboose - Gudoomiyaha SAHAN

Hargeysa (Haatuf): Urur-siyaasadeedka SAHAN oo ka mid ah lixda urur ee ka qayb galay tartankii doorashooyinka golayaashaa degaanka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inaanu ku qanci doonin natiijada cod-bixintii doorashooyinkii dawladaha hoose ee dalka ka dhacay 15-kii bishan aynu ku jiro ee Diisambar, iyadoo ay hogaamiyayaasha SAHAN sheegay inay dhacday ku shubasho iyo maamul-xumo la xidiidha hawshii doorashada.

Qoraal saxaafadda loogu talo galay oo uu ku saxeexan yahay gudoomiyaha ururka SAHAN, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayey madaxda ururka SAHAN ku faah-faahiyeen sababaha ay uga aamin baxeen natiijada doorashada, wuxuuna qoraalkani ka soo baxay kulan ay yeesheen guddiga fulinta ururka SAHAN, qoraalkaasina isaga oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan:
"Kulan ay yeesheen guddiga fulinta ee ururka SAHAN 21/12/2002 waxay ku fallan-qeeyeen habka loo maamulay arimaha doorashooyinka dawladaha hoose.

Hadaba guddigu, iyaga oo ka duulaya macluumaad badan oo ay heleen waxay isla garteen sidan:

1 Inay jiraan ku shubasho xad-dhaaf ah oo ka dhacay degaamada qaarkood, iyadoo codadka ka soo hoyday goobahaa ay aad uga badan yihiin dadweynihii caadi ahaan uga codayn kari lahaa.
2 In si aan haboonayn loo maamulay qaabkii tirinta codadka, iyadoo ay ahayd in natiijada doorashada la dedejiyo ayey qaadatay muddo dheer, taas oo mugdi gelisay kalsoonidii lagu qabi lahaa natiijada doorashada.
Sidaa darteed ururka SAHAN waxa uu u arkaa inay doorashooyinkii dalka ka dhacay leeyihiin mad-madow fara badan oo hareereeyey habsami u socodkii doorashada, taas darteedna ururka SAHAN aanu ku qanci karin natiijada doorashada ee noocan kale ah"ayey qoraalkooda ku soo xidheen.

Top


Ururka ASAD Oo Daaha Ka Rogay Mad-Madow Iyo Dhaliillo Ku Saabsan Maamulkii Doorashada

"Marka Ay Dhacdo In Nalaga Qancin Waayo Waxa Aanu Ka Cabanayno Ayaanu Tashan Doonaa"

Maxamed Kaahin Axmed 

Hargeysa (Haatuf): Urur-siyaasadeedka ASAD oo ka mid ah lixda urur ee ka qayb galay doorashooyinkii golayaasha degaanka Somaliland ayaa markii ugu horaysay si ba’an u dhaliilay guddiyadii doorashooyinka iyo qaabkii ay u maamuleen hawshii cod-bixinta doorashooyinkii dalka ka dhacday 15-ki bishan aynu ku jirno ee Diisambar, isla markaana waxa uu ururka ASAD farta ku fiiqay dhaliilo iyo ceebo ay sheegeen inay ka muuqdeen hawshii cod-bixinta, iyaga oo sheegay inay dhaceen waxyaalo sharciga baal-marsani. 

Shri-jaraa’id oo ay hogaamiyayaasha ururka ASAD xalay ku qabteen magaalada Hargeysa waxa kale oo ay ku soo bandhigeen cabashooyin dhinacyo badan leh, waxayna ugu horayn madashii shir-jaraa’id ka akhriyeen qoraal ay ku faah-faahinayaan dhaliilaha jira iyo arimaha ay ka cabanayaan, isla markaana waxay cadeeyeen mawqifkooda ku wajahan doorashada iyo sida ay u arkaan nidaamkii ay cod-bixintu u dhacday. 

Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ah siyaasiyiinta miisaanka leh ee ururka ASAD ayaa shirkaa jaraa’id af-hayeen u ahaa ururka ASAD, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay "ASAD ahaan waxaanu ka war-bixinaynaa sida aanu u aragno doorashadii dhacday, laakiin marka ugu horaysa waxaanu aad iyo aad u hambalyeynaynaa dadweynahay reer Somaliland sidii wanaagsanayd ee ay uga qayb galeen doorashada, taas oo ay dadweynuhu aad isugu xilqaameen ilaalinta nidaamka iyo nabadgelyada, ta kale waxaanu aaminsanahay diyaarna u nahay nidaamka tartanka ku dhisan doorahooyinka dimoqraadiga ah oo uu salkoodu yahay doorasho xor ah oo xalaal ah, sidoo kale waxaanu u hogaansanahay tartanka ku soo bixidiisa iyo ka hadhidiisa markuu yahay mid ku dhisan nidaam xalaal ah, hase yeeshee waxaanu aad iyo aad u dhaliilaynaa qaabkii ay guddiyadii doorashooyinku wax u maamuleen, waxaana doorashooyinkii ka soo baxay dhaliilo aan ahayn maamul-xumo ee sharci jebin ah", laakiin af-hayeenka ASAD u hadlay, Maxamed Kaahin isaga oo tilmaamaya dhaliilahaa wuxuu yidhi " Sida uu dhigayo xeerka doorashadu, qoddobada 51aad & 52aad marka cod-bixintu dhamaato waa in isla goobta lagu tiriyo waraaqaha cod-bixinta, ka dibna ay halkaa natiijada ku wada saxeexaan wakiilada ururada iyo gudoomiyaha goobta cod-bixintu, laakiin Burco waxa ka dhacday inaan sanaaduuqdii waraaqaha cod-bixinta lagu tirin goobihii cod-bixinta, ta labaad goobtii la isugu keenay sanaaduuqda waxa gudoomiyayaashii goobta cod-bixinta iyo muraaqibiintii ururada lagala wareegay oo ay la wareegeen guddigii doorashada gobolku, iyadoo aan la kala tirsan, balse guddiyada doorashooyinka sharcigu awood uma siin, loomana igman inay sanaaduuqda la wareegaan iyadoo aan la tiring, taasna waxaanu u aragnaa inay ahayd wax is-dhaaf-dhaafin iyo sharci jebin rasmi ah, sidaa darteed urur ahaan arintaa waanu dedefaynaynaa, mana aaminsanin inay si xalaal ah u dhacday, anaga oo cadaynayna inay sidaa wax u dhaceen, wayna naga hadhan tahay hadii sanduuq qudha goobtiisii lagu soo tiriyey, arintaasina waa masuuliyad daro sharci jebin ah oo ay sameeyeen guddigii doorashooyinka Togdheer. Sidoo kale Berbera waxa ka dhacday oo ay ururo kalena cadeeyeen in sanaaduuqdii cod-bixinta, waraaqihii cod-bixinta iyo agabkii kale ee doorashada loo dhiibay masuul ka tirsan mid ka mid ah ururada tartamaya, iyadoo uu xeerka doorashadu qorayo inay agabka doorashada ka masuul yihiin guddiyada doorashooyinka ee heer degmo, gobol iyo qaran, sidaa darteed maadaama sanaaduuqdii, waraaqihii iyo agabkii doorashada loo dhiibay urur ka mid ah ururada tartamaya, waxaanu taana u aragnaa inaanay dhex-dhexaadnimada guddiyada doorashooyinku ahayn wax sugan oo la aamini karo, balse sanaaduuqda Berbera oo dhan ma wada dedefaynayno, laakiin waxaanu dedefaynaynaa sanaaduuqdaa gaarka ah oo aanu oo hadda lambaradoodii ka xusuusnahay sanduuqa lambarkiisu yahay 416, kuwaas oo aanu u aragnaa inaanay codadkoodu xalaal ahayn, mana aqoonsanin. Waxa kale oo aanu cadaynaynaa inay dhacday rag masuuliyiin heer goobeed iyo heer degmo ah oo goobaha cod-bixinta ah, kuwaas oo hadana ahaa masuuliyiin ururada tartamaya ka mid ah, taasna waxaanu u aragnaa in goobahaa ay dhex-dhexaadnimadii ka maqan tahay, sidaa darteedna ay khasab tahay wax is dhaaf-dhaafini inay jirto. Sidoo kale waxa ka mid ah waxyaalo aanu ka cabanayno ee aanu kaga walaacsanahay natiijada in degmo ka mid ah degmooyinkii ay doorashooyinku ka dhacayeen dhammaantood loo diiday muraaqibiintii ururka ASAD inay fadhiistaan goobihii cod-bixinta, waxaana u diiday guddigii doorashada ee degmadaa, arintaana isla maalintaa ayaanu gaadhsiinay guddiga doorashada Qaranka, sidaa darteed ma qirsanin natiijadii degmadaa ka soo baxday dhinacayaga, waanuna dedefaynaynaa, waayo goob-joog kamaanu ahayn sidii uu codkaasi u dhacay. Waxa kale oo aanu haynaa sanaaduuq badan oo ay qaarkood ku jiraan warqado isku wada lambar ahi, sidoo kale waxa la hayaa sanaaduuq ay tiradii waraaqaha ee ay guddiga doorashooyinku u dirtay iyo tiradii laga helay is-khilaafsan yihiin, dacwadahaas iyo qaar kale oo la mid ah hadii ay soo baxeen sida xeerka doorashada iyo weliba xeerkii anshaxa ee ay ururada siyaasadda iyo guddiga doorashooyinku isla saxeexeen waxay ahayd in la iska qanciyo.

Hadaba way jiraan dhaliilo jira oo aanu hadana garaysan karaynaa, laakiin mugdiyadaa iyo cabashooyinkaa sharci-jebinta ah ee soo baxay ilaa hadda guddiga doorashooyinka kama ay suurtagelin inay naga qanciyaan ama jawaab naga siiyaan, iyadoo aanu ku nidhi inta aanay natiijadu soo bixin waa inaanu dacwadahaa jawaab ka helo, laakiin ilaa hadda wax jawaab ah kamaanu helin guddiga doorashooyinka"ayuu Maxamed Kaahin, af-hayeenka ururka ASAD u hadlay hordhicii hadalkiisa ku soo xidhay, laakiin weriyayaashii shirkaa jaraa’id ka soo qayb galay ayaa su’aalo ka waydiiyey mawduucaa uu ka hadlay iyo arimo kale oo la xidhiidha doorashada iyo mawqifka uu ururka ASAD iska taagi doono natiijada doorashada, waxayna su’aalahaa iyo jawaabahoodu u dhaceen sidan:

S: Guddiga doorashadu ma waxay idin leeyihiin natiijada ka dib ayaanu jawaabta idin siinaynaa?

J: Nama ay odhan natiijada ka dib ayaanu jawaab idin siinaynaa, laakiin maadaama ay lix cisho ka dambaysay maalintii ay doorashadu dhacday, waxaanu doonaynay inaan la isku cuna-duubin waxyaalaha laga cabanayo iyo natiijada oo natiijadu inta aanay sooo bixin laga hadlo waxyaalaha cabashada ah oo la iska qanciyo.

S: Ma la odhan karaa hadalka waxa idinka keenay waxaad aragteen inaydaan soo baxayn?

J: Maya, maya runtii maya, waayo ma jirto meel ay noogu qoran tahay inaanu kaalinta koowaad iyo inaanu kaalinta lixaad galno mid-na, laakiin anagu waxaanu ka hadlaynaa xeerkii doorashooyinka loo sameeyey oo jabay, balse codkii aanu helay hadii uu yar yahay iyo hadii uu badan yahay waanu ku qanacsanahay.

S: Masalan degmada laga soo eryey muraaqibiintiinii miyaanay guddiga doorashooyinku ilaa hadda wax jawaab ah idinka siin?

J: Maya ilaa hadda wax jawaab ah nagama ay siinin.

S: Meelaha qaarkood tirooyinka dadka codka bixiyey ee laga soo sheegay waxay dadka qaarkood u arkaan wax aan macquul ahayn, taas oo kale sidee baad idinku u aragtaan?

J: Anigu hadda odhan maayo goob hebla iyo goob hebla, laakiin waxaanu u aragnaa inaan meelo fara badan si caadiya loo maamulin marka loo eego tirooyinka qayral-caadiga ah ee laga soo sheegay, balse taa qiimaynteedu waxay u taal bulshada reer Somaliland.

S: Miyey jiraan degmooyin aad keligiin ka soo baxdeen oo aad guddiga doorashada ku muransan tihiin sida loo qiimaynayo?

J: Taasi ASAD oo qudha gaar uma aha ee degmada Badhani waxay gaar u tahay ASAD, degmada Dhaharina waxay gaar u tahay ururka UCID, degmada Xudun-na waxay gaar u tahay ururka HORMOOD, markaa ma jirto cid isku haysataa, laakiin ilaa hadda waxaan cadayn qiimaynta meelahaa ma guddigii diiwaangelinta ururada ayaa qiimaynaya oo dib loogu noqonayaa, mise guddiga doorashooyinka ayaa qiimaynaya, sidee loo qiimaynayaa codadka ay degmooyinkaasi yeelanayaan ayaam cadayn, anaguna sida sharcigu dhigayo ayaanu ka taaganahay.

S: Waxa la leeyahay guddiga doorashooyinku waxay idinku yidhaahdeen degmooyinkaa aan la idinkula tartamin kuraasta ayuun baad leedihiin, laakiin wax codad ah yeelan mayso, taasi ma jirtaa?

J: Xeerka doorashooyinku waxa uu dhigayaa inay ururadu ku soo bixi karaan marka ay gobolada ka helaan 20%, hadii ay gaadhi waayaana waa sida ay codadka ugu kala sareeyaan, markaa anagu waxaanu u fadhinaa kuraasta aanu qaadanaynaa cod ayey ku xalaaloobeen, taasna guddigu waxay ku dedefaynayaan iyaga ayey jirtaa.

S:Hadii arimaha aad ka cabanaysaan aad ka waydaan jawaab idin qancisa, ma waxaad leedihiin aqoonsan mayno natiijada doorashada?

J: Horta distooriyan iyo sharciyan ayaanu xaq u leenahay in arimahaa aanu ka cabanay aanu jawaab ka helno, shardina ma aha inay jawaabuhu na wada raali geliyaan, laakiin wixii aanu is leenahay xaq baad u leedihiin xaq baanu u leenahay in nalagu qanciyo, balse hadii nalaga qancin-waayo oo sharciga ay iska indho tiraan, dabcan marka ay taasi timaado ayaanu ka tashanaynaa oo aanu wixii ku haboon ka odhanaynaa.

S: Hadii aad soo bixi waydaan maxaad yeelaysaan?

J: Anagu runtii mar walba waxaanu doonaynaa inaanu mawqif wanaagsan iska taagno arinta natiijooyinka, laakiin iminka waxa aanu iminka ka hadlaynaa wax aanu leenahay waxay gef ku tahay nidaamkii doorashada, laakiin arintaasi anaga ma aha kaar nagu weyn oo nasiibkayaga ayaanu ku qanacsanahay, waxaanuna la mid nahay ururada kale ee soo bixi waayey.

S: Dad baa cabsi idinka qaba oo leh waar tolow nimankii ASAD hadii ay soo bixi waayaan maxay yeelayaan ama mawqif noocee ah ayey qaadan doonaan, taa maxaad ka odhanaysaa?

J: Dadku waa kala jaad, laakiin dadka ASAD foobiyada (Didmada) ka qaba ama ASAD ahaan isaga neceb ama shakhsiyaad ASAD ka mid ah neceb ama muddo dheer lagula dagaalamayey hanti qarankani lahaa shakhsiyaad ASAD ka mid ah, kuwaa uu nacaybku kashooda iskaga jiro waxba odhan maayo, balse bulsho-weyntu reer Somaliland cuqdad nagama qabto, anaguna kama qabno, siyaasadana waa lagu tartamaa, ta kale cimriga siyaasaddana food maalin dhacay laguma qiyaaso, sidaa darteed ruuxayaga iyo dareenkagayaga siyaasiga ahi wuu sii jirayaa.

Top


"Waxaanu Halkan U Joogi Doonaa Inaanu Jebino Argagixisada" - General John Sattler - Taliyaha Ciidamada Maraykanka U Jooga G/Afrika

Taliyaha Ciidamada Gaarka ah ee Maraykanka u Jooga Geeska Afrika janaraal: John Sattler

Ciidamada gaarka ah ee Maraykanka u jooga Geeska Afrika saldhigooduna yahay Djibouti ayaa adeegsanaya qalabka casri ah si aay ula dagaalamaan Argagixisada, sidaa waxaa dhawaan u sheegay jariidada Mount Whitney- taliyaha Maraykanka u qaabilsan ciidamadaas Janaral John Sattler ciidamadaas oo ay tiradoodu dhantahay maca shaqaalaha caawinaya 1300 oo hagaaminaya dagaalka uu Maraykanku kula jiro Argagixisada qabybtiisa Geeska Africa.

Janaraal John Sattler oo ka hadlayay hawlgalka ciidamada Maraykanka ee Geeska Africa ayaa yidhi "waxaanu halkan u joogi doonaa inaanu laayno, qabano, oo aanu jabino Argagixisada, hadii ay aroor naga gabadaan ama habeen waxaanu xaqiijin doonaa in aanu hor keeno cadaalada." 

Ciidamadan Maraykanka ee uu taliyaha u yahay Janaraal John waxay ka tirsan yihiin qaybta laabaad ee ciidamada bada ee Maraykanka waxaanay hawshooda dagaalka Argagixisada ay khusaysaa dalalka Djibouti, Ethiopia, Eratariya, Yemen, Suudaan, Somaliya oo ay ciidamadaasi ka hawlgali doonaan hadii ay la gasho hawshooda la dagaalanka Argagixisada.

400 oo shaqaale ciidamadan tageeraya ayaa sirdoonka dhaq-dhaqaaqa Argagixisada u adeegsanaaya qalab casriya oo ay kula socdaan, sida uu janaraal John sheegayna waxaay adeegsanayaan sirdoonayaal dad ah iyo sirdoonka satalaytka sagal boqol oo ka ciidamada maraykanka ee jooga Djibouti ayaa ku sugan saldhiga Lemonier ee Djibouti. 

Geeska Afrika wuxuu soo galay diirada dagaalka lagula jiro Argagixisada dhawaan 28 November ee sanadkan markii 16 qof ay ku dhinteen weerar isbiimayna oo lagu qaaday hudheel ay Isaa’iiliyiintu ku leeyihiin magaalada xeebta ah ee Mombasa ee dalka Kiiniya.

Janaraal John ayaa xusay ciidamada Maraykanka ee jooga Geeska Afrika ay is kaashi la yeelan doonaan dawladaha wadamada Geeska Afrika iyo in hawl-galkani ciidamada Maraykanka ee Geeska Afrika waa mid lagula dagaalamaayo in laga hortago in Argagixisadu ay degaanada Geeska Afrika ay ka horjoogsadaan in ay howlagalow Agaasimeen oo ay babiyaan hadii ay hawl-galo isku dayaan in ka fuliyaan ama ka agaasimaan Geeska Afrika.

Top


6 Askari Oo Ku Dhintay Diyaarad Ku Bur-Burtay Afqaanistaan

Kabul (W.Wararka) 6 askari oo ka tirsan ciidamada nabadilaalinta u jooga Afgaanistaan ayaa dhitay kadib markii ay bur-burtay diyaarad laga leedahay dalka Jarmalka oo hawl-gal ka waday Afgaanistaan.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa Helikabtar ilaa iyo hada ma cada sababta keentay burburkeeda balse wararka qaar ayaa sheegaya in lala helay gantaal lagaga soo riday goobta ay hawl galka ka waday, waxa kale oo aan sugnayn dalalka ay u kala dhasheen 6da askari ee ku dhintay shilkaasi diyaaradeed.

Wararka kale ee ka imanaya Afgaanistaan ayaa sheegaya in saddex askari oo Maraykan ahi ay geeriyoodeen kadib markii ay iska horimaadyo maalmihii Jimcihii iyo Sabtidii ka dhaceen bariga dalkasi, ku waasoo dhexmaray ciidamo ka tirsan xulafada uu Maraykanku hor kacayo ee ku sugan Afgaanistaan iyo oogay ka tirsan Daalibaan ama Al-Qaacida. Waxa kale oo ku dhaawacmay tiro askar ah oo aanay cadayn tiradoodu inta ay dhantahay.

Sida lagu sheegay tiro-koob la sameeyey ilaa 51 askari oo maraykan ah ayaa lagu dilay Afgaanistaan taniyo markii uu maraykanku bilaabay hawl-galka uu ka wado dalkaasi bishii November ee sanadkii tegay.

Dagaalkaasi oo uu Maraykanku ugu yeedho la dagaalanka Argagixisada.

Top


Shir-Madaxeed Dalalka Khaliijka Uga Furmay Qatar

Dooxa (W.Wararka):- Shir madaxeed ay ku kulmeen Madaxda dalalka khaliijka ee xubnaha ah golaha iskaashiga khaliijka ayaa maalintii shalay ka furmay caasimada dalka Qadar ee Dooxa, shirmadaxeedkan oo ah kii 23aad ee ay ku kulmaan Madaxda dalalkaasi oo sanadkiiba mar la qabto waxa ay mudada uu socdo kaga wadahadlidoonaan arimo dhawr ah oo khuseeya dalalkaasi, sida sii xoojinta xidhiidhka ka dhaxeeya iyo midaynta qaabka canshuuraha iyo lacagta waxa kale oo ay kusoo qaadi doonaan shirmadaxeedka oo dan arimo khuseeya guudahaanba dalalka carabta gaar ahaanna xaalada bariga-dhexe ee u dhaxaysa israa’iil iyo falastiin iyo xiisada ka taagaan dalka ciraaq ee ku saabsan hubka ka dhigista dalkaasi.

Shirkan oo uu furay Amiirka dalka Qadar Sh. Xamad Binu Khaliifa Al-saani waxa aan kasoo qayb galin inta badan Madaxda dalalka khaliijka marka laga reebo amiirka qadar oo marti loo yahay iyo suldaanka dalka Cumaan ka taliya Suldaan Qaabuus Binu Saciid iyadoo aanay cadayn sababta ay dalalka kale oo ah Sucuudiga, Kuweyt, Baxrayn iyo Imaaraadka Carabta madxduudu uga maqnaadeen shirka iyagoo ka qayb-galka shirka usoo wakiishay madax kale.

Khudbad uu furitaankii shirka ka jeediyey Sh. Xamad waxa uu tilmaamay inay ay haatan mandiqadasi ka taagantahay xaalad adag oo u baahan in la mideeyo awooda si looga hortago xaaladaasi iyo in laga yeesho siyaasad midaysan.

Waxa kale oo uu tilmaamay sida loogu baahanyahay in dalalka khaliijka ay xoojiyaan iskaashiga milatari ee ka dhexeeya.

Top


"15-Ka Diisembar Waxay Taariikhda Somaliland Ka Gashay Baal Dahab Ah"

Ururka Somaliland Forum ayaa na soo gaadhsiiyay qoraal ay Shacbiga Somaliland ugu hambalyaynayaan sidii ay uga qayb qaateen doorashooyinkii dalka ka dhacay 15kii, Diisembar, oo ay ku tilmaameen inay taariikhda Somaliland ka gashay baal dahab ah. Qoraalknka Somaliland forum oo dhamaystirana wuxuu u qornaa sidan:-"Waxaad naga gudoontaan salaanta Islaamka. Anagoo ku hadlayna magaca ururka Somaliland Forum ee ay ku bahoobeen qurbo jooga reer Somaliland, waxaanu halkan idiinka soo jeedinaynaa amaan balaadhan, hadaad tihiin shacab weynaha reer Somaliland ee ku sugan waddankii, sida quruxda badan ee aad uga qayb qaadateen cod bixintii doorashooyinka dowladaha hoose ee Somaliland, maalintii Axada ee bisha Diisambar 15 keedii 2002. Walaalayaal, shalay ayay ahayd maalintii aad u xaqiijiseen adduun weynaha horumarka siyaasadeed ee ay gaadhay Somaliland, ee aad sida kalsoonida buuxda ugu codayseen dastuurkii, maantana waxaad muujiseen inay Somaliland tahay qaran suurto geliyay inay doorashooyin xor ihi ka dhacaan, taas oo tusaale u noqon doonta Afrika oo dhan. 

Diisambar 15keedu waxay ka gashay taariikhda Somaliland baal dahab ah. Muwaadin walba oo reer Somaliland ahi waxa uu manta xaq u helay in markii ugu horeysay muddo 34 sanadood ah uu si xor ah codkiisa u dhiibto, una codeeyo xisbiga uu ku qanacsan yahay innuu ka turjumayo himiladiisa. Waxa aynu marwalba isku ognahay inaad halkaa ka sii wadan horumarka wadanka idinka oo mar walba ahmiyada kowaad siinaya sidii loo sii kobcin lahaa nabad galyada, korna loogu qaadi lahaa habka dimoqraadiga ah ee ka jira Somaliland. Waad naga farxiseen, Walaalayaal, ee idinkana Ilaahay haydinka farxiyo, hana idinka abaalmariyo sida quruxda badan leh ee aad ugu codeyseen Doorashooyinkii. Hore ayaa loo xaqiijiyay in wadan waliba uu horumar ku gaadho dedaalka iyo waxtarka shacbigiisa, idinkuna hadaad tihiin shacab weynaha reer Somaliland ee wadankii ku dhaqan waxaad muujiseen dedaal aan Ilaahay mooyee cid kale garab idinku siin.

Waxa kale oo aanu mahad ballaadhan u soo jeedinaynaa gudida Doorashooyinka sida xilkasnimada leh ee ay isaga xil saareen hawshan culus ee loo igmaday. 

Sidoo kale waxaanu hambalyo u soo jeedinaynaa Dawlada Somaaliland, Golaha Guurtida iyo Baarlamaanka Somaliland oo xil gaar ah iska saaray sidii doorashooyinku u qabsoomi lahaayeen. Mahad iyo amaan kale waxaanu u soo jeedinaynaa dhamaan qaybaha kala duwan ee ciidanka amniga Somaliland oo si waayeelnimo ah u sugay nabadii. Waxa sidoo kalee halkan ka tahniyadaynaynaa Xisbiyadda Siyaasadeed iyo sida ay Nabadda u ilaaliyeen ugana qayb qaateen Doorashooyinka. Waxaanu u soo jeedinaynaa xusbiyada ku tartamaya doorashooyinkan inay ku qancaan maxsuulka doorashooyinkan oo ay ixtiraamaan sharciga iyo doonista shacab weynaha. Waxaanu ku boorinaynaa xu sbiga laga guulaysto inuu ku bogaadiyo xusbiga guulaysta isna uu isu sii diyaariyo sidii uu ugala shaqayn lahaa dhismaha iyo horumarinta dalka.

Ilaahay baa mahad leh,
Ururka Somaliland Forum

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA

Nidaamka Uu Ajaanibku Dalka Ku Soo Gali Karo Ama Ku Joogi Karo

C/Raxmaan Siciid Maxamed Hargeysa

Dadka shisheeyaha ihi waxay dalka soo gali karaan marka la siiyo fiiso (entry clearance) aan ka badnayn saddex bilood hase yeeshee, fiisada saddexda bilood ah waxa xaq u leh dadka ajaanibka ah ee doonaya inay dalka ku yimaadaan ujeedooyin la xidhiidha socdaal ganacsi ama safar dalxiis.

Dhinaca kale, fiisada la siiyo safarada dalxiiska ama socotada Ganacsigu waxay leedahay nidaamo lagu dhaqmo oo khuseeya dhinaca farsamda maamulidda suuragal ka dhigaya, inuu qofku helo ama loo diido, fiisada dalxiiska ama Ganacsiga waxa laga dalban karaa xafiisyada wakiilada Somaliland ee Caalamka. Hase yeeshee, wakhtigan waxa haboon inay shirkadaha diyaaraduhu ay laanta Socdaalka uga masuul noqdaan sidii dadka shisheeyaha ah ee doonaya inay dalka ku yimaadaan Ujeedo dalxiis ama ganacsi u heli lahaayeen fiiso saddex bilood ah.

Sidoo kale, fiisada dalxiiska iyo Ganacsiga waxa lagu dalbadaa xaashida codsiga (application form) oo leh qaab waafaqsan heer Caalamka (international standard) oo laga heli kara macluumaad muhiim ah.

Habka ay shirkadaha diyaaraduhu ay fiisada ugu soo qaadayaan dadka shisheeyaha ah waxa dhinac yaal nidaam ku saabsan farsamda maamulidda ee ay laanta socdaalku ku hawlgalayso, waxaana ka mid ah

  1. In marka baasaaboorka, xaashida codsiga, laba sawir, iyo lacagta fiidu ay soo gaadhaan xafiiska laanta Socdaalka inuu qofku 24 saacadood gudahood fiisada ku helo loo diido.

  2. In baasaaboorka qofka fiisada la siiyay lagu muujiyo lambarka fiisada, taariikhda ay soo baxday, taariikhda ay dhacayso, tigidhka lacagta (stamp duty), shaabada rasmiga ah iyo saxeexa masuulka laanta Socdaalka.

  3. In diiwaanka laanta Socdaalka lagu muujiyo arrimaha kala ah magaca qofka, lambarka baasaaboorka, lambarka fiisada, jinsiyada, taariikhda fiisaha la bixiyay, iyo ujeedada Socdaalka.

  4. In dhammaan macluumaadka lagu qoray diiwaanka laanta Socdaalka ee ku saabsan qofka iyo fiisada la siiyay la galiyo shabakadda kombuuyuutarka ee madaarada iyo dakadaha dalka oo dhan

Hase yeeshee nidaamka ajaanibku dalka ku iman karaan kuma koobna fiisaha dalxiiska iyo Socdaalka ganacsi oo kaliya. Dadka shisheeyaha ihi waxay dalka joogi karaan, isla markaana ay ka dhex shaqaysan karaan marka la siiyo ciqaamad (Residence card) iyo kaadhka shaqada (work permit) oo labadii sanadoodba mar la cusboonaysiiyo. Sidaa awgeed, waxa lagu dhaqmaa nidaam iyo qawaaniin ay laanta socdaalku ku fuliso hawsha khusaysa bixinta ciqaamadaha iyo ajaanibka, waxayna kala yihiin.

  1. In qofka ajaanibka ah ee doonaya in la siiyo ciqaamad laga rabo in uu haysto nin muwaadin ah oo ka masuul ah ama kafiil (sponsor) u noqda ama shirkad shaqaalaysa ama inuu yahay shaqaale (employee) ka hawlgala hay’ad dawladeed ama inuu ka shaqaalaysan yahay hay’adaha shisheeye.

  2. In qofka ajanabiga ah ee doonaya in la siiyo ciqaamad uu buuxiya xaashida codsiga oo qaabkeedu uu waafaqsan yahay heerka Caalamka

  3. In ciqaamadaha ajaanibku ay noqdaan kaadh kombuyuutar oo jiritaankiisu ku kooban yahay labada sanadood ee qofka loo ogolaaday inuu dalka joogo,

  4. In la sameeyo farsamo suuragal ka dhigaysa in marka lambarka kaadhka ciqaamadda lagu isticmaalo shabakada kombuyuutarka ee laanta Socdaalka ee madaarada iyo dekedaha dalka la heli karo macluumaadka qofka oo dhan.

  5. In baasaaboorka qofka shisheeyaha ah ee la siiyay ciqaamada uu kafiilkiisu ka hayo.

  6. In qof ajanabiga ah ee haysta ciqaamadau marka uu dalka ka baxayo uu laanta Socdaalka ka dalbado fiisaha bixidda ee lagu soo noqdo (exit) (re-entry visa) ama mid bixid kaliya ah (exit visa).

Dhinaca kale waxa jira nidaamo la xidhiidha nabadgelyada gudaha oo khuseeya dadka aan u dhalan dalka, waxayna kala yihiin

  1. In qofka ajanabiga ah ee aan la siin ciqaamad sharci ah aanu iibsan karin baabuur, iyo in aanu kiraysan karin guri,

  2. In qofka shisheeyaha ah ee la siiyay ciqaamad uu dalka ku joogo haddii lagu qabto inuu faraha kula jiro dhaqdhaqaaqyo wax yeelaya dhaqanka, dhaqaalaha, iyo siyaasada dalka, iyo haddii uu ku lug leeyahay arrimo khilaafsan diinta Islaamka laga qaado sharciga dalka loogu ogolaaday ka hor intaan la marin ciqaabta uu mutaystay.\

  3. In qofka ajaanibka ah ee la siiyay sharci uu dalka ku joogo uu furan karo meherad marka uu haysto Nin muwaadin ah oo uu magaciisa ku qaato ruqsad ganacsi.

  4. In Ciidanka booliska iyo laanta dhexe ee baadhistu (CID) ay si joogto ah dabagal ugu sameeyaan shisheeyaha dalka jooga, iyagoo kaashanaya muwaadiniinta.

  5. In dadka shisheeyaha ah ee dalka joogaa aanay ku dawarsan karin ama aanay abuuri karin deegaamo sharci darro ah iyagoo magaalooyinka dhexdooda ka samaysanaya buulal yar yar iyo jiingado ay ku tarmaan.

Ugu dambayn, nidaamka uu shisheeyuhu Somaliland dhulkeeda ku soo gali karo ama ku joogi karo wuxuu hirgeli karaa marka uu baarlamaanku dejiyo xeerarka iyo shuruucda lagama maarmaanka u ah iyo marka la adeegsado farsamo-yaqaanka "system analyst" si loo samayn karo qaabka xaashiyaha shaqada, diiwaanada xafiisyada, hanaanka fulinta hawlaha iyo arrimaha kale ee la xidhiidha kaadhadhka iyo farsamada kombiyuutarka ee ay laanta socdaalku u baahantahay.

Sidaa awgeed, waxaan madaxweynaha Somaliland u soo jeedinayaa inuu hawsha xafiiskiisa uu ku darsado sidii loo xoojin lahaa nidaamka maamulida ee laanta Socdaalka, loona waafajin lahaa heerka Caalamka uu ku shaqeeyo.

Top


Sool Ma C/laahi Yuusuf Baa Looga Tagay

Ka dib markii aynu ka qaadanay gumaysigii ingiriiska xoriyadii somaliland june 19960, waxa dawladii ingiriisku ee markaa xukunka haysey ay ugu baaqday bahda somaliland in aanay ku darsan koonfurta somaliya iyaga oo aad ugu dhiiri geliyey in somaliland dibada ka ahaato somali koonfureed bal hadaba waxa somaliland go,aansatay in ay ku darsato somali koonfureed taasi ma ahayn mid qalad iyo kama, u dhacday balse waxa ay ahayd talo ka go,nayd reer somaliland sababta taa kaliftey waxa lagu tilmaamaa umada reer somaliland inay tahay umada aad u xiiso, iyo ri,riyaaq , badan ama omotional ah, iyaga oo had iyo jeer ku gaadha taladooda xiliga rayraynta ama farxada ama aynu ku jirno omotionka dibiiciga ah, waxa taa ka markhaati furaaya sidii ay ugu ray ray nayaan ama ay ugu riyaaqayaan doorashada somaliland ka dhacday ee golaha degaanka, ee la isku haysto.

Waxa aan ku tilmaama doorashda somaliland ka dhacday halis (risk) aynu qaadanay halistaas oo aynaan u diyaargaroobin inaga oo aan ogeyn ama ka fekrin khatarta imankarta hadii halistii aynu qaadanay dhinaca xun marto oo ay inaga hor timaado.

Waxa tusaale fiican u ah gobolka sool oo dagaal ka dhacay ka dib markii labo malmood oo keli ahi ay ka hadhsanayd dootrashadii degaanka iyo waliba degmada buuhoodle oo dagaal ka dhacay maalin kali ahi markii doorashadu ka hadhay.

Waxa aad ka markhaati furaysaan in halkaa halis xun aynu qaadanay oo aynaan halistaa u diyaargaroobin taasina ay dhalisay in somaliland laba u kala go,do,somaliland cadyn karta iyo somaliland aan codayn karahaynin hadaba waa su,aale yaa looga tegey qaybta aan codayn karahaynin ma cabdilaahi yuusuf ayaa hanjabaadiisii laga baqay oo loo dhaafay sool, iyo buuhoodle, taasi waxa ay lid ku tahay dastuurka somaliland waxa kale oo ay xaqdaro ku tahay xusbiyadii ka sharaxnaa ee ka filaayey in ay goboladaas ka soo baxaan.

Dad aad u badan oo isku soo qora saxaafadaha somaliland ma danaynayaan gobolka sool iyo

Degmada buuhoodle sababta oo ah wadaninimada, dadnimada, iyo somaliland waxa ay u yaqaanaan gobolkooda oo kaliya.

Waxa kale oo cad in xusbiyada qaar ka mid ahi ay cadeeyeen in aan taageerayaashooda jooga qaar ka mid ah degmooyinka somaliland aan loo ogolaan inay footeeyaan, isla markaana lagu sameeyey hanjabaad, iyo xadhig aanay u qalmin. 

Waxa taa dheer in sanaaduuqda codka loogu talagalay qaar ka mid ah la xaday iyada oo lagu qabtay tuugtii xadaysey, isla markaana qaar kale lagu khasbay inay u footeeyaan xusbiyo gaar ah marka qaar kale la soo cadeeyey in la laaluushay.

Doorashada waxa aynu u qabsanay in aynu wax ku hagaajino bulshada caalamkana kaga helno soo dhawayn, hadii xusbigaagii aad is tidhi wuu guulaystey oo guul ayaa kuu soo hoyatey saxiib xusbina ma guuleysan somalilandna waxa aan qabaa in ay u bilatay maalin xun oo modow cadowga somalilandna ku farxaayo saxiib digtoorow doorshada cidina ma guuleysan. 

ninka ugu ildheerbaa dadka ugu ayaan daran.

cabdi qadir jama dacar.

GOBANIMODOON@AOL

Top


Ciidnaye Ma Ciideen

wax badanbaa la sugayay isku duubnaanta shacabka muujinaya fikradooda maantana waxaynu ka marag kacaynaa hurumarka Somaliland inuu ka horeeyo dalal badan oo kuyaal Qaaradda Afrika iyo Qaaradda Eeshiyaba farxadbay la damaashaadeen

Ummada reer Somaliland tallaabada culus ee ay qaadeen iyo sida nadiifta ah ee ay u dhacday doorashadan muddada la sugayay waa mid ay ka sinnaayeen hooyadda Sideettan jirka ah iyo inanka Sideed iyo toban jirka ahi doorashooyinkani waxay u quus goysay ishii cadawga Somaliland, waxayna soo jiiteen waddamo badan oo caalamka ka mida. reer galbeedka ayaa lagu qiyaasaa in ay ka horreeyaan caalamka 3xaad ilaa 400 sanno ana waxaan ku daraya in ay Somaliland heshay sirtii reer galbeed ku horumaray waa xagga wanaaga iyo daacadda dad badan baa odhan doona ninkani reer galbeedka muxuu ku arkay waaba gaallee, balse hubsan maayan in ay gaaladda muslimiin badan iyo Somaaliba magan u yihiin maanta si kastaba ha ahaatee waa alxamdullilaah shicibku in ay ciidaan ee ciidnaye ma ciideen farxad daraadeed maanta faallo iyo arigti toona dhiiban maayee waxaan mahad naq u celinayaa dhammaan ummadda reer Somaliland ee ku kala baahsan Koonkan guudkiisa gaarahaan Gudidda Doorashooyinka, xisbiyaddii dadaalka muujiyey, shacabkii codeeyey, ururaadii gacan qabtay, ciidankii ku hawlanaa ammaanka, warbaahiyaasha Somaliland oo dhan giddigiin mahad xoog u ballaadhan baan idiin soo gudbinayaa xisbyadda soo baxaana waxay ku hawlanaan doonaan anbaqaadida hawsha u taalla dalka xisbiyada hadhaana aanay hadhin oo magacoodu taariikhda dhan ka gali doonaan dadaalkay muujiyeen iyo marinkay ummada u horseedeen.

Guul iyo Gobonimo Somaliland

Cumar Cabdi Nuux
Helsinki Finland

Top


Halkay Wax Iska Dhaafeen Doorashada

Marka hore waxaa mahad balaadhan leh dadweynaha reer Somaliland ee iyagu codkooda u bixiyay sida nabada iyo anshaxu ku jiro, Waana wax muwaadin kastoo Somalilander ahi maanta ku faano. 

Hadaan usoo noqdo dulucda warqadaydan aan madaxweyne kuu soo qoray, Waxaa dhawaan la qoray tirada iyagu dhamaan dadkii ka cod bixiyay doorashooyinka dawladaha hoose ee Somaliland. Hadaba waxaa mucjiso nagu noqotay dadkayagii dibada joogay ee reer Somaliland tirada iyagu dadka ka codeeyay gobolka AWDAL oo markii la isku daray iyagu ka batay, dhamaan dadkii ka codeeyay Gobalada TOGDHEER iyo SAAXIL. 

Miyaanay ahayn wax lala yaabo mudane Madaxweyne in gobolkii aad kasoo jeeday deegaan ahaan noqday kii boobka ugu weyni ka dhacay, oo uu xisbiga UDUB ka sameeyay halkaa. Mase dhici kartaa in maanta la iska dhaadhiciyo in tiro ahaan la yidhaah Gobolka AWDAL ayaa ka tiro badan dad ahaan marka la isku daro Gobalada SAAXIL iyo TOGDHEER oo aynu ka war qabno tirada baaxada halkaa degta intay leeg tahay. 

Waxaa wax laga mahadiya ah in boobkan uu sameeyay xisbiga UDUB yahay mid xisbiyada kale aanay ku dayan, oo iyagu si cadaaladi ku jirto foodkoodii u qaybsaday. 

Mudane Madaxweyne, dadweynaha reer Somaliland waa dad iyagu ay ka dhex jirto kalsooni iyo wax isku ogalaansho, taasoo ah ta ay maanta ku dhaafeen Somalida koonfureed ee iyagu seefta isu sita, Somaliland na ku caano maashay. Waxaan sidaa darteed kugu boorinayaa in Xisbiga UDUB ka waantoobo boobka iyo musuq maasaqa lagu soo eedeeyay ee ka cad codbixintii doorashooyinka. Waxaanan ku leeyahay Mudane Madaxweyne Riyaale, ha jabinin Kalsoonidaa iyo is aaminidaa ay Somaliland maanta ku hanoqaaday. 

Osman Awad
Minnesota, USA

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
  • Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

  • Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay M. M. Muuse, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Q: 50aad

Mingistu: "Waxa dhacday inuu janaraal Amaane isku deyey inuu xidho janaraal Bisaw, waayo sidii aan horeba kuugu sheegay janaraal Gisaw waxa uu ahaa nin hadalo cad-cad oo aan cidna ka waabban, isla markaana waxa uu doonayo ama aaminsan yahay qofka hortiisa ka odhanaya, sidaa darteedna waxa uu ahaa nin aan xiisayn hadalada diblomaasiyadda iyo asturaaddda siyaasadda xambaarsan. Tusaale ahaan xiligaa waxa jirtay inay ciidamadu hoosta ka guuxeen, iyaga oo leh waa in mushaharka naloo kordhiyaa, dabadeedna janaraal Gisaw inta uu isugu yeedhay ayuu ku yidhi, "Miyaanu mawqifkiinu ahayn inay Itoobiya hore u marto, ta kale waa tii mushaharka laydiin kordhiyey, xagee laga keenayaa waxa kale ee aad leedihiin hanaloo kordhiyo, waxaan idin leeyahay sidii uu horeba dhishibiliinkuna u wanaagsanaa, iminkana waa inuu u wanaagsadaa, haddana waxaan idin leeyahay hawlihiina kala qabsada ma jiro meel hadda mushahar laga kordhiyaaye."

Siyaalahaa iyo si la mid ah ayuu u dhiiban jiray badheedhihiisa, laakiin waxa jiray niman ciidamada ka tirsanaa oo hadalkaa uu ciidamada u jeediyey aan ku farxin, laakiin janaraal Amaane isaga oo ka faa’iidaysanaya qolooyinkaa ka biyo diiday hadalka janaraal Gisaw ayuu had iyo goor odhan jiray hadalo ay ka mid yihiin "Markii horeba janaraal Gisaw ma ahayn nin ku haboon in kursiga loo dhiibo, sidaa darteed inta aan wax kale laga hadlin waa in isaga xal laga gaadhay", laakiin inta kuma ay deyn waxay isku dayeen inay xidhaan, balse anigu waxaan ku idhi "Maxaad u xidhaysaan ee uu sameeyey, mise ninka ciidamada canaanta ee yidhaahda dhishibiliinka ilaaliya waa la xidhayaa, taa hadii la sameeeyo oo la yidhaahdo ciidamada yaan hoos-ba loo eegin waxay noqonaysaa arin dhinaca sharci darada inoola baydhaysa, sidaa darteed janaraal Gisaw lama xidhayo, masuuliyaduna waxay ku wanaagsan tahay in inta aad iska dhaaftaan sheeg-sheegidda iyo isu fiirsiga ceebihiina waa inaynu ka fekerno in waxa aynu u shaqaynaynaa yihiin ciidamada oo dhan, isla markaana ciidamadu uma qaybsana qaar idinka idiin gaar ah iyo qaar aan xil idinka saarayn", intaa markii aan idhi ayey aamuseen raggii lahaa waa in la xidho janaraal Amaane, laakiin markii ay cabaar aamusnaayeen ayey hoos u xanshaashaqeen, waxaana maqlayey iyaga oo hoos u leh "Waa sidee, goorma ayuu ninkani (Mingistu) janaraal Gisaw xidhiidhka gaarka ah la yeeshay", laakiin anigu wax xidhiidh gaar ah oo aan janaraal Amaane la lahaa ma jirin, isaguna haba yaraatee wax uu gooni iigu sheegay may jirin, hase yeeshee janaraal Amaane intii uu waxaas oo dhibaato ah noo geysanayey waxa jirtay sabab aanu ugu dul-qaadanaynay, waxayna sababta ahayd anaga oo is lahayn waxa uu idinka caawin doonaa waxyaalo badan oo muhim ah, sidaa darteed-na aad iyo aad ayaanu awoodiisa iyo qofnimadiisa kor ugu qaadnay, isla markaana waxaanu siinay kalsooni badan, ta kale intii aanu isaga ku tiirsanayn waxa jirtay waxyaalo badan oo aanu qabanay, sidaas ayaanuna ku dooranay oo aanu kursiga ku saarnay. Run ahaantiina rag badan ayaa kartidiisa askarinimo iyo mawqifkiisa raganimadu ka muuqato ku qanacsanaa, tusaale ahaana aniga laftayda ayaa xataa qoraal aan gacantayda ku qoray oo aan kaga faalloonayo raganimada janaraal Amaane idaacadda iyo joornaalkaba ku faafiyey, sidaa awgeed bay ahayd sababtii aanu ugu yeedhan marka aanu hawlaha iyo talooyinka wadno, iyadoo aanu odhan jiray "A Man", ereygaas oo aanu ula jeednay inuu yahay nin lambar kow ah oo mudan. Laakiin Amaane marba inta uu cadhoodo ayuu gurigiisa iska fadhiisan jiray, dabadeedna inta aan odayaal kaxaysto ayaan soo maslixi jiray, iyadoo aan soo baryi jiray, waxaana ku odhan jiray " Janaraale maxaa kugu dhacay, iska dul-qaado, ta kale maanta dalkani waxa uu ku jiraa gacanteena, taariikhda ayaana masuuliyaddaa ina saartay hadii aynu si hawl yar u siidaynana way burburaysa weeye, adiguna waxaad tahay kii anaga na soo ururin lahaa ee na waanin lahaa, markaa wax kasta oo kula kulma waa inaad ka dul-qaadataa", laakiin markii aan intaa ku idhi waxa uu iigu jawaabay "Aniga laba Alifle iyo saddex Alifle waliba ima amri karo".

Janaraal Amaane aniga laftayda marar badan ayuu isku deyey inuu I soo dhowaysto, isaga oo igu shukaamiyey inuu xil sare I siinayo, isaga oo odhan jiray "Hadii aad doonto ra’iisal-wasaare qaado ama hadii aad doonto wasiirka difaaca noqo, isla markaana kuwan saddex-Aliflayaasha ah iyo kuwa kaleba qaarkood kuraas sii, sida taliye degmo iyo wixii la mid ah u magacow oo iska dira, waayo shaqada loo diro ayuun buu qaban karaa ee sidee bay u dhici kartaa inuu dal dhami u hogaansamo laba-Aliflayaal", laakiin waxaan ku idhi hadana "Janaraal Amaane sidee bay arintu kaa tahay, adigase maxaa ku kadeeday adiga waxa ku soo saaray waa awoodaas, awoodaasina waqti ayey shaqayn doontaa, waqtigeeda marka ay dhamaysatana meesha way ka bixi doontaa, laakiin iminka cadawga inagu hareeraysan aynu iska celino, waayo askartani waa taageerayaasheenii, ta kale laba-aliflayaasha iyo saddex-aliflayaashan aad yasayso waxa soo wakiishay kumanaan saddex-aliflayaal iyo laba-aliflayaal ah oo kale, sidaa darteed ma aha quwad sidaa loo quudhsan karo, balse maxaynu inta aynu is quudhsano oo inagu isku mashquulno waqtiga isaga luminaynaa, iyadoo aynu dhibaato qoorta kula jirno oo laynaga rabo inaynu dhibaatadaa ka baxno, markaa wixii dhibaato ah ee ku saabsan dhinaca dhergiga anigaa u jooga oo qaabilaya, adiguna hawlahaaga iska qabso", laakiin aniga oo waxaas oo dhan ku idhi oo weliba aad u baryey ayaan hadana ka quustay oo uu I diidi jiray, sidaa darteed waqtiyadii hore oo dhan waan fahmi kari waayey sababta uu sidaa noogu kadeedayo, laakiin beri dambe ayaan ogaaday mawqifkiisa iyo sababta uu sidaa u yeelayo, wuxuuna mawqifkiisu ahaa inay Ereteriya go’do, taasina waxay ahayd inuu doonayey inuu burburiyo golaha dhergiga, waxa markaa ii muuqatay inuu yahay nin xilkii aanu u igmanay ka soo bixi kari waayey.

Ganat: Laakiin janaraal Amaane miyaanu ahayn nin kalsooni badan ka haysta dhinaca ciidamada ?

Mingistu: Haa wuu ka haystay, laakiin inuu taageerada intaa le’eg helo anaga ayaa wadada u xaadhnay , waayo tusaale ahaan isaga oo ka mid ahayn golaha dhergiga ayaanu ka dhignay madax naga saraysa oo aanu iska saraysiinay, taasina waxay muujinaysaa kalsoonida aanu isaga u haynay , iyadoo taa loola jeeday ciidamada ayuu kalsooni ka haystaa, laakiin maalin ayaanu ku nidhi "Ciidamada u tag oo la soo hadal", wuxuuna kormeer ku soo maray jiido ay ka mid yihiin: Negayle, Harar iyo Ereteriya markaa wixii uu damacsanaa khaas ahaan ayaanu u suurta gelinay, laakiin marka la eego wixii aanu boqorka ku caydhinay ee aanu boqornimada kaga dejinay waxa uu ahaa hubkii aanu gacanta ku haynay, sidaa darteed waxa suurta gal ahayd inuu janaraal Amaane beri ka maalin hubkaa iyo awoodaa ciidamada nagu soo kala jeedin karo, balse taa inuu samayn karo waanu ka digniin qabnay, isaga laftiisuna wuu garanayey inaanu ka digniin qabno maadaama aanu nahay askar, sidaa awgeed markii uu qaladaadkiisu mar-ba marka ka sii dambaysa sii batay ee uu xataa nabadgelyadii dalka inyar u jirsaday inuu burburiyo inaanu ka aamusnaano oo aanu sidaa ku daawano waanu kari kariwaynay, sidaa darteed iyadoo ay goob-joog wada yihiin masuuliyiin ka kala socoto guuto walba ayaanu damacnay inaanu go’aan kama dambays ah ka gaadhno, waxaana kulankaa ka soo qayb galay rag badan oo derejo sare leh, dabadeedna waxaanu nidhi "Janaraal Amaane waxaa iyo waxaas ayuu sameeyey ee maxaynu ka yeelnaa", dabadeedna go’aan ayaa laga gaadhay, taasna waxa lagaga abaal-marinayey isku daygii uu doonayey inuu dalka iyo ciidamadaba burburiyo, shirka arintiisa lagu go’aamiyeyna waxa ka soo qayb galay ilaa 600 oo nin...

La soco cadadka dambe.

Top


Baxaa-Deggii Jacaylka: Billan Iyo Baxnaan

Q: 28aad - Sheeko Taxane ah - Waxa Qoray Cumar D. Cumar (Japan)

Baxnaan wuxuu istusay in aanay suurtogal ahayn in ay Qaali iyo isagu sidaa u kala dhuuntaan wuxuu toos u abaaray Qaali oo joogta gurigooda, markii ay indhaha saartay Qaali, Baxnaan oo soo riixay albaabka guriga ayaa Qaali ku qaabishay waji adag, laakiin Baxnaan subaxan ma ahayn nin libiqsanaya, Baxnaan wuu nabdaadiyay Qaali laakiin cidi Baxnaankamay qaadin salaantii, Baxnaan ayaa ku soo fadhiistay kursi ka soo horjeeda sariirta ay ku fadhiday Qaali waxaanu hadalkiisa ku bilaabay "Qaali aniga oo aan jeclayn inaan ku idhaahdo erayo kaa cadhaysiiya. Haddana waa lagama maarmaan in aynu arrinteena ka wada hadalno, anigu diyaar umaan ahayn in aan laba haweena guursado, hase yeeshee, waxay ahayd arrin dhacday, markaa waxaan doonayaa in arrinteenii aan soo gabagabeeyo oo aan xilkaa iska reebo," Qaali ereyada Baxnaan waxay ula mid ahaayeen dab dhamaca oo ku soo dhacay bogeeda, hareeraha ayay eegtay Qaali, way kacday, haddana way fadhiisatay, waxaanay tidhi "Baxnaan wanaag ayaynu ku kala maqnayn ee Maxaa ku helay ee arrinteena gaadhsiiyay halkan aad ka hadashay".

Qaali way yaabantahay wajiga Baxnaan ma laha dabacsanaan, ma jirto ilnugaylkii ay ku aragtay Qaali arrinkooda markii ay bilaabantay, Qaali ismay adkayn waxayna ku tuhuntay in uu Baxnaan ula yimid go’aan adag, Baxnaan oo jawaab ka bixinaya hadalkii dambe ee Qaali ayaa yidhi "ninka waa ku waajib inuu isagu go’aamiyo arrimaha qoyska haddii ay arrintu tahay mid lagu kala aragti yahay, markaa adigoo mahadsan, sidaa aynu ku dhamayno".

Qaali ayaa is tidhi bedel jahada sheekada waxaanay tidhi "goormaad adigu miyigii ka timid, dadkuna waxay lahaayeen ninkii magaaladuu dhinac kaga jiraa oo xaaskiisii ayaa loo soo celiyay" Baxnaan kamuu gaban inuu runta sheego waxaanu yidhi "haa waa run magaalada ayaan joogay oo sidaa aad maqashay aya jirta". 

Qaali ayaa istidhi dagaal ma ku bilawdaa haddana way isqabatay, xanaaq daraadii ayuu hadalkii ka soo bixi waaya, sariirta ayaa dhinac ugu yara jiifsatay, Qaali waxay go’aansatay in ay tidhaa iska tag baxnan, xiliga aad adigu u soo diyaar-garawdo arrintan kaalay, waxaanay Qaali u balanqaaday in aanay farogalin doonin arrimaha gurigiisa kale, baxnan sidaa ayay ku kala tagen Qaali, markii uu gurigiisa tagay ayuu la kulmay Bilan oo dumarkii jaarka ahaa ay ku buuqsanyihiin, waxayna u sheegeen in ay fooli hayso, waa ugube dhakhtarka gee ayaa lagula taliyay, gaadhi tagsi ah ayuu degdeg ugu keenay waxaanu geeyay waadhka umulaha ee Hargeysa Guruub Hosbital, markii ay hawlwadeenadii caafimaadka ee haweenka ahaa eegeen Bilan ayay dhigeen waxaanay ku yidhaahdeen Baxnaan way dhowdahay ee alaabadaa soo iibi, Baxnaan dhinaca farmasiyada iyo meelihii kale ee alaabada loo diray ay taalay ayuu abaaray, saacad ka dibna wuxuu dib ugu soo noqday cusbitaalkii waxaanu ag-dhigay Bilan, Baxnaan wuxuu doontay Heebaan oo isagu wada gaadhi si uu uga caawiyo wixii loo baahdo, is hele Baxnaan iyo Heebaan waxayna soo wargeliyeen Bilan edadeed Ruun Saddexle in ay Bilan ku jirto cusbitaalka oo ay umulayso, abaara lixdii galabnimo ee maalintii uu Baxnaan geeryay Bilan si ay ugu umusho ayaa Baxnaan oo taagan waadhka dibadiisa waxaa lagu wargeliyay in ay Bilan dhashay inan, waxaanu markiiba waydiiyay gabadhii kalkaalisada ahayd ka waran caafimaadkeeda waxaanay ugu jawaabtay "caafimaadkeedu aad buu u wanaagsanyahay", Bilan iyo Baxnaan oo uu jacaylkooda iyo duruufaha ay soo mareen ay ahaayeen kuwo leh farxad, nolol adag, kala maqnaasho, safaro dhaadheer, dagaal, xadhig, naxdin, nasiib, khatar, waxay Bilan iyo Baxnaan waalid u noqdeen ilmahii ugu horeeyay (11) sanadood ka dib xiligii uu bilawday jacaylkoodu 6 galabnimo ee 4 October 1986 waxaa ugu dhashay cusbitaalka Hargeysa wiil uu Baxnaan u bixiyay "Aar" wuxuu Baxnaan ugu dooray magacaa dhacdadii uu libaaxu ku soo weeraray Bilan markii uu soo mehersaday, maalintii ay Bilan umushay wiilkeeda Aar maalintii ku xigtay ayay Bilan ka soo baxday cusbitaalka, Bilan waxay muujisay adadayga ay ilmaheeda ku qaadato waxaana garab socday Baxnaan , waxay u ahayd maalin wanaagsan oo ay reer Baxnaan ku faraxsanyihiin wiilkooda curad oo ay u arkaan midhihii jacaylkooda mudada ay badan waraabinayeen markii ay albaabka cusbitaalka marayeen ayuu Baxnaan eegay inankiisa Aar waxaanu yidhi "hadaad Aarow ogaan lahayd Aarka libaax ee aan ugu badheedhay jacaylka hooyadaa Bilan awgii."

Bilan ayaa qosol la ilka cadaysay qososhayna waxaanay tidhi "Alla Aarow haddaad ogaan lahayd fogida Mombasa iyo jeelkeedii ee aan Aabahaa awgii ugu safray"

Dhamaad

Top


Waadiga Ciyaaraha

Kooxda Zamalek Oo Loo Caleemo-Saaray Horyaalka Champion-Ka Afrika
By - Nathneal Asseta - ssi (Addis Ababa) - Kooxda Zamalek ee Masar ayaa ku guulaysatay horyaalnimada kooxaha horyaalada kubadda cagta ee Afrika ee sannadan 2002 kadib markii ay maalintii Jimcihii ay kaga guulaysatay 1-0 ciyaar ka dhacday garoonka Qaahira ee qaranka (Cairo National Stadium) oo ay ka soo qaybgaleen in ka badan (100,000) boqol kun oo daawade, kooxda Zamalek waxaa guusheeda badhitaaray iyaga oo lagu ciyaarayay ciidooda oo haystay taageerayaashooda oo markii dambe u dabaal-degay guusha kooxda Zamalek oo ah markii shanaad ee ay qaado koobka horyaalada Afrika, markii ugu dambaysay ee ay kooxda Zamalek ku guulaysatay koobka horyaalada Afrika waxay ahayd sanadii 1984-kii, ciyaartan kooxda Zamalek waxay kaga adkaatay 1-0 kooxda Raja Casabalanca ee dalka Morocco.

Bilowgii ciyaaarta waxaa muuqatay xarago ciyaar iyo farsamooyin ciyaareed oo ay labada kooxood ay soo bandhigeen, qaybtii hore ee ciyaarta Hazem Emam ayaa u muuqday inuu u dhalinayo goolkii koowaad ee Zamalek markii uu la dhaafay Saddex ka mid ah ciyaartoyga Raja Casabalanca, kadibna uu laad la tiigsaday goolka Raja, waxaase badbaadiyay gool-walaha kooxda Raja ee reer Morocco Maxamed Chadili.

Kooxda Raja Casabalanca ee Morocco ayaa iyana kubado toogasho ah ay ku weerareen Taj Eldin iyo Abou Cherovane.

Goolka hore wuxuu u dhashay Samalek markii Tamer Cabdelnamid uu ka soo qaatay kubadda khadka dhexe ee garoonka, waxaanu xawaare dheeraynaya weeraryahanka Tamer uu kubadda ula siibtay dhinaca goolka Raja, waxaanay lugta midig kubada laad ugu miisaamay goolka kooxda reer Morocco ee Raja Casabalanca, laadkaas oo ay kubaddu qabsatay shebegga goolka kooxda Raja, halkaas oo uu ku dhashay goolka ay guushu ku raacday Samalek.

Top


FIFA Oo Soo Saartay Sida Ay U Kala Horeeyaan Kooxaha Qaramada Adduunku

Fifa - Xidhiidhka kubadda cagta ee adduunka ayaa dhammaadka sannadkan 2002 awgii soo saartay sida ay u kala sareeyaan kooxaha kubada cagta adduunka ee safta qaramadooda, kala sarayntan oo ku salaysan sida uu dal walba kooxdiisa qarankan ay ahayd heerkooda ciyaareed ee kubadda cagtu.

Waddamada ay FIFA ku qortay shanta kooxood ee ugu sareeya ayaa ah shanta dal ee dunida ugu horeeya dhinaca kubada cagta, Brazil ayaa gashay kaalinta koowaad, Faransiiska ayaa kaalinta labaad ku jira, Spain ayaa kaalinta saddexaad lagu qiimeeyay, halka Jarmalka oo 17 goor soo gaadhay ciyaaraha kama-dambaysta ah ee koobka adduunka uu kaalinta 4aad noqday, Arjentine ayaa iyadu noqotay kaalinta shanaad, waddamada Isra’il, Costa Rica, Holland ayaa iyagu horumar ka sameeyay kaalmihii hore ee ay kaga jireen heerka ciyaaraha dawladaha adduunka kooxahooda qaran oo ay qiimayso sannad walba hay’ada FIFA ee ugu saraysa ciyaaraha kubadda cagta ee dunida.

Dalka Ingiriiska ayaa FIFA ku qiimaysay kaalinta 7aad ee heerka ciyaaraha kubadda cagta ee sannadkan 2002, Wales oo heerka ciyaaraha kaga jirta kaalinta 80aad ayaa hadda horumar samaysay oo ku jirta sannadkan kaalinta 52aad, Senegal oo heerka kaga jirtay kaalinta 65aad ayaa sannadkan kaga jirta kaalinta 27aad.

Waxaa jira dalal iyaguna hoos uga dhacay heerkoodii ciyaareed, sida Peru oo heerka kubada cagta kaga jirtay kaalinta 39aad, oo hadda tagtay kaalinta 82aad iyo Chile oo iyana ka siibatay kaalinta 39aad ilaa kaalinta 84aad qiimaynta sannadkan ee FIFA ay ka samaysay dhinaca heerka horumarka dhinaca kubada cagta.

Inkasta oo ay Brazil kaalina koowaad tahay haddana lama amaanin heer ciyaareedkii sannadkan ee koobkii adduunka.

Top


ARSENAL Oo Sii Adkaysatay Hoggaaminteedii Kooxaha

Kooxda Arsenal ayaa sii adkaysatay hoggaankii ay ugu saraysay kooxaha kubadda cagta ee Ingiriiska kadib markii ay 2-0 kaga adkaatay kooxda Middesbrough, waxaana 2-da gool ee ay Arsenal kaga adkaatay waxaa u kala dhaliyay Sol Campbell iyo Robert Pires, Campbell ayaa isagu goolka uu dhaliyay ku dhammaystiray madaxa kubadda laad xor ah oo uu laaday Giovanni Van Bronchorst, Pires ayaa isna goolka labaad u dhaliyay Arsenal gebogebadii ciyaarta.

Maalin aan wanaagsanayn ayay u ahayd kooxda Middlesbrough, ciyaartii ay la yeelatay Arsenal, waxaanay Middlesbrough sii dhantaalay ciyaartooda markii uu qaybtii hore ee ciyaarta uu ka fadhiistay George Boateng oo uu jilib uu wareegay, dhinaca kale waxaa ugu hooseeya kooxaha Ingiriiska ee kubadda cagta xilligan kooxda Westham oo aan ciyaarna guul la hoyan 10 ciyaarood oo ay safteen.

Waxay West Ham u muuqdeen in ay guulaysanayaan ciyaartii ay la yeesheen Bolton markii uu gool ku horumariyay Ian Pearce, laakiin Bolton waxay la simantay West Ham daqiiqaddii 65aad ee ciyaarta markii uu goolkii barbaraha u dhaliyay Michael Ricketts, waxaa Bolton iyadu 13 ciyaarood ayay ciyaar qudha guuhsu raacday.

Top