Aqoon
Isweydaaris Ku Saabsan La Dagaalanka Gaajada Oo Ka Furmay Jaamacadda
Camuud
"Khaladaadkii Dhacay, Tiradii Toban Goor Laabantay, Illaahay, Ummaddu Iyo Qabiilku Waxay La Xisaabtamayaan..."
Waxaanu Hambalyeynaynaa Doorashada
Ururrada HORMOOD, ASAD iyo SAHAN Oo JawaabWada-Jir Ah Ka Bixiyay Natiijooyinka Doorashadii Deegaanka
Go’aanka Lagu Weerarayo Ciraaq Wuxuu Iman Karaa Bisha February 2003
Wakiilada: Mudanayaal Golaha Laga Saaray Iyo Moosin Doorashada Lagu Gorfaynayo
Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Koffin Annan Oo Ka Hadlayay Barnaamijka Horumarinta Adduunka Ee Ay Isla Ogolaadeen 189 (Dawladood)
Gari Laba Nin Kama Wada Qosliso
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
Kala Cabsan-Maayaan, Caqlina Kala Wadi Maayo |
|
Aqoon
Isweydaaris Ku Saabsan La Dagaalanka Gaajada Oo Ka Furmay Jaamacadda
Camuud
|
Boorama (Haatuf): Aqoon isweydaarsi ku saabsan la dagaalanka gaajada iyo horumarinta nolosha aadamiga, ayaa maalintii shalay ka furmay jaamacadda Camuud ee magaalo Madaxda gobolka Awdal ee Boorama.
Sida uu ku soo waramayo weriyaha Haatuf ee Boorama, Maxamed Cumar, aqoon isweydaarsigan oo socon doona muddo 7 cisho ah ujeedadiisu waxay tahay sidii deegaanada Somaliland oo dhan loo gaadhsiin lahaa barnaamijyada horumarinta, iyadoo muddada uu socdana ay ka qaybgalayaasha ka doodi doonaan qodobo ay ka mid yihiin:
-
La dagaalanka gaajada
-
Ka shaqaynta arrimaha haweenka
-
Waxbarashada aasaasiga ah
-
Ilaalinta deegaanka
-
Iyo la dagaalanka cudurada halista ah iyo daryeelka hooyada iyo dhallaanka.
Barnaamijkan oo ah mid caalami ah oo loogu talogalay sannadka 2001-2003 in laga hirgeliyo Caalamka waa kii uga horeeyay ee noociisa ah ee lagu qabto dalka, waxaanay ka qaybqaadanaya 40 xubnood oo ka kala socda laamaha Dawladda hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ah.
Furitaankii aqoon isweydaarsigan, waxa ka hadlay Wasiirka qorshaynta ee Somaliland, Axmed X. Daahir, isaga oo sheegay in aqoon isweydaarsigan la mid yahay kuwa lagu qabto dalalka hore u maray Jaamacadda Camuudna ay nasiib u heshay in ay marti geliso aqoon isweydaarsigan.
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay, gudoomiyaha Jaamacadda Camuud, Prof. Saleebaan Maxamuud Guuleed, isaga oo ka hadlay ahmiyadda aqoon isweydaarsigani uu leeyahay, waxaanu xusay in Jaamacadaha Camuud iyo Hargeysa ay hanan karaan ujeedada laga leeyahay aqoon isweydaarsigan.
Aqoon isweydaarsigan oo ay wadajir u soo qabanqaabiyeen Dawladda Somaliland iyo Hay’adda UNDP, waxa warbixin ku saabsan sidii loo soo qabanqaabiyay iyo ujeedada laga leeyahay ka jeediyay C/laahi Sh. Cali oo ka socday Hay’adda UNDP.
Top
"Khaladaadkii Dhacay, Tiradii Toban Goor Laabantay, Illaahay, Ummaddu Iyo Qabiilku Waxay La Xisaabtamayaan..." |
Gudiga Doorashooyinka Oo Ku dhawaaqay Natiijadii cod-bixinta iyo Gudoomiye cadamioo ka jawaabay dhaliilihii loo soo jeediyay
Hargeysa (Haatuf): Axmed X. Cali Cadami Gudoomiyaha Gudiga Qaran ee Somaliland u qaabilsan hawlaha doorashooyinka ayaa shalay ku dhawaaqay natiijadii codeynta ee doorashooyinkii G/Deegaanka ee bishan 15keedii ka dhacay Degmooyinka Somaliland, Cadami isagoo arrintaa kaga hadlaya shirjaraa’id wuxuu yidhi "Asalkeedaba natiijooyinka doorashooyinka lama raajiyo, taas oo ay ka dhashaan in tashuush lagu furo doorashadii iyo natiijadeedii, dib u dhiga aanu samaynayn waxay ku salaysantahay xaaladda Somaliland ee aan wax lagu degdegin, in wixii la qancin karo ama su’aal wata si fiican su’aashii looga qancin karo, cidii wax mugdi ka galo uu yidhaa sanduuqaa ayaa mugdi igaga jiraa, xalaal iftiinbaa la qashaaye dibadda loogu soo saaro, goboladana iyagaa sidaa si leeg ayaanu ku amarnay inay wixii suurto gal ah oo qancina ay sameeyaan, gobolada qaarbaa (26) lix iyo labaatan saacadood ay dib u dhacday hawshii gacanta lagu hayay oo dhami oo faraha laga qaaday, dhinaca kale muwaadiniintii sida wanaagsan uga jawaabtay doorashii ee nabada ku codaysay ee iyadu isu xilsaartay ee gaadhka ka noqoday goobaha codbixinta xaq bay u lahaayeen in deg deg codkuu bixiyay uu natiijadiisa u arko, laakiin anaguna waxaanu daweynaynay cuduro yar yar ayaanu dawaynaynay intii suurto gal ah."
Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinku isagoo ka hadlaya aragtiyaha ka soo baxay natiijadii doorashooyinka waxaa uu yidhi "Ma lagu wada qancay, jawaabaadkii aanu bixinaya ee kuwo kalena diyaarka yihiin malagu bogsanayaa, waxaan kaga jawaabayaa markaan anigu isu jawaabo iyada lafteedu waa dhaqamadeena oo Afrikadaynu kala mid nahay, waqtibay qaadanaysaa qofka markii ay wax galaan sida uu uga wada bogsadaa, samir badan iyo dulqaad badan ayaay u baahantahay, adduunka weli doorasho dhacday oo aan khaladaad jirin filcaalam lama arag, ma jirto, adduunka waa la yaqaan inta doorashaba laga sameeyo, waa la yaqaanaa dawladaha adduunka ugu hore marsan, Somaliland iyadoo ay doorashadu inagu cusub tahay, waayo aragnimo badani inaga dhimantahay ilaa qofka muwaadinka ah ee codaynayaa, waxaynu bisinka u haynay marxaladaa maka gudbaynaa baa su’aashu ahayd, Alxamdu lilaahi rubul caalamiin hadaynu maanta si nabadgelyo ah kaga gudubnay, wax alle wixii kale ee laga hadlaba waxaa ka weyn xaaladda nabadgelyo ee ay ku dhammaatay ee aynu marxaladaa kaga talawnay oo ay ajanabigii inala joogay ka markhaati kaceen qaarkood Hargeysa qaarkoodna gobolada kale tageen oo ay u warameen saxaafada madaxa banaan, markhaatiga sidaasa, waxaan halkan ka cadaynayaa maanta wax walba in sida uu yahay loo sheego, ma lihin boqolkiiba boqol. Wax waa doorashadii iyo mabdi’ii aynu u galnay iyo nabadii aynu doonaynay, waxna waa Maxaa khaladaad dhacay beersantayjka (%) khaladaadka ee dhacay waa jiraa lama dafirsana, waana dadka goobaha codbixinta joogay oo tababarka la siiyay uu ku yaraa, waxaa jira waxyaabo kale, oo dhaqamo hore ahaa ayaan weli ka wada daahirin oo ah in qof uu ku laba, laabto, dad qaar waxay carabka ku dhufteen muxuu u go’ay khadku kuma aanu talo galin saliidii iyo subagii la mariyay galabtaa, gaalka sameeyayna kuma talo galin saliid iyo subag toona, wuxuu ku talo galay caadi ahaan wixii khad lagu masixi jiray, haddii loola yimaado in uu adkaysigiisu (Resistant) intaa ka adkaado oo uu (48 saacadood) uu jiro."
Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Axmed X. Cali Cadami isagoo ka hadlaya cabasho ka soo baxday ururadii ku tartamayay doorashada oo shalay lagu qoray jaraa’idka waxa uu kaga jawaabay "mid ma diidani nin xilqaaday eed qaad laakiin (Adcafal Iimaan), sidii dhaqankii wanaagsanaa ee lagu yiqiin Somaliland, murtidii odhanaysay (waxba yaanu xoolana I siin xeerna ii galine xaashaaye nin libin kaa xistiyay xumihii waa yaabe), ma filayn wax saaka jaraa’idka ku soo baxay iyo dedaalkii guddigu yeelkadeed, xataa waxaa dhici karta dadka sidaas iyo ururada soo qoray in aanu wada joognay xalay 2dii waanu wada fadhinay (habeen hore), is qancintaa aan idiin sheegay iyo daawo raadintaa baanu ku jirnay, maqaalkuna saacadaa wuu qornaa, intii hore waanu ka jawaabnay, inta kalena qalbi iyo maskax furan baanu diyaar u nahay inaanu kaga jawaabno ururada wax alla wixii tabasho ah iyo wixii hadda hadhsanba intii hore qoraal ayaa lagu gudbiyay inta hadhayna in qoraal lagu gudbiyo diyaar ayaanu u nahay, diyaar waxaanu u nahay inaanu xushmayno heshiishkii aanu wada galnay waanu isu baahanahay isku dan baa la wada yahay, Buundada la wada saaranyahay, mar alle markii la isku dhawaadaba quruxbay yeelanaysaa, mar alle marka lakala fogaadana goldaloolooyinbaa hawshii ka soo baxaya."
Isagoo sababaynaya wixii dhaliilo ah ee laga sheegay doorashooyinkii dhacay iyo natiijadii ka soo baxday wuxuu Axmed X Cali Cadami ka yidhi, "doorashada waxaan ka idhi waxaa maanta dhinmay iyo khaladaadka muuqday iyo dhulka tiradii la filayay ee loogu talo galay ay Toban goor laabayntaba sababteeda bay leedahay, boqolkiiba boqol ayay u dhaceen ma lihi, laakiin anigu waraaqaha codaynta, (polls paper) markaa diro, degmo mucayina, u diro, gudigii u dhiso iyagu markaa garsoorkii yihiin oo quraankii kariimka ahaa gacanta loo saaray waxa ereyadaa ka khaldama waxa Ilaahay umaddu iyo qabiilku waxay la xisaabtamayaan khayrqabihii Gudiga doorashooyinka ka masuulka ahaa ee deegaanka joogay, waxay gudiga doorashooyinku isla garteen deegaan walba labada qof ee gudiga doorashooyinka Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka in laga kaxeeyo oo la geeyo deegaan kale oo ku dhaw, saacadii loo qabtay doorashada ayaa nagu dhacday."
Intaa ka dib waxaa natiijadii codaynta ee gobolada Somaliland ku dhawaaqay G/K/xigeenka gudiga doorashooyinka waxaanay ahayd sidan.
Top
Waxaanu Hambalyeynaynaa Doorashada |
Hadii aanu nahay madax-dhaqameedka, odayaasha iyo wax garadka ay magacyadoodu hoos ku qoran yihiin waxaanu hambalyeynaynaa guddiga doorashooyinka ee degmada Caynaba, taas oo aanu uga mahad naqayno sidii xilkasnimada lahayd ee ay u maamuleen hawshii cod-bixinta doorashada golaha degaanka degmada Caynaba.
Magacyada
-
Chief caaqil, Ismaaciil Ducaale
-
Chief caaqil Faarax Xaaji Diiriye
-
Chief caaqil Cali Buraale
-
Chief caaqil Maxamed Abokor Kaarshe
-
Chief caaqil Cali Xirsi Axmed
-
Cumar Axmed
-
Mustafe Axmed
-
Sam-sam Daroor
-
C/laahi Qiyaar
-
Xaawa Xirsi Xasan
-
Iidle Cabdi
-
Maxamed Abokor
-
Jaamac Digaale
-
Axmed Caynab
-
Salaad Ismaaciil
-
Siciid Jaamac Bootaan
-
Cabdi Maxamuud Maxamed
-
Saleebaan Cali Cawed
-
C/laahi Cabdi Yuusuf
-
Jaaamc Cabdi
-
Ciise Jaamac
-
Abokor Shide Cali
-
Axmed Cabdi Maxamuud
-
Nuur Qaasin Qodax
-
Raxma Xaamud X. Maxamuud
-
Farxiya Ibraahin Xasan
-
Saleebaan Cabdi Dirir
-
Saleebaan Ismaaciil Oogle
-
Mursal Xasan Cali
Top
Ururrada HORMOOD, ASAD iyo SAHAN Oo JawaabWada-Jir Ah Ka Bixiyay Natiijooyinka Doorashadii Deegaanka |
"Waxaas oo khaladdaad ah waxa masuul ka ah Xukuumada iyo Gudiga Doorashooyinka."
Bayaanka wada-jirka ah ee saddexda urur-siyaasadeed...
Hargeysa (Haatuf): Saddexda urur ee HORMOOD, ASAD iyo SAHAN ayaa si kulul u dhaliilay qaabkii loo maamulay codbixintii doorashooyinka golayaasha deegaanka ee dalka ka dhacay 15kii bishan, waxayna saddexdan urur xuseen musuqmaasuq badan oo ay sheegeen in lagu sameeyay maamulkii doorashada, isla markaana waxay musuqmaasuqa dhacay eedeeda dusha ka saareen gudiyada doorashooyinka iyo xukuumadda oo is-huwan.
Bayaan qoraal ah oo ay xalay soo saareen saddexda urur ee HORMOOD, ASAD, iyo SAHAN waxay ku cadeeyeen mawqifkooda ku waajahan qaabkii loo maamulay codbixintii doorashada iyo natiijadaba, iyagoo kulan wada jir ah oo ay yeesheen ka soo saaray bayaan qoraal ah oo ay kaga hadlayaan arrimahaa iyo mawqifka ay ka taaganyihiin, iyagoo qoraalkooda ku socodsiiyay dhinacyo ay ka mid yihiin Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada, Golaha salaadiinta iyo gudiga diiwaan gelinta ururada.
Bayaankaas oo wada jir u saxeexeen saddexda gudoomiye ee saddexdaa urur Axmed Maxamed Madar (HORMOOD), Saleebaan Maxamuud Aaden (ASAD), Iyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo waliba musharaxa ururka HORMOOD Cumar Carte Qaalib waxa uu isagoo dhamaystiran u qornaa sidan:
"Ururada HORMOOD, ASAD iyo SAHAN kulan isugu yimaadeen caawa (xalay) oo ay taariikhdu tahay 22/12/02 waxay ku falanqeeyeen qaabkii iyo hanaankii loo agaasimay doorashooyinkii dawladaha hoose ee dalka ka dhacay 15kii December 2002.
Doorashooyinka Dawladaha hoose oo u dhaca si xor ah, xalaal ah, iyo nabadgelyo waxay ururadu aaminsanyihiin inay bulshada reer Somaliland u noqon lahayd haybad, karaamo iyo horumar, balse nasiib darro waxaa dhacday xadgudubyo fara badan oo saameeyay habsami u socodkii maamulka doorashada, xadgudubyadaasina waxay ahaayeen sidan:
-
Waxa dhacday ku shubasho xad-dhaaf ah oo muran galiyay natiijadii codbixinta.
-
Waxa si xun loo maamulay habkii ilaalinta iyo tirinta codbixinta, islamarkaana lama xurmayn xeerkii loo dejiyay.
-
Waxa la raajiyay muddadii soo saarista natiijada doorashada, islamarkaana sanduuqyadii waxay ahaayeen kuwo dayacan
-
Xukuumaddu dhammaan haybadii iyo awoodii Qaranka waxay u adeegsatay sidii ay u soo saari lahayd ururka UDUB, waxayna faro galin joogto ah ku haysay hawlaha gudiyada doorashooyinka heer goobeed ilaa heer qaran.
-
Gudiga doorashooyinku waxay dhegaha ka furaysteen inay wax ka qabtaan cabasho kasta iyo dacwad kasta oo ururadu u gudbiyeen intaan natiijada la soo saarin.
-
Doorashadu kama dhicin toddoba degmo oo dalka ka mid ah, kuwaas oo ay codadka ka soo baxaa saamayn toos ah ku leeyihiin kala reebida ururada.
Waxaas oo khaladaad ah oo ciladeeyay doorashooyinka waxa si toosa ah uga masuula Xukuumadda iyo gudiga doorashooyinka oo aan xilkoodii dhexdhexaadnimo u gudan.
Sidaa darteed:
-
Masuuliyiinta Qaranka Sida Guurtida, Wakiiladda iyo salaadiintu waa inay arrintaas ka
gutaan waajibka ay ku leeyihiin ama ka saaran
-
Gudiga diiwaangelinta ururada siyaasada, iyagoo xurmaynaya xeerka nidaamka axsaabta No: 14/2000 waa inaanay soo saarin natiijooyinka kala reebista ururada inta ay maqan yihiin codadka toddoba degmo oo dalka ka mid ah, kuwaasoo oo lagama maarmaan u ah natiijada kala reebista ururada, isla markaana waxaanu dawladda ku boorinaynaa sidii ay doorashadu uga dhici lahayd aagaga dhiman" ayay ku soo gebagebeeyeen qoraalkooda, waxayna bayaankooda soo saareen wax yar ka dib markii lagu dhawaaqay subaxnimadii shalay tirada codadka ay kala heleen lixda urur Siyaasadeed ee u tartamay doorashooyinka golayaasha deegaanka Somaliland.
Dhinaca kale urur siyaasadeedka SAHAN ayaa war-saxaafadeed uu doraad soo saaray ku sheegay inaanu ku qanci doonin natiijada doorashada, iyadoo ay hogaamiyayaasha ururka SAHAN taa sabab uga dhigeen ku shubasho ay sheegeen in lagu shubtay codadkii doorashada.
Sidoo kale afhayeen habeen hore u hadlay urur siyaasadeedka ASAD ayaa farta ku fiiqay dhaliilo iyo cabashooyin badan oo la xidhiidha qaabkii loo maamulay doorashada.
Afhayeenkaas oo ahaa Muj: Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee ururka ASAD, waxa uu ka dalbaday gudiga doorashooyinka inaanay soo saarin natiijooyinka ilaa inta ay ka jawaabayaan cabashooyinka iyo dacwadaha horyaal.
Ururka HORMOOD ayaa isna jimcihii ina dhaafay gudiga doorashooyinka ugu baaqay inaanay ku degdegin soo saarista natiijada ilaa inta ay xal u helayaan cabashooyinka iyo mad-madawga jira.
Top
Go’aanka Lagu Weerarayo Ciraaq Wuxuu Iman Karaa Bisha February 2003 |
Sub-Saharan Informer
Washington
Maraykanka ayaa xaqiijiyay in dawladda Ciraaq ay ku guul daraysatay in ay bixiso tirada dhabta ah oo dhamaystiran hubkeeda nuyukleerka ah iyo kiimikada ah.
Aqalka cad ee looga arrimiyo maraykanka ayay ka muuqataa inuu asteeyay dabayaaqada bishan January ee sanadan soo socota ama badhtamaha bisha February inay suurtogal tahay in uu Maraykanku go’aamiyo weerar milatari oo uu Maraykanku ku qaado Ciraaq, sidaa waxaa idaacada CNN u sheegay sarkaal maraykana oo aan magaciisa la xusin.
Madaxa kormeerayaasha hubka ee qaramada midoobay Blix ayaa sheegay in gudigaasi uu soo gebogabeeyay warbixin uu ku cadaynayo in ay Ciraaq ku guuldaraysatay in ay bixiso tiro dhamaystiran oo ah hubkii macruufka ahaa ee nuyukleerka iyo kiimikalka ah, warbixintani waxay intaa ku dartay in sarkaal sare oo ka tirsan kormeerayaasha hubka ee Ciraaq Maxamed Elbaradel uu Golaha amaanka siin doono maalinta khamiista warbixin tilmaamaysa in cadaynta Ciraaq ee hubka nuyukleerka ay weli tahay su’aal aan laga jawaabin oo taagan.
Dhinaca Qaraarka qaramada midoobay ee 1441 waxa ku cad in haddii ay Ciraaq bixiso macluumaad khaldan oo beena in Golaha amaanku qaadan karaa talaabo milatari oo hubka lagaga dhigayo Ciraaq.
7dii bishan December waxay Ciraaq u gudbisay kormeerayaasha hubka halista ah 11,800 bog oo lagu sheegay in ay ku qoranyihiin macluumaadka hubka halista ah ee ay Ciraaq haysato.
Halka uu arrintan hadda ka istaagay Mr. Blix madaxa kormeerayaasha hubka ee qaramada midoobay u qaabilsan Ciraaq waa mid taageeraysa halkii ay arrintan hore uga taagnaayeen maraykanka iyo ingriisku.
Saraakiil Milatari oo maraykanka ah ayaa u sheegtay idaacada CNN in maamulka gaashaandhiga maraykanka ee aqalka Pentagon inuu si cad u bilaabay diyaargarawga Ciidamada ee ka hawlgalaya weerarka Ciraaq oo ciidamadiisa jooga gacanka Bershiya (Persian Gulf) uu gaadhsiinayo ilaa (100,000) boqol kun oo askari, halka ay hadda ku dhawyihiin ilaa (60,000) lixdan kun oo askari, dhaqdhaqaaqa ciidamadaas ayaa bulaabmaya maalmahan.
Top
Wakiilada: Mudanayaal Golaha Laga Saaray Iyo Moosin Doorashada Lagu Gorfaynayo |
Hargeysa (Haatuf): Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, mudane Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) ayaa fadhigii shalay ee golihiisa ku war-geliyey in golaha laga saaray saddex mudane oo golaha ka tirsan, isaga oo sababta mudanayaashaa golaha looga saaray ku tilmaamay habsankooda oo batay, wuxuuna ku dooday gudoomiyaha wakiiladu in eriga saddexdaa mudane loo cuskaday qoddob sharciya oo dhigaya in mudanaha habsaama 200 fadhi oo isku xiga uu waayayo xubinimada golaha wakiilada, waxayna saddexdaa mudane ee uu gudoomiyaha wakiilada sheegay inuu golaha ka saaray kala yihiin: C/waaxid C/qaadir C/raxmaan, Cali Maxamed Cali iyo C/laahi Saalax Cali, laakiin saddexdaa mudane ilaa hadda wax hadal ahi kama soo bixin.
Dhinaca kalena dhawr iyo toban mudane oo ka tirsan golaha wakiilada ayaa isla fadhigii shalay golaha soo hor-dhigay moosin la xidiidha doorashooyinkii golayaasha degaanka ee dalka ka dhacay 15-kii bishan Diisambar ee aynu ku jirno, waxayna mudanayaasha moosinka soo qadimay sharciyan ku andacoonayaan inuu sharciga doorashooyinku dhigayo waa inay doorashadu ka dhacdo dhammaan lixda gobol ee Somaliland, sidaa darteed waxay leeyihiin maadaam aanay gobol ka mid ah lixda gobol ee Somaliland doorashadu ka dhicin ansaxnimada doorashadu waa qabyo. Hase yeeshee moosinkaa goluhu kama furin wax dood ah, waxaase la filayaa in laga wada hadlo fadhiyada soo socda.
Top
Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Koffin Annan Oo Ka Hadlayay Barnaamijka Horumarinta Adduunka Ee Ay Isla Ogolaadeen 189 (Dawladood) |
Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Koffi Anan ayaa sanad ka dib soo saaray qoraal uu ku hubinayo sida dawladaha ka tirsan qaramada midoobay, hay’adaha qaramada midoobay, hay’adaha madaxa banaan ee caalamiga ah iyo ururada samafalka, ururada bulshooyinka (civil society) sida ay ugu dhaqmayaan qaraarkii qaramada midoobay ee 2000 (Millennium) ee ay 189 dawladood ee adduunku ku ogolaadeen shirkii bishii September ee 2000.
Qoraalka uu Xoghayaha guud ee qaramada midoobay ka soo saaray hirgalinta qaraarkaa wuxuu ka koobnaa 59 bog oo ka hadlaya sida loogu dhaqmay iyo horumarka laga sameeyay qodob wal oo qaraarkaas ah, isagoo arrintii ka hadlaya wuxuu yidhi Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Koffi Annan "Dhamaan xubnaha dawladdaha ah ee ka tirsan qaramada midoobay, deeq bixiyayaasha, hay’adaha dawladaha ka dhaxeeya, hay’adaha caalamiga ah, hay’ad goboleedada, hay’adaha, barnaamijyada, qaybaha madaxa banaan, hay’adaha bulshada waa in ay fuliyaan balan-qaadkii cahdigii qaraarkii 2000, dariiqan khariidada ah waxaa la isku hawlayaa in horumar laga sameeyo aragtida iyo si loo helo deegaamada oo aynu go’aana ka gaadhno mustaqbalka" qaraarka qaramada midoobay ee 2000 (A/56/326) wuxuu ka koobanyahay 8 qaybood oo ay ugu horeyso hanashada nabada adduunka iyo nabadgelyadu, horumarinta iyo cidhibtirka saboolnimada, ilaa xoojinta qaabka ururka qaramada midoobay (UN).
Qoraalkani wuxuu tilmaamayaa farsamooyin caawin kara horumarinta nabad ku noolashaha dadyowga adduunka waxaa talaabadan ku jira xoojinta sharci fulista (Rule of Law) iyo talaabo ka qaadista dambiyada iskaga talaaba dalalka iyadoo lagu hawlgalayo heshiisyo dawladeed, oo lagu fulinayo shuruucda gudaha ee dalalkaas oo loo hogaansamayo xeerarka caalamiga ah, waa in ay dawladuhu qaadaan tallaabooyin cad oo ay kaga hortagayaan argagixisada, waa in dawladuhu ay fuliyaan balanqaadkoodii ka hortaga falalka argagixisada, waxaa qaybta nabadgelyada adduunka ee cahdigan ka qayb ah hawl lagu balaadhinayo baaxada Maxkamadda caalamiga ah ee cadaalada oo la gaadhsiiyo heer ay ku qaban karto hawlaha dambiyada caalamiga ah ee Roma Statute oo ay talaabo ka qaadi karto marka fulinta sharciga meelaha qaar lagaga guul daraysto.
Qaraarkani wuxuu taageersanyahay in la dhamaystiro hawlaha nabad ilaalinta ah ee xiligan ay gacanta ku hayso qaramada midoobay loona beddelo nabada oo laga soo bilaabo aasaaska hoose, sidan waxaa aad isugu hawlaya in la fuliyo Xoghayaha guud ee qarmada midoobay Koffi annan.
Qaybta labaad ee qaraarkani waa horumarinta iyo cidhibtirka saboolnimada ee bartilmaameedka horumarinta ee qaraarka qaramada midoobay ee 2000 Millennium.
Kala soco cadadka dambe Haatuf...
Top
Gari Laba Nin Kama Wada Qosliso |
Natiijada Doorashooyinka
Faallo: Cumar D. Cumar
Tartan, beratan, loolan, gar iyo ereyo kale oo la mid ah, ayaa ah kuwo marka ay hadalka ku jiraan laga dheehan karo laba dhinac iyo in ka badan oo u beratamaya guul, taas ku dhammaata cid guulaysata iyo qaybo laga guulaysto.
In Siyaasadda Somaliland ay gasho beratan, waxay ahayd arrin aad looga xiisaynayay Somaliland sannadihii dambe, laakiin waxay ahayd in tartanka ururada Siyaasadda ee Somaliland ay ahayd ciyaar aad uga raagtay garoomada Somaliland oo dadkii xilligii ugu dambaysay ciyaari jiray, kuwii daawan jiray iyo kuwii u garsoori jirayba ay aad ugu tiro yar yihiin marka la eego tirada hadda ka qaybqaadanaysa. Waa arrin la filayay ama qorshaha ku jirtay in marka ay doorashooyinku dhacaan ee natiijadu soo baxdo ay dhici karto in qaybihii ka qaybqaadanayay qaarkood ay khilaafi karaan natiijada soo baxday. Muwaadin reer Somaliland ah, ayaa maalintii ka horeysay 15 December 2002 ee doorashadu ka dhacaysay soo bandhigay su’aal macquul u muuqatay, waxaanu yidhi; "Haddii ay laba beelood oo Somaliland ahi is-khilaafaan, waynu naqaanaa sida loo xaliyo oo salaadiinta iyo cuqaasha labada beelood, ayaa la isugu yeedhaa oo wada-xaajood loo furaa, haddii ay laba xisbi ama laba urur is khilaafaan, miyaynu garanaynaa sida khilaafkooda loo xaliyo."
Muwaadinkaasi kumuu qancin jawaabo dhawr ah oo halkaas looga jeediyay, isla su’aashan oo loo bandhigay Suldaan ka mid ah Salaadiinta reer Somaliland, kadib doorashooyinkii degaanada, wuxuu kaga jawaabay Suldaanku; "Ururada Siyaasadda anaga ayuunbaa Salaadiin u ah, dhexdhexaadna waanu nahay oo ururo siyaasadeed kuma jirno."
Jawaabta uu Suldaankaasi bixiyay, waa mid loo baahan yahay maanta in lagu hawl galo, iyadoo aan xoogga la saarin cida guulaysatay, sida ay ku guulaysatay, cida hadhay sida ay u hadhay, maxaa khilaafka keenay, waxaan shaki ku jirin in inta badan dadka reer Somaliland ay u riyaaqi lahaayeen in aan khilaaf ka horeyn kana dambayn natiijada doorashooyinkii oo ay noqoto mid lagu wada kalsoonaado. Sideedabana, waxay maahmaahi ahayd: "Gari laba nin kama wada qosliso" waa lagama maarmaan doorashooyin xor ah oo xalaal ah in ay ku salaysnaadaan tartamada doorashooyinka ee Siyaasadda Somaliland.
Waa lama huraan inuu jiro qaab leh farsamo lagu xaliyo haddii ururada iyo xisbiyada tartamayaa ay ku kala aragti noqdaan natiijada doorashooyinka. Waxaad maanta moodaa in ay tahay maalintii uu ka sii faallooday David Shinn oo ah Diblomaasi Maraykan ah oo taageera qadiyadda Somaliland, mar uu ka hadlayay kulan uu warbixin kaga jeedinayay Xarunta Akedamiyadda Nabadda iyo Horumarinta Somaliland ee Hargeysa oo uu fasirayay doorashooyinka wanaagsan (Good elections) ee waxtarka u leh Somaliland, waxaanu ku tilmaamay David, doorashooyinka aan natiijadooda lagu murmin, haddii ay noqdaan kuwa Somaliland. Arrintani waxay u ekaan kartaa, sidee xeego xeego ku noqotaa, ilkana loo badbaadiyaa oo u dhiganta; sidee loo dhawraa natiijooyinka doorashooyinka dhacay in aanu uga soo bixin khilaaf wax yeeli kara danta guud ee Somaliland.
Dhinaca kale, sidee xeerkooda loo mariyaa dhinacyada wax ka sheegtay natiijada doorashadii dhacday ee ay ka qaybgaleen. Waxaa iyana u baahan in si qoto dheer looga fekiro, sidee looga hortagaa in cabashadan oo kale ka soo baxdo doorashooyinka noocan kale ah ee dhici doona. Waxaa xal u muuqda in arrintan lagu furdaamiyo maskax wanaagsan, go’aankeedana lagu sugo miyir iyo samir iyo gar qaadasho lagu gudoomo go’aanka gar-cabasho-jawaabeed ee soo baxa.
Top
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga |
Ganat: Maalintaa ajandaha shirkiinu muxuu ahaa?
Mingistu: Maalintaa ajandaha shirku wuxuu ahaa arinta janaraal Amaane, iyadoo uu ajanduhu maalintaa ku saabsanaa Amaane keligii, lagagamana hadlin saraakiishii hore ee Xayle Salaase, laakiin hadda waxaan doonayaa mar kale inaan xaqiijiyo inaanay go’aanka maalintaa ciddina ka maqnayn, hadii ay tahay xubnihii hoose ee dhergiga iyo hadii ay tahay wakiiladii ciidamada, sababta aan sidaa u doonayeyna waxay ahayd arinta janaraal Amaane dareenka ay ku beerayso ciidanka gudihiisa ayaan garanayey, taas darteedna waxaan doonayey inuu nin waliba talo ku yeesho go’aanku waxa uu doono ha ahaadee, markaa anigu taas ayaan uga jeeday isu wada imaatinka, waxaana laga hadlay oo keliya arinta janaraal Amaane, laakiin lagama hadlin oo mar qudha ajandaha laguma soo darrin wasiiradii iyo janaraaladii Xayle Salaase, maxaa yeelay wasiiradii iyo janaraaladii Xayle Salaase arintoodu uma baahnayn in shir laga yeesho oo laga fadhiisto, waayo kuwaa waxa loo saaray guddi gaar ah oo arintooda baadhis ku samaysa. Sidaa darteed ajanduhu maalintaa keliya waxa uu ku saabsanaa janaraal Amaane. Laakiin anigu waxaan hubaa xubnihii dhergiga ee aad la kulantay, waraysigana la yeelatay inaanu midkood-na ka wada hadlin ama tafaasiil ka wada bixin saraakiishii la xidh-xidhay, waayo maalintaa cid soo hadal qaaday may jirin, mana ay ahayn arin aanu ka fekaraynay oo maskaxdayada ku jirtay, ta kale anigu marna maan soo bandhigin ajande ku saabsan saraakiishii xidh-xidhnayd, taas marna maan soo jeedin, laakiin hoolka dhexdiisa ayey su’aali ka soo yeedhay, taasna lama sii wadin.
Ganat: Hadaba hadii aad leedahay arinta saraakiishaa xidh-xidhani ajandaha nooguma jirin, sidee baad arintooda u soo hadal qaadeen oo ay golaha u timi?
Mingistu: Arinta si aad gunteeda u fahamto, isla markaana aad wax badan uga ogaato go’aankii maalintaa la ansixiyey waxa uu ahaa iyo talaabadii laga qaaday nimankaa nooca ay ahayd iyo weliba dareenkii hoolka shirka ka jiray sida uu ahaa waxa lagama maarmaan ah in la iswaydiiyo arimahaasi sidee bay ahaayeen, laakiin hadii aan arintaa wax ka tilmaamo, maalintaa waxa isa soo tuulay goobtii shirku ka socday askar cadho la il-darran oo ka kala timi goobihii dagaaladu ka socdeen, sidaa darteedna waxa batay buuqa iyo sawaxanka, isla markaana rag badan ayaa u diyaar garoobay inay hadlaan, laakiin inta aan ajandihii soo diyaariyey ayaan shirkii soo hordhigay, waxaana u sheegay dadkii shirka fadhiyey inuu ajanduhu ku saabsan yahay arinta janaraal Amaane, sidaa darteed ay arintaasi tahay waxa keliya ee laga hadli karo, balse waxaan fahmay inaanay dadkii shirka fadhiyey ku qancin in laga hadlo arinta janaraal Amaane oo qudha, taas oo ay doonayeen in arimo qoddobo kalena laga hadlo...
La soco cadadka dambe.
Top
Kala Cabsan-Maayaan, Caqlina Kala Wadi Maayo |
Xadiis M. Xadiis
Tan iyo markii kursiga laga tuuray keli taliyihii Siyaad Barre, isla markaana ay burburtay jamhuuiryaddii la odhan jiray Soomaaliya waxa koonfurta Somaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho mar-ba marka ka sii dambaysa ka sii darayey xaaladda nabadgelyo iyo xasiloonida nololeed, waxaana halkaa ka dilaacay dagaalo ahliya oo ay ku hirdamayaan kooxo ku hirdamaya talada Somaliya, taasina waxay dadka Somalida ah ee degaamadaa ku dhaqan badday colaad sokeeye, abaaro iyo darxumo badan.
Markii ay fawdadu cirka u baxday waxa gidaarada magaalada Muqdisho, iyadoo far waaweyn ah lagu qoray "Nin-ba taagtii ha talaabsado.", taas oo macneheedu yahay qabiil-ba qabiilka, nin-ba ninka, kooxiba kooxda ay ka xoog roonyihiin ha raamsadeen iyo nin waliba wixii hanti ah ee uu soo gaadho mid guud iyo mid gaar-ba ha xalaalaysto, intaa ka dibna waxa bilaabmay dil, dhac, bililiqo iyo kufsi, taasina waxay keentay inay awoodii gacanta u gasho nin awood leh, iyadoo ay wiilal yar yar oo aan qaarkood qaan-gaadhini hubkii gacanta ku dhigeen sida ay doonaana ugu tagri faleen, wiilashaa dhalinyarada ahna waxa ka mid ah ama ku badam kuwii lagu hayn jiray xarumaha loo yaqaan Dugsiyada aabalaawayaasha, ta kale guud ahaan-ba waxa da’yartii ku bahaloobeen dagaaladii iyo boobkii, sidaa darteed waxay noqdeen dugaag bilaa naxariis ah, waxayna kooxaha dhalinyarada ah ee qoryaha sitaa hal-kudheg ka dhigteen (Ku nasiibso), taas oo qofka xabbad lagu dhufanayo, hadhowna maydkiisa la baadhanayo. Laakiin marka taa laga yimaado waxa soo if baxay qab-qablayaal dagaal, kuwaas oo dagaalo iskaga soo hor-jeestay, isla markaana ku sifoobay niman u harraaddan dhiigga dadka iyo qalalaasaha, waxayna dadka baddeen barakac iyo macaluul, kuwaas oo isugu faan anigaa kaa tikniko badan iyo anigaa kaa tikniko badan.
Maalin maalmaha ka mid ah waxaan xusuustaa mid ka mid ah qab-qablayaasha dagaalka oo hoobiyayaal ku garaacay suuq ka mid ah suuqyada Muqdisho, taas oo ay goob qudha ku naf-waayeen ilaa 130 haween u badan, laakiin maalin dambe ayey ii suurtagashay inaan waraysi la yeesho hogaamiyihii dilka geystay, waxaana waydiiyey sababta uu dadkaa u laayey, wuxuuna ku jawaabay "Waa caadi, waayo anigaba hoobiyayaal ayaa nalagu soo ridayey oo caano nalooma lisayn.
Sida la ogyahay qab-qablayaasha dagaalka ee Muqdisho ku hirdamaya waa rag dhalasho ahaan isku qabiil ah, laakiin halkii ay dhinaca horumarka iyo wanaagga ka shaqayn lahaayeen waxay halku-dheg ka dhigteen "Cadyohow ku cunay ama ku ciideeyey." Hase yeeshee waxay iswaydiintu tahay dagaal-oogayaashu hadii aanay lahayn caqli ay ku kala baxaan ma kala bixi karaan, jawaabtu waa maya.
Dadweynaha reer Muqdisho waa kuwo ka quustay inay helaan dawlad loo dhanyahay iyo kala dambayn iyo nabadgelyo waarta.
Nidaamkii lagu soo dhisay tuulada Carta ee dalka Jabuuti markii ay timi Muqdisho ma soo kordhin wax ka badan sicir-barar iyo dhaqaale urursi.
Sida la ogyahay shirar ciidaa ka badan oo loogu yeedhay dib-u heshiisiinta Somaliya ayaa lagu qabtay meelo badan oo dunida ka mid ah, laakiin dadka Somaliya ku nooli marka ay maqlaan shir u dib-uheshiineed, kama filayaan dawlad u dhalata, balse waxa keliya ee ay ka filaan waxa weeye dagaal-oogayaal cusub oo kaga soo baxa, waayo wixii shirar la qabtay natiijadoodu may noqon fashilaad keliya ee waxa mid walba ka soo baxay hogaamiye-kooxeedyo cusub. Tusaale ahaan shirkii Carta ka dib waxa soo baxay dagaal-oogayaal cusub, sida: Cumar Dhako-finish oo ka dilaacay hohaamiye-kooxeedka Suudi Yalaxow, Sheekh Aadan-madoobe iyo Xaabsade oo iyaguna ka dilaacay Shaati-guduud, Jaamac Cali Jaamac oo isna ka hoos-dilaacay C/laahi Yuusuf iyo qaar kale.
Laakiin iyadoo la ogyahay natiijooyinkii ka soo baxay shirarkii hore ayaa hogaamiye-kooxeedyadii ku hirdamayey Somaliya mar kale shir la isugu yeedhay magaalada Eldorete ee dala Kenya, shirkaas oo la sheegay inay isugu yimaadeen inka badan 20 kooxood oo ay kooxdiiba ka dhex-muuqdaan dacal dagaal-oogayaal ah , laakiin bilowgii shirkaas waxa hadda ka soo dhex-baxay ilaa 300 oo qab-qable oo aan midna mid waxba u ogolayn, laakiin markii hore waxa lagu yidhi waa inaad shirkaa kaga soo qayb gashaan 300 oo xubnood, waxayse ku yimaadeen 1200 oo xubnood, waxayna markiiba shirka ku af-taxeen hadii hebel laga saarin shirka waan ka baxayaa, wuxuuna shirkaasi ilaa hadda dhaafi la’yahay "I Jiid aan ku jiidee." Sidaa darteed waxay u muuqdaan niman aan kala cabsanayn, caqlina kala kaxaynayn.
Top
|