Shirka Golaha Dhexe Ee UDUB Iyo Madaxweyne Rayaale Oo Loo Caleemo-Saaray Musharaxa Keliya
Somaliland: Wasiirka Qallinka Fudud Iyo Khatarta Shirkadaha Maafiyada Ah
Liiska Xubnaha Ku Soo Baxay Golayaasha Degaanka Ee Hargeysa Iyo Berbera
Somaliland
Forum Oo Deeq U Fidiyay 32 Arday Jaamacadaha Hargeysa Iyo Camuud
Xaglo
Geel Wax Gunti La Geliyo Ka Weyn
Aqoon Is-Weydaarsi La Dagaalanka Faqriga Ah Oo Ka Furmay Jaamacadda Camuud
ODHAAHADA AKHRISTAHA
Dib U Xorayn Ganacsiga Somaliland
Tartanka Qaadlayaashu Yaanu Qas Abuurin
Iftiinka Islaamka
Barnaamijka Horumarinta Ee Qaramada Midoobay (Millennium Development Goals) |
|
Shirka Golaha Dhexe Ee UDUB Iyo Madaxweyne Rayaale Oo Loo Caleemo-Saaray Musharaxa Keliya
|
"Doorashada Soo Socotana Waxaan Idiin Rajaynayaa Guushii Hore Oo Kale" M/Weyne Rayaale
Hargeysa (Haatuf): Xisbiga dawladda ee UDUB golihiisa dhexe ayaa shalay shir-weyne uga furmay magaalada Hargeysa, waxaana shirkaa furay madaxweyne Daahir Rayaale oo ah gudoomiyaha UDUB.
Marka laga yimaado madaxweyne Rayale iyo kuxigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin waxa kale oo iyana shirka UDUB ka soo qayb galay inta badan xubnaha golaha wasiirada, kuwaas oo ka tirsan ururka UDUB, sidoo kale waxa iyaguna shirka golaha dhexe ee UDUB qayb ka ahaa xubno ka tirsan labada gole ee baarlamaanka, odayaasha guurtidu ha u badnaadeene, iyadoo uu gudoomiye-kuxigeenka koowaad ee Guurtida, Sh. Axmed Nuux ka mid ahaa raggii madasha fadhiyey.
Shirweynaha UDUB oo loo qorsheeyey muddo laba maalmood ah waxa ajandayaasha la soo hor-dhigay ka mid ah doorashada musharaxiinta madaxweynaha iyo kuxigeenka, iyo in la kordhiyo tirada golaha dhexe ee UDUB, wax ka bedelka xeerka ururkaa iyo qoddobo kale, laakiin isla shalayba waxa qalinka lagu duugay qoddobadii ugu cus-cuslaa, sida doorashada musharaxiinta madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, taas oo madaxweyne Rayaale iyo kuxigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin si aqlabiyad ah loo ogolaaday inay noqdaan labada musharax (madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa), sidoo kale waxaa tirada golaha dhexe ee UDUB oo markii hore ahaa 90 xubnood waxa laga dhigay 131 xubnood, taas oo lagu daray 41 xubnood, sidoo kale waxa kale oo golaha dhexe ee UDUB lagu kordhiyey 30 oo la sheegay inay kayd yihiin, laakiin Ismaaciil Mire oo ka mid ah shirgudoonka shirkaa ayaa tafaasiil ka bixiyey sababta loo kordhiyey tirada golaha dhexe ayaa yidhi "Sababta keentay in la kordhiyo tirada golaha dhexe ee UDUB waxa weeye, iyadoo ay ururka la bahoobeen ururo kale, sida ILAYS, BIRSOL oo ay gudoomiyhii mooyaane guddigii fulintu ku soo biireen UDUB iyo USIN oo hore uga mid ahaa ururkii ASAD". Sidoo kale Ismaaciil Mire isaga oo ka waramaya waxa loogu talo galay 30-ka xubnood ee kaydka ah wuxuu yidhi "Waxa kale oo jira soddon xubnood oo kayd ah, waayo waxa hawsheedii lagu jiraa inay ururo kale la soo midoobaan UDUB".
Marka laga yimaado 30-ka xubnood ee kaydka ah, 41-ka xubnood ee lagu kordhiyey golaha dhexe ee UDUB 21 ka mid ahi waxay ka soo jeedaan ururkii la odhan jiray ILAYS oo hore ugu biiray UDUB, sidoo kale 9 xubnood-na waxay ka soo jeedaan ururkii la odhan jiray BIRSOL oo ay madaxda UDUB sheegeen inay guddigiisii fulintu marka laga reebo gudoomiyihii ku soo biireen UDUB, hase yeeshee ururadii BIRSOL iyo HORMOOD waxay hore ugu bahoobeen hal urur oo noqday HORMOOD. Sidoo kale 10 xubnood oo ka mid ah xubnaha la kordhiyey waxay ka soo jeedaan ururkii la odhan jiray USIN oo bilowgii madax ka ahaa Maxamed Ismaaciil Bulaale oo markii ka tirsanaan jiray ASAD, laakiin iminka ah xoghayaha guud ee UDUB. Xuseen Aw-Daahir Maxamed oo ka mid ahaan jiray shaqaalaha xafiiska Hargeysa ayaa isna ka mid ah xubnaha lagu kordhiyey golaha dhexe ee UDUB.
Marka hoos loo dhugto nuxurka shirkaa ugu yaraan saddex weji ayuu lahaa: in dib-uhabayn lagu sameeyo ururka, inuu noqdo munaasibad lagu af-taxay xisbinimada UDUB oo ay markii hore naanaystiisu ahayd urur, laakiin shalay isugu bishaareeyey inay yihiin xisbi iyo inuu hordhac u yahay ololaha doorashada madaxtooyada ee qarka inoo soo saarran.
"Gudoomiyaha iyo gudoomiye-kuxigeenka ururku hore ayey u cadeeyeen inay yihiin musharaxiin yaa kale oo musharaxiin ah". Sidaa waxa ku dhawaaqay shirgudoonka, laakiin qof-na musharaxnimada kuma soo labbayn madaxweyne Rayaale iyo Kuxigeenkiisa, Axmed Yuusuf Yaasiin, iyadoo weliba cod aqlabiyad ah lagu ogolaaday musharaxnimadooda, taasina waxay u muuqatay inuu madaxweyne Rayaale si fiican garoonka u xaadhay, ka dib markii uu ka takhalusay xoghayihiisii hore ee ururkiisa, Dr. Cabdi Aw-Daahir oo isagu mar ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay jagada madaxweynaha, kana sharaxan yahay ururka UDUB oo uu markaa xoghayaha guud ka ahaa, laakiin dhawaaqaasi waxa uu aad uga cadhaysiiyey qasriga madaxtooyada iyo taageerayaasha gudoomiyaha UDUB ee ururka dhexdiisa, sidaa darteed-na Cabdi Aw-Daahir waxa markiiba laga qaaday jagadii xoghayaha guud ee ururka UDUB, mar labaadkiina waxa laga xayuubiyey xubinimadii golaha dhexe ee UDUB.
Cabdi Aw-Daahir bilowgii xil ka qaadistiisa wuu is giijiyey, isaga oo ku andacooday inaanay cidda xil ka qaaday oo ahayd xubno guddiga fulinta ahi xaq u lahayn xil ka qaadistiisa, laakiin qoorta ayaa laga soo qabtay, iyadoo ay boolisku debedda uga soo tuureen xafiiska.
Shir-weynaha ururka UDUB, marka laga yimaado ajandayaasha ay meel-marsanayaan , dhinaca kalena waxa uu u muuqday fantasiye loogu dabaal-degayo guushii ay doorashadii golayaasha degaanka ka gaadheen, taas oo ay dadkii codeeyey ugu yaraan 50% hoosta ka xariiqdeen, sidaa darteed madashii shirka waxay hogaamiyayaasha UDUB kaga boorikaaseen inay guul-weyn ka gaadheen doorashadii, iyaga oo doorashada soo socota ee madaxweynahana isu rajeeyey inay ka gaadhi doonaan guul ka balaadhan ta ay ka gaadheen dawladaha hoose.
Madaxweyne Rayaale, inkasta oo oogadiisa laga dareemayey waxoogaa daal ah , hadana may qarsoonayn sida ay isaga iyo ururkiisu isu mahadiyeen, uguna faraxsan yihiin codadkii xad-dhaafka ahaa ee looga suntay doorashadii golayaasha dawladaha hoose ee Somaliland ka dhacday 15-kii bishan Diisambar.
Hogaanka iyo xubnaha kale ee UDUB waxay isugu bishaareeyeen in loo diyaar garoobo doorashada kaabiga inagu soo haysa ee madaxtooyada, iyaga oo isu muujiyey yididiilo weyn oo siyaasadeed. Sidaa darteed gudoomiyaha UDUB, ahna madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin oo khud-bad kooban ka jeediyey furitaankii shirka ayaa dareen rayn-rayn leh ka muujiyey sida uu ururkiisu uga sed-qaaday doorashadii dawladaha hoose, isaga oo ku dooday inuu ururkiisa UDUB yahay ururka haysta taageerada ugu balaadhan, wuxuuna taa markhaati uga dhigtay cadadkii ay ka heleen codadkii dadkii footeeyey 15-kii Diisambar, Hase yeeshee khud-baddii uu madaxweyne Rayaale ka jeediyey furitaankii shir-weynihii ururkiisa waxay ahayd sidan:
"Marka ugu horaysa dhammaan bah-weynta UDUB mahad baan u celinayaa, aniga oo uga mahad-naqaya dedaalkii weynaa ee ay ka sameeyeen doorashadii dalka ka dhacday, waxaana Illaahay uga rajaynayaa inaad doorashada dambena keentaan guushan oo kale. Maanta Somaliland waxaan odhan karaa waa ummad nasiib badan, waadna ogtihiin hareereheena dhibaatooyinka ka taagan, laakiin muwaafaqada aynu leenahay ummad ahaan waa ta ay wax kastaa inoogu suurta-galaan. Berigii dhowayd ee doorashada la qabanayey waxa jirtay maalin aan UDUB halkan kala hadlayey oo aan lahaaSomaliland waxay ku iibsamaysaa doorasho, laakiin kuma iibsamayso muddo-kordhin, balse dad badani, iyagoo niyad wanaagsan waxay ka werwersanaayeen inay doorashadaasi si nabad ah u dhici waydo, hase yeeshee anigu sidaa si gedisan ayaan qabay, aniga oo shacbiga ku kalsoon inuu yahay shacbi dantiisa ka horaysiiya wax kasta oo nabadda isagu ilaashada, ma jirto awood dawladeed oo nabadda lagu ilaaliyaa, sidaa darteed kelmadda aan rag badan oo ururada ah oo ka werwersanaa nabadda ku lahaa waxay ahayd "Dadka waxaynu u sheegaynaa inay nabad ku codeeyaan, wayna ku codaynayaan", nasiib wanaag sidii bay u dhacday.
Hadii aynu nahay UDUB ma jirto cid aynu col la nahay, waayo ururada kale dhammaantood waa wada muwaadiniin, laakiin tartan xalaal ah ayeynu la tartamaynaa, sidaa darteed hadii ay af-lagaado ama cay inooga timaado ururada kale anigu waxaan ku talinayaa inaan lala yooyootamin, laakiin aynu mabda’eena dadka ka dhaadhicino.
Somaliland taariikhda ay maanta marayso waa taariikh cusub, taas oo aan odhan karo waa taariikh ku cusub Afrika, marka la eego dimoqraadiyadda ka socota wadankeene iyo sida aynu taladeena u wadno caalamka mucjisad ayey ku noqotay.
Dad badan oo shalay is barbar dhigayey Somaliland iyo Somaliya maanta la isma barbar dhigayo, waayo maanta caalamka waxaynu ka nahay ummad, iyadoo aan wax bini’aadan ah waxtar ka helin tashanaysa. Dadkii goob-joogayaasha ka ahaa doorashadii ee ajnebiga ahaa wadan badan ayaa hambalyo inoo soo diray, kuwaas oo ay mucjisad ku noqotay sidii aynu doorashada u galay, maanta waxaynu qabsanay waxay noqdeen wax aan la qarin karin, qorax soo baxdayna ciddina sacabka ma saari karto.
Hadaba ururkeena waxa looga baahan yahay inaynu ugu horayn mid ahaano oo aynu noqono dad isku mid ah, waayo mabda’ahaan ururada waxaynu kaga baxsanaynaa qolo-qolo, iska hor-imaad iyo dadkeena oo la qayb-qaybiyo, laga soo bilaabo Ceelaayo ilaa Law-yacado dadka joogaa waa ka mid ururka UDUB, isla markaana bahda ugu weyn ee Somaliland ururkan ayey taageersan tahay, waxaana taa muujinaysa natiijadii doorashada ka soo baxday, sidaa darteed waxa laynaga rabaa dedaal iyo isku xidhnaan iyo talada oo la wadaago, waxa kale oo laynaga rabaa in meel wax loo wada wado, ummadda reer Somaliland-na dhamaanteed waynu u simanahay, waxaynu rabnaa inuu ururkeenu noqdo hogaanka mustaqbalka, ururkanina ma aha mid ku dhamaanaya doorashada ee waxaynu ugu talo gelaynaa inuu noqdo urur qarniyaal jira oo la iska dhaxlo sida xisbiyada wadamada kale ee caalamka, xisbigu waxa noqon doonaa xisbi mustaqbalka xidhiidh la yeeshaa xisbiyada kale ee caalamka.
Maadaama waqtigu inagu yar yahay doorashadii kalena foodda inagu soo hayso waxa lagama maarmaan noqotay inaynu shir degdeg ah isugu nimaadno, kalfadhiganina waa laba maalmood, insha’alaahu kalfadhiga dambena waxa uu noqon doonaa marka aynu ka baxno doorashooyinka madaxweynaha, waxaana inoo rajaynayaa inuu ilaahay guul ina siiyo, ummaddana aynu guul u keeno".
Top
Somaliland: Wasiirka Qallinka Fudud Iyo Khatarta Shirkadaha Maafiyada Ah |
Toddobaadkii tegay dawladda Somaliland waxay heshiis la saxeexatay shirkad ajnebi ah oo magaceeda la yidhaahdo "Inverse international" oo la sheegay inay ka diiwaangashan tahay dalka Britain. Heshiiskaasina waxa uu ku saabsanaa inay shirkadaasi batrool ka qodayso Somaliland, waxaana dawladda Somaliland heshiiskaa u saxeexay wasiirka macdanta iyo biyaha, Maxamuud Cabdi Faarax (Ina cabdi-malow).
Marar badan ayey dawladda Somaliland heshiisyo macdan qodis ama batrool soo saaris ah la gashay xubno ajnebi ah oo la sheegay inay yihiin wakiilo ama masuuliyiin ka socda shirkad caalamiya, laakiin waxa dhaqan noqotay inaan dib loo arag shirkaddii caalamiga ahayd ee heshiiska lala galay.
"Shirkadihii halkan inoogu iman jiray waxay u badnaayeen dilaaliin, laakiin markii aanu aragnay shirkaddan dhukmantigeeda iyo halka uu dhaqaaleheedu gaadhsiisan yahay, isla markaana aanu ogaanay khib-radda ay u leeyihiin batroolka iyo weliba meelaha ay ka soo shaqaysay oo ay ka mid yihiin Suudaan, Sucuudiga iyo Yurub ayaanu heshiiska la galay"sidaa waxa yidhi wasiirka macdanta iyo biyaha Somaliland, Maxamuud Cabdi Faarax oo ka hadlaya munaasibadii uu heshiiska kula saxeexday shirkadda Inverse International Limited, wuxuuna intaa ku daray "Shirkadda Inverse International waa shirkad caalamiya oo jirta, isla markaana aanu hubinay diiwaangelinteeda iyo nidaamkeeda, waxaanuna ku heshiinay inay bisha Jananweri ee sannadka 2003 yimaadaan Somaliland oo ay hawl galaan". Hase yeeshee wax yar ka dib heshiiskaa waxa soo if-baxay warar calaamatusu’aal saaray jiritaankaa shirkadda, iyadoo ay wararku leeyihiin shirkadaasi waxay ahayd maafiyo aan meel-na raad iyo asal maaliyadeed ku lahayn.
Dad kala duduwan oo reer Somaliland, kuna kala nool meelo kala duwan oo dunida, isla markaana ka mid ah dadka u dhuun-daloola arimaha iyo wararka shirkadaha shisheeyaha ayaa soo tebiyey macluumaad iyo xaqiiqooyin daboolka ka qaadaya cidhibta shirkadda "Inverse International Limited", laakiin macluumaadka iyo xogaha waxaanu idiinka soo ururinay warbixin koobaysa sida uu xaalku yahay.
Sida ay xogahaasi sheegeen shirkadda "Inverse International" waxa markii u horaysay dalka Ingiriiska laga diiwaangeliyey 9-kii bishan aynu ku jirno ee Diisambar 2002 oo noqonaysa ugu badnaan toddobaad ka hor markii ay xukuumadda Somaliland heshiiska la gashay.
Shirkaddan waxa masuuliyiin ugu qoran labada qof ee kala ah: Magne Andreas Meier iyo Rakesh Rajan. Laakiin Rakesh Rajan waxa uu ku xidhan yahay shirkad kale oo aad u tiro badan oo ay ka mid tahay shirkadda la yidhaahdo Bushido Security Service LTD, iyadoo uu Rakesh shirkaddan ugu magacaaban yahay agaasime, hase yeeshee Rakesh waxa uu xidhiidh la leeyahay nin magaciisu Somali yahay oo sita Baasaboor Talyaani, ninkaas oo magaciisa la yidhaahdo: Cumar Cismaan waxa uu degan yahay magaalada London (40 Montague Road).
Rajan iyo Cumar Cismaan waxa kale oo ay ku xidhan yihiin shirkado kale oo dhawr ah, laakiin sda ay wararku sheegeeb shirkadaha ay labadaa nin ku xidhan yihiin ma aha kuwo shaqo ku leh qodista batroolka, isla markaana dadka madaxda ka ah shirkadahaasi ma aha dad haysta dhaqaalaha iyo khibradda uu wasiirku sheegay. Hase yeeshee waxa intaas dheer inay labadan (Magne & Rajan) waxay hore madax uga soo noqdeen shirkado sababo dhaqaale dartood albaabada loo xidhay, iyadoo labadii shirkadood ee u dambeeyey la kala xidhay bilihii May iyo Oktoobar 2002. Sidoo kale shirkadaha ay nimankani ku shaqo leeyihiin ma cadda waxa ay qabtaan iyo meelaha rasmiga ah ee ay degan yihiin, waayo ugu yaraan sannadkiiba dhawr goor ayey magaca iyo meesha (Address) laga helo bedelaan. Laakiin laba shirkadood oo ka mid ah kuwa ay ku xidhan yihiin nimankani waxay ku shaqo leeyihiin qashin-qubka (Waste disposal" iyo waxyaalo la xidhiidha, taasina waxay muujinaysaa inay hawlaha kooxdani ka fog yihiin soo saarin batrool iyo wax u dhow.
Kooxdan waxa markii hore looga shakiyey inay yihiin niman dilaaliin ah oo doonaya inay heshiiska ay xukuumadda Somaliland la galeen ay cid kale ka iibshaan oo ay ku khiyaameeyaan, laakiin waxa loo malaynayaa in maadaama ay ku xidhan yihiin shirkado qashin-qubka ka baayac-mushtareeya ay ahaayeen koox maafiya ah oo doonaya inay xeebaha Somaliland qashin ku aasaan. Sidoo kale ninka baasaboorka Talyaanig ah sita ee magaciisu Somaliga yahay waxa looga shakisan yahay inuu si weyn ugu lug leeyahay dilaalista shirkado Talyaani ah oo qashinka sunta Wershadaha Nukliyeerka iyo kuwa kaleba ku daadiya xeebaha Somalida.
Dhinaca kale ninka Somaliga ah ee magaciisa la yidhaahdo Cumar Cismaan waxa kale oo uu ka mid ahaa koox maafiyo ahayd oo dhinaca Somaliya Ruqsad looga siiyey inay furtaan baan loogu yeedhay "Universal Bank of Somaliya", laakiin waxa magaalada Xamar ka heshay mooryaan iyaga ka darran oo ay af ka dhigi waayeen.
Arimuhu sida ay doonaan ha ahaadeene waxa muuqata xaqiiq daaha ka rogaysa shirkadda uu heshiiska la saxeexday wasiirka macdanta iyo biyaha Somaliland inaanay meelna ku lahayn raad sugan, sidaa darteed ay u baahan tahay baadhis aad u shilis si aanay xubnahani mar kale qoryo isu soo marin oo heshiiska maafiyeysan uga saxeexin wasiirka qalinka fudud ee macdanta iyo biyaha xukuumadda Somaliland.
Top
Liiska Xubnaha Ku Soo Baxay Golayaasha Degaanka Ee Hargeysa Iyo Berbera |
Hargeysa (haatuf) Xafiisyada Guddiga doorashooyinka ee Hargeysa iyo Berbera ayaa soo saaray magacyada mudanayaasha golayaasha deegaanka urur walba inta uu kuraasta ka helay. Waxayna kala yihiin sidan:
Hargeysa
ASAD
-
Jaamac Ismaaciil Cige
KULMIYE
-
Ismaaciil Cabdi Cige (Caymis
-
Maxamed Cali Axmed
-
C/laahi Cali Axmed Raage
-
C/Raxmaan Cali Xaashi X. Ismaaciil
SAHAN
-
Maxamed Faarax Xasan (Dayr)
-
Eng: Kayse Yusuf Cali
UCID
-
Maxamed C/laahi Uurcade Jaamac
-
Yuusuf Maxamed Guuleed Boodhleh
-
Cali Xasan Ibraahim Geelle.
HORMOOD
-
Axmed Sandon Xasan
-
Xasan Cabdi Maxamuud
-
Jaamac Iimaan Nuur
-
C/Raxmaan Muxumed Xasan
UDUB
-
Maxamed Axmed Cilmi
-
Eng: Xuseen Muxumed Axmed (Jiciir).
-
C/Raxmaan Yuusuf Axmed Jaamac
-
Aw Ciise Kaahin Warsame
-
Yuusuf Kirix Cawed Diiriye
-
C/Xakiim Maxamed Xuseen Shirdoon.
-
Aaden C/laahi Cali Maxamed
-
Nuur Maxamed Amare Caraale
-
Xuseen Cumar Cabdi Aaden
-
Khadar Axmed Like Muxumed
-
Axmed Maxamuud Jaamac Siyaad
Sidoo kale magaalada Berbera tirada kuraasta deegaanka waxay ahayd 21 kursi iyadoo ay ururadu u kala Heleeen Sidan:
UDUB
-
C/laaahi Maxamed Cali
-
Maxamuud C/laahi Aw Aaden
-
Ibraahim Maxamed Cilmi
-
Nuur C/laahi Beegsi
-
Siciid Daa’uud Cige
-
Maxamed Siciid Ducaale
-
Cabdi Jaamac Ducaale
-
Cawil Cali Sugule
-
Xasan X. Maxamuud Warsame
-
Maxamed Cumar Yaasir
-
Cali Cabdi Guuleed
KULMIYE
-
C/laahi Jaamac Guuleed
-
Jaamac Cilmi Waaberi
-
Maxamuud Maxamed Xirsi
-
Yuusuf Axmed Maxamed
ASAD
-
Maxamed Cumar Cabdi
-
Cumar Aw Xasan Khayre
UCID
-
Maaxamed Cismaan Xasan
-
C/laahi X. Cali Liibaan
SAHAN
-
Cabdi Jaamac Muuse
-
Cali Jaamac Cige
Liiska Musharaxiinta ee magaalooyinka kale ee aan weli na soo gaadhin waxaanu idiin soo gudbin doonaa maalmaha fooda inagu soo haya
Top
Somaliland
Forum Oo Deeq U Fidiyay 32 Arday Jaamacadaha Hargeysa Iyo Camuud |
Hargeysa (Haatuf) Xaflad loo agaasimay 20 arday oo jaamacada Hargeysa ay muddo sanada kharashka waxbarashada deeq ahaan uga bixisay Somaliland Forum ayaa shalay galinkii hore lagu qabtay jaamacada Hargeysa, isla Somaliland Forum waxay deeq 12 arday ah soo gudoonsiiyeen jaamacadda Camuud.
Magacyada ardayda ay Somaliland forum deeqda waxbarasho siisay oo lagu soo xulay dedaalkoodii waxbarasho waxay kala ahaayeen:
Jaamacadda Camuud
Mukhtaar Xasan Maydhane, Khadar Ibraahim Caynaashe, Xasan Axmed Cabdilaahi, Maxamed Xaamud Axmed, Maxamed Cali Axmed, Mustafe Khadar Cabdi, Fadxiya Maxamed Nuur, Yurub C/Raxmaan Muumin, Ayaan Nuur Daahir, Khadra Jibriil Yoonis, Saynab Xuseen Maxamed Aasiya Cabdi Yuusuf.
Jaamacadda Hargeysa
Ayaan Ismaaciil Muuse, Hana Ismaaciil Muuse, Nimco Aaden Ismaaciil, Khadra Abiib Maxamed, Aamina Maxamed Maxamuud, Suhuur Yaasiin Ibraahim, Farduus Muuse Xasan, Faa’isa Maxamed Ibraahim, Sucaad Axmed Xuseen Hibo Maxamed X. Xuseen Nimco Ismaaciil Ibraahim, Faadumo Ibraahim Daa’uud, C/Raxmaan Sulaymaan Jaamac, C/Raxmaan Cali Xirsi, Cumar Jaamac Muuse, C/Raxmaan Nuur Cigaal, Xaashi C/Laahi Xasan, Mukhtaar Muuse Xasan, Cumar Jaamac Muuse, C/Qani Maxamed X. Xuseen.
Gudoomiyaha jaamacada Hargeysa Dr. Cali qaadi wasiir xigeenka wasaarada waxbarashada ismaaciil axmed madar g/k/xigeenka g/wakiilada c/qaadir jirde, dhamaan masuuliyiintaas oo ka soo qayb galay xafladaasi waxay uga mahad celiyeen ururka Somaliland forum deeqda waxbarasho ee ay kharashka kaga bixinayso muddo sanada 32 arday ee jaamacadaha Hargeysa iyo Camuud ka tirsan.
Top
Xaglo Geel Wax Gunti La Geliyo Ka Weyn |
Annaga oo ku hadlayna magaca madaxda iyo taageeerayaasha ururka ASAD ee gobolka Sool waxaanu aaminsanahay in joojintii doorashada laga joojiyey gobolka Sool ay ahayd arin salka ku haysa ujeeddo siyaasadeed oo lagu takoorayo gobolka iiyo ururkaba, isla markaana waxaanu qabnaa inay ahayd musuqmaasaq farshaxamaysan oo ay dejiyeen dawladda iyo ururkeeda UDUB.
Taageerayaasha ururada ee gobolka Sool waxay isu diiwaangeliyeen, una diyaar garoobeen doorashada, codkoodana u dhiibtaan, laakiin taa waxaanu qabnaa inay dawladdu naga hor-joogsatay. Sida darteed dadkii badnaa ee reer Sool ee ay danaynayey ama u diyaar garoobay ka qayb galka doorashada, gaar ahaan taageerayaasha ururka ASAD ee aanu afkooda ku hadlayno. kuma qanacsana sida loo maamulay doorashadii la qabtay, iyadoo meelihii ay ka dhacday cadaalad daro iyo wax is-dhaaf dhaafin lagaga cawday, sidaa darteed waxaanu leenahay kolay hadii aan cadaalad la helayn, dhaarta uun ha la iska daayo.
Maxamuud Barkhadle Cabdi - gudoomiye-kuxigeenka ASAD ee gobolka Sool iyo Siciid Cabdi Jaamac - Gudoomiyaha degmada Laascaanood ee ururka ASAD.
Top
Aqoon Is-Weydaarsi La Dagaalanka Faqriga Ah Oo Ka Furmay Jaamacadda Camuud
|
Boorama,(Haatuf) Guddi ka kooban labaatan aqqonyahan oo ka kala socda jaamacadda cammuud saraakiil ka tirsan laamaha dawladda iyo xubno ka tirsan ururda samafalka waddaniga ah ayaa shalay xaarunta jaamaccada cammuud waxa uga bilowday aqoonisweydaarsi ku saabsan sidii loo soo saari lahaa deraasadd la xidhiidha la dagaalalanka fakhriga iyo kor u qaadidda nolosha shacbiga reer soomaaliland .Hadal furitaan ah oo uu halkaa ka jeediyey prof saleemaan axmed guuleed oo ah guddoomiyaha jaamacadda camuud ayaa waxa uu guud ahaan ka qabgeleyaasha uga warramay ka qaybgeleyaasha muhimadda uu aqoonisweydaarsigani u leeyahay nolosha shacbiga dalka .Prof suleemaan waxa kale oo uu sheegay in aqoonisweydaaesigani daba socdo mid toddobaadkan lagusoo gebegebeyey xarunta jaaamacaddasi oo ay ka qaybqaateen in badan afartaan xubnood oo ka kala socday aqoonyahanno,agaasimayaal iyo ururada
samafaleed. Aqoonisweydaarsigan oo ay soo qabanqaabisay hay'adda UNDP soconayana muddo saddex casho ayaa la filayaa in deraasaddaasi markay soo baxdo loo gudbin doono xukuumadda soomaaliland taasoo looga danleeyey in sannadku marka uu yahay 2015 lagu guuleysto kor u qaadidda nolosha dadka reer Soomaaliland sida uu caalamku ku hesdhiiyey qarnigan.
Dhinaca kale sida uu ku soo waramayo weriyaha haatuf ee Boorama Maxamed Cumar Hay'adda samafalka caalamiga ah ee SCF-Denmark ayaa shalay xarunta AGOOMAHA EE magaaladan boorama u fidisay deeq waxbarasho iyo qalab waxbarasho oo loogu talagalay caruurta ku jita xaruntaasi iyo qaar ka tirsan qoysaska kasoo laabtay xeryaha qaxootiga ee dalka itoobiya .Xidhiidhiyaha hay'adda SCF-Denmark iyo xarunta agoomaha ee Kaalmo mr axmed cige tiigsi oo ka hadlay munaasabaddan ayaa sheegay in deeqdan oo ka kooban kuraas, miisas, qalimaan iyo buuggaag ay ha.addasi ugu deeqday in ka badan konton dhallinyaro ah oo ka tirsan xeradaasi iyadoo qayb kalena siisay deeq waxbarasho ama xirfadeed oo isugu jira dhartolid ,barashada kombiyuutrada iyo mekaanikada . munaasssabadda wareejinta deeqdan oo ay kasoo qaybgaleen waalidiinta ardayda xaaruntaassi iyo saraakiil ka tirsan hay'a ddasi ayaa waxa hadallo mahadcelin ah kasoo jeediyey Cabdiraxmaan sheekh cumar iyo marwo caasha jaamac faarax oo ka kala tirsan guddiga taakuleynta xarunta agoontaasi iyo madaxda xaruntaasi agoonta ee kaalmo iyagoo caddeeyey inayna deeqdani ahayn tii ugu horreysay ama ugu dambaysay ee SCFDenmark ugu deeqdo xarunta agoonta isla-markaana ay deeqdaasi uga mahadcel inayaan deeqdaan wax ku oolka ah.
Top
Doorashooyinka Waxaa Ka Horeeya Diiwaan Gelin Xalaal ah
Doorashooyinkii deegaanka ee 15kii December waxay muujinayaan inaan sinaba looga maarmayn diiwaangelin xalaal ah. Adduunyada codbixiye la diiwaangeliyay oo kaadhkiisa codbixinta xafiisku ka codaynaayo ugu qoran yahay, magaciisuna ku sajilanyahay diiwaanka xafiiska yaal ayaa codeeya, sidaa darteed khaladaadka noocan ahi kama dhacaan. Diiwaangelintii 5ta xarun goboleed iyo caasimadda laga qabanqaabiyay gudiga doorashooyinka waxa fashiliyay iyadoon farsamada ay ku suuroobi lahayd la sugin oon lagu talax tagin, dawladda oo wasaaradeeda arrimaha guduhu ku shaqo lahayd aanay isku xilsaarin, iyo weliba ururada siyaasadda oo kaalintoodii qaadanin.
Haddii aan doorashada madax-weynaha ee soo socota oo haldheeri ah codbixiyayaasha loo sii diiwaan gelin waxa suurta gal ah in khilaaf nabada, wada jirka umadda iyo dimuqraadiyadaba si xun u saameeya ka yimaado ilaahay inaguma keenee.
Talo soo jeedin sideebay diiwaangelin xalaal ahi u suurtoobaysaa?
Waa in marka hore dawladdu iska xilsaartaa dhaqaale ahaan iyo weliba xisbiyada siyaasada oo ka qayb qaata hanaanka farsamo ee suurta gelinaya diiwaangelin xalaal ah dejinteeda, wakiilana u dirta goobaha hawshaasi ka socoto.
-
1.
diiwaangelintu waxay suurto gelaysaa oo keliya 5 xarun goboleed iyo caasimada sababtoo ahiyadoo ay degenyihiin dadweyne population joogta ah oon guurguurin.
-
2.
In la kala saaro isa sajilaada iyo kaadh qaadashada oo la bixin doono hubsiimo ka dib.
-
Isa sajilaada macluumaadka qofka la weydiinayo waxa ka mid
ah:
-
Magaciisa oo 4 ah, magaca hooyadii oo ah 3
-
Aabihii inuu leeyahay naanays macruuf ah
-
Tirada qoyska uu ka soo jeedo
-
Magacyada walaalihii rag iyo dumar iyo da’ahooda
-
Qabiilka ilaa ardaaga hoose ee u ka soo jeedo
-
Magaca caaqilkiisa
-
Farsamo ahaan xaafada dhaw area ayaa loo qaybinaya oo lagu tilmaansanayo goobo mucayin (sida Masjid, iskool, meherad ganacsi...), waxay sahli doonta in la sugo guriga areayada u raacsanyahay.
-
Waxa la weydiinayaa guriga area-da u raacsanyahay.
-
hawsha waxa loo kaashan karaa ardayda dugsiyada sare (form3- form4) ardey kastana waa in u ka hawlgala xaafada uu deganyahay si u uga qayb qaato hubinta.
-
Sidoo kale hawsha hubista waxa lala kaashanayaa shaqsiyaad laga xulay dadka xafiiska iska sajilaya oo ka soo kala jeeda area-yooyinka xaafada loo qaybiyay, shaqsiyaadkaasi fil ahaan way kala duwanyihiin iyagoo laba iyo dhedigba leh (oday, islaan, wiil iyo gabadh)
-
Caaqilada waa lala kaashan doonaa hawsha hubista.
-
Raadka faraha ayaa laga reebayaa qofka isa sajilaaya.
-
Macluumaadkan kor ku xusan (form) warqad qoraal warbixineed hawl-wadeenku ku buuxiyo
-
dadka isa sajilay maalin mucayana ayaa loo qaybinaya inay u soo doontaan isla xafiiska ay iska sajileen kaadhkoodi codbixinta (inta ku najaxda hubinta ayaa qaadan doonta)
-
Kaadh-codbixiyaha waxa ku qoran lambarka iyo (ama) magaca goobta codbixiyaha u ka
dhiiban doono codkiisa.
-
Goobta cod-bixinta diiwaanka yaal waxa ku xusan magacyada iyo macluumaadka 72o qof ee goobtaa loo qorsheeyay inay ka codeeyaan.
-
720 qof in lagu adkeeyo inay xafiiskiiba ka codeeyaan waxay ka soo baxday tijaabadii ay qaadeen gudiga doorashooyinku oo lagu ogaaday in 12 saacadood (6 ilaa 6) 720 qof codayn karaan marka qofkiiba miridh loo qoondeeyo.
Cismaan Cabdilaahi Hargeysa
Top
Dib U Xorayn Ganacsiga Somaliland |
Anigoo ah (Ex. Ganacsadaha), magaciisu hoos ku xusan yahay ahaan raggii qaybta libaax ka soo qaatay halgankii SNM, sida ku cad warbixinaha sooyaalka taariikheed ee ay ka mid yihiin hawlgalkii lagu badbaadiyay (Ina Askar), iyadoo obarayshankii dalka lagu qabtay aan ka mid ahaa raggii talada iyo tusmada ka bixiyay, sidii ay ku suurawday, ayaan waxaan holaday inan mudanayaal idiin soo gubiyo qoraalkan hoos ku qoran sidan ujeeda ku qayaxan.
Ugu horeyn maamul dal dawlad ahaan waa lama huraan inay toos ula wareegto (Import and Export) nasiib darro dhamaan maamuladii JSL kuma ay guulaysan dib xoreynta ganacsigii SL, taasoo keentay fawdo shaqo la’aan ka faa’iidaysi ay ka faa’iidaysteen dawladihii jaarka aynu ahayn, waxaa kaloo xusid mudan in dadka dalka ascaarta soo geliya aanay SL ahayn waqtigan xaadirka ahna ay jiraan xisbiyo badan oo loolan siyaasi ah ku jira, lagama yaabo inay isticmaalaan hanti dhaqaale si dadban ay ugu adeegaan doorashooyinka, taasoo ah dhibaato ka hortageedu mudan yahay.
Ex. Ganacsade Yuusuf Cabdi Xandule (Haliil)
Hargeysa
Top
Tartanka Qaadlayaashu Yaanu Qas Abuurin |
Anigoo in badan qaadle soo ahaan jiray qaadka waa laisku eryi jiray waligiiba waxaanu is-odhan jirnay markaanu isku eryayno qaadka ee aanu wayno cid cunta car markaan mijin tuurab.
Laba tuur markaa la isma-caayi jirn la ismana dili jirin qaadka maanta Hargeysa lagu iibinayo wiigan u dambeeyay sida ay xaaladiisu u socoto khatar weyn baa ka iman doonta oo la isku dilo. Qaadka in lagu tartamaa waa caadi laakiin in rabshad laga abuuro maaha.
Facaa’ilka maalmahan dambe muuqdayna waxay muujinayaan dhaqan aanay qaadlayaahsu hore u aqoon oo haddii aan laga hortegin keeni karaya nabadgelyo xumo. Sidaa darteed waxaan arrintan ogaysiinayaa xukuumadda iyo cidda qaabilsan inay si degdeg ah wax uga qabtaan inta aanay amaan xumo keenin.
Ibraahim Xirsi Hure Dayr waa.
Hargeysa
Top
"Salmaan Inaga Ayuu Inaga mid Yahay Haddaynu Nahay Ahlul Baytka"
Udub-dhexaadka Sheekada Salmaan Al-Faarisi waxay ku soo wareeganaysaa sheekadiisii la xidhiidhay waddooyinkii iyo dhibaatooyinkii uu u soo maray diinta xaqa ah. Waa sheekadii saxaabigii raad-raacayay xaqiiqada iyo diinta xaqa ah.
wuxuu Rasuulka (scw) jeclaan jiray inuu maqlo sheekadii uu ku soo islaamay Salmaan Al-Faarisi .
Sida aan gebeggabada sheekada Salmaan ku arki doonno, wuxuu Rasuulka (scw) jeclaan jiray inuu maqlo sheekadii uu ku soo islaamay Salmaan Al-Faarisi. Maalintii uu Salmaan Al-Faarisi soo islaamayay, uuna sheekadiisa u sheegay Rasuulka (scw), wuxuu markale Rasuulka (scw) Salmaan ka codsaday inuu dib danbe sheekadiisa uga sheekeeyo asxaabta. Marka qiimahaas iyo wanaaggaas weyninka badan ayeey leedahay sheekada saxaabigan la yidhaahdo Salmaan Al-Faarisi.
Bal inta aanan meel kaleba eegin, aynu laf-ahaantiisa u deyno sheekada si uu noogu warramo waxyaabihii uu la kulmay kahor intuuna islaamin.
Salmaan isagoo ka warramaya sheekadiisa wuxuu yidhi: Waxaan ahaa wiil dhalinyaro ah, waxaan degganaa degmada Jayyan ee gobolka Al-Isbihaan. Aabahay wuxuu ahaa guddoomiyaha degmada, dhinaca kalena wuxuu ka mid ahaa dadka deggan degmada kuwa ugu hantida badan uguna magac dheer. Aabahay aad ayuu ii jeclaa. Jaceylkii uu sidaas ii jeclaa ayaa waxaa maalintii danbe ay gaadhay inuu igu xabbiso guriga, sida gabdhahaba loogu hayo guryaha. Waxaan ku dadaalay ku dhaqanka diinta majuusiyadda (diinta la caabudo dabka ama qoraxda), ilaa aan markii danbe ku fiicnaaday hurinta dabkii la caabudayay, waxaana la ii xil-saaray inaan noqdo huriyaha dabka.
Aabahay wuxuu lahaa aseendo (beer) aad u weyn, beertaas ayuuna aabahay aalaaba ka shaqeyn jiray. Mar mararka ka mid ah ayaa wuxuu aabahay ka mashquulay tagistii beerta, sidaa darteed ayaa wuxuu igu yidhi: "wiilkaygiyoow maanta waad aragtaa inaan ka mashquulay tagista beerta, ee waxaad tagtaa beertii oo igala wareeg maanta shaqadii beerta". Waan tagey annigoo u jeeda beerta.
Intii aan waddada socday ayaa waxaan waddada dhexdeeda ku arkay kaniisad ka mid ah kaniisadaha ay ku cibaadaystaan Nasaarada (kiristaanka). Waxaa dhagahayga soo gaadhay dhawaaqoodii iyagoo cibaadaysanaya, arrinkaasna wuxuu soo jiitay baraarugayga. Horey uma aanan aqoonin diinta kiristaanka, taasina waxaa ugu wacnayd iyadoo uu aabahay uu igu xabisay guriga. Markii aan maqlay codkoodii isla markiiba waan u galay bal si aan u arko waxa ay sameenayaan. Markii aan aad u raad-raacay waxa ay sameenayaan ayaa waxaan jeclaystay salaadihii ay tukanayeen, diintoodiina waan jeclaystay waxaana naftayda ku idhi: " wallaahi diintani ayaa ka kheyr badan diinta aynu haysano, wallaahi ayaan ku dhaartaye kama aanan soo tegin ilaa ay qoraxdii ka dhacday oo sidaas ayaanan ku tegin beertii".
Intaa dabadeed waxaan dadkii weydiiyay, meesha iyo xarunta ay ka soo jeeddo diintan, waxayna iigu jawaabeen dhulka Shaam. Habeenkii markii la gaadhay ayaa waxaan ku noqday gurigayaga, waxaana ila kulmay aabahay isagoo i weydiiyay meeshii aan ku maqnaa, waxaana ku idhi: "aabe, waxaan maanta soo ag maray dad ku cibaadaysanayay Kaniisad ay lahaayeen, waxaana jeclaystay qaabkii ay u cibaadaysanayeen, iyaga ayaana iskala joogay ilaa ay qoraxdii ka dhacday". Aabahay aad ayuu arrinkii aan idhi uga argagaxay, wuxuuna igu yidhi: "wiilkaygiyoow diintaas aad sheegtay wax kheyr ay leedahay ma jirto, diintaada iyo diinta ay haysan jireen awoowayaashaa ayaa ka kheyr badan diintan", annigana waxaan ku idhi, maya-wallaahi-diintooda ayaa ka kheyr badan tan aynu hadda haysanno. Hadalkan danbe, aabahay wuu cabsi geliyay, wuxuuna ka cabsaday inaan ka laabto diinta aan haysto, sidaa darteed wuxuu igu xabbisay guriga isagoo labada lugoodna iga dabray.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa ii suurto gashay inaan dibadda u baxsado, dabadeedna waxaan u imid dad haysta diinta Nasaarada, waxaana ku idhi: haddii ay magaallada yimaadaan dad socoto ah oo u socda Gobolka Shaam fadlan ila soo socodsiiya. Wax yar kamaba soo wareegan ilaa ay magaaladii yimaadaan dad socoto ahaa oo u socday Shaam. Markii la ii sheegay dadkaas ayaa waxaan iska fur-furay dabarkii lugahayga ku xidhnaa, sidiina ayaan ku raacay dadkii socotada ahaa.
Markii aanu nimid Shaam ayaa waxaan dadkii weydiiyay ninka ugu fadliga badan ee ka mid ah dadka haysta diinta Kiristaanka, waxaana la ii tilmaamay wadaad ka shaqaynayay Kaniisad laguna magacaabo "Al-usquf". Ninkii ayaan u imid, waxaana ku idhi, waxaan jeclaystay diinta Kiristaanka, sidaa darteed waxaan doonayaa inaan kuu noqdo adeege/khaadim oo aan kuu shaqeeyo, dhinaca kalena aan kaa faa’iideysto kulana tukado salaadaha. Ninkii wadaadka ahaa arrinkii wuu iga oggolaaday, sidiina ayaan shaqaale ugu noqday.
Muddo markay ka soo wareegatay wakhtigaas ayaa waxaan ogaaday inuu ninku ahaa nin aan fiicnayn. Waxaan ogaaday inuu dadku amri jiray inay saddaqaystaan; isagoo intaa u raacin jiray ajarka iyo xasanaadka ay leedahay in lala baxo saddaqada. Dadkii markii ay hantidooda ka saddaqaystaana meeshii uu masaakiinta ka siin lahaa, isaga ayaa keyd ahaan u dhigan jiray maalkaas ilaa uu maalkii ay buuxiyaan toddobo haamood oo dahab ah. Si daran ayaa ninkii wadaadka ahaa uga cadhooday, waxyaabihii aan wanaagsanayn ee aan ku arkay awgeed.
Wax yar kama soo wareegan ilaa uu ninkii wadaadka ahaa ka dhinto, waxaana aaskiisii isugu yimid dadkii Nasaarada (Kiristaanka) ahaa, waxaana ku idhi hadaladan: "Ninkan saaxiibkiina ah wuxuu ahaa nin xun, wuxuu idin fari jiray inaad la baxdaan saddaqo, isagoo arrinkaana idinku boorrin jiray. Hase yeeshee, markaad maalkiina ka saddaqaysataan naftiisa ayuu keyd ahaan ugu dhigan jiray, masaakiintana waxna kama siin jirin!". Dadkii ayaa hadalkii la yaabay, waxayna igu yidhaahdeen: "Halkeed ka ogaatay hadalkan?!". Waxaan ku idhi, annigaa idin tusaya Haamihii uu ku keydsan jiray maalkaas. Waxay yidhaahdeen: "haa-oo-na tusi".
Waxaan tusiyay meeshii uu maalka ku keydsan jiray, waxayna meeshii ka soo saareen toddobo haamood oo laga buuxiyay dahab iyo lacag. Markii ay arkeen dahabkii iyo lacagtii faraha badnayd ayaa waxay soo saareen go’aan tilmaamaya inaanan la aasin ninkii wadaadka ahaa, waxayna yidhaahdeen: "wallaahi aasi mayno", iyagoo intaa kadib daldalay waxayna isagoo meyd ah ku garaaceen dhagaxyo.
Wakhti dheer kama soo wareegan ilaa booskii ninka wadaadka ahaa looga caleemo saaro nin kale. Ninkan cusub ayaan markale laasimay agtiisa. Ma aan arag nin ka adduunyo neceb, kana aakhiro jecel ninkan, dhinaca kalena kaga daa’imid badan xagga cibaadada. Si aan xad lahayn ayaan u jeclaystay, isaga ayaana in muddo ahba iskala joogay.
Hase ahaatee markii ay u timid sakaraatul-mootka (dhimman rabo) ayaa waxaan ku idhi: hebelow yaad ii dardaarmaysaa ama iigu nasteexaynaysaa inaan la joogo adiga dabadaa?. Wuxuu yidhi wiilkaygayow garan maayo ruux sida aan diinta u haysto oo kale u haysta, aan ka ahayn nin ku nool gobolka la yidhaahdo Al-Mawsil (magaallo ku taala Ciraaq). Ninkaasi waa nin aan beddelin diinta uu haysto ee sidaas darteed waxaad tagtaa ninkaas.
Markii uu wadaadkii aan la joogay dhintay, ayaa sidii uu igula taliyayba waxaan u kicitimay ninkii ku noola gobolka Al-Mawsil, markaan u imidna waxaan uga sheekeeyay khabarkayga, annigoo ku idhi: "hebel ayaa adiga ii kaa soo dardaarmay dhimashadiisa agteeda, si aan agtaada u laasimo, isagoo intaas ii raaciyay inaad tahay nin haysta diintii xaqa ahayd ee uu ku sugnaa ninkaas" Ninkii wuxuu igu yidhi, haddaba anniga ayaad ila joogaysaa. Ninkii ayaan haddana iskala joogay, xaalad wanaagsanna waan ka arkay.
Muddo yar markay ka soo wareegatay wakhtigaas ayaa maalintii danbe ninkii geeriyooday. Intuuna geeriyoonin waxyar kahor ayaa waxaan ninkii ku idhi: "hebelow waad aragtaa inuu amarkii Eebbe kuu yimid, annigana xaalkaygu waad aragtaa, ee fadlan yaad adiga dabadaa ii dardaarmaysaa inaan aado?". Wuxuu igu yidhi wiilkaygayow, wallaahi garan maayo ruux diinta u haysta sida aan annaga u haysanno marka laga reebo nin ku nool magaallada Nissiibiin (magaallo ku taala Shaam) ee ninkaas u tag. Ninkii wadaadka ahaa markii la dhigay iilka, uuna dhintay ayaa waxaan u kicitimay ninkii ku noolaa magaallada Nissiibiin.
Markaan u imid ninkii waxaan uga warramay sheekadayda iyo nasteexadii ugu danbeysay ee uu i siiyay wadaadkii aan la joogay, wuxuuna si sahlan igu yidhi: annaga agteena ayaad joogaysaa. Halkii ayaan iska joogay, waxaana la degganaa ninkii wadaadka ahaa. Waxaan ku arkay kheyrkii iyo wanaaggii aan horeba ka arkay labadii nin ee hore. Wallaahi maba sii joogin ilaa uu ninkii haddana ka geeriyoodo, hase ahaatee intuuna dhimman kahor ayaa waxaan ku idhi: "xaalkayga waad aragtaa ee yaad ii dardaarmi lahayd inaan adiga dabadaa la joogo". Wuxuu yidhi, wiilkaygiyow garan maayo ruux diinta u haysta sida annagoo kale aan ka ahayn nin ku nool magaallada Cammuuriya waxaana la yidhaahdo hebel ee ninkaas u kicitim.
Ninkii ayaan u kicitimay, waxaana uga warramay sheekadayda, intaa dabadeedna wuxuu igu yidhi: anniga ayaad ila joogaysaa. Sidiina ayaana ula noolaa ninkaas, wallaahi wuxuu ku tilmaamnaa hanuunkii ay ku sugnaayeen saaxiibadiisa kale. Hanti iyo maal ayaan kasbaday intii aan ninkan la joogay, waxaana haystay lo’ iyo xeyn arri ah.. Intaa dabadeed ninkii waxaa u timid geeridii u timid asxaabtiisii hore oo kale, markay u timid sakaraatkii ayaa waxaan ku idhi, adiga waad og tahay amarkayga iyo xaalkayga sida uu yahay, sidaa darteed adi-ahaantaa yaad ii dardaarmi lahayd dabadaa inaan diinta ka barto, dhinaca kalena maxaan sameeyaa?
Wuxuu yidhi wiilkaygiyow - wallaahi- garan maayo inuu jiro qof dadka ka mid ah oo dunida maanta saaran oo haysta diintii Nasaarada ee aan haysanay annaga.., hase ahaatee waxaa la gaadhay xilligii dhulka carabta laga soo saari lahaa Nebi haysta diintii Nebi Ibraahim (cs). Nebigaas wuxuu ka haajiri doonaa magaalladii uu degganaa, isagoo u haajiri doona magaallo ka baxda timirta waxayna u dhaxeysaa labo buurood dhexdooda. Wuxuu leeyahay tilmaamo aan qarsoomaynin, waxaana ka mid ah inuu qaato haddiyadaha, mana qaato saddaqooyinka, labadiisa garab dhexdoodana waxaa ku taalla shaabaddii Nebinnimada, ee haddii aad awooddo inaad gaadho magaallooyinkaas samee.
Intaa ka dib, ninkii wuu dhintay, isaga gadaashiis waxaan muddo dheer iska joogay magaallada Cammuuriya ilaa maalintii danbe ay magaallada ka soo maraan dad ganacsato carbeed ah, kana dhashay qabiilka la yidhaahdo "Kalbin". Waxaan dadkii ganasatada ahaa ku idhi, ka warrama haddii aan idiin raaco magaallooyinka carbeed, isla mar ahaantaana aan idin siiyo neefafkayga lo’da iyo adhigaba. Waxay yidhaahdeen haa oo waan yeelnay. Waxaan siiyay lo’dii iyo neefafkii adhiga ahaa ee aan haystay, sidiina ayaan nimankii ku raacay.
Waxaan soconnaba waxaanu nimid dooxada lagu magacaabo "waadul-quraa" (waa tog u dhaxeeya magaallada Madiina iyo gobolka Shaam) meeshaas ayeyna igu khiyaaneen nimankii, iyagoo iga iibsaday nin Yahuudi ah, isaga ayaana shaqaale u noqday. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa ninkii wuxuu booqday nin ay ilmo adeerro ahaayeen ahna kana dhashay qabiilka Binii Qureythah, ninkiina ayuu iga iibsaday, wuxuuna ii sii raray magaallada Yathriba (Madiina).
Waxaan arkay timirtii uu ii sheegay ninkii wadaadka ahaa ee degganaa magaallada Cammuuriya, tilmaantii uu magaallada iiga sheegayna waan aqoonsaday oo waan arkay, sidiina ayaa ninkii magaallada kula joogay. Nebigana (scw) xilligaas aan magaallada Madiina imid wuxuu dacwada Islaamka ugu yeedhayay tolkiisii degganaa magaallada Makka, dhinaca kalena ma aan maqlin wax faahfaahin oo warkiisa ku saabsan, mashquulka badan ee addoonnimada igu waajibinaysa darteed.
Haddana, maba sii joogin ilaa uu maalintii danbe Rasuulka (scw) u soo haajiro magaallada Madiina. Wallaahi ayaan ku dhaartaye, waxaan dul-saarnaa geed timir ah, timirtaas oo uu lahaa sayyidkayga, waxaana gacanta ku hayay howl aan saa u badnayn, sayyidkaygana wuxuu fadhiyay geedka timirta hoostiisa markii uu na soo qaabilay nin ay sayyidkayga ilmo adeerka ahaayeen, wuxuuna ku yidhi: Ilaahay ha lacnado reer Banii Qayla (Aws iyo Khazraj), wallaahi hadda waxay ku kulansan yihiin xaafadda la yidhaahdo Qubaa, iyagoo ku kulansan nin ka yimid magaallada Makka welibana wuxuu sheeganayaa Nebinnimo.
Ma aanan maqlin halkan danbe ilaa ay i qabato wax la moodo qandho, sidoo kalena waxaa igu dhacay jiri-raco ilaa aan ka cabsaday inaan ku-kor-dhaco sayyidkayga. Isla markiiba waxaan si dhaqso leh uga soo daaddegay geedkii timirta ahaa ee aan saarnaa, waxaana annigoo is ogeyn ku idhi ninkii: "maxaad tidhi?", bal iigu soo celi wixii aad tidhi... Sayidkayga ayaa iga cadhooday, wuxuuna igu dhuftay dharbaaxo daran, isagoo igu yidhi: maxaa hadalkan kaa galay, u noqo shaqadii aad gacanta ku haysay.
Markii galabtii la gaadhay ayaa waxaan horey u soo qaatay xabbado timir ah, annigoo markaas u jiheestay goobtii uu ku soo deggay Rasuulka (scw). Kolkii aan u soo galay Rasuulka, waxaan ku idhi: waxaa iga kaa soo gaadhay inaad tahay nin suubban, sidoo kalena waxaan ogaaday in asxaabta kula socoto ay yihiin kuwo aan waxna haysan, sidaa darteed waxaan idiin keenay xooggey saddaqo ah oo aan is idhi ma jiro cid idinkaga mudan idinka, intaa dabadeed waxaan timirtii u soo dhoweeyay dhinacii uu xigay Nebiga (scw). Nebiga (scw) ayaa asxaabtii ku yidhi cuna (timirtan).., hase ahaatee isagu ma cunin. Waxaan naftayda ku idhi, mid ka mid ah tilmaamihii hore laguugu sheegay waad heshay.
Intaa ka dib waan iska tagay, waxaana billaabay inaan aruursado xabbado timir ah. Kolkii uu Rasuulka (scw) ka guuray xaafadda Qubaa, uuna u guuray Madiina ayaan markale u imid annigoo sida haddiyad, waxaana Rasuulka ku idhi: "waxaan arkay inaadan cunin saddaqada sidaa darteed waxaan maanta kuu keenay haddiyad aan kugu maamuusayo". Timirtii haddiyadda ahayd ayuu Rasuulka (scw) cunay, sidoo kalena wuxuu asxaabtiisa amray inay la cunaan sidiina ayeey ula cuneen Rasuulka.
Markale ayaa naftayda ku idhi, labo astaamood ayaad heshay, haddana markale ayaan u imid Rasuulkii Alle oo jooga meesha la yidhaahdo Baqiic Al-qarqad (meel markii danbe noqotay xabaalaha) wuxuuna aasayay mid ka mid ah asxaabtiisa. Waxaan arkay isagoo fadhiya qabana labo go’, intaa kadib waan soo wareegay annigoo doonaya inaan eego dhabarkiisa bal si aan u arko shaabaddii (khaatam) uu ii tilmaamay saaxiibkaygii aan ku arkay magaallada Cammuuriya.
Markii uu Rasuulka (scw) i arkay annigoo eegaya dhabarkiisa isla markiiba wuu gartay waxa aan doonayo, wuxuuna tuuray go’ii dhabarkiisa saarnaa. Haddaan eegay dhabarkiiba waxaan durbadiiba arkay khaatamkii (khaatumu-nebinnimada) waan aqoonsaday, isla markiiba korkiisa ayaan ku soo foorarsaday annigoo dhunkanaya jidhkiisa ooyaya.
Rasuulka (scw) ayaa yidhi: warkaagu muxuu yahay?!" Waxaan uga sheekeeyay sheekadayda, Rasuulka aad ayuu u jeclaystay sheekadayda, wuxuuna jeclaystay inay asxaabtana bal ay iga dhegeystaan anniga, waana uga sheekeeyay. Si siyaado leh ayeey ula yaabeen sheekayada, si aan xad lahayna way ugu farxeen.
Nabadgelyada Eebbe (sw) Salmaan Al-Faarisi korkiisa ha ahaato maalintii inta uu baxay isagoo xaqa ka raadinaya meel kasta.
Nabadgelyo Salmaan Al-Faarisi korkiisa ha ahaato maalintii uu xaqa garowsaday isla markiiba rumeeyay iimaan dhab ah.
Nabadgelyo Salmaan Al-Faarisi korkiisa ha ahaato maalintii uu dhintay iyo maalinta la soo saaray isagoo nool
Top
Barnaamijka Horumarinta Ee Qaramada Midoobay (Millennium Development Goals) |
Q:4aad ---- hirgelinta barnaamijkan waxa u xil-saaran oo noo soo gudbisay UNDP
Bartilmaameedka 10aad
Sanada 2015- saamiga dadka aan haysan biyo nadiifa oo joogta ah
Hirgelinta
-
Saamiga dadka ee aan haysan fursad lagu horumariyo ilaha biyaha.
Bartilmaameedka 11aad
Sanada 2020 in la fuliyo horumar (100) boqol milyan oo ah dadka ku nool xaafadaha isku raranta ah ee guryaha ay ku nool yihiin aanay nadaafad ahaan qaab ahaan nolosha ku haboonayn.
Hirgelinta
-
Saamiga dadka ee leh fursad ku horumariyaan nadaafada.
-
Saamiga dadka ee joogtayn kara nadaafada.
Hiigsiga 8aad
Horumarinta wadaaga guud ee horumarinta adduunka.
Bartilmaameedka 12aad
In la abuuro ganacsi iyo qaab maaliyadeed ku dhisan shuruuc.
Hirgelinta
-
(ODA) Gargaarka horumarinta ee rasmiga ah
-
addeega aasaasiga ah ee bulshada waxbarashada daryeelka caafimaadk aasaasiga ah (phc), nafaqaynta, biyaha nadiifta ah iyo nadaafada
Bartilmaameedka
13aad
Xusida gaarka ah ee dalalka ugu liita dunida xaga horumarka
Hirgelinta
-
Saamiga Gargaarka rasmiga ee horumarinta ee midaysan.
-
Saamiga Rasmiga ah ee gargaarka horumarinta ee jasiiradaha yar yar ee dalalka soo koraya deegaankooda.
-
Saamiga horumarinta gargaareed ee rasmiga ah dhinaca gaadiidka dalalka aan dekedaha lahayn.
Bartilmaameedka 14aad
Xusida baahida gaarka ah ee dalalka aan dekedaha lahayn ee jasiiradaha dalalka soo koraya ee Afrika
Fursadaha
suuqgeynta
Hirgelinta
-
Saamiga dhoofinta ee aanay ku jirin hubka iyo hawlaha milatari oo loo ogolaado canshuur la’aan
-
Isku celcelinta qiimaha waxyaabaha ka soo baxa beeraha iyo dharka
-
waxsoosaarka beeraha ee dalka gudihiisa iyo kan dhoofka ee wadamada OECD
-
Saamiga Gargaarka horumarinta ee rasmiga ah (ODA) ay ku caawinayso dhismaha Ganacsiga la isweydaarsado
Bartilmaameedka 15aad
Heshiis balaadhan oo koobaya dhibaatooyinka amaahaha ee ka dhaxeeya dalalka soo koraya iyo kuwa hore u maray iyo la hawlgalinayo wadan walba iyo heer caalami is ay dayntaasi u noqoto mid waqti dheer lagu bixiyo
Hirgelinta- Gacan ku haynta Amaahaha
-
Saamiga Amaahaha ee Heshiis laba dhinac lagu saamaxay
-
Amaahda ku timid Adeega dhoofinta iyo adeega ee Boqolkiiba (%)
-
Saamiga Gargaarka Horumarinta ee Rasmiga ah iyadoo laga caawinayo Amaahaha.
-
Tirada Wadamaada gaadhay go’aamo lagu dhamaystirayo Amaahaha.
Bartilmaameedka 16aad
Iskaashii lala yeesho wadamada soo koraya, la dhiso, lana hawlgaliyo siyaasad lagu horumarinayo shaqooyin ku haboon oo waxtar leh.
Dhinaca dhalinyarada
Hirgelinta
-
Heerka dadka aan shaqooyinka hayn ee dadoodu tahay 15 jir ilaa 24
jir
Bartilmaameedka 17aad
Iskaashiga lala sameeyo shirkadaha daawooyinka sameeya (Pharmacentials), si ay ugu geeyaan daawooyinka caafimaad ee lama Huraanka ah dadka soo koraya.
Hirgelinta
-
Saamiga dadka ee loo sameynayo dariiqa ay ku heli lahaayeen daawooyinka caafimaad ee lagama maarmaanka ah.
Bartilmaameedka 18aad
Iskaashi lala sameeyo shirkadaha gaarka ah ee ganacsi oo la sameeyo fursadihii ay ku macaashi lahaayeen ee dhinaca farsamooyinka casriga, wararka ganacsi ee khaaska ah iyo isgaadhsiinta.
Hirgelinta
Khadka telefoonada ee kunkii qofba
Kombuyuutarada uu qofku qaadan karo (1000) qofba.
Hay’ada UNDP waxay u isticmaalaysaa si ay u hirgaliso barnaamijka horumarinta adduunka ee Millennium (MDG), habka lagu magacaabo (Swot) (Strongth, Weakness,) (Opportunity, Theats), qaabkan waxay hay’adda UNDP u adeegsanaysaa deegaanada la doonayo in laga hirgeliyo barnaamijkan horumarinta ee Millenium, qaabkani wuxuu ku caanyahay ee dunida iskaashiga leh, iyadoo tiro dadi ay isugu imanayaan kulan ama kulamo si ay isku waydaarsadaan fikiro ku saabsan arrinta laga hadlayo horumarinteeda habka SWOT meelaha ay u adeegsato UNDP waxaa ka mida dhulkii la isku odhan jiray Soomaaliya.
Top
|