Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1092 Apr. 24,2006

Maraykanka Oo Shaaca Ka Qaaday Magacyada
Soomaali Ku Jirta Xabsiga Guantanamo Bay Hanjabaadda Maraykanka, Baaqa Usaama Binu Laden Iyo Dagaalka Ka Aloosan Muqdisho

“Markii Ugu Horeysay Ayey Somaliland Imanayaan Wefti Baarlamaan Oo Ka Socda Saddexda Xisbi
Ee Ka Jira Dalka Ingiriiska”

Sannad Ka Hor Maanta Oo Kale Daadadkii
Burburiyay Biriijkii 2aad Ee Caasimadda
Iyo Ceebta Dhabta U Saaran Hargeysa

Gudida Wanaag-Farista Oo Wasiirka Diinta Ku
Eedeeyey Inuu Cabudhinayo Hawlahooda Wacyigelinta

Hay’adda WHO Oo Qalab Fayo-Dhawr
Gudoonsiisey Wasaarada Caafimaadka

Hayadda OCHA Ha Daba Gasho Deeqdii Abaaraha Sanaag Ee Ay Ugu Dhiibtay Hay’adaha
Candlelight Iyo PENHA

Qaybtii 2aad: Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Wasaaradda Qorsheynta Iyo Hay’adaha

Goormaad Ka Ilbixi Ictiraaf Iyo Nabad Galyo Lagugu Khuukhiyo?

Xaalada Guud Ee Dalka Koonfurta Africa
Iyo Dhibaatada Soomaalida Hadhaysay!


Maraykanka Oo Shaaca Ka Qaaday Magacyada Soomaali Ku Jirta Xabsiga Guantanamo Bay Hanjabaadda Maraykanka, Baaqa Usaama Binu Laden Iyo Dagaalka Ka Aloosan Muqdish

Washington April 24, 2006 (Haatuf) – Dalka Somaliya ayaa haatan u muuqda mid ay isla soo galayaan Xulafada Maraykanka ee la dagaalanka Argagixisada loogu yeedho iyo xoogaga ka dhanka ah ee ka soo horjeedaa iyadoo maalmahan ay soo baxayaan ifafaale arintaasi muujinayaa kadib markii ay maalmahan dalka Somaliya si weyn u hadal haysay dawlada maraykanku islamarkaana Usaama Binu Laden ayaa hadal uu shalay jeediyey ku daray xaaladda Somaliya.

Haatana Xukuumadda Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday magacyada iyo halka ay ka soo jeedaan maxaabiis ku xidhan gacanka Guantanamo Bay oo ay ku jiraan Rag Somali ahi.Ilaa 558 Muxbuus oo ka soo kala jeeda dalal badan oo caalamka ka mid ah ayaa la faafiyey magacyadooda iyo halka ay u dhasheen ku waasi oo 2 ka mid ah maxaabiistaasi la sheegay in ay ka soo jeedaan ama u dhasheen dalka Somalia, iyagoo ku eedeysan falal argagixiso iyo inay xidhiidh la la haayeen ururka Al-Qaacida ee uu hogaamiyo Usama Bin Laden iyo ururka Daliban ee ka talinjiray jirey dalka Afghanistan.

Somalia oo lambarka 19aad kaga jirta liiska ay soo bandhigtay wasaaradda Gaashaandhigga ee Mareykanku ayaa labada nin ee Somalida ah waxa magacyadooda lagu kala sheegay:-
1. Maxamed Suleyman Baarre
2. Maxamed Xuseen C/laahi
Waxaana la tilmaamay in lagu qabtey bilowgii howlgalkii Militari ee Mareykanku uu ka fuliyay meelo ka mid ah dalka Afghanistan sanadkii 2001 dii.Waa markii ugu horeysay ee Muddo 5 sano ah la shaaciyo dad Somali ah oo ku eedeysan falal argagixiso, kuna xidhan Gacanka Guantanamo Bay oo ay ku jiraan 490 maxbuud oo kale oo aan ilaa hadda la shaacin magacyadooda, kuwaasi oo ku xidhan xabsigaasi.Madaxa Sirdoonka Mareykanka John Negra Ponte ayaa Sabtidii la soo dhaafay cadeeyay in maxaabiistan la soo taagi doono bilaha inagu soo aadan maxkamad Militari oo ku taala magaalada Washington.

Xukuumadda Washington ayaa hore u sheegtay in ay jiraan tuhuno ay ka qabaan kooxo asal raac ah oo ku sugan gudaha Somalia oo xidhiidh uu ka dhaxeyo ururka Al-qaacida.Magaalada Muqdisho ayaa waxa ka jira Xiiso dagaal oo u dhaxeeya Midowga Maxkamadaha oo Washington ay aaminsan tahay in ay xidhiidh la leeyihiin ururka Al-qaacida iyo Isbaheysiga la magac baxay soo celinta nabadda iyo la dagaalanka argagixisada oo la aaminsan yahay in dhismihiisa ay ka dambeyso xukuumadda Washington.

Xukuumadda Washington ayaa hore ugu eedeeysay Maxkamadaha islaamiga ee Muqdisho in ay ku howlan yihiin dhismaha dowlad islaami ah oo la mid ah Tii Burburtey ee Daaliban taasi oo ku hanjabeysa dhibaato ay u geysato danaha Mareykanka ee gobolka Geeska Afrika.
Xubno ka tirsan isbaheysiga la baxay la dagaalanka argagixisada ayaa hore u shaaciyay in ay jiraanshakhsiyaad ku eedeysan falal argagixiso oo ku dhuumaaleysanaya gudaha Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay gabaadsiiyaan midowga maxaakiimta islaamiga, laakiin Maxaakiimta islaamiga ayaa iska fogeeyay dhamaan eedeymaha loo soo jeediyay, iyagoo isku sheegay in ay ka shaqeynayaan nabadda iyo la dagaalanka musuqmaasuqa iyo dambiyada.

Dagaalo dhowaan laba jeer ku dhex maray magaalada Muqdisho Midowga maxkamadaha islaamiga iyo isbaheysiga soo celinta nabadda iyo la dagaalanka argagixisada ayaa waxa ku geeriyoodey in ka badan 150 ruux halka tiro ka badan 300 oo kalena uu dhaawac ka soo gaadhay, mana jiraan ilaa iyo iminka xal laga gaadhay dagaaladaasi.Dhinaca kale, Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka, Safaaradda Mareykanka ee Nairobi iyo Ciidamada Badda Mareykanka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay xaaladda Soomaaliya, iyadoo maalmahan soo saarayay warar iska horjeeda oo ku saabsan magaalada Muqdisho.

Safaaradda Mareykanka ee Nairobi oo siyaasad ahaan ah halka la macaamisha Soomaaliya ayaa soo saartay warsaxaafadeedkii ugu horeeyay ee ku saabsan Soomaaliya muddooyinkan waxayna ka codsatay hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay ka waantoobaan dagaal Muqdisho ka dhaca ayna baadi goobaan wadahadal iyo dib u heshiisin lagu gaadho waanwaan.

"Daandaansiga iyo dagaallo ka qarxa Muqdisho waxay u adeegayaan oo kaliya kuwa xagjirka ah" ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka Safaaradda Mareykanka ee Nairobi oo sii raaciyay: "Mareykanku wuxuu ugu baaqayaa Soomaalida oo dhan inay ka wada shaqeeyaan xasiloonida magaalada Muqdisho". Safaaradda oo ilaa iminka diidan inay ka hadasho gacanta Mareykanku ku leeyahay dagaalada Muqdisho iyo taageero la sheegay inuu siiyo hoggaamiyeyaasha dhisay Isbaheysiga argagixiso la dirirka ayaa baaqeedani uu yahay mid mugdi weyn ku xeeran yahay.
Balse Dowlada Mareykanka ayaa diiday wararka sheegaya in ay ogolaadeen inay ilaaliyaan biyaha Soomaaliya si ay ula dagaalamaan budhcad badeeda Soomaaliya Bayaan ka soo baxay waaxda arrimaha dibada Mareykanka ayaana ku gacan seydhay hadalo uu jeediyey Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed oo ahaa inuu heshiis kula galay ciidamada Mareykanka inay ilaalo ka qabtaan xeebaha Somaliya oo ah mid ka mida xeebaha ugu halista badan aduunka.
Geedi waxa uu u sheegay barlamaanka Soomaaliya oo fadhigiisu yahay magaalada koonfdurta

Soomaaliya ku taalla ee Baydhabo inuu heshiis la galay danjiraha safaarada Mareykanku uu ku leeyahay Nairobi. Laakiin waaxda arrimaha dibada Mareykanka ayaa sheegtay in ay dhaceen wadahadalo ku saabsan in iskaashi laga yeesho la dagaalanka budhcada, laakiin ayna jirin wax heshiis ah oo la gaadhay. Dhinaca kale, Ciidamada Mareykanka ayaa sheegey in dalalka ku yaala Geeska Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya ay ka fulinayaan mashaariic kobcineed, taasoo ay ka qeyb ka ah la dagaalanka argagaxisada.Sarkaal sare oo ka tirsan Milatariga Mareykanka Sgt. Curtis Brownhill ayaana sheegay in Xoogaga Mareykanka ee ku sugan Jabuuti ay kula socdaan Gobolka siyaasad aan caadi aheyn oo lagula dagaalamayo argagaxisada , waxaanu ku sheegay Fulinta Mashaariicdaasi yaryar ay tahay mid dhabaha u xaadheysa la dagaalanka argagaxisada.

Mareykanka ayaa ololihiisa baacsiga Firdhadka Alqaacida kala qeybqaadanaya haatan Xoogag Faransiis ah oo saldhig ku leh dalka Jabuuti , kuwaasoo ilaalo ka haya dhaqdhaqaaqa Badda Cas.
Dhinaca kale, Hogaamiyaha ururka Al-qaacida Usama Binu Laden ayaa dhaleeceeyey dagaalka uu ku tilmaamay inay reer galbeedku ku hayaan Muslimiinta, isaga oo soo qaaday dhibaatooyinka ka taagan Ciraaq, Bakistan, Sudan, Chechnya, Somaliya iyo goobo kala duwan oo ka mid ah dhulka muslimiinta, kaas oo uu ku tilmaamay dagaal ay wadaan Saliibiyiinta iyo sahyuuniyiinta oo ka dhan ah ummadda Islaamka.

Usama waxa uu sidaa ku sheegay cajalad Video ah oo shalay laga sii daayey Television-ka Al-jazeera, isaga oo ku nuux-nuuxsaday sida ay daruuri u tahay in la ciqaabo kuwa aflagaadeeyey Rasuulka (SCW) ee fidiyey sawir gacmeedyada lagu daabacay Wargeysyada reer Galbeedka.
Waxa kale oo uu ugu baaqay dhalinyarada Muslimiinta inay raacaan amarkii illaahay (SWC) iyo amarka Rasuulka (SCW), isla markaana waxa uu cambaareeyey kuwa ku dheel-dheelaya islaamka iyo waxa uu ku tilmaamay kuwa ka taliya dalalka carabta oo uu ku eedeeyey inay ciyaarayaan door xaqiiqada ka fog oo la mid ah sidii ay sameeyeen intii aan Ciraaq lagu duulin.
Hadalkiisaasi waxa kale oo uu ku dhaleeceeyey qaramada midoobay oo uu ku tilmaamay mid ay samaysteen reer galbeedku, ayna ku fushadaan danahooda, si ay u guumaystaan shucuubta adduunka.

“Awooda Veto, waxa ay daliil cad u tahay amar-ku-taaglaynta reer galbeedka iyo inay burburiyaan caqiiqadada iyo mabaadii’da saxda ah, ayna fushadaan danahooda adoonsiga ah, taasi oo ka soo horjeeda Jihaadka illaahay dartii iyo in la difaaco nafta iyo wadanka, taasi oo ay ku tilmaameen argagixiso, waxa kale oo ay ka soo horjeedaan in dawladaha Islaamku ay xubin joogto ah ku yeeshaan golaha amaanka, iyada oo ay shanta xubnood ee daa’imka ah qaybsadeen quwadaha isbahaystay, waxaana ku adeegsada gaalada oo ku dhaqan geliya qaraarada Saliibiyiinta iyo Sahyuuniyiinta, waxaana ka mid ah dagaalka ay inagu hayaan iyo kala qaybsanaanta ay ku rideen dhulkeena” ayuu yidhi Usama Binu Laaden.

Mar uu soo qaaday dalka Suudaan waxa uu sheegay inuu ka socdo dagaal ay wadaan reer galbeedku oo ka horjeeda Muslimiinta, si koonfurta looga gooyo waqooyiga, isaga oo ku eedeeyey inay abuureen ciidan balaadhan oo dhinaca koonfureed ah, kaasi oo uu sheegay in Maraykanku balan-qaaday inuu siiyo taageero dhaqaale, iyada oo ay fulinayso arrintaasi qaramada midoobay. Isaga oo la hadlaya madaxweynaha Suudaan Cumar Al-Bashiir, waxa uu yidhi “Ha ogaado Cumar Al-bashiir heshiiska uu la galay Bush in aanu ahayn mid midho-dhal ah oo aanu fulinayn waxyaabaha ku qoran, macquulna maaha in Koonfurta laga gooyo waqooyiga, waxaana xaaraan ah in dhul muslimiintu leeyihiin la gooyo”.

Waxaanu ku eedeeyey Maraykanka inuu isku dayayo inuu fidmo ka dhex abuuro galbeedka Suudaan, isaga oo ka faa’iidaysanaya khilaafaadka ka dhex-jira qabaa’ilka halkaa wada dega, si uu u xado khayraadka dhulkaasi, waxaanu ku booriyey kuwa uu ugu yeedhay mujaahidiinta inay u diyaar-garoobaan sidii loo geli lahaa dagaal dheer oo lagaga horjeedo saliibiyiinta fad-qalalada ka wada galbeedka suudaan.

Waxa kale oo uu soo qaaday ururka Xamaas ee ku guulaystay doorashadii ka dhacday Falastiin, taasi oo uu ku tilmaamay in diidmada lagala hor-yimid qay qayb ka tahay dagaalka Saliibiyiinta iyo Sahyuuniyada ay ku hayaan Muslimiinta. Waxa kale oo uu soo qaaday dhibaatooyinka ka taagan Bakistan, Afgaanistaan, Ciraaq iyo Somaliya, oo uu sheegay in dhibaatooyinka ka taagan ay yihiin kuwo qayb ka ah dagaalka ay ku hayaan muslimiinta reer galbeedku.Arintani waxa ay ku soo beegantay iyadoo Dagaal qadhaadhi uu shalay ka bilowday Degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac iyada oo dagaalkuna uu dhex maray laba maleeshiyo.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Baydhabo Dagaalkan ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 4 qof oo laba kamid ahi ay ahaayeen dad rayid ah iyo tiro dhaawac ah oo intaas ka badan.
Maleeshiyooyinka Dagaalku uu dhexmaray oo kala taabacsan Cabdi Nuurre Siyaad oo xubin ka ah isbaheysiga la dagaalanka argagixisada iyo maleeshiyo deegaanka gacanta ku heysa ayaa la isku adeegsaday hubka fudud noocyadiisa kala duwan.

Cabdi-waal ayaa fadhiisin ka sameystay inta u dhaxeysa Afar irdoodkii hore iyo saniimoogii Xamar taasoo keentay inay isku dhacaan maleeshiyo isaga taabacsan iyo kuwo hore ugu sugnaa degaankaasi oo iyagu diidan inuu fadhiisin ka agsameysto, waxayna arrintani sababtay inay is rasaaseeyaan labadaasi dhinac, waxayna maleeshiyooyinka ka tirsan degaanka X/weyne ku doodayaan inuu iskaga guuro degaankoodaDagaalka ayaa markii danbe yara qaboobay abaarihii 12 kii duhurnimo balse hadana waxa la maqlayay dhawaaqa rasaasta oo goos goos aheyd.
Goobaha sidaa aadka ah loogu dalaamay ayaa waxa kamid ahaa agagaarka koleejo Nove, iyo xaruntii hore ee gobolka Banadir.

Gudoomiyaha Midowga maxkamadaha Muqdisho oo shir Jaraa'id ku qabtey xarunta maxkamadaha ee muqdishob ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay degmada X/weyne uu yahay mid u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo maleeshiyooyinka isbaheysiga la dagaalanka argagixisada, isagoo sheegay in markii hore ay maxkamaduhu u haysteen in dagaalku uu yahay mid u dhaxeeya xubin ka tirsan isbaheysiga la dagaalanka argagixisada iyo dadka deegaankaasi, laakiin haatan ay ogaadeen inuu yahay mid ay ku wada idil yihiin dhamaan xubnaha isbaheysiga la dagaalanka argagixisada.
Sheekha waxa uu intaa ku daray in midowga maxkamaduhu aaney ku jirin dagaalkii Degmada X/weyne, balse ay ku biiri doonaan dhinacyada dagaalamaya, oo ay garab siin doonaan dadka deegaanka hadii xubnaha isbaheysiga la dagaalanka argagixisada aaney si deg deg ah u joojin dagaalka ay ka wadaan degmadaasi.
 

Top


“Markii Ugu Horeysay Ayey Somaliland Imanayaan Wefti Baarlamaan Oo Ka Socda Saddexda Xisbi Ee Ka Jira Dalka Ingiriiska”C/fataax Siciid Axmed– Xidhiidhiyaha Jahliyadaha Somaliland iyo Xukuumada

Hargeysa, April 24, 2006 (Haatuf) – Xidhiidhiyaha Xukuumadda Somaliland iyo Jahliyadaha dibada ee Yurub C/fataax Siciid Axmed ayaa sheegay in dhowaan dalka Somaliland ay imanayaan wefti ka socda Baarlamaanka Ingiriiska oo isugu jira saddexda xisbi ee ka jira dalkaasi.Waxaanu sidaa ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Haatuf, isaga oo dhowaan ka soo laabtay dalka Ingiriiska, wareysigaasi waxa kale oo uu kaga hadlay waxyaabaha u qabsoomay mudadii uu xilkaa hayey iyo guud ahaanba xaaladaha ay ku sugan yihiin jahliyadaha reer Somaliland ee dalalka Yurub oo uu sheegay inay u bislaadeen kala saarida arrimaha axsaabta iyo danaha qaranka.
Isaga oo faah-faahin ka bixinaya waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu xilka hayey, waxa uu yidhi

“Runtii markii uu madaxweynaha Somaliland ii magacaabay inaan xidhiidhiyo jahliyadaha Somaliland ee Yurub iyo xukuumadda waxa ka soo wareegtay saddex sanno. Markaasi jahliyad kasta gaar ayay u taagneyd, balse waxaan mudadaa suurto-geliyey inay jahliyaduhu wada xidhiidhaan, taasi oo aan rajaynayo inaan sii balaadhino habka ay jahliyaduhu u wada xidhiidhaan oo aanu gaadhsiino jahliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Maraykanka. Waxa kale oo jira shirar aanu sannadkiiba laba jeer ku qabano dalka Ingiriiska oo ku saabsan sidiimashaariic wax-qabad looga hirgelin lahaa dalka gudihiisa oo inta badan ay u dhaqdhaqaaqaan ururo bulsho oo dalkaa ka dhisani oo ay ka mid yihiin mashruuc waxbarasho oo dhowaan laga hirgelinayo magaalada Burco, mashaariic kale oo iyagana laga hirgelinayo Hargeysa iyo meelo kale oo ka mid ah dalka, runtiina waxaanu dadweynaha jahliyadaha Somaliland ku dhiiri-gelinaa inay wadanka maal-gashadaan oo ay wax ku soo kordhiyaan.

Dhinaca kale, waxaanu ku guda-jirnaa inaanu marti-qaad u samayno saddex xubnood oo ka mid ah guddida dhismaha Biriijka Hargeysa oo ay iska soo saaraan guddidu, kuwaas oo ay ka mid yihiin Sh. Maxamed Cumar Dirir, Badhasaabka Gobolka Hargeysa C/laahi Cirro iyo Maxamed Shukri, iyagana waxaanu ku hawlan-nahay qaban-qaabadii ay ku tagi lahaayeen dalalka Yurub, si ay uga qayb-qaataan dhismaha Biriijka Hargeysa, runtiina arintaa diyaar bay u yihiin inay ka qayb-qaataan sida guddidan oo kale oo Sh. Dirir ka mid yahay caalimkii weynaa”.

S: Arrimaha Ictiraafka Somaliland maxaad ka qabatay?
J: Run ahaantii arrimaha ictiraaf doonka Somaliland dhaqdhaqaaqyo badan ayaanu ka samaynay, waxaanay dawladda Ingiriisku wakhtigan xaadirka ah u aragtaa u mid gaar ah, waxaanay go’aan ku gaadhay Bisha July mucaawinooyinka in 40% la siiyo Somaliland, inta soo hadhayna la siiyo Somaliya, waxaana Somaliland imanaya wefti ka socda baarlamaanka oo isugu jira saddexda xisbi ee Ingiriiska iyo wefti kale oo ka socda wasaarada arrimaha dibada ee Ingiriiska, runtiina Somaliland caalamka wakhtigan wuu u soo jeedaa, waxaana rajaynaynaa hadii illaahay yidhaa in Somaliland la ictiraafi doono sannadkan ama ka soo socda, waxaana jira in markii 1-aad ay dawladda Ingiriisku safiirkeeda u fadhiya Koonfur Afrika ay u soo jeedisay inuu ka hawl-galo sidii Somaliland loo ictiraafi lahaa ee ay uga qayb-qaadan lahayd dawladda South Africa iyo dalal kale oo Afrika ka tirsanba. Waxaanay imika Dawlada Ingiriisku culayska saaraysaa sidii dawladaha Afrika ay ugu horeyn lahaayeen aqoonsiga Somaliland.

S: Waxa dhacda in dadka qurbaha ka soo noqda iyo dadka ku dhaqan gudaha wadanku ay xaga dhaqanka iyo is-fahamka isla garan-waayaan, markaa ma idiin qorsheysan tahay in hay’ad xidhiidhisa oo ka shaqaysa dadka ku soo guryo noqonaya dalka la hirgeliyo?
J: Runtii way jirtaa in dadka ka soo noqonaya dibaduhu ay la kulmaan mararka qaarkood mushkilado dhinacyada dhaqanka iyo afka ah oo aanay qaarkood Af-Somaligaba garanayn oo ay dibadaha ku dhasheen, runtiina mar horena waa kala hadlay wasiirada ku shaqada leh, sidii hawlahooda loogu fududayn lahaa dadka qurba jooga ah ee dalka ku soo noqonaya, runtiina dadka dibadaha ku dhaqani waa dad muhiim ah, Hay’ada IMF daraasad ay maalin dhoweyd ku samaysay lacagaha ay dadka reer Somaliland wadanka soo geliyaan waxay ku sheegtay in 750 milyan oo dollar ay Somaliland geliyaan dadka dibadu, labada sannadood ee soo socdana waxay sheegeen inay gaadhayso Laba Bilyan oo dollar, runtiina waxaan soo jeedinayaa in la ixtiraamo oo la soo dhoweeyo dadka reer Somaliland ee Jahliyadaha dibadaha ee aan wakiilka ka ahay, waxaanan ku talo jirnaa sidii looga samayn lahaa dalka gudihiisa xafiis ka shaqeeya hawlaha jahliyadaha dibadaha iyo dadka qurbaha ka soo noqonaya.

S: Dadka qurbaha ku maqani waxay inta badan maaliyadooda geliyaan guryo la dhiso oo weliba kharashaad badani kaga baxo, markaa ma isku daydeen in dadku dhaqaalahooda u leexiyaan wax-soo-saarka si dadkuna shaqooyin uga helaan?
J: Runtii arrintaasi way jirtaa oo dadkeenu kolba wax bay xiiseeyaan, haw badnaadaan dadka guryaha dhistaa Haweenka oo iyagu isku dayda, waxna ku dhista heblaayo ayaa gurri dhisatay ee adna guri dhiso, laakiin waxa jira runtii dad badan oo ku fikeraya inay dalka maal-gashadaan, balse taasi waxay u baahan tahay in laga baaraan-dego oo dhulkii ku haboonaana loo qorsheeyo, dad badanina runtii way maal-gashadaan dalka, kuwaas oo dibadaha ka soo noqday, arintaana hadaanu nahay dadka qurbaha ku nool waanu ku dhiiri-gelinaynaa.

S; Jahliyadaha ku dhaqan dibadaha waxa lagu tilmaamaa kuwo isku duubnidooda ay kala taageersanaanta axsaabta, arintaasi maxaa ka jira?
J: Runtii intii aanay xisbiyadu dhismin jahliyaduhu way isku xidhnaayeen, balse markii ay samaysmeen waxaanu nidhi dadkii bay naga kala jebiyeen, laakiin imika nasiib wanaag wakhtigan xaadirka ah, waxaa noo furmay bog cusub, dhowaan markii socdaalka noogu yimid gudoomiyaha golaha Wakiilada Md. C/raxmaan Cirro waxay ahayd markii u horeysay ee ay yimaadeen saddexda xisbi xubno ka kala socda oo ay ka soo wada qayb-galaan shirarkii aanu dhowaan ku qabanay London, Bristol iyo Carddif, iyaga oo gacmaha is-haysta waxa ka soo qayb-galay shirkaasi gudoomiyaha kulmiye Axmed Siinaalyo, gudoomiyaha ucid Faysal Cali Waraabe iyo Md. C/qaadir Jirde oo isaguna ka socday xisbiga UDUB, runtiina soo dhoweyntii gudoomiyaha wakiilada C/raxmaan Cirro waxay ahayd mid si heer sare ah oo aan loo kala hadhin, waxaanan ku talo jirnaa imika wixii ka dambeeya in aanu halkaa ka sii wadno oo aanu axsaabta si isku mid ah u soo wada dhoweyno, aniguna waxaan wakiil ka ahay dadka reer Somaliland ee saddexda xisbiba kala taageersan, waajibkayaguna waa inaanu si siman ugu wada adeegno guud ahaana shacbiga Somaliland eek u kala dhaqan dalka gudihiisa iyo dibadiisana, waxaan u soo jeedinayaa inay mudnaanta 1-aad siiyaan danaha guud ee qaranka oo aanay ku talax tegin ficiltanka iyo muranka axsaabta mararka qaarkood dhex-mara.

S: Sideed u aragtaa balan-qaadkii madaxweyne Rayaale markii uu socdaalka Yurub ku tegay ee uu sheegay inuu soo dhisi doono dawlad kooban tayo leh oo aanu ilaa hada keenin?
J: Runtii madaxweynuhu waxa uu sameeyey tallaabooyin wax ku ool ah oo geesinimo ah, sida doorashooyinkii golayaasha degaanka, madaxtooyada iyo tii ugu dambeysay ee golaha wakiilada, kuwaas oo dhamaantood uu ku suurto-geliyey go’aan adag. Ta kale ee madaxweynuhu ku balan-qaaday inuu dawlad tayo leh soo dhisi doono waxaan filayaa inuu sidaa doorashooyinkii hore uga go’aan qaatay fulinteeda u hirgelin doono, balse waxa muhiim ah in lagu ixtiraamo madaxweynaha waxyaabaha uu dastuurku u banaynayo oo aanay noqon in lagu fara-geliyo dhismaha dawlada kooban ee uu soo dhisi doono dhowaan, hadii illaahay yidhaahdo.
 

Top


Sannad Ka Hor Maanta Oo Kale Daadadkii Burburiyay Biriijkii 2aad Ee Caasimadda iyo Ceebta Dhabta U Saaran Hargeysa

Hargeysa, April 24, 2006 (Haatuf) – Maanta oo ay bisha April tahay 24, waxay ku beegan tahay sannad-guuradii kowaad ee ka soo wareegtay maalintii ay daadad ka soo rogmaday roobab laxaad leh oo ka da’ay magaalada Hargeysa iyo duleedkeedu burburiyeen Biriijkii labaad ee isku xidhayay xaafadaha shacabka iyo pepsiga ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo ahaa nooca loo yaqaan (Irish Bridge).

Muddadaa sannadka ah ee uu biriijkaasi burbursanaa ayaan ilaa hadda aan waxba laga qaban, iyadoo dhibaato weyni la soo deristay dadweynaha ku dhaqan caasimadda, taas oo sababtay inay isku gudbi waayaan, ama ay dhib ku noqoto isku-gudubka dadka iyo gaadiidka dhinacyada xaafadaha biriijkani isku xidhi jiray iyo guud ahaan isu-socodkii dadweynaha magaalada, maadaama biriijkani uu ku yaalay goobaha badiyaa ay ku yaallaan xafiisyada dawladda iyo hay’addaha caasimadda ka hawl-gala.

Inkasta oo ay dedaal u galeen dadweynaha magaalada Hargeysa sidii wax looga qaban lahaa isla markaana dib loogu dhisi lahaa Biriijkan daadadku burburiyeen, haddana waxay dad badani farta ku fiiqayaan inay ku fashilmeen wax ka qabadka dhibaatada biriijkan go’ay hay’adihii dawladda ee u xilsaarnaa hawlahan oo kale inay ka hawlgalaan iyo weliba hay’adihii caalamiga ahaa iyo kuwa qaramada midoobay ee laga filayay inay gacan ka geystaan dib-u-dhiska biriijkan iyo guud ahaanba dalka iyo adeegyada bulshada ee aasaasiga ah.

Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta iyo hay’adda Wadooyinka Somaliland (SRA), ayaa kulan ay qabteen bishii November 24-keedii sannadkii hore ee 2005, waxay kaga dhawaaqeen kharashka uu ku kacayo Biriij cusub oo halkii uu ka go’ay biriijkii hore laga binaynayo oo ay sheegeen inay qiimeyn ku soo sameeyeen, waxaanay masuuliyiin ka tirsan hay’adda SRA sheegeen inuu ku kacayo kharash gaadhay hal milyan oo doollarka Maraykanka ah, hase yeeshee waxay hoosta ka xariiqeen inaanay kharashka intaas le’eg dawladdu bixin karin, sidaas darteed loo baahan yahay in dadweyne iyo dawladba laga hawl-galo sidii hirgelin lahaa dhismaha biriijkaas, waxaanay Xukuumadda isla kulankaas kaga dhawaajisay inay kharash dhan $ 350,000 (saddex boqol iyo konton kun oo doollar) ay bixinayso, kaas oo lagu daray Miisaaniyadda dawladda ee sannadkan 2006, isla markaana dawladda hoose ee Hargeysa ayaa iyaduna sheegtay inay kharash dhan $100,000 (boqol kun oo doollar) bixinayso, kaas oo noqonaya 45% kharashka ay hay’adda SRA ku qiimaysay inuu ku kacayo dhismaha biriijkaas.

Horaantii bishii December ee sannadkii ina dhaafay ayaa la sameeyay guddi loogu magac-daray Guddida Dib-u-dhiska Biriijka Hargeysa oo loogu talo-galay inay ka hawl-gasho ururinta kharashka dib loogu dhisayo biriijkii labaad ee burburay, guddidaas oo ka kooban 15 xubnood oo isugu jira maamulada gobolka iyo degmada Hargeysa, Culimaa’udiin, Ganacsato, Hay’adda SRA iyo odayaasha magaalada Hargeysa, kuwaas oo kulankoodii u horeeyay baaq u diray shacbiweynaha magaalada Hargeysa ee gude iyo dibadba ku nool inay gacan ka geystaan dhismaha biriijkaas, taas oo ilaa iyo maanta socota, lana odhan karo dadweynaha reer Hargeysa si weyn ayay uga qayb-qaateen oo xataa ardayda dugsiyada ee da’doodu yaryar tahay ay ka qayb-qaateen, iyagoo ku deeqay qadarkii yaraa lacagta ahaa ee waalidkood u soo siiyay inay ka dhigtaan nusa-saacaha, iyagoo muujinaya baahida loo qabo biriijkan oo dhibaatadiisu wada taabay bulshada reer Hargeysa.
Hase yeeshee waxaan laga warhayn muddada ay qaadan doonto hawsha lacag ururinta ah ee la doonayo in lagu ururiyo 55% kharashka dib u dhiska biriijka ay hay’adda SRA ku qiimaysay inuu ku kacayo. Sidoo kalena lama ogga xadiga ilaa iyo imika ay guddidu soo ururisay.
Si kasta ha ahaatee dhibaatada bulshada caasimadda ku dhaqan uu dhaxalsiiyay burburka Biriijkaniayaa ah mid taagan oo aan ilaa hadda xal laga gaadhin, iyadoo waliba ay dheertahay culays ku soo kordhay biriijka keliya ee ay hadda leedahay magaaladu, kaas oo muddadaa sannadka ah culayskii isku-gudubka dadka iyo gaadiidka qaybaha caasimaddu keli ku ahaa, taas oo mararka qaar keenaysa cabsi laga qabo in waxyeelo soo gaadhi karto. Iyadoo dhinaca kale ay muuqato in dawladda dhexe iyo ta hooseba ay farihii dib uga laabteen wax ka qabadka baahida bulshada caasimaddu u qabto biriijyo u sahli kara dadku inay iskaga gudbaan, oo ay keliya ku dhaafeen guddidaas ku hawlan ururinta kharashka dib loogu dhisi lahaa biriijkii burburay, waxaanay ahayd inay dedaal u galaan sidii ay caawimo uga raadin lahaayeen dalal dunida iyo hay’adaha kala duwan ee caalamka.
Ugu dambayntii waxaa la odhan karaa ceeb iyo foolxumo ayay ku tahay dawladda iyo dadweynaha Somaliland in biriijkii labaad ee caasimaddu muddo sannad ah burbursanaado.
 

Top


Gudida Wanaag-Farista Oo Wasiirka Diinta Ku Eedeeyey Inuu Cabudhinayo Hawlahooda Wacyigelinta

Hargeysa April 24, 2006 – (Haatuf) – Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista oo ah urur ka hawlgala Somaliland, isla markaana ay xubno ka yihiin culimo iyo odayaal badan oo reer Somaliland ah ayaa jawaab cadho leh ka muujiyey hadalo ka soo yeedhay wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland, kuwaasi oo sheegayey in culimada ka tirsan ururkaasi ee meelaha shaaracyada ah ee magaalooyinka Somaliland wax ka wacdidaa ay marka hore is-diiwaangeliyaan, inta taa la samaynayana la joojiyey isu soo baxyadii noocaas oo kale ahaa.

Guddidu waxa ay wasiirka ku eedeeyeen inuu cabudhin ku samaynayo hawlihii ay dadka kaga wacdiyayeen xumaanta, isla markaana ku farayeen wanaaga.Guddidu waxay sidaasi ku sheegeen shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen xaruntooda ay ku leeyihiin magaalada Hargeysa.
Ugu horeyn waxa shirkaasi jaraa’id ka hadlay gudoomiyaha guddidaasi X. Ibraahim X. C/laahi Dool, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “maanta waxa halkan yimid guddiyadii gobolada Awdal iyo Sanaag oo gurmad u yimid Hargeysa, markii ay maqleen waxa la joojiyey wacdigii ay culimadu dadka kaga wacdiyayeen xumaanta, wanaagana ku farayeen.”

X. Dool, waxa uu intaa ka dib ku soo dhaweeyey hadalka Maxamed X. Maxamuud Xiiray, oo ka mid ah guddidaasi, waxaanu Mr. Xiiray yidhi. “Waxa muddadan dambe dhacday waxoogaa cabudhin ah oo lagula kacay culimadii shaaracyada dadka ka wacdiyi jiray, taasna shaaraca ayaa laga dareemayaa, waxaananu ka xunahay in nin masuul ah oo dalkeena ka tirsani uu talaabadaasi ku dhaqaaqo. Kaas oo sheegay in guddidu tahay odayo, aan cilmi lahayn, balse guddidu maaha Odayo ee culimana way ku jirtaa, waxaanad maqlayseen maalmahan in mar la leeyahay waa caamo, marna waa argagixiso, waa urur aan xidhiidh la lahayn wasaaradda, dib u habayn baa lagu samaynayaa la leeyahay”.

Waxa kale oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay Cawil Faatax Shire oo ah guddoomiyaha guddida ururkan ee xarunta Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Guddidu waxay ka shaqaysaa diinta iyo nabadgelyada, waxaanay guddidu leedahay laamo ka jira gobolada iyo degmooyinka dalka, oo dadka ku wacyigeliya nabadgelyada iyo wanaag, xumaantana ka reeba, waxa kale oo aanu qabanaa hawlo samafal, tusaale ahaan waxa aanu samaynay qayb samafal ka hawlgasha gobolka Sanaag oo magaceeda la yidhaahdo Miskiin Kal-kaal, oo lagu caawiyo dadka masaakiinta ah, ee meelahaa iska jooga, iyada oo aanu kharashkana ka qaadno dadka reer Somaliland ee sadaqada la baxaya.

Anagu ma nihin guddi ka tirsan wasaaradda Awqaafta, balse waxa aanu nahay culimadaasi iskugu timid inay dadkooda xumaanta ka reebaan wanaaga faraan, isla markaana u qabtaan hawlaha samafalka. Markaa marka la leeyahay dib u habayn ha lagu sameeyo, waxa aanu leenahay anaguna waanu habaysanahay, cida habayn u baahan shacabku wuu ogyahay, iyagaanan u dhaafayaa”.
Guddidu waxa ay halkaasi saxaafada ugu qaybiyeen qoraal dheer oo ay arrintaasi kaga hadlayaan iyo weliba waxyaabaha ay qabtaan, waxaanu qoraalkaasi isaga oo dhamaystiran u qornaa sidan.
“Guddida Wanaag faristu waa guddi ka kooban dhamaan dadka iyo beelaha ku dhaqan Somaliland.
Waxaana ay muddo lix sannadood ah ka shaqaynaysay dhamaan gobolada Somaliland.
Guddidu waxay ogolaansho sharciyeed ka heshay wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo xidhiidh fiican dhaw ayey la lahayd laamaha dawladda sida bileyska iyo maxkamadaha waxa ay guddidu isku xilsaartay inay ka shaqayso laba arrimood oo kala ah wanaag farista iyo xumaan joojinta, iyo ka qayb qaadashada sugista nabadda.Guddi waxay socdaalo ku kala bixisay dhamaan gobolada dalka si ay dadka wanaaga u farto, xumahana uga reebto, guddidu waxa ay ka kooban tahay odayaal iyo culimo dalkan Somaliland u dhashay.

Muddadii ay guddidu shaqaynaysay waxyaala badan ayaa u qabsoomay, waxaana ay ahayd mid si joogta ah bileyska ula xidhiidha si wax kasta oo fawaaxish iyo dhaqan xumo iyo sixir low ama ubad la xadayo dalkeena looga ilaaliyo, hawsha u weynee ay qabatayna waxa ay ahayd diin caygii, nebi caygii, Ilaahay oo ay olole balaadhan ku qaadeen dalkeenaan aadna uga yaraatay waxa kale oo ay ku gulaysteen in dalkeena dhaqan xukumada isla joogta oo ah dad aan is qabin ee meelaha madaw ama fagaarayaasha si dhaqan xumo ah u wada jooga.

Guddidu waxay ay ku shaqaysaa tabaruc gawaadhida ay ku hawl gasho iyo kirada gurayaha iyo shidaalka gawaadhida waxa bixiya dadweynaha reer Somaliland, guddidu wax xidhiidh lama laha dawladaha ajnebiga ah iyo ururada ka baxsan dalka Somaliland.Guddida hawsheedu waxa ay ku egtahay gudaha dalka sida sharcigeeda ku cad.

Guddidu waxa ay ictiraafsan tahay jiritaanka Somaliland, waxa ay u heelan ahay ilaalinta nabadda dalka. Heshiisyo nabadayn ah ayey ka samaysay gudaha dalka sida tii Qotan ee ay ugu baxday saddex socdaal halkaa oo ay ku heshiisiisay laba beelood oo deegaankaa oo hub isu gurtay, meel kasta oo amni darro lagu sheego guddidu way u gurmataa sida dhacdadii cusbitaalka iyo tii dhawaan ka dhacday xaafada Dumbuluq.

Guddi waxa ay u badan ahay odayaal Waayeel ah oo dalkan hanti badani kaga jirto, aadna u danaynaya dad iyo duunyaba. Inta aanu ognahay qof kasta oo muslim ah waxaa la faray inuu dadka wanaaga faro, xumaantana ka reebo, waxaana aanu dadka farnaa wanaaga aynu wada garanaynyo oo ah cibaadada, xijaabka iyo asturnida iyo sama falka jaarka iyo muslimiinta, gargaarka dadka jilicdasan anagoo xaafadaha iyo magaalooyinka qaarkood ka furnay sanduuq Miskiin kalkaal ah, waxaana aanu dadka ka reebnaa xumaha la wada garanayo, galmoodka xaaraanta ah, isqaawinta, Ilaah cayga, diin cayga, Nebi cayga iyo malaa’ig cayga.Waxa aanu had iyo jeer wadaadada ku boorinaa inay ka fogaadaan khilaafka iyo wixii culimada muslimiinta kala fogaynaya.
Anagu diinteena kuma hayno in waxyaalahaas culimada ama dad gaar ah oo muslimiinta ka mid ahi sheegi karaan oo aan caamada iyo odayada loo ogolayn, ee ogaalkayo waa hawl muslimiinta oo dhan u taala oo la rabo in si edeb iyo nasteexo ay ku jirto qof kastaa wixii uu qaban karo uu ka qabto.Imika hawshan oo sharaf u soo kordhisay dawladeena iyo dalkeena, anagu garan mayno waxa camalkan loo joojinayo, hay’ado iyo qolooyin hawshooda mad-madaw ku jirto albaab kasta loogu furayo, waxa aanu si gaar ah u tilmaami lahayn hawshii guddidu ku bixisay diin cayga, nebi cayga, Ilaah cayga iyo Malaa’ig cayga oo ay u xilsaartay guddi shan xubnood ah oo la xidhiidha maxkamadaha iyo saldhigyada si ay u hubiyaan in dawladdu ka qaaday eedaysanayaasha dambigu ku cadaado”.Intaa ka dib, waxa guddidan la weydiiyey su’aalo la xidhiidha mawduuca ay ka hadleen, waxaana ka mid ahaa su’aalihii la weydiiyey.

S: Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa marka ay arkaan qaabka aad u abaabulan tihiin, isweydiinaya yaa dhaqaalaha siiya, ama ayey ku xidhan yihiin, markaa maxaad taasi kaga jawaabaysaan?
Waxaana su’aashaasi ka jawaabay X. C/Raxmaan Maxamuud oo ka mid ah odayada Hargeysa, isla markaana xubin ka ah guddida joogtada ah ee ururkan, waxaanu yidhi. “Anagu xilkaa noo sheegay inaanu hawshaa qabano, waxaanan ahay sideetan jir, mana jirto gacan dawladeed iyo cid shisheeya ah oo nagu jirtaa, kharashyada nagu baxana waxa bixiya dadwenaha aanu u adeegno”.

S: Waxa jiray nin magaciisa la odhan jiray Sheekh Faruur oo imika u xidhan falalkii argagixis ee wadankeena ka dhacay, waxaana jira dad badan oo markii ay arrintaasi maqleen shaki idinka qaba bal arrintaa ka warama?
Su’aashan waxa ka jawaabay gudoomiye ku xigeenka guddidaasi Cawil Xuseen, waxaanu yidhi. “Haa ninkaasi nagu mid buu ahaa, intii uu nala joogayna hawlo badan oo la xidhiidha dacwadan aanu wadno ayuu nagala shaqayn jirnay, arrintaa lagu eedeeyeyna wax uu guddidayadu kala socotay ma jirto, waana la xidhay, iyada oo imika ay eedayn uun tahay, balse haddii ay wax ku cadaadaan Maxkamadda ayaa la horkeeni doonaa”.
Guddidu waxa kale oo ay saxaafada u qaybiyeen qoraalo ka soo baxay wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland iyo Xeer Ilaalinta guud ee Qaranka oo u ogolaanaya inay wadanka ka hawlgalaan, balse guddida mar la weydiiyey sida ay sharciga u noqonayaan, iyada oo dastuurka Somaliland qorayo in aan Somaliland laga samayn karin ururin diineed ama qabyaaladeed, waxa ay ku jawaabeen. “Waxa noo fasaxaya qodobka shanaad ee dastuurka oo dhigaya in diinta islaamku tahay sharciga ugu sareeya Somaliland”.
 

Top


Hay’adda WHO Oo Qalab Fayo-Dhawr Gudoonsiisey Wasaarada Caafimaadka

Hargeysa April 24, 2006 (Haatuf) – Qalab fay-dhawr oo loogu talo galay in lagu dhiiri galiyo dadka ka shaqeeya hawlaha nadaafada ayey hay’ada WHO gudoonsiisay masuuliyiinta wasaarada caafimaadka Somaliland.munaasabad kooban oo shalay loo sameeyey gudoonsiinta qalabkaa oo lagu qabtay xafiiska wasiirka caafimaadka Cismaan Qaasim Qodax taasi ay sidoo kale ka soo qayb galeen wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka Axmed Jaamac Samater{Dr. who}iyo masuuliyiin kale, madaxa hay’ada who Dr.Aayid Munim oo isagu qalabkaas gudoonsiiyey, madaxa biyaha iyo nadaafada who C/llaahi Cali Obsiye, Aasiya Cismaan oo iyaduna ka tirsan who, madaxa fayo-dhawrka caasimada C/wahaab Nakruuma oo masuuliyiintu ay sheegeen in marka fayo-dhawr lasoo qaado la xasuusto.

Waaxana hadal kooban munaasabdaa ka jeediyey wasiirka caafimaadka Cismaan Qaasim Qodax, isagoo ka waramay wada shaqaynta fiican ee ka dhaxaysa wasaaradiisa iyo hay’adda Who isaga oo mahadnaq u jeediyey madaxda hay’adaasi.waxa isaguna halkaa hadal ka jeediyey madaxa hay’ada Who Dr. Aayid munim isaga oo ka waramay qalabka fayo-dhawrka ee ay wasaarada ku wareejiyeen waxaanu sheegay in qalabkani yahay qalab loogu talo galay in dadka lagu dhiiri galiyo xagga nadaafada aadka ugu dadaala.

C/wahaab Nakruuma oo isna halkaa ka hadlay ayaa ka waramay qalabkan wuxuuna sheegay in loogu talo galay ololaha nadaafada ee khamiista la qabto si loo siiyo dadka nadaafada u ololeeya iyadoo looga jeedo ku dhiirigelintooda u dadaalka dhinaca fayo-dhawrka iyo nadaafada.
qalabkan oo ka kooban laba boqol oo kartoon oo ay ku jiraan agab waxtar u leh nadaafada oo ay ka mid yihiin qalabka gacmo maydhka, saabuun, tuwaalo, qalab lagu isticmaalo Suuliyada iwm iyadoo ololaha nadaafada ee khamiista dadka nadaafada aadka uga sheeqeeya la siin doono.
 

Top


Hayadda OCHA Ha Daba Gasho Deeqdii Abaaraha Sanaag Ee Ay Ugu Dhiibtay Hay’adaha Candlelight Iyo PENHAC/rashiid Xasan Cabsiiye, Weriyaha Haatuf ee Gobolka Sanaag

Hay’adda OCHA ee qaramada midoobay waxa waajib ku ah in ay daba gasho deeqdii ku waajahnayd abaaraha ee ay gobolka Sanaag ugu dhiibtay Hay’addaha PENHA iyo Candlelight sababo badan awgood. Deeqdaas oo ku saabsanayd xoolo nool oo loo iibiyo dadkii ku tabaaloobay dhibaatada abaarta, inkasta oo xiligan ay ka haboonayd in dadka iyo xoolaha la gaadhsiiyo deeq gurmad ah biyo iyo cunto, madaama abaartii weli socoto marka taa aan ku dhaafno qorsho la’aan ama xog aan sax ahayn oo lagu go’aan qaatay hadana waxa jira arimo dhawr ah oo sheegaya in musuq maasuq dhacay.

Marka kowaad deeqdan oo warkeedu qarsoonaa wuxu si cad dibada ugu soo baxay maalmihii ka danbeeyey warbixintii Sanaag ka hadlaysay ee Haatuf ku soo baxday 18kii bishan. Warbixintaas oo ka hadlaysay dhinacyo badan waxaa ku dhex jiray warar tilmaamaya in labadaa hayadood jeebka danbe ku hayaan deeq lacag ah oo lagu talo galay in xoolo nool loogu iibiyo dadka ku caydhoobay abaarta, waxaa ka dhashay in maalintii xigtay in warkaas la helo masuuliyiinta Hay’adda Candle-light ee ku sugan xafiiska Ceerigaabo safar deg deg ah ugu baxaan tuulada Rugay ee ku taal degaanka degmada Maydh ee xeebta ku taal. Socdaalkaas oo ay ku weheliyeen Hay’adda gudoomiyaha gobolka iyo suxufiyiin ka kala socda qaar ka mid ah warbaahin dalka , waxaa laga soo tebiyey warar is khilaafsan oo marag u ah in aan deeqda loo wadin sidii loogu talo galay .

“Hay’adda PENHA iyo Candle-light ayaa 20 qoys oo ka mid ah dadkii caydhoobay ee degaanka tuulada Rugay qoyskiiba siisay shan iyo toban neef (15) oo adhi ah” Sidaa waxa shaaciyey habeenkii Khamiista ee todobaadkii hore telefiishanka qaranka. Warkaas oo uu si toos ah codkiisa ugu soo gudiyey weriyaha warbaahinta dawlada uga soo warama gobolka Sanaag Maxamuud Saraaf, waxa ka dabo yimi war ka duwan oo maalintii khamiista uu qoray wargayska Jamhuuriyo, kaas oo uu ku sheegay: “21 qoys oo ah dadkii ugu mudnaa in ay ka faa,iidaystaan kalmadan waxaanu qoyskiiba ugu talo galay oo siinay toban neef (10) oo adhi ah” . Wuxu ka soo xigtay wargaysku maamulaha Hay’adda Candlelight ee magaalada Ceerigaabo Axmed Diiriye, wuxuu intaas ku sii daray in mashruucan ay ka faa’iidaysanayaan shan boqol oo qoys oo ku kala nool degaamo ka tirsan gobolka sanaag waxa uu socon doonaa buu yidhi Axmed diiriye muddo afar bilood ah.

Talaabooyinkan Hay’addahani qaadeen oo ka dhashay markii farta lagu fiiqay waxa ay la fadhiyaan daaha dibadiisa, waxay kale oo keentay in ay hoos u quusaan biyo dusha laga arkayo waxa hoos maraya, waxaana la helay warar kale oo sii kashifay.
“Todoba iyo toban qoys oo keli ah ayaa loo qaybiyey 170 neef oo keli ah, ma jiro wax kale oo la siiyey dadka degan Tuulada Rugay’ Sidaana waxa yidhi xog-haya degmada Maydh Siciid Cali Maxamuud oo aanu khadka tilifoonka kula xidhiidhnay isaga oo jooga Ceerigaabo.
Dhaq-dhaqaaqyadan iyo dareemadan Hay’addahani ka sameeyeen warbixinta intaas oo keli ah kuma ekayn ee waxay sameeyeen qaar ka mid ah masuuliyiinta iyo shaqaalaha labadaas hayadood in ay hanjabaad iyo af-lagaado ula tagaan weriyhii gobolka ee diyaariyey warbixnta. Talaabooyinkan oo dhamaantood ay ku doonayaan sumcad iyo in aan wax sheegeeda dib loogu dhiiran waxa ka haboonayd talaabooyin ka hufan kuwan ay qaadeen oo ay ku saxayaan khaladaadka ay sameeyeen
 

Top


Qaybtii 2aad: Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii DhergigaWaa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay Muuse Shoodhe, Waxa Tifaftiray A. Ducaale
Ganat: Maxay Helokabtarrada idiinku diideen ee ay idiin siin waayeen?

Mangistu: waxay yidhaahdeen lacagtooda ayaa qaali ah, balse anigu waxaan rabey Helukobtarada inay na siiyaan.sababtoo ah, markasta oo aanu maqalno cadowgii meel heblaayo ayay joogaan ee aanu meeshii tagnoba, hadana meel kale ayuun baa lagu sheegaa. oo farqi aad u weyn ayaaba labadayada dhinac dhaqdhaqaaqooda u dhexeeyay. Aad baanay muhiim u tahay in goobtii ay wax jiraan-ba hore loo gaadho. Sidaa daraadeed Helukobratadu ciidanka lugta waxay siiyaan taageero aad u muhim ah ee noo kordhiya tirada Helukobtarada markii aanu ku nidhi. Waxay noogu jawaabeen “Helukobtaradu aad baa qiimahoodu qaali u yahay, hadda ka hor-na intii aanu idin siinay way idinku filan yihiin. Haddii ay u badato waxaanu idin siin doonaa, hal Souderon iyo gaadiidkii qaadi lahaa. Wax intaa ka badan ma hayno. Anaga laftayada dadkaygu way iska dhibaataysan yihiin ee qaninimo nagama aha ee dareenka hanti-wadaagga heer caalami inaanu u kobcino daraadeed ayuun baanu uga dan leenahay, taasina idinka uun maahee, Sida Angola, Kuuba iyo dalal kaleba waanu caawinaa, iyagana ee bal waxaad isku daydaan inaad fahantaan.” Ka dib-na anagu waxaanu nidhi waa sax ee wixii aad nasiisaan-ba waanu ogolnahay.

Ka dib waxaanu isku daynay in aanu ciidankii tababarno oo aanu abaabulno. Dabadeedna kuliyado badan oo ka mid ah kuliyadaha ciidanka lagu tababaro ayaanu xiligaa aasaasnay.
Tusaale ahaan Goojaam waxaanu ka samaynay kuliyad ilaa 20,000 oo askari ay ku soo tababaran karaan; Baalli kuliyad ay ku soo tababaran karaan ilaa 15,000 oo askari, sidoo kale meel u dhaxaysa Wolloga iyo shawa oo ah goobta loo yaqaan Daadeesa korkeed waxaanu ka samaynay kuliyad ay ku soo tababartaan ilaa kun askari; sidoo kale Siidaamo waxaanu ka samaynay kuliyad ay ka soo bixi karaan lixdii bilood ama sannadkii ugu yaraan 100,000. Anaga oo samaynay nidaam ku salaysan heerka ugu wanaagsan ee ay ku soo baxaan ciidaan aad u tababarran oo habka kasta oo looga baahdo ku tababarran.

Hawaash waxaanu ka dhisnay goob lagu barto taangiyada iyo qalabka kale ee kala duwan ee milateri. Sidoo kale Huursa waxaanu ka furnay kuliyad lagu tababaro saraakiisha.
Ka dib markii aanu intaas oo abaabul ah samaynay ayey dabadeed Sofiyeet-ku na siiyeen Tangiyo iyo madaafiic badan. Ciidamadii cirkana dib habeyn ayaanu ku samaynay oo halkii ay heer guuto ka ahaayeen kor ayaanu u qaadnay oo waanu xoojinay. Xiligaas Afrika oo dhan anaga oo keliya ayuun baa ciidamada cirku ay heer guuto ahaayeen. xataa Masaaridu ma ay lahayn ciidankaas .
Is abaabulkan runtii xataa jeneraaladii aad bay ugu farxeen. Ka dibna waxaanu is nidhi marka ay arimuhu sidaa u dhacaan waa laga yaabaa inaynu xal helno.

Maarid, tesfaaye gebrekidaan, Faanta iyo intayadii kaleba waxaanu isku qancinay tabaabushaha aanu hadda samaynay inuu yahay mid aanu xal ku heli karno. Ka dibna waxaanu u safarnay Asmara. Anigu (Mingistu) hore wax farogelin ah oo aan hawlahooda ku yeeshay may jirin, hase yeeshee maadaama aan ahaa hogaamiyihii dhamaa ee dalka xil baa isaarnaa. Mararka qaarkoodna haddii ay hawl yar ku fashilmaan waxay igu xamman jireen inaan anigu fara gelin ku sameeyey. Khaasatan General Mar’id waxa uu mar walba afgubaadsi ka dhigan jiray “haddii aanu Mangistu sidaa odhan lahayn ama u siddan yeeli lahayn”. Sidaa daraadeed doorkaas wax faro gelin ah kuma aan yeelan. Istaraateejiyad iyo qorshe ay iyagu wateen ayuu ahaa. Ololahaasina waxa u ahaa mid ka danbeeyay ololihii la odhan jiray Ololihi Xidigta Cas. Midaasna waxa ka wada markhaati ah saraakiishii ciidanka oo aan dhamaantood shir isugu wada yeedhay.

Waxaanan su’aalay in ay diyaar yihiin, waxaanay iigu jawaabeen haa diyaar baanu nahay wax walibana waa noo diyaar. Hadana Tasfaaye ayaan waydiiyay sida uu u arko arintaa, waxaanu iigu jawaabay “ waxaan ku qanac-sanahay boqol kiiba sagaal iyo sagaashan inaanu ku guulaysan doono ee adigu sideed u aragtaa?”. Aniguna markaasaan ugu jawaabay “ haddii ay inoo hirgasho xalkii kama danbeynta ahaa ayaynu gaadhi doonaa, ama haddii kale cadawga waxaynu u laciifinaynaa si xooggan oo ay ku khasbanaadaan inay xal nabadeed dal-badaan. Sidoo kale Faanta iyo dhamaan wixii saraakiil shirka ku jiray ka dib markii aan ra’iyigooda wada waydiiyay waxay jawaabtoodu noqotay “ Way hirgelaysa”. Dabadeedna waxaan ku idhi waa hagaag kol haddii aad taa wada aaminsantihiin dhamaantiin-ba oo aad leedihiin qorshaheenu wuu hir-gelayaa wax is-hortaagi kara oo carqalad ahi habayaraate iima muuqdaan. Ka dib waxaanu bilawnay in aanu ka wada tashanno, waxyaabihii yar yaraa oo toosin iyo sixid yar u baahnaa, balse iyaga aan u muuqan oo ahaa waxyaalo jiray, tusaale ahaan kaalinta ciidamada cirku ay yeelan karaan kama ay fekierin marnaba.
Ciidamada cirku si ay u hawlgalaan oo ay baarashuutka (dalaayadda) inta ay ku soo dagaan oo ay dagaal kedis ah inta ay isu abaabulaan meesha ugu soo geli lahaayeen iyaga oo ciidan xoog leh ah wax qorshe ah oo ay ugu talo galeen haba yaraate muu jirin. Waayo iyagu (Saraakiisha kale) waxaabay door-bidayeen in marka si degdeg ah uun loogu baahdo la isticmaalo ciidanka cirka, balse ay inta kale noqdaan sidii macne kayd oo kale, oo xataa qorshahooda kumaba ay darsan inay u isticmaali karaan dagaalka bilowgiisa. Sidaa darteed anigu intaas oo keliya ayaan wax toosin ah ku sameeyay, balse wixii kale ee intaa dhaafsiisan qorshihii ay iyagu wateen ayuu ahaa. Ka dib anigu waxaan dib ugu laabtay Addisababa. Taas oo macneeheedu ahaa inaan raggii odhan jiray Mingistu ayaa markasta fara-gelin nagu samaynaya aan tusayey inaan hawsha ugaba fogaaday. Sidoo kale maadaama aan dagaaladii hore ee aanu galay aan anigu soo hogaaminayey waxaan u arkayey inaan kartidoodii dagaal wiiqayo oo ay aniga wax walba igu eegayaan, markaa intaan idhi sida ay doonaan ha yeeleen ayaan iskaga tegay.

Sababta aan sidaa u idhi waxay ahayd kornayl la odhan jiray Alemayahu Wolde oo markaas ahaa ciidanka nabad-sugidda ayaa marka ay turubka ciyaarayaan ama ay khamriga wada cabayaan la joogi jiray oo wax alaaliyo waxay ku sheekestaanayaanba soo dhegaysan jiray. Ka dib inta u ii yimaado ayuu igu odhan jiray “ gudoomiye bal markan uun iyaga u daa, maadaama ay dagaalkan qorshihiisa lahaayeen hana hogaamiyeene oo u ansixi ileyn haddii kale waa kuwan oo waxay leeyihiin wuxuu isagu (mingistu) yidhaahdo mooyee wax kale in la yeello ma ogolla, ee bal adigu taageeradaada u muuji” . Markaa joogitaankayga ayaabay dhibsanayaan macnuhu miyaa ayaan ku idhi, dabadeedna wuxuu iigu jawaabay “maya ee waxa y moodayaan mar walba inaad iyaga wax aan jirin ka dhigayso oo aad adigu wax kasta oo dheef iyo magacba leh doonayso inaad yeelato ee bal tan u daa iyaga”. Ka dibna Addisabab ayaan dib ugu laabtay sidaa ayaanu dagaalkii ku bilowday.

Run ahaantii dagaalka bilowgiisii hore aad buu u wanaagsanaa, hubkii iyo wax walba way soo wada diyaariyeen. Xataa inay guuleystaan wax yar ayey u jirsadeen. Balse natiijadii ugu dambaysay ee ka soo baxday mid aad u fool-xun ayey noqotay.
Hadii aynu dib u eegno culuunta dagaalka mar kasta oo la rabo in dagaal la galo waxa muhim ah in ciidan la diyaariyo. Ka horse qorshaha waa in la sii diyaariyaa. Oo map iyo dhulkaba lagu sawiraa. Ka dibna hawsha loo qaybsadaa “ hebel adigu halkaas ka soo gal, adna halkan kale ka soo gal, halkaasna waad ka dagaal galeysa, halkaa kalena waxay noqonaysaa halka aad dagaalkaaga ku soo af jarayso”.
La soco cadadka dambe..
 

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Wasaaradda Qorsheynta Iyo Hay’adaha

Dhacdooyin badan oo fool-xumo xambaarsan ayaa waayahan dambe wasaaradda qorsheyntu kula dhaqmaysay Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Samo-falka ee ku sugan dalka Somaliland. Waxa intaa sii dheer mararka qaarkood inay ugu baaqdo ka saarida dalka masuuliyiin ka tirsan hay’adaha sida EU iyo Novib, waxa kale oo xusid mudan sidii Marwo Aamina Waris looga joojiyey shaqadii ay ku guulaysatay ee Care International oo loo aanaynayo inay wasaarada qorsheyntu gacan ku lahayd.

Waxa dhowaan dhacday in wasiirka qorsheyntu uu ku kacay fal aan munaasib ku ahayn hay’ada Caafimaadka Adduunka WHO, isaga oo ka saaray xafiiskiisa masuuliyiinta hay’adaasi oo waliba uu balan la lahaa, masuuliyiintu waxay kala hadleen arrin ku saabsan sii daynta iyo cashuur-dhaafka dawooyin iyo qalab caafimaad oo muddo saddex bilood ah ku xayirnaa kastamyada Berbera iyo Hargeysa. Waxaase Axmed Aadan Samaale oo maqaal arrintan khuseeya ku qoray Haatuf taariikhdu markay ahayd 19/4/2006 uu ahaa maah-maahda la yidhaahdo “Sakaaro saallo muuqata ayay aas-aastaa”.

Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf imika maaha wasiir, balse waxa uu ka mid yahay hawl-wadeenada hay’ada Caalamiga ah ee WHO oo hawshoodana uu u socday, sidaas darteed waxay arrintani iila muuqataa sidii bahalkii Biriijka ka dhacay ee baraarugay goor dadku soo baxay ee ka booday bartii ugu dheerayd ee yidhi balankii illaahay barqaan kacay.
Haddaba, muwaadinka dhabta ah qof walba oo Somaliland ahi wuu garanayaa, waanu kala yaqaanaa muwaadinka dhabta ee dalkiisa iyo dadkiisa daacada u ah.
Maxamed Aadan Maxamuud, Burco.
 

Top


Goormaad Ka Ilbixi Ictiraaf Iyo Nabad Galyo Lagugu Khuukhiyo?

Waxa wax lagu qoslo oo lala yaabo ah, markasta oo dalka Somaliland aad dhibtiisa istidhaa ka hadal, ama dadka wax tusaalee, in laba arimood lagu soo celceliyo: ICTIRAAF iyo NABAD GALYO.
Anigu se mid baan qabaa, NABAD GALYO aan dhoowristeeda darteed ku aqbalayo wixii shalay aan ka dagaalamayay, ee aan MAAL ADUUN, DADKAYGII, MAGAALOOYINKAYGII iyo GEESIYADAYDII intii dhimatay Illaahay Ha U Naxariistee aan ku waayay, NABAD GALYO taas uma aqaanee DULINIMO iyo DAD DOORSOOMAY oo waxay u halgamayeen aan FAHMAYN baan inoo arkaa. Mar hadii maanta dhar cad CID ahi uu ku odhanayo RAGII HALGANKII SNM intuu warqad kuu keeno xafiiskaa lagaa doonayaa, wax ka dhiidhiya iyo wax dhib u arka toona aanay jirin, NABAD GALYADA aan sheegaynaa maxay tahay? Mar haddii la diiday in MAXKAMAD la adeegsado oo dambi lagugu soo oogo, halkaana lagu kala cadeeyo in dambigu kugu cadaado iyo in kale, oo laga door biday AMAR ka yimaada shaqsi ama wasiir, NABAD GALYADA la dhoowrayaa ma marka guriga la isugu yimaado ee DUMARKA hortaada lagu kufsado miyay qiima yeelataa oo u qalantaa in maalintaa la kaco?.
Tii hore ee aan shalay halganka dheer la galay waa halkay ka soo bilowday, SIBIQ SIBIQ dii wixii lagugu ogolaysiiyay ayaa qax ku danbaysay.
Ta ICTIRAAFKA ayay noqotay; ICTIRAAF raadintiisa aan xumaan kasta oo laygu sameeyo u dhaafayo, kuna aqbalayo in xataa dhulka ICTIRAAFKA aan u raadinayo badhkii in ummad kale ka taliso, ICTIRAAF uma aqaan, ee DAD LA MAAN DOORIYAY oo waxa lala sugayo iyo halka lagu wado toona aan FAHAMSANAYN baan inoo arkaa. Inta aan cid kale ku ICTIRAAFIN horta adigu ma is ICTIRAAFSAN tahay? Waa su’aal u baahan in kuligeen aan is weydiino. Dadka aad leedahay ICTIRAAF baan u raadinayaa ee dhulka aad ICTIRAAFKA u doonayso kuwada nooli, horta iyagu MA IS ICTIRAAFSAN YIHIIN? Dhibta dadkaa dhexdooda taal, in aad xaliso oo xal waara aad u hesho, wixii la kala tabanayana la dhamaystiro, oo wax isku mowqif laga taagan yahay aad wada raadisaan, wali horta habeena ma ku seexateen oo ma ku soo toosteen?. Dawladaadu ICTIRAAFKA aad raadinayso, DAACAD ma ka tahay? Adigu waajibkii kaa saaraa ICTIRAAF buuxa oo kaamila oo aad hesho, ma fulisay?
Hadaan been laysu sheegayn, jawaabaha su’aalaha aan kor ku soo sheegay waa MAYA? Cade Muuse oo ilaa awoowgii iyo aabihiis aad magangalyo siisay, maanta Bariga Sanaag kumuu soo duuleen, haddii aad midaysan tahay. Dhibta dhexdaada taal ayuu ogyahay, oo uu ka faa’iidaysanayaa. Haddii adigu aad is ICTIRAAFSAN tahay, habeena kumuu riyoodeen inuu yidhaa shirkad baa ii qodaysa, khayraadka ku jira dhulkaaga. Haddii dawladaadu ay daacad ka tahay ICTIRAAFKA walaalahaagii la soo weeraray, ayay hiil iyo hooba la garab istaagi lahayd. Waxa qudha ee laga hayaa ilaa hadda waa DIGNIINIHII horeba looga bartay oo kale, oo la wada ogyahay in aan wax ficila oo ka danbeeyaa aanu jirin.
“NINKAAN WARANKAAGU GAADHIN WEEDHAADUNA MA GAADHO”.
Imisa digniinood oo hore ayay dawladu bixisay, maxayse ka fulisay, markii dheg ba loo dhigiwaayay?. Waxba oo “Mayd Waxaa U Danbeeyay Kaa La Siisido” Sool baa ugu danbaysay, jawaabteediina waxay noqotay, CIIDAN CIDLA LAGU QUBO, oo wax uu u socdo iyo qorshe uu ku socdo toona lahayn.
Dawladaadu waxay u joogtaa in JEEBADAHA shaqsiyaad gaarihi ka buuxsadaan, oo dadkana loo saaro “MAAWEELO CARUURTA”. Caqliga in laga koro oo la iswaydiiyo, maxaa inoo qorshaysan? Xagee hiigsanaynaa? Maxaa qabsoomay, maxaa se dhiman? Maxaan ku gaadhi karaa HIRKA AAN HIGSANAYNO?. Shalay halkaynu joognay, maanta halkeen soo gaadhnay? Dib u dhaca inagu yimid maxaa u sababa ah, een kaga bixi karaa (Berbera oo xidhantay, Itoobiya oo xidhantay, Jibuuti oo xidhantay, Cashuurtaadii oo Boosaaso la geeyo, etc)? Waxaas oo dhami iskamuu dhicin ee waa CUNA QABATAYN lagugu hayo, oo dawladaadu ka mid tahay dadka raba inay ku wiiqaan, oo dabadeedna aad isdhiibto oo aad tidhaa halkee laygu wadaa? Adigoo miskiina, saxeexdo in xeryo lagugu xareeyo, sida awrta layliga la barayo.
Digniin baan hadalka ku soo xidhayaa; intiina jecel dalka hooyo, ee BAARLAMAANKA cusub ka sugayay in uu isbedel keeno, haddii sidii ay u maamuleen MAALIYADII la ansixiyay u maamulaan shaqadoodii loo igmaday, halkii hore ee kuwii hore mareen ku BUSHAARAYSO, oo inuu khasaaray codkaagi nafta u sheeg.
GUUL IYO GOBONIMO SOMALILAND
Rashiid Cabdi, USA
arashiid@yahoo.com
 

Top


Xaalada Guud Ee Dalka Koonfurta Africa
Iyo Dhibaatada Soomaalida Hadhaysay!

Dalka koonfurta Afriki waxa uu ka mid yahay wadamada ugu dhaqaalaha badan leh qaaradan Africa, waxaanu horumar waafiya oo la tibaaxi karo ka gaadhay dhinacyada waxsoosaarka, caafimaadka, isgaadhsiinta iyo adeegsiga qaybaha kala duwan ee tecnolgy_ga casriga ah..
Dalku waxa uu hodan ku yahay dahabka iyo dheemanta laga qodo meelo ka mida gobolada Galbeedka Cape-ka iyo Bariga Cape-ka isla mar ahaantaana loo dhoofiyo Maraykan, Yurubta qaarkeed iyo dalwaynaha Shiinaha, taasina waxay saamaxday in xadiga dhaqaalaha dalku kordho celcelis ahaan sanadkii.

Xukuumadda Koonfurta Afrika iyadoo diirada saaraysa kobcinta iyo kor u qaadida wax soosaarka dalka ayay maalgalin ku samaysay xidhmooyin ama beero waaweyn oo laga falo dalaga iyo khudaarta noocyadeeda kala gedisan. Taasina waxay sahashay in dalku isku filaasho dhinaca maceeshada ah gaadho mana jirto maceeshad laga keeno dalka dibadiisa oo laga isticmaalo dalkan Koonfur Afrika balse waxa la tilmaami karaa hilibka laga cuno dalka Koonfurta Afrika in badidiisa laga soo waarido wadanka Australia.

Dalka Koonfurta Afrika waxaa si wayn uga hano qaaday ganacsiga xorta waxaana jira wershado iyo shirkado waawayn oo ku yaala dalka oo ka madaxbanaan maamulka dawladnimo isla markaana farsameeya qalabka kala duwan iyo baabuurta noocyadooda kalo duwan sida BMW oo laga leeyahay Jarmal waxaanad moodaa ganacsiga suuqyada waawayn ee dalka in ay gacan ku hayn iyo awood muuqata ku leeyihiin dadka cadaanka ah ee dalka dagani maamulka beeraha awgeed.
Balse waxaa la qirsanyahay in dadyawga kala duwan sinji ahaan hadday tahay madaw, cadaan iyo dadka midabka isku jira ah ama iska dhalka ah ee dalkan wada degani waa dad dareenkoodu ku baraarugsan yahay in wada jirka iyo wax wada qabsigu yahay amuur ugu sugan hanashada guusha horumarka dalka, dadka dhaladka ah ee dalkani waxay u qaybsamaan shaqo ahaan qaar u hawl gala dawladda iyo qaar ka shaqeeya ganacsiga xorta ah waanay yar yihiin dadka bilaacamalka ah ee dalkani u dhashay.
Dhaqaalaha dawladda Koonfurta Afrika wuxuu saamaxay in dadka da’doodu ka wayn tahay lixdan sano iyo caruurta da’doodu u dhaxayso 1 ilaa 10 sannadood ay siiso mushahar joogta ah bil walba; siyaasad ahaan dalkan Koonfurta Afrika waxaa uu ku xidhanyahay wadamada Maraykan iyo Ingiriis iyadoo lagu tiriyo in siyaasada arimaha dibada dalka Koonfurta Afrika ay tahay mid qunyar socda oo ka gaabsata amuuraha ay ku kala qaybsamaan ra’yul caalamku sidii dagaalkii Ciraaq lagu qaaday oo kale.
Si kastaba ha ahaatee dalka Koonfurta Afrika waxaa uu ka mid yahay wadamada amaankoodu aadka u liito waxaana si joogta ah uga dhaca rabshado dahsoon oo sababa dilka qudhgoynta ah ee lagula kaco dadka ajaanibka ah ee dalkani ku dhex dhaqan.
Iyadoo mashaqooyinka isdul barkan iyo xaaladaha amaan la’aanta ee dalkani ka jiraa ay gayaysiiyeen dayawga ajaanibka ah in ay ka haajiraan ku sugnaasha xasiloonida iyo amaanka waxaana jiray dadyaw ajaaniba oo shaqooyin ganacsi hoosaad tukaano u badan ka waday magaalooyinka madawgu dagaan oo wakhtigan xaadirka ah ku soo xoomay magaalada Cape Town iyo magaalada siyaasada dalka Koonfurta Afrika laga hago ee Pretoria ka dib markii ay ku hungoobeen ka shaqaysiga iyo ku noolaanshaha magaalooyinkii hore ay u joogeen xaaladda amaanka awgeed haddaba dadka ajaanibka ah ee wadankan lagu galaaftay ama lagu laayay waxaa ka mida boqolaal Soomaaliya mana jirto go’aamo iyo talaabooyin wax ku oola oo ay dadka Soomaalida ahi ay u gudbiyeen xukuumadda Koonfurta Afrika
Si kastaba ha ahaatee dalka Koonfurta Afrika waa meel Soomaalida si wayn ay uga dhaqan galiyeen ganacsiga xorta ah ee ka madaxbanaan shirkadaha amaba dawladda.
By: Xasan Saleebaan Dhuxul
South Africa Cape Town, biyaafal
hassan_dhuxul@hotmail.com



 

Top