Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 304 Date April 6, 2003

Arrimaha Bulshada: Ka fogow FEKRADAHA KHALDAN.

Xuska Sanad Guurada 22aad Ee Aasaaskii SNM Iyo Jawigii Ayaamihii Lagu Dhawaaqay.

Guddiga doorashooyinka Oo Axsaabta Siyaasada Uga Digay In Ay Majara Habaabiyaan Ololaha Doorashada.

Dawooyinka: Waxtarkooda iyo Waxyeeladooda (Qaybta 4aad).

DAWLADDA HABOON (qeybta 4aad), Caafimaadka.

“Goob Aan Ka Hadlo Waxaan Ugu Jecelahay Berbera Iyo Gar-Adag Waayo…”

Ciidamada Maraykanka Oo Debada looga Saaray Madaarka Iyo Daafaha Magaalada Baqdaad.

“Dawladu Miyaanay Is Maqlayn Oo Kala Amar Qaadan”.

Gabiley: Loolamka Iska Hor-Imaadka Iyo Xamaasada Leh Ee Xisbiyada Siyaasada.

Shir lagu taageerayo KULMIYE.

Xisbiga kulmiye Iyo Cadaadley.

Siyaasaddu Waa sida Daroogadda, Siciid Faarax Cabdi.

Jilba Dhiig.

Garta Xeer Beegti, Garta Dhaqanka.

Waatuma DAWLADDA HABOON (qeybta 4aad), Caafimaadkaw.


Arrimaha Bulshada: Ka fogow FEKRADAHA KHALDAN.

Waxa jira dad badan oo marka ay helaan xoogaa hanti ah ,ama aduun ah ku hamiya sidii ay u gaadhi lahaayeen dad caan ka ah bulshada ay ku dhex noolyihiin oo hantiilayaal ah. Laakiin kuwaasu horumarka ay doonayaan waxay u maraan dariiqyo khaldan, taasuna waxay keentaa inay ku hungoobaan wixii ay higsanayeen , ama ay ku taamayeen .Dadka noocaas ahi waxay si indho la,aan ah u qaataan talooyin ay usoo jeediyaan saaxiibadood oo aan cilmiyaysnayn. Arrimaha noocaas ah ayaa marka lugu guuldaraysto waxay qayb weyn ka qaataan ,waxyaabaha keena walbahaarka. Haseyeeshee fekredaha khaldan iyo talooyinka aan cilmiyaysnayn ayaa laga dareemaa ,weedho aan xanbaarsanayn nuxur iyo xaqiiqooyin ay ka dhadhamayaan nacayb iyo xasad,ereyada iyo faalooyika noocaas ah oo aan ahayn wax ku kooban mujtamac ka mid ah mujtamacyada ,ama bulshooyinka adduunka , waxa dadkaasu weedhaha ay isticmaalaan kamid ah “hebel waxba mahaysan jirin ee wuxu wax ku helay sidaa iyo sidaa.”

Laakiin waxay meesha ka saaraan inuu qofkaasu layimi dedaal iyo tacab uu ilaahay ku guuleeyay. Dadka noocaas ah ee aynu ka sheekeeyaa waxay dadka ay tilmaamayaan u sameeyaan dhaliilo iyo tilmaamo aanay lahayn , inkastoo ay bulshooyinka dunida ku dhaqani ay iskaga midyihiin, waxa la odhan karaa waxa jira kuwo iyagu hore uga talaabsaday , sidaa awgeed waxaynu tusaale usoo qaadanaynaa sida loogu guuldaraysto talooyinka majara habawsan ee aan cilmiyaysnayn, iyadoo la ogaaday inay dadka qaata sheekooyinkaasu ay inta badan ku guuldaraystaan oo ay ku hungoobaan sheekooyinkaa aan cilmiyaysnayn ee xaqiiqda ka fog , kuwaasoo aan tusaale u noqon karin qof doonaya inuu gaadho guulo iyo horumar la taaban karo oo xagga dhaqaalaha ah .

Waxa laga yaabaa inaad waxbadan maqashay qof hantiile ah oo aynu garanayno, ama aynu maqli jiray, laakiin sheekooyinka iyo faalooyinka laga bixiyo dadkaa ayaa inta badan noqda kuwo ka fog xaqiiqda , waxa laga yaabaa , haddii aad dhegaysato inaad arkayso , ama ogaanaysid inaanay aqoon fiican u lahayn dadka ay ka sheekaynayaan ,islamarkaana waxay u badan yihiin faalooyinkoodu kuwo ay ku jirto,ama laga dareemayo nacayb iyo xasad ay ku diidan yihiin horumarka iyo guulaha uu qofkaasu gaadhay.

Talaabooyinka noocaas ah ee aan cilmiyaysnayn marka uu qofku ku dhaqaaqo waxa uu mudo yar kadib galaa werwer iyo walbahaar ka dhasha dhibaatada khasaare ee aanu garwaaqsan,iyadoo ay taa sabab u tahay sida aan marnaba loo tusin wax khasaare ah , balse waxa la tusaa oo keliya macaash fara badan oo uu helayo mudo gaaban,iyadoo aan marnaba la tusin wax khasaare ah,islamarkaana aan qorshaha loogu darin in guusha uu qofkaasu gaadhay tahay mid ku timi halgan,dedaal iyo samir sanada qaatay. Sababahaa ayaa ugu waaweyn guul darooyinka ay ka dhaxlaan murugada dadka damaca xun ee hela hanti yar oo ka kaxaysa heerkoodii nololeed oo aan lagu hagin hab cilmiyaysan oo ka badbaadiya dhibaatada, islamarkaana waxa adkaatainay marka danbe la qaybsadaan meesha ay nolol ahaan kaga jiraan bulshada.

Laakiin waxa la odhan karaa maaha wax dunida ku cusub nacaybka iyo xasadka ka yimaada dadka horumarka neceb.
La soco.

Top


Xuska Sanad Guurada 22aad Ee Aasaaskii SNM Iyo Jawigii Ayaamihii Lagu Dhawaaqay.

Xuska Sanad Guurada 22aad Ee Aasaaskii SNM Iyo Jawigii Ayaamihii Lagu Dhawaaqay.

Hargeysa (Haatuf) Saaka waxa magaalooyinka gaar ahaan caasimada Hargeysa looga dabaal degayaa xuska sanad guuradii 22aad ee aas-aaskii SNM oo 6-dii April 1981-kii lagaga dhawaaqay magaalada London ee carriga Ingiriiska, waxaana lagu wadaa inay fagaaraha khayriyadda Hargeysa khudbado munaasibadaa la xidhiidha ka jeediyaan qaar ka tirsan aas-aasayaashii iyo guud ahaan hogaamiyayaashii siyaasadeed ee ururka SNM.

Waxa ururka SNM magaalada London kaga dhawaaqay niman siyaasiyiin ah oo isaga yimid dalalka Carabta iyo kuwa Reer Galbeedka. Hase yeeshee marka laga yimaado kooxaha London kaga dhawaaqay ururka SNM, haddana dareenka mucaaradada ee aas-aaska ururka SNM intaa wuu ka sal-balaadhnaa, waxaana xataa jirey rag door ah oo gudaha ku jirey ama haddii ay doonaan ka tirsanaa maamulkii Siyaad Barre, oo uu ku jirey guuxa mucaaraddada, kuwaas oo xidhiidh la lahaa dhaqdhaqaaqyadii debbadda.

Xasan Xoosh Iyo M/Amin Jibril oo Haatuf ka tirsan ayaa soo ururiyey daraasad la xidhiidha aas-aaskii SNM, sidii loogu dhawaaqay, dareenkii mucaaradeed ee xiligaa jirey iyo dareenkii uu ka bixiyey hogaamiyihii taliskii Milatari ee wakhtigaa ka talinayey, Maxamed Siyaad Barre, iyada oo ay labadan weriye arrintaa waraysiyo kala yeesheen rag door ah oo ka tirsan aas-aasayaashii SNM, iyo hogaamiyayaashii siyaasadeed iyo Milatari ee ururka SNM, oo markii lagu dhawaaqay muddo yar ka dib noqday urur xoogan oo ka kooban garab milatari iyo garab siyaasadeed labadaba, wuxuuna ururkii SNM in ka badan 10 sanadood dagaal hubaysan kula jirey xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre, oo dalkii Soomaaliya ka talinaysay in ka badan 21 sanadood.

Maxamed Siyaad Barre dareen cadho leh ayuu ka bixiyey ku dhawaaqidii ururka SNM wuxuuna waxyar ka dib xabsiga u taxaabay rag badan oo masuuliyado sar sare ka hayey dawladdii uu madaxweynaha ka ahaa, kuwaas oo uu ku tuhmayey inay xidhiidh la leeyihiin ururka cusub ee mucaaradka ah ee lagaga dhawaaqay magaalada London.

Sida ay sheegeen qaar ka tirsan aas-aasayaashu ilaa afar nin ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay magaca ururka laakiin waxyar ka dib ayaa isla magaalada London lagu qabtey shirweyne si rasmi ah loogaga dhawaaqay aas-aaska ururka SNM, laakiin afarta nin ee markii u horeysay saxaafadda u sheegay magaca ururka SNM waxay kala ahaayeen Xasan Aadan Wadaad-diid, Maxamed Xaashi Cilmi, Axmed Ismaaciil (Duqsi) iyo C/Salaan Yaasiin, waxaase muddo yar ka dib shirweyne aas-aaskii ururka SNM, waxaana magaalada London laga sameeyey warside la ku hadla afka ururka SNM, magaciisa Somalia uncensored, joornaalkaas waxa tifaftire ka ahaa Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, oo isaga laftiisu ka mid ah raggii magaalada London kaga qayb qaatay aas-aaskii ururka SNM.

Hase yeeshee muddo todoba bilood ka dib ayey saraakiil sare sare oo ciidamadii Soomaaliya ka tirsani u talaabeen dhinaca dalka Itoobiya, halkaas oo iyaguna ka aas-aaseen garab Milatari oo ururka SNM ah, intaa ka dibna waxa is qabsaday halgankii siyaasadeed iyo kii milatari ee ururka SNM, wuxuuna ururka SNM noqday mucaarad kulul siyaasiyan iyo Milatari ahaanba, oo laf dhuun gashay ku noqday xukuumaddii Milatari ee Siyaad Bare.

Ururka SNM waxa uu ka abuurmay cadaadiskii ay xukuumaddii Siyaad Barre saartey dadkii ku dhaqnaa gobolada waqooyi ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya, iyada oo ay taa ka horeysay tabashooyin soo jiitamay ilaa iyo xiligii midawga, ee Somaliland iyo Soomaaliya 1960-kii, ka dib markii ay labadaa dal xorriyadoodii ka kala qaateen labadii gumaysi ee Ingiriiska (Somaliland) iyo Talyaaniga (Soomaaliya).

Sidaa darteed cadadyada soo socda waxaanu idiinku soo gudbinaynaa macluumaad xiise leh oo la xidhiidha dareenkii uu ka samaysmay ururka SNM, siyaalihii uu u samaysmay, afkaarihii kala duwanaa ee ay qabeen raggii u dhuun daloolay ama ku lug lahaa dareenkii Aas-aaska SNM, iyo waliba dareenkii uu ka bixiyey taliskii Siyaad Barre.

Top


Guddiga doorashooyinka Oo Axsaabta Siyaasada Uga Digay In Ay Majara Habaabiyaan Ololaha Doorashada.

Guddiga doorashooyinka Oo Axsaabta Siyaasada Uga Digay In Ay Majara Habaabiyaan Ololaha Doorashada.

Hargeysa (Haatuf): Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa maalintii shalay soo saaray talooyin iyo go’aano ku saabsan habsami u socodka tartanka ololaha doorashooyinka madaxtinimada oo lagu wado inay bishan 14-keeda ka dhacaan dalka. Waxaanay guddigu sheegeen inay jiraan cabashooyin kasoo baxaya qaabka ay haatan u socdaan ololaha doorashooyinku, iyagoo ugu baaqay mas’uuliyiinta saddexda xisbi ee tartamaya inay ilaaliyaan anshaxa iyo xeerarka doorashooyinka.

War-saxaafadeed ay guddigu maalintii shalay kasoo saareen arrintaasi oo uu ku saxeexan yahay Axmed X. Cali Cadami (G. Guddiga Doorashooyinka) waxa uu u qornaa sidan; “Sida aynu ogsoonahay waxa 14-ka bishan April loo dareerayaa gudashada waajibaadka doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.

Si loo gaadho yoolka aynu hiigsanayno oo ah in la qabto doorasho xor ah oo xalaal ah, iyadoo inta ka horraysa 12-ka April oo ah 48 saacadood kahor maalinta doorashadu dhacayso uu xeerka doorashooyinku xalaalaynayo in xisbiyada tartamaya ay qabsadaan ololahooda doorashada iyadoo mid waliba qabsanayo ololihiisa uu ku wacyigelinayo kuna abaabulayo taageerayaashiisa. Haddaba, waxa dhacday in cabashooyin ka yimaadeen habka loo amba-qaaday ololaha doorashada, si haddaba cabashooyinkaas saamaynta tooska ah ku leh nabadgelyada guud looga hortago waxa komishanka qaranku kulan deg-deg ah isugu yeedhay madax ka socota saddexda xisbi, iyadoo uu goob-joog ahaan shirkaa uga qaybgaleen guddoomiyaha gobolka iyo maayorka magaalo Madaxda, falan-qayn iyo xog-waraysi kadib waxay mas’uuliyiinta saddexda xisbi muujiyeen dareen xilkasnimo ku dheehan tahay, iyadoo wadajir looga garaabay baahida loo qabo sixitaanka dhaliilaha kasoo if-baxay ololaha doorashada, waxaanay isla garteen komishanka iyo xisbiyaduba in ololaha laga ilaaliyo wixii wax yeelaya nabadgelyada, waxaanay komishanku ku booriyeen Madaxda saddexda xisbi qodobadan:

In ololaha doorashada lagu soo dabbaalo hanaanka hufan ee ku qeexan qodobada 28-31 ee xeerka doorashooyinka.
in aan ololaha doorashada loo adeegsan qaab kasta oo abuuri kara nabadgelyo darro.

In laga digtoonaado wixii af-lagaado iyo qadaf shaqsiyadeed oo ka baxsan dahliil maamul iyo mid mas’uuliyadeed.

In la xushmeeyo si buuxdana loo dhaqangeliyo go’aamadii hadda kahor komishanka qaranku kasoo saaray dhawrista sharciga ololaha doorashada.

Sidoo kale, waxaa hay’adaha nabadgelyada u xil-saaran laga codsanayaa inay dabagal iyo baadhitaan sugan ku sameeyaan dhallinyaro lagu tuhunsan yahay inay caadaysteen inay qaab shirqool u isticmaalan astaamo xisbi oo ayna xubno ka ahayn, si wixii fal xad-gudub ah ee ay ku kacaan loogu aaneeyo xisbi sadhayn iyo kaadh ka gubid.
Guddiga doorashooyinka Oo Axsaabta Siyaasada Uga Digay In Ay Majara Habaabiyaan Ololaha Doorashada.

Top


Dawooyinka: Waxtarkooda iyo Waxyeeladooda (Qaybta 4aad).

By: Maxamed X. Daahir (Gudoomiyaha Ururka Farmasiyada Somaland).

Haddaba, waxaynu jawaab u raadinaynaa laba su’aalood, waa ta hore e ilaa xadkee ayay gaadhaa halista ku jirta dawooyinka, waa ta labaad e halista dawooyinku ay leeyihiin waa kuwee? Ma jirto haba yaraatee dawo lagu tilmaami karo inaanay waxyeello lahayn, hase yeeshee dawooyinka qaarba qaar ayay ka halis yaryihiin, hadii uu dhakhtarkaagu kugu yidhaa dawadaa an kuu qoray wax khatar ah ma laha, waxa laga yaaba inuu doortay dariiqa sahlan oo u is leeyahay ha ka shakisiin. Waxa dhacda dhooska caadiga ah ee dawo uu qof ka qaato iyadoon waxba u dhimin inay qof kale halis geliso.

Xasaasiyad dawada ka dhalata ee loo yaqaan “Adverse reactions” dadkoo dhan si uma wada qabato oo waxa dhacda in dawo aanad adigu waxba ku noqon ay qof kale u keento xasaasiyad, sidaa darteed way adagtahay in la sii saadaaliyo in qofka dawada la siinayo u wax ku noqonayo iyo in kale, markaa waxa lagama maarmaan ah in qof kasta oo dawooyin qaadanayaa uu fiiro gaar ah u yeesho natiijada ka dhalata dawooyinkaas si uu u kala barto ta jidhkiisu qaadan karo iyo ta uu jidhkiisu diido. Waxa haboon adigoo dawo qaadanaya hadii ad isku aragto dareen aan caadi ahayn inaad si dhakhso ah ugu wargeliso dhakhtarkaaga.

Dhakhaatiirta laftooda waxa ku waajib ah in dadka ay dawaynayaan ay uga digaan dhibaatooyinka xoogga leh ee ka iman kara dawada ay qaadanayaan, maxaa yeelay xasaasiyada dawada ka dhalata ee loo yaqaan “Adverse reactions” halisteedu waxay gaadhi karta ilaa heer dhimasho. Mid ka mid ah mas’uuliyadaha ugu muhiimsan ee ay dhakhaatiirtu u xilsaaran yihiin ayaa ah inay qiimeeyaan sifooyinka gaarka u ah qofka buka, sifooyinkaas oo ah da’da qofka, lab iyo dhedig midka uu yahay, miisaankiisa, shakhsiyadiisa, hab-dhaqankiisa iyo cudurka qofka haya noociisa, sifooyinkaas oo dhami waa kuwa xadidi kara xasaasiyada ama saamaynta “Reaction” ay dawadaasi ku yeelan karto qofka buka.

Dadka dhuudhuubani badanaaba waxay dawada ka qaadan karaan in ka yar inta uu qofka buurani ka qaadan karo, dadka ay da’doodu aad u weyntahay iyo carruurta yaryar iyaguna waxay u baahanyihiin dhoos la yareyay, carrurta dhalatay ee aad u yaryar waxa suurto gal ah inaanay dawooyinka qaarkood xamiliba karin maxaa yeelay qaybaha u ka kooban yahay nidaamka jidhkooda oo markaasuun samaysmaya darteed ayaanay burburin karin kimikalka qalaad ee jidhkooda gala. Waxa kale oo iyaguna xusid mudan dadka uu jidhkoodu bartay alkoolka ama dawooyinka hurdada keena oo iyaguna sida qaalibka ah dawooyinka qaarkood u baahan in dhoos weyn laga siiyo waayo beerkooda ayaa dawooyinka dhakhso u burburiya oo markiiba jidhka ka saara.

Dadka ay da’doodu aad u weyntahay waxay u nugul yihiin dhooska caadiga ah ee dawooyinka maska dejiya sida “Valium” ama “Librium”, sidaa darteed waa in dawooyinkaas si taxadir leh loo siiyaa. Dumarka ayaa iyaguna guud ahaan aad ugu nugul xasaasiyada iyo saamaynta dadban “Adverse reactions” ee ka dhalata dawooyinka badankooda. Sidaas awgeed, waa mas’uuliyadda dhakhaatiirta inay sifooyinkaa an kor ku soo sheegnay oo dhan ku xisaabtamaan oo ay dhooska ku xadidaan sifaha u qofka xanuunsanyaa leeyahay (Characteristics) marka ay dawooyin u qorayaan. Weliba dhakhtarka hawshiisu intaas uun kuma dhama ee waxa waajib ku ah qof kasta oo u dawo ama dawooyin u qoray inuu dabagal ku sameeyo oo u ogaado in dawooyinkii u qoray ay keeneen natiijadii laga rabay iyo in aanay wax saamayn dadban ama xasaasiyad ah ku yeelan qofkii qaadanayay.

La soco.

Top


DAWLADDA HABOON (qeybta 4aad), Caafimaadka.

Daryeelka caafimaadka dalku waa arrin mudan in la siiyo ahmiyadda ay leedahay, waxana haboon in lagu xisaabtamo ka hortagga cudurada faafa sida; Qaaxada, Aids-ka, iwm. Si looga hortago khatarta caafimaad ee inagu soo fool leh, waa mid u baahan in si weyn loogu hawl galo xoojinta iyo daryeelka adeegyada caafimaad ee dalka.

Guud ahaan adeegyada caafimaad ee dalku aad ayey u liitaan, mana aha kuwo ku guuleystay in ay daboolaan baahida caafimaad ee jirta. Taas waxa sabab u ah iyada oo ayna jirin qorshe hufan oo ay dawladu u dejisay in lagu horumarinayo caafimaadka. Cisbitaalada hadda jira waxa ka muuqata daryeel la’aan, qalabkii caafimaad oo aad ugu yar meelaha qaarna aan jirin, daawo la’aan iwm. Haddaba, haddii la daryeelo, Cisbitaalada ilaa xad way dabooli karaan baahida caafimaad, (eeg shaxanka 9.1). Sida ku cad misaaniyada 2002, kharashka loo qoondeeyey qorshaha Wasaaradda Caafimaadku waxa uu ahaa $512,753 oo u dhiganta 3% dakhliga guud, mana aha mid dabooli karta baahida caafimaadka, sidoo kale misaaniyadaas kuma jiraan barnaamijyo loogu talo galay horumarinta caafimaadka dalka sida; tababarada shaqaalaha iwm.

Waxa iyana jirta in shaqaalhii hore u tababarnaa ay ku dhaw yihiin xilligii hawlgabka, sida darteed waxa lama huraan ah in shaqaaluhu noqdaan kuwo hela tababaro joogta ah, si loo helo shaqaale aqoon leh, waxna ka qabta ka hortaga cudurada faafa.

Waxa hadda jirta xarun loogu talo galay tababarka shaqaalaha, waxana sannadkii lagu tababari karaa ugu yaraan 30 kalkaaliye, taasi o ay ku baxayso kharash dhan $18,000 (tababarayaasha).

Waxa iyana muhiim ah in agaasimayaasha Cisbitaalada ahaadaan kuwo loo tababaray habka maamulka iyo maaraynta.

Waxa hubaal ah, marka shaqaalaha loo huro mushahar ay ku noolaan karaan iyo xuquuq, isla markaana la qalabeeyo Cisbitaalada, dawayooyina la dhigo, in Cisbitaalada hadda jiraa ku filnaan doonaan baahida caafimaad ee dalka.

Kharashka loogu talo galay sannadka 2002 in ay ku baxdo dawooyinka Cisbitaaladu waa $31,250 kaasi oo ah mid aan ku filnayn baahida ka jirta Cisbitaalada.

Haddaba, si loo daboolo baahida dawo ee Cisbataalada dalka ka jirta waxa loo baahan yahay kharash dhan $150,000 sannadkii, sida ku cad shaxanka 9.2, sidoo kale qalabaynta Cisbitaalada waxa ku baxaysa kharash dhan $1,500,000.

Qiimeyntan waxa laga keeney (International Dispensary Association “IDA").

Top


“Goob Aan Ka Hadlo Waxaan Ugu Jecelahay Berbera Iyo Gar-Adag Waayo…”

“Goob Aan Ka Hadlo Waxaan Ugu Jecelahay Berbera Iyo Gar-Adag Waayo…”

Berbera (Haatuf): Wefti uu hoggaaminayo musharaxa madaxtinimada ee xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa maalintii Khamiistii gaadhay magaalo-madaxda gobolka Saaxil ee Berbera, taas oo qayb ka ah ololaha tartanka madaxtinimada ee dhawaan dalka ka dhici doona.
Faysal Cali Waraabe iyo weftigiisa oo si weyn loogu soo dhoweeyay Berbera waxa uu dadweynaha kala hadlay meel fagaare ah oo ay isugu yimaadeen dadweyne aad u farabadan oo taageersan xisbiga UCID.

Khudbad uu u jeediyay Faysal Cali dadka reer Berbera waxa uu kala hadlay arrimo badan oo khuseeya marxaladda doorashooyinka iyo arrimo kale oo khuseeya guud ahaanba dalka. Ugu horrayn waxa uu Faysal Cali Waraabe u duceeyay dadka reer Ciraaq ee duulaanka ku hayaan xulafada Maraykanka iyo Ingiriisku, waxa kale oo uu si gaar ah ugu duceeyay madaxweynihii geeriyooday ee Somaliland, Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal oo lagu aasay Berbera. Kadib waxa uu ka hadlay marxaladda uu dalku marayo. “Maanta waxa uu dalkeenu marayaa marxalad wanaagsan oo aynu u diyaar-garoobayno doorashada madaxtinimada, muddooyinka dhaweyd ee aan soo maray dalal dibedda ah waxaan ku soo guulaystay inaan taageero badan usoo jiido dalka, maantana waxaan u mahad-naqayaa dawladda Ingiriiska oo lacag ugu deeqday doorashooyinka dalkeena,” ayuu yidhi Faysal Cali, waxaanu intaa ku daray in loo baahan yahay sidii dalka looga sii horumarin lahaa marxaladda uu marayo, taasoo loo baahan yahay in wadajir looga qaybqaato.

Kadib waxa uu ka hadlay barnaamijkiisa ku aadan wax-qabadka dalka, haddii uu ku guulasyto doorashada madaxtinimada. “Waxaanu doonaynaa inaanu dalka ka hirgelino is-beddel ballaadhan oo dhammaan dhinacyada khuseeya sida arrimaha bulshada, caafimaadka, shaqaalaha, waxbarashada, anagoo shaqaalaha u samayn doona xuquuq iyo sharci gaar ah oo lagu ilaaliyo,” ayuu yidhi, isagoo ku booriyay dadka reer Berbera inay codkooda u siiyaan ciddii ay doorbidaan iyo in la ilaaliyo sidii ay doorashadu ugu dhici lahayd nabadgelyo iyo xasillooni. “Doorashada uun laguma soo baraarugee waa loo soo tabcadaa oo waa loo soo diyaargaroobaa, waanu usoo tacabnay waxaana loo baahan yahay in shanta sano ee soo socda aynu adduunka dhinac ka raacno, waxaanu qorshahayagu yahay in berberi dekedaha Caalamka la tartanto oo ay Dubai gaadho, iska daa Jabuuti, waayo waa halkuu kasoo baxo dhaqaalaha dalku, meel aan ka khudbadeeyana waxaan u jecelahay Berbera iyo Gar-adag, waayo dadkoodaa aad u wanaagsan oo ilbax ah.”

Kahor waxa halkaa ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga UCID, maalintii shalayna xisbiga UCID waxa uu afar xafiis oo cusub ka furtay degmooyinka 26-june iyo Gacan-libaax oo ka tirsan Hargeysa.

Munaasabadihii furitaanka xafiisyadan waxa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan UCID oo uu horkacayo guddoomiyaha gobolka Hargeysa, Axmed C/laahi Cawaale iyo mas’uuliyiin kale.

Top


“Goob Aan Ka Hadlo Waxaan Ugu Jecelahay Berbera Iyo Gar-Adag Waayo…”

Berbera (Haatuf): Wefti uu hoggaaminayo musharaxa madaxtinimada ee xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa maalintii Khamiistii gaadhay magaalo-madaxda gobolka Saaxil ee Berbera, taas oo qayb ka ah ololaha tartanka madaxtinimada ee dhawaan dalka ka dhici doona.
Faysal Cali Waraabe iyo weftigiisa oo si weyn loogu soo dhoweeyay Berbera waxa uu dadweynaha kala hadlay meel fagaare ah oo ay isugu yimaadeen dadweyne aad u farabadan oo taageersan xisbiga UCID.

Khudbad uu u jeediyay Faysal Cali dadka reer Berbera waxa uu kala hadlay arrimo badan oo khuseeya marxaladda doorashooyinka iyo arrimo kale oo khuseeya guud ahaanba dalka. Ugu horrayn waxa uu Faysal Cali Waraabe u duceeyay dadka reer Ciraaq ee duulaanka ku hayaan xulafada Maraykanka iyo Ingiriisku, waxa kale oo uu si gaar ah ugu duceeyay madaxweynihii geeriyooday ee Somaliland, Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal oo lagu aasay Berbera. Kadib waxa uu ka hadlay marxaladda uu dalku marayo. “Maanta waxa uu dalkeenu marayaa marxalad wanaagsan oo aynu u diyaar-garoobayno doorashada madaxtinimada, muddooyinka dhaweyd ee aan soo maray dalal dibedda ah waxaan ku soo guulaystay inaan taageero badan usoo jiido dalka, maantana waxaan u mahad-naqayaa dawladda Ingiriiska oo lacag ugu deeqday doorashooyinka dalkeena,” ayuu yidhi Faysal Cali, waxaanu intaa ku daray in loo baahan yahay sidii dalka looga sii horumarin lahaa marxaladda uu marayo, taasoo loo baahan yahay in wadajir looga qaybqaato.

Kadib waxa uu ka hadlay barnaamijkiisa ku aadan wax-qabadka dalka, haddii uu ku guulasyto doorashada madaxtinimada. “Waxaanu doonaynaa inaanu dalka ka hirgelino is-beddel ballaadhan oo dhammaan dhinacyada khuseeya sida arrimaha bulshada, caafimaadka, shaqaalaha, waxbarashada, anagoo shaqaalaha u samayn doona xuquuq iyo sharci gaar ah oo lagu ilaaliyo,” ayuu yidhi, isagoo ku booriyay dadka reer Berbera inay codkooda u siiyaan ciddii ay doorbidaan iyo in la ilaaliyo sidii ay doorashadu ugu dhici lahayd nabadgelyo iyo xasillooni. “Doorashada uun laguma soo baraarugee waa loo soo tabcadaa oo waa loo soo diyaargaroobaa, waanu usoo tacabnay waxaana loo baahan yahay in shanta sano ee soo socda aynu adduunka dhinac ka raacno, waxaanu qorshahayagu yahay in berberi dekedaha Caalamka la tartanto oo ay Dubai gaadho, iska daa Jabuuti, waayo waa halkuu kasoo baxo dhaqaalaha dalku, meel aan ka khudbadeeyana waxaan u jecelahay Berbera iyo Gar-adag, waayo dadkoodaa aad u wanaagsan oo ilbax ah.”

Kahor waxa halkaa ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga UCID, maalintii shalayna xisbiga UCID waxa uu afar xafiis oo cusub ka furtay degmooyinka 26-june iyo Gacan-libaax oo ka tirsan Hargeysa.

Munaasabadihii furitaanka xafiisyadan waxa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan UCID oo uu horkacayo guddoomiyaha gobolka Hargeysa, Axmed C/laahi Cawaale iyo mas’uuliyiin kale.

Top


Ciidamada Maraykanka Oo Debada looga Saaray Madaarka Iyo Daafaha Magaalada Baqdaad.

“Ciidamada Soo Duulay Waanu Ka Saarnay Dhulkii Ay Soo Galeen, Iyaga Oo Hadhaagoodina Ku Go’doonsan Madaarka Hareerihiisa” Wasiirka Warfaafinta Ciraaq “Baqdaad Waxay Noqon Doontaa Qubuuraha Ciidamada Maraykanka,Haddii Ay Isku Dayaan Inay Soo Galaan”Sarkaal Reer Ciraaq ah.

Baqdaad (W.Wararka) - Dawladda Ciraaq ayaa maalintii shalay sheegtay in ciidamada Maraykanka oo isku deyay inay qabsadaan madaarka caalamiga ah ee Sadaam International Airport oo magaalada Baqdaad u jira 20 km lagu khasbay inay dib u gurtaan, kadib markii weeraro ba’an oo rogaal celis ah ay ku qaadeen ciidamada qalabka sida ee dalka Ciraaq oo ay horkacayaan Xaaris-Aljamhuuriga iyo naftood-hurayaasha Sadaam.

Sida uu sheegay Wasiirka warfaafinta ee Ciraaq, Maxamed Saciid Al-saxaaf, ciidamada Ciraaq ayay guushu ku raacday dagaalka ka dhacay madaarka iyo hareerihiisa, isagoo intaa ku daray in ciidamada Maraykanka lagu khasbay inay dib uga gurtaan madaarka iyo hareerihiisa, haatana ay gacanta ku hayaan madaarka ciidamada Xaaris-Aljamhuuriga, waxaanu intaa ku daray isagoo yidhi, “Waxaanu ku garaacnay sawaariikh iyo madaafiic, iyadoo ay Xaaris-Aljamhuuriga iyo Naftood hurayaasha Sadaam ay ku qaadeen weeraro is-biimayn ah,” ayuu yidhi wasiirku, isagoo intaa ku daray in ciidamada Maraykanka madaarka loogu geystay khasaare aad u ballaadhan oo mood iyo noodba leh.

“Waanu burburinay ciidankii soo galay madaarka, waxaananu u geysanay khasaare ballaadhan oo mood iyo noolba leh, kuwaasoo daadsan hareeraha madaarka, waxayse isku deyeyaan inay adeegsadaan waxay hub haystaan, balse waxba ma yeeli karayaan ciidamada Xaarisu-Aljamhuuriga ee gacanta haatan ku haya madaarka iyo hareerihiisa,” ayuu yidhi.

Dad goob-joog ahaa madaarka ayaa sheegay in dad miinaysan oo naftood hurayaal ahi ay qaraxyo waaweyn u geysteen ciidamada Maraykanka, inkastoo aan la ogayn dhimashada halkaa ka dhacday. Balse dhinaca kale, sarkaal u hadlay Maraykanka ayaa sheegay in aanay ciidamadoodu ka bixin madaarka, ciidamada Ciraaqna inay madaarka kusoo dhowaadeen, kuwaasoo uu sheegay in khasaare weyn loo geystay, waxaanu ku adkaystay af-hayeenku inay ciidamadoodu haatan haystaan madaarka, isagoo ku tilmaamay sheegashada Ciraaq mid aanay waxba ka jirin.

Suxufiyiin ku sugan magaalada Baqdaad ayaa iyaguna cadeeyay inaanay waxba ka jirin wararka sheegaya in ciidamada Maraykanku u dhawaadeen magaalada Baqdaad, balse waxay xaqiijiyeen in magaalada dhexdeeda laga maqlayo gariirka iyo madaafiicda ka socota goobaha dagaalka, taasina waxa ay meesha ka saartay sheegashadii Maraykanka ee ahaa inay galeen magaaladaasi. Waxaana la sheegay in difaaca ciidamada Ciraaq uu aad uga adag yahay sidii ay ku talogaleen Maraykanku, iyadoo ay haatan jilibka u aasteen ciidamada Xaarisu-Aljamhuuriga oo intii hore dagaalka aan si toos ah usoo gelin.

Sadaam xuseen oo usoo baxay suuqyada Baqdaad.
Madaxweynaha Ciraaq, Sadaam Xuseen ayaa markii ugu horaysay usoo baxay suuqyada waaweyn ee magaalada Baqdaad, taas oo sawiro ku saabsan arrintaasi uu soo bandhigay telefishanka dalka Ciraaq oo ay ka xigteen warbaahinta kale ee caalamku. Soo bixitaanka Sadaam Xuseen waxay kusoo beegantay iyadoo ciidamada Maraykanku ay sheegteen inay gacanta ku dhigeen madaarka caalamiga ah ee Sadaam, waxaanu sheegay telefishanka Ciraaq in madaxweynuhu booqanayay goobaha ay duqeeyeen ciidamada xulafadu. Waxaana laga arkay sawiradaasi Sadaam Xuseen oo gaaf-wareegaya wadooyinka waaweyn iyo xaafadaha magaalada Baqdaad, iyadoo ay kusoo urureen dadweyne reer Ciraaq oo taageeradooda muujinayay.

Soo if-bixitaanka Sadaam Xuseen, waxa uu dhirbaaxo ku noqday dawladaha Maraykanka iyo Ingiriiska oo sheegtay inay dileen Sadaam, balse waxa ay ku doodeen inuu leeyahay Sadaam dad farabadan oo isaga u eg oo markay doonaan isaga iska dhiga.

Kahor intii aanu soo bixin, waxa uu Sadaam ugu baaqay dadkiisa inay jihaad kala hortagaan xulafada.

Blair iyo Bush oo ku kulmaya Ireland
Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Ireland, waxa lagu wadaa in dhawaan halkaa uu ka dhaco shir ay ku kulmayaan Madaxweyne Bush iyo ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska Tony Blair si ay uga wada-hadlaan halka uu marayo dagaalka Ciraaq.

Sida uu sheegay af-hayeen u hadlay aqalka Cad, Madaxweyne Bush waxa uu kala hadlayaa Blair mustaqbalka Ciraaq, iyadoo ay yihiin labadoodu kuwa isugu dhow ee ka wada socda dagaalka Ciraaq, waxaanu intaa ku daray in ay isla eegi doonaan oo kale kaalmada loo geysanayo dadka reer Ciraaq marka uu dhammaado dagaalka ay wadaan xulafada Maraykanka iyo Ingiriisku.

Waxa la sheegay in ciidamo dhan 45000 oo Ingiriis ahi ay ka barbar dagaalamayaan ciidamada Maraykanka oo iyagana lagu qiyaasay 250,000 oo dagaal ka wada gudaha Ciraaq.

Dhaqaalaha Maraykanka oo hoos u dhacay.

Wasaaradda shaqada ee Maraykanka ayaa sheegtay in mushaharka iyo shaqaalaha Maraykanku ay hoos u dhaceen tan iyo intii uu bilaabmay dagaalka dalka Ciraaq, bishii March ee dhammaatay, iyadoo ay korodhay dadka bilaa camalka ah oo gaadhay 5.8%, taasoo la filayo inay kasii badato.

Sidoo kale, waxa la sheegay inuu guud ahaanba hoos u dhacay dhaqaalaha Maraykanku oo gaadhay heerkii ugu hooseeyay in muddo ah, waxaana lagu qiyaasay shaqooyinka la waayay muddadaa 40,000 oo shaqo tan iyo intii uu bilaabmay dagaalku.

Top


“Dawladu Miyaanay Is Maqlayn Oo Kala Amar Qaadan”.

Hargeysa (Haatuf): ”wasaaraddu markii ay ogaatay inay guriga Lr. A/103 deganaayeen agoonta ilma Ismaaciil Sh. Ibraahin Muuse DucaaLe, isla markaana aanu tixgelinay amarka Madaxweynaha JSL, waxay wasaaraddu go’aansatay inla buriyo amarkiii hore, waxayna wasaaraddu go’aansatay in gurigaa ay ku ogtahay agoonta”, sidaa waxa lagu yidhi wareegto qoraal ah oo Febarweri 20, 2003 ka soo baxday xafiiska wasiirka hawlaha iyo guriyeynta dawladda Somaliland, waxayna wareegtada wasiirku ka dambaysay markii uu soo if-baxay muran ka dhex-oogan agoonta Ilma Ismaaciil Sh. Ibraahin Muuse Ducaale iyo nin kale oo la yidhaahdo Siciid Ismaaciil oo mar ahaa taliye-xigeenka booliska Somaliland, isla markaana ay isku reer yihiin agoonta lafteeda, wuxuuna murankaasi sababay inay arintaasi gaadho ilaa xafiiska Madaxweynaha, isla markaana ay ugu yaraan ilaa laba wasiir ka soo saaraan amaro ay ku cadaynayaan inay gurigaa degan yihiin agoonta ilma ismaaciil Sh. Ibraahin.

Hase yeeshee weli waxa taagan dacwad ay agoonta guriga degani sheegeen inay wadaan xeer ilaalintu, iyaga oo aaminsan inuu dacwaddaa dabada ka waddo ninka gurku haysta oo ay sheegeen inuu adeerkood yahay, waxayna agoontani ku cawdeen inay boolisku hatigaad u geysteen, taas oo ninka guriga ku haystaa doonayo inuu guriga xoog kaga saaro, isaga oo doonaya inuu si sharci daro ah u isticmaalo awoodda ciidanka booliska.

Sida ku cad qoraalka sumadiisu tahay QBD/B25/2000 waxa uu taliyaha ciidanka badhista dembiyada Somaliland, Daahir Muuse Abraar soo saaray amar uu agoonta gurigan degan ugu sheegayo inay gurigaa kaga baxaan muddo 7 maalmood ah, isla markaana hadii ay ka bixi waayaan talaabo laga qaadi doono, iyadoo uu taliyaha C.I.D-du qoraalkaa ku yidhi “Aniga oo tixraacaya xaashida summadeedu tahay WHG/G/G2/7-25/2000, kana soo baxday wasaaradda hawlaha guud iyo guriyeynta, laguna cadeeyey in guriga Lr. A/103 la siiyey Siciid ismaaciil, sidaa awgeed waxa lagugu wargelinayaa inaad 7 cisho gudahood kaga baxdaan gurigaa, laga bilaabo 31/1/2003, kuna eg 6/2/2003, hadii aad ka bixi waydona talaabo sharciga waafaqsan ayaa lagaa qaadi doonaa”ayuu taliyaha C.I.D-du ku soo xidhay qoraalkiisa, laakiin wasiirka hawlaha guud iyo guriyeynta, Yuusuf Caynab ayaa 20-kii Febarweri, 2003 soo saaray wareegto kale oo uu ku tirtirayo qoraalka uu taliyaha C.I.D-du xiganayo, isla markaana ku cadaynayo inay gurigaa hore u deganaayeen agoonta ilma Ismaaciil Sh.Ibraahin Muuse Ducaale, iminkana ay wasaaraddu iyaga ku ogtahay, sidaa darteed aan laga saari karin, wuxuuna wasiirka hawlaha guud wareegtadiisa ku yidhi “Guriga Lambarkiisu yahay A/103 ee hore loogu ogolaaday Siciid Ismaaciil oo sheegtay inuu gurigaa soo helooday sida ku cad qoraal uu hore wasaaradda hawlaha guud ugu soo gud-biyey Juun1, 2002, balse ka dib markii ay wasaaraddani ogaatay in guirgaa ay hore ugu jireen oo ay deganaayeen agoonta ilma Ismaaciil Sh. Ibraahin Muuse Ducaale, anaga oo tixgelinay amarka Madaxweynaha JSL oo ah in gurigaa loo daayo agoonta waxay wasaaraddani go’aansatay in la buriyey go’aankii hore, waxayna wasaaraddu guriga Lr. A/103 ku ogtahay agoonta ilma Ismaaciil oo ah dhinaca Faadumo Warsame Xirsi (Agoonta hooyadood)”ayuu wasiirka hawlaha guud ku soo afjaray qoraalkiisa, laakiin sidoo kale wasiirka arimaga gudaha Eng: ismaaciil Cismaan Aadan ayaa isna arinta gurigaa ka soo saaray wareegto kale oo uu ku amrayo in agoontaa guriga ay degan yihiin aan laga saari karin, ayna iyagu hore u deganaayeen, wareegtada wasiirka daakhiliga oo soo baxday 9-kii Febarweri, 2003 waxay u qornayd “Guriga Lr. A/103 waxa ku jirta agoontii uu ka tegay alla ha u naxariistee Ismaaciil Sh. Ibraahin, taas oo ay xaaskii marxuumkaa Faadumo Warsame wasaaraddan ugu dacwootay oo ay sheegtay in guriga laga saarayo, sidaa awgeed madaxda ay warqaddani ku socoto waxa loo sheegayaa inaan gurigaa laga saari karin agoonta oo ay la mid yihiin agoomaha mujaahidiinta ee guryaha dawladda ku jira”ayuu wasiirka daakhiligu qoraalkiisa ku soo xidhay, laakiin sida ay agoonta gurigan degani inkasta oo ay amaradaas oo dhami iska soo daba baxeen hadana waxa weli lala daba joogaa dacwad ay xeer ilaalintu dabada ka riixayso, iyaga oo bay yidhaahdeen Siciid u shaqaynaya, waxayna hooyada agoontaasi, Faadumo Warsame tidhi “Inkasta oo ay Madaxweynaha iyo wasiirada hawlaha guud iyo daakhiliguba amaro ka soo saareen, isla markaana ay cadeeyeen inaanu guriga anagu hore u deganayn, hadana deganahay, hadana weli xeer ilaalinta ayaa kiis dabada ka wada oo doonaysa inay gurigaa naga saarto, iyadoo uu Siciid dabada ka waddo, taas oo uu Siciid doonayo inuu guriga xoog nagaga qaado, isaga oo doonaya inuu si sharci daro ah u isticmaalo booliska.”

Agoontani waxa kale oo ay sheegeen in booliska oo uu dabada ka waddo Siciid Ismaaciil oo mar ahaa taliye-xigeenka ciidanka booliska Somaliland ay dhawr goor hatigaad noo geysteen, waxayna yidhaahdeen “Masalan 18-kii Febarweri, 2003 waxay ciidanka boolisku salaad hore anaga oo gurigayaga joognaa na geliyeen weerar culus oo ay ka qayb galeen koox daraawiish ah iyo laba baabuur oo ay C.I.D-du leedahay, waana nala xidhxidhay, iyadoo la doonayo in guriga xoog nalagaga saaro.”

Sidoo kale waxay sheegeen in laabtii guriga debedda looga daadiyey, loona geystay dhibaato badan, iyaga oo ninka ay sheegeen inuu guriga ku haysto, Siciid Ismaaciil oo ay sheegeen inuu adeerkood yahay uu guriga damaaciyey, sidaa darteedna uu doonayo inuu guriga xoog kaga saaro si uu isagu u dego. “Laakiin waxaan la yaabanahay sababta ay amarada dawladda ka soo baxay u shaqayn la’yihiin ee dawladdii amarada soo saartay, hadana ay xeer ilaalinteedii noo daba socoto, anaga oo iswaydiiya tolow miyaanay iska war-hayn oo kala amar qaadan”ayey tidhi Faadumo Warsame.

Top


Gabiley: Loolamka Iska Hor-Imaadka Iyo Xamaasada Leh Ee Xisbiyada Siyaasada.

Gebilay (Haatuf): Taageerayaasha labada xisbi ee KULMIYE iyo UDUB ayaa doraad iska hor-imaad ku dhexmaray magaalada Gebilay, ka dib markii ay kooxo dhalinyaro u badan oo kala taageersan labadaa xisbi isku soo qammaameen, isla markaana ay is dhagax tuureen, taasina ay keentay inay boolisku xoog ku kala dareeriyaan kooxaha iska hor-imaadku dhexmaray, iyadoo ay boolisku rasaas cirka u rideen, laakiin lama sheegin wax khasaaare ah oo uu iska hor-imaadkaasi geystay.

Iska hor-imaadkan oo ku soo beegmay xili ay degmada Gebilay olole xoog leh ka wadaan hogaamiyayaasha labadan xisbi, iyadoo ay kooxaha doraad isku dhacay waqtigaa ay is heleen ay ka soo kala dareereen xaflado kala duwan oo ay labada xisbi magaalada ku qabteen xisbi waliba goonidiisa, waxaana xiligaa magaalada ku sugnaa wufuud labada dhinac ah. Hase yeeshee weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed Xasan ayaa war-bixin nooga soo diray sida uu iska hor-imaadkaasi u dhacay iyo waxa sababay iyo weliba guud ahaan loollanka ciddiyo ku dagaalanka ah ee ay waqtigan xaadirka ah xisbiyadu ka wadaan degaanka Gebilay, waana warbixintii:

“Munaasibad uu xisbiga KULMIYE soo abaabulay oo loo sameeyey kooxo iyo garabyo axsaabta kale kaga soo biiray KULMIYE ayaa jimcihii doraad lagu qabtay magaalada Gebilay, waxaana garabyada kulankaa loo sameeyey ka mid ah garab ka soo go’ay xisbiga UDUB oo uu horkacayo Axmed Yuusuf Ducaale oo hore ugu dhawaaqay inuu ka baxay xisbiga UDUB, kuna biiray KULMIYE, sidoo kalena waxa garabkan ka mid ah gudoomiyihii hore ee UDUB ee degmada Gebilay, Xuseen Nuur Bakaal, iyadoo ay munaasibaddaa joogeen xubno kale oo ka mid ah hogaamiyayaasha iyo siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE, isla markaana waxa shirkaa ka hadlay xubno dhawr ah oo ay ka mid yihiin, Sucuud Sheekh oo ah gudoomiyaha kulmiye ee degmada Gebilay, Daa’uud Khayre oo xubin ka ah golaha dhexe ee kulmiye, gudoomiyihii hore ee UDUB ee degmada Gebilay, hadana ku soo biiray kulmiye, Bakaal. Sidoo kale waxa halkaa ka hadashay marwo Safiya Aw-Aadan oo ka mid ah xubnaha firfircoon ee xisbiga kulmiye ee degaanka Gebilay, waxa kale oo dadka halkaa ka hadlay ka mid ahaa Cali Cabdi oo ka mid ah madaxdaa urur la yidhaahdo Birmaal oo isna ku biiray kulmiye, sidoo kale waxa isna halkaa ka hadlay Dr. Axmed Obolos.

Waxa kale oo isna raggii halkaa ka hadlay ka mid ahaa Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga kulmiye, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “UDUB waxay noqotay bahalo galeen iyo buul belaayo isugu tagtay, baarlamaanka Somaliland laga yeeli maayo oo caqliga ma gasho maalin walba anigaa kordhisanaya, markaa baarlamaanka waxaanu leenahay xaalkiinu ma haambaro libaax bay soo wadaaba oo waxa la soo wadaa UDUB haloo kordhiyo, taas laga yeeli maayo.”

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Axmed Yuusuf Ducaale, waxaana ereyadiisa ka mid ahaa “Daahir Rayaale iyo hogaanka UDUB waxa uu damcay inuu maroorsado arimaha laanta UDUB ee degmada Gebilay oo hawsheedii u dayn waayey, anaga oo taageersan in axsaabta dhexdeedo iyo laamaha dhexdooda dimoqraadiyadi ka jirto oo laamaha ioy unugyada gobolada loo ogolaado xoriyadooda.”

Ugu dambayna xoghayaha guud ee xisbiga kulmiye, Daa’uud Geelle ayaa munaasibadaa hadal ka jeediyey, isaga oo ka waramay ujeedooyinka iyo mabaadi’ida xisbiga Kulmiye.

Dhinaca kalena waxa wefti uu horkacayo wasiirka waxbarashada dawladda Somaliland, ayna ka mid yihiin wasiirka daakhiliga Eng. Ismaaciil Aadan iyo wasiiru-dawlaha hawlaha guud, Aadan Ruush oo watay kolonyo baabuur ah ayaa isla doraad socdaal ku yimi magaalada Gebilay, weftigaas oo uu socdaalkoodu qayb ka ahaa ololaha doorashada xisbiga UDUB waxa halkaa ku soo dhoweeyey boqolaal qof oo ka mid ah taageerayaasha xisbiga UDUB ee degmada Gebilay, waxayna weftigaasi dadka kala hadleen xarunta xisbiga UDUB ee magaalada Gebilay, iyadoo uu ugu horayn halkaa ka hadlay gudoomiyaha Gebilay ee degmada Gebilay, Cismaan Miiggane Sauldaan, laakiin wasiirka daakhiliga, Eng: Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa isna halkaa ka hadlay iyo wasiiru-dawlaha hawlaha guud Aadan-ruush, waxayna wasiiradu dadka ku guubaabiyeen inay nabadgelyada adkeeyaan.

Hase yeeshee markii laga soo kala dareeray kulamadii ay wufuudda labada xisbi ee kulmiye iyo UDUB ku kala lahaayeen magaalada ayey kooxo taageerayaasha KULMIYE ah oo sawaxmayaa suuqa soo dhexmareen, halkaas oo ay kooxaha kulmiye oo u muuqday inay gadoodsan yihiin ay iska horyimaadeen kooxo kale oo taageerayaasha UDUB ah, taas oo is dhaafsadeen dhagxaan ay isku tuur-tuureen iyo ciid ay isku saydhsaydheen, waxaase kala dareeriyey oo rasaas kor u riday ciidanka booliska, waxaase magaalada hadhaysay xamaasad xoog leh, taas oo aad arkaysay dad koox koox u kala safan oo kala taageersan labada xisbi ee KULMIYE iyo UDUB. Wasiirka arimaha gudaha oo aan la kulmay ayaa arintaa ka hadlay, wuxuuna yidhi “waxaan u soo jeedinayaa taageerayaasha xisbiga UDUB inay iska ilaaliyaan dumarka iyo dhalinyarada uu adeegsanayo xisbiga KULMIYE.”

Dhinaca kalena waxay qolada kulmiye xanbaareeyeen weftiga UDUB, gaar ahaan wasiirka daakhiliga, iyaga oo qolada UDUB dusha ka saaraya wixii eedo ah ee jira ee la xidhiidha iska hor-imaadka iyo xiisadda dhinaca siyaasadda ee magaalada ka jirta, laakiin marka taa laga yimaaddo waxa guud ahaanba waxa dhawrkii maalmood ee ina dhaafay degaamada Gebilay hadheeyey xamaasad xoog leh oo la xidhiidha loollanka xisbiyada siyaasadda gaar ahaan xisbiyada kulmiye iyo UDUB, taas oo hadda si weyn looga dareemay halkaa”.

Top


Shir lagu taageerayo KULMIYE.

Washington (Haatuf): kulan ballaadhan oo lagu taageerayay xisbiga KULMIYE ayaa maalintii dorraad lagu qabtay jaamacadda caanka ah ee George Washington University. Sida ay sheegeen taageerayaasha KULMIYE ee ka qaybgalay shirkaas, waxa ka qaybgalay dad reer Somaliland ah oo ka kala yimid magaalooyinka Maryland, Virginia, Washington DC iyo meelo kale. Waxaa iyaguna shirkaa ka qaybgalay ururka samofalka ah ee (American Somaliland Friendship Society) oo loo soo gaabiyo ASFA, oo ah urur ku caan baxay ictiraaf u raadinta Somaliland, aqoonyahano u dhashay Somaliland iyo marti-sharaf kale oo badan. Ujeedada shirkaas oo ahayd sidii ay dadka reer Somaliland uga wada shaqayn lahaayeen danta dalka iyo dadka Somaliland.

Waxa ka hadlay shirkaasi Dr. Axmed Xuseen Ciise oo ka qaybgalayaasha uga warramay xaaladda Siyaasadda dibedda iyo gudaha ee Somaliland iyo doorashooyinka, isagoo Dr. Axmed dhawaan socdaal ku yimid Somaliland wuxuu ka qaybgalayaasha shirkaa u sheegay in marka la eego xaaladda dalku marayo loo baahan yahay in si deg-deg ah wax looga qabto Siyaasadda arrimaha dibedda ee Somaliland, isagoo intaa ku daray in adduunka ay maanta soo dhexgaleen mushkilado iyo arrimo badan oo u baahan in dedaal lagaga hortago.

Dr. Axmed waxa uu xusay in Siyaasadda dibedda ee Somaliland ay muddo badan dayacnayd, waxaanu yidhi; “Marnaba maaha in Siyaasadda dibedda ee Somaliland wax muxaafid iyo mucaarad kala leeyihiin, balse waxay tahay dan qaran oo u baahan in loo wada joogo oo la isla ogaado,” isagoo intaa ku daray in dadka reer Somaliland ee dibeduhu wakhtigii halganka aad u shaqayn jireen, laakiin uu dedaalkoodu yaraaday intii dambe, isla markaana aanay dawladda Somaliland ka faa’iidaysan dedaalkooda iyo waxtarkooda.

Kadib waxa halkaa ka hadlay Aniis C/laahi Ciise, isagoo ka qaybgalayaasha shirka uga warramay socdaal uu dhowaan ku yimid dalka, waxaanu sheegay inuu soo arkay sida ay u weyn tahay taageerada xisbiga KULMIYE, isagoo intaa ku daray in loo baahan yahay sidii ay doorashooyinka soo socdaa ugu dhici lahayd si cadaalada, isagoo xusay in ay dhibaato keeni karto haddii aanay doorashadu u dhicin si caddaalad ah oo ay meelaha qaar ka dhacdo ku shubasho.

Waxa kaloo isaguna shirkaa ka hadlay Mr. Aadan Cumar Ileeye iyo X. Xasan Faarax (Khaliif) oo ah xubno muhiim ah oo si weyn uga qaybqaata u ololaynta qadiyadda Somaliland, waxayna ka warrameen sooyaalkii taariikheed ee Somaliland, isal markaana waxay ku adkeeyeen taageerayaasha xisbiga KULMIYE inay kaalmo deg-deg ah gaadhsiiyaan xisbiga KULMIYE oo ay ku tilmaameen inuu yahay xisbiga maanta Somaliland ka saari kara marxaladda adag ee ay ku jirto, waxayna talooyin usoo jeediyeen mas’uuliyiinta xisbiga.

Kayse Axmed Faarax oo isaguna shirkaa ka hadlay ayaa sheegay in ay taageerayaasha KULMIYE ee dibedda joogaa ay samayn karaan xidhiidh dibadeed oo Somaliland ah.
Gunaanadkii shirkaa waxay ka qaybgalayaashu go’aansadeen taageero ay u fidinayaan xisbiga KULMIYE oo dhinaca doorashooyinka ah, iyagoo sheegay inay ka taageeri doonaan xaga maal-gelinta iyo iyagoo u soo diri doona xisbiga KULMIYE goob-joogayaal ka caawiya doorashooyinka.

Waxa kaloo ay sheegeen sida ay ugu qanacsan yihiin musharixiinta xisbigaa ee madaxtinimada Axmed Maxamed Siilaanyo iyo C/raxmaan Aw Cali Faarax oo ay sheegeen inay yihiin kuwo waxqabadka dibedda ee Somaliland kaga habboon musharixiinta kale.

Mr. Kayse ayaa isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Somaliland uma baahna inay dib u noqoto ee waxay u baahan tahay inay hore u socoto, sida keliya ee maanta taa lagaga hortegi karaana waa inagoo taageero siina xisbiga KULMIYE oo u qalma maanta hoggaanka dalka, anagoo dhammaan ku kalsoon inay dadka reer Somaliland garan doonaan halka ay dantu ku jirto, waa inaydaan la gaban baahidaad u qabtaan hoggaan adag oo idinka gudbiya marxaladda aad maanta ku jirtaan, oo aad codkiina ugu deeqdaan xisbiga KULMIYE,” ayuu yidhi Kayse.

Top


Xisbiga kulmiye Iyo Cadaadley.

Hargeysa (Haatuf): Wefti ballaadhan oo ka socda xisbiga KULMIYE ayaa maalintii shalay booqday degmada Cadaadlay iyo degaanada la xidhiidha.

Weftiga oo uu hoggaaminayay xoghayaha wacyigelinta ee xisbigaasi Maxamed Iid Dhimbiil oo si diiran loogu soo dhoweeyay degmada Cadaadlay waxa ay meel fagaare ah kala hadleen dadweynaha taageera KULMIYE, taasoo ay soo abaabuleen garabka haweenka ee xisbiga KULMIYE, waxaanay uga warrameen dadka reer Cadaadlay barnaamijka iyo Siyaasadda xisbiga KULMIYE iyo sida loogu baahan yahay in taageero buuxda ay u siiyaan dadka reer Cadaadlay.

Marwo Layla Cismaan oo halkaa ka hadashay ayaa uga mahad-naqday dadweynaha reer Cadaadlay sida diiran ee ay u soo dhoweeyeen weftiga KULMIYE, iyadoo ku boorisay inay u codeeyaan, waxaanay tidhi, “Xisbiga KULMIYE waa xisbiga keliya ee dumarka siiyay 65 xubnood, hoggaankiisana sarena waxa ku jira oo guddoomiye ku xigeen ka ah Marwo Siraad Cali Yuusuf, markaa waa inaad u codaysaan doorashada soo socota ee madaxtinimada xisbiga KULMIYE,” ayay tidhi, iyadoo si gaar ah uga warantay dhibaatada haysata haweenka iyo carruurta, xisbiga KULMIYE-na inuu u hayo barnaamijkii wax loogu qaban lahaa haweenka iyo carruurta.

Waxa isaguna halkaa ka hadlay Maxamed Iid Dhimbiil oo ah xoghayaha wacyigelinta ee KULMIYE, waxaanu ka hadlay barnaamij-siyaasadeedka xisbigaasi iyo marxaladda doorashooyinka ee lagu jiro, waxaanu ku booriyay dadka reer Cadaadlay inay codkooda ugu deeqaan musharixiinta KULMIYE.

Waxay tani kusoo beegantay iyadoo xisbigu uu maalintii shalay xafiisyo cusub ka furtay magaalada Hargeysa qaybo ka mid ah, xafladahaas furitaanka xafiisyadaana waxa ka qaybgalay madax iyo taageerayaal badan oo ka tirsan xisbiga KULMIYE.

Top


Sooyaalka Taariikheed ee Ciraaq,Q: 3aad Waxa Qoray Siciid I Guraase.

Intii u dhaxaysay sanadihii 1894-1594 C.H. waxa dhulkaa ka talinaysay dawlad loo yaqaanay baabiliyiin. Balse waxa ay dhacday Dawladaasi sanadkii 1594-kii markii ay xukunka ka qaadeen dadka loo yaqaanay Akaashiyiinta oo iyagana xukunka laga qaaday 1153, markaas oo ay dhalatay dawladda loo yaqaanay Aashuuriya, oo xukunka haysay ilaa 612 C.H.

Sanadihii 625-539 waxa xukunka ku soo noqday baabiliyiinta taasoo loo yaqaanay Kilidaaniya.
539-321 C.H waxa dhulkaa ku soo duulay Faarisiyiinta oo qabsaday kana dhisay dawladda 321-141 C.H waxa dhalatay dawlad loo yaqaanay Saluuqiyuun.

141-kii C.H waxa xukunka la wareegay dadka loo yaqaano Persian-ka oo imika loo yaqaan Iiraan taasoo xukunka haysay ilaa 224 C.H.

224-337 C.D waxa xukunka haystay Saasaaniyuun oo asal ahaan ahayd Faarisiyiin.
Sanadkii 602 ayey Faarisiyiintu Ciraaq u magacaabeen maamule Faarisi ah taasoo xukunka haysay ilaa ay qabseen muslimiintu sanadkii 637-kii oo ku beegnayd sanadkii 14aad ee Hijradii nebiga CSW markii faarisiyiinta lagu jabiyey dagaalkii caanka ahaa ee ka dhacay goobta Qaadiisiya, iyadoo uu muslimiinta hogaaminayey asaxaabigii Sacad Binu Abii Waqaas.
Markaa waxa bilaabmay Cahdi cusub oo ah xukunkii muslimiinta iyo Faafitaankii Islaamka.
Intii u dhaxaysay 637-kii ilaa 661-kii milaadiga oo ku beegnayd 14-kii-40-kii Hijradda waxa dawladdii Islaamka ka talinayey khulaafaa’u raashidiintii oo kala ahaa Abuubakar Sidiiq, Cumar Binu Khadaab, Cismaan Binu Cafaan iyo Cali Binu Abii Daalib, iyadoo dhulkii muslimiinta loo qaybiyey gobolo.

Dhulka Ciraaq iyo faaris waxa la furtey cahdigii Cumar Binu Khadaab waxaanu amray in la dhiso magaalooyinka Basra iyo Kuufa, oo ka tirsan Ciraaq. Balse waxa markii dambe lagu dilay Ciraaq khilaafkii afraad oo ahaa Cali Binu Abii Daalib markii uu ku mucaaradoobay Mucaawiya oo badhasaabka ka ahaa (Shaam) oo ay Ciraaq ka mid ahayd.

Sanadkii 661-kii ilaa 749-kii oo ku beegnayd 41-kii ilaa 132-kii Hijradda waxa talada haysay dawladdii Umawiyiinta iyada oo caasimadii muslimiinta ka dhigtay magaalada Dimishiq oo xarunta dalka Suuriya haatana ah muddana waxa Ciraaq ka dhacay dagaalo badan oo dhexmaray dawladdii Umawiyiinta iyo Taageerayaashii Xasan iyo Xuseen oo uu dhalay Cali Binu Abii Daalib, Ciraaqna waxa laga taageersanaa dawladdii Umawiyiinta ilaa xukunka laga tuuray.

Waxaana markaa xukunka la wareegay dawladdii Cabaasiyiinta oo talada haysay intii u dhaxaysay 750-1258-kii oo ku beegnayd 132-656 Hijradda, iyada oo xaruntii dawladda Islaamka ay noqotay magaalada Baqdaad oo haatan caasimadda u ah Ciraaq. Baqdaad oo ay dhiseen cabaasiyiintu waxa ay noqotay xarunta cilmiga iyo xadaaradda.

Waxaa kale oo ay noqotay meel lagu ururiyo oo lagu turjumo xadaaraddii lagu ururin jirey Baytul-xikma oo uu aasaasay Ma’muun Sanadkii 830 miilaadiga, inkasta oo ay Ciraaq iyo Baqdaad gaadhay horumar balaadhan cahdigii Cabaasiyiinta haddana waxa kale oo ka dhacay dagaalo kale oo ka dhacay iyo kacdoono badan oo lagaga soo horjeeday, cabaasiyiinta.

Ilaa sanadkii 1225-kii ama 656-kii Hijradda ay qabsadeen Mangooliyiinta ka oo ka soo duulay, Turkuministaan, iyaga oo xukunka hayey ilaa 1534-kii. Muddadii ay xukunka hayeena waxa Baqdaad ka dhacay dil iyo boob baaxad leh iyaga oo mangooliyiintu dilay khaliifkii muslimiinta Mustaasim Shan maalmood ka dib markii ay xukunka qabsadeen, ka dibna waxa ay Ciraaq u qaybiyeen laba gobol oo mid ay xarun u tahay Baqdaad ka labaadna ay xarun u tahay Muusil.
Waxaanay Ciraaq xukumayeen ilaa ay Baqdaad ka saareen Cusmaaniyiintu sanadkii 1534-kii iyaga oo xukunka hayey ilaa 1918-kii. Muddadaana waxay Cismaaniyiintu Ciraaq ka hirgeliyeen dib u dhis balse waxa inta badan hakiyey loolankii ka dhextaagnaa cusmaaniyiinta xaaladuna sidaasay ahayd ilaa uu Ciraaq qabsaday Ingiriisku sanadkii 1918-kii.
La Soco…

Top


Siyaasaddu Waa sida Daroogadda, Siciid Faarax Cabdi.

Hargeysa (Haatuf) Siciid Faarax Cabdi Waraabe oo ah siyaasi ka mid ahaa baarlamaankii la doortey 1964-kii ayaa shir jaraa’id oo uu doraad ku qabtay Hoteelka cuntada ee Xaraf ee magaalada Hargeysa kaga waramay aragtidiisa siyaasadeed ee xaaladda dhaqaale ee dalku marayo, iyo arrimaha doorashooyinka, nabadgelyada iyo dhaqaalaha wuxuuna sheegay inay xaaladda nolosha ee Somaliland ay liidato wakhtigana isaga oo yidhi “Dadku waxay raadinayaan 10 Liter oo biyo ah, shilinkii Somaliland-na wuu qiimo dhacay” isla markaana wuxuu sheegay inay taasi keentay wax iibsiga oo ay noloshu adkaatay “Dadka qaarkood iyaga oo danahooda gaarka ah eeganaya waxay taa ku sababeeyaan dhaqaale xumo iyo dakhliga oo yaraaday, balse tirada badan ee wasiiradda ah ee dhawaan la magacaabay miisaaniyad waa loo hayaa” ayuu yidhi Mr. Siciid isaga oo intaa raaciyey inay danaha siyaasadeed iyo ololayaasha doorashooyinka mugdi geliyeen sidii loo fulin lahaa adeegyadii bulshada, sidaa awgeed aanay arrintu ahayn dhaqaale iyo dakhli la’aan ee ay tahay maamul xumo, laakiin Mr. Siciid wuxuu sheegay in waxyaabaha laga bixi karo marka ay dadku fahmaan awoodooda, isaga oo yidhi “Wax waliba waxay leeyihiin jirid ay ku taagan yihiin, ama sal ay ka fadhiyaan sidaa awgeed siyaasada salkeedu waa mujtamaca oo inta badani kula socoto”. Sidaa awgeed waxa loo baahan yahay inay dadku bartaan inay awooda runta ah leeyihiin, isla markaana maanta oo kale waa inay garan karaan inay bedel karaan maamulka dawliga ah, si ay u helaan maamul aayo le ayuu yidhi wuxuu intaa raaciyey inay tahay doorashadu fursad shantii sanoba mar soo maraysa dadweynaha oo mustaqbalka waana laga talo geliyo, waana inay dadkii helaa maamul ka baqa oo ay iska ilaaliyeen inay doortaan mid ay ka baaqaan, isla markaana wuxuu sheegay inay dhaqaalaha xumaddu iyo baahida keento dhaqan xumo sababta inuu qofku codkisa iibsado, taasaanu ay dhaliso dawlad xumo.

Mr Siciid waxa uu sheegay inuu muddo badan siyaasadda dibada ka joogay balse uu hadda go’aansaday isaga oo sharaxayana wuxuu yidhi “ninka siyaasiga ahi waa nin xashiishad ama khamri bartey oo way ku qabanay”.

Siciid wuxuu isaga oo ka jawaabaya su’aal ahayd xisbiga uu ku jiro sheegay inuu wakhtigan ka mid yahay xisbiga KULMIYE oo uu yidhi “waxaan ku raacay markaan arkay axsaabta hogaaminaysa waxaan go’aansaday inaan ku soo biiro oo aan arko inaan hogaaminayao ama musharaxa ka yahay nin aad uga guulaysto wax ka badelo xaaladda siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka."

Top


Jilba Dhiig.

Biixi habeenkaa laga bilaabo ayey naftiisu maal-mo ka soo kabatay diiftii hore markale la dheelimatay wal-bahaar iyo wahan jacayl oo uu sida duumadda ula qan-dhooday, xaaladiisu waxay ka dhignayad “allaw yaa habeen qudha uurkiisa gala quruumaha ku leg-damaya u gar-qaada”.

Wuxuu isweydiinayey “Arrinta kuu hagaagsanayd, waa maxay xisaab falka car-qaladeeyey?” Xayaad si aanu mar dambe Biixi uga soo hor-bixin xataa way daysay jidkii ay soo mari jirtey mararka ay doonayso inay baska raacdo oo ay xaafad kale gaadho. Taasina waxay keentay inuu Biixi gabadhii Xayaad raad iyo ruux toona arki waayo, “Tolow xagge bay jaan iyo cidhib dhigtey, miyey magaaladaba ka baxday” ayuu hoos ugu hadaaqayaa, laakiin mararka qaar ay naftiisu aad u hiyi kacdo ee hamiga iyo wal-bahaarka ku bato waxa uu isku maaweelinayey oo uu sida dhalaanka naftiisu ku aamusiinayey sawirka xayaad, laakiin inkasta oo uu marba dhinac ka rogo, marna wadnaha hoostiisa ku qabto sawirka Xayaad ka goyn-waa wer-werka iyo hamiga jacayl ee qal-bigiisa ka lusha, sidaa darteedna hiyi kac iyo wal-bahaar aan dawo lahayn ayaa laabtiisa buulal ka samaystay, waxaana dareenkiisa deris la noqday haydaaro adduun.

Biixi maalintiina hammi iyo feker naftiisa farxadda iyo firfircoonida ka ilaaliyey ayuu gabalku ugu dhacaa, habeenkiina xusuus qalbigiisa damaqda iyo baax dega hurdo la’aan iyo jiif-xumo nolol uga dhigta ayaa waagu ugu baryaa, isla markaana hindisayaasha uu habeen badhkii isku xidh-xidho ee uu naftiisa kula shawro “Waa inaad sidaa iyo sidaa yeeshaa” waxay ku dambeeyaan naftiisa galoof, hase yeeshee Xayaad lafteedu inkasta oo ay Biixi qalbiga ka xidhatay haddana may feker la’ayn, waayo waxay hoosta iska weydiinaysaa “Armay illi kaaga dhacdaa iyo armuu nabsi ku soo laba dibleeyaa oo gondihiisa ku geeyaa”, haddana waxay nafteeda bili-xijaab uga dhigtaa “oo muxuu ii cawrayayaa ma xaq buu igu leeyahay, mise xoolaan ka qaaday.”

Xayaad waxay gaws-dambeedka gashatay dar-daarankii hooyadeed ee ahaa in aanay nin walba la hadli karin ama u hunguroon karin, laakiin taasi waxay mustaqbalkeeda dul-hadhisay tashi hor iyo daba diid ah.

Biixi meel xun ayey arrintu la gaadhay, wuxuuna noqday nin dadka ka yac-summan, isla markaana wuxuu isu arkay inay Xayaad Dhawr goor ka xarago qaadatay oo ay afka ciidda u dartay, gabadhii uu wax walba uga go’ay.”

Sidoo kale waxa u muuqday hawl-gallo dhawr ah oo uu ku dhaqaaqay si uu jacaylka Xayaad uga gun-gaadho oo guul-darro ku dhamaaday, sidaa darteed wuxuu maalintii dambe ku hammiyey sidii sidan isugu dhaami lahaa ee naftiisa ugu tallin lahaa, boodhkana uga tumi lahaa shakhsiyadiisa caalidka noqotay.

Biixi maalintii dambe ayuu keligii naftiisa la shawray, wuxuun nidar ku galay inuu sidan isu dhaami oo uu xaaladiisa dacal-basarka ah dhulka uga qaadi lahaa, wuxuuna isweydiiyey “Gabadhaa miyaad ka samirtaa, mise waad u samirtaa” laakiin Biixi maalmahaa culayska naftiisa ka saarran dhinaca Xayaad waxa u sii dheeraa dhaawaca ay adag tahay sida uu uga soo kabanayo ee gaadhay mustaqbalkiisa nololeed, wuxuuna isweydiinayaa, sida uu fara madaw uga joogo mustaqbalkiisii waxbaraasho, ka dib markii iskuulkiisii oo uu meel aad u fiican ka marayo subax ka dhaqaajiyey iyo sidoo kale dhaqaalihii yaraa ee ay ehelkii iyo asaxaabtiisu ku caawiyeen oo gacantiisa ka baxay, isla markaana aanu garanayn sida uu uga baxay. Laakiin maalmo ka dib isaga oo aan Biixi tashigiisa cusub weli go’aan kama dambays ah ka gaadhin ayaa gabadhii Xayaad ee uu tu iyo talaba ku seegay loo soo gole fadhiistey oo reerkooda la weydiistey, waxaana Xayaad lagu kala gudoomay Gole reer oo balaadhan oo ay labada reer si qiimo iyo qaayo leh isugu waajaheen, iyada oo ay isla maalintaana dhacday xafladdii meherka Xayaad iyo wiilka reerkoodu u hibeeyey.

Biixi markiiba warkaa wuu helay wuxuuna si xaqiiq ah u ogaaday in gabadhii Xayaad la guursaday dabadeedna ciil-kaambi iyo cadho ayuu dibbinta hoosta ka qaniinay.

La Soco.

Top


Garta Xeer Beegti, Garta Dhaqanka.

Inta aan garta la gelin waxa jira waxyaalo haddii ay dhacaan lagu xisaabtamo, waxaana ka mid ah.

Kiil qaate: oo macnaheedu yahay nin wax lagu sameeyey laakiin haddana wixii lagu sameeyey oo kale isna sameeyey, ninka caynkaa sameeyana waxa la yidhaahdaa (kiil qaate), sidaa darteed ninka kiil qaataha ahi xaal iyo dhaarin ma laha, hase yeeshee waxa xaal iyo dhaarin leh nin qadaf loo geysto balse aan isagu af iyo adin toona waxba ka geysan ee ceeb ka saliim ah.

Maluug Ama Bidaal: Ereyga Maluug ama bidaal waxa uu macnihiisu yahay tuhun waxaana ninka kiis caynkaas oo kale ahi soo galo waxa badiyaa lagu yeeshaa dhaar. Tusaale ahaan maluugta ama bidaalka waxa ka mid ah masalan nin baad is-disheen oo aad gacanta isa saarteen dabadeed mar dambe ama maalin dambe ayuu ninkii oo hubaysani gurigaaga agtiisa soo maray iyada oo meesha gurigaagu ku yaal uu marinkiisu yahay, haddana waxaa dhacda inuu ninkii alaab gurigiisa ku soo ilaawo oo uu xasuusto marka uu meel dhexe ka dibna uu gurgiisa dib ugu noqdo taas darteedna uu markale gurigaaga soo agmaro, sidoo kale marka uu alaabtii soo qaato uu haddana gurigaaga agtiisa soo maro ilayn waa marinkiisiiye, sidaa awgeed waxaad ninkaa ku tuhuntay inuu kuu goolaaftamayo ama uu tactical (sahan) u yahay inuu ku dilo isaga oo doon doonaya inuu dagnaan kaa eegto, haddaba marka aad sidaas oo kale ninka u danido ee aad dacwad ku soo oogto waxaad doodaada ku furaysaa “Marka hore erey waa iga duco, ereyna didiif, ereyna waa iga dacwi, ereyna waa iga maluug, laakiin haddii aad maluugta (tuhunka) marka horeba soo qadinto oo aad dacwiga ku darto, arrintu way kaa halawday, waayo waxa kugu filan in lagu yidhaahdo oo keliya “Hubka adiga kuuma sidan, waayo haddii aan hubka isaga u sitay markaaba maan ku dhufto,” sidaa awgeed maluugtaadii si aad meesha dhaar ugu yeelato waa inaad arrinta Bidaal ka dhigto.

La Soco Cadadka.

Top


Waatuma DAWLADDA HABOON (qeybta 4aad), Caafimaadkaw.

Daryeelka caafimaadka dalku waa arrin mudan in la siiyo ahmiyadda ay leedahay, waxana haboon in lagu xisaabtamo ka hortagga cudurada faafa sida; Qaaxada, Aids-ka, iwm. Si looga hortago khatarta caafimaad ee inagu soo fool leh, waa mid u baahan in si weyn loogu hawl galo xoojinta iyo daryeelka adeegyada caafimaad ee dalka.

Guud ahaan adeegyada caafimaad ee dalku aad ayey u liitaan, mana aha kuwo ku guuleystay in ay daboolaan baahida caafimaad ee jirta. Taas waxa sabab u ah iyada oo ayna jirin qorshe hufan oo ay dawladu u dejisay in lagu horumarinayo caafimaadka.

Cisbitaalada hadda jira waxa ka muuqata daryeel la’aan, qalabkii caafimaad oo aad ugu yar meelaha qaarna aan jirin, daawo la’aan iwm. Haddaba, haddii la daryeelo, Cisbitaalada ilaa xad way dabooli karaan baahida caafimaad, (eeg shaxanka 9.1)

Shaxanka 9.1 (Cisbitaalada gobolada dalka):

Gobolka Sariiro Dhakhaatiir Kalkaaliyayaal Shaqaalaha Caadiga ah (admin & Auxiliary staff)
Hargeysa 350 15 47 52
Borama 100 5 18 20
Berbera 120 5 15 36
Burco 120 10 34 48
Laascaanood 100 5 19 18
Ceerigaabo ---- ---- ---- ----

Sida ku cad misaaniyada 2002, kharashka loo qoondeeyey qorshaha Wasaaradda Caafimaadku waxa uu ahaa $512,753 oo u dhiganta 3% dakhliga guud, mana aha mid dabooli karta baahida caafimaadka, sidoo kale misaaniyadaas kuma jiraan barnaamijyo loogu talo galay horumarinta caafimaadka dalka sida; tababarada shaqaalaha iwm.

Waxa iyana jirta in shaqaalhii hore u tababarnaa ay ku dhaw yihiin xilligii hawlgabka, sida darteed waxa lama huraan ah in shaqaaluhu noqdaan kuwo hela tababaro joogta ah, si loo helo shaqaale aqoon leh, waxna ka qabta ka hortaga cudurada faafa.

Waxa hadda jirta xarun loogu talo galay tababarka shaqaalaha, waxana sannadkii lagu tababari karaa ugu yaraan 30 kalkaaliye, taasi o ay ku baxayso kharash dhan $18,000 (tababarayaasha).

Waxa iyana muhiim ah in agaasimayaasha Cisbitaalada ahaadaan kuwo loo tababaray habka maamulka iyo maaraynta.

Waxa hubaal ah, marka shaqaalaha loo huro mushahar ay ku noolaan karaan iyo xuquuq, isla markaana la qalabeeyo Cisbitaalada, dawayooyina la dhigo, in Cisbitaalada hadda jiraa ku filnaan doonaan baahida caafimaad ee dalka.

Kharashka loogu talo galay sannadka 2002 in ay ku baxdo dawooyinka Cisbitaaladu waa $31,250 kaasi oo ah mid aan ku filnayn baahida ka jirta Cisbitaalada.

Haddaba, si loo daboolo baahida dawo ee Cisbataalada dalka ka jirta waxa loo baahan yahay kharash dhan $150,000 sannadkii, sida ku cad shaxanka 9.2, sidoo kale qalabaynta Cisbitaalada waxa ku baxaysa kharash dhan $1,500,000.

Shaxanka 9.2 (Kharashka ku bixi kara dawooyinka)
Gobolka Kharashka dawooyinka $ Qalabka caafimaadka Wadar
Hargeysa 40,000
Berbera 20,000
Burco 25,000
Boorama 25,000
Ceerigaabo 20,000
Laascaanood 20,000
Wadar guud $150,000 $1,500,000 $1,650,000
Qiimeyntan waxa laga keeney (International Dispensary Association “IDA”).

Top