Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 305 Date April 7, 2003

“Xuduudda Djibuuti Waxa Laga Soo Wadaa Dad Badan Oo La Doonayo In Ay Doorashada Ka Qayb-Galaan, Balse,” Axmed Silanyo.

Berbera: Loollanka UDUB Iyo KULMIYE Waxa Uu Ka Dhigan Yahay Dagaalka Xulafada Iyo Ciraaq, C/Raxmaan X. Daahir, Wariyaha Haatuf.

Xuska Aasaaskii SNM Iyo Fagaaraha Kheyriyadda Hargeysa.

Maxaa Laga Ogyahay Jiilaalka Ba’an Ee Haysta Bulshada Miyiga, “Dadka aanu soo aragnay ceeb ayay inagu tahay in food loo doonto,” Barre Warsame.

“ Haddii Reer Awdal-Oow Dhammaantiin U Codaysaan Madaxweynaha Kuma Soo Celin Kartaaan Xukunka,” Abiib, R. Xoosh-Boon, G.Awdal.

Sooyaalkii Taarkheed Iyo Sansaanta Xaaladda Hadda Taagan, Siciid I Guraase, Q: 4aad.

Ayaamihii Aasaaskii SNM Iyo Waayihii Ku Gedfannaa, Q:2aad.

Ololaha Doorashada Dawladda Reer Miyiga, Musharaxa Madaxweyne Ku-xigeenka oo loo doortay Dal-Yaqaan Cali Mooge.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Musharixiinta Iyo Dar-Xumada Dan-Yarta.

Soo Gudbin Taariikhda SNM.

Waxaan Doonayaa In Dawladda Reer Miyiga Xil layga magacaabo.


“Xuduudda Djibuuti Waxa Laga Soo Wadaa Dad Badan Oo La Doonayo In Ay Doorashada Ka Qayb-Galaan, Balse,” Axmed Silanyo.

“Madaxda Dawladdu Meelkasta Oo Ay Isugu Yimaadaan Waxa Ay Yidhaahdaan Aynu Doorashada Ku Shubano Dadkii Laynaga Qaadye,” Axmad Siilaanyo Shir Jaraa’id.

Hargeysa (Haatuf): Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay ka hadlay aasaaskii ururkii SNM iyo waayihii uu markii dambe soo maray, iyadoo ay shalay ahayd sannad-guuradii 22aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ururkii SNM.

Axmed Siilaanyo oo ahaa Gudoomiyihii ugu muddada dheeraa ururka SNM, waxa uu taariikhda ururka SNM kaga hadlay shir-jaraa’id oo uu qabtay gurigiisa, waxyar kadib markii uu ka soo noqday fagaaraha Kheyriyadda Hargeysa oo lagu xusayay sannad-guurada 22aad ee SNM, laakiin Axmed Siilaanyo laga horjoogsaday inuu halkaa ka hadlo, kadib markii uu gudoomiyaha SOOYAAL sheegay in aanay Xisbiyadu ka hadli karin munaasibaddan, isagoo yidhi labada nin ee xisbiyada ka madaxbanaan ayaa ka hadlaya meesha (Maxamed Xaashi Cilmi iyo Xasan Ciise). Laakiin dhinaca kale, wasiirka warfaafin, C/laahi Maxamed Ducaale iyo xubno kale oo Golaha Wasiirada ah, ayaa maamulka SOOYAAL cadaadis ku saaray in aanu Axmed Siilaanyo meesha ka hadlin.

Hase yeeshee, Axmed Siilaanyo, arrintaa kama hadlin, wuxuuse shirkiisa Jaraa’id kaga hadlay munaasibaddan, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “22 sannadood ka hor, ayaa dhaqdhaqaaqii SNM lagaga dhawaaqay magaalada London, maantana ummadda reer Somaliland meel kasta oo ay joogto waa maalin qiime weyn u leh, waana waajib in la xuso, iyadoo halgankii SNM soo gashay ay naf iyo maalba ku baxeen, isla markaana uu halgankaa qadhaadh uu shacbiga reer Somaliland ka wada qayb-galay, in badanina ku shahiiday, in badanina ku naafowday, in badanina ku xoolo beeshay.”

Axmed Siilaanyo, tartanka xisbiyada badan iyo hannaanka dimuqraadiyadda ee maanta Somaliland ka socda, waxa uu ku tilmaamay midhihii ka dhashay halgankii SNM ee Somaliland dib loogu xorreeyay, isagoo halgankaa ku tilmaamay mid taariikhiya oo aan la ilaawi karin.
“Halgankii waxa abaal-gud u ah in uu maanta shacbigu si cadaalad ah u doorto cidii hogaamin lahayd, iyadoo maanta la dooranayo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland hogaamin lahaa, iyadoo lagu xisaabtamayo cid waliba waxay dalka iyo dadka u soo gashay, dadka wax qiimaynaya ee wax kala dooranayaana waa dadka foodka bixinaya,” ayuu Axmed Siilaanyo, iyadoo Axmed Siilaanyo yahay ninka Xisbiga KULMIYE uga sharaxan jagada Madaxweynaha, sidaa darteed isagoo doorashada ka hadlaya wuxuu yidhi, “Annagu yoo-yootami mayno oo waxba caayi mayno oo waxba xumayn mayno, laakiin daacayado badan oo rakhiis ah oo aan macno ku fadhiyin, ayaa marmarka qaarkood nalaga sheegaa, annaguse waxaanu ka hadalnaa dhaliillaha ay dawladdu leedahay ee la wada ogyahay, waxa kale oo aanu ka hadalnaa taariikho dhacay oo la wada ogyahay. Haddii aanu KULMIYE nahayna waxaanu u taagannahay in aanu ummadda waxeeda wax ugu qabano ee aanaan ka gelin 200 oo wasiir, waxaana noo muuqata lacagayow badan oo la soo daabacday, lacagtaas oo la doonayo in doorashada lagu helo.”

Axmed Siilaanyo, wuxuu dawladda eedeeyay in ay iyadu horseed ka tahay nabadgelyo-darada iyo inay Madaxda dawladdu si khaldan ugu tagri falayso hantida ummadda, wuxuuse intaa ku daray inuu xisbigiisu ummadda reer Somaliland u hayo, barnaamij hogaamineed oo wanaagsan. Hase yeeshee, Axmed Siilaanyo, waxa kale oo uu si weyn u cambaareeyay muddo-kordhintii Golayaasha Baarlamaanka oo uu ku tilmaamay in ay meel-ka-dhac ku tahay Distoorka, isaga oo sheegay in ay muddo-kordhinta Golayaashu u baahnayd in laga wada tashado, isla markaana aanay ka badan muddo bilo gaadhaysa, halka hadda laga dhigay laba sannadood oo Wakiillada ah iyo saddex sannadood oo Guurtida ah.

“Waxa dhaqan laga dhigtay Muddo-kordhin wax la yidhaahdo, laakiin arrintaasi ummadda ma qabato, mabaadi’dda distoorkana ma qabato, waxaana xuquuqdoodii laga qaaday ummaddii doonaysay in ay tartanka ka qayb-gasho, sidaa darteed arrintaa waxaanu u aragnaa mid ayaan-darro ah, Madaxweynuhuna kuma hagaagsanayn inuu wax af-duub ah soo jeediyo oo uu yidhaahdo hala kordhiyo muddooyinka intaa le’eg,” ayuu yidhi Axmed Siilaanyo, laakiin waxa kale oo uu sheegay dad laga soo tallaabinayo meelo ka mid ah xuduudaha Somaliland, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay doorashada ka qayb-galayaan, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi, “Xuduudda Djabuuti dad badan baa laga soo wadaa oo la doonayo in ay doorashada ka qayb-galaan, sidaa darteed, waxaanu xukuumadda iyo Madaxweynaha ka codsanaynaa in xadkaa la xidho maalinta doorashada oo aan la odhan halkaas ayaa laba boqol oo kun lagaga soo guray. Waxa kale oo jirta in meeshii ay madaxda dawladdu isugu timaado iyo markasta oo ay shirayaan ay yidhaahdaan ‘la inaga qaad shacbigii oo KULMIYE ayaa inaga qaaday markaa awood baynu leenahay ee waa in aynu doorashada ku shubanaa’ midhkaana waa in la ogaado, cidda maanta nabadgelyadda looga baqayaana waa dawladdii u xil-saarnayd in ay ilaaliso, taasina waa ayaan darro.”

Top


Berbera: Loollanka UDUB Iyo KULMIYE Waxa Uu Ka Dhigan Yahay Dagaalka Xulafada Iyo Ciraaq, C/Raxmaan X. Daahir, Wariyaha Haatuf.

Sida la ogyahay waxa dalka Ciraaq ka taagan dagaal ba’an oo ciddiyo ku dagaalan ah, dagaalkaas oo u dhexeeya huwanta ciidamada Maraykanka iyo Ingiriiska, waxayna dunidu rumaysan tahay inuu dagaalkaasi yahay mid dhaqaale oo ay xulafadaasi ku doonayaan inay bililiqaystaan saliidda Ciraaq, iyaga oo doonaya marka ay Sadaam talada ka ridaan inay dalka Ciraaq ka dhisaan maamul uu madax ka yahay janaraal Maraykan ahi, taas oo loo arko gumaysi cusub, laakiin su’aasha la iswaydiinayaa waxay tahay waxa uu dagaalkaasi ku dambayn doono. Hase yeeshee hadii aynu soo qaado xikmadda ah “Nin-ba ceesaantii ceel gee”, sidaa darteed aynu nidhaahno Somaliland waxa dagaalka ciidamada xulafada iyo ciidamada Ciraaq uga dhigan hirdanka siyaasadda xisbiyada ku loolamaya hogaanka dalka.

Magaalada Berbera iyo guud ahaan degaamada gobolka Saaxil waxa hadda si xaami ah uga socda ololaha doorashada madaxytinimada ee lagu wado inay dhacdo 14 Abril, 2003, laakiin inkasta oo uu xarakaadka saddexda xisbi ee doorashada ka qayb gelaya gobolka ka wada muuqdo, hadana labada xisbi ee KULMIYE iyo UDUB ayaa moodaa inay si gaar ah isugu muuqdaan, waxaana ka dhex-oogan kaambayn xoog leh oo si weyn xadhkaha loo kala jiidanayo, taas oo ah olole taageero doon ah oo uu xisbi waliba goonidiisa doonayo inuu kasbado codadka dadweynaha ee lagu kala badinayo. Sidaa awgeed marka aad eegto degaanka Saaxil waxa labada xisbi ee KULMIYE iyo UDUB ka dhex-oogan kaambayn weerar iyo weerar celis ah, taas oo ka dhigan weerarkii xulafada iyo difaaci xarasal-jamhuuriga.

Xisbiga UDUB oo uu hogaankiisa sare yahay hogaanka sare ee dawladda Somaliland, taas oo ay gudoomiye iyo gudoomiye-kuxigeen ka yihiin Madaxweynaha iyo madaxweyne-kuxigeenka Somaliland, sidaa darteed marka la isku daro awoodda dawladda ee uu xisbiga UDUB dugsanayo iyo xisbinimadiisa miyaan la odhan karin xulafo kama dhaco.

Sida la ogyahay Ciraaq dagaalka lagu soo qaaday waxay dunida kaga heshay taageero aad u badan, laakiin hadana lama garanayo inay taageeradaa iyo itaalkoodaba marka la isu geeyo ku heli karaan inay xulafada Maraykanka iyo Ingiriiska ka adkaadaan iyo in laga adkaan doono, taas oo ay arintu hadda tahay gacan uur ku jirta.

Xisbiga KULMIYE oo ay koofiyadiisa sare aad uga muuqdaan rag badan oo ka mid ah hogaamiyayaashii ururka SNM waxa toddobaadkii hore magaalada Berbera ka sameeyey xarakaad badan, taas oo la dareemay inay taageero door ah ka haystaan degaanka Berbera, laakiin xisbiga UDUB ayaa isna toddobaadkan duulaan ku soo kiciyey degaanka Berbera, iyadoo ay wefti madaxweyne-kuxigeenku hogaaminayaa ka mid ahaayeen wufuudda UDUB ee toddobaadkii tegay gobolka ku galaabixiyey gulufyo olole ah.

Inka badan afartan guri oo isugu jira xafiisyo iyo merfishyo la fadhiisto ayuu xisbiga UDUB toddobaadkii tegay furtay magaalada Berbera, iyadoo ay xafiisyadaa leeyihiin ururada dhalinyarada, haweenka iyo majlisyo ay ku kulmaan madax-dhaqameedyada iyo duqayda beeluhu, kuwaas oo ujeedada loo abaabulay ay tahay inay xisbiga taageeradiisa xoojiyaan, dadna u soo ururiyaan, waxaana xarakaadkeeda si weyn loo dareemayaa dhaqaale xadhkaha soo goostay oo ay isticmaalayaan qolada xisbiga UDUB, taas oo ay ka sokow wufuudda debedda ka imanaysa ay xataa maamulayaasha dawladda ee magaalada Berbera si firfircoon uga qayb qaadanayaan ololaha xisbiga UDUB. Sidaa darteed merfishyada uu xisbiga furay marka uu qaadku soo dhaco waxa loogu soo xoomayaa sidii kabadh qaad oo kale. Waxa kale oo iyana la kireeyey baabuur yar yar oo shicib ah oo loo kireeyey isgaadhsiinta hawlaha ololaha, laakiin gaadiidka dawladda ee G.T-ga ah ayaa isna si dad-ban hawsha ugu jira iyadoo baabuurta iyo gidaarada guryaha aad loogu xardhay calaamadaha xisbiga UDUB.

Suuqyada magaalada Berbera maalmahan waxa koone walba dhex-yaacaya lacag noodh ah oo cusub, lacagtaas oo qayb ka ah ololaha doorashada, lana aaminsan yahay inay madaxda iyo hawl-wadeenada UDUB suuqa ku soo daayeen, iyadoo uu dhaqaaluhu qaybta ugu firfircoon ka yahay ololaha uu xisbiga UDUB ka waddo magaalada Berbera.

Goobaha uu ololaha xisbiga UDUB sida firfircoon uga socdo waxa ka mid ah guriga martida magaalada Berbera (State house), gurigaas oo la odhan karo waxa uu xisbiga UDUB uga dhigan yahay saldhigga dhexe ee ay xulafada Maraykanku ku leeyihiin duleedka magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo ay fadhiyaan saraakiisha sarsare ee hogaaminaysa dagaalka ciidamada xulafada, sidaas oo kalena guriga martidu waxa uu hawl-wadeenada UDUB u yahay saldhigga dhexe ee ay ka hagaan hawlaha ololaha.

Inkasta oo uu ololaha xisbiga UDUB si weyn xaammi u yahay oo ay dad badani u arkaan inaanay xisbiga awoodda dawladda dugsanaya cidina ka wadayn, hadana taas macneheedu ma aha inay guushu meel cidla ah u sii taal ee waxay ku jirtaa meel cidhiidhyoon oo aanay cidina ku xisaabtami karin maxsuulkeeda dambe. Sidaa darteed oloha sanqadhiisu badan tahay ee xisbiga UDUB waxa barbar socda oo ay dadku aad indhaha ugu hayaan difaaca adag ee uu xisbiga KULMIYE, kaas oo isaga laftiisu dab-yar shiddayn.

Xisbiga KULMIYE inkasta oo uu ololihiisu maalmaha qaarkood ay sanqadhiisu aad u badnayd, hadana dhawrkii maalmood ee u dambeeyey waxa waxoogaa hadheeyey gulufka uu horseedka ka yahay gudoomiye-kuxigeenka UDUB ee lagu soo ekeeyey magaalada Berbera iyo degaamada gobolka Saaxil, iyadoo godadka ay ku jiraan hawl-wadeenada KULMIYE lagu garaacayo madaafiic ay baaruudda ka dhacaysaa tahay dhaqaale aan meel fog laga doonayn.

Inkasta oo aanay cidina saadaalin karin waxa ay ciyaarta hadda socotaa ku dambayn doonto iyo cidda guusha kama dambaysta ah taabi doonta, hadana dadku saadaal kala duwan ayey ka bixinayaan cidda ay guushu raaci doonto, dadka qaar waxay leeyihiin, “Xisbiga awoodda dawladda gacanta ku haya cidina ka waddi mayso, qolyaha kalena way iska bilaash xiiqayaan, meeshuna waa Afrika oo ninka talada haya lagama adkaado”, laakiin qaar kale ayaa iyana leh “Xisbiga mucaaradku, gaar ahaan KULMIYE waxa ka muuqata mintidnimo weyn, waxaana ka go’an inaanay doorkan sina u dhaafin, waxayna doonayaan inay sidii mucaaradkii Kenya oo dhowaan talada ka dhaxlay xisbigii Kaanuu ee mudada badan talada Kenya hayey, iyaguna doorkan talada dhaxlaan.”

Marka laga hadlayo taageerada xisbiyada ee dhinaca dadka inkasta oo ay dadku had iyo goor ku murmaan hebel baa taageero badan iyo xisbe hebel baa ugu taageero badan, hadana dhinac kale marka la eego sida ay xisbiyadu u kala taageero badan lagagama qiyaas qaaddan karo fagaarayaasha khudbadaha ama maalmo uu xisbigu wado olole dheeraad ah, waayo ra’yul-caamka dadka laftiisa ayaad moodaa inaanu minqiyaas lahayn, raas oo ay dadku maalin-ba u doogsin cararayaan xisbiga jeebkiisu maalintaa furan yahay. Sidaa darteedna ay jiraan dad badan oo kuu soo shiraya ama sawaxanka ku maqashiinaya, laakiin dabeecadoodu tahay “Qawda maqashii, waxna haw qaban”. Hase yeeshee arimuhu sida ay doonaan ha u dhaceene waxa xisbiyada iyo dadweynahaba saaran masuuliyad culus oo ay tahay si waayeelnimo ah loo guto, taas oo loo baahan yahay inaanay xisbiyada codka doonaya iyo dadweynaha codka laga doonayo midkoodna la surma-seegtoon masuuliyadda ka saarran masiirka dalka iyo dadka ee ay aaya-katalintiisu miiska dushiisa saarran tahay. 

Top


Xuska Aasaaskii SNM Iyo Fagaaraha Kheyriyadda Hargeysa.

Hargeysa (Haatuf): Xaflad lagu xusaayey sannad guurada 22aad ee ka soo wareegtay aasaaskii SNM ayaa shalay lagu qabtay fagaaraha Khayriyada ee magaalada Hargeysa.

Munaaasabadaa oo ay soo qabanqaabiyeen jamciyada mujaahidiinta SOOYAAL waxa ka qayb galay xubno ka tirsan aasaasayaashii SNM kaga dhawaaqay magaalada London 1981-kii oo ay ka mid yihiin Xasan Ciise Jaamac, Maxamed Xaashi Cilmi Gudoomiyihii ugu modada dheeraa SNM Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirada horena uga tirsanaa SNM oo ay ka mid yihin wasiirka warfaafinta C/laahi Maxamed Ducaale, Wasiirka Dib-u-Dajinta C/laahi Xuseen Iimaan (Darawal) iyo Wasiirka Ganacsiga Rashiid X. C/laahi iyo masuuliyiinta jamciyada SOOYAAL.

Waxa iyaguna fagaaraha isugu yimid dadweyne aad u faro badan oo goob-joog ka ahaa xuska ururka SNM.

Ugu horayn waxa halkaa ka hadlay gudoomiyaha SOOYAAL oo si qoto dheer uga sheekeeyay taariikhdii SNM iyo sidii dimuqraadiga ahayd ee ay hogaanka SNM isu soo badbadalaayey “SNM waxay dhigtay mudadii ay jirtay seeska dimuquraadiyada gudoomiyihii u horeeyay oo ahaa Axmed Jimcaale waxa uu hayay mudo dhawr bilood ah waxa ku xigay Sh. Yuusuf Sh. Cali Sh. Madar oo isna hayay mudo Sannad ah waxa ku xigay C/qaadir koosaar oo isna mudo sannad ah hayay xilka waxa ku sii xigay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maanta ilana jooga isaga oo ayaa gudoomiyihii ugu mudada dheeraa SNM waxa ugu danbeeyey C/raxmaan Axmed Cali (Tuur), wali urur Soomaaliyeed oo intaas oo qof iska badashay ma jiro” ayuu yidhi isaga oo tusaale u soo qaatay ururkii SSDF iyo sidii uu ku danbeeyey.

Ka dib waxa uu ka hadlay xaalada doorashooyinka ee uu dalku ku jiro isagoo sheegay in hadalka xuska SNM uu ka duwanyahay ka ololaha doorashada “Hadalka maanta ee khayriyadu waa uu ka duwan yahay kuwii hore waayo markaad warbaahinta dalka eegto waxaad arkaysaa ololaha ka Campaign-ka axsaabta ee tartanka doorashada iyada oo ay goob-walba ka hadlayaan markaa manta u malayn maaayo inay haadal halkan uga baahanyihiin waayo SNM waxay ku kala jirtaa sadaxda xisbi ee dalka ka jira qaar’aan meelna ku jirinna way jiraan markaaa halkan waa in lagaga hadlo wixii khuseeya xuska SNM oo kaliya” ayuu yidhi Xasan Buure oo uu halkiisii kaga baxay.

Intaa ka dib waxa hadalka la wareegay Muj: Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ahaa ragii SNM kaga dhawaaqay London April 6, 1981 waxaanu hadalkiisii ku bilaabay “Maanta waa maalin weyn oo taariikhi ah waa maalin aynu midhaheedii cunayno oo lagu faano waxaana odhanayaa mujaaahidiintii ku geeriyootay halgankii Illaahay ha u naxariisto, SNM dimuqraaadiyadeedii intaa uu Xasan Yidhi ayaan ku dhaafayaa, waxaan u gudbayaa 7 maalmood ayaa ka hadhay doorashadii, Imtaxaano ayeynu soo marnay oo dalkii waynu xorayney, imtaxaankii labaad wuxuu ahaa dawladnimadii Burco lagu dhisay waanatii lasku saamaxay, imtaxaaankii sadexaad wuxu ahaa Dastuurkii aynu aftida u qaadnay isna weynu ka soo gudubney, imtaxaankii afaraad wuxuu ahaa geeridii madaxweynihii hore Illaahay ha u naxariistee marxuum Cigaaal isna waanu ka soo gudubnay inaga oo dooraney madaxweynaha maaanta talada haya” ayuu yidhi Maxamed Xaashi isaga oo u gudbay marxalada doorashada soo socota “Waxa ina soo food saartay doorashadii madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka waxa inoo imanaaya dad goob-joogayaal ah markaa waa ineynu sharaftii hore oo kale kaga gudubno waayo magacweyn bay noogu fadhidaa caalamka, sadaxda Xisbi waxaan ka rajaynayaa inay arintaa ilaaliyaan, dadweynaha waxaan leeyahay waa dawlad iangu dooranay oo aynu hadhaw la xisaabtami doono, waana inaad axsaabta waydiisaan waxay idiin qabanayaan balse aydaan xil waydiisan” ayuu yidhi Maxamed Xaashi.

Waxa isaguna halkaa ka hadlay Muj: Xasan Ciise Jaamac oo ka hadlay SNM iyo marxalada la maraayo isaga oo booriyey dadka in lagu dhaqmo Diinta Islaamka.

Waxaana hadalkii soo gabobabeeyey mas’uuliyiinta SOOYAAL iyadoo loo diiday inuu halkaa ka hadlo Axmed Siilaanyo oo ahaa gudoomiyihii ugu muddada dheeraa SNM, balse wuxuu dadka la hadlay isaga oo taagan oo bilaa makarafoon ah iyada oo ay dadku sacab ku soo dhaweeyeen, “Waad aragtaan UDUB inay culayska saartay inaanan madashan ka hadal aniga oo ah gudoomiyihii SNM ugu muddada dheeraa, waa baqdin ku jirta UDUB iyo xukuumadda is-huwan, waad ka baxaysaan dadweynow, waxa aad diidantihiin rabitaankiina ayaa wax walba ka afdalsan,” ayuu hadalkiisa ku soo gebgabeeyey Axmed Siilaanyo.

Top


Maxaa Laga Ogyahay Jiilaalka Ba’an Ee Haysta Bulshada Miyiga, “Dadka aanu soo aragnay ceeb ayay inagu tahay in food loo doonto,” Barre Warsame.

Hargeysa (Haatuf): Waqtigan xaadirka ah waxa degaamo badan oo Somaliland ah ka taagan jiilaal aad u kulul, taas oo meelo badan lagaga soo dayriyey biyo la’aan iyo baad la’aan, sidaa darteed waxa la sheegay inay dadka iyo xooluhuba halis ku jiraan, iyadoo ay qaylo badani ka soo yeedhayso inta badan degaamada miyiga ah ee gobolada iyo degmooyinka Somaliland. Hase yeeshee ilaa hadda ma jiro wax dhawaaq ah oo dhibaatadaa la xidhiidha hadii ay dawladda tahay iyo hadii ay cid kale tahay toona.

“Dadka aanu soo aragnay ceeb ayey inagu tahay in wax loo doonto (cod loo doonto) in wax la taro mooyee, waayo dhibaato aad u xun ayaa haysata”, sidaa waxa yidhi Barre Warsame Shire oo ka mid ah odayaasha reer Hargeysa, isla markaana ka mid ah xisbiga KULMIYE, wuxuuna Barre Warsame shalay ka soo galay socdaal uu ku soo maray degaamo ka mid ah jiidaha koonfur-bari ee gobolka Hargeysa, taas oo uu sheegay inay isaga iyo raggii kale ee la socday kula soo kulmeen xaaladd ba’an oo biyo la’aan iyo baad la’aan ah oo haysata dadka reer miyiga ah, isaga oo aad uga dayriyey xaaladda nololeed ee dadka iyo xoolaha.

Barre Warsame iyo ragga kale ee la socday waxay halkaa u tageen hawl la xidhiidha ololaha doorashada, iyaga oo tegay jiidaha degmada Sabawanaag, wuxuuna ugu horayn isaga oo ka waramaya xaaladdii uu halkaa ku soo arkay yidhi “Aniga oo ka socday xisbiga KULMIYE ayaan jiidahaa Sabawanaag ugu baxay ololaha doorashada, waxaana maray degaamo badan, laakiin meelahaa waxa ka jira dhibaato badan oo biyo la’aan iyo xaaluf fara badan, iyadoo lagu jiro xili kulul oo jiilaal ah, sidaa awgeed dadka aanu soo aragnay ceeb ayey inagu tahay in wax loo doonto oo la yidhaahdo food na siiya in wax la taro mooyee ma aha in wax kale loola tago, dhibaatadaasina way ku dhereran tahay ilaa Buuhoodle ilaa Salaxley iyo dhulal badan oo miyiga ah, markaa dadkaasi waxay u baahan yihiin gurmad degdeg ah, taas ayaan ugu baaqayaa dawladda iyo xisbiyadaba.”

“Waanu yaxyaxnay markii aanu dadkaa aragnay,”ayey intaa ku dareen odayaashu, wuxuuna intaa ku daray “Dad badan ayaa nala yaabay oo nagu yidhi ma dadka caynkan aha ayaad wax u soo doonateen, isla markaana intii aanan tegin jiidahaa iyo markii aan tegay wax weyn baa iska kay bedelay, waayo waxaanu u tagnay dad aad u dhibaataysan, sidaa darteed waxaanu ku baaqaynaa in dadkaa hadii aan cunto loo geynaynayn in biyo lala gaadho.”

Barre Warsame iyo odayaasha la socda oo u waramayey qaar ka tirsan saxaafadda Somaliland aad ayey uga dayriyeen xaaladda nololeed ee miyiga, iyaga oo dareen walaac leh ka muujiyey sida ay hadda xaaladoodu tahay.

Top


“ Haddii Reer Awdal-Oow Dhammaantiin U Codaysaan Madaxweynaha Kuma Soo Celin Kartaaan Xukunka,” Abiib, R.Xoosh-Boon, G.Awdal.

Boorama (HAATUF) Iyadoo weli degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka Awdal ay si xamaasad leh uga socdaan ololaha doorashooyinka loogu tartamayo hoggaaanka dalka oo lagu wado in ay dalka ka dhacdo 14ka bishan abril 'ayuu weli xisbiga KULMIYE ololahiisa si diiraan uga wadaa degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka awdal.sida uu ku soo waramay wariyaha Haatuf ee boorama Maxamed Cumar Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Xisbiga KULMIYE Marwo Siraad Cali Yuusuf,iyo musharaxa Madaxweyne ku xigeenka ee Xisbigaasi muj.Cabdiraxmaan Aw Cali oo Haatan ku Sugan gobolka Awdal ayaa shalay socdaal hawleed ku kala bixiyey tuulooyinka Qulujeed, Boon, Weeraar, xalimaale iyodeegaamada la xidhiidha oo Boorama u jira in kabadan 120 kiilomitir dhinaca woqooyi bari. Wafdigu waxay ku horreeyeen tuulada Qulujeed ,oo ah halka uu ku dhashay Madaxweyne Daahir Rayaale, waxaana kusoo dhaweeyey dad badan oo degan magaalada iyo Taageerayaasha xisbiga Kulmiye.Iyagoo wafdigu xafiiska Kulmiye ee qulujeed kula shiray madaxdhaqameedyada deegaanka qul-ujeed.

kadib Fagaare ku yaalla magaalada qulujeed oo ay kala hadleen dadweynaha reer qulujeed waxana halkaa khudbado ka jeediyey hoggaaanka Wafdiga iyo taageerayaasha kulmiye. Gudoomiye ku xigeenka labaad ee KULMIYE siraad cali oo halkaa ka hadashay ayaa hadaladeedii waxa ka mid ahaa "marka hore waxan idiinka mahad celinaynaa sida aad noo soo dhaweyseen, waxaanu u soconnaa sidaad u xoojin lahaydeen taageeradii aad marka horeba na siiseen een kusoo baxnay.Intaa kaddib waxan leeyahay u dhiman maynno madaxweyne ayaa leedihiin ee ku xisaaabtama waxqabadka cidda aad dooranaysaan oo ubadkiinna mustaqbal u sameeya."

Musharraxa Jagada Madaxweyne Ku-xigeenka Cabdiraxmaan Aw Cali oo isna halkaa ka hadlay ayaa yidhi, "Madaxweynaha inkastoon ka weynahay adeer baan u ahay, laascaanood ayaan uga yeedhay markii aan gooni-isutaagga go'aansanaynay,badhasaab ayaan ka dhigay, imikana waxan ku kari la’ahay waar hantida iyo maamulka dalka sidan ka daa." Waxa kale oo shirkan ka hadlay Ibraahim Magan, Nuur, horeyna u ahaan jiray Duqa Boorama kana tirsan UDUB, waxana hadaladiisii ka mid ahaa "Haddii hawadaadu kuu been sheegto,hanatidaadaa kuu run sheegta",waxanan uga jeeddaa waar waxan hanti u leenahay waa jagadaasi madaxweyne ku xigeenka ee yeynaan been isu sheegin."Kaddib wafdigu waxay u dhaafeen magaalada Boon oo ay ku soo dhaweeyeen dadweyne farabadan. Khudbado halkaa looga jeediyey khayriyadda magaaladaa oo ah goob sariibad ahayd ,ayaa waxa ka hadlay maamulka KULMIYE ee gobolka,iyo magaalada boon.
Waxana hadaladii halkaa laga jeediyey ka mid ahaa mid baraarujin ah oo uu jeediyey Abiib Roble Xoosh oo ah wakiilka Xisbiga kulmiye ee magaalada Boon oo yidhi, "Mdaxweynaha Daahir Rayaale waxa doortay Bari(bariga awdal),imikana Bari wuxuu dooranayaa Madaxweynaha KULMIYE . Haddii reer awdaloow dhammaantiin aad codkiina siisaan kollaba Daahir Rayaale kursiga kuma celin kartaan ee wixii innala gudboon aan yeelo oo aan xisaabtanno.

Ugu dambayntii waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyekuxigeenka Xisbiga Siraad Cali Yuusuf oo dadkii shirkaa kasoo qaybgalay kala hadashay arrimo badan waxaana hadaladeedii ka mid ahaa "walaalayaal waxay udub jaadka idinku qaaddaa waa lacagtiinii cashuurta aad ku bixiseen, iska cuna oo mustaqbalkiinna iyo ubadkiinna cidii wax u qabanaysa ha ku beddelina mowqifkiinna mijin jaad ah oo xaaraan ah."

Ddhinaca kale laba qof ayaa dhaawacyo kasoo gaadheen rasaas uu riday nin hubaysani shalay gelinkii hore. Ninka oo dukaanku leh Boorama oo la yidhaa Axmed X. Muxumed ayaa la sheegay inuu xabadahan riday kadib
markii dukaankiisa uu soo galay nin maskaxa wax uga dhimanyihiin oo la yidhaa Maxamed Dahiir Ibaraahim (beerin), kaddibna uuka baqay inuu boobo ama dilo.

xabadahaasi waxay dhaawacyo fudud ugeystay ninka maskaxda wax uga dhimanyihiin iyo nin kale oo ka mid ah dadweynihii isku dayayey inay kala badbaadiyaan.Laabada nin ee dhaawacu soo gaadhayba dhakhtarka ayaa loo qaaday oo haatan lagu daweynayaa, iyadoo ninkii xabadaha riday uu baxsaday balse sida ay ii sheegeen ciidanka nabadgelyadu loo diray qaraabadiisii si loosoo xidho.
 

Top


Sooyaalkii Taarkheed Iyo Sansaanta Xaaladda Hadda Taagan, Siciid I Guraase, Q: 4aad.

sanadkii 1225-kii ama 656-kii Hijradda ayey ciraaq qabsadeen Mangooliyiinta oo ka soo duulay, Turkuministaan, iyaga oo xukunka haystey ilaa 1534-kii. Muddadii ay xukunka hayeena waxa Baqdaad ka dhacay dil iyo boob baaxad leh iyaga oo mangooliyiintu dilay khaliifkii muslimiinta Mustacsim Shan maalmood ka dib markii ay xukunka qabsadeen, ka dibna waxa ay Ciraaq u qaybiyeen laba gobol oo mid ay xarun u tahay Baqdaad ka labaadna ay xarun u tahay Muusil.
Waxaanay Ciraaq xukumayeen ilaa ay Baqdaad ka saareen Cusmaaniyiintu sanadkii 1534-kii iyaga oo xukunka hayey ilaa 1918-kii. Muddadaana waxay Cismaaniyiintu Ciraaq ka hirgeliyeen dib u dhis balse waxa inta badan hakiyey loolankii ka dhextaagnaa cusmaaniyiinta xaaladuna sidaasay ahayd ilaa uu Ciraaq qabsaday Ingiriisku sanadkii 1918-kii markii gumaysigii Ingiriisku qabsaday Ciraaq 1918-kii waxa uu haystay ilaa 1921-kii iyada oo uu ingiriisu qabsaday markii hore magaalada Basra ee dekedda ah taasoo ahayd isla markii uu qarxay dagaalkii koowaad ee adduunka 1914-kii isaga oo markii dambe gacanta ku wada dhigay dalka Ciraaq oo dhan.

Sanadkii 1920-kii ayey dadka reer Ciraaq bilaabeen kacdoono ay kaga soo horjeedaan Ingiriiska taasina waxay Ingiriiska ku khasabtay inuu sameeyo maamul hoosaad ay leeyihiin reer Ciraaq.

Sanadkii 1921-kii ayey suurto gashay in dadka reer Ciraaq doortaan xukuumad ay leeyihiin iyada oo boqor loo doortey boqor Faysal-kii 1aad ee reer Haashimi markii afti laga qaaday dadka reer Ciraaq.

Intii u dhaxaysay 1921-kii -1932-kii, waxa dalka Ciraaq ka talinayey boqortooyo uu madax ka yahay boqor Faysal iyada oo Ciraaq ku biirtey (League Nations) ururkii ka horeeyey qaramada midoobay. Sanadkii 1933-kii ayuu dhintay boqor Faysal waxaana bedelay inankii ugu weynaa carruurtii uu dhalay oo la odhan jirey Qasi kaasoo xukunka hayey ilaa 1939-kii waxaanu xukunka ku wareegay wiil 3 jir ah oo ay walaalo ahaayeen boqorka dhintey waxaase xukunka iyo talada u sii hayey inta u qaan gaadhayo inanka yari Nuuri Siciid oo ka amar qaadan jirey dawladda Ingiriiska sanadkii 1941-kii ayey mar kale Ciraaq ka bilaabantay kacdon lagaga soo horjeedo Ingiriiska oo uu hogaaminayey Rashiid Cali Kaylaani.

Intii u dhaxaysay 1945-`958-kii waxa Ciraaq ka socday kacdoono iyo dagaalo gudaha ah iyada oo ay muddadaa Ciraaq ka dhaceen isbedelo dhawr ahi, ilaa sanadkii 1958-kii ay Urdun iyo Ciraaq samaysteen dawlad Federal ah.

14-kii Oct sanadkii 1958-kii ayey ciidamadu la wareegeen xukunka waxaana dhalatay Jamhuuriyadda Ciraaq iyada oo uu talada la wareegay Najib Rabiic waxaanay ciidamadu markii ay xukunka qabsadeen dileen boqor Faysal-kii labaad iyada oo Ciraaq ka baxday midawgii ay la gashay Urdun balse sanadkii 1963-kii ayey mar kale Inqilaab dhigeen Bacsiyiintu waxaana madaxweyne noqday C/Salaan Caarif oo aan isagu bacsi ahayn, waxaanu geeriyooday 1968-kii iyada oo uu bedelay C/Raxmaan Caarif oo ay walaalo ahaayeen madaxweynihii hore.

17-kii July 1968-kii ayey Bacsiyiintu toos u qabsadeen xukunka waxaana talada la wareegay Axmed Xasan Bakar isaga oo dalka ku xidhay Ruush-ka balse waxa uu xukunka ka degay 1979-kii markaas oo uu xukunka la wareegay Sadaam Xuseen.

La soco.

Top


Ayaamihii Aasaaskii SNM Iyo Waayihii Ku Gedfannaa, Q:2aad.

Hargeysa (Haatuf): Waxa shalay magaalooyinka Somaliland qaarkood laga xusay sannad-guuradii 22aad ee aasaaskii ururka SNM, sidaa darteed intiinii akhrisatay cadadkayagii shalay waxaanu idiinku soo gudbinay qaybtii hore ee mawduuc la xidhiidha aasaaskii ururka SNM iyo xiligii uu aasaasmay iyo meeshii markii u horaysay laga dhawaaqay, iyadoo aanu idiin ballanqaadnay inaanu dhawr cadad oo is-dabajoog ah idiin soo gudbin doono mawduuc aanu ku eegayno sidii ay ku timi mucaaradadii xoogga lahayd ee ay ku aasaasanta xarakadii SNM iyo jawigii siyaasadeed ee xiligaa ka jiray dalkii Jamhuuriyaddii Somaliya ee ay ka talinaysay xukuumaddii milateriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre. Laakiinka marka arintaa laga hadlayo waxay su’aasha ugu horaysa ee meesha taal tahay sidee buu ahaa waaqica dhabta ah ee xiligii ka jiray dhulkii Somaliya, isla markaana duruuf noocee ah ayuu ku abuurmay ururkii SNM.

Marka sida la wada ogyahay waxa dalkii Jamhuuriyadda Somaliya ka talinayey nin kelitalis ah oo aanay dabadii ciddi hadlin, taasina waxay guud ahaan cabudhisay aragtida cidkasta Somaliyeed oo aqoon ama garasho is-bidaysay ha noqoto siyaasiyiin ama ha noqoto dadka khibradda u leh maamul ama mihnad gaar ah. Laakiin waxa intaa dheeraa cabashooyin siyaasiya oo ay dadkii goboladii waqooyiga Somaliya (Somaliland) si gaar ah u tirsanayeen, cabashadaas oo ku sinayd tan iyo xiligii midnimada ee Somaliland iyo Somaliya 1960-kii, taasina waxay keentay cadho biirtay oo sababtay inay isu bulato mucaaradad isa soo tartay oo aakhirkii afka ka baxday, ka dib markii 6-dii bishii Abril 1981-kii magaalada London lagaga dhawaaqay ururka SNM. Laakiin si aanu macluumaad dheeraad ah uga helo sidii uu xaalku ahaa xiligii lagu dhawaaqay ururka SNM, waaqicii ka jiray Somaliya iyo dareenkii uu taliskii Siyaad Barre ka bixiyey soo if-bixii ururka SNM waxaanu xog-waraysiyo la yeelanay qaar ka mid ah aasaasayaashii ururka SNM iyo hogaamiyayaashii kale ee ururka SNM.

Xasan Aadan wadaad diid oo ka mid ah aasaasayaashii ururka SNM ayaa ka sheekeeyey sidii ay xarakadii mucaaradadeed ee lagu aasaasay SNM, wuxuuna yidhi “Bishii Ogost 1978-kii ayaan ka soo baxay xabsi, ka dibna 6 bilood ka dib ayaan tegay dalka Sucuudiga, mar kale ayaan Xamar ku noqday, laakiin Bishii March 1979-kii ayaan hadana ka soo baxay Somaliya, waxaana tegay Sucuudiga, aniga oo dalka kaga soo baxay sabab caafimaad, laakiin go’aankaygu ahaa inaanan soo noqon ee aan dalka sidaa kaga baxo, dabadeedna markii aan Sucuudiga tegay waxaanu aniga iyo rag kale halkaa ka bilownay shirarkii u horeeyey oo qarsoodi ah, waxaana raggii aanu shirarkaa wada bilownay ka mid ahaa Maxamed Xaashi Cilmi, C/salaan Yaasiin iyo rag kale oo dhawr ah.

Mar kale ayaanu bishii Oktoobar 1979-kii shir kale oo balaadhan ku qabanay magaalada Jidda, iyadoo ay shirarkii sii socdeen, laakiin markii ay shirarku socdeen waxay dooduhu ahaayeen ma goosasho ayeynu ku dhawaaqnaa, mise keliya waxaynu ku dhawaaqnaa Rajiinka ayaanu la dagaalamaynaa, balse aniga waxaan ka mid ahaa raggii goosashada ka soo horjeeday, waxaanuse aakhirkii isla garanay inaanaan goosashada ku dhawaaqin hadhow waxaan doono aan yeelnee.”

Dareenka mucaaradadu waxa uu ahaa mid ku baahsan gudo iyo debed-ba, isla markaana hadii ay tahay ragga gudaha jooga iyo hadii ay tahay ragga debedaha joogaba waxa jiray xidhiidh aad cidhiidhi u ah oo ka dhexeeyey, laakiin inkasta oo ay rag badani isla qaateen dareenka mucaaradadda, hadana iyadoo weli lagu kala aragti duwan yahay sida loo dabakhayo iyo goorta loo badheedhayo iyo weliba halka laga dhaqaajinayo ayaa lagu dhawaaqay ururka SNM, sidaa darteed Xasan isaga oo tilmaamaya waxa ay ku dhawaaqidaa ka yidhaahdeen raggii gudaha ku jiray waxa uu yidhi, “Markii aanu berito oo kale ku dhawaaqayno ayey gudaha nooga yimaadeen, waxayna nagu yidhaahdeen ilaa aad cid kale heshaan haku dhawaaqina si aydaan Afweyne bartilmaameed ugu noqon, weftigaasna waxa soo diray niman markaa dawladda ku jiray oo ay ka mid ahaayeen ismaaciil Cali Abokor, Cumar Carte, Axmed Siilaanyo, Cismaan Jaamac iyo rag kale oo badan, laakiin waxaanu ugu jawaabnay “imimka ma aha xili la joojin karo ee wixii aad nagu caawin kartaan uu nagu caawiya”. Dabcan marka gudaha laga hadlayo wuu jiray nacayb badan oo maamulkii Siyaad Barre loo qabay oo dadka oo dhami khaati ayey joogeen, laakiin debedda looma soo saari karayn, waayo laga baqanayey, taas darteed ma jirin urur gudaha ka dhisnaaa ileyn xukuumada gudaha ayaa laga ridaaye.’

Wax yar ka dib mucaaradadii ayaa gudo iyo debed-ba is qabsatay, waxaana bilaabmay dhaqdhaqaaqyo badan oo mucaaradeed, kuwaas oo siyaalo kala duwan isugu bulladay, iyadoo uu si weyn isu soo taray badheedhaha lagula dagaalamayo dawladdi Siyaad Barre oo xiligaa barkanayd cudud milateri oo aad u xoog badan, isla markaana marka dhinac kasta laga eego waxay dawladdii Somaliya xiligaa ka mid ahayd dawladaha ugu xoogga weyn dawladihii Qaaradda Afrika. Sidaa awgeed waxa u taliskii Siyaad Barre mucaaradadaa soo if-baxday kaga jawaabay dil, xadhig iyo cabadhin xoog leh, taas oo ay maamulayaashii dawladdii Siyaad Barre si fool-xun ula dhaqmeen qofkasta oo lagu tuhmay inaanu daacad u ahayn nidaamkii Siyaad Barre.

Horaantii sannadkii 1982-kii ayey dalka Itoobiya u talaabeen niman saraakiil sare ah, kuwaas oo halkaa ka aasaasay garab milateri oo ururka SNM ah, waxayna ururka SNM muddo yar ka dib bilaabeen hawl-gallo milateri oo ay ka fulin jireen saldhigyadii Milateri ee uu taliskii Siyaad Barre ku lahaa goboladii waqooyi ee Somaliya, waxayse saraakiishii iyo maamulayaashii dawladdii Siyaad Barre dhaawacyada ay xoogaggii SNM u geystaan ciidamadiisa kaga aargoosan jireen dadka shicibka ah ee ku nool magaalooyinka iyo degaamada ay ka taliyaan, kuwaas oo ay u geysan jireen dil, xadhig iyo baabi’in hantiyeed.

Markii ay midoobeen labadii dhinac ee Somaliland iyo Somaliya waxay samaysteen ciidan la odhan jiray xoogga dalka soomaaliyeed, ciidankaas oo mar noqday ciidanka ugu xoogga badan dalalka Qaaradda Afrika, uguna tayada badan waxa ka mid ahaa himilooyinkii loo abuuray inay dalkooda iyo dadkooda ka difaacaan cadawyada u xoog sheegto ee debedaha kaga soo duula, laakiin anaaniyaddii xukun jacayl ee nidaamkii keli taliska ahaa ayaa himiladii caynkaas ahayd ku bedelay inay ciidamadii xoogga dalku wixii ay awood iyo xirfad milateri lahaayeen isugu geeyaan dadkoodii rayidka ahaa ee ay ahayd inay cidda dilaysa ka celiyaan, waxayna Madaxa kala dhaceen dubbe aan naxariis lahayn… la soco cadadka dambe qayb aad u xiisa leh.

Top


Ololaha Doorashada Dawladda Reer Miyiga, Musharaxa Madaxweyne Ku-xigeenka oo loo doortay Dal-Yaqaan Cali Mooge.

Golaha Ged-yaqaan ee dawladda Reer Miyiga ayaa Musharaxa Reer Miyiga u magacaabay Abwaanka Mucjisida ah ee Cali Mooge. Ninkaas oo ah dal-yaqaan diinta ku ciraystay, wuxuu ololihiisii ugu horeeyay ku ekeeyay nawaaxiga Gobolka Sanaag iyo deggenada duqoobay. Haddaba, Musharaxan Madaxweyne Ku-xigeenka oo ah nin lagu doortay Abwaanimo, Indheer-Garadnimo, Af-Tahanimo, Aaminnimo iyo amuuro kale. Sahankaa uu ku maqnaa wuxuu ka soo tiriyay gabay geedkaa le’eg. Gabaygaas oo uu ku dhig-dhigayo dhammaan wixii hayb xayawaan leh inta dalkan joogi jirtay, kaas oo jilib-jilib isku raaciyay.

Haddaan idiin soo baahsho, isaga oo dhulkiisa ku dhaadanaya, wuxuu yidhi:

KA TAG JAAMICADDA AADAMAHA OO U SOO NOQO JAAMICADDA ILLAAHAY
Gole Joog
Garab daar abwaan lagu boqroo,
Guul sidaan ahaye.
Inta gabaygu shaydaan u yahay,
Gaaxdhan baa maqane.
Weligay iskuul iyo ma gelin,
Gole talaamiide.
Weli gacanta weedh aan ku qoray,
Aadmi ma hor geyne.
Gu’gayguna ma weyne’e Allaah,
Gaadhka ii diraye.
Jirrid waxaan ka soo go’ay intuu,
Waalid ii galaye.
Ninka tayda gaasira ayaan,
Tiisa gudhiyaaye.
Taariikh la gawdh-gawdhaybaan,
Guudka ka cadhayne.
Geyigayga maan soo bandhigo,
Haba gabnoobaane.
Adduunyada gariirkii ka dhacay,
Ged aan la koobaynin.
Geyi ustareeliyo intii,
Gacan khaliijaada.
Gasiirado malgaash iyo markay,
Ciiddu kala guurtay.
Gurxankii badweynta hindiya,
Bari u goosmeene
Gurmad iyo mahiigaan gudgude,
Gaabshe ololkiiye.
Gadhwadeen rasuul iyo markuu,
Nuux galgalanaayey.
Gobollada Sanaag buu ku furay,
Gaankii soo hadhaye.
Wixii gurada doonta ugu jiray,
Gooshkan baan tirine.
Dhulba igama guunsana intay,
Gaadho weligeede.
Gadaal dhalad ninka i moodayow,
Gaabis baad tahaye.
Kuwii gaafkii haajira dhisee,
Guuriyaan nahaye.
Gawracii ismaaciil Allaa,
Gaaxiyoo mudane.
Illaahay wankuu geeyey bay,
Goobayaan weliye.
Gaaroodi kaa daaqayey,
Gorod wadaagaane.
Saalimo guddoon baa dhashiyo,
Daylo gabaraye.
Garba-saaradaydaa xashkaba,
Lagu gudoomaaye.
Ninka laba go’ qaataa dhib yari,
Gelaya sheekhowe.
Dhaaxuu ku gaamuray cilmigu,
Geeskan bariyeede.
Nebi muuse waatuu gedmaday,
Guulihii khadare.
Waxa golis ku hoos jira sir aan,
Cidiba gaadhayne.
Sidaasaa galbeed loogu raray,
Geedi habaqlaaye.
Wuxuu geli saleebaan hadh galay,
Geedka harawaade.
Gumaadigu ayuub wuxuu helay,
Guudka baabuliye.
Gobanimo bilaal baw addimay,
Goobtii Nebigiiye (CSW).
Ma gudboona aadmigu runtii,
Guusha dhaqameede.
Nimanbaa gabdhaha aasi jiray,
Gu’ iyo jiilaale.
Guudlayda oydaba tan waa,
Laysku go’ayaaye.
Gaboolaydu hayb malaha buu,
Geedku farayaaye.
Gebebe colaadeed haddii,
Weerarku is gaadho.
Gurdan waalihii dhacay cidbuu,
Gawsku jabayaaye.
Kolay labada geesood mid baa,
Geeridaw badane.
Inkastoo gudmaha laysla dhaco,
Gulufna caalwaayo.
Ma gembiyo suldaamada ninkii,
Gacan sareeyaaye.
Shankastoy goblaandheer iyo,
Qaar guracan sheegto.
Garta dimuqraadiga waxay,
Gaadhay waa hore’e.
Guddigii nagaajaa ka mida,
Gabanadaydiiye.
Geesoolayaal iyo annaa,
Guud qarnayn dhalaye.
Anaa geel qureesh ula baxee,
Garanba maysaane.

La soco.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Musharixiinta Iyo Dar-Xumada Dan-Yarta.

Indhawayd waxaad la soceteen in laga daawaday daafaha dunida Document ay soo duubeen Bbcda iyo uruka Somaliland Health Promotion Trust in Uk. Marka hore mahad naq buuxa ayaanu u soo jeedinaynaa intii ku hawlootay sidii Barnaamijkan loo hirgaliyay.

Hadaba iyadoo lagu jiro wakhti doorashooyin Madaxtinimo loo diyaar garoobayo ayaa waxa mudan in hadana la is xasuusiyo meelaha bulshadu ka liidato iyo sida looga indho qarsanyo sawirkan dusha ku yaala hadaan soo qaato sawirka koowaad . 1) waa wiil yar oo lugtu go,day isla markaana aan haysan ushii ku boodi lahaa wuxuu siisto.

sawirka 2) hooyo Somalilander ah oo darxumo ka muuqato iyada iyo ilmaheedaba dibadahana u hoyda iyagoo bilaa hoy ah.

sawirka 3)ilma yar oo xanuun ugu jira cisbitaalka Hargaysa.

sawirka 4) waa hooyo Somalilander ah oo aan uur lahayn lagana helay xanuunka loo yaqaan Hebatitka ama qaybaha beer bararka waxay darxumo daraadeed iyo dawa la,aan u jiiftaa Cisbitaalka Hargaysa intaana waxaa u dheer iyada oo aan rajo lahayn in ay ka kacdo cudurkan iyo caruurtii badnayd ee ay dhashay sida ay ku danbayndoonaan maadaama aabahoodna uu xaabo u soo guri jiray si uu uga dhigo dhuxul uu ii biyo nasiib darro se islaantaa oo xanuun u jiifta dhakhtarka Haragaysa ayuu la joogaa maxay se nolosha awlaadaasi ku danbayn haday Geeriyooto.

Sawirka 5) Darxumada ilmahaa gacanta ka gubtay bal eega ee la gu daloolinayo maqaska isaga oo xanuunkuu dareemayo aanay cidi la dareemayn waxaase ka dhib yaraan lahayd iyadoo la suuxiyo laakiin dhaqaalahaa halkee dhakhtarka uga imanayaa hadii Madaxtooyada oo u dhaw laga yaabo in lagu lumiyo lacag maal galin kari lahayd dhakhaatiirta iyo Cusbitaalada Somaliland.

Sawirka 6) inan Gacantu jabtay isagoo si toosa loo kabayo bilaa suuxdin.

Sawirka 7) inan lugtu ku go,day miinooyinkii isaga oo lugtaa go'day maahaane tan kale kabteeda ka raadsada xashiishyadda ama meelaha qashinka lagu daadiyo.

Sawirka 8) waa Hodan 19 Jir ilaahay naxariistii janno haka waraabiyee gabadhani way jabtay waxayna u geeriyootay iyadoo loo waayay dhaqaale lagu qali lahaa si si wanaagsan loogu kabo sidaa daraadeedna u geeriyootay waxaa badbaadin lahaa lacag uu wasiirku ku qayilo maalintii oo kaliya hadii laga war hayn lahaa 9) mishiinkani waa qalabka dhakhtarka yaala waana kuwa wax lagu karkariyo waxa la keenay 1953 ka dib toloow miyaa la waayay mishiino loogu deeqe xiligan oo ah kuwa casriga ah laakiin miyaa la waayey dadkii u dhaqdhaqaaqi lahaa.
hadaan ka soo gudbo intaas oo duruufood iyo kuwo ka badanba waxay yaalaan Caasimadii dalka Somaliland waxaa intaa dheer in maalintii inta la qiyaasay in ka badan 40 Hooyo umul raacaan Somaliland Darxumo awgeed Hadaba Caasimadii markay sidan tahay sidee looga warhayaa magaalooyinka kale iyo Dagmooyinkii.

Doorashooyin baa inagu soo food leh 3 nin baa u ordaya iyo wadaro daba socda si ay dhacdhac u helaan.

Sawirka 10) waa Mud.maxamuud Axmed Siilaanyo wuxuu ku mashquulay sidii loo dooran lahaa.

sawirka 11) Mudane Daahir Rayale Kaahin oo muddo dheer usoo shaqo tagayay Madaxtooyada oo u jirta 200 Talaabo DHakkhtarka Caasimadda.

Sawirka 12) Mud. Faysal Cali Waraabe waa nin tan iyo intii uu doorashada galay ku mashquulay sidii uu kursi u fuuli lahaa.

Siyaasiyoow ha ka shaqaysan umadaadee u shaqee ilaahay wuu ku waydiin maalinta lagu oofsado’e.

Hadaba macna maqaalkani maaha yaan la taageerin Xisbiyada ee waxa weeye xisbiyadda halagu la xisaabtamo maxay qabanayaa. Taas oo aan leeyahay xisbiyada hala taageero, laakiin wax-qabad halagu taageero. waxaanu ka codsanaynaa TV Somaliland in uu soo duubo meelaha bulshadu ka liidato. Waxaanu ka codsanaynaa warbaahiyaasha ay u horeeyaan Haatuf iyo Jamhuuriya in ay eegaan halka xaaladaha bulshadu marayso ee aanay eeginuun hadalka siyaasiga waxaanu codsanaynaa in ay shirkadaha iyo tijaarta Somomaliland ay caawiyaan caruurta darxumaysan ee la Da, da ah Caruurahooda.

Waxaanu mahad naq buuxda oo mar walba ah u soo diraynaa ururada sama falka ee Somaliland ee ay u horeeyaan Somalilandforum iyo Somaliland Health Promotion Trust ay iyo kuwa kale een halkan ku qornayn sida jaaliyadaha dibada.

Cumar Cabdi Nuux
Calaydh2@hotmail.com
Helsinki, Finland.

Maxamad Cabdi Xassan (Diridhaba)
diridhaba2001@hotmail.com
Pakistan, Karachi.

Top


Soo Gudbin Taariikhda SNM.

Aniga oo ah C/Raxmaan Xasan (C/Raxmaan Guuto) waxaan halkan ku soo gudbinayaa war bixin ku saabsan dagaalkii SNM-ta ee 1981-kii ilaa guda galkii waana sidan:

London Oct 1981-kii Gudoomiye Axmed Maxamed Guuleed (Jimcaale).

Nasareed April 1982-kii Sh. Yuusuf Sh. Cali Sh. Madar.

Harar July 1983-kii Sh. Yuusuf Sh. Cali.

Kalfadhigii Jig-jiga Nov. 1983 C/Qaadir Koosaar ee Golaha Dhexe.

Jig-Jigga Aug. 84-kii Axmed Maxamed Siilaanyo.

Harar Feb. 87 Siilaanyo.

Almis 1990 C/Raxmaan Axmed (C/Raxmaan Tuur).

Haddaba dagaalkii SNM ee 1981-kii ilaa guda galkii wuxuu ahaa mucjiso xagga rabi la inga caawinayey gees ilaa gees cadceed ka soo bax ilaa cadceed dhac. Oo ay ka muuqatay hiilka Ilaahay inoo hiilinayey oo ay u baahantahay inaan la dhayalsan ee lagu fara-adaygo neecawdaasi iyo nabad-gelyadaasi aan ku seexanayno kuna soo toosno oo Ilaahay lagu xamdiyo. Waxaana kuugu filan diyaaradda kheyriyadda lagu hortaagay siday diyaaradaasi markii hore u ahayd tii ciidanka markii dambena ay u noqotay tii cadawga ee Hargeysa ka kacaysay ee Hargeysana garaacaysay.

Gebagebadii waxaan dadweynaha reer Somaliland kula talinayaa inay xajistaan nabadgelyadaasi iyo xornimadii dhiigu ku daatay.

C/Raxmaan Xasan (C/Raxmaan Guuto).

Top


Waxaan Doonayaa In Dawladda Reer Miyiga Xil layga magacaabo.

ku: Musharaxa madaxweynaha reer miyiga mudane A.A.Garas.

Aniga oo ah muwaadin reer Somaliland ah waxaan ka mabsuuday barnaamijkii wax qab ee aad soo qortey, waxaanan ka markhaati kacay in reer miyigu cidna u maqnayn ceelna u qodnayn, markaa aniga oo ah nin dhalinyaro ah hayana xoog fadiilo ah oo aan dalkayga wax ugu qaban karo, waxaan mudane jeclaan lahaa in aad igu darto golahaaga gedyaqaan ah, walibana waxaan jeclaan lahaa in la ii magacaabo wasiirka arrimaha gudaha iyo dhirta dhaqanka iyo dhagaxa, sababta oo ah waxaan iskay u bartey oo aqaannaa ilaa 75 geed oo khudrad ah oo dalkeenu ka baxa kuwaas oo aan imika cidina wax ku falin, waxaan rajaynayaa aan si wacan kuugula shaqeeyo.

Nooli kulanteen.

C/Fataax Cali Samatar.

Top