Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 306 Date April 8, 2003

Golaha Guurtida Oo Jeediyay Baaq Nabadgelyo, Tafsiirna Ka Bixiyay Muddo-Kordhintii Baarlamaanka. "Cudur la soo fadhaa meesha ma yaal, ninka afka xumeeyaana wuxuu jebiyay Axdigii reer Somaliland," xaaji Cabdi Waraabe.

Guddoomiye Ku-Xigeenka Guddiga Doorashooyinka Oo La Hadlay Reer Berbera.

Ciidamada Maraykanka Oo Casarkii Dib Looga Carraabiyay Goobo Ay Subixii Shalay Ka Soo Galeen Magaalada Baqdaad.

Wefti Axmad Silaanyo Hogaaminaayo Oo Burco Gaadhay Iyo Kooxo UDUB Ka Soo Jabay Oo KULMIYE Ku Biiray.

Xisbiga UDUB Oo Dar-Dar Geliyey Ololihiisa Doorashada.

Ayaamihii Aasaaska SNM Iyo Waayihii Ku Gedfanaa.

Guddiga doorashooyinka Qaranka far baa ku godan.

Soo yaalkii taariikhda Ciraaq Waxa Qoray Siciid I Guraase Q:5aad.

Garta Xeer-Beegti, Garta dhaqanka.

Jilba Dhiig.

RAADYOW MA QALOOCSHE, A. A. Garas.

Waadiga Ciyaaraha.


Golaha Guurtida Oo Jeediyay Baaq Nabadgelyo, Tafsiirna Ka Bixiyay Muddo-Kordhintii Baarlamaanka. "Cudur la soo fadhaa meesha ma yaal, ninka afka xumeeyaana wuxuu jebiyay Axdigii reer Somaliland," xaaji Cabdi Waraabe.

Hargeysa (Haatuf) odayaasha golaha Guurtida Somaliland ayaa shalay xisbiyadda siyaasadda iyo dadweynaha reer Somaliland ugu baaqay inay nabadgelyada si weyn u ilaaliyaan, mar-xaladda doorashooyinka madaxtooyadda, sidoo kalena waxay sharax ka bixiyeen go’aankoodii muddo kordhinta golaha wakiiladda ee ay todobaadkii hore ku dhawaaqeen, iyada oo go’aankaa ay dad badan oo ay xisbiyadda mucaaradku ka mid yihiin saluug ka muujiyeen.

Shir jaraa’id oo ay odayaasha shir-gudoonku xaruntooda ku qabteen ayey tafaasiil kaga bixiyeen duruufaha ay cuskadeen muddo kordhintooda, iyaga oo dhinaca kalena saxaafadda u qaybiyey qoraal afar bog ku dhaw oo uu nuxurkiisu yahay ilaalinta nabadgelyadda, waxaana arrimahaa tafaasiil kaga bixiyey madashii shirka jaraa’id xoghayaha guud ee golaha Guurtida C/laahi Ibraahim Habane iyo odayga caanka ee Xaaji Cabdi Waraabe, waxayna ugu horeyn guddiga doorashooyinka, xisbiyadda siyaasadda, dawladda, iyo dadweynaha reer Somaliland ugu baaqeen inay si xilkasnimo ah uga qayb qaataan ololaha iyo codbixinta doorashada madaxweynaha iyo ku madaxweyne ku xigeenka.

“Xisbiyadda waxa la gudboon inay muujiyaan tartan hufan oo ay ka reebantahay caadifad, shakhsi cambaareyn iwm” ayey yidhaahdeen, iyaga oo intaa ku daray “waa in lagu tartamaa barnaamij ku qotoma sidii bulshadan looga gudbin lahaa duruufaha ku xeeran ee dhaqaale, bulsho, nabadgelyo, dhaqan iyo siyaasad, tartankuna waa inuu noqda mid bulshada u horseeda taabo gelinta dhismaha qaranimada iyo dimuqraadiyadda.”

Odayaasha guurtidu waxa kale oo ay la hadleen guddiga doorashooyinka oo ay yidhaahdeen, “Komishanka waxa afkooda ka soo baxaa waa inuu ahaado wax sharciyadda waafaqsan, waana inay mar walba u muuqdaan dhexnimo, iyada oo ay masuuliyadda cadaaladda ee doorashadu saarantahay Komishanka qaranka, sida uu maamulkoodu uga fogaado mad-madaw ayaana sal u noqonaysa guul laga gaadho doorashada.”

Sidoo kale waxay xukuumadda ugu baaqeen oo ay yidhaahdeen “Xukuumadda waxa looga fadhiyaa inay la timaado qorshe iyo hanaan lagu sugayo amniga iyo xoojintiisa, dhinaca kalena waa inay imkaaniyaadka dawladda isticmaalkoodu dhex u ahaadaa xisbiyadda siyaasadda, waa in laga fogaado wax kasta oo mad-madaw iyo shaki loogu yeelayo xukuumadda”. Sidoo kale bahda saxaafadda iyo dadweynaha ayey ugu baaqeen inay si miyir qabta uga qayb qaataan hawlaha doorashada, iyaga oo saxaafadda ugu yeedheen in looga fadhiyo masuuliyad ka sii culus ta ay wakhtiga caadiga ah hayaan.

Dhinaca kalena shir-gudoonku guurtidu isaga oo sababaynaya muddo kordhinta baarlamaanka waxay sheegeen in duruufaha ay muddo kordhintooda u cuskadeen ay ka mid yihiin dhaqaale xumo, xeerka doorashada golayaasha baarlamaanka oo qabyo ah, iyo bay yidhaahdeen “in la helo daraasad iyo xogo dhamaystira saami qaybsiga kuraasta wakiiladda iyo Guurtida iyo habkooda doorasho, kuwaas oo ay golayaasha qaranka iyo dadweynaha daneeya arrimaha siyaasadduba ay ku kala duwan yihiin habka loo meel marin karo xeerarka qeexaya habka doorashada golayaasha, waxaana asbaabaha muddo kordhinta wakiiladdu ku salaysantahay ka mid ah kala xadayn la’aanta sohdimaha degmooyinka iyo gobolada oo ah meelaha ay ka imanayaan wakiiladdu, iyada oo la xeerinayo dareemadda kala duwan ee ka iman kara qaybaha bulshada, xisbiyadda, xukuumadda iwm.”

Ugu dambayna waxay odayaasha guurtidu ku talo bixiyeen in muddada labada sanadood ah la dhamaystiro qabyadda doorashada golayaasha qaranka, iyada oo la tifaftirayo, lana dhamaystirayo xeerarka farsamo iyo hanaanka doorashada xubnaha golaha wakiiladda, taas oo ay ku taliyeen “Waa inay xukuumadda, golaha wakiiladda iyo guddiga doorashooyinku u hawl galaan helida macluumaad laga raad-raaci karo sal-na u noqon kara saamiyadda kuraasta golayaasha, waana in la helo xogo daraasadeed oo lagu go’aan qaadan karo marka laga hadlayo saami qaybsiga golayaasha”.

Markii ay soo baxday muddo kordhinta golayaasha baarlamaanku waxa kale oo iyana soo if-baxay dareen siyaasadeed oo ay dadka qaar isla dhex mareen in ay odayaasha guurtidu ay damacsanyihiin inay xukuumaddana u kordhiyaan, laakiin Xaaji Cabdi Waraabe oo shirkii jaraa’id ee shalay arrintaa la weydiiyey waxa uu ku jawaabay “Adeer taasi ma jirto ee doorasho ayaa dhacaysa, ninka sidaa lihina waa nin xamaasad iyo carqalad u jeeda oo doonaya inuu cilad kiciyo, haddii ay taasi timaadana dee golayaashuba aamin yeelan maayaan”.

Xaaji Cabdi Waraabe isaga oo la hadlaya madaxda xisbiyada Siyaasadda wuxuu yidhi “Qolada madaxnimada doonaysa waa inuu nin waliba xisbigiisa yidhaahdaa afka wanaaji,waayo waxa la yidhi afbaa bilaawe bixiya, markaa in la is caayo maaha, cayduna meesha kuma jirto, cudur la soo fadhaana meesha ma yaal, Somaliland-na waa walaalo, waana mid, markii ay dabaysha nabadeed dhexmartayna waa tii la yidhi wixii daantaana dabayli ha qaado, wixii dooxa yaalna daad ha qaado, sidaa darteed carrabka ninka leexiyaana axdigii buu jebiyey, dadweynahana waxaanu leenahay nin wallow-ba saddexdaa xisbi kaad doonto ugu rid, laakiin Allihiin Alle wuxuu ka yahay roodhidaa wax idinka daadiya.”
 

Top


Guddoomiye Ku-Xigeenka Guddiga Doorashooyinka Oo La Hadlay Reer Berbera.

Hargeysa (Haatuf): Guddoomiye ku xigeenka Guddiga doorashooyinka Somaliland, C/laahi Cabdi Cumar (C/Laahi Jawaan) oo haatan booqasho hawleed ku jooga magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, taasoo qayb ka ah kormeer ay guddigu ugu kala baxeen dhammaan gobollada dalka ayaa habeen hore kala hadlay fagaaraha 26-ka June dadweynaha ku nool magaalada Berbera.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Berbera, C/raxmaan X. Daahir (Casaan) oo warkan nooga soo diray socdaalkan, C/laahi Jawaan waxa uu dadweynaha reer Berbera uga xog-waramay ujeedada socdaalkooda ay ku kala marayaan gobollada.

“Hawlaha aynu soo marnay ha ugu waynaato tii aftidii Dastuurku iyo doorashadii golayaasha deegaanka ee ina dhaaftay inagoo haatana u diyaargaroobayna doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, safarkayagani waxa uu la xidhiidhaa, iyadoo guud ahaan ay wufuud u kala baxday gobollada dalka, doorashadana waa mid inagu cusub dadka badidiisuna wax aqoon ah aanay u lahayn, marka tartan jiro wax badan baa imanaya, sidaa darteed waxaanu go’aansanay in meelaha ololayaashu ay ka socdaan oo dhan inaanu uga dambayno axsaabta waayo waxaanu u nahay garsoorkii, ciddii khaldanna iyo wixii muran ah waanu kala saaraynaa anagoo u hayna wixii lagu kala saarayay,” ayuu yidhi C/laahi Jawaan, isagoo intaa ku daray in tartanka axsaabtu uu keenay in dacaayado la isku soo jeediyo, sidaa daraadeedna uu xisbi waliba raadsado galdaloolooyinka xisbiga kale.

“Waxaynu gelaynaa doorashadii ugu sarraysay hoggaanka dalka ee lagu xulanayay laguna soo saarayay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, waxay u baahan tahay caddaalad, sugnaan iyo in qof waliba si nabadgelyo ah uu codkiisa u siiyo ciddii uu rabo, haddii ay nabaddu xumaato waxeena oo dhami tacab khasaar ayuu noqonayaa, doorashooyinkii hore ee dawladaha hoose adduunkoo dhami wuu inagu ammaanay, madmadow kastaa dhexdeena ha ka jiree, laakiin qiimaynta koowaad waxa lahaa sidii ay doorashadu ugu dhacday dalkoo dhan,” ayuu yidhi C/laahi Jawaan isagoo ka hadlaya doorashooyinka iyo loogu baahan yahay in laga qaybgalo.

Isagoo si gaar ah uga hadlaya gobolka Saaxil wuxuu yidhi, “Gobolka Saaxil waa meesha qudha ee aanu muran ka dhicin, ama aan waxba lagu xadin ama waxaana ka dhacay aan la odhan,” ayuu yidhi C/laahi Jawaan, isagoo ku ammaanay dadka reer Saaxil sidii habboonayd ee ay uga qaybqaateen doorashooyinkii hore ee deegaanka, isla markaana wuxuu ku booriyay inay sidii si la mid ah uga qaybqaataan.

  Top


Ciidamada Maraykanka Oo Casarkii Dib Looga Carraabiyay Goobo Ay Subixii Shalay Ka Soo Galeen Magaalada Baqdaad.

Baqdaad (W.Wararka) - Laba askari oo Maraykan ah ayaa dhintay ugu yaraan ilaa 15 kalena way dhaawacmeen, kadib markii maalintii shalay ay dagaalo ba’ani ka dhaceen daafaha koonfureed ee magaalada Baqdaad, iyadoo ay ciidamada Maraykanka ee ku duulay dalka Ciraaq ay sheegteen inay gudaha u galeen magaalada Baqdaad oo ay gaadheen badhtamaha magaaladaasi, isla markaana ay qabsadeen laba ka mid ah qasriyada madaxtooyada ee magaalada Baqdaad iyo xarunta wasaaradda warfaafinta ee dalkaasi, balse waxa arrintaa beeniyay Wasiirka wafaafinta ee dalka Ciraaq, Maxamed Saciid Al-saxaaf oo u waramayay warfidiyeenka, waxaanu sheegay inay isku dayeen ciidamada Maraykanku inay gudaha u soo galaan magaalada balse ay u jilib dhigeen naftood hurayaasha Sadaam iyo ciidamada Xaaris-Aljamhuurigu.

“Ciidamada Maraykanku waxay isku dayeen inay soo galaan badhtamaha magaalada, laakiin waa lagu go’doomiyay iyadoo firxadkoodiina la ugaadhsaday, markii ay dagaalo adag kala hortageen ciidamada Ciraaq, waxay isku dayeen inay yool-habaabiyaan dadka rayidka ah, laakiin waxaanu siinay dersi aanay iloobayn taariikhdu, kuwa gardarada wadaana kuma ladayaan Baqdaad,” ayuu yidhi Saxaaf, isagoo intaa ku daray in magaalada Baqdaad ay tahay mid deggan oo xasiloon, iyadoo wasiirku uu kooxo saxaafiyiin ah ku soo wareejiyay magaalada iyo goobaha ay sheegteen Maraykanku inay qabsadeen. Balse saraakiisha Maraykanka ayaa bixiyay warar taa ka duwan, iyagoo ku doodaya inay ku guulaysteen inay qabsadaan inta badan magaalada, Waxaanay intaa ku dareen saraakiil u hadashay Maraykanku in mid ka mid ah qasriyada ay qabsadeen uu ku yaalo madaarka Sadaam iyo magaalada dhexdooda, balse wakaaladaha wararka oo soo xiganaya dad goob-joog ah ayaa sheegay in hore-u-duruga ciidamada Maraykanku uu la kulmay wax iska caabin xoog leh, balse wakaaladaha wararka qaarkood ayaa soo bandhigay ciidamada Maraykanka oo dhex socda mid ka mid ah qasriyada uu leeyahay Sadaam Xuseen. Sida ay sheegayaan wararku dagaal qadhaadh ayaa ka socda daafaha magaalada, iyadoo la maqlayay gurxanka iyo gariirka hubka iyo gantaalaha la isweydaarsanayo, iyadoo ciidamada Ciraaqiyiintuna ay u babac dhigayaan duulaanka Maraykanka.

Sida ay xaqiijinayaan wakaaladaha wararku dagaalka labada dhinac waxa uu soo gaadhay badhtamaha magaalada, iyadoo dad rayid ahi ay kasoo gaadheen dhaawacyo, waxa kaloo ay sababeen inay burburaan guryo dhawr ahi. Wasaaradaha warfaafinta iyo arrimaha dibedda oo ay sheegtay inay qabsadeen Maraykanku ayaa la sheegay inay weli gacanta ugu jiraan ciidamada Ciraaq oo si adag u ilaalinaya.

Dadweynaha ku nool magaalada Baqdaad ayaa si caadiya u wata noloshii caadiga ahayd, inkastoo dagaalku marba marka ka dambaysa uu ku soo dhawaanayo, inkastoo la sheegay in cabsidu ay kusii siyaadayso, habeenimadii xalayna waxay xulafadu sii wadeen garaacista iyo gantaalaha ay la beegsanayaan magaalada Baqdaad oo ay ku soo rogtay xukuumaddu bandoo ka bilaabmaysa 6-da aroornimo ilaa 6-da habeenimo, iyadoo ay sii badanayaan khasaaraha dhaawaca iyo dhimashadaba leh ee soo gaadhaya dadka rayidka ah.

Ciidamada Ingiriiska oo galay magaalada Basra iyo kuwa Maraykanka oo galay Karbala. Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya magaalada Basra oo ah caasimadda labaad ee dalka Ciraaq, ciidamada Ingiriiska oo wata qalabka miletari ee kala duwan ayaa la sheegay inay gudaha u galeen magaaladaasi, kadib markii ay soo jiidheen dufaacii magaalada. Waxaana la sheegay in dadweynaha magaaladaasi oo muddo go’doonsanaa aanay wax rabshado ah kala hortegin ciidamada soo galay magaalada.

Dhinaca kale, wararka ka imanaya magaalada Karbala oo ah goob barakaysan oo ay leeyihiin dadka shiicada ah oo u jirta caasimadda Baqdaad 100km dhinaca koonfur bari ayaa la sheegay inay galeen ciidamada Maraykanku, oo gebi ahaanba ay gacanta ku dhigeen magaalada, kadib markii ay jiidheen maleeshiyooyin deegaanka ah oo isku deyay inay kahortagaan ciidamada Maraykanka.

Wararka kale ee ka imanaya dhinaca waqooyi ayaa sheegaya in dagaalo ba’ani ay ka socdaan dhulka waqooyi, iyadoo ciidamada Maraykanka iyo Kurdiyiinta oo is bahaystay ay dagaal kala horjeedaan ciidamada reer Ciraaq.

Si kastaba ha ahaatee warar is khilaafsan ayaa ilaa xalay saacadihii dambe kasoo baxayay goobaha hore ee dagaalka iyo xaaladda dhabta ah ee ay ku sugan tahay magaalada Baqdaad iyo halka uu haatan ku sugan yahay Madaxweyne Sadaam Xuseen, laakiin Madaxda Ingiriiska iyo Maraykanka oo ku shiraya dalka Ireland ayaa sheegay inay qorshaynayaan sidii dib loogu dhisi lahaa dalka Ciraaq marka uu dagaalku dhammaado.

Top


Wefti Axmad Silaanyo Hogaaminaayo Oo Burco Gaadhay Iyo Kooxo UDUB Ka Soo Jabay Oo KULMIYE Ku Biiray.

Hargeysa (Haatuf): Wefti uu hogaaminayo gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) ayaa shalay tegay magaalada Burco, halkaas oo la sheegay in si weyn loogu soo dhoweeyey, iyadoo ay dadka soo dhoweeyey jidka dhexe kaga horyimaadeen, ka dibna u sii gelbiyeen dhinaca magaalada Burco, laakiin weftiga KULMIYE intii aanay gaadhin magaalada Burco waxay ku sii hakadeen meelo dhawr ah oo ay ka mid yihiin tuulooyinka Geel-lookor, Hudisa, laalays iyo masgaalada Sheekh, meelahaas oo ay dadka waxoogaayo hadal ah uga jeediyeen, iyadoo uu socdaalka gudoomiyaha KULMIYE iyo weftigiisu qayb ka yahay ololaha doorashada madaxtooyada ee lagu waddo inay dhacdo 14-ka bishan aynu ku jirno ee Abril.

Sida uu ku soo waramaya weriyaha Haatuf weftiga Axmed-Siilaanyo waxay meel fagaare ah kala hadleen dadweynaha ku dhaqan magaalada Sheekh oo iyadana si weyn loogu soo dhoweeyey, laakiin ugu horayn waxa fagaarahaa ka hadlay maayarka degmada Sheekh, Xasan Cali Maxamed, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Anagu xisbiyada dhex baanu u nahay, markaa waanu soo dhowaynaynaa weftiga KULMIYE”.

Intaa ka dib waxa iyaguna halkaa ka hadlay qaar ka mid ah hogaamiyayaasha iyo siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Mudane Siciid Cilmi Rooble, Ibraahin Dhegaweyne iyo Maxamed Xasan Cabsiiye, ugu dambayna waxa halkaa ka hadlay Axmed Siilaanyo, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Ragga reer Sheekh xisbiga KULMIYE kaga jira waad wada garanaysaan, markaa xisbiga codkiina siiya, doorashadana si nabadgelyo ah codkiina u bixiya.”

“Xisbiga KULMIYE ragga ka sharaxani waa Axmed Siilaanyo iyo C/raxmaan AwCali, waadna wada garanaysaan waxay galaan iyo waxay gudaan, waxayna ila tahay inaydaan cidna ku dooranayn”, sidaa waxa Yidhi Maxamed Xasan Cabsiiye.

Weftiga KULMIYE markii ay magaalada Burco gaadheen waxay ku degeen hudheelka Negeeye, halkaas oo uu hore u sii deganaa C/raxmaan Axmed Cali, waxaana laga yaabaa inay hogaamiyayaasha KULMIYE maanta dadweynaha reer Burco kala hadlaan fagaaraha khayriyadda.

Dhinaca kalena waxa isla shalay xisbiga KULMIYE ku biiray kooxo ka soo jabay xisbiga UDUB oo isugu jira dhalinyaro, haween iyo xubno ka mid ah golayaasha baarlamaanka oo, kuwaas oo ka soo jeeda beesha bariga sanaag (warsangeli), waxayna kooxahaasi sidaa kaga dhawaaqeen kulan ay saxaafaddu ka soo qayb gashay oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa.
“Bulshada halkan fadhida oo isugu jirta xil-dhibaano ka mid ah golaha dhexe ee UDUB, xubno ka mid ah garabka dhalinyarada UDUB, xubnaha garabka haweenka UDUB iyo odayaasha garabka UDUB ee beesha Warsangeli, waxaanu maanta halkan ku cadaynaynaa inaanu ka baxnay xisbiga UDUB, isla markaana aanu si toos ah ugu wareegnay xisbiga KULMIYE”ayey yidhaahdeen, laakiin iyaga oo sharxaya sababta ay xisbiga UDUB uga baxeen, uguna biireen KULMIYE waxay yidhaahdeen “Waxaanu u aragnay in marka laga talinayo aayaha Somaliland ay cidda masuuliyadda la saari karaa uu hogaanka kulmiye yahay”.

Waxa kale oo ay dadkani ay aad u dhaliileen xisbiga UDUB ee uu hogaamiyo madaxweyne Rayaale, iyaga oo sheegay inay u arkaan inaanu xisbiga UDUB hogaamin karin, taas darteedna ay ugu biireen KULMIYE, waxaana xubnaha mudanayaasha ah ee dadkan KULMIYE ku biiray ka mid ah, Mudane Cali Maxamed Aadan, Cismaan Sharma’arke Caamir iyo Cabdi Faarax Ducaale.

Waxa kale oo ka mid ah xubnaha muhimka ah ee kooxdan horkacayay gabadha la yidhaahdo Sahra Jaamac Qoorsheel, kana mid ahayd golaha dhexe ee UDUB, iyadoo ay Sahra Qoorsheel munaasibadaa ka hadashay, iyadoo sheegtay inay dhaliileen siyaasadaha xisbiga dalka hogaamiya ee UDUB, sidaa darteedna ay go’aansadeen inay ka baxaan, kuna biiraan KULMIYE, hase yeeshee xubnahaasi si guud mooyaane way ka gaabsadeen inay hoos u qod-qodaan asbaabta ay xisbiga UDUB uga baxeen, waxayse xuseen inay madaxda dawladda isku afgarran-waayeen siyaasadda ay xukuumadda ee ku wajahan degaamada bariga Somaliland, iyaga oo si gaar ah u xusay ciidamada mucaaradka C/laahi Yuusuf ee dhowaan soo galay degaamo ka mid ah gobolka Sanaag, ka dib markii ay ka soo firxadeen ciidamada C/laahi Yuusuf oo kaga itaal roonaaday dagaalo ku dhexmaray gudaha degaamada Puntland. Laakiin waxay iftiimiyeen cabashooyin maamul iyo kuwa siyaasadeed oo la xidhiidha saamiga ay beel ahaan ama degaan ahaan ku leeyihiin dawladda Somaliland, hadii ay tahay heer gobol iyo hadii ay tahay heer qaran-ba.

Sidoo kale waxa isla shalay magaalada Hargeysa xisbiga UDUB kaga soo biiray urur dhalinyaro ah oo magaciisa la yidhaahdo SAXAN-SAXO, kana tirsanaan jiray xisbiga UDUB, waxaana hudheelka Min-sing lagu qabtay xaflad balaadhan oo loo sameeyey dhalinyaradan ku soo biirtay, iyadoo ay dhalinyarada SAXAN-SAXO qaybiyeen qoraal Afar bog ah oo ay ku tafsiirayaan sababta ay xisbiga UDUB uga baxeen, uguna biireen xisbiga UDUB, waxayna sababta ku tilmaameen dhaliilo ka muuqday siyaasadaha xisbiga KULMIYE, qoraalkaana waxa ku saxeexnaa Mahad Jaamac C/laahi.

Waxa kale oo munaasibadaa ka hadlay xubno ka mid ah masuuliyiinta xisbiga KULMIYE, kuwaas oo dhaliilo badan u jeediyey xisbiga UDUB, waxaana ragga KULMIYE ee halkaa ka hadlay ka mid ahaa, xoghayaha guud, Daa’uud Maxamed Geelle iyo C/casiis Samaale oo xisbiga KULMIYE u qaabilsan arimaha kaambaynka. “Maanta ummaddu Harraad iyo Gaajo ayey u dhimanaysaa, waxaana ka masuul ah xukuumadda maanta talada haysa oo ay lacagtii ay wax ugu qaban lahayd kaambayn u isticmaashay, laakiin KULMIYE iyo UCID kama masuul ah, markaa maanta ayenu aragnaa halka ay marayaan sicir-bararka iyo wasiir-bararka ina hayste ee ilaahay kama dhigeen bal ka warama hadii ay UDUB ku guulaysato doorashada, maxaad u malaynaysaa UDUB oo dhawr sannadood dambe ina sii maamusha”ayey yidhaahdeen raggii KULMIYE ee halkaa ka hadlay. Sidoo kale waxa iyaguna halkaa ka hadlay xubno ka mid ah ururka dhalinyarada SAXAN-SAXO, xubnahaas oo ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha ururka Mahad Jaamac C/laahi iyo Layla Cali Yuusuf oo iyana horsocotay koox haweenka xaafada Gacan-libaax ah oo iyaguna ka soo jabay xisbiga UDUB iyo xubno kale.

Top


Xisbiga UDUB Oo Dar-Dar Geliyey Ololihiisa Doorashada.

Hargeysa (Haatuf): Xisbiga UDUB ayaa shalay ilaa toddoba xafiis oo cusub ka furtay xaafadaha iyo waaxaha caasimadda Hargeysa, waxayna taasi qayb ka tahay xisbiga UDUB oo hadda u muuqda inuu dardar hor leh geliye ololihiisa doorashada oo mudooyinkii u dambeeyey u muuqday inuu gaabis yahay.

Xaflado kala duwan oo loo sameeyey furitaankii xafiisyadaa ayaa waxa ka soo qayb galay madax ka tirsan hogaanka sare ee xisbiga KULMIYE, waxaana raggaa ka mid ahaa afhayeenka xisbiga UDUB, Axmed Xaashi oo hore uga tirsanaan jiray ururkii ILAYS-ka Somaliland la odhan jirayt oo ay sameeyeen dhalinyaro dadka debdaha u badan, iyadoo uu ururkii ILAYS-ku markii dambe ku biiray xisbiga UDUB, wuxuuna afhayeenka UDUB hadalo u jeediyey dadkii ka soo qayb galay xafladahaa, isaga oo uga waramay barnaamijka iyo waxyaalaha u qorshaysan inay qabtaan hadii ay doorashada ku guulaystaan. “Xisbiga UDUB waa kii keenay horumarka dalka, iminkana waxa uu qorshihiisu yahay inuu horumarinta dalka halkaa ka sii wado oo gaadhsiiyo halka aynu hiigsanayno, taas oo ah barwaaqo iyo ictiraaf”ayuu yidhi afhayeenku, wuxuuna intaa ku daray inuu madaxweyne Daahir Rayaale ku socdo oo uu dalka ku hogaaminayo siyaasaddii uu jeexay madaxweynihii hore ee geeriyooday, marxuum Maxamed X. Ibraahin Cigaal.

Waxa kale oo iyana munaasibadahaa qaarkood goob-joog ka ahayd marwada madaxweyne-kuxigeenka marwo Safiya Cabdi Wacays.

Afhayeenka xisbiga UDUB, Axmed Xaashi waxa uu sheegay inuu barnaamijka xisbigiisu yahay mid sal-balaadhan oo koobaya dhammaan dhinacyada adeegyada iyo horumarka bulshada, sida Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha, Wadooyinka, Horumarinta reer miyiga IWM. Laakiin wuxuu yidhi “Markii uu xisbiga UDUB ku guulaystay inta badan maayarada magaalooyinka dalka waad aragtaan dayactirka ka socda wadooyinka Hargeysa, markaa hadii uu xisbiga UDUB ku guulaysto doorashada madaxtinimada waxaad arki doontaan wax qabad aad u balaadhan”.

Afhayeenka UDUB ugu dambayn waxa uu dadka uu la hadlayey ugu baaqay inay codkooda siiyaan UDUB, laakiin waxa kale oo iyaguna munaasibadahaa ka hadlay dad kale oo ka socday ururada iyo dadka soo abaabulay xafladahan, kuwaas oo muujinayey taageeradooda xisbiga UDUB.

Ololaha xisbiga UDUB oo aad mudooyinkan dambe moodaysay in laga xarakaad badnaa ayaa laba-saddexdii maalmood ee u dambeeyey ay sanqadhiisu aad u diirtay, waxaana muuqday dhaqdhaqaaqyo badan oo ay kor ugu qaadayaan olohooda doorashada, iyadoo ay isla shalayna magaalada Buro u bixitimeen wefti uu hogaaminayo xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Maxamed Ismaaciil Bulaale, kuwaas oo lagu wado inay halkaa ka bilaabi doonaan olole balaadhan, laakiin waxa kale oo weftiga xoghayaha guud ee UDUB magaalada uga sii horeeyey wufuud kale oo xisbiga UDUB ah, waxaana ragga halkaa tegay ka mid ah Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) gudoomiyihii ururkii ASAD, laakiin ay qoladii ASAD ee uu hogaaminayey ku biireen UDUB, waxaana inkasta oo uuna Saleebaan-gaal wax tafaasiil ah ka bixin socdaalkiisa Burco loo malaynayaa inuu halkaa u tegay hawlo uu ugu ololaynayo xisbiga ay ku biireen isaga iyo ragga weheliyaa ee UDUB, iyadoo ay waqtigan xaadirka ah magaalada Burco isugu tageen rag door ah oo dhaqdhaqaaqyo iyo ololayaal siyaasadeed halkaa ka bilaabaya, kana kala tirsan xisbiyada tartamaya.

Sidoo kale gudoomiye-kuxigeenka xisbiga UDUB, ahna Madaxweyne-kuxigeenka Somaliland, Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa hadda socdaal ku jooga gobolka Sanaag, isaga oo halkaa ka wada hawl-gal la xidhiidha ololaha doorashada, laakiin madaxweyne-kuxigeenku intii aanu gaadhin gobolka Sanaag waxa uu socdaalkiisa ka bilaabay gobolka Saaxil, isaga oo gobolka Saaxil uga ambabaxay dhinaca xeebta bari, halkaas oo uu socdaalkiisa ku maray degaamo badan oo xeebta ah, wuxuuna magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ka soo galay dhinaca xeebta Maydh. Sidoo kalena waxay madaxda iyo hawl-wadeenada UDUB gobolo iyo degmooyin badan ka wadaan ololayaasha doorashada.

Top


Ayaamihii Aasaaska SNM Iyo Waayihii Ku Gedfanaa.

Sidii aynu qaybaheenii hore ku sheegnay markii uu debadaha ka aasaasmay garabka siyaasadeed ee ururka SNM waxa muddo yar ka dib samaysmay garab Milatari oo saldhigiisu yahay dalka Itoobiya ka dib markii ay halkaa u talaabeen saraakiil sare sare oo Milatari, kuwaas oo badidoodu ka talaabay gudaha dalkii Soomaaliya, laakiin saraakiishii ciidan ee ururka SNM oo ay hawshoodu u badnayd hogaaminta colalka dagaalka iyo goobaha laga maamulo hawlaha ciidamada iyo dagaalka, ma wada ahayn rag dhamaantood ka talaabay gudaha, laakiin rag badan oo saraakiil ah ayaa ka soo talaabay dalalka debadaha, kuna soo biirey halganka.

“Horta talaabista dadku waxay u yaqaaneen in xadka gudaha laga talaabo, qaarna waxay u yaqaaneen in SNM lagu biiro, laakiin anigu xadka kamaan talaabin ee debadda ayaan joogay xiligaan ku biirey SNM” sidaa waxa yidhi C/Raxmaan Aw Cali Faarax ee ururka SNM oo wax laga waydiiyey waayihii aasaaskii SNM iyo goortii uu ku biiray, isaga oo sheegay inuu xiligaa joogay caasimadda Masaarida ee Qaahir, ka dibna uu markii uu SNM ku biirey uu Qaahira uga gudbay dhinaca Itoobiya horaantii 1982-kii.

Ururka SNM maadaama ay dadka ugu badan ee taageeraa ka soo jeedeen qabaa’ilka Isaaqa, waxay siyaasadaha ku lidka ahi naanays uga dhigi jireen inay SNM tahay qabiil, laakiin rag badan oo isugu jira siyaasiyiin iyo hogaamiyayaal Milatari oo u dhashay qabaa’ilka kale ee reer Somaliland iyo guud ahaan Soomaalida oo dhan ayaa ka mid ahaa ururka SNM, sidaa darteed C/Raxmaan Aw Cali Faarax waxa uu ka mid ahaa hogaamiyayaasha ururka SNM ugu magaca weyn, ee aan u dhalan qabaa’ilka Isaaqa, isaga oo ka soo jeeda qabaa’ilka Samaroon, taas darteed C/RaxmaanAw Cali isaga oo naanaysta caynkaas ah ka hadlaya waxa uu yidhi “ SNM ma waxa dadka qaar u yaqaan mise waxay ahayd, dad baa u haysta inay SNM ahayd Isaaq oo qudha, laakiin may ahayn sidaa, oo masalan marka aynu eegno magaceeda oo qudha waxa weeye (Somali National Movement) oo ah afsoomaaligana ku noqonaysa (dhaq-dhaqaaqa wadaniga Soomaaliyeed), sidoo kale Af-Carabiga waxay ku noqonaysaa (Al-Xaraka Al Wadaniya Al-Soomaaliya) sidaa awgeed SNM may ahayn qolo iyo qabiil midna, wayse dhici karaysay inay qolo u badato, isla markaana SNM-tu ma ahayn wax qolo loogu talo galay, laakiin wax kasta oo la samaynayo cid uunbaa bilawda, deegaan baa bilaaba, ama gobol buu ka bilaabmaa, ka dibna gobolada kale ayuu ku fidaa, waxaana isku qabiil intii isku feker ah iyo intii wax wada dareenta, markaa anigu waxaan qabaa, intii aan meel ka soo wada jeednay ee la dagaalamaysay Diktaatoorkii dalkan haystay inaanu isku qabiil ahayn.”

Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ahaa raggii Aasaasayaasha ururka SNM ayaanu kala sheekaysanay ayaamihii aas-aaska SNM iyo waayihii gedfanaa, wuxuuna ugu horeyna isaga oo ka hadlaya aragtidii aas-aaska SNM yidhi, “dadka qaarbaa qaba in aasaaska SNM ka dhashay cadho ah dadkii ka soo horjeeday dawladda, laakiin arrintu intaa way qoto dheertahay, markii ugu horeysayna waxay hadal haynteedu ka timid markii aanu dadkayagii qurba jooga ahaa aragnay inaanay jirin meel aanu kula noqono lacagtii aanu shaqaysanay, waxaananu qaadanay feker ah in dalkii wax laga qabto, ka dibna waxaanu bilawnay inaanu lacag ururino, iyada oo ay dadku berigaa aad u baqanayeen oo ay islahaayeen haddii aad lacag bixisaan marka aad wadankii ku noqotaan waa la idin xidhayaa, sidaa darteed dadku marka ay lacagta bixiyaan waxay na odhan jireen (lacagta iga qaada laakiin magacayga ha qorina, sidaas ayaananu muddo ku wadnay, ayaanu isla garanay in la aas-aaso jariirad ka soo baxda London, dabadeedna anigaa London tegay oo u tagay niman mutacalimiin ah oo iyaguna haya cabashooyinkii gudaha ka imanayey ee aanu ku haynay Sacuudiga iyo dalalka kaleba, markaas ayaan ku idhi, “waar idinku dal xor ah ayaad joogtaane ee anagu Sucuudiga waxba kama odhan karno, kuwa dalka gudihiisa ku jiraana waxba ma odhan karaan, ee maxaa idiin diiday inaad wax qortaan, dabadeedna waxay igu yidhaahdeen walaahi waa fekrad fiican laakiin dhaqaale ayaanaan hayn, ka dibna waxanu isla meel dhignay in jariiradii la sameeyo, oo aanu kharas-ka ay ku soo baxayso u dirno, jariiradii ayaa muddo ka dib soo baxday waxaana soo saari jirey, laakiin markii ay jariiradii muddo socotay ayaanu markii dambe nidhi aynu u gudubno xisbi siyaasadeed, markaa waxaanu xidhiidho iyo shirar ka bilawnay Sacuudiga gaar ahaan Jedaha, Riyad iyo Shaariqa, iyada oo aanu ku shiri jirnay guriga Cumar Maygaag ee Jedah shirarkuna waxay ahaayeen qarsoodi, waayo Sacuudigu ma ogola siyaasadda, markaa muddo lix bilood ah markii ay shirarku socdeen ayey isugu soo biyo shubatay in arrinta loo banbaxo markaa anagu waxaanu rajaynaynay in dadkii waaweynaa ee wasiiradda iyo safiiradda ahaan jirey inay baxaan anaguna aan dhaqaalaha ku taageerno, laakiin rag badan oo maanta jooga oo aanu la soo qaadnay, ayaa ka gaabsaday, laakiin rag ay ka mid yihiin aniga Dr. C/Salaan, Sacad Sh. Cismaan, ayaa intaan shaqooyinkayagii ka tagnay u ambabaxnay London, halkaas ayaanu iskugu tagnay qolyihiin London, iyo qolyahayagii carabuhu, waxaananu 6-dii April 1981-kii kaga dhawaaqnay London”.

Maxamed Xaashi wuxuu sheegay inay aasaaskii SNM kaga dhawaaqeen shir ka dhacay magaalada London oo ay ka soo qayb galeen dadka yimid meelo kala duwan. Laakiin Maxamed wuxuu yidhi waxay ahayd inaanu SNM ku dhawaaqno 1980-kii laakiin waxa dib noo dhigay niman badh-na Muqdisho joogeen oo uu ka mid ahaa Alla ha u naxariistee Ismaaciil Jimcaale.”.

Maxamed Xaashi waxa uu tilmaamay in marka laga yimaado raggii u horeeyey ee bilaabay dhaq-dhaqaaqa mucaaradadii aakhirkii lagu aasaasay ururkii mucaaradka weyn ahaa ee SNM ay guud ahaan jireen dareemo mucaarad ah oo mar-ba marka ka dambaysay gudaha iyo debaddaba laakiin wuxuu yidhi “si kastaba ha ahaatee ummadu waxay ka cadhootay dhibaatadii la gaadhsiinayey, ka dibna nin waliba meeshiisa ayuu halganka ka galay”. Gudoomiyihii u horeeyey ee ururka SNM waxa loo doortey Axmed Jimcaale, isla markaana intii aan ururka SNM lagu dhawaaqin iyo markii lagu dhawaaqay ka dib waxa magaalada London ka dhacay mudaharaadyo lagu diidan yahay cadaadiskii maamul iyo siyaasadihii guracnaa ee ay ku dhaqmaysay dawladdii Maxamed Siyaad Barre, waxaana mudaharaadada xiligaa London ka dhacay soo abaabulay dad reer Somaliland ah.

Inkasta oo hogaanka siyaasiga ee ururka SNM lagaga dhawaaqay magaaladda London, haddana waxay markii dambe ee uu garabka Milatari ka samaysmay dalka Itoobiya ay hogaanka iyo awoodda ururka SNM waxay bustaha dhigatay dalka Itoobiya oo saldhigyo siiyey. Laakiin dhinaca kalena Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa shantii sarkaal ee markii u horeysay u talaabay dalka Itoobiya, halkaa ka sameeyey garabkii Milateri ee ururka SNM, ayaa xog-waraysi dheer naga siiyey sidii ay iskugu xidhmeen qolyahoodii u talaabay dhinaca Itoobiya iyo kooxihii debadda kaga dhawaaqay ururka SNM, wuxuuna yidhi “Iyada oo ay xidhiidhka gudaha iyo debaddu wada socdeen raggayagii u horeeyey ambabaxayagu wuxuu ahaa 30-31-kii January 1982-kii, waxaana ka mid ahaa nimankii baxay Marxuum Aadan Shiine, Marxuum Axmed Dhagax iyo Maxamed Cali oo isagu hore u sii diyaariyey ciidan loogu raad-gadanayey inay yihiin Soomaali Galbeed, waxayna sii joogeen meel u dhaw meesha la yidhaahdo Durya, aniguna (Maxamed Kaahin) laba habeen ayaan ka dambeeyey raggaa hore sidoo kale Aadan Saleebaan ayaa isna tobaneeyo cisho naga dambeeyey. Talaabidu waxay ahayd wax qorshaysan oo in badn laga soo shaqeeyey, kuna xidhnaa ku dhawaaqidii SNM iyada oo dhaqdhaqaaqayo socday intii aan lagu dhawaaqin SNM, markaa bixitaankayagu muu ahayn wax si kedis ah u yimid, dabadeed colkayagii markaanu baxnay waxa naga soo daba baxay saraakiil iyo aqoonyahano farabadan, waxaana ka mid ahaa Muuse Nadiif, Mijin Qaadi, Madaxadiin, Shakiib Suldaan C/Qaadir, Dayib Guray, C/laahi Cudo, Ciise Curaagte iyo rag kale oo farabadan, oo aanan wada tirin karayn”.

Shantii sarkaal ee u horeeyey waxa maanta ka nool Maxamed Kaahin Axmed, afarta kalena waxay dhamaantood ku dhinteen halgankii hubaysnaa ee ururka SNM taliskii Siyaad Barre kula jirey muddada tobanka sano ka badan waxayna afarta sarkaal ee dhintay kala ahaayeen, (Dhamaantood Ilaahay u naxariistee) Aadan Sh. Maxamed (Shiine), Axmed Daahir Nuur (Axmed Dhagax), Maxamed Cali Faarax, (M. Cali) iyo Aadan Saleebaan (Ma Gubte).

La Soco Qaybo Kale oo Xiise Leh.

Top


Guddiga doorashooyinka Qaranka far baa ku godan.

Sida la ogyahay guddiga doorashooyinka Qaranka waa hawl-bawlaha hawsha culus ee doorashada Madaxweynaha iyo madaxweyne-kuxigeenka, taas oo ay wax waliba ku xidhnaan doonaan sida ay dadka masuuliyadooda hoos imanaya ugu cadaalad falaan min hawl-wadeenada iyo shaqaalaha kala shaqaynaya hawlaha doorashada ilaa xisbiyada doorashada ku beretamaya, iyadoo ay masuuliyadooda ugu horaysaa ka bilaabmayso diyaarinta inkaaniyaadka doorashada iyo sida ay u xaadhaan garoonka lagu raggu ku tartamayo, laakiin su’aasha meesha taal waxay tahay muxuu yahay ilaa hadda ifafaalaha ka muuqda toddobada xubnood ee uu ka kooban yahay guddiga doorashooyinka qaranku, iyadoo ay hadda socdaan hawlihii diyaarinta doorashada madaxtooyada oo ay inaga xigto shan maalmood oo qudhi.

Runtii waxa soo baxaya dhaliilo badan iyo tuhun badan oo musuq-maasuq oo la xidhiidha sida ay wax u wadaan, iyadoo uu facaayilkooda maamul ee diyaarinta hawsha doorashadu u muuqdo mid aanay nadiiftu ku badnayn, waxaana intaa sii dheer su’aalo badan oo weli taagan oo hadhaa ka ah hawlahoodii hore ee doorashadii golayaasha degaanka, sidaa darteed waxaanu cadadyada dambe idiinku soo gud-binaynaa mawduucyo la xidhiidha sida ay suuradoodu u egtahay hawlaha hadda ka socda daarta daaha madoobi ku shaqlan yahay ee xafiiska guddiga doorashooyinka iyo raadadkoodii horeba, iyadoo la odhan karo iminkaba far baa ku godan guddiga doorashooyinka.

Top


Soo yaalkii taariikhda Ciraaq Waxa Qoray Siciid I Guraase Q:5aad.

Kadib markii sida aynu soo aragnay uu talada la wareegay Sadaam Xuseen Sanadkii 1979kii dalka Ciraaq waxa uu markiiba fooda lagalay dagaalo ay iskaga horyimaadeen dalalka ay jaarka yihiin.

Sanadkii 1980kii ayuu dagaal qadhaadhi kadhexdilaacay dalalka Iraan iyo Ciraaq kadib markii ay Ciraaq ka baxday dhangelinta heshiiskii labada dal ku dhexmaray Aljeeriya Sanadkii 1974kii taasoo ka dhalatay markii ay ciraaq weeraro ku soo qaadeen kurdiyiinta degan Iiraan isla markaana ay Iiraan diiday inay ciraaq usoo celiso dhulkii lagu muransanaa ee uu heshiiska Aljeeriya xaqa u siinayey Ciraaq taasi waxa ay keentay in dagaal qadhaadhi uu ka dhex qarxo labada dal 22kii Sebtembar 1980kii kaasoo socday mudo sideed sanadood ah.

Sanadkii 1981kii ayey israa’iil iyada oo ka faa’iidaysanaysa dagaalka socda ayey weerar dhinaca cirka ah ku qaaday wershad nukliyeerka farsamaysa ooay lahayd Dawlada Ciraaq. Sanadkii 1984kii ayey labada dal dagaalka uadeegsadeen hubka kiimikada ah, waxa kale oo ay labada dal ku dhaqaaqeen in ay burburiyaan doonyaha ay kala lahaayeen taasoo dagaalka sii balaadhisay.

Intii lagu guda-jiray dagaalkii Iiraan iyo Ciraaq ama dagaalkii koowaad ee Khaliijka ayay Dawladda Ciraaq xasuuq u geysatay dadka Kurdiyiinta ah, iyadoo u adeegsatay hubka kiimikada ah ee Caalamka ka mamnuuca ah in loo adeegsado dagaalada, taasoo ka dhacday magaalada Xulbajata, 16-kii March 1988. markaasoo uu dagaalka Iiraan iyo Ciraaq marayay 8 sannadood, isla markaana uu dhaliyay khasaare mood iyo noolba leh, iyadoo dadka ku dhintay lagu qiyaasay hal malyuun oo ruux ayay labada dawladood bilaabeen qorshe ay dib ugu heshiinayaan, kaasoo ka dhashay fikrad ka timid Qaramada Midoobay 1988-kii, iyadoo uu qaraarkaa Q. Midoobay ee arrintaa ka hadlayay uu lambarkiisu ahaa 598, taasoo keentay in halkaa lagu soo af-jaro dagaalkii qadhaadhaa ee labada dal muddada 8-da sannadood ah ka dhex oognaa. Markii uu dagaalku dhammaaday ayay dawlada Ciraaq bilowday inay dib u dhisto ciidamadeeda qalabka sida oo ay u yeesho awood cusub, balse inyar kadib ayay ciidamada Ciraaq xoog ku galeen dalka Kuwayt, 2-dii August, 1990-kii, taasoo sababtay inuu qarxo dagaalkii labaad ee Khaliijku 17-kii July 1991-kii.

Waxa uu ka dhashay weerarkan ee ay Dawladda Ciraaq ku qaaday Kuwayt markii ay isku maandhaafeen ceel Patrol oo ku yaala xuduuda u dhaxaysa labada dal, iyadoo lagu guulaysan waayay waan-waan la isku dayay in labada dal laga dhexdhaliyo kadib markii ay Dawladda Ciraaq qabsatay Kuwayt ayay shir deg-deg ah isugu yimaadeen Golaha Ammaanka ee Q. Midoobay iyagoo soo saaray qaraarka lambarkiisu yahay 661 oo dhigaya in cuna-qabatayn dhinac walba ah lagu soo rogo Dawladda Ciraaq, balse taa waxay kaga jawaabtay Dawladda Ciraaq, iyadoo ku dhawaaqday in dalka Kuwayt uu yahay gobol ka mid ah dalkeeda.

Bishii November ee isla sannadkaa ayuu golaha ammaanku soo saaray qaraarka lambarkiisu yahay 687, kaasoo fasaxaya in xoog loo adeegsan karo sidii Ciraaq looga saari lahaa dalka Kuwayt, bishii January 1991-kii ayuu golaha ammaanku u qabtay Dawladda Ciraaq Taariikh go’an oo ay kaga baxdo Kuwayt, balse markii ay ka dhego-adaygtay Ciraaq ayuu bilaabmay duulaan milateri oo ay ka qaybqaateen 28 dawladood 17 January 1991-kii, kaasoo keenay in Ciraaq laga saaro Kuwayt 28-kii February 1991-kii, markaasoo lagu dhawaaqay xabad-joojin rasmi ah, iyadoo heshiis laga gaadhay colaadii taagnayd.

Duulaanka lagu Ciraaq oo ay ka qaybqaateen 28 dawladood oo uu horkacayo Maraykanku, waxa ay sababtay in go’aan lagu gaadho sidii Ciraaq looga dhigi lahaa hubka halista ah ee ay haysato, iyadoo isla markaana seero ka caagan hubka iyo Diyaaradaha laga sameeyay qaybaha koonfurta iyo waqooyiga Ciraaq. Laga soo bilaabo 6-dii August 1990-kii oo haatan gaadhaysa 12 sannadood shacbiga Ciraaq waxay ku noolaayeen cuna-qabatayn dhinac walba lagaga soo rogay, taasoo cidhiidhi gelisay nolosha dadka rayidka ah ee reer Ciraaq, iyadoo xaaladu sidaa tahay ayuu haatan qarxay duulaanka wadajirka ah ee ay xulafada Maraykanka iyo Ingiriisku ka wadaan dalka Ciraaq.

Qormooyinka soo socda ayaynu kusoo qaadan doonaa taariikhda Sadaam Xuseen iyo dabeecada qaybaha bulshada ee ay ka kooban yihiin dadka reer Ciraaq, sida Suniyiinta, Shiicada, Kurdiyiinta, Xisbiga Al-bacas ee dalkaa ka taliya iyo guud ahaanba waxa sababay duulaankan hadda lagu hayo dalka Ciraaq.

La soco.

Top


Garta Xeer-Beegti, Garta dhaqanka.

Haddii aad maluugta (tuhunka) marka horeba soo qadinto oo aad dacwiga ku darto, markaa arrintu way ka habawday, waayo waxa kugu fillan in lagu yidhaahdo oo keliya (hubka adiga kuuma sidan) waayo haddii aan hubka isaga ah u sitey markaaba maan ku dhufto. Sidaa awgeed maluugtaadii si aad dhaar ugu yeelato meesha inaad arrinta bidaal ka dhigto.

Bac & Baarit: labada erey ee Bac iyo Baarit waa laba erey oo la isticmaalo marka qoon qof la gaadhsiiyey ama qof la dilay xaqeeda loo qaybiyo laba qof iyo ka badan. Tusaale ahaan laba nin oo is-haya haddii ay isla dhacaan oo uu mid ka mid ahi jabo oo weliba uu jabo ninkii wax legday, ka dibna waxa la yidhaahdaa waa bac baari, qoontana wixii laga xukumo labada nin waa loo kala badhaa.

Sidoo kale haddii ay laba nin oo is-haystaa iskula dhacaan oo ka dibna la kala cadayn waayo labada nin ka waxyeeladda leh, waxa markaa waxyeeladii loo qaybiyaa labada nin.

Sidoo kale wax kasta oo cid loo haysto oo millad, markhaati iyo qiraal mid-na ku caddaan waayo ama ha la dafiro ama yaan la dafirine xukunkeedu waa qayb, waxaana loo qaybiyaa cidda loo wada haysto inta ay doonto tiradoodu ha noqotee. Tusaale ahaan shan nin oo aroos jooga nin waliba rasaas ka riday arooskii, ka dib-na waxa rasaasta ku dhaawacmay ama ku dhintey nin, laakiin waxa la garan waayey shantii nin ee rasaasta riday midka ay rasaastiisu ku dhacday, isla markaana nin waliba wuxuu yidhi “aniga rasaastaydu kuma dhicin ama anigu raas riday, laakiin ma ogi inay ku dhacday iyo in kale”. Sidaa awgeed marka ay sidaasi dhacdo ee shantii nin ay rasaastiisu ninka ku dhacday la garan-waayo shantii nin ayaa loo qaybiya qoonta ama magtii.

La soco.

Top


Jilba Dhiig.

Biixi aad buu u murugooday markii ay u caddaatay inay gabadhii Xayaad ee ay naftiisu u dulowday nin kale u gacan gashay ee ay oori u noqotay, laakiin ma muuqato meel uu wax ka qabto iyo talo dambe oo la rog-rog toona mar haddii ay Xayaad nin ooridii noqotay.

Biixi iyada oo aanay weli xaaladdiisu waxba iska bedelin oo uu sidii yahay ayaa maalintii dambe loo mash-xaradday arooskii Xayaad, waxaana isaga oo arkaaya isla oogsaday sawaxanka iyo mash-xaradda gelbisku Xayaad, taasina waxay sii damaqday boogihii uu is-lahaa aad dhaymo la baadi doontid, wuxuuse naftiisa ku qanciyey inaanu nabsigu dhixi doonin ee uu maalin maalmaha ka mid ah Xayaad sida oof-wareenka u qaban doono.

Arooskii Xayaad si wanaagsan ayuu u dhacay waxayna iyada iyo sayga ay guursatay galeen todobaadkii laxaska oo ay sida caaddada guurka cusubi tahay inay labada qof ee is-guursaday aqalka hoostiisa ku qoob-xidhnaadaan oo ay iyagu isku mashquulaan, waayo ayaamaha aroosku waxay noloshu labada qof ee is-guursaday u tahay xili kala guurtsaa oo ay markii hore ku sugnaayeen nolol kelinimo, haddana ay u guureen nolol qoysnimo (lamaane). Laakiin Xayaad badhtamaha todobaadkii labaad ee aqal-galkooda ayey isu diyaariyeen socdaal mijo baxsi ah oo ay meelahaa ku soo mar-maraan, sidaa darteed ayuu Xayaad saygeedii ku wargeliyey inay dal-xiis ku soo mar-mari doonaan gooabaha indhaha u roon. Iyo sida beeraha quruxda leh iyo meelaha kale ee loo daawasho tago. Ka dibna waxay subaxii dambe ku dhaceen baabuur nooca landcruiser-ka loo yaqaan ah, waxayna afka saareen toobiyaha iyaga oo u sii jeedaa meelo ay doonayeen sidii dal-xiis u soo mar-maraan, taas oo jimicsiga ka sokow ay doonayeen inay muxubadooda iyo naruuradda aqal-galkooda il-doogsi u soo sameeyeen.

Baabuurka labadooda qudha ayaa saaran, waxay fadhiyaan labada kursi ee hore, waa laba qof oo is-xiisanaya sidaa darteed waxay is-dhaafsanayaan is- dhiibayaan sheeko goos goos ah oo ay qosol yar yar hoosta kaga laaqayaan, laakiin waxa intaa u sii dheer jaleeco uu mid-ba midka kale daqiiqadiiba ugu yaraan hal mar ama laba goor il-qoodha ka milicsanayo ama haddii ay doonan ay fool ka fool isu daymoonayaan.

Hase yeeshee nasiib darro goor ay meel dhexe marayaan oo uu dareenkoodu hirar farxad ah dhex-dabaalanayo ayaa ileyn maqaadiirtu meel ma jirtee waxa mar keliya xagga kale iska rogay baabuurkii ay wateen mar keliya xagga kale iska rogay baabuurkii ay wateen oo taayirada kor u taagay, laakiin Xayaad eebaha awoodda lihi wuu ka samata bixiyey shilka, waxaase ku naf-waayey saygeedii naxdin iyo filan wa ayey noqotay, markiiba warka dhiiladda lihi wuxuu soo gaadhay magaaladii reerihiina way maqleen dabadeedna gabadhii Xayaad oo inkasta oo aanu dhaawac weyni gaadhin, haddana jidhkeeda waxoogaayo jugo ahi soo gaadheen, isla markaana dareenkeedu la shoogsan yahay maqaadiirta kediska ah ee la kulantay oo uu geerida ka sokow guri galkeedii isku rogay guryo ba’ay, ayaa laga soo qaaday raqdii baabuurku kula dhacay iyada iyo maydkii saygeeda, sidoo kalena markii ay reerihii ku war-heleen shilka dhacay iyo geerida timid ayey baroortu isku yeedhay.

Horaa loo yidhi “Mayd loo baroorto iyo aroos loo mash-xaraddo ayaa muska reer ku wada yaal”, sidaa awgeed laba todobaad oo isku xigga ayaa mid loo mash-xaradday guurkii Xayaad, kii kalena loo baroortay, geeridii saygeeda iyo guri baaba’ay, taas oo ay gelbiskii iyo damaashaadkii arooska ku xigtey aas loo dareeray.

Noloshu waa hadhka labadiisa gelin, oo subaxba weji bay ku tusaysaa, subax waxay ku tusaysaa farxad iyo nayaayiro nololeed, subax-na waxay ku tusaysaa murugo iyo guul darro nololeed. Sidaa awgeed gabadhii Xayaad ee dharka magaalada ugu quruxda badan xidhnayd, lagana yaabo inay labada gelin ee maalinta mid laba goor maydhan jirtey, cadarka dhawr nooc oo midba mid ka udgoon badan yahay jidhkeeda kale ay marsan jirtey, waxaa taa u bedeshay hengel madaw, oo aanay boqol habeen in ka badan mar qudha iska bedelin, waxaana boqolkaa habeen oogadeeda xaaraan ka noqotay is-qurxin iyo shay udug leh.

Ta kale isbedelkii iyo himiladii nololeed ee ay Xayaad ku hamiyeysay ayaamihii arooskeeda iyo weliba dareenkii farxadeed ee ay dhex-dabalaanaysay waxa meeshoodii u galay waxyaalo kale oo aanay nafteedu hore uga daawan muraayadda khiyaalka nolosha, wuxuuna hiyigeeda nololeed afka saaray jiho lid ku ah halkii ay nafteedu hiyiga ku haysay intii ka horeysay amintii saygeedu qudh baxay, gurigeeduna dumay.

La Soco.

Top


RAADYOW MA QALOOCSHE, A. A. Garas.

Halkani waa Raadyow Ma Qaloocshe oo aydun ka dhegeysataan mawjadaha cul-culus iyo mawjadaha fud-fudud ee labaatanka kun ee kiiloo kaftanka.. Akhyaartayada indhaha buurbuuranow, waxaynu soo gaadhnay wakhtigii aan idinku hurgufi jiray warkii dunida, maantana waxa u guntan doona Weriye Mr. Ma dhameeye-War:

Isagii oo onkodaaya.

Ciidamadii camcaminta ku hayay Ciraaq ee Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa la sheegay in ruquus kulul lagu murxiyay, kadib markii laysla galgashay magaalooyinka Baqdaad iyo Basra, waxaana wararka beenta u badani sheegayaan ayaamahan in xulufadu libin ku naallootay, ciidamadii Ciraaqna xaga dambe ka soo caraboobeen. Baqdaad oo ah meesha uu Maraykanku ku cabaaday, ayaa lagu soo waramay in gulufku tardheeyay, gantaalkuna ku galyamay, gaydhankaa waxa nagta iskaga saaray miltariga Maraykanka iyo waranleyaasha Ciraaq.

Caarada koonfureed ee Baqdaad ayaa la sheegay in dagaalku lingaxay, halkaas oo lagu moofeeyay qaar ka mid ah Ameerikaanada Maraykanka. Idaacadda BBC oo ka mid ah bahalaha faafiya faataa-dhugta Maraykanka, ayaa sheegtay in ciidamada Ingiriiskuna qabsadeen qayb ka mid ah magaalada Basra, magaaladaas oo ka mid ah dhulka koonfurta ee Ingiriiska ka qaybta ku qaatay, waxay sheegeen in ay qabsadeen Madaxtooyadii iyo saldhigii booliska iyo buullal uu xisbiga Idin-Bacas leeyahay. Idaacaddaas oo marka askar xulufada ah la laayo iska-caabi u taqaana, ayaa sheegtay oo tidhi; askar Ciraaqiyiin oo badanna waa la laayay, kuwa Ingiriiskuna waxay la kulmeen iska caabi. Askar badan oo Maraykanka laga laayay ayaa la sheegay in laga khajilay in la yidhaahdo Ciraaq baa waxa naga dishay, waxaanay dadka dhinta ku af-gobaadsadaan in iyagu dhexdooda iska dileen.

Dagaalka oo la sheegayo in uu ka hugmayo ilaa tobaneeyo magaalo, iyadoo Baqdaadna la sheegay in dhinacna Sadaam Xuseen dhex xaragoonayo, dhinacna dagaal ka socdo, dhanka kalena Saxaaf ka khudbadaynayo, dhanka kalena dayuuradaha Maraykanku dhugtamayaan. Ciidamada Maraykanka oo garaacid gantaal kaga dhergay, ayaa la sheegay in ay caruurtii ku gumaadeen oo ka soo saareen gelgelin goollibaadh, waxaana la sheegay in qabsashada magaaladaas ay u qadhmuuneeyeen waranlayaasha gaas-dhegoolayaasha Ciraaq, kuwaas oo la garan la’ yahay meesha ay jiraan Ciidankii loo han-weynaa ee Xaraska la odhan jiray. Ninka Saxaf la yidhaahdo oo ah inan-googaar afmiishaar ah, ayaa si xarago leh warbaahinta uga halgamay, ninkaas oo muddadii dagaalku socday habeen kasta hadlayay, isagoo sii daynayay Maraykanka cadibay oo kaga xanuun kulul gantaalaha uu ridayo.

Idaacadda Jasiira, ayaa iyana Maraykanka kaga oohisay markii ay baahisay raqda Maraykanka. Sawiradaas Jasiira markay sii daysay, ayaa la sheegay in dhaqaalaha Maraykanka ay quluul ugu tuurtay uu afka dhulka daray, si ay u soo kiciyaan dhaqaalaha hoos u dhacay ayay Madaxda Maraykanku sheegtay in Sadaam la dilay. Mar kale ayuu haddana dhaqaalihii kor u kacay, markii saddexaad ayaa Sadaam oo nool oo suuqa maraya la arkay dhaqaalihii Maraykan ayaa hoos u dhacay. Maxaynu ku soo kicinaa baa la yidhi, kadibna waxa kor loogu soo kiciyay qabsashadii Madaarka Baqdaad.

Haddaba, dagaalkan oo ah farsamo lagu ilaaliyio dhaqaalaha Maraykan, ayaanay suurto-galayn in runta la sheegaa, waayo; warka runta ahi waa Infileeshan. Si kasta ha ahaatee, marka lays barbar dhigo xoogga xulufada iyo Ciraaq oo isu noqonaya rag cabiido ah hubna sita oo la dagaalamaya ilmo yar oo caruur ah oo dheged sita. Dalka Ciraaq toban sannadood ayaa cunaha la hayay, waxa la weeraray xilligii ay sacabaleyda laga dhigay ee qasharkii ugu dambeeyay Qaramada Midoobay ka burburiyeen. Qaramada Midoobay oo ahaa ragii hubkii Ciraaq isku difaaci lahayd intay ka jejebiyeen ayay haddana ka celin kari waayeen weerarka Maraykanka iyo Ingiriiku ku qaaday.

Haddaynu milicsano foolxumada ka soo foonle dagaalkaa Ciraaq lagula jiro, ragga siyaasadda maamiya ayaa sheegaya in laga yaabo in qabsashada Ciraaq kadib, dunidu salka ka gubato oo xasiloonidu xerrada ka baxdo, iyada oo hogaamiyeyaasha Ruushka, Faransiiska, Jarmalka iyo Shiinuhu diyaar u yihiin in ay Maxkamad Caalami ah la soo taago ragga dagaalka amray ee Bush iyo Ballayr ugu horreeyaan. Hadday dhici waydo in raggaas la soo qabqabto waxa laga baqe qabaa in laysu xoog sheegto oo dawlad kastaaba tii ka itaal yar bacaraarsato. Haddii sidaasi dhacdana, waxa laga yaabaa in Maraykanka iyo Ingiriisku yihiin kuwa ugu nugul, iyadoo xoogii lagu tuhunsanaana lagu ogaaday in reer miyiga Ciraaq kuwo tab kala bixi waayay. Guuldarada kale ee aan Maraykanka aan gafayni waxay tahay in marka Ciraaq laga waayo hubkii halista ah.
Waxa kale oo iyana markhaati ugu filan sawirada caruurtii iyo maatidii ay laayeen.

Qiyaasta Dagaalka.

Maraykanka iyo Ingiriiska oo imika isku haysta in ay Ciraaq qabsadeen oo ay gacantooda ku jirto, Ciraaqiyiinta ayaa iyana waa hore waxay qorshaysteen sidii ay u liqi lahaayeen gebi ahaanba ciidamada dalkooda ku soo doonta, inkasta oo aan ilaa imika la arkin milatari heensaysan oo Ciraaq soo habaysay, haddana waxa laga yaabbaa xarbi dhuumaalaysi ah kaga yaabiyaan xulufada. Dagaalka maanta marka la eego ayaa la sheegay in Baqdaad habeenkiina ay Ciraaq wada haysato, maalintiina ciidamada Maraykanku u soo dagaal tagaan, waxaana laga yaabbaa in Maraykanka laftiisu doonaayo in Ciraaqiyiinta uu la dheelo dhuumaaleysi iyo farsamo goriile. Haddaba, Maraykanka oo sida dagaalkan uu ugu fashilmi karaa ay fududdahay, ayaa sheegay inuu doonayo in Baqdaad uu isku xeero oo go’doon ku rido, wixii gudaheeda ku jira, kaas oo filaya inuu garaacida u sii joogteeyo hadba meesha lagu sheego Sadaam, iyagoo filaya in ay isu soo dhiibaan Saraakiisha iyo Ciidamada reer Ciraaq.

Bush iyo Ballayr maxay Qaybsanayaan?

Bush yare iyo Ballayr yare, ayaa maantadaas faq ku leh dalka Ayrlaan ee ay Ingiriiska isku dudi jireen. Faqaas oo ah mid ay isu soo dhukuseen labadoodu, ayaa la sheegay in ay dalka Ciraaq ku kala qaybsanayaan oo lafahooda u qoondaysanayaan. Dalka Ingiriiska ayaa hore loogu qoondooyay Basra iyo koonfurta Ciraaq oo ay ku yaalliin ceelal badan oo naafato laga dhuro. Maraykanka oo isagu iska qoondaystay inuu keligii iska qaato duminta iyo dib-u-dhiska Ciraaq oo dhan iyo waliba dawladda la dhisayo oo keligii iska qaatay wasiirada iyo xamiidkiisaba. Haddaba, qaybsigii hore oo Ingiriiska lagu cawaray, ayaa la sheegayaa in laba wasiir laga siiyo 23-ka wasiir ee dawladda macmalka ah ee kontiinarka ku soo jirta, taas oo Ingiriisku ku mutaystay kadib markii Tooni Ballayr toddobaadkan nacamlaynta farabadiyay, kaas oo khudbado baraf ku saarayo oo dagaalka Ciraaqna dadka u sakhirayo Idaacadaha iyo wargeysyadana ka jeedinayo iyo ciidamadiisa Basra aad u bililiqaystay. Halka Maraykanku Baqdaad dul meeraysanayo.

Tolow Ruush Muxuu Yeeli Doonaa?

Safiirkii Baqdaad u joogay dalka Raashiya iyo laba nin oo kale, ayaa dhaawac hallis ahi kaga dhacay isagoo maraya kambalka Baqdaad. Safiirka oo la socday kolanyo gaadiid ay saaraayeen dad suxufiyiin iyo safiiraba lahaa, waxa shilku ka helay meel ay isku rifayeen askarta Maraykanka iyo kuwa Ciraaq. Safiirka oo la sheegay in labada qoloba uu isu soo sheegay, ayaa la sheegayaa in askarta Maraykanku u badhxeen .
Wasiirka Khaarajiga Maraykanka, ayaa la sheegay inuu la hadlay dhigiisa Ruushka oo uu ku yidhi; “Soori may kaat.” Arrintani waxay ku soo beegantay xilli Ruushka ay joogto naaggada madow ee Maraykanka nabadda iyo khiyaamada u haysa, inkasta oo aanu Maraykanku qumaati u qiran toogashada safiirka, haddana suxufiyiintii la socotay ayaa warbaahinta Ruushka ku fidiyay, kuwaas oo horeba u wayraxsanaa ayay u sheegeen inuu Maraykanku doonayay inuu safiirka dilo, si aanu sirta xogta uu hayo ula baxsan. Sababta loo aanaynayo in Maraykanku safiirka ku weeraray ayaa la sheegayaa in ciidamada Maraykanka ee sirtu soo sheegeen in safiirka Ruushka uu la socdo Sadaam Xuseen iyo inamadiisii oo ay rabaan in dalka Ruushka u baxsadaan.

Si kasta ha ahaatee, dalka Ruushka oo Ciraaq ku lahaa dano waaweyn oo hanti badanina kaga jirto, kaas oo haddii Maraykanku qabsado laga baqe qabay, ayaa imika la sheegayaa inuu u xalaaloobay oo laga yaabo in bililiqada shidaalka uu wax ka siiyo.

Tolow Yurub Maxay Damacday?

Wadamada laysku yidhaahdo Yuura-Yoonis, ayaa beryahaaba hoosta ka habaarayay xulufada dagaalka Ciraaq ku qaaday, kuwaas oo kalgacal u haya jabista Maraykan iyo Ingiriis. Amuurta jeclaysiisay jabista Maraykan, ayaa in ay tahay dagaalka ka dhexeeya lacagaha doollarka iyo yuurada, kadib markii yuurada oo carruur ahi, haddana ciro ka soo saartay doollarka iyo kuwii lahaaba. Duullaanka Maraykanku Ciraaq ku soo qaaday oo ahaa dagaal yuurada lagu duqaynayo, taas oo la doonayo in aan shidaalku doollarka ka hoos bixin, iyadoo wararka shidaalka ku lug lihi sheegayaan in intii Maraykanku Ciraaq ku hawlanaa Faransiisku tiraba saddex meeloo oo cusub ka soo saaray Shidaal ka badan ka Ciraaq, meelahaas oo ay ka mid tahay Aljeeriya iyo Badda Masar oo laga soo saaray toddobaadkan shidaalkii ugu fogaa oo aadna u badan. Haddaba, maadaama ay isku xidhan yihiin dhaqaalaha Maraykan iyo dagaalka Ciraaq, waxa laga yaabbaa in Ciraaqna la qabsado, Maraykankuna caydhoobo.

FAALLO, RAADYOW:

Bush ayuunbaad Maqashaye Horta Waa Kuma?

Intaan ka aqaano J. W. Bush, haddaan idiinka war sheekoodo; Sida uu sheegtay wuxuu ku dhashay gobolka Tagsis 6 July, 1958, wuxuuna ka dhashay qoys ka mid ah qoysaska Shidaalka dunida maamula. Aabihii siyaasadda ayuu ku jiray ilamaa intii ka dambaysay dagaalkii labaad ee dunida, waxaanu ka mid ahaan jiray ragga iska leh shirkadaha dunida iyo qalabka lagu soo saaro, waxaanu ka mid ahaan jiray xisbiga Dameerka leh ee Republican-ka loo yaqaan, kaas oo uu Madaxweyne ka gaadhay. Odayga oo afar sannadood xilkaa hayay, waxa lagaga macaashay doorashadii 1993-kii.

Haddaba, ina buushka yar waxa la sheegay in xilligii uu yaraa uu reerkooda ka fallaagoobay oo waxbarasho lagaga samray, inkasta oo marka taariikhdiisa laga waramayo lagu xuso inuu bartay cilmiga dhaqaalaha iyo maamulka. Sida uu sheegay nin Maraykan ah oo wax ka qoray, ayaa yidhi; “Buush wuxuu ahaan jiray saaqid, qabiga ka shakaalan. Rikoodhkiisa waxbarashaduna ma fiicna, markii isguulada loogu taagwaayay, wuxuu noqday dadka khamri dhanka ah ee cabidda ku talax tegay, kaas oo reerkoodana kaga baadiyoobay.”

Amuurtaas sida ninkaasi qoray, muddo kadib ayaa qoyska uu ka dhashay baadi-doon ku qabteen isagoo dib dhaqan-celin loogu sameeyay, waxaana maamule looga dhigay qaar ka mid ah shirkadaha kibray ee aabihii wax ku leeyahay. Ka hor intii aanu shirkadahaa madax ka noqon, wuxuu ku biiray qolyaha Sahyuuniyiinta loo yaqaan ee aad u xag jirada ah, kuwaas oo xataa kiristanka ka sii goosmay oo mara ku dheg ku faquuqmay. Inkastoo ay sheegtaan in ay haystaan kitaabkii Tawraada, haddana dadkaa Sahyuuniyiintu waxay ka soo jeedaan Yuhuud qolo yar oo ka mid ah, waxaanay aaminsan yihiin falsafadda ah in Illaahay u magacaabay in iyaga oo keliyi dunida ay maamulaan, dadka kalena adhigooda yihiin. Halka qolyaha kale ee Yuhuudduna kala aaminsan yihiin dunida ay ku kala filqaan oo yeeshaan dhammaanba cilmiga, hantida, dahabka iyo baayac-mushtariga dunida oo dhan.

Haddaba, Sahyuuniyiinta iyaga intaas waxa u sii dheer in ay yeeshaan maamulka dunida oo dhan oo aanu dunida ka dhisnaanin maamul aanay gacanta ku haynin. Kooxahani Sahyuuniyiinta la yidhaahdaa oo ah dad leh karti, ragganimo iyo dhaqashaba, waa ragga ku abtirsada tijaarada dunida, waxayna ka gaadheen in dahabkii iyo macdantii iyo hantidii kale ee dunida kale lahayd ay ku soo beddesheen warqad sawirle. Warqadaas oo ah noodhka doollarka Maraykanka. Run ahaantii hanti maaha, mana aha macdan iyo wax kale, waxase wax lays weydiiyo ah, waa maxay waxay qaaliga u noqotay xaashidani ninka galaalani ku sawiran yahay? Ku darso oo waa lacagta keliya ee bilaa damaanada lagu sameeyo ama lagu daabaco.

Haddaba, dalka Maraykanka oo la sheego in ay ka taliso koox ka soo jeeda Sahnuuniyada ayaa la sheegay in ay kooxdani fullinayaan ama qarxinayaan qaar ka mid ah mabadii’dii iyo istaraatajiyadii Sahnuuniyada aaminsanayd, taas oo tallaabadii ugu horeysay ahayd tii ay Afgaanistaan ku qabsadeen, xeebaha Soomaaliya, Djabuutina ku soo degeen, iyadoo dadka qaar sheegeen in ururada muslimiinta mayalka adag iyo Sahnuuniyiintu u shuraakoobeen qabsashada dunida, iyadoo ay isu qaybiyeen Argagixiso iyo Eryato Argagixiso.

Si kasta ha ahaatee, Sahnuuniyadu waxay rumaysan tahay in la galay xilligii Nebi Ciise (CS) dhulka ku soo noqonayay ee uu Yuhuudda caawinayay, taas oo ay sheegeen in la galay kun sanno oo barwaaqo ah, dadka Yuhuudda ah iyo inta taageerta mooyaane, dadka kalena gaajo u dhammaado, iyadoo taasi malahooda tahay, arrinkuna ka Alle uun yahay, waxa la odhan karaa dagaalkan Maraykanku Ciraaq ku weeraray, maaha mid Maraykan u dhan yahay, waana tijaabo loogu halgamayo Goloblaseeshinka dunidan rag la damaacisan yahay, waxaana dhici karta in wax laga beddelo Juquraafiyadii iyo xuduuddadii hore dawladuhu u samaysteen iyoi xeerarkii iyo qawaaniintii laynoo yeedhiyay, taas oo aan filayo in laga gudbay geedi-socodkii wixii la odhan jiray Dimuqraadiyadda ee Maraykanku faafin jiray, taas oo uu isu beddelay hannaanka cusub ee GOLOBBAL-GANTAAL ku hirginta hadeer socota, kaas oo loo adeegsanayo argagixiso ugu marmarsiiyoodka iyo nukleer ku damaaciga cusub ee haatan socda. Burburinta dalka Ciraaqna, waa meheradaha ay dadka Maraykan marka shirkadahoodu dib-u-dhisid ku samaynayaan haddii imika burburiyaan, waxay qabaan in dadka Maraykan shaqadoodu sii kordhayso.
Sida malahaygu sheegayo, dalka Soomaaliya ayaa laga yaabbaa inuu noqdo dalka Ciraaq ku xiga ee Maraykanku qabsanayo, taas oo laga yaabo in bisha ogos ee sannadkan inuu ku soo duulo Soomaaliya, halkaasna ka sameeyo dawlad 13 wasiir oo Maraykan ah iyo laba wasiir oo Itoobiyaan iyo Janan Maraykan ah oo Madaxweyne ah. Sababtoo ah, Soomaaliya waa meel uu ku daatay dhiig Maraykan, waana meel aan lahayn ilaa imika dawlad ka talisa oo uu sheegay in ay argagixisadu ku dhuuman karto.

Tijaabada Doorashada.

Akhriste aan ku yara cadibo, haddii aad haleesho saddexda lambar ee hoos ku qoran 10, 7, 3 mid ka mid ah calaamadi saddexda lambar, waxaan mid kastaaba wuxuu taagan yahay xisbi markaa qof walowba kaad xisbigaagii u tuhunto soo calaamadi, kadibna intaad soo jeexdo gal ku soo rid oo ku soo hagaaji xafiiska wargeyska Haatuf.

Natiijada bakhtiyaanasiibkaasna, waxaanu idiin soo baahin doonaa Axada soo socota. Xaashi kasta waxa calaamadin kara qof keliya.

Top


Waadiga Ciyaaraha.

Real Madrid VS Man United ciyaartooda cawaIyo Kulamadoodii Hore

Haatuf (AFP) - Ciyaartan caawa ee labada naadi ciyaartii 8-da kooxood (Quarter Final) ee koobka horyaalada Yurub ayaa caawa waxaa lagu ciyaarayaa.

Haddaba labadan naadi ee waaweyn ee R. Madrid oo Spanish ah iyo Man. United oo Ingiriis ah haddii aynu dib ugu noqono kulanadoodii dhex maray horyaalada Yurub laba jeer waxaa badisay R. Madrid, hal marna Man. United, 3 jeerna bararo ayay galeen.

Labada jeer ee R. Madrid badisay waxay ahaayeen 1957 semi-final, 2000 (quarter final), marka Manchesterna waxay ahayd 1968 (semifinal) oo faynalkii isugu soo baxeen naadiga Benfica.

Haddaba ciyaartoodii u dambaysay ee ay wada ciyaarayaan waxay sannadkii 2000-kii oo ay kuwada ciyaareen garoonka Manchester ee Old Trafford, halkaas oo ay Real ku guulaysatay 3-2.

Haddaba naadiga Manchester ayaan marnaba naadiga Real kaga badin gurigeeda, laakiin naadiga Real laba jeer ayay Manchester kaga badisay gurigeeda.

Dhinaca kale, naadiga R. Madrid waxay la ciyaartay naadiyada Ingiriiska ah oo kula ciyaartay gurigeeda 7 ciyaarood, Saddex way guulaysatay, afarna way barbaraysay, marnaba guul-darro lamay kulmin.

Halka ay naadiga Manchester United gurigeeda naadiyada Spanishka kula ciyaartay 14 ciyaarood, waxay guulaysatay ciyaar keliya oo ay sannadkii hore Deportivo La Coruna 3-2 kaga guulaysatay guriga Deportivo quarter Finalkii, oo ay 5 ciyaaroodna barbaro la gashay naadiyada Spanishka, lagana badiyay 8-da ciyaarood ee kale.

Haddaba haddaynu usoo noqono xilli-ciyaareedkan, koobka horyaalada Yurub ee iminka socda oo ay ciyaartan caawa ay wada leeyihiin ay ka mid tahay rikoodhkooda inta ciyaarood ee ay soo ciyaareen labada naadi iyagoo so ociyaaray min 12 ciyaarood.

Real Madrid waxay soo badisay 5 ciyaarood, 5 ciyaaroodna barbaro ayay gashay, 2 ciyaaroodna waa laga badiyay.

Haddaba labadaa ciyaarood oo lagaga badiyay min 1-0 oo labadaba Real aanay wax goolal ah dhalin oo ay mid tahay ta AC Milan.
Manchester United, waxay badisay 9 ciyaarood, hal ciyaarana waa la barbareeyey, 2 ciyaaroodna waa laga badiyay.

Haddaba labada ciyaarood ee laga badiyay waxaa ka kala badiyay naadiga Maccabi Haifa (3-0) iyo Deportivo 2-0.

Haddaynu eegno dhinaca labada dhaliye ee labada naadi waa:

Ruud Van Nistelrooy.

Wuxuu leeyahay 10 gool oo uu ku hoggaaminayo gooldhalinta xilli-ciyaareedkan, isagoo ciyaarta uu ciyaaraba goolal dhalinayay.

Raul.

Wuxuu isaguna leeyahay 7 gool, taasoo uu isaguna ku hoggaaminayo kooxdiisa R. Madrid.

Dhinaca kale, Raul waa ninka Yurub ugu sarreeya Champion-ka gool dhalintiisa oo leh marka la isugu geeyo inta gool ee uu dhaliyay ciyaaraha Champion-ka ay yihiin 41 gool.

Top