Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Ka Waramay Natiijada
Doorashada: “Wakhtigan Adag waxa nagu khasab ah in aanu qaadano go’aan
adag”. Musharaxa Xisbiga KULMIYE Oo Jawaab Ka Bixiyay Damaashaadka
Taageerayaashiisa. Taliyaha Booliska Oo Caddeeyey Inay Doorashadu Si Nabadgelyo
ah u dhacday.
Dadka Reer Awdal Iyo Dareenkii Doorashada.
Ilaalada Guriga Martida Burco Oo Xidhay Nin Sawir Qaade Ah.
Negaad Iyo Cosongo Oo Ka Hadlay Siday U Dhaceen Doorashadii.
Ciidamada Maraykanka Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Ay Walaalo
Yihiin Sadaam.
Talyaaniga Oo Dalbaday In Gacanta Loo Soo Geliyo Abu Cabaas.
IFTIINKA ISLAAMKA, S. Guraase.
ODHAAHDA AKHRISTAHA, Maqaal Furan.
Ninkii Xadhig Suuryeeyow Waxa Socota Taariikh.
Doorashadu Waa Caalamadii Helitaanka Ictiraafka.
Ciidnay Oo Ka Daali Weynay.
Miyaa La Ilaaway Tiyaatarka Hargeysa?
Garta Dhaqanka Iyo Xeerarka Soomaalida, Waxa Qoray : Cabdi
Caara-Dhuub Q :23aad.
JILBO-DHIIG, Qiso jacayl ah, waxaa qoray Xasan Faarax
Maxamed; waxaa tifaftiray A. Ducaale : 23aad.
|
|
Gudoomiyaha
Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Ka Waramay Natiijada Doorashada:
“Wakhtigan Adag waxa nagu khasab ah in aanu qaadano go’aan adag”.
Musharaxa Xisbiga KULMIYE Oo Jawaab Ka Bixiyay Damaashaadka
Taageerayaashiisa. |
Hargeysa (Haatuf): Gudoomiyaha
Gudiga Doorashooyinka, Axmed Xaaji Cali (Cadami), ayaa dib u riixay ku
dhawaaqida natiijada doorashada Madaxtooyada oo la filayay in lagu
dhawaaqo ugu dambayn maanta, sidaa wuxuu ku sheegay wareysi uu xalay 2:00
habeenimo siiyay weriyayaal ka tirsan Haatuf oo kula kulmay xafiiskiisa.
Gudoomiyuhu, wuxuu sababta dib u dhigista ku macneeyay laba arrimood oo ay
ka mid yihiin; roobab ka da’ay gobollada iyo degmooyinka qaarkood oo
xayiray gaawidhidii sanaaduuqda soo qaaday iyo arrinta labaad oo ah
isqancin ayna xisbiyadu ku wada qancaan tirinta codadka, wuxuuna si gaar
ah u soo qaatay dhawr iyo labaatan sanduuq oo sharciyadooda madmadow ku
jiro, sidaa darteed markii hore la hakiyay laakiin uu xisbiga UDUB ku
dooday in la tiriyo, taas oo ay xisbiyada kalena ku doodeen in la tirtiro
maadaama uu sharciyadooda madmadow ku jiro. Laakiin kulan ay xalay
yeesheen madax ka socota xisbiyada siyaasadda iyo guddiga doorashooyinka,
waxa la sheegay in ay isla afgarteen in dib loo eego sanaaduuqdaa oo wixii
ay sharciyadoodu ansixi karayso la tiriyo, wixii kalena la tirtiro.
Labadii maalmood ee u dambeeyay, waxa soo noqnoqonayay sawaxan iyo
damaashaad ka soo yeedhaya hawl-wadeenada iyo taageerayaasha xisbiyada
KULMIYE iyo UDUB, iyadoo ay habeenkii xalay taageerayaasha xisbiga KULMIYE
sawaxan iyo damaashaad badan isla jiidheen, aadna loogu xoomay guriga
musharaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo, kadib markii ay
soo yeedhay tibaax sheegaysa inuu xisbigoodu guul ka helay codadkii la
tiriyay, laakiin gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo arrimahaa ka hadlay
ayaa yidhi, “Mar haddii doorashadii lagu guda-jiro oo aanay weli natiijo
soo bixin, maaha in ay xisbiyadu damaashaadaan, warbaahintu ma aha in ay
faallo iyo shax iska qoraan, waxaanuna ka codsanaynaa xisbiyada iyo
dadweynaha qofkii Illaahay u calfay ayaa heli doonee in aanay ka hor
dhicin natiijada.”
Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in ay ugu dambayn natiijada ku dhawaaqi doonaan
maalinta berito sabtida ah, laakiin wuxuu intaa ku daray in laga yaabo in
ay maanta hawshu soo geba-gebawda maalinta gelinka dambe.
Gudoomiyaha mar la weydiiyay in ay culays saareen niman wasiiro ah iyo
saraakiil dawladda ka tirsani, waxa uu ku jawaabay in aanay cidina waxba
ku qasbi karin, taas darteedna ay wakhtigan adag ku talo jiraan in ay
qaataan go’aan adag.
Waxa kale oo xarunta guddiga doorashooyinka ilaa xalay aad u raqaynayay
hawl-wadeenada iyo madaxda xisbiyada siyaasadda, iyadoo ragii halkaa
joogay ka mid ahaayeen xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo hawlwadeeno
kale oo ka tirsan xisbiga UDUB, kuwaas oo guddiga doorashooyinka cadaadis
ku saarayay in la tiriyo sanaaduuqda daboollan ee sharciyadooda madmadowga
lagu sheegay. Sidoo kale, waxaa xalay xarunta guddiga doorashooyinka iyo
is-goysyada wasaarada arrimaha gudaha waxa raabo-raabo u tubnaa cutubyo ka
tirsan ciidamada booliska iyo kuwa milateriga, kuwaas oo hakinayay
dhaqdhaqaaqyada gaadiidka, taas oo laga yaabo in ka shaqaynayeen xoojinta
ammaanka magaalada.
Dhinaca kale, waxa habeenkii xalay wadooyinka laamiga ah ee badhtamaha
magaalada goor dambe ku gaadhay dad farabadan oo u soo jeeday in ay
maqlaan natiijada doorashada, kadib markii ay soo yeedhay tibaax ah in ay
guddiga doorashooyinku habeen badhkii xalay ku dhawaaqi doonaan natiijada
doorashada, laakiin ay taasi dib u dhacday, iyadoo ay dadku xataa aad u
mashquuliyeen ama u culaysiyeen xarunta wargeyska Haatuf, taas oo ay dadka
qaarna lug ku imanayeen ama telefoon si isdaba jooga ugula soo
xidhiidhayeen, si ay war uga weydiiyaan arrinta la naawilayay ee natiijada
doorashada.
Sidoo kale, waxa dadka gaar ahaan taageerayaasha xisbiyada KULMIYE iyo
UDUB la kulmay jahawareer badan, kadib markii ay si isdaba jooga ay
dhegahooda ugu soo dhaceen tibaaxo sheegaya in qolo walba xisbigeedu
guulaystay, waxana sawaxankii iyo damaashaadkii ugu badnaa sameeyay
taageerayaasha xisbiga KULMIYE oo sheegay inuu xisbigoodu guulaystay,
laakiin ilaa hadda ma soo bixin warar rasmiya oo caddaynaya sida loogu
kala guulaystay doorashadii Isniintii dhacday.
Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo oo ay xalay
habeen badhkii weriyayaal Haatuf ka tirsani kula kulmeen xarunta guddiga
doorashooyinka oo uu soo gaadhay ayaa wax ka weydiiyay damaashaadka iyo
sawaxanka ka soo yeedhay taageerayaashiisa, waxaanu yidhi, “Anigu ma ogi
damaashaad, isla markaana weli ma soo bixin natiijo rasmi ah, waxaananu
natiijada rasmiga ah ka sugaynaa guddiga doorashooyinka.”
Top
Taliyaha Booliska Oo Caddeeyey Inay Doorashadu Si Nabadgelyo ah u
dhacday. |
Hargeysa (Haatuf): Taliyaha ciidanka booliska
Somaliland, C/qaadir Muuse Maxamed ayaa dadweynaha reer Somaliland iyo
xisbiyada siyaasadda uga mahad-naqay sidii nabadgelyada ahayd ee ay
codkooda u dhiibteen doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday
maalintii Isniinta ee 14-kii Abril 2003, wuxuuna taliyaha boolisku sidaa
ku sheegay qoraal uu shalay soo saaray, isaga oo sheegay inuu ku hadlayo
magaciisa, magaca saraakiisha booliska iyo magaca dhammaan ciidanka
booliska Somaliland, laakiin qoraalkaasi isaga oo dhamaystiran waxa uu u
qornaa sidan:
“Aniga oo ku hadlaya magaca saraakiisha iyo dhammaan ciidanka booliska
waxaan ammaan iyo u soo jeedinayaa shacbiweynaha Somaliland iyo axsaabta
siyaasiga ah sida heerka sare ah ee ay u ilaaliyeen nabadgelyada, ayna
isaga xil saareen. Waxa kale oo aan ammaan gaar ah u soo jeedinayaa
ciidanka booliska JSL. Meelkasta oo ay joogaan sida adkaysiga iyo
dhiifoonaanta leh ee ay u muujiyeen guusha”.
Top
Dadka Reer Awdal Iyo Dareenkii Doorashada. |
Boorame (Haatuf): Ninka kormeeraha guud ka ahaa hawsha
doorashada gobolka Awdal, oo ah xubin ka tirsan guddiga doorashada Qaranka,
Maxamed Maxamuud Garaad ayaa sheegay inay doorashadan gobolka Awdal hoos u
dhacday tirada dadka codadkooda dhiibtay marka loo eego tii dawladaha
hoose, taasna waxa uu sheegay inay ugu wacan tahay abaaro gobolka ka jira,
taas oo keentay inay dadku u guuraan degaamo durugsan ama gobolka ka
baxsan. Sidaana waxa uu Garaad ku sheegay shir-jaraa’id oo uu xalay ku
qabtay xarunta dawladda hoose ee magaalada Boorame.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar
waxa uu kormeeraha doorashooyinka gobolka Awdal, Maxamed Maxamuud Garaad
sheegay inay doorashooyinku gobolka uga dhaceen si nabadgelyo ah, isla
markaana ilaa 16 sanduuq oo muran ka dhashayna aakhirkii la xalilay.
Dadka reer Boorame waxay doorashadii madaxtooyada laxaadkoodu taageereen
xisbiga uu ka sharaxan yahay madaxweyne Daahir Rayaale ee UDUB, waxayna
dadkaasi labadii maalmood ee u horeeyey hadal hayeen guusha ay ka gaadheen
xisbiga KULMIYE, laakiin taageerayaasha xisbiga KULMIYE oo gobolka Awdal
lagaga badan yahay ayaa iyagu dhaliilaya sida loo maamulay hawsha
doorashada Awdal, waxayna hadda xamaasadda Boorame taal gaadhay heer ay
taageerayaasha UDUB ku hanjabaan inay ka hor iman doonaan xataa hadii ay
KULMIYE guulaystaan, laakiin madaxda KULMIYE ee hadda Boorame joogta ayaan
iyagu arimahaa ka hadlin, iyadoo ay qaar ka mid ah taageerayaasha UDUB ku
ololaynayeen inaan la doorran xisbiga Kulmiye, iyadoo dadka sas badan laga
qaadsiinayey xisbiga KULMIYE oo ay hogaamiyayaashiisa sare yihiin madaxdii
ururkii SNM.
Top
Ilaalada Guriga Martida Burco Oo Xidhay Nin Sawir Qaade Ah. |
Burco (Haatuf): Nin sawir-qaade ah oo magaciisa la
yidhaahdo C/laahi Jaamac ayaa shalay, xabsiga loo taxaabay, ka dib markii
ay ilaalada guriga martida Burco qabteen, isaga oo sawir fiidyow ka
duubaya guriga martida iyo duleedadiisa, ka dibna ay xidheen.
C/laahi Jaamac waxa uu weriyaha Haatuf ee magaalada Burco , Liibaan
Maaweel Shire u sheegay inay askarta ilaalada guriga martidu nabaro ku
dhufteen, ka dibna xibsiga u taxaabeen, isaga oo yidhi “Waxaan guriga
martida ka duubayey kamaro fiidyow, weligayba waan ka duubi jiray, ka
dibna askartu inta ay I qabatay ayey I garaacday oo ay kamaradii iga
qaadeen, wayna I xidheen, balse markii aan dhawr saacadood xidhnaa ayaa la
I soo daayey, kamaradiina waa la ii keenay.”
Dhinaca kalena ilaalada guriga martida oo aan wax ka waydiiyey sababta ay
ninkaa u xidheen ayaa ka gaabsaday inay su’aashaa jawaab ka bixiyaan ,
iyadoo ay guriga martida waqtigan ku sugan yihiin wasiiro ka tirsan
xukuumadda Somaliland oo beryahan-ba socdaal ku joogay halkaa.
Top
Negaad Iyo Cosongo Oo Ka Hadlay Siday U Dhaceen Doorashadii. |
Hargeysa (Haatuf): ururka bulshada ee dalaayad ah NEGAAD
iyo COSONGO ayaa sheegay inay doorashada madaxtooyada Somaliland ahayd mid
u dhacday si nabadgelyo iyo cadaalad leh, sidaana waxay ka sheegeen
shir-jaraahid oo ay shalay ku qabteen xarunta gaboodka haweenka ee NEGAAD
ee magaalada Hargeysa, xubna u hadlay dalaayadaha oo kala ahaa Saado
Xaashi Cawad iyo Caasha Maxamed Axmed (Negaad), C/laahi Sheekh iyo Cabdi
Saxardiid oo iyaguna u hadlay dalaayadaha Cosongo, waxay sheegeen inay
ilaa 600 oo goobood oo ka tirsan lixda gobol ee Somaliland ay joogeen
goob-jogayaal ka socday dalaayadahaa, kuwaas oo doorashada ka hor la
siiyey tabobar la xidhiidha dhinaca doorashada.
Laakiin xubnaha u hadlay dalaayadaha NEGAAD iyo COSONGO waxay xuseen inay
jireen waxyaabo loo baahan yahay inanay mar danbe dhici oo laga taxadiro
si aanay raad ugu yeelan doorashooyinka danbe ee la filaayo ee barlamaanka,
waxyaaba ay tilmaameen waxa ka mid ah xisbiyada tartamaaya oo
isticmaalaayey gaadiid iyo astaamo ay leeyihiin intii lagu guda jiray cod-bixintii
iyo waxyaalo kale oo dhinaca wacyi-galinta ah ee bulshada oo aan fahmin
doorashada, taas oo keentay inay dadku iska masaxeen.
Waxa kale oo ay sheegeen in goobaha cod-bixinta oo aan loo eegin tirada
dadka ka codayn kara la siiyey tiro isleeg oo waraaqo ah.
Shaqaalaha goobaha oo qaarkoo ka muuqatay xirfad la’aan, isla markaana ay
jireen cabashooyin ka soo baxaayeen dhinaca gunada shaqaalaha ee goobaha,
laakiin C/laahi Sheekh ayaa gaar u xusay inay laga maarmaan tahay in
doorashooyinka danbe ee barlamaanka sidii dadka Somaliland codkooda uga
bixin lahaayeen iyo sidii dadka loo diiwaan galin lahaa, si aanay u dhici
inuu qofku laba goor codeeyo, waxayna dalaayada waxay u soo jeediyeen
mahad naq shacbiga Somaliland iyo saxaafada sidii ay ugu qayb-qaateen,
laakiin waxay xisbiyada tartamaaya u soo jeediyaan inay ku qancaan
natiijada cod-bixinta marka la soo saaro ga’aanka, waxayna xubnahani intaa
ku dareen inay waxyaabahani hordhac u yihiin qaabkii doorashada, balse dib
u soo sheegi doonaan wixii ay arkeen iyo wixii ay soo jeedinayaan.
Top
Ciidamada Maraykanka Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Ay Walaalo Yihiin Sadaam.
|
Baqdaad (W.Wararka) Ciiidamada Maraykanka ee ku sugan
dalka Ciraaq ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen nin ay walaalo yihiin
madaxweynihii talada laga tuuray ee Sadaam Xuseen maalintii shalay. Sida
uu sheegay afhayeen u hadlay taliska ciidamada maraykanka ee ku sugan
dalka Ciraaq, waxa uu sheegay isaga oo ka hadlayey shir jaraa’id in
qabashada ninkaasi ay ku suurta gashay, iyada oo aanay wax dhibaato ahi
dhicin, ka dib markii ay heleen macluumaad ku saabsan halka uu ninkaasi
joogay, ka dibna ay u hawlgaleen sidii ay u qaban lahaayeen, ninkan la
qabtay oo la yidhaahdo Barsaan Tikriti oo ay Sadaam xuseen xagga hooyo ka
walaalo ahaayeen, waxa la sheegay inuu ka mid ahaa la taliyayaasha sare
sare ee Sadaam Xuseen siddaa daraadeedna uu hayo macluumaad iyo siro badan
oo muhiim ah, kuwaas oo la xidhiidha waxqabadkii iyo hawlihii ay waday
dawladdii la riday ee Sadaam Xuseen.
Tikriti waxa la sheegay inuu madax ka ahaa sirdoonkii Sadaam Xuseen intii
u dhaxaysay sanadihii 1979-1983-kii ka dibna waxa la sheegay inuu noqday
safiirka Ciraaq u fadhiya xarunta qaramada midoobay ee Geneve intii u
dhaxaysay 1988-1997-kii muddadaa ka dib waxa la sheegay inuu ku sugnaa
dalka Ciraaq, isaga oo qabtay jagooyin kala duwan.
Tikriiti oo lagu eedaynayo inuu geystay falal xad-gudub ku ah xuquuqda
Insaanka, hay’adaha xuquuqda aadamaha ayaa dalbanaya in maxkamad lagu soo
taago xad-guddubyadii uu ka geystay deegaanada dadka Kurdiyiinta ah, iyada
oo la sheegay inuu ka qayb qaatay dilka kumanaan qof, iyo inuu ka qayb
qaatay, falal lagu xasuuqay ama lagu khaarajiyey shaqsiyaad badan oo ka
caan ahaa dalka Ciraaq.
Dhinaca kale taliyaha ciidamada Maraykanka ee dagaalka ka wada dalka
Ciraaq Jenerral Tommy Frank ayaa maalintii shalay gaadhay magaalada
Baqdaad taas oo ah booqashadii ugu horeysay ee uu ku tago halkaasi tan iyo
markii ay ku guulaysteen ciidamadiisu, inay xukunka ka tuuraan taliskii
Sadaam Xuseen waxaanu kormeerayaa ciidamada kala duwan ee ku sugan Ciraaq,
mar uu l hadlayey ku sugan Baqdaad, waxa uu sheegay inkasta oo ay
dagaaladu yaraadeen haddana ay meelaha qaarkood ka dhacaan dagaaladu.
Madaxweynaha maraykanka George W. Bush ayaa isaguna dhiniciisa ku baaqay,
in cuna-qabataynta laga qaado dalka Ciraaq, taas oo saarnayd ilaa 1990-kii
mar haddii xukunkii laga tuuray taas oo uu ku tilmaamay in ay xoreyn u
ahayd shacbiga reer Ciraaq.
Waxay tani ku soo beegantay iyada oo dalalka xubnaha ka ah midawga Yurub
ay ku baaqeen inay qaramada midoobay udub dhexaad u noqoto dib u dhiska
dalka Ciraaq, isla markaana waxay ku baaqeen in shacabka reer Ciraaq ay
iyagu is-xukumaan, waxaanay sidaa ku sheegeen shir madaxeed dalalkaasi ku
yeesheen dalka Giriiga.
Top
Talyaaniga Oo Dalbaday In Gacanta Loo Soo Geliyo Abu Cabaas. |
Talyaaniga Oo Dalbaday In Gacanta Loo Soo Geliyo Abu
Cabaas.
Baqdaad (W.Wararka) Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Ciraaq ayaa gacanta
ku dhigay Maxamed Cabaas oo loo yaqaan Abuu Cabaas kaas oo hogaamiye u ah
jabhada xoreynta Plastin iyada oo lagu eedaynayo inuu ka dambeeyey
afduubistii markab laga lahaa dalka Talyaaniga sanadkii 1985-kii taas oo
ay ku dhinteen dad uu ka mid yahay Yuhuudi Maraykan ahi. Sanadkii 1987-kii
ayey maxkamad ku taala dalka Talyaanigu ayey ku xukuntay Xabsi Daa’im
maqnaashiiyo ah, balse haatan ayey suurta gashay in gacanta lagu dhigo,
dawladda Talyaaniga ayaana ka dalbatay maraykanka in gacanta loo soo
geliyo Abuu Cabaas, taas oo ay haatan wada hadal ka leeyihiin masuuliyiin
maraykan iyo talyaani ahi.
Qabashada Al-Cabaas waxa cambaareeyey Jabhadda xoreynta shacabka Falastiin,
iyaga oo ku tilmaamay fal argagixiso ah waxaanay dalbadeen in si deg deg
ah loo sii daayo, Abu Cabaas oo xubin ka ah guddida siyaasadda ee Jabhadda
xoreynta reer Falastiin, balse ilaa hadda may caddayn ciidamada Maraykanku
waxa ay ka yeelayaan Abuu Cabaas.
Top
IFTIINKA ISLAAMKA, S. Guraase. |
Dhalxata Binu Cubeydillaahi Al-taymiyi wuxuu la socday dad
socoto ahaa oo ka mid ah qureysh ganacsatadeeda, waxay ku socdeen gobolka
Shaam. Markay soo gaadheeen magaalada Busraa ee hadda ah gobolka Xawran ee
dalka Suuriya, waxay odoyaashii reer qureesheed ee ganacsatada ahaa hal-mar
ku qamaameen goobihii gacansiga, si ay u iibsadaan bicsharadii ay wadeen,
isla markaasna ay u iibsadaan kuwo kale. Inkastoo Dhalxata uu xilligaas
ahaa wiil dhalinyaro ah oo aan lahayn khibradda ay leeyihiin odayaashaas
qureesheed, haddana wuxuu lahaa caqli badni, fahmo, xeelad iyo karti uu
kula tartami karayeen ganacsatadaas.
Goor uu Dhalxata marna uu subixii ku soo kallahayo, galabtiina uu ka soo
laabanayo suuqii weynaa Busraa ee ay ku soo qulqulayeen ganacsatadii ka
kala yimid meel kasta ayaa waxaa qabsatay dhacdo wax weyn ka beddeshay
nolol maalmeedkiisa idilkeed. Bal aynu Dhalxata u dhaafno si uu noogu
dhammeystiro sheekadiisa xiisaha badan, wuxuuna yidhi Dhalxata:
Mar aanu joogno suuqa Busraa ayaa waxaa nagu soo baxay wadaad kiristaan ah
oo dadka ka dhex dhawaaqaya, isagoo leh “ganacsatooy, waxaa dadka
weydiisaan in dadkani ay ku jiraan qof reer Makka ah”. Markaas uu sidaas
leeyahay, kama aanan fogeyn wadaadka, durbadiiba isaga ayaan u degdegay
waxaana ku idhi: “haa, oo annigaa ka imid Makka”. Wuxuu i weydiiyay in la
soo saaray Axmad, markaasaan ku idhi: “waa kuma Axmad?!”. Wuxuu igu yidhi
waa inankii Cabdillaahi Binu Cabdilmudhalib, wuxuuna intaa ii raaciyay
“bishan waa bishii la soo saarayay, waa nebigii ugu danbeeyay nebiyada,
waxaa laga soo saari doonaa dhulkiina Xaramka (makka), wuxuuna u hijroon/guuri
doonaa dhul leh dhagxaan mad-madow, geed-timireed iyo caro-seel ay ku
badan tahay cusbada.., yaanan lagaaga hormarin ninkaas wiilyahow”. Wuxuu
yidhi Dhalxata, hadalkii ninka waxay ku dhacday laabtayda, waxaana ku
degdegay awrkaygii, gaadiidkayga ayaan xidhxidhay sidiina ay ugu kicitimay
magaallada Makka.
Raadka uu islaamka ku leeyahay akhlaaqda suubban.
Markaan imid magaaladii, waxaan reerkayga weydiiyay su’aashan: “ma wax
dhacdo ah ayaa ka dhacay Makka dabaday?”. Waxay yidhaahdeen haa, oo waxaa
istaagay Muxammad Binu Cabdillaahi oo sheeganaya nebinnimo, waxaana raacay
oo rumeeyay ina Abii Qaxaafa (waxay ka wadaan Abuubakar). Dhalxata wuxuu
yidhi, horey ayaan u garanayay Abuubakar, wuxuu ahaa nin dabacsan oo
dulqaad badan ayna dadka jecel yihiin, wuxuu ahaa ganacsato leh toosnaan
iyo dabci wanaagsan. Waxaynu ahayn kuwii weheshada fadhiyadiisa, aad ayaan
u jeclaan jirnay, waayo wuxuu aad ugu xeel dheeraa wararka ku saabsan
Qureysh iyo abtirsigeeda. Waxaan markiiba tagay Abuubakar, waxaana ku idhi,
ma run baa waxa la leeyahay ee ah inuu Muxammad Binu Cabdillaahi sheegtay
nebinnimo, adigana aad raacday?!. Wuxuu yidhi haa, kadibna wuxuu billaabay
inuu iiga sheekeeyo nebiga sheekadiisa, dhinaca kalena i jeclaysiiyo inaan
soo islaamo, annigana xaggeyga waxaan uga sheekeeyay sheekadii ninkii
wadaadka ahaa. Aad ayuu Abuubakar ula yaabay sheekadii markuu maqlay,
wuuna jeclaystay, wuxuuna igu yidhi: “bal inoo-kaxeey Muxammad si aad uga
sheekaysid warkan, adigana aad ka maqashid wuxuu ku leeyahay, si aad
markaas u soo gashid diintii Alle.
Dhalxata wuxuu yidhi, waxaan anniga iyo Abuubakar tagnay Muxammad, wuxuu
ii soo bandhigay diinta Islaamka, isagoo igu dul-aqriyay qaar ka mid ah
suuradaha qur’aanka, wuxuu kaloo iigu bishaareeyay labada kheyrood ee
adduunyada iyo aakhirada. Laabtayda wuxuu Alle u waasiciyay diinta
Islaamka, waxaana uga sheekeeyay sheekadii ninkii wadaadka ii sheegay,
farxad aad u weyn oo wejigiisa ka muuqday ayuu nebiga farxay kadib markii
uu maqlay, dabadeedna waxaan hortiisa ka qiray inuusan jirin Alle xaq lagu
caabudo aan ka ahayn Allaha xaqa ah, Muxammadna inuu yahay Rasuulkii Alle.
Waxaan galay lambarka afaraad ee ku soo islaama gacanta Abuubakar.
Saddaxda kale ee gacanta Abuubakar ku soo islaamay waxay kala ahaayeen
Sacad Binu Abii Waqaas, Cusmaan Binu Abii Caffaan iyo Zubeyr Binu Al-cawwaam.
Dhibaatooyinkii uu islaamkiisa kala kulmay.
Islaamiddii Dhalxata waxay naxdin iyo walbahaar weyn ku reebtay reerkiisii
uu ka dhashay, haba ugu darnaatee hooyadiis. Maxaa yeelay, waxay ku rajo
weynayd inuu Dhalxata hoggaamin doono tolkiisa, astaamaha wanaagga badan
ee uu leeyahay awgeed. Waxay tolkiisa in badan isku dayeen inay ka
weeciyaan diinta Islaamka, hase ahaatee waxay si dhab ah u ogaadeen inuu
iimaankiisa sugan yahay aadna u xeel dheer yahay, ayna marnaba dhici karin
inuu ka laabto diinta Islaamka. Markay tolkiisa kala quusteen inay si
hadal leh ugu qanciyaan inuu diinta islaamka uga laabto, waxay billaabeen
inay cuskadaan jidhdil iyo ciqaab.
Waxaa sheekeeyay Mascuud Binu Kharaash wuxuuna yidhi: Mar aan socdo Safa
iyo Marwa dhexdooda, ayaa waxaan la kulmay dad fara badan oo eryanaya wiil
labadiisa gacmood lagu xidh-xidhay qoortiisa, dadku waxay daba socdeen
wiilkaas, iyagoo turaan-turinaya kana garaacaya wiilka madaxiisa. Waxaa
iyadana xagga danbe socotay islaan waayeel ah, iyadu ma gaadho wiilka inay
garaacdo, hase ahaatee waxay caayaysay, kuna qaylinaysay wiilka. Waxaan
dadkii weydiiyay arrinka wiilka haysta, waxayna igu yidhaahdeen waa
Dhalxata Binu Cubeydillaah oo ka laabtay diintiisa, wuxuuna raacay diintii
Muxammad Binu Cabdillaahi. Waxaan kaloo dadkii weydiiyay waxa ay tahay
islaantii waayeelka ahayd ee wiilka daba socotay ee iyadu caayaysay wiilka,
waxayna igu yidhaahdeen waa Sacba’ Bintu Al-xadrami, waana wiilka
hooyadiis.
Labadii la isku xidhiidhiyey.
Intaa kadib Nawfal Binu Khuweylid ee lagu naanaysi jiray libaaxii
qureesheed ayaa wuxuu aaday xaggii Dhalxata Binu Cubeydillaahi, wuxuu ku
xidhxidhay xadhig, xarigii ayuu haddana kula xidhay Abuubakar, dabadeedna
wuxuu u dhiibay dadkii wax ma garatada ahaa ee degganaa magaallada Makka,
si ay u xanuujiyaan, una ciqaabaan ciqaab daran.
Sidaa darteed waxaa Dhalxata iyo Abuubakar As-siddiiq loogu yeedhi jiray
labadii-la-sku-xidhiidhiyey. Waxay maalmuhu socdaan, dhacdooyinkana ay is
daba-raacayaan, Dhalxata Binu Cubeydillaahina uu maalmahaas ka
siyaadsanayo dhammeystiran, wacdarihiisa waddada Alle iyo waddada Rasuulka
(scw) uu sii weynaanayo, dhinaca kalena samafalkiisa islaamka iyo
muslimiintana ay sii kobcayso siina fidayso ilaa maalintii danbe ay
muslimiinta ugu naaneysaan shahiidkii haddana noolaa, taasoo loola jeedo
saxaabigii Jidka Alle ku dhintay, haddana dunida guudkeeda saaran oo nool.
Rasuulkana (scw) wuxuu Dhalxata ugu yeeray magacyadan Dhalxihii kheyrka
badnaa, Dhalxihii deeqsiga badnaa, Dhalxihii kheyrka la burqanayay,
dhammaantoodna mid kasta waxay leedahay sheeko aan tan kale ka xiiso
yareyn.
Maxaa loogu bixiyay shahiidkii haddana noolaa?
Aynu ku hor marnee sheekada la xidhiirta sababta loogu naaneysay
shahiidkii haddana noolaa, waxay ahayd maalintii daggaalka Uxud, markii ay
muslimiinta ka carareen Rasuulka (scw), ayna markaasna Rasuulka (scw) ku
harin oo keliya waxaan ka ahayn 11 qof oo ansaar ah, iyo Dhalxata Binu
cubeydillaahi oo ka mid ahaa muhaajiriinta.
Rasuulka (scw) wuxuu fananayay ama korayay buurta isaga iyo intii la
socotayba, iyadoo ay sii korayaan buurta ayaa waxaa ku soo baxay oo soo
gaadhay koox ka mid ah ciidamadii gaalada oo doonaya inay dilaan Nebiga (scw).
Markii uu Rasuulka (scw) arkay gaaladii ayaa wuxuu saxaabadii ku yidhi:
“yaa naga caabbinaya kuwan oo noqonaya saaxiibkayga Jannada”. Dhalxata
ayaa durbadiiba yidhi “ anniga, Rasuulkii Allow”. Rasuulka (scw) ayaa ku
yidhi “maya, adiga meeshaada iska joog”. Nin ka mid ah ansaarta ayaa yidhi
“waa anniga qofkaas Rasuulkii Allow”. Rasuulka (scw) ayaa yidhi “haye, waa
adiga”. Ninkii saxaabiga ee ansaariga ahaa wuu dagaalamay jeer markii
danbe laga dilay. Haddana Rasuulka (scw) iyo asxaabtii kale waxay markale
sii fanteen buurtii, gaaladiina haddana way ku soo baxeen. Markale ayuu
Rasuulka (scw) yidhi “war ayaa nin u ah kuwani?!”. Dhalxata ayaa misna
yidhi anniga Rasuulkii Allow. Rasuulka (scw) wuxuu ku yidhi: “maya, adiga
meeshaada iska joog”. Nin ka mid ah ansaarta ayaa haddana yidhi anniga
Rasuulkii Allow. Rasuulka (scw) ayaa ku yidhi “haa, waa adiga”. Intaa
dabadeed ninkii ayaa la dagaalamay gaaladii jeer ay markii danbe isna ka
dilaan. Haddana Rasuulka (scw) wuxuu sii koray buurta, gaaladiina way soo
raaceen, kama uusan suulin Rasuulka (scw) inuu ku celcelinayo hadalkiisii
hore, Dhalxana uu leeyahay anniga Rasuulkii Allow, Rasuulkuna uu leeyahay
maya, uu saxaabi kale u fasaxayo inuu caabbiyo gaaladaas jeer ay 11-kii
ansaarta ay dhammaantood halkaas ku shahiidaan. Waxaa Rasuulka (scw)
weheliyay oo keliya Dhalxata, gaaladii ayaa haddana markale soo haleelay
Nebiga.
Dhaawacii Rasuulka (scw) ka soo gaadhay dagaalkii Uxud.
Rasuulka (scw) ayaa wuxuu Dhalxata ku yidhi: “hadda haa”. Rasuulka (scw)
waxaa dagaalka ka soo aaray dhaawacyo. Waxaa la jabiyay dhooshiisa hoose,
wejigana waxaa ka soo gaadhay dakhar, sidoo kalena dabintiisa hoosena
waxaa soo gaadhay dhaawac, dhiig badan ayaa ka soo daatay wejigiisa
sharafta badan, daal iyo tacab aad u daranna maalintaas wuu hareereeyay
jidhkii suubbanaha Nebiga (scw). Dhalxata wuxuu guda-galay inuu
rogaal-celin ku sameeyo gaaladii si uu uga fogeeyo Rasuulka (scw), wuxuuna
intaa kadib u soo laabanayay Rasuulka (scw) si uu u saaro xagga sare ee
buurta, markale ayuu haddana gaaladii u soo laabanayay, sidaas ayuu
sameenayay jeer uu markii danbe gaaladii ka fogeeyo.
Dagaalkii Uxud waxay ahayd maalintii Dhalxata.
Abuubakar As-siddiiq Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu yidhi: “waqtigaas
iyada ah anniga iyo Abuu Cubeyda Binu Al-jarraax waxaan ahayn kuwo ka fog
Rasuulka (scw), markii aan u nimid si aynu u daawayno wuxuu Rasuulka (scw)
nagu yidhi anniga iga taga, oo waxaad aaddaan saaxiibkiina”, wuxuu ka
waday Dhalxata. Haddaan u nimid Dhalxata, waxaan aragnay isagoo dhiig
baxaya, jidhkiisana waxaa ku yiilay dhowr iyo toddabaatan dhaawac ama seef
ah ama waran ama leeb lagu soo ganay ah. Waxaan kaloo aragnay isagoo
gacantiisiina qaybta horena la gooyay, kuna dhacay meel god ah isagoo
suuxsan. Sidaa darteed ayuu Rasuulka (scw) u odhan jiray wixii intaa ka
danbeeyay “ruuxii jecel inuu arko nin dunida dusheeda socda, isla
markaasna dhintay ha eego Dhalxata Binu Cubeydillaah”. Abuubakar As-siddiiq
Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu ahaa markii la xuso daggaalkii Uxud kii
yiraahda “waa maalintii Dhalxata”. Intaas waa sheekada la xidhiidha
sababta loogu naaneysay shahiidkii haddana noolaa.
Maxaa loogu bixiyay Dhalxihii kheyrka badnaa.
Haddaba, haddaan milicsano sheekadiisa la xidhiidha sababta loogu
naaneysay Dhalxihii kheyrka badnaa iyo Dhalxihii deeqsiga badnaa, waxaa
hubaal ah inay iyadana leedahay boqolaal sheeko. Dhalxata wuxuu ahaa
ganacsade leh hanti fara badan. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa
magaallada Xadramuut uga timid lacag gaadhaysa 700 000 dirham. Wuxuu
habeenkaas Dhalxata seexday isagoo walbahaarsan, aadna u murugaysan. Waxaa
u soo gashay afadiisa Ummu Kalthuum Bintu Abiibakar As-siddiiq, waxay
aragtay inuu aad u murugaysan yahay, waxayna ku tidhi: “maxaa kugu dhacay
Abii Maxammad?!!, ma wax dhibaato ah ayaa xaggayaga kaaga timid!”.
Dhalxata wuxuu afadiisa ku yidhi: “maya, adigu waxaad tahay afo tan ugu
wanaagsan, hase ahaatee ilaa iyo xaley waan fekerayay oo waxaan naftayda
ku lahaa muxuu yahay malaha nin Rabbigiisa hadduu seexdo iyadoo ay
gurigiisa taalo lacagtaas”. Waxay tidhi, maxaa ku walbahaarinayo!?, aaway
dadkii tolkaaga ahaa ee masaakiinta ahaa, markaad waabiriyaysato u qaybi
maalka. Dhalxata wuxuu aad u jeclaystay hadalkii ay ku tidhi xaaskiisa,
wuxuuna ku yidhi “Allaha kuu naxariisto, waxaad tahay qof uu Alle (sw)
waafajiyay towfiiqda, sidoo kale aabahaa”.
Markuu waagu baryay Dhalxata wuxuu lacagtii ku guray qariirado kala duwan,
dabadeedna wuxuu u qaybiyay masaakiinta reer ansaar iyo muhaajidhiin.
Dhalxata wuxuu ahaa deeqsi u roon masaakiinta, waxay weydiistaan oo dhan
wuu siin jiray. Waxaa la sheegaa sidoo kale inuu maalin maalmaha ka mid ah
uu Dhalxata u yimid nin doonaya in wax la taro, dabadeedna wuxuu u sheegay
inuu jiro dhul qiimihiisa gaadhaya 300 000 kun oo dirham, wuxuu
dooransiiyay inuu dhulka qaato, ama uu qiimihiis qaato, hase ahaatee wuxuu
ninkii doortay inuu qaato lacagtii, wuuna siiyay, maxaa yeelay wuxuu
arkayay ajarka iyo xasanaadka Alle agtiisa uu ka rajeynayo inuu kumanaan
jeer ka weyn yahay hantidan. Ilaahay ha ka raalli noqdo Dhalxihii kheyrka
iyo deeqsiga badna, mujaahidka ahaa, qabrigiisana Allaha u iftiimayo.
Intaasina waxaa ku dhammaatay sheekadii saxaabigii jaliilka ahaa ee
Dhalxata binu Cubeydillaah
Top
ODHAAHDA AKHRISTAHA, Maqaal Furan. |
Inagoo xasuusan marxaladahii adkaa ee aynu soo dhaafnay
iyo xilkaskii shacbiga Somaliland tusay dadwaynaha aduunyada in Somaliland
tahay dal aduunyada la qaybsankaraaya demoqraadinimada, waxaanu ku
kalsoonahay in shacbiga Somaliland codkooda u dhiiban donaan ayagoo ka
fikaraaya aayahooda dambe, iyo nabadgelyada, islamarkaana aanay ka aqbalin
qof khal-khaliya nabadday haystaan. Waxa kaloo aanu ku kalsoonahay guusha
iyo nabada ay soo gaadhsiisay dawlada Somaliland halgankii dadwaynuhu u
soo maray nabadgelyada iyo demoqraadiyada ay Somaliland haysato maanta.
Markaa waxaanu shaki ka jirin in dawlada Somaliland iyo xisbiyada
mucaaridku inay nabada iyo danta dadweynaha wax walba ka hormariyaan.Guul
Somaliland. Mahadna Allah Leh.
Vice Chair, Sahra Huseen, Somaliland European Women.
Top
Ninkii Xadhig Suuryeeyow Waxa Socota Taariikh. |
Doorashadii madaxtinimada ee Somaliland ka dhacday
Isniintii toddobaadkan waxay runtii ahayd dhacdo taariikhiya, isla
markaana qiime weyn ugu fadhida mustaqbalka siyaasadeed, iyadoo sida la
ogyahay ay doorashadaasi u dhacday si nabadgelyo ah, isla markaana ay
dadka reer Somaliland codkooda u dhiibteen si ay dheehan tahay bisayl iyo
rabitaan wadaninimo. Waxaanse odhan karaa xisbiga UDUB iyo xukuumadda is
huwani ma leexleex iyo qalqaloocis yarayn, iyadoo ay hatigaadda iyo iyo
falalka cabsi gelinta ahaa ee dhacay inta badan ka imanayeen dhinaca
wasiirka daakhiliga, isaga oo mar walba lka baqayey in doorashada lagaga
guulaysto xisbiga uu ka tirsan yahay, taas oo la rumaysan yahay inuu
wasiirka daakhiligu waxaas oo qas iyo walaaq ah u samaynayey sidii uu
codad aan sharci ahayn oo badan ugu heli lahaa xisbiga uu ka tirsan yahay
ee UDUB, iyadoo la isticmaalayo awooddii iyo hantidii Qaranka, waxayse
hadda u muuqataa inuu xisbiga UDUB ku guul daraystay inuu soo baxo.
Sidaa awgeed xisbiga UDUB iyo wasiirka daakhiliga oo u muuqda niman u
qaadan la’ in laga guulaystay waxaan kula talin lahaa in hadii laga
guulaystay ay si sharaf leh ugu haniyeeyaan xisbiga guushu raacday, isla
markaana aanay dalka qas iyo rabash gelin, waayo qaranimad Somaliland
qiimo iyo doorashada dhacday qiimo weyn oo naf iyo maalba leh ayey ku
fadhiyaan.
Ugu dambayn hadalkayga waxaan ku soo koobayaa tixdan gabayga ah, “Siddaha
caarrada xuubka caarada wa’kaa erigii sudhane, sibqataye ninkii daadiyow
kaama saamixin, ninkii xadhig suryeeyow waxa socota taariikhe”.
C/casiis Aadan Habane, Hargeysa.
Top
Doorashadu Waa Caalamadii Helitaanka Ictiraafka. |
waa boqolaal shaanbadood oo isdaba yaal qaata oo meel
walba la gala soo hooya guusha waa dalkeenii taariikhduu baal dahab ah ka
galay maanta. waxaan hambalyo iyo bogaadin u soo diraynaa aniga oo ku
hadlaya magaca Hay'adda Maalgalinta iyo Horumarinta "Kalkaal" Shacbiga
reer Somaliland ee suurto galiyey inay ku doortaan madaxweynaha iyo
madaxweyne ku xigeenka si nabad iyo xilkasnimo leh waa cawo iyo ayaan meel
walba oo aanu ka joogno adduunka maanta waxay tani noo horseedaysaa in
ictiraafka Somaliland aanu muran gali karin in badan ayaan ilaahay ka
barinay inay tani maalin uun dhacdo.
Dawladaha ka taliya siyaasadda adduunku maanta dhagta kaliya ee ay wax ku
maqlaan waa dimuqraadiyad ayaa halkaas laga heleyaa iyo natusa aan idin
aragnee. Waxaynu soo marnay jid dheer oo dhibaato iyo qaxar badan lagala
soo kulmay dagaalo ba'an oo kumanaan ku geeriyoodeen. Uma ciil qabo dagaal
yahankii SNM geesigii shahiiday shalayto oo maanta ayaa la gaadhay
maalintii uu madaxa ku hayey ilaahay naxariistii janno haka waraabiyee.
Somaliland ayaa maanta wargaysyada adduunku ku qoreen bogga ugu horreeya
doorashada ka dhacday iyo sida adduunku uga soo qayb galay. Radiyahana
warar laga sii daynayaa sida ay isu maamuleen.
Maalin qaali ah oo buugga baal Dahaba ka gashay ayay noqotay waxaana laga
helay shacbigan geesiga iyo gobnimada ku caanka noqday waa dad aan marnaba
ilaawi karayn waddada ay u soo mareen oo adduunku aad ula socdo xog
ogaalna ka yahay xaalkooda. Haddii aad dib imika u akhrido marka tan lagu
daro taariikhda Somaliland waa qiso amakaag iyo fajac badan oo ninka
akhriyaa ay la noqotay cajiib. taariikhdii lixdankii ka soo bilow ilaa iyo
maanta oo aynaan wali wanaag badan ilaahay meel inoo dhigay. Waa markii
saddexaad ee taariikhda ay inoo gashay wanaag iyo horu socod dhab ah ilaa
saddex sano gudahooda.
Waa aftidii gooni isu taagga Somaliland dadkeeduna ku Codaeeyey "Muqaddas".
Waa doorashooyinkii dawladaha hoose degaanka maamulka xorta ah.
Waa doorashda madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Somaliland.
Ilaahayna waa innagu gargaaray guul iyo nolol barwaaqo ku gaadha waa cawo
iyo ayaan wax intaa inoo dheer inaan ilaahay ugu mahad naqno.Haddaba
saddexda xisbi waxaa la gudboon in haddii natiijada lagu dhawaaqo aanay
boodh nagu kicin oo hadal mahadin iyo bogaadin leh mooyee dhaliilo cadawgu
ka faa'iidaysto ayna ka soo yeedhin marka laga guulaysto waa is gacan qaad
iyo wada shaqayn wacan dimuqraadiyada haddii buugeeda aad ku
dhaqmayso.waxaa hubaal ah inaad dawlad walba oo aan raadkooda raacaynaa
sidaa u dhaqanto maanta adiguna ku dayo.
Waddamada reer galbeedka ayaa wax la qaybsan doonaa waa kuwa ictiraafka
gacanta inoogu haya maanta. Somaliland ayaan ku faanayaa oo aan wax soo
saar lahayn la iib geeyo xooluhuna ka xidhnaayeen in la dhoofiyo afar
sannadood, dawlad macaawino siisa shisheeya iyo sokeeye midna jirin,
warshado ay isku taagtaana u dhisnayn ayaa maanta suurto galisay wax kasta
oo la lahaa ma suurto galayaan. Waxaa ay leeyihiin quwad aan cidna is
hortaagi karayn oo ah quwadda iimaanka.
Haddii aan mid idin xasuusiyo maanta oo aan wali hore u soo marin
taariikhda. Somaliland waa xisbiyadii oo dadkii u footaynayey ay Mabda'a
ku raaceen intooda badani oo dadka qabiil wax ku rabaa ku yaraadeen waanay
dhacday.waxaa loo kalajiidanayey dadka annagaa kuu hayna guul iyo
horimarine na soo raaca oo arka halka aanu idiin wadno barri iyo
ictiraafku halkuu yaal ayaan aqaane.Guryaha qaar baa loo qado imanayey
afar qof oo isku guri ah oo u kala ololaynaya saddexda xisbi oo muran
qadada lagu dhamaynayey. Waar halkaa ha inoo ahaato iyo car waa ninkeena
badiya. Fikrado iyo arrimo kaleba waa lagu kala duwanaan karaa oo qofku
xisbiga uu ayido ayuu raaci karaa, sannadihii ugu danbeeyey dalku maalinba
maalinta ka danbaysa wuu ka sii fiicnaanayaa. Qof waliba maanta talidiisa
wuu dhiiban karaa waxii horumar ahna Somaliland isaga ayey ka sugaysaa
waxaad tahay AMBASSADOR u maqan dadkiisa iyo dalkiisa.
Baarlamaanka waddanka aad deggan tahay ayaad ka suuq gaynaysaa inay maanta
aragtida adduunku ka haysatay Somaliland ay wax wayni iska bedeleen sidii
aad u qancin lahayd waa mid meel kuu taala. Dadkii subaxaa foodka sida
nabadda ah ugu footeeyey xilkoodii way guteen. Inaynu dhammaystirka
samayno ayaa inaga inala gudboon oo ay inaga sugayaan maanta. Buug yar oo
gaaban oo aad naftaada la kaashatay meel walba ka akhri oo u sheeg waxii
aan maanta la socon taariikhda Somaliland ee quruxda badan.Bilwogiisu waa
xorriyadii oo way macaanayd, waxaa ku xigay qadhaadh oo Somali ayaa damcay
inuu ku gumaysto, waxay ku danbaysay macaan aan kala go'ayn.
Oo inaad filim kii adduunka ugu fiicnaa gashay ayay dadku u arkayaan.
Waxaan ku soo xidhayaa hadalkaygii " Ceelna uma qodna Cid kalena uma Maqna".
Xilkii waxgaradkeena la gudboonaa way guteen inta hadhayna rag baa u nool
oo ay u taalaa, Cimi iyo lacagba ilaahay maanta dalkeena dad haystaa waa
ka buuxaan iyadaa Carabta iyo Yurub ka wanaagsan. sidaad in yar oo
horumarin ah ugu samayn lahayd ayaa lagaaga baahan yahay. Warshado iyo
Makiinado waxii aad keensan karto labadaba waa lagaaga baahan yahay. Sidii
ninkii qabiilka ka leexday ee mabda'iisa ku footeeyey u keen warshad kii
ka shaqayn lahaa uu yahay kii yaqaanay ee aanu noqon kii aad ilmaadeerka
ahaydeen ee barrito marka aad is qabataan aan garta reerka kuula
beegsan.Somaliland ha noolaato oo ha jirto waligeed. Guul iyo nolol
barwaaqo Allaha raxmaanka ahi haku gaadhsiiyo xaakin wacan oo horseeda
barwaaqo. Allaa mahad leh. Waxaa Qoray Maamulaha Hay'adda Maalgalinta iyo
Horumarinta Somaliland. " KALKAAL". Cabdinasir Maxamed Cabdilleh "
Walanwal".
Top
Ciidnay Oo Ka Daali Weynay. |
Mudo dheer ayaa lagu hawlanaa oo lasugayay Doorashooyinka
xalaasha ah Xanbaarsanna Macnaha weyn ee iftiinka u gudbinaya Umadda Reer
Somaliland, Waxaa marka hore Alxamdulilaahi ah sida nabad galyada ah ee ay
u dhaceen Doorashooyinkan taas oo u dhacday sidii la sugayay hadaba maanta
oo ay umadda Reer Somaliland Farxad ballaadhan huwanyihiin meel walba oo
ay joogaanba.
wakhtiyada is riixaya ayaa maantana inoo keenay in aynu doorano Madaxweyne
ku yimaada codka shacabka guushaa ballaadhan iyo amaanteeda waxaa iska leh
shacabka mustaqbalkooda Shookaanta u haya runtii doorashadani waxay
muujisay sida dadku isula jaanqaadayaan oo ay isula talaabsanayaan
wakhtiyada casirga ah ee lagu jirona ay u raadinayaan dimuqraadiyadii lagu
gaadhay waxaad sugtaba mar baad heshaa guusheeda, hadalaadaasi waa hadalo
ka soo yeedhay Gabadh Somaliland u dhalatay oo ila dagan Qurbaha hadalada
gabadhaasi waxaa ka mid ahaa waxaan haystaa oo qarsoon Pasporkii
Somaliland oon dooonayo in aan meel walba ku maro inshaallaahu, uqaadan
waa bay igu noqotay Jornaalada (wargaysyada) Finland Maanta markaan ku
arkay cinwaanadooda Doorashooyinka Somaliland iyo habsamida ay u dhacayso
waxay soo qaateen taariikhdii Somaliland iyo marxaladaha kala duwan ee ay
hadba ku sugnayd, waxaan ka maqnayn oo ay ku faraxsanaayeen in uu isu
taagay Murashaxa madaxweynaha Nin haystay Dhalasho finish ah isla markaana
uga tanaasulay si uu dalkiisa uga qaybgal doorashada, waxay ku soo qaateen
gabogabo in 3 murashax ee u taagan jagadu ay ka simanyihiin gooni isu
taaga Somaliland.
Runtii dadaal walba oo la raadiyo manaafacaadkiisa waa la helaa iligii
yaraan kaaga dhacana mid ka fiican baa kuu soo baxa marhadii hab qabaail
laga tagay oo loo gudbay hab dimuqraadi ictiraafkii waa daba socdaa taa
hala ogaado, waxba runtii maanta qorinkarimaayo farxad daraadeed.
Sadexdan murashax iyo ku xigeenadoodu farxad iyo waxay u tahay caawa ninku
halkuu hiigsado in uu gaadhaabuu jecelyahay se waxay kuwo waloo laga
badiyaa ku samridoonaan shacabkooda dahabka ah ee taageeray samrintooda
iyo guusha horumarka wadata ee Somaliland u gudubtay hadaba Ciidnay anagu
qurbe jooge iyo gudo joogeba hadaan cabiro dareenka aan dareemi karo oo
ahaa in aan ka jeclaan laha in aan codkayga dhiibto hadana waxaan ku
samray Somalilanderkasta oo codbixiyey xagaygiina iiga codeeyey.
Gabo gabo iyo mahadnaq Dhamaan shacbiga Somaliland , Gudida Doorashooyinka,
Asxaabta Qaranka, Ururuda Somaliland, Hayadaha madax banaan,
Goobjoogayaashii, Ciidankii nabadgalyada u heeganka ahaa,
Warbaahiyaayaasha u horeeyaan Haatuf, Jamhuuriya, Hadhwanaag iyo SNN,
intaba xagayga mahadnaq. Guul iyo gobonimo alloow noo siyaaadi. Aamiin,
Aamiin.
Cumar Cabdi Nuux, Calaydh2@hotmail.com, Helsinki, Finland.
Top
Miyaa La Ilaaway Tiyaatarka Hargeysa? |
Tan iyo intii dalka la soo galay waxa aad u dunsanaa
tiyaatarki Hargeysa, hadaba tiyaararka Hargeysa ceelna u ma qodna cidina
uma maqna, tiyaararkii Hargeysa oo ahaa tiyaatarkii ay ku soo caan baxeen
dhamaan fanaaniinta Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen, fanaaniinta imika
qurbaha joogta hadii aynu soo noqono tiyaararkii hore ee Hargeysa marka
aad aragto waad naxaysaa, diifta iyo burburka ka muuqda waxaa laga dhex
sameeyey, suuqliyo geerashyo iyowax sumcadii iyo karaamadii tiyaatara.
Dhamtaalayi intaa ka dib waqtiyaadii hore waxaa mudnaan iyo qadarin la
siin jiray fanaaniinta imika se aad bayi u dhibaataysan yihiin
fanaaniintii waayo dhaqaale lama siinyoku filan ma haystaan meel ay
riwaayado ama wixii ay u baahdaan ku qabsadaan hadaba fanaanimadii waxay
noqotay wax aan cidiba xiisayn, imika waad ogtihiin fanaanimadu qiimaha ay
leedahey ee ay ka leedahay, caalamka iyosida caalamka tooga fadar iyo
fanaanka waxaa jirta in imika ay jiraan fanaaniin da yar oo u baahan in la
gacan qabto oo la kaalmeeyo fanaaniintii hore imika way sii hawl qabayaan
markaa waxaa haboon in la dhiiri galiyo oo loo dhiso meel ay riwaayadaha
ku qabsadaan iyo wixii ay doonaan hadaba dawladu haku dadaasho sidi ay u
dhisi lahayd tiyaararka oo yaanay ilaawin dawladu hadii ay dhibta dhaqaale
ayaa ka soo gali lahaa tiyaararka intaa ka dib hayada kaliya ee imika la
odhan karo waxay yara kaalmaysaa fanaaniinta wasaarada hidaha iyo
dalxiiska hadii aynu u soo noqono tiyaatarka Hargeysa oo ahaa tiyaatar aad
u qurux badan hadii aad imika aragto jidhiidhico ayaa ku qabanaysa, waxaa
iyana aan xasuusan meeshii ay ku caan baxaan fanaaniinta waabari oo intii
dhimatay mooyee ay intii kale dibada jiraan waxaa ku filnaan lahayd
riwaayad ay qabtaan oo ay ku caawiyaan dhismaha tiyaatarka Hargeysa,
waxaan u soo jeedinayaa dawlada iy shicibka in lagu dadaalo sidi loo dhisi
lahaa tiyaatarka, ceelna uma qodna cidina uma maqna.
Siciid Axmed Ismaaciil (Ango),Hargeysa, Somaliland.
Top
Garta Dhaqanka Iyo Xeerarka Soomaalida, Waxa Qoray : Cabdi Caara-Dhuub
Q :23aad. |
Xeerarka: Guud ahaan Somalidu ama gaar ahaan dadka reer
Somaliland waxay leeyihiin xeerar dhaqan oo ay ku kala baxaan marka ay
arimo dhexmaraan, arimahaas oo la xidhiidha mucaamilka nolosha hadii ay
tahay marka ay dhibaatooyin dhexmaraan iyo hadii ay tahay marka ay arimo
dhaqan dhexmaraan.
Xeerarka dhaqanka waxa wax ku hogaamiya ama dabakha hogaamiyayaasha
dhaqanka, sida, Caaqilka, Suldaanka, garaadka, boqorka IWM iyo sidoo kale
odayaasha beelaha hogaamiya ama u taliya.
Laba beelood iyo ka badan oo ku dhaqan isku degaan ama degaamo isku
xig-xiga waxa had iyo goor ka dhexeeya xeerar ay ku wada macaamilaan,
kuwaas oo ay ku kala baxaan marka ay arimo dhexmaraan, sida dilal, xoolo
la kala qaado, dumar la faraxumeeyo IWM. Sidoo kale reer ama qabiilka
dhexdiisu waxa uu leeyahay xeer hoosaad ay isku maamulaan ama ku
macaamilaan dhexdooda. Laakiin hadii aanay jirin cid dhigataa xeer iskama
samaymo, waayo waa inay jirtaa cid mucaamil dhexmaray ama dhibaato kala
gaadhay, ka dibna sidii ay arinta ama arimaha dhexmaray ugu kala baxaan
ama u xalilaan ayay yidhaahdaan sidaas ayaa inoo xeer ah. Laakiin xeerka
qabiilku dhexdiisa mar waa xanaan, marna waa la isku anshax mariyaa hadii
uu qof reerka ka mid ahi qalad galo, iyadoo uu xeerku noqon karo xeersan
ama xeer qalafsan oo aan xanaan lahayn, isla markaana qofkasta oo beesha
ka mid ahi waxa uu xeerka ku leeyahay xuquuq iyo waajibaad , sida Hiil,
Qaadhaan, Mag laga bixiyo isna uu wax ka bixiyo, gaadiidka (Awrta) oo la
kala gaadiid ceshado, Kaalo la isa siiyo IWM.
Xanaanku waxa weeye waxyaalaha la is taro, sida abaalgud, ina la isu
baadi-celiyo, inaan dumarka la kala faraxumayn, isla markaana aan la isu
dhaafin qofta dumar ah ee la qabo ama gabadha doonan, qofta dumar ah ee
marka laga dhinto aan dumaasheedda ninka leh loo dhaafin oo aanu nin kale
guursan, inaan la isku samayn waxyaalo meel ka dhac ah, sida dhirbaaxo,
cay, xabbad la isku rido IWM., balse hadii ay waxyaalahaasi dhacaan oo
aanay labada qolo ama labada dhinac ee ay kala gaadhay aanay markiiba
dhamaysan ama la isaga dulqaaddan, waxa dhacaysa in marka qofka wax loo
tirinayo la gole keeno ee wax lagu cadaysto waxa jira xeer ciqaabeed la
mariyo qof, sida xaal lagu xukumo, iyadoo uu xaalku yahay xoolo qofka wax
trisanaya lagu dhaahiyo ama wixii uu trisanayey lagaga bogsiiyo. Waxa kale
oo uu xaalku noqdaa gabadh la siiyo qofka wax tirsaday.
Qof Jid leh: Waxa jira wax dadka iskaga darsama ama iskaga qaldama, taas
oo ah garta iyo dawga, masalan waxa jirta odhaah tidhaahda “Waa gar, dawse
ma aha”, sidaa darteed hadii aynu waxoogaa ka iftiimino waxa ay kala
yihiin garta iyo dawgu waa sidan:
Waxyaalaha jidka ah waxa ka mid ah in qofka muduciga ah (Dhibanaha) marka
loo garqaadayo wax kasta mudnaanta la siiyo sida: Maxaa laguu geystay, ma
samraysaa iyo inuu hadalka ku horeeyo, oogista markhaatiga ku horeeyo,
xiliga uu garta u diyaar yahay isaga (Muduciga) la hor waydiiyo IWM, sidaa
awgeed waxyaalahan oo kale waa waxyaalaha uu qofku jidka u leeyahay.
Ta kale marka wax la isku qabsado qofka wax lagu qabsadaa oo masalan neef
xoolo ah lagu qabsadaa waxa kula garnaqsan kara qof leh aniga ayuu
neefkaasi ii dhashay oo askunkiisa lahaa mooyee aanu kugula agrnaqsan
karin nin leh waxaas ama neefkaasi cid kale ayuu iga soo galay, sida kaalo
ayaa la ii siiyey, yarrad baa la ii siiyey, muquunno ayaa la ii siiyey IWM,
masalan waxaad maqlaysaa nin tulud geel ah iibsanaya ama dhul iibsanaya oo
leh hashaa ama dhulkaa hadii la igu qabsado adigaa hadhow ii hadal tirayaa
ma dhicinaya, markaa hadii lagugu qabsado aduun cid kale kaa soo galay
jidku waxa weeye cidii ay kaa soo galeen ii gee ama cidii ay iga soo
galeen ayaan kuu gaynayaa.
Waxa kale oo jid ah inaad gartaada cid u igmato ama qarreen qabsato waa
jid , inaad ambiil qaadataana waa jid, sidoo kale inaad maganta, maatada
aad masuulka ka tahay ama qofka aan caqligiisu dhamayn inaad xaqooda baadi
doontaa waa jid.
La soco cadadka dambe.
Top
JILBO-DHIIG, Qiso jacayl ah, waxaa qoray Xasan Faarax Maxamed; waxaa
tifaftiray A. Ducaale : 23aad. |
Biixi iyo Saynab way aqal galeen, waxaana u dhacay aroos
wanaagsan oo intii itaalkiis ah aad loogu mashraxaday, loogana tumay, isla
markaana maalinimadii casuumad iyo qadooyin wanaagsan lagu sameeyey,
laakiin cuntadii la sameeyey waxa ku jiray cubto badeed, taas oo ay
dhalinyarada arooska ka soo qayb gashay qaarkood, gaar ahaan wiil ay Biixi
ay saaxiib ahaayeen xiisaynayeen cuntada badda, sidaa darteed xabbad
kaluun ah ayaa meesha lagu qalay, laakiin arinta yaabka leh ee dhacday
waxay noqotay markii kaluunkaa calooshiisa laga helay fargalkii Biixi kaga
lumay badda dhexdeeda, taasina waxay noqotay arin yaab ku noqday dadkii
arooska ka soo qayb galay oo dhan, ka dibna Biixi fargalkii waxa uu dib u
yara xusuusiyey jacaylkii Xayaad iyo waayo-waayo. Laakiin aad uguma
mashquulin ee waxa uu iskaga mashquulay hawlihii arooskiisa, wuuna arooos
ka baxay, wuxuuna noqday meel yaal, isaga oo galay nolol cusub, ka baxay
noloshii iskaabulada ahayd.
Gabadhii Xayaad waxa ku raagay walaac iyo bugto badan oo nafsaaniya,
waxayna taasi nafteeda u gaysatay diif iyo darxumo badan, wejigeedii
labeenta lahaa ayaa madoobaaday oo noqday mid ay ishu ka soo boodayso,
halka berigii hore isha lala sii raaci jiray dhalaalka wejigeeda, laakiin
waxay qaxootinimo ku gashay dalka Ingiriiska, iyadoo aanu qofkii hore u
yiqiinay garanayn oo suuradeedu is bedeshay.
Xayaad waxay u ekaatay qof uu nabsi jaajaan-may oo uu bustaha dul-dhigtay,
iyada lafteeduna uma dareen la’ inuu nabsi hayo, isla markaana ay meesha
laga raacay tahay Biixi iyo sidii ay ula dhaqantay. Biixi waxay gabadhii
Saynab dalka Yamen ugu dhashay wiil, wuxuuna u bixiyey Deeq, waayo wuu
deeqay, wuxuuna dareenkiisa ka masaxay qulub iyo werwer naftiisa diif ku
reebay, laakiin markii ay muddo ku liibaaneen halkaa waxay reer Biixi
galay hindise dhoof, waxayna qal-qaalo u galeen sidii ay Ingiriiska u geli
lahaayeen, taasina way u suurta gashay, dabadeedna markii ay hawhii
dhoofku u soo dhamaatay ee ay diyaar garoobeen ayey Biixi iyo xaaskiisii
Saynab waxay sameeyeen xaflad la xidhiidha ambabaxooda, taas oo ay ka soo
qayb galeen asxaabtoodii, waxayna xafladaasi noqotay munaasabad balaadhan
oo la isku arkay, isla markaana shacni iyo farxad badani ka muuqatay,
habeenkaasina waxa uu noqday habeenkii isa sagootiska reer Biixi iyo
asxaabtooda, balse subaxnimadii ayey Biixi, xaaskiisii Saynab iyo
wiilkoodii yaraa ee Deeq ka duuleen madaarka diyaaradaha ee magaalada
Sanca, waxayna tageen magaalada London ee dalka Ingiriiska, laakiin Biixi
hadii uu dalka Ingiriiska cagaha dhigo waxa uu filayey isbedel ku samayn
doono noloshiisa, isla markaana waayo-aragnimada uu u lahaa nolosha adag
ayaa u saamaxaysay inuu degi karo dal shisheeye.
Biixi xaaskiisa Saynab waxay runtii noqotay qof wax garad ah, sidoo kale
waxay noqotay marwo aanu kartideeda iyo maamulkeeda dumarnimona aanu wax
saluug ah ka dareemin, sidoo kale Xayaad lafteedu raalinimo iyo kalsooni
badan ayey ku qabtay saygeeda.
Reer Biixi waxa lagu qaabilay qaxootinimo, sidaa darteed inkasta oo aanay
weli si fiican ula qabsan xaaladda nolosha qurbaha, hadana meel ayey
degeen, xaaladooduna way iska caadi. Laakiin markii ay muddo joogeen ayuu
Biixi shaqo raadis bilaabay, wuxuuna aakhirkii helay shaqo waxoogaa
mushahar ah leh, ka dibna reer Biixi way la qabsadeen noloshii qurbaha.
Xayaad magaalada London ayey dhinaca kale kaga jirtaa oo qay qaxooti ku
tahay. Waxa kale oo magaalada London jooga nin la yidhaahdo Axmed oo ay
Biixi macruuf ahaayeen, isla markaana Axmed waxay ilmaabti yihiin Xayaad,
waqtigaana Xayaad iyo Axmed isku guri ayey ku jiraan.
Sidaa awgeed Biixi iyo Axmed maadaama ay horena isu yiqiineen, iminkana
isugu yimaadeen meel qurbe ah macruufadoodii way sii korodhay, isla
markaana Axmed laftiisu meel yar ayuu ka shaqayn jiray, sidaa awgeed Biixi
iyo Axmed maalmaha ay shaqada fasaxa ka yihiin ayey is raaci jireen oo ay
magaalada u tamashla tegi jireen, laakiin Axmed mar qudha Biixi uma
sheegin inay Xayaad magaalada joogto, balse maalintii dambe ayey Biixi iyo
Axmed oo wada socdaa soo galeen gurigii ay Xayaad wax ka deganayd, waxaana
guriga ku soo dhoweeyey hablo kale oo ay xayaad saaxiib iyo ehel-ba
ahaayeen gurigana la deganaa, dabadeedna meel si fiican loo goglay ayaa la
fadhiisiyey, halkaas oo ay badhida dhigeen, laakiin Xayaad inkasta oo
aanay gabdhaha shaqaynaya ka mid ahayn oo shaqada laga nasiyey, hadana
goor dambe ayey raggii meesha fadhiyey il-qoodha ka eegtay, ka dibna waxay
isha ku qacsiisay wiilkii Biixi oo meesha fadhiya, dabadeedna gabadhii
Xayaad markii ay si fiican uga il-sugatay inuu Biixi yahay ayey xusuustu
horkeentay waayo-waayo iyo wixii ay isla soo mareen iyada iyo Biixi,
taasina waxay noqotay xusuus dareenkeeda si weyn u damaqday, sidaa
darteedna ilmo buur-buurran ayaa indhaheeda ka soo dareertay, balse
maradeeda ayey kolba isku masaxdaa.
Xayaad waxay xusuusatay sidii uu Biixi maalmo badan ugu dul-meehanaabay
iyo sidii ay jacaylkii uu la madluubay albaabada ugu xidhay, sidoo kale
waxa xusuusteeda ku soo dhacay sidii uu ugu han weynaa iyo sidii ay uga
mashiiqsatay ee isaga han weynaysiisay, una shuqayaraysatay weedhihiisii
deb-debecsanaa.
Xayaad waxa maalintaa ku kacay ladh nafsadeeda si weyn u damqay, waxaanay
ilowsanayn sidii ay Biixi ugaga masuugtay baahidii jacayl ee ula yimi iyo
sidii ay xeedho iyo fandhaal uga kala tuurtay markii uu intii itaalkiisa
ah u soo xamaam urursaday inuu aroosto, balse ay tidhi “Maanigaa noocaagaa
nin mooda” ee ay dhabarka u sii jeedisay, inyarna u jidh nixi wayday.
Biixi markii uu cabaar fadhiyey ayey markii dambe isaga iyo dhawr wiil oo
kale kaakaceen, iyaga oo doonaya inay baxaan.
La soco cadadka dambe.
Top
|