Come and celebrate Somaliland culture in Los Angeles
Boorama: Koox Dhallinyaro Ah Oo Tababar
Loo Xidhay
Wasiirka Caafimaadka Oo Caawimo
Cusbitaalka Waalida Ah Ka Gudoomay Ururka HAVOYOCO
Wasiirkii Kalluumaysiga Oo Shaqada
Laga Eryey Iyo Dareemada Laga Bixiyay “Eriga Gees Waa Ka horeeyay Sheekada
Bayaanka” Iftiiminta Madaxtooyada.
“Arrinta Wargeysku Faafiyay Waa
Been-Abuur Aanay Waxba Ka Jirin” Beenin
Abwaan Hadraawi oo Magaalada Burco soo
gaadhay
Qaar Ka mid ah Dhuumaha Saliidda
Ciraaq Oo La Qarxiyay
Wadahadaladii Waan-Waanta Liberia Oo
Istaagay
Muslimiinta Ku Dhaqan Britain Oo Ku
Mudaharaaday Booqashada Siyaasi Hinduus Ah
Indonesia: Qaraxii Jakarta oo dad loo
Xidhxidhay
Rwanda Oo Isu Diyaarineysa
Doorashooyinka Madaxtinimada
Werwer Adduun Iyo Wacdaro Jacayl,
Sheeko taxane ah ---Q: 12aad -- Waxa qoray: cumar cali iidle
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Talo Qaybsiga
Xubnaha Baarlamanka
Dhibaatada Ha Laga Daayo Qoyskii
Mujaahid Dhamac
Waxaad Walaftay oon Wad Kaa Helin Ka
Waantoobay Waa War Loo Noqon
Waa Maxay Xil-Wareejinta Hagaagsani?
Maxamed Muuse Geed – Xoghayaha Guud ee UCID, Q: 2aad.
“Aniga Ayaa Ugu Goolal Dhallin Badnaa
Sannadkaa Tartankii Dugsiyada Sare, 13-Gool Ayaanan Dhalliyay,” Maxamed
Axmed Ismaaciil (Shakuur).
|
|
Come and celebrate Somaliland
culture in Los Angeles |
August 23, 2003
12:00 Noon – 2:00 PM
At Exposition Park
In front of the Los Angeles Sports Arena
Corner of Figueroa Street & King Blvd (Adjacent to I-110 Freeway)
Somali Cultural Dances, Music, fashion show, and more followed by an
Ethiopian Festival
The African Market Place Fair begins Saturday, August 16, 2003 through
September 1, 2003. Come and experience cultural diversity and celebrate
Somaliland community's rich culture. There will be presentations by
SOPRI’s International Campaign for Somaliland Recognition. Over 30,000
people are expected to visit during the festival.
Somaliland info. Contact: Hassan Mogeh Hirsi.
hassanh@sclarc.org.
Phone: (310) 650-2726.
Saeed Megag Samater
ssamater@aol.com
Phone: (213) 272-5410
Top
Boorama: Koox
Dhallinyaro Ah Oo Tababar Loo Xidhay |
Boorama (W.wararka) Guddoomiye ku xigeenka
Gobolka Awdal Maxamed Xasan Axmed ayaa in ka badan soddon dhallinyaro ah
oo ka mid ah dadka Itoobiya ka soo noqday ee dalka u dhashay tababar ugu
xidhay xarunta AWSG ee magaalada Boorama.
Tababarkan oo dhallinyaradaa u socday muddo sideed bilood ah ayaa waxay
ku baranayeen xirfadaha kala duwan sida dhar-tolidda,farsamada
Baabuurta,dabka laydhtiriigga iyo dhaqidda Digaagga.
Guddoomiye ku xigeenka oo ka hadlay munaasabadda xidhitaanka tababarkan
xirfadeed waxa uu ka warramay sida xukuumadda soomaaliland ugu
dadaalayso inay tababar xirfadeed siiso dhallinyarada aan u helin fursadd
waxbarasho ee dalka ka maqnaa
muddada dheer taasoo uu caddeeyey in farsamooyinka ay haatan noloshooda
cusub wax ka tari doonto isla markaana loo baahanyahay inay sii xoojiyaan.
Guddoomiye ku xigeenka ka hor waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Duqa Boorama
Caabdiraxamaan Sh.Cumar,Isuduwaha wasaaradda Waxbarashada Gobolka
Awdal,Aadan Nuur Meecaad iyo sarkaal ka socday hay'adda CARE
xafiiskeeda Nayroobi masuuliyiintaa wuxuu dhammaantood hadalkoodu ku
saabsanaa in la gaadhay wakhti dhallinyarada dalka iyo kuwa debedda
kasoo noqdayba la siiyo tababarro ama fursado noocan oo kale ah.
Tababarka noocan ah oo ay maalgelisay hay'adda CARE ayaa waxa uu ahaa
wejigii labaad ee mashruucaasi lagu tababaryo dadka kasoo noqday xeryaha
qaxootiga Itoobiya ee u dhashay Soomaaliland.
Dhinaca kale koox hantidhowrka Guud ka socotay oo shalay subax ku soo
waaberiisatay Cusbitaalka Guud ee Boorama, ayaa dib ugu noqday Hargeysa
kaddib markii ay joojiyeen shaqadii Baadhista ahayd ee ay u tegeen
Cusbitaalka Guud ee Boorama saaka oo aan tegey cusbitaalkaasi oo ay ka
socotay hawl lagu baadhayey dadka xanuunada ka qaba indhaha kuma arag
kooxdaasi. Ilaa imika ma cadda sababta Kooxdaasi ka socotay hanti-dhowrku
usii wadi waayeen baadhistoodaasi,iyaga iyo maamulka cusbitaalka guudna
iima sheegin wax ku saabsan joojintooda.Bil ka hor ayaa koox ka socotay
hantidhowku hawl baadhiseed ugu yimaaddeen laamaha dawladda ee Boorama
qaar ka mid ah sida dawladda Hoose ,balse baadhistoodaasi ma sababin wax xadhig
ah ama ganaax ah oo loo geystay dadka ka shaqaynayey goobaha ay
baadhayeen muddo ka badan labada toddobaad iyadoo ay hantidhowrka guud
caado u tahay inay warbixintooda ku saabsan musuqmaasuqu aanay
warbaahinta u gudbin. Top
Wasiirka
Caafimaadka Oo Caawimo Cusbitaalka Waalida Ah Ka Gudoomay Ururka
HAVOYOCO |
Hargeysa (Haatuf): Wasiirka caafimaadka,
Cismaan Qaasin Qodax ayaa shalay ururka dhalinyarada HAVOYOCO ka gudoomay
caawimo bustayaal ah oo ay ugu deeqeen cusbataalka waalida Hargeysa,
wuxuuna wasiirku caawimadaa ku gudoomay xarunta cusbataalka waalida,
waxaana caawimadaas oo ka koobnayd 50 Buste wasiirka gudoonsiiyey madaxa
maamulka ururka HAVOYOCO, Ismaaciil Maxamed Axmed, iyadoo ay munaasibadaa
ka soo qayb galeen agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka, Axmed Cabdi
iyo maamulaha cusbataalka guud ee Hargeysa, Dhakhtar,Yaasiin Carab Cabdi
iyo sidoo kale hawl-wadeeno ka tirsan ururka HAVOYOCO.
“Waxa farxad weyn ii ah inaan wasiirka caafimaadka gudoon-siiyo caawimadan
bustayaasha ah ee aanu ugu deeqnay cusbataalka waalida”,sidaa waxa yidhi,
Ismaaciil Maxamed Axmed, madaxa maamulka HAVOYOCO, laakiin wasiirka
caafimaadka, Cismaan Qaasin ayaa isna halkaa weedho ka kooban kaga
tiraabay, isaga oo yidhi “Waa wax aad loogu farxo deeqdan horteena taal oo
ay cusbataalka waalida ugu deeqeen ururka dhalinyarada HAVOYOCO, iyadoo uu
cusbataalku u baahan yahay caawimo, markaa waxaan dadka reer Somaliland,
gaar ahaa dadka Hargeysa ku dhaqan u sheegayaa in hadii uu qof waliba waxa
yar ee uu qaban karo uu cusbataalka ku caawiyo ay markaa baahida
cusbataalku dabool mayso”.
Ururka dhalinyarada HAVOYOCO waxa kale oo ay khamiistii toddobaadkii hore
ka qayb qaateen olole nadaafadeed oo laga sameeyey cusbataalka guud,
iyadoo uu wasiirku caafimaadkuna ololahaa ka dhexmuuqday, iyadoo ololahaa
la qaado maalin kasta oo khamiis ah. Top
Wasiirkii
Kalluumaysiga Oo Shaqada Laga Eryey Iyo Dareemada Laga Bixiyay “Eriga
Gees Waa Ka horeeyay Sheekada Bayaanka” Iftiiminta Madaxtooyada. |
“Sababta Eriga cidda wax Eriday baa og,
aniguse…” Maxamed Siciid Gees
Hargeysa (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin ayaa
shalay xilka ka qaaday wasiirkiisii Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda,
Maxamed Siciid Gees, waxaana sidaa shaaca ka qaaday War-saxaafadeed uu soo
saaray Afhayeenka Madaxtooyada, Cabdi Idiris Ducaale, iyadoo uu Madaxweyne
Rayaale wareegtada uu xilka kaga qaaday wasiirkii Kalluumaysiga raaciyay
amar sheegaya inuu wasiirka shaqada laga eryey xilka ku wareejiyo
wasiir-ku-xigeenka Kalluumaysiga.
Laakiin wareegtada shaqada lagaga fadhiisiyay Maxamed Siciid Gees, waxay u
qornayd sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir
Rayaale Kaahin, waxa uu maanta (Shalay) soo saaray Dicreeto Madaxweyne No:
205/2003, taas oo xilkii uu qaranka u hayay kaga fadhiisiyay wasiirkii
Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Maxamed Siciid Gees, waxaanu
Madaxweynuhu amray inuu xilka ku wareejiyo wasiir-ku-xigeenkiisa oo xilka
sii hayn doona inta uu cid u soo magacaabayo” ayuu ku soo xidhay
qoraalkiisa.
Xil-ka-qaadista Maxamed Siciid Gees, waxay ahayd mid kedis ah oo aan la
filayn, sidaa awgeed waxay markii idaacadda Raadyow Hargeysa laga sheegay
abuurtay doodo iyo faaqidaad dareen leh, taas oo ay dadku isweydiiyeen
sababta keentay xil-ka-qaadista Maxamed Siciid Gees. Waayo, waxay dad
badan ku noqotay sheeko kedis ah, laakiina haddana marka dhinac laga eego
masuul xil laga qaadaa waa arrin iska caadi ah oo ay tahay inaan lala
yaabin. Hase yeeshee, eriga Gees waxa uu ku soo beegmay xili ay
atmosfeerka Siyaasadda ku dhex jirto arrin la xidhiidha nin ku xidhan
Xabsiga Hargeysa oo dhalasho ahaan ka soo jeeda beesha Warsangeli ee
Maxamed Siciid-na ka soo jeedo, ninkaas oo xadhigiisa loo aaneeyay dhinaca
Madaxtooyada, waxay arrintiisu waxoogaa xur-guf ah ka dhex abuurtay
odayaasha iyo masuuliyiinta beesha Warsengeli ka joogta Hargeysa iyo
Madaxtooyada, waxaana cadadkii shalay ee Wargeyska Haatuf ku qornaa bayaan
ay soo saareen odayaal iyo Mudanayaal Baarlamaanka ah oo ka soo jeeda
beesha Warsengeli, waxayna bayaankooda kaga hadleen xadhiga ninkaa xidhan
oo magaciisa la yidhaahdo Cali Cabdi Cabdile, isla markaana waxay ragga
bayaanka soo saaray sheegeen inuu wiilkani u xidhan yahay Madaxweynaha.
Sidaa awgeed, markii uu eriga Gees soo baxay, waxay dad badani sababta loo
eryey u qaateen in ay la xidhiidho bayaanka ay soo saareen Mudanayaasha
iyo odayaasha Warsengeli oo uu Madaxweyne Rayaale ka cadhooday, una arkay
inuu abaabulka ragga bayaanka soo saaray ka dambeeyay Gees, laakiin
Afhayeenka Madaxtooyada, Cabdi Idiris, oo eriga Gees tafsiir ka bixinaya
ayaa sheegay in aanay xil ka-qaadista wasiirkii Kalluumaysigu wax xidhiidh
ah la lahayn bayaankaas ee ay ahayd arrin hore u qorshaysnayd, taas
awgeedna ay xil ka-qaadista Gees iyo arrintaasi ay kala yihiin laba
arrimood oo aan shaqo isku lahayn. Sidoo
kale, waxaanu isna dhiniciisa la xidhiidhnay Maxamed Siciid Gees, si aanu
wax uga weydiino erigiisa. Maxamed Siciid Gees, wuu ka gaabsaday inuu
wareysi faahfaahsan na siiyo, laakiin mar aanu ku nidhi erigaaga ka waran,
wuxuu ku jawaabay; “Waa run oo xilkii waa layga qaaday, waxaana layga
qaaday sidii awalba laygu dhiibay, beritona xilka waan wareejinayaa, war
intaa dhaafsiisana ma hayo.”
Sidoo kale, Maxamed Siciid Gees, mar aanu weydiinay inuu sababta erigiisu
la xidhiidho bayaankii ay jaraa’idka ku qoreen Mudanayaal iyo odayaal
beeshiisa ahi, waxa uu ugu horeyn yidhi: “Horta anigu miyaan ku jiray
magacyada bayaanka qoray, miyaanse idiin keenay,” laakiin isla su’aashii
ayaanu ku celinay, wuxuuna ku jawaabay; “Anigu ma ogi sababta laygu eryay,
wax soo bixi doona mooyi, cidii wax eriday ayaana sheegi karta sababta.”
Intii aanay soo if-bixin xil ka-qaadista Gees, waxa suuqa ku jiray xan
odhanaysa ‘Gees waa is-casilayaa’, iyadoo sababta is-casilaadiisana lagu
xidhiidhinayay xurgufta ka dhalatay wiilka la xidhay oo la sheegay in
bilaysku ka qabteen guriga Gees oo uu joogay, waxaana jiray warar kale oo
tibaaxay inuu Gees arrinta wiilkaa dhawr goor kala hadlay Madaxweyne
Rayaale, laakiin aanay marna wax iskala meel dhigin. Sidoo kale, xubno
mudanayaal ah iyo xataa Suldaanka Beesha Warsengeli, Suldaan Siciid
Suldaan C/salaan ayaa la sheegay in ay xadhiga wiilka kala hadleen
Madaxweyne Rayaale, laakiin aan la isku af-garan, iyadoo ay qolada
bayaanka soo saartay qoraalkooda ku sheegeen inuu Suldaanku arrintaa ka
cadhooday.
Inkasta oo uu Maxamed Siciid Gees ka gaabsaday inuu dareen ka bixiyo
sababta erigiisa, isla markaana uu Afhayeenka Madaxtooyadu tibaaxay in
aanay sababta eriga Gees xidhiidh la lahayn bayaanka Jaraa’idku qoray ee
ka hadlaya wiilka xidhan, haddana koleyba waxay u egtahay inuu erigan
kediska ah ee Gees dabada ku hayo qar-doofo dhexmartay Madaxweynaha iyo
wasiirkiisa waxay doonto ha ku saabsanaatee, iyadoo Gees lagu tirin jiray
xubnaha xilligan ugu miisaanka weyn golaha Wasiirada Somaliland. Top
“Arrinta
Wargeysku Faafiyay Waa Been-Abuur Aanay Waxba Ka Jirin” Beenin |
“Waanu Soo Dhaweynaynaa Beenintiina, Waanuna…”
Jawaabta Tifaftiraha
Burco (Haatuf): 10 xubnood oo aqoonyahano reer Burco ah ayaa si
kulul u beeniyey bayaan soo saareen 23 xubnood oo sheegay inay ka soo
jeedaan beesha la yidhaahdo Faarax Cabdile (Burco), kuwaas oo ku dacwiyey
inay dawladda Somaliland duudsiday saamigii ay beel ahaan ku yeelan
lahaayeen kuraasta dawladda.
Qoraalkaas oo wargeyska Haatuf ku soo baxay cadadkiisii soo baxay
15/8/2003 waxa uu nuxurkiisu ahaa taageero loo muujinayey wasiirudawlaha
arimaha gudaha, Aadan-Waqaf oo ay wakiiladu diideen ansixintiisa. Laakiin
tobankan xubnood oo qoraalkooda beeninta ah shalay magaalada nooga soo
diray, soona mariyey isgaadhsiinta Faakiska waxay si cadho ka muuqato u
tilmaameen in laga been abuuray magacyadooda iyo mawqifkoodaba oo aanay
qayb ka ahayn bayaankaa, iyaga oo yidhi “Qoraalka ka hadlayey cabashada
beesha Faarax Cabdile waxaanu cadaynaynaa inuu ahaa been abuur aanu waxba
ka jirin, ragayaga lagu qorayna aanaan ogayn”.
Raggani waxay intaa ku dareen inay wargeyska Haatuf dacwad ku oogayaan,
iyaga oo ku dooday in arinta wargeysku faafiyey ayt tahay been abuur laga
dhex samaynayo reeraha qaar iyo xukuumadda, iyadoo aanay reeraha la
sheegayaa arintaa waxba ka ogayn.
“Ragga meesha ku qoran xataa qaarkood ma aha beesha laga hadlayo”ayey
yidhaahdeen, waxayna kala yihiin tobanka xubnood ee qoraalka beeninta ah
soo saaray:
Eng. Faarax Xuseen
Dr. Cabdi Yaasiin X. Saleebaan
Dr. C/laahi Axmed Rooble
Dr. Maxamed C/laahi Siciid
Prof. C/raxmaan Timir
Prof. Cismaan Maxamed Nuur.
Prof. Maxamed Cismaan Maxamud
Col. Abokor Ismaaciil Xasan
Axmed Caynab Qaal
Cabdi Aadan Nuur.
Jawaabta tifaftirka:
Hadii aad tihiin xubnaha sharafta leh ee kor ku xusan marka hore oo la
odhan karo waxaad tihiin rag mudnaan iyo qaderin leh, marka hore waanu
qaderinaynaa, waanuna soo dhowaynaynaa maqaalka beeninta ah ee aad na soo
gaadhsiiseen, mar labaadkana xaq baad u leedihiin inaad jawaab ka bixisaan
ama ka hadashaan arimo idin khuseeya oo uu wargeysku faafiyey, isla
markaana wixii qadaf ah ama qoonsimaad ah ee aad maqaalka aad beeninaysaan
ka tirsateen xagayaga waanu idinka raali gelinaynaa, nagamana mudnidin
inaanu qadaf idiin geysano, anaguna idinkama mudnin, hadiise ay nimanka
odayaasha ah ee na soo gaadhsiiyey qoraalka aad ka hadlaysaan ay
magacyadiina iyo mawaaqiftiina ka been abuureen anagu xagayaga waanu ka
xunahay, waanuna ka garaabaynaa cabashadiina arintaa ku saabsan. Isla
markaana waanu qiraynaa wixii daw daro ah ee ay arintaasi leedahay.
Laakiin saaxiibayaal anaga oo u gar iyo mar furan wixii daw naloogu yeesho,
idinka laftiina ma idinla tahay inaad qoraalkiina u isticmaasheen weedho
xinjiruhu da’ayaan iyo kelmado dhiilo ka urayso, anaga oo idin leh lafaha
gura, xaragona haka tegina.
A. Ducaale (Tifaftiraha wargeyska). Top
Abwaan Hadraawi
oo Magaalada Burco soo gaadhay |
Hargeysa (Haatuf): Abwaanka caanka ah ee
reer Somaliland, Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) ayaa shalay soo
gaadhay magaalada Burco, ka dib markii uu muddo dhawr toddobaad gaadhaysa
socdaalo ku galaabixiyey gobolada Somalida koonfuree, Isaga oo
socdaalkiisa u dambeeyey ku soo maray degaamada iyo magaalooyinka dhulka
maamul-goboleedka Puntland.
Sida uu ku soo waramay weriye, Axmed Aadan Yuusuf oo Haatuf ka tirsani
abwaan Hadraawi waxa jidka ku soo dhoweeyey kooxo dadweyne ah iyo baabuur
badan oo reer Burco ah, kuwaas u soo gelbiyey dhinaca magaalada, laakiin
intii aanu gurigiisa gelin waxay dadkii soo dhoweeyey ku soo wareejiyeen
suuqyada iyo wadooyinka magaalada, intaa ka dibna waxa uu ku degay
gurigiisa Burco, wuxuuna warku intaa ku daray inaanu Hadraawi wax hadal ah
jeedin, isla markaana aanu cidna si gaar ah ula kulmin. Hase yeeshee
abwaan Hadraawi maalmihii ka horeeyey imaatinkiisa waxa jiray faaqidaad
iyo hadal hayn ku saabsan socdaalada uu ku marayey gobolada Somaliya, taas
oo ay dadku ku kala afkaar duwanaayeen, iyadoo ay qaarna taageersanaayeen,
qaarna ay naqdiyayeen ujeedada socdaalkiisa gobolada Somaliya, isaga oo
soo maray meelo badan oo degaamada Somaliya, uguna baaqayey nabad.
Intii lagu jiray soo dhowaynta Hadraawi waxa dhacay shil sahlan oo aan
keenin wax dhimasho iyo dhaawac ah, ka dib markii ay isduqeeyeen laba
baabuur oo uu mid ka mid ahaa baabuurtii ka qayb gashay soo dhowaynta
Hadraawi, midna ahaa baabuur qaad sida, ka dibna ay wadada isku duqeeyeen. Top
Qaar Ka mid ah
Dhuumaha Saliidda Ciraaq Oo La Qarxiyay |
Baqdaad ( W.wararka) Bambo ayaa la sheegey
in ay sababtey qarax ku dhacey dhuun shidaalka qaadda oo ka baxda
Woqooyiga Ciraaq, iyadoo saliiddaasi ay tagto waddanka Turkiga.
Wasiirka ku-meel gaadhka ee Saliidda Ciraaq oo Mareykanku magacaabey ayaa
sheegey in ay dhowr maalmood qaadan doonto inta laga kabayo dhuumahaas.
Thamir Ghadban ayaa wariyayaasha u sheegey in wakhtigan xaadirka ah ay
maleenayaan in qaruxu uu ka dhashay bambo lagu tallaaley aagga dhuumuhu
maraan.
Dabkaas oo dhacay maalintii Sabtidii ayaa waxa uu socdey 24 saacadood ka
hor intii aan la daminin, iyadoo dabkaasi uu go'doomiyey qeybo ka mid ah
dhuuntaas oo ku taal meesha la yidhaa Baiji oo ka tirsan Tikrit oo hooy u
ahayd madaxweynihii hore ee Ciraaq, Saddaam Hussein.
Dhoofinta saliidda Ciraaq waxa ay xubin muhiim ah u tahay qorshaha
Mareykanku uu doonayo in uu Ciraaq dib ugu dhiso.
Dhuumaha saliidda ee Sabtidii la qarxiyey oo shidaalka lagaga qaado
magaalada Kirkuk ee woqooyiga Ciraaq laguna geeyo meesha la yidhaa Ceyhan
ee Turkey, ayaa markii ugu horeysey la furey Arbacadii la soo dhaafey,
iyadoo xidhneyd sidii uu dagaalkii Ciraaq u bilaabmey Top
Wadahadaladii
Waan-Waanta Liberia Oo Istaagay |
Monrovia (W.wararka) Wadahadalada Nabadda ee
dalka Liberia oo soo jiitamayay bilo badan, iyadoo dhexdhexaadiyeyaashu ay
iskudayayaan in heshiis lagu wadagaadho dowladda ku meel gaadh ah oo xilka
kala wareegta madaxweynaha jagadda hadda haya, Musa balah.
Islamarkaasna ay dowladaasi u horseedo dalka doorashooyin dimuquraadi ah
oo la qabto mudo laba sanadood ah gudahood.
Arrrimaha hadda la isku mari la'yahay waxaa xudun u ah, dalabka kooxda
mucaaradka ugu weyn ee Lurd ay ku doonayaan in la siiyo jagooyinka
madaxweyne ku xigeenka iyo afhayeenka maamulka.
Hogaamiyeyaasha mucaaradka ayaa ku doodaya haddii aan dowladda cusub laga
siin boosas muhiin ah, in ayna awood u heli karin in ay ka dhaadhiciyaan
taageerayaashooda in ay hubka iska dhigaan.
Waxaa ku xusan hindisayaasha hadda la soo jeediyay, in xisbiyo siyasadeed
oo rayid ah ay qabtaan jagooyinka sare ee dowladda.
Hase yeeshee, mucaaradku waxay sheegayaan in dadka rayidka ahi ayna awood
u laheyn in ay dagaalyanahanada kubka ka dhigaan.
Hogaamiyeyaasha Afrikada Galbeed ayaa ka baqaya haddii mucaaradka la siiyo
jagooyinka ay doonayaan in ay u muuqaneyso in la abaalmarinayo kacdoomada
hubeysan, taasina waxay khatar ku sii noqoneysaa gobol horeba
xasiloonidiisu u xumeyd.
Waxaa aad u sii kordheysa niyad jabka laga qabo in la isla meel dhigi
waayay heshiis.
Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midowbay ee dalka Liberia, Jacques Klein
ayaa sheegay, in loo baahan yahay in wadahadalada nabadda loo maro
wadooyin kala duwan. Waxaana laga baqayaa in dagaalku uu dib u bilowdo
haddii ay dhinacyadu qanci waayaan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Liberia, isla markaasna ah madaxa wadaxaajoodka,
Lewis Brown ayaa ka digaya in uu wakhtigu gabaabsi yahay.
dhinaca kale Qeyb labaad oo ka tirsan ciidamada Nigeria ee loo xuley in ay
ka qeybqaataan ciidamada nabad ilaalinta ee loo dirayo Liberia ayaa
gaadhey Monrovia.
Cunta qeybintii ayaa ugu dambeyn la bilaabey in la gaadhsiiyo dadkii sida
daran ugu baahnaa ee joogey Monrovia. Ilaa haatan ciidamada nabad
ilaalintu waxa ay ku guuleysteen inay kala ilaalshaan ciidamada dowladda u
daacadda ah iyo kuwa Jabhadda ka socda.
Hay'adda samafalka ee World Vision ayaa aaggii ay joogtey ay ku soo
qamaameen kumannaan dad ah oo baahan, iyadoo ay jiraan kumannaan kale oo
gaajo la qalbi jabsan.
Cuntadii Qaramada Midoobey ee taalay dekadda waa la bililiqeystey, ka dib
markii Jabhaduhu ay ka baxeen dekadda, wixii soo hadhey ayaa dadka loo sii
qeybinayaa inta uu markab kale ka imanayo, taas oo laga yaabo in ay
qaadato Todobaad ilaa tobanka maalmood ee soo socoda. Top
Muslimiinta Ku
Dhaqan Britain Oo Ku Mudaharaaday Booqashada Siyaasi Hinduus Ah |
London (W.wararka) Muslimiin badan oo jooga
London ayaa shalay Axaddii ka qeybqaatay mudaaharaad lagaga soo horjeedo
booqashada uu Britain ku tegayo nin la yidhaa Mr Narendra Modi oo ah
siyaasi Hindu ah oo xag-jira.
Dadka ka qeybqaatay bannaanbaxani waxa ay ka yimaadeen meelo dhaadheer oo
ay ka mid yihiin Bolton, Birmingham iyo Leicester si ay u hareereeyaan
shirweynaha Wembley oo la qorsheeyey in uu Mr Narendra Modi kula hadlo
dadka aaminsan diinta Hinduu-ga.
Mr Modi waa wasiirka koowaad ee gobolka Gujarat oo ah halkii sanadkii hore
rabashaduhu ka dhaceen oo Hindi xag jir ahi ay ku dileen Muslimiin
gaadheysa laba kun oo ruux. Dadka la dilay waxa ka mid ahaa saddex
Muslimiin ah oo heystey dhalashada Britain.
Rabshaduhu waxa ay bilaabmeen markii dad Muslimiin ahi ay weerar ku
qaadeen Tareen ay saarnaayeey Hindi badan oo halkaas ay ku dileen 58 ka
mid ah Hinduugii Tareenka saarneyd.
Dadka mudaaharaaday waxa ay Masuuliinta Gujarat ku eedeenayaan in ay ku
guuldareysteen in ay horjoogsadaan dhiiggaas qubtey. Laakiin dowladda
Hindiya wey beenisey in ay dambigaas Muslimiinta badan lagu diley ay lug
ku lahayd.
Dadka bannaabaxan qaban qaabiyey waxa ay dowladda Britain weydiisteen in
aan Mr Modi loo oglaanin in uu Britain cagaha soo dhigo. Laakiin dowladda
Britain waxa ay ku jawaabtay lama hayo wax cad oo loogu diido dal-ku galka
uu ku imanayo Britain. Top
Indonesia:
Qaraxii Jakarta oo dad loo Xidhxidhay |
Jakarta(W.wararka)Booliiska dalka Indonesia
ayaa sheegey in ay xidhxidheen toban qof oo lagu eedeeyey in ay ku lug
lahaayeen qaraxii bishan horaanteedii loo geystey hoteel qaaliya oo ku
yaal Jakarta.
Madaxa booliska Indonesia, Dai Bachtiar ayaa sheegey in dadkaas la
qabqabtey ka dib markii meelo kala duwan ay dowladdu weerartey todobaadkii
tagey. Laakiin Mr Bachtair wuu ka gaabsaday in uu war faahfaahsan ka
baxiyo ciidda ay yihiin dadka la tuhunsanyahay ee la hayo.
Waxaanu yidhi isga oo arrintan ka hadlaya “waxa weli socda baadhitaan,
waxaana aan weli daba joognaa dhowr qof oo kale. Waxa la ogsoonyahay in
booliska Indonesia ay qoreen magacyo ay u maleenayaan in ay ku lug
leeyihiin qaraxii Jakarta, tallaabadaas waxa ay qaadeen ka dib markii ay
ogaadeen cidda uu yahay ninkii isku qarxiyey weerarkii lagu qaadey
hoteelka Marriott”. Madaxii Mr Asmar Latin Sani oo kala go'an ayaa laga
helay dabaqa shanaad ee hotelka.
Laba nin oo ka tirsan kooxaha dagaalyahanada Islaamiga ah ee la yidhaa
Jaamaca Islaamiya oo haatan xidhan ayaa xaqiijiyey in Mr Sani uu ka
tirsanaa ururkooda.
Warkan ku saabsan in horumar laga gaadhey qaraxii Jacarta waxa uu soo
baxey wakhti ay Indonesia u dabbaaldegeyso maalintii ay qaadatay
xorinimaddeeda.
Iyadoo laga cabsiqabo in ay falal aragixiso oo kale ay dhacaan maalmahan
loo dabaaaldegayo xoriyadda ayaa ammaanka waddanka Indonesia taxadar gaar
ah la galiyey. Top
Rwanda Oo Isu
Diyaarineysa Doorashooyinka Madaxtinimada |
Kigali (W.wararka) Waddanka Ruwaanda ayaa
isku diyaarinaya doorashooyinkii Madxweyninimo ee ugu horeeyey tan iyo
markii dalkaasi uu ka dhacey xasuuqii ay dadka badani ku dhinteen.
Doorashooyinka Madaxweyninimadu waa tallaabadii ugu horeysey ee lagu
hirgalinayo nidaamka siyaasadda ee Ruwanda, kaas oo looga golleelyahay in
uu dheelitir ku sameeyo xisbiyo badan oo ku shaqeeya dimoqraadiyadda oo
waddanka ka ilaaliya in ayna soo laabmin siyaasaddii xag-jirnimada ahayd
ee ku saleysneyd jinsiga.
Cod bixintani waxa ay soo afjari doontaa sagaal sanadood oo waddanka ay ka
talineysey dowlad ku-meel gaadh ah oo ay hogaamineysey Jabahaddii RPF.
Dadka haatan u baratamaya Madaxweyninimadda Ruwanda waxa ugu xoog badan oo
u horeeya musharaxa RPF, Mr Paul Kagame oo ah ninka haatan haya jagada
madaxweyninimada.
RPF waxa ay ay baryahanba waddanka oo dhan ka wadeen olole doorasho oo
wajiyo badan iyadoo lacag badan ka leexistey musharaxiintii kale ee
tartanka kula jirtey.
Paul Kagame dadka ka soo horjeeda waxa ugu culus ninka la yidhaa Faustin
Twagiramungu oo ah Hutuga qunyar socodka ah, horena u ahaan jirey
Ra'iisalwasare oo mastaafuris ka soo laabtey sanadkan horaantiisii.
Waxa masuuliinta doorashooyinku ay todobaadkan ku eedeeyeen Mr
Twagiramungu in uu khudbado uu jeediyey ku dhiirigalinayey qeybsanaan ku
saleysan jinsiyado iyo qabiil.
Twagiramungu waa uu beeneeyey eedeymahaas, waxaana uu ku doodey in RPF ay
abuurtey hadalkaas iyadoo ka walaacsan xadiga ay le’egtahay taageerada uu
heysto. Waxa kale uu Twagiramungu uu sheegey in masuuliinta dowladdu ay
iskudayeen in ay u caga jugleeyaan oo ay cabsi galiyaan taageerayaashiisa.
Laakiin RPF waxa ay ku adkeysaneysaa in doorashooyinku ay u dhici doonaan
si xor ah oo loo siman yahay, waxaana ay RPF saadaalineysaa in ay
dooorshada si weyn ugu guuleysan doonto iyadoo taas ku saleyneysa guusha
ay ka gaadheen in waddanka ay xasilooni ku soo dabbaalaan.
Laakiin kooxaha u ololeeya xuquuqda aadamaha ee caalamiga ayaa
camabaareeyey waxa ay ku sheegeen caqabadaha hor yaal siyaasadda iyo
xoriyadda dadka reyidka ah ee ku xidhiidha doorashada soo socota. Top
Werwer Adduun
Iyo Wacdaro Jacayl, Sheeko taxane ah ---Q: 12aad -- Waxa qoray: cumar
cali iidle |
Muddo markii la joogayba Bilis ayuu aabbihii
u diray magaalo yar oo ay shaqadiisu uga socotay, si uu ugu maamulo hawl
maalmeedka bartaa ka dhacaya. Guri ayuu u dhisay halka uu gaadhi uu ku
shaqo tagana uga iibiyey. Xilligaasi waxa raacday Hooyadii oo ay
soddohnimadu ku cusbayd oo ay intaasi u dheerayd iyada oo xannaanayn gaara
siinaysay labadani is calmaday ee Arooska cusub ah.
Waxay ahayd goob u fiican laba isku cusub oo hadduun laafyoonaya oo kala
qoqobnaa. Waa magaalo aad u yarayd,tirada dadka ku noolaa aanay ka badnay
laba boqol oo ruux. Goob ganacsi ayey ahayd oo aad muuqaalkeedu ku
habboonayd in loo dalxiis tago, ugaadha lagu dhaqo, oo dhirta sii dabar
go’aysa lagu xannaaneeyo.
Lammaanahani waxay maallin kasta u dalxiis tegi jireen kaymaha kala
geddisan ee ay ku nool yihiin makhluuqaadka Alle ee kala geddisan dhulka
xareedi wadhan tahay, raxmaadkuna maansheeyey oo aan hadh iyo habeen tiix
amma mahiigaan ka kala qaadin. Sidaasi ayey dhirta ubuxu guudka qariyey,
caynba cayn ahaayeen oo ay midabada ubaxa hadba kaad calmato indhaha ku
nuurinayso.
Hadba dhan ayey u laafyoodaan iyagoo gacmaha laba duble u laabay,
gaadhigiina duleedka ayey dhigeen. Waxa intaasi u dheeraa muuqaallada ay
maankooda ku sawiranayaan ee ah in haddii ay carruur dhalaan mar kasta
goobtani u dalxiis geeyn doonaan. “halkani waxay ku habboonayd in abid la
deganaado” ayey Ilhaan tidhi. Bilis oo il-qoodha farxad darteed ka
fiirinaya ayaa yidhi “waa nimco Alle, intuu innoo qorayna waynu joogaynaa”
“haa, weligay maan filayn in aynu labadeennu is calfan doonno halkana ku
wada laydhsan doonno oo….” Ayey Ilhaan tidhi.
Inta uu hadalkii ku jaray ayuu yidhi “kalgacayl iyo nolol cusub innooga
sheekee, oo iska illow wixii hore innoo soo kala dhex maray mar haddii
aynu labadeennuba libintii gaadhnay”.
Geelle, waa odaygii inanta laga guursadaye, iyo Fu’aad oo ay Bilis habro
wadaag ahaayeen ayaa talo iyo cahdi meel wada dhigtay. Waxay rabeen inay
odaygan dhaxal wareejiyaan. Sababtaasina waxa lahaa Fu’aad oo tabasho ka
lahaa. Wuxuu ahaa agoon ay labadiisa waalidba dhinteen oo ay soo kafaallo
qaadday habaryartii Weris. Waxay isla mar keliya soo wada koreen Bilis,
isku da’ ayey ahaayeen, si isku mid ah loo soo wada dhaqaaleeyey, hase
ahaatee arrin uu gocanayey darteed ayuu tallaabooyinkani u rabaa inuu u
qaado. Wuxuu Fu,aad yidhi “horta muddo badan ayaan bilaa camal ahaa oo
aanu Wacaysna wax shaqo ah I siinin, waxaan rabaa inaan odaygan xoolihiisa
ka faa’idaysanno inta uu wiilkiisu maqanyahay ee bal ila tali”. Geelle
ayaa yidhi “anigaba dantuunbaa igu khasabtaye habeen qudha reerkaa
inantayduna uma dhaxdeen. Habar yartaa ayaad u teysaa, waxaad ka
codsanaysaa in ay odayga shaqo kuu weydiiso, ku adkee arrintaasi marka ay
kuu suurto gasho igu soo noqo.”
Sidii ayuu Fu’aad yeelay oo wuxuu u tegey habryartii. Isagoo nin
murugoonaya iskaga dhigaya ayuu ku yidhi “Habar yar, inbadan ayaan
aqalkaaga ku soo noolaa oo aan ku soo barbaaray, Hooyaday oo kale ayaad
tahay hase ahaatee anigoon jecleyn in aan kaa ag tago ayey duruuftu igu
kellifaysaa ee nabad gelyo iina soo ducee”. “Oo miyaad anigaba shaqo
weydiisatid?” ayey weris su’aashay. “habar yar, dhowr jeer ayaan isku
deyey, laakiinse markaan u tag is idhaaba waan ka xishoonayaa.” Ayuu
Fu’aad isagoo hoos u foorora oo ilmadu ka gobo’leynayso ku yidhi.
La soco. Top
ODHAAHDA
AKHRISTAHA: Talo Qaybsiga Xubnaha Baarlamanka |
Talo: Qaybsiga Xubnaha Baarlamanka
KU: Xisbiyada UDUB, UCID, KULMIYE.
KU: Saxaafadaha madaxa banaa (online or on papers).
KU: Baarlamaka iyo Guurtida Somaliland.
KU: Dadwaynaha Somaliland Gudo iyo Dibadba
KA: Ururka Wadaniyiinta Somaliland. Iyada oo
la isticmaalayo Tirooyinkii laga helay Doorashadii Madaxwayna iyo
Madaxwayne ku xigeenka, waa in xubnaha golaha Baarlaku lagu loo qaysado
sidan.Waxaan aaminsanahay waa in la isticmaalo Tirooyinka doorashanan ka
soo baxay, waayo
a) waxaa ku baxay lacag badan si aan u
ururino tiradani.
b) Waxaa tirada lagu soo doortay dawlada dhexe ee dalka maanta ka talisa.
c) Waxaa la isku raacin waayay Doorashada Madaxtooyada iyo tan Baarlamanku
waxaa ahayd in la helo tiro ku dhaw dadku sida ay dagaanka u dagaan, mana
jirto tiro uga dhaw tiradan dhabta ah oo aanu maanta isticmaalikarnaa.
Waxaan Haatif ka akhriyay Baaq ay si wadajira u soo saareen saddexda xusbi
ee qaranku, oo odhanaya in lagu qaybsado Baarlamanka sidii lixdamadii
shaxda loo dhigay oo lagu dhuftay”factor” 2.5. Waxaan qabaa in aanay tani
cadaalad ahayn, maskaxdana ku fadhiyin in lixdaneeyadii dib loogu noqdo,
iyada oo dawlada maanta dhulka ka talisaa ku dhisantahay tiradan. 43 sanno
wax badan ayaa iska badalay dagaanka Somaliland, oo meelaha qaarna way
kordheen, qaarna hoos ayay u dhaceen tirada dadka ku nool.
Hadaba marka aan eegno labadan “Sceneria” waxaan soo saari karnaa Degno
kasta xubna Baarlamanka uga qayb gali kara.
1) Haddii ay 90% footayeen doorashadii Madaxwaynaha iyo madaxwayne ku
xigeenka , tani waxaa ay u dhigantaa (0.9) (498,639*) = 44,8775. Hadaba
hadii 44,8775 aanu ka goyno Totalka dadka codkooda dhiibtay doorashadan oo
ah 49,864. Tani macnaheedina waxaa weeye inaanay doorashada Madaxwaynaha
iyo Madax wayne ku xigeenkiisa ka qayb galin 49,864 qof ama cod. Markaa
100% dadka ku nool Somaliland ee codaynkaraa waa 548,503. Mar haddii uu
Golaha Barlamanku yahay 82 (sida uu dastuurku dhigayo) waxaa ku soo
hagaagaya 6,689 qofba xildhbaan u diraan Golaha Barlamanka.
2) Haddii ay 85% footayeen doorashadii Madaxwaynaha iyo madaxwayne ku
xigeenka , tani waxaa ay u dhigantaa
(0.85) (498639*) = 42,3843. Hadaba hadii 42,3843 aan ka goyno Totalka
dadka codkooda dhiibtay doorashadan oo ah 49,864. Tani macnaheedina waxaa
weeye inaanay doorashan ka qayb galin 74,796. Marka 100% dadka ku nool
Somaliland ee codaynkaraa waa 573,435. Mar haddii uu Golaha Barlamanku
yahay 82 waxaa ku soo hagaagaya 6,993 qofba xildhabaan u diraan Golaha
Barlamanka.
* Tiradani waa tiradii 19kii April 2003, ay Maxkamada sare soo
saartay.Waxaanad ka heli kartaan UDUB websitekooda.
Gobolada 90% 85% Lixdankii**
Hargeysa 22 21 5
Gebiley 6 6 1
Balligubadle 1 1 0
Salaxley 2 2 0
Wadar Gobol 32 31 6
Boorama 7 7 4
Salyac 1 1 2
Baki 2 2 0
Lughaya 1 1 0
Wadar Gobol 10 10 6
Berbera 4 3 4
Sheekh 1 1 1
Wadar Gobol 5 4 5
Burco 12 12 5
Oodweyne 5 4 1
Buuhoodle 1 1 1
Wadar Gobol 17 17 6
Caynabo 2 1 0
Wadar Gobol 2 1
Ceerigaabo 6 6 2
Gar'adag 1 1 0
Ceelafweyn 2 2 1
Wadar Gobol 9 8 3
Wadar Guud 76 71
Aan Footeen 7 ----
Aan Footeen ----- 11
** Tiradan waa sida ugu dhaw, ee waqtigaa loo qaybiyay. Waxaa laga yaba
meel iyo laba inay is badalaan, laakiin waxaan doonayaa in aan idin tuso
sida uu wakhtigaa loo qabsan jiray. Las Caanood oo 4 ahayd iyo Las qoray
oo 2 ahayd ayaa numberka ka dhigaysa 33. Haddii 2.5 aad ku dhufatid 33 waa
82 Xildhibaan.
Omar A. Yousuf, Ururka Wadaniyiinta Somaliland. Top
Dhibaatada Ha
Laga Daayo Qoyskii Mujaahid Dhamac |
Dhibaatada waxa inoogu wacan la is ma
weydiin. Xaqu goorma ayuu noqday ina hebel iyo reer hebel. Waxaynu ka
dagaalamaynay miyaanu ahayn xaqdaro? Goorma ayey dadkii reer somaliland ku
dhaadan jireen noqdeen dad guryahoodii laga caydhiyo.
Ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyo e aabahay Mujaahid Aaden Dhamac
Diiriye noloshiisa wuxuu ku dhamaystay in uu dadkiisa uu hadh iyo habeen
heegan u ahaado. Ilaahay naxariistii jano ha ka waraabsho e mujaahid Aaden
Dhamac wuxuu ahaa nin kii snm oo dhami maalintay ugu darnayd isaga oo
welibana dhaawac ah ay is la garteen in uu noqdo taliyaha AAGA MAKA.
Taariikhda mujaahid AADEN DHAMAC DIIRIYE iyo wuxuu dadkiisa iyo dalkiisaba
u soo qabtay qofwaliba oo snm ahi wuu garanayaa.
Maanta markuu hoyday waxaad moodaa in si cadaawad ku jirto loola dhaqmaayo
qoyskii uu ka tagay. Xaqdaro cad iyo laaluush doon aan geedna loogu soo
gaban ayaa tan iyo maalintii uu geeriyooday lagu hayaa reerkayaga. Xataa
waxay gaadhay in police la keeno gurigiisii oo maatidii uu ka tagay dibada
la soo dhigo lagana caydhiyo.
Waxaan ka codsanayaa xukuumada gaar ahaana wasaarada arimaha gudaha iyo
masuuliyiinta policeka ee arinkan ka masuulka ah: aniga oo ah Cabdi
Raxmaan Aaden Dhamac ah na inanka qudha ee uu ka tagay ala yarxamu
raaximiin e Mujaahid Aaden Dhamac Diiriye kuna nool dalka dibadiisa in caga
juglaynta iyo boobka aan geedna loogu soo gaban laga daayo reerkayaga.
Anaga oo kala kulanay dawladii Maxamed Siyaad Bare dhibaatooyin badan iyo
cago juglayn sababta oo ah aabihiin baa talaabay. Maanta waxaa nasiibdaro
weyn iyo qalbi takh takh nagu riday in dawladii ay snm dhalisay ay maanta Hargeysa 2003
cago juglayn iyo baqdin ku riday kana caydhisay gurigii uu ku jiray
caruurtiisii iyo maatidii uu ka tagay marxuunku. Raga maanta wasiirada
sheeganaaya (arimaha gudaha iyo ku xigeenka policeka) ee caruur iyo maati u
itaal sheegtay waxaan leeyahay taariikhdu waa lama ilaawaan ilaahay baana
awood leh.
Runtii la is ma caasiyo ee shacabku hiil iyo hooba wey u hureen somaliland.
Halganku muu dhamaan jacaylka aan dadkayga iyo dalkayga aan u qabaa waa
mid weyn maahana wax uu bedeli karo wasiir qabiil iyo jahlinimo ku
shaqeystaa. Waxanan ugu baaqayaa dhalinyarada jecel in ay xaqa u diriraan
dal iyo dibadba in anynu dadaalkeena sii kordhino,
Ilaahayow dareenka ha naga dilin.
Wa bilaahi tawfiiq.
Cabdi Raxmaan Aaden Dhamac.
The Netherland. Top
Waxaad
Walaftay oon Wad Kaa Helin Ka Waantoobay Waa War Loo Noqon |
Marka hore waxaan soo dhawaynayaa sii daynta
dhallinyaradii u xidhnayd siyaasadda ee dhawaan ay sii daysay maxkamadda
Hargeysa ka dib markii lagu waayey wax dambi ah. Dhalinyaradaas oo hadda
xidhnaa muddo ku dhow saddex bilood waxaa la xidhay 19kii Mey ee sannadkan,
waxaa laga qab qabtay suuqa iyadoo aanay dawladu caddayn sababta loo
xidhay.
Xukuumaddu waxay sheegtay inay maxaabiistani u xidhan yihiin dhinaca
ammaanka awgii, waxaase shacbigu aaminsanyahay inay u xidhanaayeen
aragtidooda siyaasadeed oo ay u codeeyeen xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE.
Waxaana taas ka marag ah sii dayntan ay maxkamaddu xukuntay markii
xukuumaddu ku fashilantay inay soo caddayso eedaymahii lagu soo oogay.
Haddaba waxaa nasiib darro ah inaan dhalliyaraas maxkamad lasoo taagin oo
ay muddo ku dhow saddex bilood ah u xidhnaayeen rumaan arrintaas oo kasoo
horjeeda distoorka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah ee la xidhiidha
dhawrista xuquuqal insaanka.
Waxaan la soconaa in Madaxweyne Rayaale talada dalka ku qabtay xaqii uu
siiyey distoorku kadib markuu geeriyooday alla haw naxariistee
madaxweynihii hore , haddaba waxaa ceeb ah inuu madaxweyne Rayaale jebiyo
distoorkuu ku caano iyo nabadba maalay ee ku helay mansabka ugu mudan
Maandeeq ee uu maanta hayo. Iyadoolagu xidhay xaqdarro dad shacbi ah oo uu
duudsiiyey xuquuqdooduu distoorku siiyey. Waxaana cad in madaxweyne
Rayaale jebiyey qodobka 27naad oo dhigaya:qofka xoriyadda looga qaaday
fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed waxa uu xaq u leeyahay in maxkamad lagu
hor-geeyo 48 saacadood gudahood laga bilaabo marka la qabtay. Waxaanan la
soconaa in wiilashu xidhanaayeen muddo ka badan laba bilood.
Sidoo kale madaxweyne Rayaale wuxuu jebiyey qoddobka 25aad ee distoorka,
faqradiisa 1aad oo odhanaysa “Qofna xoriyadiisa loogama qaadi karo si aan
xeerka waafaqsanayn.”
Madaxweyne Rayaale wuxuu kaloo jebiyey Qodobka 26aad, faqradiisa 3aad, oo
u dhigan “eedaysanuhu waa dembi-laawe inta aanu maxkamad horteed kaga
caddaan dembi”.
Waxaana halkaas ka cad in madaxweynuhu jebiyey distoorka Somaliland sidoo
kalena ku tacadiday xuquuqda maguuraanka ah ee muwaadiniinta Somaliland.
Haddaba waxaa xaqiiq ah dhalinyarada siyaasadda u xidhnaa oo dhammaantood
ka tirsan yihiin xisbiga KULMIYE ay Somaliland ku noqotay canbaar ay ku
dhaleeceeyaan ururada xuquuqda aadamiga ee ay ka mid yihiin ururka African
Rights, Ururka Qalalaasaha Dunida, Somaliland Forum iyo ururo kale oo
madani ahiba. Waxaanay xadhiga maxaabiistan siyaasadeed caqabad ku tahay
olalaha ku saabsan sidii Somaliland loogu heli lahaa ictriraaf caalami ah.
Dhalinyaradan la sii daayey waa xubno ka mid ah mujaahidiintii SNM ee
dalka u soo halgamay oo xukuumaddu u aragto inaanay taageersanayn xisbiga
dawladda ee UDUB.
Haddaba madaxweynaha Maandeeq ee xidh xidhay mujaahidiinta waa kii 91kii
isagoo lagu tuhusan yahay inuu ka qayb qaatay xasuuqii dalka ka dhacay oo
uu ahaa taliyaha Nabad Sugidda qaybta lix iyo libaatanaad wakhtigii
xasaasiga ahaa ee uu socday xasuuqa lagula kacay shacbiga Somaliland,
markii SNM dalka xoraysay mudane Rayaale may xidhin lagumana dabagelin
danbiga lagu tuhunsan yahay inuu dadka ka galay.
Waxaana ayaan darro ah inuu maanta isagu xidho mujaahidiinta dalka ka
xoraysay isaga iyo rajiimkiisii. Waxaana muuqata madaxweyne Rayaale
inkastoo dalka xukumo kuwii dalka xoreeyeyna shacbigiisa ka mid yihiin,
iyadoo aanu ku soo oogin wax danbi ah ay muddo saddex billood ah xaq darro
ugu hoydaan jeelasha. Taasoo ah arrin laga filaayey inuu ku kaco nin lagu
tuhunsanyahay inuu ka qayb qaatay gumaad, haddana iyadoon la xisaabin loo
doorto madaxweyne qaran. Waxaana Somalidu tidhaahdaa WAXAAD WALIFTAY OON
WAD KAA HELIN WAANKAWAANTOOBAY WAA WAR LOO NOQON. Xadhigan wiilashani waa
mid ay ka warrami doonto taariikhda soo jireenka ee Maandeeq.
Haddaba waxaan ka codsanaynaa xukuumadda Rayaale inay faah faahin ka
bixiso arrinta la xidhiidha xadhiga wiilashaas oo ay shacbigu dibad iyo
gudaba iska waydiinayaan su’aalo badan oo jawaabo u baahan.
Waxaanan ka codsanayaa wiilasha hadda laga sii daayey xabsiga inay qareeno
qabsadaan oo xukuumadda ku soo oogaan dacwad ka dhan ah oo la xidhiidha
muddada saddex bilood ah u xidhnaayeen xaqdarrada lagana qaaday
xorriyadoodii iyo xuquuqdoodii muwaadinimo.
Waxaanan ugu danbayn ka codsanayaa in xukuumaddu dhowrto distoorka kana
waan towdo falalkaas aan kor ku soo sheegnay ee hujuumka ku haysa
dimoqraadiyadda curdinka ah ee hadda la rabo inay ka hano qaaddo Maandeeq,
waxaan sidoo kalena xukuumadda ku boorinayaa inay ilaaliso distoorka iyo
xuquuqda aadmiga.
Waad mahadsantihiin,
Cabdi Cabdillahi Xasan, London Top
Waa Maxay
Xil-Wareejinta Hagaagsani? Maxamed Muuse Geed – Xoghayaha Guud ee UCID,
Q: 2aad. |
Ujeedada u weyn ee aan ka leeyahay
maqaalakan waxay tahay inay dadweynuhu wax ka ogaadaan masuuliyadaha kala
gadisan ee saaran hayadaha dawladda. Waxaan jecelahay in wixii aan ka
tagay amase ay tahay in lagu kordhiyo ee muhiim ah lasoo sheego si loogu
daro xilalka aan tilmaamay.
2. Waxaan ku rajo weynaa inay ka faaloodaan madaxda Wasaaradda Maaliyadda,
Hantidhawraha Guud, shirgudoonka golaha wakiilada, khubarada dhaqaalaha ee
xisbiyada siyaasiga ah iyo aqoonyahanada reer Somaliland maqaalkii hore ay
ku saabsanaa LA WAREEGIDA XILKA WASAARADDA MAALIYADDA, hase yeeshee wax
dood ah lagama soo jeedin.
Tolow ma anaa waxaan jirin qoray mise nidaamka toosan ee sharciga
waafaqsan ayaan dan laga lahayn. MACAL-CUNE SOO BIXI-DOONEE!… ( We will
require the parliament to appoint an inquiry commission that will conduct
extensive investigation on how public funds collected but not brought
through Govt books has been utilized in the near future).
3. Maqaalka 2aad wuxuu tilmaamayaa XILKA SAARAN WASAARADDA GANACSIGA IYO
WARSHADDAHA QAARKEED. Sida la wada ogsoon yahay WAAXDA MAAMUSHA DHAQAALAHA
WADANKA waxay ka kooban yahiin Hay’adaha hoos ku xusan:
WASAARADDA MAALIYADDA;
WASAARADDA QORSHEYNTA;
WASAARDDA GANACSIGA;
RUGTA GANACSIGA;
BANGIGA DHEXE;
HANTIDHAWRAHA GUUD;
DAWLADDAHA HOOSE EE MAGAALOOYINKA.
4. Gaar ahaan waxaan Wasaaradda Ganacsiga ka filayaa inay dalka u
diyaariyeen sharciyada hoos ku xusan iyagoo la kaashanaya hayadaha kale ee
waaxda dhaqaalaha:
Sharciga ganacsiga gudaha iyo dibadda;
Sharciga sameynta shariikadaha;
Sharciga maalgalinta dalka;
sharciga warshadeynta dalka iyo u qoondeynta dhul u gaar ah.;
sharciga cashuur dhaafka warshadaha iyo shariikadaha isgaadhsiinta ee
dalka ka shaqeysta ( ma dhabaa inaanay bixin cashuurta dawladdaha hoose
‘sales tax’ iyo cashuurta dakhliga kasoo baxa ganacsigeeda).
5. War-bixinta aad kala wareegtay wasiirkii hore waxaan filayaa inay si
faahfaahsan uga hadashay MUCAAHADADAHA GANACSIGA AH ee lala galay
DAWLADDAHA amase SHARIIKADAHA CAALAMIGA AH IYO KUWA wadaniga ahba. War-bixintaasi
waa inay faalo dheer ka bixisaa sida loo hirgaliyey mucaahadooyinkaa mid
walba, kuwa aan la hirgalin iyo kuwa hirgalintoodu keentay carqalado amase
keeni-doonto. Gaar ahaan mucaahadadii lala galay TOTAL ee la tuhunsanaa
inaan si hufan oo DANTA GUUD EE DALKA DARYEELEYSA LOO AGAASIMIN, hadana
sidii la rabay loo maamulin mucaahadadii lala galay. War-bixintii ma
sheegtay arrimaha soo socda:
Tirakoob sheegaya tayada iyo nooca saliida ay soo dajisay TOTAL MUDADII
LAGU WAREEJIEYEY XILKA HAAMAHA;
CASHUURTII LAGA QAADAY INTEEYBAY NOQOTAY, MA KUNA HOYATAY XISAABIYAHA GUUD,
MISE WAXAY KU HOYATAY XISAABAHA BANGIGA DHEXE KU DHACA EEN LALA SOCODSIIN
XISAABIYAHA GUUD, WASIIRKA MAALIYADDA IYO HANTIDHAWRAHA GUUD i.e
1999,2000,2001,2002 & 2003;
Ayaa qiimeeyey DAAYICTIRKA la yidhi waxa
sameeyey TOTAL, inteebaa ahayd inuu ku kaco dayactirkaasi, ka bacdina
maxay TOTAL ku sheegtay kharashkii kaga baxay..ayaana u marag kacay TOTAL
inuu kharashkaasi sax yahay?
Xisaab-xidhkii TOTAL ee sanadadii 1999/2000/2001 & 2002 ( final accounts
of M/s TOTAL) cashuur intee le’eg baa laga qaaday ( normal business income
tax for central govt plus sales tax for local govts).
6. Inkastoo la lahaa xilka DAKEDDAHA DALKA waxay hoos yimaadaan
Madaxtooyada hadana anigu waxaan qabaa inay hoos timaado wasaaradda
ganacsiga. Sidaa awgeed waxaan ku rajo weynahay in wasiirka cusub lala
socodsiiyey HAWLAHA LA XIDHIIDHA DAKADDAHA. Wasiirkii hore iyo kuwii ka
horeeyey MAKU DHAXALSIIYEEN SHARCIYADA IYO SIYAASADDA ay tahay in lagu
maamulo DAKEDDA. GUDIDA HAGTAA Maamulka Dakedda IMISE XUBNOOD BAY KA
KOOBAN YIHIIN, HAYADAHA DAWLADDA ayaa waheliya. Ma iyagaa ansxiya hawlgal
sanadeedka maamulka u madaxa ka yahay Maareeyuhu u soo qorsheeyey, imisa
goor bay fadhiistaan sanadkii, sideebayna xilkooda u gutaan. Ma iyagaa
ansixiya xisaab-xidh sanadeedka intaan loo keenin Golaha Wakiilada. Ma ka
warhayaan in xisaab-xidhyada Dekadda ee sanadkii 2002 lagu muujiyey
kharash cirmri-dhinka qalabka dakedda oo dhan So.shs.500,000,000=, taasoo
u muuqata in siyaasada xisaabaadka dakeddu in sanad walba % dhakhliga guud
ee dakeddu soo saarto meel loo dhigo si loogu maalgaliyo soo iibsiga qalab
cusub. Waxa laga yaabaa oo kale inay jirto lacag gaar loogu keydiyo
maalgalinta qalab cusub iyo horumarinta dakedda.
Waxaan filayaa mudadii 1997,1998,1999,2000,2001 & 2002 loo keydiyey lacag
dakedda daryeelkeeda ku filan. Arrimahaas war-bixinta dakeddaha ma lagu
daray. Waxaan war ku helay inay Hayada UNTAD si aad ah u caawisay
hawlgalka dakedda mudadaas, war-bixintu ma qiimeysay mucaawanada la siiyey
mana tilmaantay siday kala ahaayeen i.e funds for equipments, consultancy
services for capacity building programs and other development activities
of port infrastructures. Xisaab-xidhyadii 1997,1998,1999,2000,2001 iyo
2002 waa kuwee hantidhawrayaasha baadhay maxayna kaaga warantay war-bixintoodii
hadii aad heshay.
7. War-bixintii gudidii MUSUQMAASUQU KUSOO oogtay MAAREEYAHA DAKEDDA maxaa
laga yeelay bay leedahay war-bixintii aad la wareegtay. Hadii la ogaaday
inay dakeddu baylahsan tahay oo maareynta hadda maamusha daacadnimadooda
iyo wadanimadooda aad loo qawaday ma xoog bay ku joogaan meesha. WAR-BIXINTA
LAGU SIIYEY TALO MAKA BIXISAY IN BAADHITAAN LAGU QAADO MAAREYNTA DAKEDDA
MUDADII EE XILKA HAYEEN, TALO MAKA BIXISAY IN DADKA LAGU TUHUNSAN YAHAY
MUSUQMAASUQ IYO EDEB-DARO RAGAADINAYSA HAWSHA DAKEDDA LAGA SAARO SHAQADA
AMASE LAGA BADALO HADII DANBI LAGU WAAYO. Waxa aynu ka hadlaynaa waa
HALBOWLIHII DHAQAALAHA SOMALILAND, waxaynu ku qasbanahay in dadkeena inta
aynu ku tuhunsanahay karti , hufnaan iyo xilkasnimo daacad ah loo DHIIBO
MAAMULKA DAKEDDA SI DHAKHSO AH.
8. War-bixintii wasiirkii hore ma ku qanacsan tahay inay dakeddu dawladda
dhexe ku deeqdu dhakhli ka kooban sos.shs.1000,000,00=. Hadii war-bixintu
arrintaas ka faaloon WAXBA SHEEGI MAYSO. SHICIBWEYNUHU WAXAY XAQ UGU
LEEYIHIIN DAWLADDOODA IN LAGA QANCIYO HALKA LACAGTII DAKEDDU MARTAY.
9. War-bixintu maka sheekeeysay Dhulka lagu xalaashaday WARSHADAAN KA
DHISAYAA EE hadda MUDO KA BADAN LABO SANO AAN WAXBA LAGA DHISIN. Sharciga
wadanka u yaalaa ee warshadeynta ma cashuur dhaafbaa in la siiyo
warshad-kasta mise waa warshadaha wadanku aad ugu baahanyahay sida kuwa
hilibka qasacado ku rida, kuwa hargaha farsameeya,….iyo wixii la mid ah….mise.
Siyaasad cad oo dadweynaha qanci karta ma jirtaa?
Warshadaha hada ka hirgalay dalka ganacsiga ka dhashaa sideebaa dawladdu
ula socotaa….sicirka ay ku iibiyaan, badeecadaha laga sameeyo, xirfada
shaqaaalaha ay dibada kasoo qortaan etc...
10. War-bixintu ma ka warantay sida wadanka caafimaadkiisa looga ilaaliyo
wixii caafimaad-daro dibada INOOGA IMAN KARA. Xafiis ma ku leeyahay
DHAKHTARKA ka hortaga caafimaadka dadekadda gudaheeda si ay u hubiyaan
inaan DAAWOOYIN IYO BADEECADAHA CUNTADA AH OO WAQTIGOODII DHACAY amase
caalamka laga takooray caafimaad daro awgeed AAN DALKA LASOO GALIN!!!!!!.
War-bixintu ma ka sheekeysay in XOOLAHA LA DHOOFINAYO INAY CAAFIMAAD
QABAAN LA HUBIYO.
11. War-bixintu tafaasiil iyo tirokoob maka bixisay badeecadaha kala
gadisan ee kasoo gala wadanka dakeddaha, Gegida Dayuuradaha iyo meelaha
loo cayimay inay badeecadaha wadamada jaarka ahi kasoo galaan.
12. War-bixintu mudane wasiir lagu dhaxalsiiyey ma sheegtay in GOLAHA
WAKIILADU SANAD WALBA KA DOODAAN XISAAB-XIDH SANADEEDKA DAKEDDA QARANKA,
TOLOW MISE WARBA KAMA HAYAAN?
13. SI NIDAAM LOOGU DHISO HAYAD WAL OO DAWLI AH FADLAN KASOO FAALOODA
MAQAALKAN. WAA MAHADSAN TIHIIN.
Qore: Mudane Axmed Muse Geedi (Sanjab)
Xoghayaha Guud ee Xisbiga ‘U.C.I.D’ Top
“Aniga Ayaa
Ugu Goolal Dhallin Badnaa Sannadkaa Tartankii Dugsiyada Sare, 13-Gool
Ayaanan Dhalliyay,” Maxamed Axmed Ismaaciil (Shakuur). |
Waadiga Ciyaaraha, C/fataax M. Caydiid.
Wareysi – Maxamed Axmed Ismaaciil (Shakuur): Xidigii Kooxdii Xulka Gobolka
Waqooyi-Galbeed U Dhaliyay Goolkii Ay 1984-kii Ku Qaadeen Koobkii
Tartankii Gobollada Soomaaliyadii Hore
Hargeysa (Haatuf) – Sida ay wada ogsoon shacbiga Somaliland waxay ka mid
yihiin dadweynaha adduunka ee sida aadka ah u xiiseeya ciyaaraha ama u
jecel, waxaana lagu tilmaami karaa in ay yihiin qaar yar iyo weynba jecel
ciyaaraha, gaar ahaan ciyaarta kubadda cagta oo si weyn looga jecel yahay
dalkan.
Iyadoo sidaas tahay haddana, marka loo eego wakhtigan xaadirka ah iyo
wakhtiyadii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland ka mid ahayd Wadankii la isku
odhan jiray Soomaaliya, waxa la odhan karaa si aad ah ayay u kala fog
tahay, waayo, wakhtiyadii hore waxa jiray kooxo ama ciyaartoy ay aad
tayadoodu u sareysay oo maskax iyo farsamo u lahaa ciyaaraha kubadda cagta,
kuwaas oo guulo waaweyn u soo hooyay kooxihii ama gobolladii ay ka
tirsanaayeen. Balse wakhtigan xaadirka ah oo badiba adduunka kale ay
horumar ka gaadheen guud ahaan ciyaaraha, gaar ahaana kuwa kubadda cagta,
dalkeenan Somaliland uu jiro hoos u dhac iyo dayac badan oo xaga
isboortiska ahi, iyadoo sababo badan oo kala duwan lagu tilmaamo in ay
sees ama hormood u yihiin hoos u-dhaca iyo dayaca faraha badan ee ka
muuqda isboortiska Somaliland.
Haddaba, Wargeyska Haatuf, isagoo taa ka shidaal qaadanaya, wuxuu isku
dayayaa inuu wax ka weydiiyo ciyaartoydii hore ee magaca ku lahayd ama
tirsanayd kooxihii ka dhisnaa dhammaan gobollada Somaliland taariikh
ciyaareedkoodii, wakhtiyadii ay ciyaari jireen waxyaabihii ay la kulmeen,
sidii xal loogu heli lahaa mushkiladdan haysata Isboortista Somaliland iyo
sidii kor loogu qaadi lahaa isboortiga Somaliland guud ahaan, iyo gaar
ahaan mooraalka dhallinyarada dalka.
Sidaa darteed, waxaanu isku dayaynaa in aanu wareysiyo ka qaadno
ciyaartoydii hore ee wadanka, kuwa maanta ciyaara ciyaaraha kala duwan,
masuuliyiinta Isboortiska wadanka iyo cidii kale ee ay khusaysaba, taas oo
aanu wareysiyo aanu ka qaadnay ciyaartoydii hore qaarkood idiin siin
daynay, ayaanu maanta idiin sii dayn doonaa qayb ka mid ah wareysi aanu la
yeelanay Xidigii ugu magaca weynaa Gobolka W/galbeed sannadihii
sideetameeyadii, kaas oo qofkasta oo wakhtigaa daawan jiray oo xiisayn
jiray ciyaaruhu uu garan karo da’ kasta ha ahaadee, kaas oo ahaa Maxamed
Axmed Ismaaciil oo ku caan baxay ama loo yaqaano badiba dadka reer
Somaliland (Shakuur).
Shakuur, waxa uu ahaa ciyaartoydii caanka ahayd ee gobolka waqooyi-galbeed
sannadihii sideetameeyadii, waxaanu ahaa ciyaartoygii sannadkii 1984-kii
dhaliyay goolkii ay koobka ku qaaday kooxdii Gobolka W/galbeed, isla
markaana waxa uu ka mid ahaa ciyaartoyda ugu goolasha badnaa wakhtigaa,
sida aadka ahna looga tixgelin jiray.
Maxamed Axmed Ismaaciil (Shakuur) waxa uu ku dhashay dhashay magaalada
Diridhaba sannadkii 1966-kii, waxaanu carruurnimadiisii ku barbaaray
magaalada Hargeysa, isla markaana Waxbarashadiisii waxa uu ka bilaabay
dugsiga hoose ee Biyo-dhacay, isla markaana dugsigiisii dhexe waxa uu ka
dhigtay dugsiga Biyo-dhacayga Sare. Shakuur waxa dugsigiisii sare ka
qaatay dugsiga Gacan Libaax ee magaalada Hargeysa.
Yaraantiisii Shakuur wuxuu aad u xiisayn jiray ciyaaraha, gaar ahaan
kubadda cagta, iyadoo ay taas u dheerayd ciyaaraha fudud oo qudhooda aad u
xiisayn jiray, balse kubadda cagta ayay ahayd ta uu aadka ugu wanaagsanaa
carruurnimadiisii waxaanu ahaa nin xarfadda aad ugu fiican. Sannadihii
waxbarashadiisii dugsiga hoose iyo dhexe may jirin kooxo dhisan oo ay
dugsiyadaasi lahaayeen, inkasta oo mar marka qaarkood la qaban jiray,
haddana ma jirin tartan sidaa u weyn oo ay lahaayeen dugsiyada hoose iyo
dhexe. Balse waxa jirtay kooxo xaafadda magaalada Hargeysa ka dhisnaa oo
uu ka ciyaari jiray. Laakiin markii uu Dugsiga Sare dugsiga ee
Gacan-libaax galay, ayuu ku biiray kooxdii Dugsigaasi lahaa,
wakhtiyadaasna waxa magaaalada Hargeysa lagu qaban jiray sannad kasta
tartan dugsiyada sare ah kaas oo ay kooxda Dugsigiisu ka qayb-geli jirtay,
kana mid ahayd kooxaha ugu cad-cad, isla markaana tartankaasi waxa uu ahaa
tartamada ugu xiisaha badnaa ama ugu shacbiyada badnaa wadanka. Shakuur,
waxa uu ahaa ciyaartoy farsamadiisa ama tayadiisu aad u sareyso,
nasiib-darrase sannadkiisii ugu horeeyay ee uu dugsiga sare galay, lama
qaban tartankii dugsiyada sare, waxaanay taasi ka dambaysay kadib markii
sannadkaas oo ahaa 1982-kii uu magaalada Hargeysa iyo badiba magaalooyinka
kale ee gobollada Waqooyi ka dhacay Dhagaxtuurkii ardayda reer Somaliland,
kaas oo ay kaga soo horjeedeen Maamulkii Macangaga ahaa ee Siyaad Barre.
Balse, Sannadkii 1983-kii ayaa la qabtay Tartankii Dugsiyada Sare, kaas oo
ay kooxdii Dugsiga Gacan-libaax ee uu ka tirsanaa Shakuur ka qayb-galeen.
Shakuur, isagoo ka waramaya bilowgii soo caan bixiisa waxa uu yidhi,
“Sannadkii ugu horeeyay ee aan dugsiga sare galo, ma dhicin tartan
ciyaareed, waxaana sannadkaa dhacay dhagaxtuur, sidaas awgeedna lama qaban
tartankii dugsiyada sare, balse sannadkii 1983-kii ayaa la qabtay, waxaana
la igu soo daray xulkii kooxda Dugsiga Sare ee Gacan-libaax, kooxdaas oo
ay ku jireen rag badan oo isla wakhtigaa ku jiray Xulkii gobolka W/galbeed
oo dhigan jiray isla dugsigaas. Aniguna wakhtigaa waxaan ku ciyaari jiray
garoomada caadiga ah sida ka xawaadle oo kale oo aan ka mid ahaa koox ka
mid ahayd kooxihii xaafadaha ka dhisnaa. Kooxdayadu waxay ahayd koox aad u
adag, waxaana ku jiray rag aad u wanaagsanaa oo xulka gobolka ku jiray,
ahaana ragga anigana igu soo daray oo ay ka mid ahaayeen; Maxamuud Maxamed
Xoore (Camuudo), Jamaame, Sitiin Nuux iyo rag kale oo badan. Kadibna
markii la igu soo daray Dugsiga Sare ee Gacan-libaax ayaa waxa la siiyay
lambarka 10aad oo aan u qaatay kooxda, isla markaana waxa jirtay in aanan
u baran in aan ku ciyaaro kabaha dhibcaha leh oo aan is odhan jiray, marka
kale ayaad ka fiican tahay, kadibna la I siiyay kabihii dhibcaha lahaa,
waxaanan is lahaa ku ciyaari kari maysid, iyadoo ay dhacday dhawr jeer oo
aan is idhi ku ciyaar, kadibna aan markiiba iska saaray oo aan ku ciyaari
kari waayay, laakiin markan waan la qabsaday waanan ku ciyaaray. Sidaas
ayaanu tartankii ku bilaabmay oo aan kooxdii ugu uga mid noqday oo aan ugu
ciyaaray. Markaa ragga aanu isku kooxda ahayn ee aan ciyaarta aadka isula
qabsanay waxa ka mid ahaa Camuudo iyo nin isaga la yidhaahdo Cabdi Daahir.
Sidaas ayaanu ku ciyaarnay, koobkii sannadkaasna uu dugsigayagu ku
guulaystay, ciyaarihiina ku dhammaadeen.
Shakuur, waxa uu sheegay in sannadkaa u goolal badan dhaliyay, balse aanu
tiro ahaan intay ahaayeen garan karin, maadaama wakhti badani ka soo
wareegay, waxaanu yidhi: “Goolashii aan dhaliyay sannadkaa, runtii anigoon
si wanaagsan u garanayn tiradii ay ahaayeen, haddana 5-6 ayaan u
malaynayaa, waanay dhici kartaa in ay ka badnaayeen.”
Kadib markii ay sannadkaa 1983-kii ku guulaysteen kooxdii Dugsiga Sare ee
Gacan-libaax ee uu Shakuur u ciyaari jiray, waxa loo qaatay xulkii Gobolka
W/galbeed oo ka mid noqday, isagoo wakhtigaas da’diisu aad u yarayd,
haddana ciyaar-wanaagsiina ayaa keenay inuu ka mid noqdo oo uu ku biiro
Xulkii Gobolka.
Shakuur, kadib markii uu xulka Gobolka ku biiray kama tegin kooxdii
Dugsigiisii sare ee Gacan-libaax, waxaanu sannadkii labaad ee ee fasalka
3aad ahaa u soo saftay kooxdaas tartankii dugsiyada sare ee sannadkii
1984-kii, isagoo arrintaa ka waramayana waxa uu yidhi: “Sannadkii dambe,
waxa dhacday in ciyaartoydii aanu sannadkii hore wada ciyaaraynay ay
iskuulkii ka baxeen oo ay dhamaysteen. Waayo, Iskuulku wuxuu ahaa iskuul
cusub oo loo soo wareejiyay arday fasallada 2aad iyo 3aad ah oo laga
keenay dugsigii Sare ee Xalane oo markaa loo kala qaybiyay Dugsiga
Gacan-libaax iyo Maxamuud Axmed Cali. Markaa waxa dhacday in la dhiso koox
cusub, taas oo la dhisay, tartankiina aanu ka qayb-galnay. Runtii
sannadahaa ciyaaraha Tartanka Dugsiyada Sare waxay ahaayeen qaar aad u
xiiso badan oo xataa ka xamaasad badnaa tartanka Gobollada.
Marka laga tago kooxdayada waxa jirtay sannadkaa koox kale oo aad u khatar
ahayd oo u ciyaaraysay Dugsiga Sare ee Maxamuud Axmed Cali, kuwaas oo ahaa
koox dhisan oo ciyaartoyda intooda badani isku xaafad deggenaayeen oo aad
ciyaarta isula bartay, kuna jireen ciyaartoy khatar ah oo ay ka mid
ahaayeen Weli-Xaawo, Libaax, Iid, Cabdi Cumar iyo niman badan oo sidaas
ah, waxa kaloo ku jiray Saban oo wakhtigaasna ka mid ahaa xulka Gobolka,
kooxda iskuulkiisana u ciyaari jiray. Kooxdaydii Sannadkaas kaalinta
labaad ayaanu galnay, waxaana koobkii naga qaaday kooxda Dugsiga sare ee
Maxamuud Axmed Cali u ciyaaraysay. Sannadkii ku xigay oo ahaa 1985-kii, oo
ahaa sannadkii iigu dambeeyay ee aan u safto Dugsigaas ayaan ka
qayb-qaatay kooxdii Dugsiga Gacan-libaax, waxaanay sannadkaa kooxdu ahayd
koox aad u wanaagsan oo ay ku jireen rag wada khatar ahaa oo ay ka mid
ahaayeen Maxamed Gahayr, Liito, nin Cabdi Burco la odhan jiray, raggaas oo
badankoodu ka mid ahaa xulkii Gobolka, iyadoo aanu sannadkaa muujinay
wacdaro, koobkiina sidaas ku hananay oo aanu ku guulaysanay.”
Shakuur, waxa uu sheegay koobka ay ku guulaysteen ka sokow inuu isagu ahaa
ciyaartoygii ama xidigii ugu goolasha badannaa oo uu dhaliyay 13-gool,
isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi: “Aniga ayaa ugu goolal badnaa,
waxaanan sannadkaa 1985-kii tartankii Dugsiyada dhaliyay 13-gool, waxa igu
xigay Maxamed Gahayr oo isna kooxdii Gacan-libaax ka tirsanaa oo aanu isku
koox ahayn oo isna dhaliyay 10-gool.”
La soco cadadka dambe.
Top
|