Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2132 August 31 ,2009                                   Ramadan 10,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Ummadda Yaan Lagu Jahawareerin Canaatan Iyo Danta Gaarka Ah.

By:A.Aw Xuseen

Ummaddani Saamiximeyso in Danaheeda lagu Lumiyo Hirdan Siyaasadeed oo I Jiid aan Ku Jiidee ah.

Shaki kuma jiro murranka siyaasadeed ee Somaliland in maanta uu gaadhay xaalad aad looga yaqyaqsoodo oo ah xaalad ummadani ay ka faani jirtay.Waxad mooda in si badheedh ah loo baal marayo habdhaqankii ummadani laheyd ee ay kusoo caana maashay ee ahaa wada tashiga iyo isutanaasulka.

Murranka ugu weyn ee taagan ee imika soo ifbaxayaa waxa weeyi cidda hagaanka wadanka heyneysa inta doorashooyinku dhacayaan.

 Labada garab ee siyaasadda iskagasoo horjeedana mid walbaa wuxu ku adkeysanayaa in kiisa la raaco.Taasuna ma aha tu ina dhaqeysa oo caadadeen ah. Waxa kale oo aan aaminsanahay in xitaa aanay dhib badneyn haddii dhinac la iskugu biyo shubto.Waa haddii danta ummadda la qadarinayo oo dan laga leeyahay.

Xukuumadda:

Xukuumadda waxa ay dooneysaa in madaxweynaha muddo kordhin loo sameeyo ilaa inta doorasho dhaceyso.Waxa ay si adag u diidanyihiin guddi dhexdhexaad ah oo hogaanka dalka si ku meel gaadha ah u qabata iyagoo ku doodaya in sidaasu sharciga waafaqsaneyn.Laakiin waxa kale oo ay  iska indhatirayaan sida ay mucaaridku ku doodayaan oo ah sharci muddada loogu kordhiyaana in aanu jirrin.Kolkaa kol haddii labadiiba ay murran ka taaganyahay, miyaanay habooneyn in xukuumaddu ay damaceeda ka hormariso ka danta guud oo ay kala badbaadiso ummadda. Miyaanay habooneyn in wax walba laga hormariyo badbaadada qaranka. Waliba inagoo og in dhowr jeer loo sameeyey mudo kordhin dad badani aaminsanyihiin in ay ahaayeen talaabo sharciga baalmarsan.Xukuumaddu iyagoo tixgalinaya wanaaga iyo horumarkii uu wadankanu kusoo jiray ilaa iyo 1991 waa in ay ku dadaalaan in ay aqbalaan wax alla wixii dan u ah wadanka.Xukuumadu waa in aanay dhibsan in wadanka loo dhiibo guddi dhexdhexaad ah oo ku meelgaadh ahaan hogaanka wadanka qabta ilaa iyo doorashadu qabsoomeyso.Waa in ay ahmiyadda saaraan ololaha oo ay kasbaan shicibka si mar kale loosoo doorto.

Xisbiyada Mucaaradka

Mawqifka ay taaganyihiin ee ah sac sac ka raaci mayo ilaa taayada leeyeelo iyadana waa laga wanaagsanyahay.Waa run oo in badan ayaad tanaasulku xagiina ka yimid taariikhduna way idiin ogtahay shacabkuna abaalkaa waa idiin hayaa.Laakiin xaqiiqdu waxa weeyi hawl aduun ma dhamaato, oo la idinka siisan mayo: " intaas oo jeer ayaan tanaasulaye mar dambe waa iga xaaraan" .Idinkoo hormarinaya furdaaminta iyo wanaaga ummadda iyo sumcad wanaagsan oo aad ka kasbataan shacabka maxaa ku jabban in aad tidhaahdaan "kaadi badane waa loo googol badiyaa" oo aad ogolaataan muddo kordhinta. Idinkoo shuruudo adag iyo markhaatiyo adag ka dhiganaya waxa laga yelayo haddii ay doorashadu waqtiga loogu tala galay ku dhici weydo.Shuruudaha waxa ka mid noqon kara in haddii ay doorashadu dhici weydo in Kolka ugu horeysa uu iscasilo madaxweynuhu.Kolka labaad na imika lasii cayimo cidda madaxweyne ka noqon doonta haddii ay sidaasu dhacdo. Sidaasbaanad kol walba ina foos ku tihiin oo haddii doorasho dhacdana sumcad wanagsanbaad dadka ka kasbateen haddii ay dhici weydona shuruuda aad dhigataan ayaa lagu dhaqmayaa.

Looma baahna isusoobaxyo iyo rabshado ina dhaxalsiin kara qoomamo iyo dhibaatooyin kale.

Allahayow laba talaba tii roon

Allahayow Tawfiiqda noogu roonow

Allaahuma Yassir Walaa tu Cassir

AAMIIN!!AAMIIN!!AAMIIN!!!

By: A. Aw Hussein

Ali H. Omer