Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2163 October 06,2009                                   Shawal 17,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Jawharada Qoyska

Buug Xiiso Badan oo uu qoray,Barre Aduunyo

MAWQIFKA DIINTA

Guurku waa intikhaab iyo heshiis. waa doonis iyo raxmad waa dhameystirkii Hamada iyo baahida jinsiga ah. waa raaxo iyo rabitaan dabiiciya oo kulmiya lamaanaha. waa cugasho iyo dhaqan . yaa dafiri kara in Guurku yahay midow iyo wadaag xalaala. Guurku waa cibaado. Waa seeto iyo dabar isku xidha labada qof si uu qoyska loxoska ah tiirarkiisu u adkaadaan, run ahantii waa falka keliya ee siiya

Nolosha aadamaha xasiloonida iyo wehel. guurku in uu yahay wehel iyo wadaag waa arin dhamaan dawladaha bulshooyinka caalamku isku raaceen.

Guurku wuxuu ka mid yahay waxyaalaha ugu waaweyn ee ina tusinaya jiritaanka ilaahay, kelinimadiisa, deeqtonaantiisa iyo baahida ay qabaan wixii isaga ka soo hadhay oo idil waxana taas fahmi kara indheer garadka oo keliya .

Intii caro edeg ku nool waa laysku raacsan yahay in guurku ka mid yahay sunayaasha aan faralka waxba ka hoosayn ee nolosha aadamaha la kowsatay Ibnu Najaym (Rc) wuxu yidhi “ma jirto cibaado la jideeyay marka laga soo bilaabo wakhtigii aabaheen aadam (Cs) ilaa laga soo gaadho wakhtigii nabigeeni maxamed (Nnkh) oo waliba sii socon doona xitaa janada gudaheeda marka laga reebo laba cibaado oo kala ah .

 

1.         Rumaynta ilaahay iyo xuskiisa xil kasta arintaas oo ehelu janaha u ah sida neefsashada oo kale.

2.         Guurka oo ilaahay nimanka ehelu janada ah ku lamaanaynayo habla xuural caynta ah.

 

Run ahaan qiimaha iyo faaiidooyinka guurku uu u leeyahay rag iyo dumarba ma aha qaar halkan lagu soo koobi karo, guurku waa cibaado: gaar ahaan ninku u niyeysto in naftiisa iyo xaaskiisa xumaan ka ilaaliyo, isla markaana ka dhigto sabab ilaahay dhabarakiisa kaga soo saaro ubad eebe caabuda. Sidoo kale guurku waa raxmad ilaahay ku manaystay adoomihiisa adoomahaas oo alleh ka fadli iyo karaamo yeelay dhamaan makhluuqa kale ee alle uumay, guurku waa midnimao, nabad iyo is afgarad iyo irida ay ka bilaabanto taranka bnu aadamka, waxaanu daawo u yahay dhibaatooyin badan oo haysata dhalinta aan guursan, guurku wuxuu xasiliyaa maskaxda oo qofka guur xalaala gala uu ka helo lamaane la wadaaga dhita iyo dheefta, farxada iyo murugada, macaanka iyo qadhaadhka nolosha ruuxna ma dhamaystiro ilaa uu ka baxo xabsiga iyo silsiladaha culus ee doobnimada/gashaantinmada. Nolosha raaxadeedana ma dhadhamio ilaa u ka galo guur gogol xalaal ah kolkaas oo gurto midhaha macaan ee jacaylka hadii ay lamaanaha is codsaday ku dadaalaan inay ka dheeraadan waxa kasta oo dumin kara gurigooda waxa shiki la’aana in cidhibtooda danbe noqoto qoys badhaadhe.

 

GUURKU WAA CIBAADO:-

 

Waxa taas u daliila xadiiskii nabigeenii suubanaa (Nnkh) ka sugnaaday oo macnihiisu ahaa sadaqo ayay u tahay ninka xalaal ugu galmooda xaaskiisa (W. W. Muslim)

Guurku diinta waa u gargaaar, sheydaankana waa u goblan iyo hoog, waa gabood adag oo cadawga illaahay laga galo. Waxa ku badata ummada islaamka

guurka waxa ku badata ummada islaamka si ay ula tartamaan umadaha kale.

Illaahay (Swt) waxa uu aayadiisa ku leeyahay “U guuriya xaas laawayaasha idinka midka ah iyo adoomadiisa kuwa wanaagsan (Rag iyo Dumarba) hadii ay sabool yihiin illaahay isagaa deeqdiisa qani ka dhigayee” guurka oo bulshadu ku badato wuxuu ka qayb qaataa horu marka aadmiga. Waxa aynu wada ogsoonahay in bulsho yari aanay gaadhi Karin horumar dhaqaale, mid ciidan iyo mid bulsho.

Bulshada badan ayaa keenta koru kaca horu marka dhaqaale, guurkuna wuxuu abuuraa qoys, qoyskuna wuxuu kordhiyaa bulsho, bulshaduna markay kordho waxa badanaya ilbaxnimadooda iyo xadaaradooda oo waxay noqdaan dad dhinac kasta ka dhisan.

Ibnu Mascuud (RC) waxa uu odhan jiray “hadii uu cimrigayga toban cisho oo kali ahi ka hadhsan yihiin waxaan jeclaan lahaa inaan guursado, si’aanan illaahay u hor tagin anigoo doob ah” Xuska illaahay ka sokow wax la macaansado waxaa u mudan guurka xalaasha ah waana sunaha kaliya ee dunida la kawsatay isla marka sii socon doona ilaa aakhiro (ibnu qiyam) RC)

Lasoco………………………….