Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2171 | October 15,2009 Shawal 26,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
“Wasiirku Iska Horkeenka Iyo Xaaladd Abuurka Uu Sheegay In Warbaahintu Joojiso, TV-Qaranka Iyo Radio Hargeysa Ma Ku Jiraan,VOA-Da Waxa La Qoraa Janaqaw,Yabaraw,Iyo Tiifaw” Muuse Biixi Cabdi “Muuse Biixi Waxaan Leeyahay Xisbigiina Waxa Fadhiya Wasiiradii Halkan Ka Baxay Anaguna Halkaayaanu Fadhinaa” Madaxweynu Ku Xigeenka Hargeysa October, 15, 2009 ( Haatuf ) – Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo shalay ka qayb galay isla markaana furitaankii xaflad loo sameeyay mawjada FM ee Ee Idaacada VOA laanteeda af Soomaaliga Hargeysa laga Furay oo lagu qabtay Hotel-ka Maansoor ee magaalada Hargeysa ayey Masuuliyiinta Sare ee xukuumada Rayaale iyo masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ay isku waydaarsadeen khudbado siyaasadaysan oo weerar iyo weerar celin isugu jira, taasoo madashaasi ay isku badashay madal ay xukuumada iyo hogaamiyaasha mucaaridku dhaliilo uga soo jeediyaan maamulka idaacada iyo hab dhaqanka shaqo Qorista ee VOA-da. Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen madaxweyne ku xigeenka, wasiiro, hogaamiyaasha axsaabta mucaaridka, xildhibaano, culimaa’u diin, wax garad iyo boqolaal ka tirsan dadweynaha Reer Somaliland ayaa ugu horeyn waxa hadalo hordhac ah madashaa ka jeediyay Maamulaha Idaacada VOA C/Raxmaan Yabarow oo ka waramay geedi socodka idaacada laanteeda Afka Soomaaliga ah iyo inay idaacadani wax weyn ka tari doonto Laanteeda laga furay Somaliland. Gudoomiye Ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo madashaas khudbad ka jeediyay ayaa soo dhaweeyay mawjadan FM-ta isla markaana uga digay in idaacadani ay ku sifawdo inay baahiso warar dhinac ah. Muuse waxa uu sheegay oo kale inay soo dhaweynayaan idaacadani haddii ay noqoto mid aan ka dhan ahayn Somaliland, waxaanuu intaa ku daray in idaacada u haboontahay in shaqaalaha laantu aanay wada noqon dad ka soo jeeda Koonfurta Somalia, isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa hadalkiisa ka mid ahaa “ marka hore Hambalyo VOA-da soo korodhay iyo idaacadaha kal iyo laab ayaanu ku soo dhaweynaynaa, nimco waliba nusqaan lehi warbaahinta badatay Ilaahay nusqaanteeda ha inaga duwo oo khayrkeeda ha ina siiyo, dhago iyo indhihiiba way inaga qabsadeen oo mid aad dhagaysato iyo wax aad akhrido waa lagu dawakhayaa oo way nagu fara bateen ee Ilaahay wax wanaagsan ha inaga siiyo, wixii shar ahna ha inaga duwo” “ VOA-da waxaanu uga fadhinaa barnaamijyo wax na tara oo tayo leh waxbarasho leh, caafimaad leh, dadka rayigooda kordhiya, oo Somaliland-nimadana caawiya ee aan ka hor iman, laba halba naga ilaaliya waa naga dardaarane sidii wasiirkuba sheegay Markaad Somaliland leedihiin laba erey-ba waanu ka sasnaa oo isugu magacawday erayga la yidhaahdo bal ka dadaala, tu kale oo ka sii daran oo mar mar afku idin ka xadana gobolada waqooyi-na iyadana taasi way adag tahay. Barnaamijyada aad wadaan ee imika iidhahda ka bixisaana dee meelo badan ayaad Cover-garaysaane oo annaga oo qudha nalama hadashaane, markaad qoladii Cali Samatar iyo Kacaankii nagu kaakicinaysaan cidii ka hor tagtay iyo SNM-na soo garab dhiga, haddii kale waa dhinac. Qodobka kale waxaan uga gudbayaa anigu xog ogaal badan ma ihi dibadahana ma tag tago bahlahan Computer-ka ahna waa layga badiyaa sida ina Xuseen Ciise ee Maraykanka tagana ma ihi laakiin mar aan soo socday goor dhawad laba islaamood oo midna caano sido midna xaabo sido oo soo lugaynayay ayaa arrintan ka hadlayay VOA-da, labadaa islaamood ayaan maqlaayay waxay islahaayeen, waxay yidhaahdeen Qolada VOA-da ee maanta leeyihiin waa la furayaa maxay ahaayeen, midbaa waxay tidhi habeenadan baan dhagaysanayay oo Ilaahay Erayga ( DH ) la yidhaahdo wuu ku dhibay, barigii af Soomaaliga la qorayay ayaa laysku qabtay erayga GABAR iyo GABADH dabeeto gudi loo saaray oo uu ku jiray oday sheeko xariir la yidhaahdo ayaa yidhi, bal erayga GABAR jamaceeda keena, ka dib waxa laysla qaatay inay noqotay GABADH iyo GABDHO, si ay ka noqotaba VOA-da waxaan ka dhagaystaa laba xaajo oo igu cusub midi waa magacyada ka shaqeeya midna waa luquda oo ( DH-dii ) way iska diiday idaacadaas, waxay islaamahaasi yidhaahdeen markay wariyaasha la qorayo saddex shuruudood ayaa loo eegaa haddii magaciisu noqdo Janaqaw, Culusaw, Siidaw, Yabarow, Tiifaw shaqo waa la siiyaa, hadduu noqdo Qawdhan, Cawke, Ducaale, Hereri, Hurre, qaldaan waaye oo shaqo lama siiyo, marka magacyadaa laga gudbo waxa la eegaa wadamada uu ka yimid oo haddii uu ka yimid Kabul iyo Muqdisho xaga hore ayaa shaqada laga qoraa, hadduu magaalooyinka dagan ka yimaadana waa la joojiyaa, qodobka saddexaad waxa loo eegaa buraanbur waana kii Hereri iyo Cawke ku dhaceen ragii af Soomaaliga ku caan baxay. Wasiirka Warfaafinta wixii uu ka soo dhamayn lahaa xafiisyadooda Washington inuu xagan kaga hadlo may ahayn, waxaan aad u soo dhawaynayaa eraygii afkiisa ka soo yeedhay wasiirka xukuumada Afhayeenka u ah ha la wada shaqeeyo ha la wada hadlo oo buuqa ha layska daayo, waa gudoone ha laydin ka helo, waa inta aanu annagu doonaynee, qodobka kale ee wanaagsan wasiirku wuxuu yidhi Media-yuhu aflagaadada iyo khilaafka iyo xaalad abuurka hanaga daayo, Tv-ga Qaranka iyo Radio Hargeysa Ma ku jiraan kuwaasi, ta kale wasiirku waxa uu yidhi Mucaaridka wax kale iskuma haynee Kursiga Fuulistiisa ayaanu isku haynaa, taasi waa meel ka dhac ee waxaanu isku haynaa mabaadii iyo isbadel maamul” sidaas ayuu Muj. Muuse Biixi Cabdi. Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa maamulka VOA-da u jeediyay inay barnaamijyada idaacada ku soo kordhiyaan barnaamijyo ku saabsan tahriibta iyo wacyi galinta falalka argagaxisada, isagoo dhinaca kale-na ugu baaqay warbaahinta dawlada inay dhex dhexaad ka noqoto axsaabta siyaasada “ waan soo dhawaynaynaa idaacada laanta af Soomaaliga ee VOA haddii aynu qaramayn waynay Tv-gii Iyo Radio Hargeysa, maadaama uu wasiirkii Warfaafintu uu joogo madasha oo la leeyahay Tv-gii iyo Radio-giiba ha la qarameeyo waa in aynu u furno Channel labaad oo ay mucaaridku ka hadlaan, halka la leeyahay waxbay kala riixanayaan xisbiyadu, Muuse waxaan leeyahay Xisbigiina waxa fadhi wasiiradii shalay halkan ka tagay, xisbigayagana waxa fadhiya annaga iyo wasiiradii maanta farqi weynina ma jiro oo shalayba wasiiro ayaad ahaydeen anaguna maanta halkan ayaanu fadhinaa, way fiicnaan in aynu u banayno jiil cusub oo tartan gala. Maamulaha Laanta Af Soomaaliga ah ee Idaacada VOA-da C/Raxmaan Yabarow oo ka jawaabaya dhaliilihii uu dusha ka huwiyay Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Idaacadooda qaabka ay shaqaalaha u xushaan ayaa isagu sheegay inaanay wariyaasha ku xulan gobolaysi iyo luuqadooda toona balse ay ku soo xushaan tayadooda aqooneed, isla markaana tilmaamay inaanay wax awood ah ku lahayn shaqaalaynta suxufiyiinta ka hawl galaya idaacadooda, tilmaamayna in wariye Axmed Xasan Cawke uu iskii uga tagay idaacada wariye C/Salaan Ibraahin Hereri-na uu hadda ku soo noqday idaacada, isagoo intaa ku daray in wariyaal tiradoodu gaadhayso laba iyo toban wariye iyo saddex farsamo yaqaan ay ka hawl galaan Xaruunta Istudyuuga Washington halka uu saddex iyo labaatan wariye oo kale-na ku sheegay inay dalalka caalamka ee kale ay wararka uga soo tabiyaan, waxaanuu Mr. Yabarow xusay in idaacada VOA-da la bilaabay 1992 balse ay si rasmi ah ay u hawl gashay 12 / February 2007, haddana ay suura galiyeen in FM ay ka hirgaliyaan Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Waxa kale oo halkaasi khudbado kooban ka soo jeediyay Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa Xuseen C/Laahi Bulxan, Aadan Xaaji Xiiray oo ka mid ah Culimaa’u diinka Caasimada. |