Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2171 October 15,2009                                   Shawal 26,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 Guddoomiyaha Wakiilada Oo Ugu Baaqay Inay Qaramayso Tv-Ga Iyo Radio Hargaysa

“In Hub Ka Dhis Lagu Sameeyo, Oo La Qarameeyo Tv—Ga Qaranka Iyo Radio Hargeysa” Gudoomiyaha Wakiilada C/Raxamaan Ciro

Hargeysa October 15, 2009 (Haatuf)-Gudoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaam Maxamed C/llaahi Ciro, ayaa duray TV-ga qaranka iyo Idaacada Radio Hargeyasa aanay ahayn ha’ado qaramaysan oo hay’adaha qaranka si siman ugu adeega, isagoo intaa kudaray in labadaa hay’adood hub ka dhigis lagu sameeyo, laguna qarameeyo hay’adaha qaranka ee kale.

Gudoomiyaha Wakiilada C/raxmaan Ciro, waxa uu sidaas ku sheegay khudbad uu shalay ka jeediyey xaflad lagu furayay mawjad Idaacada VOA-da, isaga oo gudoomiyuhu arrimaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Somaliland marxalado badan ayay soo martay haykal dawladeed, nabad gelyo, dimoqraadiyad bay samaysay, sanadkii 1997-kii waxay Somaliland ku guulaysatay oo hirgelisay hub ka dhigisyo qaramayantii ciidamada, laakiinse waxaad mooda inaan laba hay’adood wali hubka laga dhigin, oo ay u baahan yihiin in hubka laga dhigo oo la qarameeyo, oo ay noqdaan hay’ado qaranka u adeega, labadaasi hay’adood waxay kala yihiin, waa Telefishanka qaranka iyo Idaacada Radio Hargeysa. Sidaa darteed xukuumada waxaanu u soo jeedinaynaa, in hay’adaha qaranka ay la mid noqdaan oo iyagana hub ka dhis lagu sameeyo si ay u noqdaan hay’ado qaranka u adeegana waa in si dhab ah loo qarameeyo”.

Gudoomiyaha wakiiladu isagoo ka hadlaya Idaacada laanta Afsoomaaliga VOA-ee ay ka hirgelisay caasimada mawjad FM-ah, waxa uu yidhi “Bishii march 2008-kii oo an socdaal ku tagay dalka maraykanka oo aan booqday xarunta idaacada VOA oan ugu tagay, kulana kulmay wariye C/salaam Hereri ayaan u soo jeediyey in mawjad FM- ah ay dalka ka hirgeliso, nasiib wanaag hadaynu ka qayb galayno munaasabadii lagu furayay way mahadsan yihiin cidkasta oo ka qayb qaadatay hirgelinta mashruucan.

Waxaan qabaa in Somaliland ay magac u tahay oo caalamkii aaminay Qaranimada Somaliland, waana idaacadaha uu waaweyn caalamka magaca weyna way u soo jiidi doontaa caasimada Hargeysa iyo guud ahaanba dalka, wixii dardaaran ahna waxaan ugu soo jeedinayaa in barnaamijyada idaacada ka baxayaa kuwo garaadka bulshada wacyi geliya oo waxbarasho tayo leh uga furi doona bulshada” sidaas ayuu yidhi Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Ciro).