Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2171 | October 15,2009 Shawal 26,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Iskutuurtuurka Xubinta Komishanka Ah Ee Udub Iyo Kulmiye Maxay Bilow U Noqon Karaan? Weriyaha Haatuf Ee Boorama Maxamed C. Sheekh Tan iyo markii bulsho weynta reer Somaliland, dalalka deriska ah iyo qaadhaan-bixiyeyaashu xaaladda siyaasadda Somaliland kusoo dabaalleen meel laga dhaqaajin karo arrimaha doorashooyinka loona baabiiyo cadhada iyo cadaawadda siyaasadeed ee laba bilood kudhawaad reer Somaliland la jaaha wareereen ayaad mooddaa in mar kale labada xisbi ee ugu waaweyn dalku bilaabeen ficiltan siyaasadeed oo dabada ku wata arrimo hor leh. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa la sheegayaa in xubintii xisbiga Kulmiye u magacaabay komishanka oo ah haweenay la yidhaa Ilhaan haatan noqotay mawduuc u muuqda, dhoolatus labadaa dhinac ku doonayaan inay ku kala adkaadaan, waa Kulmiye iyo madaxtooyada’e, mar kalena reer Somaliland kala dhexdhigi kara cawaaqib xumo waxyeelo gaadhsiisa geeddi socodka doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan wakhti aan la ogeyn. Xubintan komishanka qaranka ee xisbiga Kulmiye ku buuxin lahaa xubintiisii hore ee daadku qaaday, ayaa loo ogaa inaan UDUB iyo madaxtooyadu marnaba aqbali karayn haweenay ka timaadda xisbiga Kulmiye oo hawlqabadkeeda laga ansixiyo madaxtooyada, ilaa maantana kama waantoobin inuu xubin kale soo magacaabo, haweenaydaasina laga daayo hagardaamada labada dhinac. Sidoo kale ayaa xubintan Komishanka qaranka ee xisbiga Kulmiye magacaabay, ayaa waxa magacaabisteeda iyo ansixiteedaba iska leh Golaha wakiilada, balse haddii madaxweynuhu wax ka sheegtay, waxay ahayd in halkaa lagu joojiyo, balse muranka sii socda iyo dhoolatuska labada dhinacba ka samaynayaan diidmada iyo ansixinta xubintaasi maaha mid haysata jidkii lagu ballamay in dalku ku gaadho doorashooyin madaxbanaan. Kulankii dhexmaray Madaxweyne Rayaale, Faysal Cali Waraabe iyo Axmed Siillaanyo wakhtigii la heshiisiiyey ayaa qosolkii ka muuqday shaashada TV-yada loo qaadan karaa inay ahayeen kuwa been ah shacbigana lagu tusayey qosol been ah mar haddii lagu heshiin laayahay qodobkii ugu horreeyey ee ka midka ahaa lix qodob oo gurmadkii caalamka reer soomaalilandba sida dirqiga leh kulasoo gaadheen soomaaliland si loo demiyo xaalad ka duwan tan maanta lagu noolyahay.
waxa durba laga gudbay hal
bil kudhawaad heshiiskaasi caalamiga ah anay fari ka qodnayn ,su'aalo
badan oo la
iskaweydiinayey inb heshiiskaasi fulayo, iyo inaanu fulayn ayaa durba
sansaantiisii ka muuqataa sida la iskugu qabtay xubintaa komishanka ah
,iyadoao an meelba la gaadhinna foodda ay isku dareen mid ka mid ah
xisbiyada mucaaradka ah iyo madaxtooyadu. Mugdiga ku xeeran ansixinta xubintaasi ,ama beddelkeeda ayaa labada dhinacba looga fadhiyaa inay degdeg uga heshiiyaan haddii kale waxa iman doonta oo kale in waxba ka socon waayaan qodobada heshiiskaasi ,isla markaana khilaafka xubintaasi sumeeyo jawigii lagu heshiiyey ,iyo heshiiskaasi gebi ahaantiiba ,taasina ay keento in sannadka soo socda oo dhan murankaasi sii socda ,kana faaiideystaan xoogag kale oo doonaya inay rabshadaha soomaaliland sii xoogeystaan,caalamkana loo tuso inaan soonmaaliland waxba dhaamin soomaaliya ,wakhtigeediina sii dhammaanayo .
Waxad mooddaa in madaxweyne
Rayaale durba qiil u helay dhneeraysiga wakhtigii ay xisbiadu mucaaradku
is-lahaayeen waad soo ooddeen jidkaasi ,wakhti yarna lagu geli karo
doorashooyin
diinwaangelin lagu galo,lana saxo serverka iyo aaladaha lala sugayo gaal
maraykan ka imanaya.Waxa kale oo xubintani Rayaale u noqotay bilowga
khamaarka Sidoo kale ayaa iskutuurtuurka xubintan komishanka qaranku noqon karaysaa aafo kale oo soomaaliland ka dhaqaai weydo ,dibna loogu noqdo jaranjaradii ugu hooseysay ee lagasoo bilaabay xallinta khilaafyadii dalka soo maray,doorashaduna dib u dhacdo ,serverku shaqayn waayo, muddo kordhintii guurtiduna noqoto mid aan xad lahayn. Cid kastaa garanaysa in wixii lasoo maray laba bilood kudhawaad ka hor anay soomaaliland qaadi karin, ciddii keentayna anay noqon karin cid maanta si cad loogu maragfurayo, dushana loo saari karo jebinta qodobkii ugu horreeyey ee heshiiskii caalamka iyo reer Soomaalilandba ku farxeen. Ugu dambayntiina lama saadaalin karo waxa ka imannkara iskutuurtuurka xubintaasi ,waxase an marnaba la baajin karin khilaaf mar kale hadheeya xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ah,gaar ahaanna Kulmiye oo ay weligoodba xukuumadda col, ahaayeenloona baahanyahay in durba arrinkaasi degdeg loo qabto ,xalna looga gaadho haddii todobaadkan dhammaadkiisa labada dhinac ku adkaystaan mid kastaaba mawqifkiisa xubintaasi ku saabsan ,oo imika waa shakhsi waxa la isku hayaaye ay iman doonto in shakhsiyaad kale la isku qaban doono. |