Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2171 | October 15,2009 Shawal 26,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
“Madaxweynaha Ayaa Carqaladaynaya Dhamaystirka Komishanka, Waxaanu Ku Fashilmay Ictiraafkii Iyo Horumarkii Dalka” Guddoomiye Xisbiga Kulmiye Axmed Siillaanyo Hargeysa, October 15, 2009 (Haatuf) – Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa Madaxweyne Rayaale ku eedeeyey inuu carqalad ku yahay dhismaha Komishanka cusub, isagoo intaa ku daray in maamulka Dalka Ictiraaf iyo horumar gaadhsiiyo.Guddoomiye Axmed Siillaanyo ayaa waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi ay la yeelatay idaacadda VOA-da, kaas oo talaabo qaldan ku tilmaamay xubintoodii Komishanka ee madaxweyne Rayaale ku soo celiyey laba jeer waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:- S: Sidaad u aragtaa xubintiina Komishanka ka Kulmiye ahaan aad u magacawdeen ee madaxweyne Rayaale dib u soo celiyey? J: Anagu waxa aanu magacawnay gabad anaga oo eegayna Gander-ka oo aah gabadh mutacalimad ah xilkaa iyo waajibaadkana ka soo bixi karta wuu duray, wuu soo ceshay imikadaa aan kula fadhiyo waa taa warqadii la I hor keenay anaga oo shalay ka wada hadalnay, horana uga wada hadalnay oo nidhi gabadhaa gudbi, gabadhaasi waxa uu yidhi waa xisbigiina, xisbigayagana maahee waxa ay ka tagtay muddo hore iyada oo dano iyo hawlo ay leedahay, inkastoo aanu u sharaxnay oo aanu ka wada hadalnay haddana waa uu ku adkaystay oo waa kaa qoraalkii uu ku soo celiyey I horyaala. S: Madaxweynaha ma marlabaad ayaad dib ugu celinaysaa mise waad soo bedelaysaa? J: Arintaa taladeedii way noo hadhay oo hadda anigu ku boodi maayo dib u celine talo ayaan kula noqonayaa. S: Muddo intee leeg ayaad ku heshiiseen inaydun ku dhamaystirtaan xubnaha Komishanka Cusub/ J: muddo lama qaban waxaase ku talo galku ahaa in maalmo kooban si dhakhso ah loogu dhamaystiro dhaqan gelinta heshiiskaasi, heshiiskaasina waxa uu ku xidhan yahay Komishanka doorashooyinka oo isagu hawlgalkooda iyo intay ka fadhiisanayaan waxa se muuqata carqaladda dib u dhaca ku keentay dhismihii Komishanka inuu madaxweyne Rayaale ka masuul yahay. S: Waxa la idinku Tilmaamaa in wasiirkiinii laga eryo xukuumadda xisbiga Kulmiye ku soo biiraan, maxaa isbedel ah oo aad ka bedeli kartaan maamulka dalka? J: Anagaa shacabka taageeradiisa haysana, anagu barnaamij ka duwan xukuumadda ayaanu leenahay dawladda maanta joogtaa fashilkeedii wuu muuqdaa oo waxa ay ku fashilantay Ictiraaf iyo horumar inay keento oo waa taa dhalinyaradii badda isku guraysa, waa kuwaa haweenkii xuquuqdooda duudsiyaya oo hagbadihii laga dhacayo. S: dhalinyarada halkee ayaad dhaqaale uga keenaysaan oo shaqo aad ugu abuuraysaan, dhalinyarada Tahriibaysa? J: Ta ay dalka ka xadeen ee wasiiradu dibadaha ay dhigteen ayaanu dalka iyo dhalinyarada-ba wax ugu qaban doonaa oo dhaqaalaha dalka ka soo baxa ee la lunsado ayaanu u tashiili doonaa. |