Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2171 | October 15,2009 Shawal 26,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Kulmiye Oo Mar Labaad Dib Ugu Celiyey Madaxweyne Rayaale Xubintii Ay Komishanka U Soo Xuleen Hargeysa October, 15, 2009 ( Haatuf ) – Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye Ayaa la sheegay shalay inuu dib ugu celiyay Madaxweyne Rayaale xubintoodii komishanka doorashooyinka ay u soo xuleen ee Marwo: Ilhaan Maxamed Jaamac, oo maalintii dorraad uu dib ugu soo celiyay Madaxweyne Rayaale Xisbiga Kulmiye. Inkastoo aanuu war rasmi ah xisbiga Kulmiye ka soo saarin xubintooda komishanka doorashooyinka dibu celinteeda, haddana waxay ilo xog ogaal ah oo u dhuun daloola xisbiga Kulmiye ayaa Haatuf u xaqiijiyay in Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo ) uu shalay qoraal ay dib ugu celiyeen xubintooda komishanka oo Rayaale u gudbiyay, kaasoo tibaaxuhuna sheegeen in Axmed Siilaanyo tallaabadaasi dib u celinta ah u cuskaday, inaanuu Rayaale xaq iyo awood sharci toona u lahayn inuu dib u soo celiyo xubintooda, taas darteed-na ay wararku intaa ku darayaan in Kulmiye ku adkaystay xubintooda ay soo xuleen inaanay marnaba badalaynin. Tallaabadan dib u celinta ah ee xisbiga Kulmiye mar labaad dib ugu celiyay xubintoodii Komishanka ayaa ka dambaysay ka dib markii Madaxweyne Rayaale Maalintii dorraad soo celiyay xubinimada loo soo xulay Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac, oo tiraba laba jeer uu Rayaale todobaadkan gudihiisa dib ugu soo celiyay Xisbiga Kulmiye, isagoo la sheegay inuu u cuskaday inay xubintaasi ka tirsan tahay gudida fulinta ee xisbiga Kulmiye, isla markaana aanay u bannaanayn inay ka mid noqoto komishanka cusub, hasa yeeshee xisbiga Kulmiye ayaa isagu gaashaan u daruuray dib u soo celintaa uu Rayaale markii labaad dib ugu soo celiyo xubintooda, kuna tilmaamay tallaabo khaldan, kuna adkaysteen inaanay marnaba soo magacaabi doonin xubin cusub oo badasha Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac. |