Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2171 | October 15,2009 Shawal 26,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
“Aniga Saddexdaydii Xubnood Waa Iga Diyaar, Kulmiye-Na Wada Hadal Baa Nooga Socda Si Gabadhaasi Loo Bedelo” Madaxweyne Daahirrayaale Hargeysa, October 15, 2009 (Haatuf) – Madaxweyne Daahir Rayaale ayaa sheegay in gobol kasta oo ka mid ah Somaliland ay joogaan dad aaminsan midnimadii soomaaliyeed, isaga oo intaa ku daray in siyaasiyiinta ka soo jeeda Sool, Sanaag Bari iyo Buhoodle ee ku shiraya Nairobi ay yihiin Ashkhaas aaminsan Soomaali Weyn, kaas oo tilmaamayna in taladu ka godo shacabka gobolada Jooga, balse aanay kuwaasi talo goyn karin.Madaxweyne Rayaale waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in xisbiga Kulmiye wada hadal uga socdo siddii xubinta Komishanka ay u soo xuleen ee ay dib ugu soo celiyey lagu soo bedelo gabadh kale oo shuruudaha buuxisa. Madaxweyne Rayaale waxa uu sidaa ku sheegay waraysi u shalay siiyey idaacadda VOA laanteeda Af-ka Somaliga. S: Heshiiskii lagu soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ka dib xaaladda dalka tafaasiil naga sii? J: horta waxa lagu guddo jiraa xulistii xubnaha Komishanka Doorashooyinka kadib markii la isla gartay inay baneeyaan Komishankii hore, iyaguna ay si geesi nimo ah shaqadaasi u baneeyeen, taas oo looga baahan yahay qolooyinkayaga sharcigu siiyey xulashada xubnahaasi inaanu soo magacawno xubno buuxiya shuruudaha oo aan xisbi ku jirin, xukun dambi ahna ku dhicin oo dhexdhexaad ah, inaanu soo magacawno ayaa nalaga rabaa cidd buuxisa shuruudahaa. S: xubnihii ay golaha guurtida iyo xisbiyada mucaaridku kuu soo gudbiyeen dib aad ugu soo celisay, maxaa sababay dib u soo celintan? J: horta UCID xubintoodii way soo bedeleen oo xubin kale ayay soo magacaabeen waana ay iska dhamaatay, anigana saddex daydii aan soo xulayey waa iska diyaar, xisbiga kulmiye runtii gabadh guddida fulinta ku jirta oo warbaahintuba ay qortay ayay u soo gudbiyeen laakiin wada hadal ayaa nooga socda xataa haddi gabadh kale lagu soo bedelo oo loo soo xulo gabadh kale. S: Asbaabaha aad ku eedaynayso xubintaasi maxaa ka mid ah eedaymahaa? J: Shuruudaha ayaa dhigaya in aan qufku xisbi ka dhex muuqan, markaa anigu waxa aan leeyahay, ma dhaliilayo ee xisbigay ka dhex muuqataa. S: waxa la sheegayaa shir ay dhawaan ku yeelan doonaan siyaasiyiin ka soo jeeda gobolada Sool, Bariga Sanaag iyo Buhoodle oo la sheegay inay kaga tashan doonaan mawqifka ay hor dhigi doonaan Doorashooyinka Somaliland arinkaasi sidaad u aragtaa, saamayn ma ku yeelan kartaa Somaliland? J: dadka Somalidu magaalo aanay lahayn dadka qaar joogaa Somali-weyn baanu aamin- sanahay ma jirto, ka soo bilow ta galbeed ugu xigta, ilaa kuwa dhexe, gobol kasta dad midnimada Soomaali-weyn weli aaminsan ayaa jira, ilayn marbaynu soomaali weyn ahayne horta kuwaas ayay u badan yihiin kuwa Nairobi ku shiraysa, laakiin meel kastaba dadka jooga ayay taladu ka go’aysaa. S: Haddii doorashada madaxtooyadu si dimuqraadiyad ah u dhacdo oo lagaa helo ma ka degaysaa? J: Haa, Waan ka degayaa, doorashadaba anigaa dalkan ka qabtay ninkii sameeyey doorashooyinkuna waa aniga, wax kale-ba ha la igula murmee, aniga oo siddeed bilood jooga ayaa la igu yidhi saddex sano dib u dhig markaasaan idhi Somaliland doorashay ku iibsamaysaa muddo la kordhiyo kuma iibsamayso, ninka ugu muran yar baan noqonayaa haddii doorashada la iga helo oo sida ugu sharafta badan u tiriya. |