Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2171 | October 15,2009 Shawal 26,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Suldaanka Guud Ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Maxamed Suldaan Diiriye Oo Xalay Ku Geeriyooday Hargeysa إنا لله وإنا إليه راجعون Hargeysa October, 15, 2009 ( Haatuf ) – Suldaanka guud beelaha Subeer Awal Suldaan Maxamed Suldaan Diiriye Garaad Boon oo muddooyinkii ugu dambeeyay xanuun u jiifay ayaa xalay ku geeriyooday Abaaro Tobankii Fiidnimo Gurigiisa oo ku yaalla xaafada Xera Awr degmada Kood buur ee Magaalada Hargeysa.Taasoo marxuumka suldaanka guud uu ka mid ahaa salaadiintii Somaliland ee qaybta laxaadle ka soo qaatay dibu xoraynta iyo dibu dhiska Somaliland, si weyn-na nabadayntii beelaha Somaliland iyo xasiloonida iyo daganaashaha dalka. Suldaanka ayaa lagu xasuustaa inuu ahaa nin dhawrsoon oo isu soo dhaweeya dadka isla markaana ahaa nin nabadeed saaxibul cibaado ah oo bulshada dhexdeedana laga qadariyo, iyadoo lagu ixtiraami jiray masuuliyadiisii ballaadhnayd ee uu xilka Suldaanimo uu ku gudan jiray. Alla Ha u naxariistee Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal ayaa abaaro tobanka subaxnimo ee maanta aas qaran loogu samayn doonaa xabaalaha Boqol jire ee magaalada Hargeysa. |