Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2171 October 15,2009                                   Shawal 26,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 Ciidanka Bileyska Burco Oo Qabtay 1013 Ltr Oo Khamriya

Burco, October 15, 2009 (Haatuf) - Ciidanka Bileyska Burco ee gobolka Togdheer ayaa maalintii shalay magaalada Burco kuqabtay 1013 Liter oo khamriya, kaas oo ku jiray quraarado ayaa sida ay sheegen saraakiil ka tirsan Bileysku loo waday magaalada Bosaaso ee maamul goboleedka Somalia ee Puntland.

Khamrigan ayaa waxa siday gaadhi weyn oo nooca xamuulka qaada ah, kaas oo lagu soo hoos qariyey khudaar uu iyana siday Gaadhigaasi, kaas oo ciidamada Bileysku ay gacanta ku dhigeen gaadhigii, darawalkii, Kirishbogi iyo mulkiilihii gaadhiga khamriga siday iska lahaa oo maradanbe yimi goobta gaadhiga lagu qabtay, hase yeeshee waxa la sheegay inuu khamriga uu watay nin reer Boosaaso ah oo aan ilaa hadda gacanta lagu dhigin.
Hogaan ku xigeenka ciidanka booliska ee gobolada bariga Somaliland Taliye Yaasiin Jaamac Ducaale oo saxaafada arintaa uga waramay ayaa yidhi "khamrigan oo aanu ka warhelay inuu magaalada soo galay ayaa salaadii hore ay ciidanka Bileysku soo qabteen. waxaananu kusoo qabanay darawalki gaadhiga iyo
 kirshibogii, ilaa hadana waxa aanu u haynaa saddex qof oo mid yahay ninkii gaadhiga laha. waxaase naloo sheegay oo uu darawalku noo sheegay in khamrigan loo waday Boosaaso ninkii lahaana uu hore uga maray".

Taliyuhu waxa uu intaa ku daray inay arintan maxkamada geeynayaan sharcigana lamarinayo arimahanina ay dalka mamnuuc ka yihiin ciidamaduna il dheer u leeyihiin dhawrgoor oo horena ay soo qabteen oo ciddii lagu qabtay ay maxkamada sharciga ah marisay.

taliyu waxa kale oo uu bulshada reer Somaliland kula dardaarmay inay arimahan iyo wax waloo amnigooda iyo qaranimadooda wax yeelaya la socdaan oo ay gacan ku siiyaan hay'adaha ku shaqada leh, arintan khamriga ayaa ah mid dhawr goor oo hore la qabtay iyada oo dhowaan ay ciidamada boolisku magaalada Burco ku qabteen 880 oo litir oo khamriya.