Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2171 | October 15,2009 Shawal 26,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Guddi Beeleedka J/Yoonis (Samarroon) Oo Go'aanno Kasoo Saaray Magacaabista Suldaan Guud Oo Beeshu Yeelato Kadib Geeridii Suldaan Gurey Boorama, October 15, 2009 (Haatuf) - Guddi beeleed ay leeyihiin ardaayada beesha J/yoonis (samarroon) ee uu kasoo jeeda Madaweyne Rayaale ee deegaanka Boorama ayaa digniin ka bixiyey cid kastoo isku dayda inay arrimaha beeshaasi u yaalla keligeed kaqa hadasho ama ka taliso ay tallaabo ka qaadi doonaan ,isla markaana qabtay wakhti beeshaasi ku dooran karto suldaan guud oo buuxiya xilkii beeshaasi ee uu ka banneeyey marxuum Gurey nuur oo dhawaanta geeriyooday. Shir jaraaid oo aya saaka Boorama ku qabteen xubno ka tirsan guddibeeleedka beeshaasi ayaa sidoo kale waxay si dadban u muujiyeen inay aqoonsaanayn magacaabis la sheegay bin ilkaasi loo magacaabay cid kale oo ka tirsan beesha . Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay Caaqil Muumin Bulxe waaberi ,oo yidhi " waxan halkan isugu nimi inaan hortau ducaynno marxuum Gurey ,tan labaadna waxa isugu nimi ka hadallo mustaqbalka arrimaha beesha J/yoonis ,in Ilaahayjidka toosan inna mariyana waan ku ducaynasanaynaa ,annagoo ana cidna xumaynayn cidna an u eexanayn ka hadlaynna danta guud beesha oo keliya ". Suldaan Faarax maxanmud oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi "waxana idinku yeedhnay inaan bulshweynta beeshaae debed iyo gudoba leh ka saarro jaawhwareerka ka dhashay geeridii ku timi suldaankii guud ee beeshaasi Suldan Gurey oo ahaa suldaankii Guud ee beesha ,inkastoo ay jiraan suldaan hoosaadyo beeshu leedahay waxa uu ahaa suldaankii guud Kolley marka hoggaamiye beeleed geeriyoodo waxa beeshaasi ku yimaadda tabasho ah yaa buuxiya.Isweydii badanbaa iyo su'aalo badan ayaa jira ,oo wax nalaga weydiinayo arrimahaasi .Suldaan Gurey ,ama suldaanka Guu ma ahayn dhaxal ,\kan ka dambeeyaanana ma doonaynno inuu dhaxal noqdo ,hadii nuu dhaxal ahaynn si degdeg ah looma magacaabai karo ,hadii uu dhaxal ahaan lahaase markiiba waa lagau dhawaaqi lahaa . .waxa magaca suldaankaasi u yaallaa beesha ku kala baahsan Itoobiya, dalalka deriska ah, kuwa debedda iyo degdegmooyinka G/awdal guud ahaan, sidaa darteed waxan go'aansannay inaan muddo laba bilood gudahood ah kusoo magacawno] ciddi beddeli lahayd Suldan Gurey, oo a kusoo doranno dhaqanka iyo diinta." Daahir Gadoode oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi 'sida suldaanku sheegay waxan u fadhinaa wixii arrin ah ee laga yeeli lahaa geeridii ku timi marxuum Gurey kaddib oo ahaa suldaankii Guud ee beesha .sida la sheegay suldaanimada guud maahayn mid dhaxal ku timi,suldankaasi waxa uu ka yimi beelaha J/yoonis oo aad u farabadan sidaa darteed guddiga J/yooniu waxa uu soo saaray go'aan ah in labada bilood ee ka hadhay sannadkan wixii ka dambeeyaa sannadka cusub bilowgiisa la magacaabi doono suldaan guud ,lagunasoo xuli doono aqoon diineed,mid dhaqan.,iyo mid garashaba,sidaa darteedna ciddii arrinkaasi fadqalaleliyo dhibaato kale ka wadda ee ka kooban beesha lafteeda ama cid kale il gaar ah lagu eegi doono, loona qaadan in beesha qalalaase ka dhex wada.go'aankanai waa go'aanguddi loo dhanyahay ." Shide Faahiye Cige kana mid ah xubnaha fulinta ee guddiigaasi ayaa isna yidhi " shalay oo bisha Oktoobar ahayd 13 waxa fadhi isugu yimi guddiga fulinta ee guddibeeleedka J/yoonis oo ka kooban 25 xubnood ,fadhigeedaasina waa uu salka ku hayay wax alla keenay oo xaq ah ,ahna geeridii maruum Gurey kaddib waxa J/yoonis yeelayo.Waxan halkan saaafadda uga caddaynayaa inaan go'aan gaadhnay o'aankaasoo ah ,in laba bilood markay dhammaadaan in J/yoonsi soo saaro ciddii beddeli laahayd marxuum Gurey,labadaa biloodna la baadigoobo ciddi beesha hoggaamin lahayd ee u qalama mansabkaasi,la isna xaman .Haddii an labeeyo suldaanka dhintay jannadii allala geeyo ,wixii uu qabtayna cid kastaa way ka marag kacaysaa .Haddii an usaddexeeyo ,marka go'aan soo baxo ,waa in hadalkiisu go'o.Innagoo shalay uun aasnay suldaankii guud ,haddana hadalaan maqmaqlaynaa ,ma jecli inaan hoos u daadego .Inta J/yoonis oo mid ahi nin soo saarayo ,ma maqli karoo hadallo arrtimahaasi ku saabsan , oo laba ama sadedex qof ama beel hoose oo beeshaasi ah ma aqbaqli karro,laba dible ayaan u xidhaynaa .waa wax la wadaleeyahay wax la wada aleeyahayna midnimaa looga talin .J/yoonis kan u badan iyo kan u yarba wwadajirbaa looga talin arrintaasi" Muuse Ibraahim Alaale, (Muuse Degmo), ayaa isna yidhi "waxan umadda u sheegeynaa maanta in go'aan guddi lagasoo saaray ciddii beddeli lahnayd hoggaamintii beesha ee uu ka geeriyooday marxuum Gurey .Waxa jiraya guddi farsamo oo laba bilood Gudahood qabanqaabin doonta shirweyne beeshu isugu timaaddo oo lagu magacaabo suldaank Guud oo beeshu yeelato, sidaa darteed waxa aumadda u sheegeynaa in si beesha iyo guddigu ka wada shaqeeyaan midnimada beesha inta ka horreysa labadaa bilood ." Hadalkan kasoo baxay guddibeeleedka beeshaasi, ayaa la filayaa inuu meesha ka saaro dareen ku saabsanaa magacaabis la sheegay in Cabdi Suldaan Gurey ,yaliyaha ciidanka xabsiyada soomaaliland loo magacaabay mansabkaasi ,kaasoo beesha dhexdeeda ka abuuray guux faraabadan oo labadii casho ee u dambaysaba laga dareemayey qaybo ka mid ah beeshaasi iyo magaalada dhexdeedaba. |