Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2171 | October 15,2009 Shawal 26,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Wadanka Yaa Iska Leh ?! Tifaftiraha Wargayska Al Haatuf Al Carabi : Maxamuud Jaamac Axmed Maadaama aynu soo sheegnay labadii todobaad ee ina dhaafay in mushkiladii siyaasadeed ee Somaliland ay wali taagan tahay oo heshiiskii dhacay uu ahaa kaliya dub u dhigis Mushkilada taagan, sidoo kale maadaama aynu soo sheegnay in mushkilada salkeedu uu yahay saddex Nin oo maroorsaday Masiirkii ummada maadaama aynu soo sheegnay in xalka dhibaatooyinka taagan ay ku xidhan tahay shacabka Somaliland oo door wanaagsan ka gaysta sidii uu u taageeri lahaa sharciyada, isla markaana lagaga adkaan lahaa rabitaanka saddexdaa nin, maadaama aynu ballan qaadnay in aynu si waafi ah u sharxi doono doorka looga baahan yahay shacbiga oo uu ku xoojin karo sharciyada, sidaa daraadeed waxaan arkay inay muhiim tahay in maqaalka maanta uu noqdo hordhac mawduucaasi ah arrimaha shacabka looga baahan yahay inuu qabto wakhtigan xaadirka ah, iyadoo ay sabab u tahay inaanu shacbigu ku dhiiranaanayn fulinta qorshe kasta haddii aanay jirin arrin uu dareensan yahay oo dabada ka riixaya, arrinkooduna waxa uu la mid yahay gaadhi loo jeexay waddadii uu mari lahaa laakiin aan lahayn shidaalkii uu ku socon lahaa, markaa shacbiga inta aan lagu wacyi galin waxa looga baahan yahay inuu qabto, waa in ugu horeyn lagu wacyi galiyaa sababtaa arrinkaa ugu jirta iyo faa’iidada ka dambaysa iyo dhibaatada iman karta haddii uu arrinkaasi ku dhaqaaqi waayo. Mawduuceena maanta waa jawaab kooban oo aynu ka bixinayno su’aasha cinwaanka inoo ah, iyadoo dad badan ay suura gal tahay inay is yidhaahdaan su’aashan jawaabteedu way fududahay oo dadku way wada garanayaan, laakiin xaqiiqdu waxay tahay, in garashada aqlabiyada dadkeenu aanay dhaafsiisnayn carabkooda, taasoo aad si fudud aad uga garan kartid qaabka ay u dhaqmaayaan. Wadanka waxa si siman u leh shacbiga Somaliland oo dhan jagada ay doonaan ha yeeshaan, kuwooda nool iyo kuwa sannado dabeed dhalan doona-ba, lahaanshaha wadankuna waxa uu la mid yahay lahaanshaha shirkad saamalay ah, markaa haddii aad ka mid tahay mulkiilayaasha shirkad saamilay ah, isla markaana ay doonaan dadkii kale ee aad shuraakada ahaydeen inay gubaan shirkada oo dhan sababaha ay doonaan ha ku kaliftee, isla markaana aad ogtahay in aan xoolihiina la kala jari karin, oo aanay dhici karin inay xoolahooda gubaan isla markaana xoolahaagu aanay sii jiri karin, akhriste iska soo qaad inaad mawqifkaas oo kale aad taagan tahay maxaad yeeli lahayd?, waxa shaki la’aan ah inaad geed gaaban iyo ku dheerba aad u fuuli lahayd sidii aad u badbaadin lahayd xoolaha shirkadiinaasi adigoo adeegsanaya qaabab kala duwan, haddaba su’aasha muhiimka ah waxay tahay haddii aad sidaas oo kale aad u samaynaysid xoogaa shilimo ah maxaad u samayn lahayd sidii aad u badbaadin lahayd wadan dhan oo ay ku xidhan tahay naf iyo maalba iyo mustaqbal iyo masiirba. Arrinka kale ee aan jeclahay inaan uga digo shacbiga qaaliga ah ee Somaliland waxa uu yahay sifada ku jirta Maahmaahdan ( Dameeri Dhaan Raacday ), taasoo aad moodaysid inay dadkeena intooda badan aanay lahayn mawqif iyo go’aan iyaga laftooda ka soo mushaaxa balse ay sugaan mar kasta halka ay dadku u bataan si ay u raacaan, anigoo leh sifadaasi Ilaahayna raali galin mayso oo Nabi Muxamed Calayhi Salaatu Wa Salaam si adag ayuu uga digay, isla markaana aduunyo iyo aakhira-ba midna kuguma anfacayso, iyadoo qofka looga baahan yahay inuu baadho waddada saxan oo uu raaco, wadada khaldana inuu baadho iskana ilaaliyo, ee waa khalad weyn inuu wadadii wanaagsanayd uga hadho isagoo qiil ka dhiganaya ( Qayrkaa ha ka hadhin, Qayrkaa dhinac ka raac ..iwm), iyadoo laga yaabaa inay ku kalifto cabsi uu ka qabo dadka uu la nool yahay, waxaanu xusuusinayaa inay cabsidu aanay qofna ka celinayn dhimasho balse ay qofka ka celinayso Nolol Wacan, isla markaana qofka waxa looga baahan yahay inuu xasuusto in Maalinta Qiyaamaha uu Ilaahay kaligii Xisaabi doono, isla markaana camalkiisa oo kaliya lagu galin doono janada ama Naarta. Sidaa daraadeed waxa laynooga baahan yahay in aynu ku dhiirano fulinta qorshe kasta oo saxan oo lagu badbaadin karo wadankeena, anigoo faah faahin ka bixin doona fikirkayga shakhsiga ah sida loo badbaadin karo wadankeena qaaliga ah ee Somaliland, taasoo ah xoojinta sharciyada, oo aynu ka warami doono todobaadka dambe Insha Allaah. |