Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2171 October 15,2009                                   Shawal 26,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 Qoyska Ugu Carruurta Badan Caalamka 

Weligaa ma ku fikirtay in qoyskaagu  noqdo  ka  dunida ugu tirada badan? Kollayba jawaabtaadu waa maya.Haddaba weli ma maqashay qoyska reer Duggar? Waa qoyska lagu tilmaami karo inuu yahay qoyska dunida ugu tirada badan, wuxuu ka kooban yahay 18 carruur ah, aabbahood iyo iyo hooyadood.Qoyska Duggar waa qoys jira, oo ma aha arrintoodu sheeko ama qiso flim, aabbaha reerka Jim iyo maamada Michelle waxay is barteen 1980, 4 sano kaddibna way is guursadeen, wiilkooda curadka ah ayaa markiiba u dhashay, kaddib waxay go’aansadeen inay sameeyaan kala dheeraynta ilmaha (birth control),  balse nasiib wanaag haddana hooyadu  waxay qaadday uur ayna  qorshaysan, waxayna dhashay ilmihii  labaad.

Wixii markaa ka damabeeyay waxay dib u eegis ku sameeyeen qaabkii ay hore  u go’aansadeen ee ahaa kala dheeraynta carruurta, waxayna markaan qaateen go’aan ah in ay Ilaah u daayaan inta carruur ah ee uu siinayo, waana midda keentay inay yeeshaan ilaa 18 carruur ah, 10 wiil iyo 8 gabdhood, welina hooyadu way da’yar tahay , waana laga yaabaa inay carruur kale dhasho.

Reer Duggar waa qoys qunyar socod ah oo isku tiirsan iskuna kalsoon, carruurtooda iyaga ayaa waxbarta, waxaa guriga u yaal telifishin iyo internet.

Kollayba inay carruurtooda si wanaagsan u korsadaan waxaa u saamaxay hantida ay haystaan, ee haddii ay aahaan lahaayeen dad aan waxba haysan, xaalku sedan  waa ka xumaan lahaa, waayo waxa jirtay  in dalka Masar ay gabadhi mar dhashay ilaa 6 mataano ah hal mar, taasoo musiibo ay u arkeen qoyskii ay u dhalatay iyagoo ka welwelsanaa, halka ay wax ay kuquudiyaan uga keeni doonaan.