Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2182 October 28,2009                                                           Dul-Qacda 09,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Guddoomiyaha Kulmiye Oo Ka Digay In Faro-Gelin Lagu Sameeyo Doorashada Hogaanka Komishanka Cusub, Saluug Weyna Ka Muujiyey Marti Qaadka Rayaale U Fidin Waayey Shirgudoonada Baarlamaanka 

“Waxaan U Arkayey In Madaxweynuhu Shirguddoonada Baarlamaanka Iyo Madaxda Kale Ee Xisbiyada Uu Ku Marti Qaado Xaflada Dhaarinta Komishanka, Mana Garanayo Waxa Uu Anaga Noogu Koobay”  

“Waxaan Qabaa In Xubnaha Komishanka La Isku Daayo, Xilkaasina Iyaga Laftooda Ayuu Saaran Yahay”Axmed Siillaanyo

Hargeysa, Octobor 28, 2009 (Haatuf) - Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa sheegay in aanay xisbi ahaan wax faro-gelin ah aanay ku samaynin xubnaha komishanka doorashooyinku ay u dooran doonaan gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka, kana digay in wax faro-gelina lagu sameeyo komishanka cusub, isagoo intaa ku daray in uu saluug weyn ka muujiyey marti qaadka uu madaxweyne Rayaale labadooda gudoomiye xisbi mucaarid ugu fidiyey xaflada dhaarinta ee komishanka cusub ee maanta ku qabsoomi doonto qasriga madaxtooyada, taasoo dareenka uu ka qabo sheegay, inay haboonayd in madaxweyne Rayaale shirgudoonada baarlamaanka iyo madaxda kale ee axsaabtana ku marti qaado .

Gudoomiye Axmed Siillaanyo waxa uu sidoo kale beeniyey loolanka saddexda  xisbi iyo guurtidu iska dhex wadaan xubnaha ay soo kala magacaabeen in iyagu ay bari ka yihiin.

Axmed Siillaanyo waxa uu sidaasi ku sheegay xog-waraysi khaasa oo wargeyska Haatuf   khadka Telephone-ka xalay kula yeeshay, waraysigaas oo Su’aalo iyo jawaabihii ka bixiyayna waxay u dhaceen sidan:

S. Madaxweyne Rayaale labadiina gudoomiye xisbi mucaarid ee Kulmiye iyo Ucid ayuu idinku martiqaaday xaflada lagu dhaarin doono maanta xubnaha komishanka doorashooyinka ee cusub oo ku qabsoomi doonta qasriga madaxtooyada, taas oo gudoomiyaha maxkamada sare dhaarta distooriga ah eek u waajibtay xubnaha  komishanka uu kaga gudan doono, taas oo madaxweynuhuna goob-joog ka noqon doono martiqaadkaa madaxweynaha sideed u aragtaa oo ma ka qaybgalaysaa?

J. kolay waa xaflad dhaarina oo waan tagaynaa waxaanse u arkaayay maadaama ay xaflad dhaarina ay tahay inaanu madaxweynuhu ku koobin marti qaadka labadayada gudoomiye ee qudha’e ay haboonayd inuu iyagana marti qaad u fidiyo shirgudoonada labada aqal ee baarlamaanka iyo madaxda kale ee xisbiyada-ba, mana garanayo sababaha uu anaga oo kaliya noogu koobay martiqaadka xafladaasi manta lagu dhaarinayo xubnaha komishanka oo loo baahnaa in la ballaadhiyo ka soo qaybgalkeeda/

S. waxa saddexdiina hogaamiye xisbi iyo gudoomiyaha guurtida eedayn la idiinka soo jeedinayaa shirar doceedyo aad la kala yeelanayseen maalmahan u dambeeyay xubnihii komishanka aad u soo kala magacawdeen, oo la sheegay in loolan xoogan aad ka dhex bilawdeen sidii gudoomiyaha iyo ku xigeenka cusub ee ay iska dhex dooran doonaan komishanku ay u noqon lahaayeen xubno aad saamayn idin ku yeesha arimahaasi maxaa ka jira?

J. waxay ila tahay hawshaasi rag baa loo doortay wixii imika ka dambeeyana hawshaasi xilkeedu waxa uu saaran yahay oo u yaalaa xubnaha komishanka ee la soo doortay inay wax is weydiiyaan gudahoodana waxaan filayaa inay meesha ku jirto, waxaanse qabaa in doorashada hogaanka komishanku ay u taalo todobada xubnood ee la soo doortay anaguna waanu ku tixgelinaynaa waananu ku ixtiraamaynaa xilkoodaasi

S. ma waxaad leedahay anagu xisbi ahaan bari baanu ka nahay kulanada xubnaha komishanka ee ku saabsan kaambaynka xubnaha hogaaminta noqon doona ee wakhtigan xaadirka ah ololuhu ka aloosan yahay

J. Runtii dadku way iska sheekaytaan dadkeenuna way iska hadalo badan yihiin laakiinse anagu xisbi ahaan wax official ah oo faro-gelin ah oo aanu ku samaynay komishankaa doorashooyinka haba yaraatee ma jirto

S. Haddii xubnaha komishanka doorashooyinka axsaabtiina siyaasada ee soo kala magacawday aad durba ku kala jiidataan xubnaha komishanka loolan ku saabsan loolan ku saabsan xaga awooda hogaaminta, miyaanay taasi todobada xubnood ee komishanka kala qaybinayn?

J Ma qabo umana arko in cidina wax faro galin ah ku samayso xubnaha komishanka waxaana haboon in iyaga la isku daayo gudahooda xil baa wada saran oo masuuliyid qaran oo qudha ayay wada hayaan, oo ay ku wada dhaaranayaan xilkeeda loona baahan yahay in laga fogaado waxkasta oo faro gelina in haba yaraatee cidina ku samayso.