Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2182 | October 28,2009 Dul-Qacda 09,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Gudoomiyayaasha Labada Aqal Ee Baarlamaanka Oon Aan Lagu Martiqaadin Xaflada Lagu Dhaarin Doono Komishanka Doorashooyinka Hargeysa October 28, 2009 (Haatuf) - Madaxweyne Daahir Rayaale ayaan shirgudoonada labada aqal ee baalamaanka Guurtida iyo Wakiilada aan ku martiqaadin xaflada maanta loo qabanayo dhaarinta xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka oo ku qabsoomi doonta saaka qasriga madaxtooyada, taasoo uu dhaarinta distooriga ah ku dhaarin doon gudoomiyaha maxkamada sare Maxamed Xirsi Ismaaciil Oomane. Xafladaasi lagu dhaarin doono maanta todobada xubnood ee komishanka doorashooyinka ee Sabtidii todobaadkan ay wakiiladu codka aqlabiyada ah ku wada ansixiyeen, ayaanay goob-jog ka noqon doonin madaxda sare ee hab-maamuuska qaranka ee labaad iyo saddexaad iska leh oo kala ah gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, oo qodobka 93aad ee distoorka qaranka ee qeexaya hab-maamuuska madaxda sare ee qaranka ay dhigaso farqadiisa 2aad, in gudoomiyaha golaha guurtidu leeyahay hab-maamuuska labaad ee qaranka halka farqada 3aad ee isla qodobkaasi uu qeexayo, in hab maamuuska saddexaad ee qaranka uu leeyahay gudoomiyaha golaha wakiiladu C/raxmaan Maxamed C/llaahi Cir, oo iyaga la sheegay inaanu madaxweyne Rayaale aanu wax marti qaad ah uga fidin ka soo qayb galka xaflada maanta lagu dhaarin doono xubnaha komishanka cusub ee doorashooyinka, balse uu Rayaale maalintii doraad uu marti qaad rasmiya ugu fidiyey labada gudoomiye xisbi mucaarid ee Kulmiye iyo Ucid Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo iyo Faysal Cali Waraabe. Ilaa hada si rasmiya looma oga sababaha uu madaxweyne Rayaale xafladaasi dhaarinta komishanka ugu martiqaadi waayay gudoomiyayaasha labada aqal ee baarlamaanka Guurtida iyo Wakiilada, oo iyagu iska leh hab-maamuuska qaran halka uu madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenkuna qodobka 93aad distoorka qaranka farqadiisa 1aad ay dhigayso, in hab maamuuska 1aad ee qaranka ay iska leeyihiin madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, lamana oga ilaa hada asbaabaha keenay in madaxdii sare ee qaranku ay isku marti qadi waayaan xaflad lagyu dhaarinayo xubnaha komishanka qaranka, oo iyagu ah xubno xilqaran oo xaasaasi ah loo soo magacaabay. Dhinaca kale komishankii hore ee doorashooyinka ee la kala diray dhawaan oo iyaga wakhtigii la soo magacaabay ee la ansixiyey ay ahad 22 September 2007, oo gudoomiyaha maxkamada sare Maxamed Xirsi Ismaaciil uu ku dhaariyey qasriga madaxtooyada ayaanay goob-joog ka ahayn dhaartaasi labada gudoomiye labada xisbi mucaarid ee Kulmiye iyo Ucid Axmed Siillaanyo iyo Faysal Cali Waraabe, balse uu goob-joog ka ahaa oo kaliya madaxweyne Rayaale. |