Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2182 | October 28,2009 Dul-Qacda 09,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Qiimaha Sicirka Xoolaha Saylada Hargeysa Oo Kor U Kacay Hargeysa, October 28, 2009 (Haatuf) - Qiimaha sicirka xoolaha ayaa toddobaadyadii u dambeeyey si qayrul caadi ah kor ugu kacay Saylada weyn ee lagu kala iibsado xoolaha magaalada Hargeysa, waxana neefka adhiga ah ee shillis ugu badnaan shalay la kala siisanayay lix boqol oo shilinka Somaliland ah una dhigma sagaashan dollar.halka ay markii hore qiimaha neefka adhiga ah ka marayay ugu badnaan saddex boqol iyo konton kun shillinka Somaliland oo u dhigma konton ilaa shan iyo konton dollar. Kor u kaca qiimaha xoolaha nool ee saylada Hargeysa ayaa sida ay Haatuf u xaqiijiyeen qaar ka mid ah ganacsatada xoolaha ee saylada Hargeysa lagu macneeyay inay sababtay xoolo yaraan soo food saartay dhaq dhaqaaqii iibka xoolaha ee saylada Hargeysa xiligan oo ah xili ay aad u badan tahay baahida loo qabo xoolaha loo iib geeyo dibadaha gaar ahaan dalka Sucuudiga oo intooda badan xoolahaasi loo isticmaalo bisha Carafo ee xiliga Xajka. Sidoo kale xoolo yaraantan soo waajahday sayladaha xoolaha dalka ayaa la sheegay inay ka dhalatay kaddib abaart oo dabo dheeraatay sanadkan iyada oo taasina suuro gelisay in ay yaraadaan xoolihii macal qabadka ahaa ee loo iib keeni jiray sayladaha dalka hase yeeshee roobabkii dhowaan ka curtay dalka ayaa la rajeynayaa inay wax badan ka bedeli doonto taas oo la filayo inay bisha soo socota yimaadaan xoolo badan oo loo iib keeno sayladaha taas oo ay xuseen inay xaga qiimaha xoolaha la kala siisto wax weyn bedeli doonto. Adhiga uun kuma koobna kor u kaca qiimaha xooluhu balse geela iyo lo’da ayaa iyaguna sidoo kale qiimahoodu kor u kacay inkastoo aanay la mid aha geela iyo lo’du marka loo eego qiimaha ku siyaaday adhiga taasna waxa keentay dabcan baahida loo qabo adhiga ayaa ka badan ta loo qabo geela iyo lo’da. Ganacsatada xoolaha qaarkood ayaa iyaguna kor u kaca qiimaha xoolaha ku macneeyay intii ay xukuumaddu dhoofka xoolaha u fasaxday in mid kastaa dibada u dhoofin karo xoolo taasoo markii hore cid gaara kooto ugu xidhnaa. “qiimaha neefka xooluhu wuu qaaliyoobay intii ay xukuumaddu u fasaxday dadku inay dibada u dhoofin karaan xoolaha waayo markii hore nin keli ah ayaa dhoofka xooluhu u xidhnaa ninkaasina qiime $40 (afartan dollar) ka yar ayuu ku qaadan jiray neefka adhiga ah ee shilis, taas oo khasaare gaadhsiisay dalka iyo dadkaba hadase waxan qabaa inuu soo noqday qiimihii neefkeena xoolaha ahi lahaan jiray” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dilaaliinta sayladaha xoolaha ee Hargeysa. Inkastoo qiimaha sicirka xooluhu xilligan oo kale ay caado u ahayd inuu kor u kaco, hadana muddo haatan laga joogo tobaneeyo sano waa markii u horaysay ee sicirka neef xoolaha ah heerkan oo kale uu gaadho. |