Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2182 October 28,2009                                                           Dul-Qacda 09,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 Ciidanka Bilayska Oo Gacanta Ku Dhigay Ninkii Labaad Ee Qaba Xanuunka Juudaanka

Hargeysa October 28, 2009 (Haatuf) - Ciidanka Booliska ee magaalada Hargeysa ayaa shalay duhurkii gacanta ku dhigay ninkii labaad ee la sheegay inuu qabo xanuunka juudaanka, waxaana masuuliyiinta Bilaysku ay sheegeen inay dalka ku soo badanayaan beryahan u dambeeyay dadka qaba xanuunka Juudaanka, kuwaasi oo ka yimaada dhinaca dalalka dariska la ah Somaliland.

Sidoo kale ayaa waxa la sheegay in ciidanka Bilaysku ay habeenkii xalay dalka ka mastaafureeyeen nin la sheegay inuu qabo xanuunka Juudaanka, oo shalay ka yimid dalka Itoobiya waxaana dib loogu celiyay dalka Itoobiya oo uu markii ka yimid.

Dadweyne tiro badan ayaa maalintii shalay ku soo xoomay Saldhiga dhexe ee ciidanka Booliska ee Magaalada Hargeysa hortiisa, kuwaasi oo danaynayay inay xaqiijiyaan oo ay indhahooda ku arkaan ninkan la sheegay inuu qabo xanunka Juudaanka.

labadii todobaad ee la soo dhaafay waxa magaalada Hargeysa goobaha bar-kulanka iyo xaafadaha dhexdooda-ba aad loogu hadal hayay sheekooyinka la xidhiidha inay soo baxeen dad qaba xanuunka juudaanka oo dadka cunaya, kuwaasi oo xilliyada habeenkii weeraraya dadka. Waxaana hada Cisbitaalka guud ee Hargeysa lagu dawaynayaa gabadh yar oo 8 jira, oo magaceeda la yidhaahdo Rooda Ibraahin Xuseen, oo meel dhinaca Koonfureed kaga beegan caasimada Hargeysa la yidhaahdo Jabaaqe oo ka tirsan deegaanka Xaabaale la sheegay in dhaawacyo culculus uu ugu gaystay nin aan la aqoonsan, kaas oo la sheegay inuu toori la dhacay ilmahaa yar. Waxaana haatan ku hawlahan sidii loo soo gacanta loogu soo dhigi lahaa cidii falkan arxan darada ah gaysatay ay baadi-gooyaan ciidamada bilaysku.

Caasha Maxamuud, oo ah hooyada dhashay inanta yar ayaa Haatuf u xaqiijisay, in markii falkani dhacayay ay inanteedu la joogtay adhi ay leeyihiin oo ay ilaalinaysay “Inantayda yari waxay la joogtay adhi oo ay ilaalinaysay meel reerka woxogay u jirta, si kadis ahna lanoogu soo qayliyey in inantii la dilay oo nin tooray la dhacay, waxa soo qaaday inanta yar oo dhulka taala, ooyaysa oo dhiig jidhkeeda qariyey Islaan reerka ahayd, laakiin may arag ninka inanta dilay ee ka hor ayuu ka tagay meesha, meeshuna meel raadka dadka laga arki karo may ahayn oo meel laf ah bay ahayd oo adhiga ay ku ilaalinaysay”.