Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2182 October 28,2009                                                           Dul-Qacda 09,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Budhcad Baddeeda Ka Qawlaysata Xeebaha Somalia oo Afduubay Lamaane Ingiriis Ah

Boosaaso, October 28, 2009 (W.Wararka) - Koox Budhcad Baddeeda Soomaali ayaa afduubay lamaane u dhashay dalka Ingiriiska, kuwaas oo ka soo Afduubay mar ay doon ay wateen ku marayeen Badwaynta Hindiya.Lamaanahan Ingiriiska ah oo hadda Gacanta ugu jira budhcad baddeeda Somlaia oo la kala yidhaahdo Paul iyo Rachel Chandle ayaa waxa cadeeyey inay gacanta ku dhigeen Mid ka mid ah Kooxaha Budhcad Badeeda Soomaalida oo magaciisa ku sheegay Xassan mar uu la hadlay Wakaalada wararka ee Reuters, kaas oo u sheegay inay dhowr maalmood ka hor Afduubeen lamaaneyaal ku safrayey doon kuwa daxiiska ah biyaha Badwaynta Hindiya, balse maalitii shalay uun la ogaaday in ay gacanta u galeen kooxahaasi.

 Waxaana hadalkiisa ka mid ahaa ninkaasi sheegay inuu ka mid yahay kooxaha Afduubay lamaanahaasi waxaana uu yidhi “Lamaaneyaasha Ingiriiska ahi gacantayada ayey ku jiraan, waxaanu afduubnay xilli ay maraayeen Badwaynta Hindiya”,ayuu yidhi ninkaasi ka mid ah budhcad baddeeda ayaa intaasi ku daray inay lamaanahan u dhashay ingiriiska ay ka doonayaan inay ka qaataan lacag madaxfurasho ah, balse maa uu sheegin qadarka iyo inta ay leegtahay lacagtaasi. Waxaanu intaasi raaciyey in in xaalada caafimaad ee lamaanahaasi ay wanaagsantahay, balse waxa uu diiday halka ay iminka ku hayaan doonida nooca dalxiiska ah ee ay wateen iyo lamaaneyaashaasi.

Dhinaca kale Dowlada Seychelles ayaa sheegtay in ay Ciidamada Badda ee Ingiriiska ee ka qayb qaadanaaya howlgalka Caalamiga ah ee la dagaalanka Budhcad Baddeeda Soomaalida ay la soo xidhiidheen, kuwaas oo tibaaxay inay imika baadigoobayaan halka ay ku dambeeyeen.

Wakiilka dalka Ingiriiska ee Jaziirada Seychelles Matthew Forbes ayaa sheegay in muddo dhowr maalmood ah la waayey lamaaneyaashas halka ay ku dambeeyeen, iyadoo qalabka Isgaadhsiinta u ahaa mid hawada ka maqan loona badinayo inay jareen Kooxaha Budhcad Badeeda ee qafaashay.

”Waxaa nala soo xidhiidhay qoyska lamaaneyaasha la afduubay, kuwaas oo naga codsaday in Jaziirada Seychelles iyo Ciidamada Badda ee Ingiriiska ay iska kaashadaan xaalada ay ku sugan yihiin iyo halka ay ku dambeeyeen”ayuu yiri.

Ciidamada Badda ee Seychelles ayaa isku deyey in ay baadigoobaan Lamaaneyaashaas, iyadoo ay ka sameyeen howlgalo Badwaynta Hindiya, balse waa ay ku guuldaraysteen inay soo ogaadan halka ay ku dambeeyeen waxaanay kala soo noqdeen faro madhan.

Ciidamada iyo Maraakiibta dagaal ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed ayaa weli ku jahwareersan halka Doonidu ay ku dambaysay, iyadoo ay imika ay wadaan baadhitaano ay diyaarado dagaal u direen Badwaynta Hindiya.

Lamaaneyaasha la qafaashay waa  Paul iyo Rachel Chandler ayaa iyagu ka soo laabtay Jaziirada Seychelles, kuwaas oo la sheegay inay ku sii jeedeen Xeebaha Wadanka Tanzania.

Arintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Dowladda Wadanka Maraykanka ay u soo direen Badwaynta Hindiya diyaaradaha wax basaasa ah kuwa oo ay ugu talagaleen in ay kaga hortagaan weerarada ay Kooxaha Budhcad Baddeedu halkaas ka geystaan.