Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2182 | October 28,2009 Dul-Qacda 09,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Culimaa’uddiin Ka Kala Yimi Dalka Gudihiisa Iyo Debeddiisa Oo Maalintii Labaad Shir Uga Socdo Boorama Boorama, October 28, 2009 (Haatuf) - Ku dhawaad afartameeyo culimaa’udiin ah oo ka kala yimi dalalka Somalia, Somaliland, Yurub, Carabta iyo meelo kale ayaa maalintii labaad shir uga socdaa mid ka mid ah masaajidada Magaalada Boorama, Kulankan culimada oo habeen hore dareeno kala duwan ka dhaliyey magaalada ayaa markii dambe la olgaaday in aanu ahayn mid waxyeelo ku ah dalka, balse lagag hadlayo siddii loo faafin lahaa diinta islaanka, iyadoo loo adeegsanayo warbaahinta kala duwan ee maqalka iyo muuqaalkaba leh. Culimada ka soo qaybgashay shirkan oo la sheegay inay ka kala yimaaddeen gobolada Somaliya, Somaliland-Hargeysa, Carabta iyo UK ayaa marka lagu daro culimada Boorama ee martigelisay shirkan ayaa sidoo kale waxa kasoo qayb galay culimada caanka ah ee rer Somaliland sida sheekh Dirir Sheekh, C/laahi Sheekh Cali jawhar, sheekh Cali iyo culimo kale oo caan ka ah dhinaca koonfurta, ayaa kulankoodan waxa la socda ciidamada amniga, maamulka gobolka iyo guud ahaanba laamaha dawladda, iyagoo dhinaca kalena dooddoodan si toos ah uga sii daynaya codbaahiyeyaal debedda laga maqli karo, ayaa sidoo kale laga akhrisan karayey shabakadaha internetka, taas oo hoos u dhigtay dareen kasta oo culimadaasi ku xidhiidhin kara arrimo waxyeelo u ah amniga iyo qarannimada Somaliland. Inkastoo an saxaafadda lagu martiqaadin kulankan, balse Khudbadihii u horreeyey ee halkaa laga jeedinayey oo debedda laga maqlayey ayaa qaarkood ku tiraabayeen in kooxahah maanta ku dagaalamaya magaca diinta islaamku aanay baranin macnaha diinta islaamka, sidaa darteedna ay ku dagaalamayaan macno la'aan, balse lama oga in baaqyadaasi ay wax uga hooseeyaan iyo inkale, iyadoo sidoo kalena an shaacin cidda soo abaabushay iyo cidda maalgelinaysaba. Warar ku dhaw dhaw kulankan wadaadada ayaa sidoo kale sheegeya in ragga ka qaybgeleya ay ku jiraan minsheekh ku caanbaxday muxaadarooiyinka shacbiga ku dhiirrigelin kara inay ku biiraan kooxaha xagjirka ah ee dagaalkaa kula jira xukuumadda sh. shariif, balse wacdiga caynkaas ah hoos u dhigay inta uu socdo shirkan culimada diintu, si kastaba ha ahaatee shirweynahan culimada Soomaaliyeed ee Boorama uga socda, ayaa u muuqda mid aan laga filayn mid looga biqo karo amniga Somaliland, isla markaana la filayo in dhawaaqyada kasoao bixi karaayi noqdaan kuwa dan u ah dalka iyo dadweynahaba. inkasta oo aanay wadaadada Boorama ku shirayaa weli soo saarin go'aanno, balse weli wada dood xambaarsan macno kala duwan, balse lama oga wax shirkoodan kusoo beegay wakhti Somaliland u diyaargaroobayso doorashooyin. |