Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2182 October 28,2009                                                           Dul-Qacda 09,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 Waayaha Siyaasiyiinta :Shalay Iyo Maanta

Qormadeenan waayaha shalay iyo maantu, waa qormo aynu faaqidaadeeda ku gorfayn doono arrimaha bulshada dhaqanka iyo siyaasada iyo gadgadoonka waayaha. 

Siyaasiga Saleebaan Maxamuud Aadan oo ka mid ahaa siyaasiyiinta waaweyn ee xisbiga Udub xilligii doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 2003-kii saamayn weyna ku lahaa doorashadaas madaxtooyada ee madaxweyne Rayaale ku guulaystay ayaa maanta ah gudoomiyaha  golaha guurtida, oo isagu mawqifkiisii siyaasadeed ee Udub wax weyni iska bedeleen islamarkaana ka mid ah hogaamiyayaasha siyaasadeed ee sida weyn u naqdiya hogaaminta madaxweyne Rayaale iyo siyaasada xisbiga Udub, kuna dhow-dow axsaabta mucaaridka, ayaa gudomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Masxamed Siillaanyo oo ay si weyn ugu kala fogaadeen xaga siyaasada ayaa waxay maanta yihiin niman waaqaca siyaasadeed ee maanta ay si weyn isugu dhow yihiin, tan iyo intii ka dambaysay shirweynihii beesha bariga Burco ku qabsatay degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag ay ku soo afjareen kala fogaantoodii siyaasadeed iyo xifaaltankii ka dhex aloosnaa, haddii shalay Saleebaan Maxamuud Aadan iyo madaxweyne Rayaale ahaayeen kuwo ku saaxiiba afkaarta siyaasadeed, balse waaqaca maanta yaala waa ka duwan yahay waayihii shalay, waxaanay maanta isaga dhow yihiin hogaamiyayaasha axsaabta mucaaridka marka la eego luqadahiisa siyaasadeed iyo aragtida ku wajahan hanaanka madaxweyne Rayaale iyo xukuumadiisu ku dhaqmaan ee uu ku jilo masrixiyada siyaasadana waxa lagu tilmaamaa in uu isku qanciyey inuu guusha la raadiyo Axmed Siillaanyo ee ay isku beesha yihiin.

Muj C/raxmaan Aw Cali Faarax oo ahaa musharaxii jagada madaxweyne ku xigeenka uga sharaxnaa xisbiga Kulmiye doorashadii madaxtooyada ee qabsoontay 2003-kii, kana mid ahaa hogaamiyayaasha firfircoon ee xisbiga Kulmiye oo shirweynihii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye bishii July 2997 ku qabsaday magaalada Burco ay Axmed Siilaayo si weyn isugu khilaafeen qaabkii lagu doortay musharaxiinta xisbigaasi ayaa isagu maanta siyaasi aan ka muuqanin saaxada siyaasadeed ee dalka iyo gaar ahaanba xisbigii Kulmiye ee uu fulintiisa ka tirsanaa.

Mana cada in saaxiibadiisii siyaasadeed ee ay iskaga aragtida ahaayeen shirweynahaasi Burco, oo manta Samaystay urur siyaasadeedka UDHIS inuu kula jiro iyo inuu yahay siyaasi ka madaxbanaan ilaa hadana lama oga uu mustaqbalkiisa siyaasadeed Muj. C/raxmaan Aw Cali ugaga go’aan qaadan doono geedigiisa siyaasadeed ee waaqaca taagan, taasoo Mujaahid C/raxmaan Aw Cali Faarax lagu majeerto halgankii taariikhiga ahaa ee dibu xoraynta Somaliland ee qaybta libaax uu ka soo qaatay uu hormuudka u ahaa ururkii xaq u dirirka SNM laguna tilmaamo nin taageero badan ku leh shacabka reer Somaliland, jagada madaxweyne ku xigeenkana soo qabtay xilligii xukuumadii marxuum Cigaal, hadana ka mid ah xubin sharaf golaha guurtida ka tirsan,

Muj. Xasan Ciise Jaamac oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyay ee Somaliland, ayaa isaguna maanta.ah xubin sharaf golaha guurtida ka tirsan, islamarkaana ka madaxbanaan saddexda xisbi qaran Kulmiye, Ucid iyo Udub, oo aanu midna ka mid ahay, balse ah siyaasi madaxbnaan oo isagu ah gudoomiyaha ururkii SNM ee dalka xoreeyay, isagoo inta badana ka qaybgali jiray xuska munasabadaha sanad-guurooyinkii ka soo wareegay dagaalkii Burco duray, islamarkaana lagu soo ururiyey dhamaan mujaahidiintii ku shahiiday dagaaladii SNM kula jirtay ciidamadii Siyaad Barre, hadana mujaahid Xasan Ciise Jaamac ayaan isagu kazoo xaadirin sanadguuradii 25 ad ee ka soo wareegtay xuska shuhadadii SNM ee 17 October 2009 lagu qabtay beerta xoriyada lamina garanayo sababaha ka baajiyey xuskaasi, isagoo inta badana luqadaha masrixiyada siyaasadeed ku jilo ay yihiin kuwo uu si madaxbanaan ugu soo bandhigo.

 La Soco………..