Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2182 | October 28,2009 Dul-Qacda 09,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Cusbitaal Lagu Daweeyo Dadka Qaba Xanuunada Dhimirka Oo Xadhiga Lagaga Jaray Burco Burco, October 28, 2009 (Haatuf) - Cusbitalka Dhimirka Maandheeye ee magaalaa Burco ayaa shalay si rasmiya xadhiga loogaga jaray xafkad balaadhan oo ay ka soo qaybgaleen, Duqa magaalaa Burco, isuduwaha wasarada caafimadka gobolka, guddida dadweynaha ee horumarinta Burco, xubno ka mid ah ururka TAF oo qayb weyn ka qaatay dhisida Cusbitaalkan iyo marti sharaf kale. Ugu horayna waxa furitaanka munaasibadaasi ka hadlay Maxamed Xuseen Aadan oo ka mid ah guddida horumarinta Burco oo hawsha Cusbitaalkan Dhimirka gacanta ku haya, waxaana hadaladiisi ka mdi ahaa oo uu yidhi “Waxa aanu maanta (Shalay) xadhiga si rasmiya uga jaraynaa Cusbitaalka Dhimirka Maandheey oo loogu talo galay in lagu daaweeyo dadka xiskoodu dhiman yahay. Cusbitaakan oo soo maray saddex marxaladood. qaybtii u horaysay markii la arkay baahida loo qabo waxa bixiyey lacagtii ugu horaysay dad qurbo-joog ah, qaybtii labad urur ka jira dalka Jarmalka oo uu ka tirsan yahay nin la yidhaahdo Cabdi Cawed ayaa ku dhaqaaqay waxana ay gacanta ku dhigeen dawadda dhakhtarkan oo saddex sano iyo wixii kale ee ay kari-karaan, waxa kale oo mahad naga muddan oo aanu halkan amaan uga soo jeedinaynaa ururka TAF oo dhisida iyo hirgalinta cusbitalkan doorka ugu weyn ka qaatay, dhakhtarkan oo jiifkiisu yaryahay ayaa tan iyo markii la bilabayba waxa lala bilabay in dadku dawadda ka qaataan”. Ku simaha maamulka Cusbitaalka Dr. Aadan Casayr ayaa isna ka warbixiyey dhakhtarkan, waxana uu yidhi “Dhakhtarkan waxa ka hawlgala 19 qof maalintiina waxaa la baadhaa ilaa 35 qof maalinta khamiistana waxa la sameeya badhitaan guud. dadka dhakhtarka soo maray ee xaga maskaxda ahi waa 2019 (laba kun sagaal iyo toban qof), dadkaas 80% way ladnaan oo waxa hayey xanuuno ka kacay belwadaha iyo nafaqo xumo weyna ladnaan markay qaatan dawo tayo leh, raashin nafaqo leh iyo nasasho ku filan”. Waxa kale oo isaguna halkaasi hadalo ka soo jeediyey isuduwaha wasaarada caafimaadka gobolka Togdheer Aadan Cilmi Diiriye ayaa sheegay inay kala weyn yihin baxaada cusbitaalka iyo baahida dadku qabaan. waxaana haaladisa ka mid ahaa "cusbitaalkani waa mid yar oo inagu kooban marka la eego bahidiisa, taas oo marka laga yimaado baahida gobolkan ay jiraan bukaano ka iman kara gobolada bariga, anagu wasaarad ahaan waxa aanu ku dedaalay wixii aanu wax ka qaban karo baahidiisana waxa aanu gudbinay wasaarada wixii looga helo oo lagu daro miisaniyada sanadka 2010, waxa kale oo aanu halkan shahaado sharaf ku guddoonsinaynaa ururka TAF oo hawshan doorka wacan ka qaatay” ayuu yidhi. Duqa magaalada Burco Maxamud Axme Xasan oo isagu ugu danbayntii xadhiga ka jaray Cusbitaalka Dhimirka Maandheeye ayaa halo ka soo jeediyey hadalkiisana waxa ka mid ahaa oo uu yidhi "Arintan markii loo baahday in la helo ayaa waxa ay noqotay in la helo dhul dhow oo laga dhiso, dhulkan oo ay dad degenaayeen ayaanu ka raray oo siinay dhul bedel ah, markaas ayey suurawday in la helo dhul dhow laguna dhaqaaqay in la dhiso dhakhtarka, waxa aan bulshada gobolka iyo tijaarta ugu baaqayaa in ay arintan doorkooda ka qaataan oo aynu isu tashano ee aynaan ciid ajaanib ah isku halayn. anaga dawladd hoose ahaan waxa aanu diyaar u nahay in wixii karaankayo ah aanu ka qabano" ayuu duqu hadalkiisa ku soo xidhay. waxa kale oo isna halka ka hadlay xidhiidhiyaha guud ee ururka TAF oo halkana shahaado lagu guddoonsiiyey ururkooda Sacad Cali Kaahin, waxaana uu sheegay in aanay hawsha dhakhtarkan intaa kagaga hadhayn ee ay wixii karaankooda ah sii wadi doonaan. |