Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2182 October 28,2009                                                           Dul-Qacda 09,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Guddoomiyaha Awdal Iyo Maayarka Boorama Ka Qaybgalay Xaflad Taageerayaasha UDUB Ku Taageerayeen Dedaalka Xukuumadda Ee Dhinaca Doorashooyinka

Boorama, October 28, 2009 (Haatuf) - Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Sh. C/laahi  Cige iyo maayarka Boorama C/raxmaan Shide ayaa shalay ka qaybgalay xadflad taageerayaasha xisbiga UDUB ku muujinayeen dedaalka xukuumaddau ku doonbayso inay doorashooyin dalka ka dhacaan isla masrkaana lagu dardaarayey komishanka cusub .

Xafladdan oo ahayd mid si heer sare loosoo abaabulay ,ayaa waxa kale kasoo qaybgalay masuulyiinta xisbiga UDUB ,iyo martisharaf kale .Guddoomiyaha G/awdal maxamuud sh/ C/laahi Cige oo ka hadlay xafladdan ayaa dadkii soo qabanqaabiyey uga mahadceliyey waddaninimada  ay muujiyeen , isagoo dhinaca\kalena xusay inaysan xafladdani ahayd mid  looga dan leeyahay olle siyaasadeed ,balse ay tahay mid lagu muujinayo sida dawladda iyo madaxweyne Rayaaleba au doonayaan inay dalka ka dhacaan
doorashooyin xor oo xalaal .Guddoomiyaha  gobolka ayaa sidoo kale ka hadlay  sidii madaxweyne Rayaale  markiiba Golaha wakiilada ugu gudbiyey liiska magacyada komishankaasi ,oo ay xisbiyada mucaaradku muran badan ka keeni lahaayeen ama ka keeneenba ,iyagoo durba  madaxda xisbiyada mucaaradka ah qaarkood    leeyihiin maxay Golaha wakiiladu u kala  shaandhayn waayeen xubnaha ,iyagoo uga dana leh inay dalka  mar kale xasiloonidarro geliyaan waqxayna taasi muuinaysaa ayuu yidha badhasaabku in cidda wax carqaladaynaysaa tahay  xisbiyada Sidoo kale eyaa Guddoomiyaha gobolka awdal ,uu dhaliil u jeediyey Guddoomiyaha G/guurtida ,suleemaan maxamuud Aadan oo halkii uu odayaasha golahaasi ka mideyn lahaa ,kala qaybsanaan dhexdhigay.,isla markaana uu diiday inuu  xubinta reer awdal ee komishnka kusoo daro labada xubnood ee G/guurtid soo magacawday. 

Maayarka Boorama C/raxmaan shide  BiLe oo isna xafladdaasi ka hadlay ayaa sidooa kale ammaan u jeediyey badi haweenka soo abaabulay  xafladdan ,isagoo dhinaca\kalena Guddoomiyaha degmadu  u ballanqaadaya cid kastoo ka shaqaynaysa  dhinaca wanaagsan uu diyaar u yahay ,isla markaanala shaqaynayo .Sidoo kale ayaa maayarka Boorama  soo hadalqaaday muhimadda ay leeyihiin doorashooyin dalka ka dhaca ,lana ogaado inay dawladda madaxweyne Rayaale ay markataba diyaar u tahay  inay dhaqaaiso  wixii lagu geli lahaa .

Xogahaya xisbiga UDUB ee G/awdal ,oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sidooa kale ka warramay ujeedada xafladda oo uu ku tilmaamay inay tahay mid lagu taageerayo go'aanka madaxweyne Rayaale ka qaatay komishanka  isgaoo si duudduub u meelmariyey xubnahaasi , isagoo dhinaca kalena xoghayuhu kula dardaarmay komishanka cusubi inaanu noqon mid ay jiitaan  arrimo siyaasadeed iyo kuwa  beeleedba ,kuna shaqeeyaan daacadnimo  iyo waddaninimo .

Ruun  Sh.Xuseen abraar ,wakiilka garabka haweenka xisbiga Udub   ee G/awdal oo iyaduna halkaasi ka hadashaya ayaa sidooa kale xukuumadda ku ammaantay daacadnimada ay ka muujinayso sidii loo  dalka looga qaban lahaa doorashooyin xor oo xalaal ah ,iyadoo dhinaca kalena wakiilka xisbigu ka dhawaajisay in loo baahanyahay ilaalinta amniga iyo nabadgelyada .

xafladdan ayaa sidoo kale maanta lagasooa jeediyey heeso ,iyo suugaan kale oo lagu ammaanayo   hoggaanka siyaasadeed ee soomaaliland ,iyagoo kooxahah ciyaaraha  hiddaha  halkaa kusoo bandhigeen ciyaaro kala duwan oo aad loo jeclaystay.