Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2182 October 28,2009                                                           Dul-Qacda 09,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 Caruurta Darbi Jiifka Somlailand Waxay Ku Sugan Yihiin Xaalad Ah Cidna Uma Maqna Ceelna Uma Qodna!

Wariye Muuna Casayr Jaamac

Caruurta ayaa ah ubax uu ku faano dal kasta oo dunida guudkeeda ku yaalaa waxaana loo suura galiyaa in dhismaha noloshoodu noqdo mid ay ku taabo galaan iyadoo loo carbiyo in ay yihiin hogaamiyayaashii bari. Hadaba nasiib daro caruurta ku dhaqan s/land ayaa ah qaar ka quustay rajadii nolasha isla markaana waayey taageero dawladeed iyo tu cid kale toona caruurta reer s/land waxay isugu jiraan 3 dabaqadood oo kala ah 1.kuwa ugu tirada yer ayaa ah qaar ka soo jeeda qoysas ladan oo iyagu hela tacliin fiican iyo nolol dhamaystiran  2.kuwa dabaqada dhexe ayaa iyagu hela tacliin aan fiicnayn waxaanay ku noolyihiin nolol qaadaa ma dharge ah 3.kuwa dabaqada seddixaad ayaa ah kuwa ugu tirada badan waxay ku noolyihiin nolol adag oo aad u rafaad badan iska daa wax barasho ay helaane waxaa ay la liitaan macaluul ma haystaan cid ay ku tiirsadaan caruurtan ayey dantu ku kaliftay qaarkood in ay miciin bidaan maan dooryaha loo yaqaan xabagta kaas oo ay u isticmaalaan sida ay ii sheegeen in ay isku dhaafiyan gaajada iyo qadhaadhka nolasha ay ku suganyihiin waxaa hoy u ah ubadkan dariiqyada iyo goobaha xashiishka lagu qubo ma helaan waxay ka jirsadaan dhaxanta iyo roobabka waxay marka naftu qabato ay xaab u doontaan hotelada magaalada hargaysa halkaas ooy ka helaan cunto aan nadiif ahayn oo la daadiyey taasi oo ku sababi karta caafimaad daro kaaga darane aanay haysan cid ka dawaysa cusbitaalka dawlada ayaan marnaba tabaruc u samayn muwaadiniinta tabaalaysan gaar ahaan ubixii dalka ee ay ahayd in la barbaariyo wasaaradaha ku magacaaban caruurta ayaan wax dareena u lahayn ubadkan ama aan ka warhaynba sidoo kale hay,adaha sheegta in ay u gargaaran caruurta ayaa iguna ka dhago la,a dhibta haysata caruurta darbi jiifka s/land gaar ahan hargaysa caruurtani ayaa wakhtiyadii hore waxay ahaayeen wiilal kaliya balse waxaa wax laga naxo ah in ay hada ku soo biireen hablo aad u yaryar oo la wadaaga wiilasha daraagiska xabagta  tirade caruurtan ayaa maalinba maalinta ka danbaysa kor usii kacaysa  isku soo wada xooriyoo caruurtan waxay ku sugan yihiin xaalad ah  Cidna uma maqna ceelna uma qodna

Wariye Muna casayr jaamac

Suxufi ka tirsan slsc tv and radio horyaal.