Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2182 October 28,2009                                                           Dul-Qacda 09,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey 35 Xubnood oo Uu u xidhmay tababar ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka

Berbera, October 28, 2009 (Haatuf) – Gudoomiyaha gobolka Saaxil Maxamed C/laahi Maxamed ayaa maalintii shalay u xidhay aqoon isweydaarsi mudo Toban maalmood ahayd uga socday hoolka Jaamacada Badda ee Magaalada Berbera 35 xubnood oo ka kala socday Golaha degaanka, madaxda waaxyaha Dowlada hoose iyo ururada Bulshada ee Magaalada Berbera.

Aqoon-isweydaarsigan oo ay wadajir u fulinayeen Wasaarada Arimaha Gudaha JSL iyo hay’ada Life and Peace isla markaana ay maalgelinaysay UN-HABITAT ayaa waxa uu qaybka ahaa Mashruuca Hab-xukunka Degaan ee Haboon iyo Barnaamijka Tababarka Horumarineed (Good Local Governance and Leadership Training Programme (GLTP) kaas  oo ay Hay’ada Un-Habitat  ugu talo gashay horumarinta Nidaamka Maamulada Dowladaha Hoose ee Dalka iyo xidhiidhka Dadweynaha a

Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamed Cabdillaahi Maxamed, ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay halkaas ugu horeyn ku ammaanay labada  hay’adood ee UN-HABITAT iyo  Akademiyadda Nabadda dedaalka ay ugu jiraan sidii ay korugu qaadi lahaayeen aoqqnta Howlwadeenada Maamulada degmooyinka iyo guud ahaanba qaybaha kala duwan ee Bulshada  isagoo sheegay in dadka siminaarkan ka qaybgalay loo adeegsan doono xallinta khilaafaadka degmooyinka Saaxil, waxana kamid ahaa ereyadiisa,

“Waxaanu ka shaqaysiin doonaa dadka halkan simminaarka ku qaatay oo aanu u diri doono degmooyinka gobolka Saaxil iyagoo idiin raaci doona sida booliska iyo maxkamaddaha, waxaanan codasanayaain la fidiyo tobabarada noocan oo kale ah oo la gaadhsiiyo tuullooyinka iyo degmooyinka oo halka bulshadu u badantahay.”.

Duqa Magaalada BerberaCabdale Maxamed Cali oo xidhitaankii Aqoon-isweydaarsigaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay inuu ku aad ugu faraxsanyahay sida ay ka qayb galayaasha aqoon isweydaarsigu u ilaaliyeen waqtiga mudadadii uu socday gaar ahaan xunihii ka socday golaha degaanka isla markaana waxa uu codsaday ka qaybgalayaasha in ay gaadhsiiyaan bulshada Degaanka Saaxil wixii ay ka faa’iidaysteen Aqoon-isweydaarsigan waxaana ka mid ahaa hadalkiisa “Waxaan ku faraxsanahay xildhibaannadii Golaha Deegaanka Berbera oo si wacan uga qaybqaatay simminaarkan ku saabsan xallinta dhibaatooyinka, waxaan ka codsanaya dhammanba ka qaybgalayashu inay ku shaqeeyaan oo ay gaadhsiiyaan tuullooyinka iyo degmooyinka casharadii aad barateen.”

Caasha Maxamed Nuur oo ku hadashay Wakiilka UN/HABITTAT, ayaa ka qaybgalayaashii ku dardaarantahay inay ka midho dhaliyaan cashardii ay mudada tobanka cisho ah qaadanayeen “Waxaanan filayaa inuu wax badan idiin tari doono, anigoo ku faraxsan qaabkii dooduhu u dhaceen iyo waxyaabihii la kala faa’iidaystay.” ayay tidhi Caashi

Caashi waxay si gaar ugu mahadnaqday masuulliyiinta Gobolka Saaxil oo ay sheegtay inay si wacan ula shaqeeyeen iyo xildhibaanadii Golaha Deegaanka ee ka qaybgalay simminaarkan iyo ka qaybgalayaashii kaleba.

Maxamuud Faarax Maxamed oo ah sarkaal ka tirsan  Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Somaliland isla markaana kamid ahaa Howlwadeenada fulinayay Aqoonisweydaarsigan mudadii uu socday ayaa mahadnaqa ballaadhan u soo jeediyey ka qaybgalayaashii simminaarkan oo uu ku sifeeyey qaar si buuxda u soo xaadirey mudadii siminaarkani socday.

Waxa kale oo uu iyagana si gaara ugu mahadceliyey Maayarka iyo Badhasaabka Saaxil, “Waxaan si gaara u ammaanayaa madaxda gobolka Saaxil oo ay ugu horreeyaan Maayarka iyo Badhasaabka oo si joogto ah noola shaqanayey”

Gebogebadii Maayarka iyo Badhasaabka, ayaa shahaadooyin guddoonsiiyey 35-ka xubnood ee Simminaarkan ka qaybqaatay. Simminaarkan wxaa bixisay Akademiyadda Nabadda iyo Horumarinta Somaliland oo ay kala qaybqaadatay Wasaaradda Arrimaha Guduhu, islamarkaana ay maalgelisay Hay’adda UN/HABITAT.