Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2182 October 28,2009                                                           Dul-Qacda 09,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 Aqoonisweydaarsi Ku Saabsan Dhaqaajinta SharciyadaCarruurta Sharciga Khilaafta Oo Boorama Lagu Soo Gebogebeeyey

Boorama, October 27, 2009 (Haatuf) -- Aqoonisweydaarsi ku saabsan  dedejinta sharciyada loo cuskan doono carruurta sharciga khilaaftta ayaa a lagusoo gebogebeeyey Boorama .

Aqoonisweydaarsiugan oo soc\day muddo laba casho ayaa waxa kasooa qaybgalay ku dhawaad kontomeeyo qof oo ka  wakiil ahaa ciidamada xabsiyada ,Booliska ,maxkamadahaka ,xeer ilaalinta,culimaauddiinka ,wasaaradda qoyska  ,ururada adhallinyarada\qaarkood ,waalidiinta ,iyo martisharaf kale .

Ciis axmed Nuur ,oo hay'adda UNICEF u qaabilsan    difaaca caruurta sharciyada ku

gefta oo  xidhitaankii aqoonisweydaarsigan ka hadlay ayaa ka qay bgeleyaasha u sheegay inuu weli socdo jidkii iyo sharcigii loo mari lahaa edbinta carruurta sharciga ku gefta ,iyo

sidii qaybaha bulshada  soomaaliland uga qayb qaadan lahaayeen dhaqaajinta sharcigaasi oo in muddo ahba hay'adda unicef iyo hay'adaha dawladda ee kala shaqeeya  arrimaha

difaaca\carriirta  ku hawllanaayeen ,haatanna la gaadhay wakhtigii la dhammaystiri lahaa .

Maxamuud Cabdi Bakaal ,kana mid ah masuulyiinta ururka maxalliga ah ee loo yaqaan

ANPPCAN,ahna shabakad isku xidha ururada ka shaqeeya diufaaca ubadka sharciyada ku gefta ,oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in aqoonisweydaarigani bada socda aqoonisweydaarsiyo hore oo ururkaasi ku kala qabtay goobo kala duwan oo ku yhaalla dalka ,sida caasimadda Hargeysa ,isagoo bakaal sheegay in aqoonisweydaarsigani ka mid yahay  dedaalkii ugu dambeeyey ee la doonayey in shacbiga soomaaliland ,haydaha sharciga ee dawladda ,ururada maxalliga ah iyo ururada caalamaiga ah  ee ku liug arrimaha difaaca\carriirtu ku dhaqaajin lahaayeen sharci lagu edbiyo ubadkaasi iyo sidii lloo taakuleyn lahaa kuwa kale ee  ku dayacan suuqayada ,iyo magaalooyinka dalka .

Caasha Xuseen kana amid ah hawlwadeenada hay'adda UNICEF ,oo iyaduna xidhitaankii

aqoonisweydaarsigan ka hadashay ayaa u mahadcelisay dhammaan ciddii kasoo qaybgashay ,isla markaana afkaartooda ka dhiibtay sida ugu wanaagsan ee loo difaaci l;ahaa carriirta sharciga ku gefta ,iyadoo sheegtay inay tahay masuuliyad cid kasta saaran,loona baahanyahay in dhibaatada ubadkaasi loo helo wadiiqo loo jiheeyo.

Fardoosa sh.siciid ,ahna isuduwaha wasaaradda qoyska  ee G/awdal oo gebogebadii

aqwoonisweydaarigan ka hadashay ayaa sheegtay in  ubadku sidoodaba ka yimaaddaan qoysas ,msidaa darteedna ay wasaaraddu gobolku kala shaqayn doonto cid kastoo xallinaysa mashaakilka ku dhici kara ,iyo tacaddiga loo geysan karo ubadka sharciga ku gefa,loona baahanyahay inaan dawlad keliya amam urur keliya lagu eegin sidii ubadkeenna looga badbaadin lahaa inay dembiyada aya galaan ku bartaan  sida loo galo dembiyo kale marka dadka waaweyn xabsiyada loogu geeyo.

Aqoonisweydaarsigan   oo socady laba casho ayaa  sidoo kale doodo kasoo jeediyey masuulyiinta laamaha amniga iyo garsoorka ee gobolka awdal   ,kuwaasooa soo bandhigay dhibaatootinka ay kala kulmaan xadhigga ubadka ,iyo dhibta soo gaadhaysa ubadka marka la xidho.