Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2182 October 28,2009                                                           Dul-Qacda 09,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 Qalbi Daacad Kuu Noqay

Maansadan oo magaceeda la yidhaahdo Qalbi, waxa curiyey Maxamed Aadan Maxamed (Samiir), waa abwaan da’yar , islamarkaana maansadan ka soo go’aday jacayl dhab ah oo gabadh uu jecelyahay uu tiriyey, ku sifaynayo quruxdeeda iyo dabeecadeeda waxanu yidhi:-

Deelayda maansada

Maandayn xageedee

Imikaan dareemoo

Sida daruurta hoortoo

Dadka haraad ka biisoo

Shimbiruhuna dalabayn

Had-ba baal u duulaan

Dooguna salaamaha

Ubaxyadu ka daateen

Anna dareenka aan qabo

La durduurtay manatee

Dadyahow bal dhuux

Halka deelka laga xushay

Sacabkiin dayaamiya

Aan darajo gaadhee

Da’yar baan ahee

Da’yareey waxaan idhi

Qalbi daacad kuu noqoya

Dareenkii laguu fuli

Daymadii haweenkana

Diiraday ka laabtay

Dariiqii wqanaagiyo

Ma isdaadahaynaa?

Dugsi ma isku noqonaa

Nacabkana dagaalkiis

Deyr ma u samaynaa?

Dayro hadalkii ku yidhi

Duurxul ugu jawaabo

Anna wad i deeqdee

Halkay diiftu fuushay

Durba wad habaysoo

Nabar daran halbowlaha

Igu dufatay dayrtii

Adigaa digtoor iyo

Daawadeeda helayoo

Dareenkii jidhkayguna

Durba waaba fay

Cadaw diirsigiisiyo

Namiimshaha

Digrii waan ka leeyahay

Daa’in-kaan ku dhaartee

Waxaad daw wadaagtaan

Dumar xuural cayn

Qurux daa’in ku dhali

Dumar waan ka roontahay

Dahab wad ka darantahay

Damiir waad ka wadataa

Dibnahaaga hadalkee

Wanaag loogu deeqee

Indhahaaga dadane

Dadka aan saluugina

Dulqaadnimo loo daa

Digniin saafiyood tidhi-baa

Damac ummad ku beertee

Halka kalena dihashada

Dooguna xareedii

Dacalada ka seexdoo

Jawi dagan markay tahay

Durdurada dalkeenana

Shimbiruhu dabaashaan

Daruur midab hadhaysiyo

Jeegaan dul-joogtaad

Digrii midab ka wadataa

Sida mayey da’aayiyo

Diirimaad cadceed iyo

Marka haadu duushee

Dagal hodana aragtee

Dul-sabayso hawadiyo

Mana soo dagaanoo

Ubax dacal ka fuulaan

Ayaad daw wadaagtaan

Dusha midhaha guudkiyo

Inta daadsan oogada

Oon raad dadeediyo

Dugaaguna soo marin

Oo darma xariiran

Diyaar kuugu tahayoo

Daa’in baa ku siiyoo

Dadku ay samayn karin

Dareen caashaq weeye

Waa dareenka quruxdaa

Adna waa i deeqdoo

Adaa dagey wadnahoo

Daaro aad u weynoo

Lagu xardhayna dahabkii

Dagan tahay xabiibii

Allow doonistayda

Daacad baan ahee

Ducada ii yeel

Da’yartii markaan idhi

Dibnahaaga qosolkaa

Dooxaaya laabay

Adna dumar ka rooneey

Intay dunidu xay tahay

Dadku ayba nool yihiin

Darka aan anigu leeyahay

Suugaan dadabteed

Daahina kuu sudhay

Duugoobi maysoo

Darajada ku laabani

Anigoo daaliyo

Durduradii cadaa’iyo

Daadahayna ubadkeen

Daa’in baanka sugayaa

Da’yareey waxaan idhi

Dumarkaba adaan

Kaa doortay inan yahay

Daliilkuna wuxuu yahay

Deganaanta hadalkiyo

Dabeecadaada gaarka ah

Daa’inkaa Ilaah baa

Qurux kuugu deeqoo

Daawashada aragana

Indhahaa daraadaa

Ilmada u daadshee

Daakiraada subaxdiyo

Duhurkiyo habeenkii

Doonistaada awgeed

Alla yaa i duuliya

Daantay ku nooshahay

Bada cas dhusheediyo

Daartay dhex-joogtiyo

Duleedkeeda i geeya

Deris aan noqonoo

Dunta aan isku xidhanee

Alle deeqa badanoow

Dabaylaha ma raacaa?

Daruraha ma jiidhaa?

Sida doonta socotana

Bada ma u dul cararaa?

Alla yaa u daabici

Maansadayda doorkeed

Dadka inaan ka doortay