Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2183 October 29,2009                                                           Dul-Qacda 10,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 Ciidanka Qaranka Oo Joojiyey Madaarkii Laga Macmalayey Buhoodle

Buuhoodle, October 29, 2009 (Haatuf) - Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan jiida degmada Buuhoodle ayaa shalay ku waabariistay Airport laga Samaynayey duleedka bari ee degmadaasi, kuwaas oo gabi ahaanba ciidanka qaranku ay si rasmi ah u joojiyeen.Ciidanka qaranka Somaliland ayaa hawlgalka fuliyey, ka dib markii ay ku war heleen in ay dad aan fasax u haysani dhismaha madaarkaasi oo ay todobaadkan ka xaadhxaadhayeen halkaasi goob ilaa saddex kiilomitir dhinaca bari ka xigta degmada Buuhoodle.
sida ay sheegayaan ilo xogogaal ah oo ku sugan goobtaasi ayaa sheegay in ciidanka in ciidamada qaranka ee ku sugan jiida buhoodle ay hawlgalkaasi fuliyeen, iyadoo ay  horsocdeen saraakiil ay ka mid ahaayeen sida la sheegay Axmed Maxamed iyo Ismaaciil Xaashi, isla markaana ay hawshaasi si nabadgelyo ah ku soo dhamaatay gabi ahaana ay joojiyeen dhismihii Madaarkaasi lagu doonayey in lagu hirgaliyo.

Warku wax faahfaahin ah kama bixin dadka ku hawlanaa madaarka iyo ujeedada ay ka leeyihiin samaynta madaarka midna, laakiinse ilo xogogaal ah ayaa sheegay in hindisaha madaarkaasi ay wateen kooxdii dhawaan ku shirtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaas oo uu hogaaminayey Garaad Jaamac Garaad Cali oo la sheegay in ujeedada ay u samaysanayeen ay hayd sidii ay saldhig diyaaradeed oo ay ku soo degaan uga samaysan lahaayeen deegaankaasi.