Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2183 October 29,2009                                                           Dul-Qacda 10,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 Guddoomiyaha Guurtida Oo Sheegay In Rayaale Xaga Afkaarta Ay Ku Kala Duwanaan Karaan, Kana Digay Dib U Dhac Ku Yimaada Doorashada Madaxtooyada

Hargeysa October 29, 2009 (Haatuf) - Guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamud Aadan ayaa sheegay in madaxweyne Rayaale ay xaga afkaarta ku kala duwanaan karaan, balse ay muhiim tahay in la wada shaqeeyo isagoo intaa ku daray in komishanka doorashooyinku ay si dhakhso ah u cayimaan maalinta ay dooashada madaxtooyadu qabsoomayso, kana digay dibu dhac dambe oo ku yimaada doorashada.

Gudoomiyaha golaha guurtidu Saleebaan Maxamuud Aadan oo xalay wargeyska Haatuf ugu waramayey guriisa magaalada Hargeysa ayaa xog-waran kala yeelanay ujeeddada safarkiisa maanta uu ugu baxayo dalka UK oo uu sheegay in safarkiisu yahay isaga u gaara ayaa ugu horayn gudoomiye Saleebaan oo aanu wax ka weydiinay khilaafka ka dhex taagan madaxweyne Rayaale isaga in khilaafkaasi saamayn ku yeelan karo hawlaha qaranka, isaga oo arrinkaas ka hadalayana waxa uu yidhi “Kolay aaraada waa lagu kala duwanaanayaa laakiinse waxa muhiim ah oo waajiba in la wada shaqeeyo, madaxda qarankana waxa ku waajib qaran wada shaqayntoodu”

S. Komishanka doorashooyinka ee dhaartoodii xilkaasi loo dhaariyey ee labadiina gudoomiye baarlamaan aan madaxweyne Rayaale idinku martiqaadin, sideed u aragtaa?

J. Komishanka doorashooyinka waxaan ugu baaqayaa inay si dhakhso ah u cayimaan maalinta ay doorashada madaxtooyadu qabanayaan, iyadoo dhawr jeerna ay doorashayoonku ay dib u dhaceen, waa inay ka feejignaadaan dibu dhac dambe oo dalka gayeysiin kara khilaafaad sababi kara burbur, waxaanan kula dardaarmayaa inay xaq-soor iyo cadaalad ku gutaan waajibaadkooda iskana ilaawaan hay’adihii iyo axsaaabtii soo kala magacawdayna, xubnaha hogaamintoodana aanay ku dooranin sidii loo soo kala magacaabay, balse ay u doortaan inay u doortaan qofkii ay u arkaan inuu ka soo bixi karo hogaamintooda.