Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2183 October 29,2009                                                           Dul-Qacda 10,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Madaxweyne Rayaale Iyo Hogaamiyeyaasha Mucaaridka Oo Komishanka Cusub Kula Dardaarmay In Xilkooda Ay Wada Jir Ku Gutaan

Hargeysa 0ctober 29, 2009 (Haatuf) - Todobada xubnood ee komishanka doorashooyinka Somaliland ee golaha wakiiladu ansixiyeen Sabtidii todobaadkan ayaa shalay si rasmi ah gudoomiyaha maxkamada Sare Maxamed Xirsi Ismaaciil Oomane ugu dhaariyay xaflad lagu qabtay qasriga Madaxtooyada. waxaana dhaartii ka dib hadalo kala duwan madashaasi ka jeediyay Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee KULMIYE iyo Xubnaha Komishanka, kuwaasi oo dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamada sare Somaliland Maxamed Imaaciil Xirsi (Oomane), sida uu dhigayo dastuurka dalku. Xafladan waxaan ka soo qeyb galin shir-gudoonka labada gole ee Baarlamaanka Somaliland Guurtida iyo Wakiilada oo sida la sheegay aan lagu casuumin.

Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta dhaartii komishanka doorashooyinka ka dib ka hadlay xafladaasi waxaanu hadal duco iyo dardaaran u jeediyay xubnaha Komsihanka waxaanu yidhi “Xafladan waxaan u sameeyay si aanu goob joog uga noqono dhaarta Komishanka si ay labada oday (Guddoomiyeyaasha xisbiyada KULMIYE iyo UCID) si aanu sidii hore uga yara xoojino.horta waxaan idiin rajaynayaa shaqo weyn ayaa halkan idiin taalla,kalsooni baan idin siinaynaaye’e shaqada idiin taala wada shaqayn wadareed ayaad kaga baxaysaan (Team work) baad kaga baxaysaan waxaan idinku dardaarmayaa inaad wadar ku shaqaysaan Anaguna duco ayaanu idiinku daraynaa inuu illaahay hawshaasi idin hortaala idiin fududeeyo. Intaas ayaan Anigu odhanayaa.”

Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in maanta xarunta Madaxtooyada lagu qaban doono xaflad lagu xusayo qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay dalka, 29-kii October ee 2008-dii oo saddex qarax oo kala duwan lala beegsaday xarunta madaxtooyada, Xafiiskii UNDP iyo Safaarada Itoobiya, waxaana qaraxaasi ku dhintay dhawr iyo labaatan qof halka ay ku dhaawacmeen sodameeye kale.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in xafladan lagu soo marti qaadi doono axsaabta siyaasada si midnimo loo muujiyo.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa bogaadiyay xubnaha guddida doorashooyinka qaranka ee la dhaariyay, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waanu idiin hambalyaynaynaa oo idiin ducaynaynaa, dhaartaas aad qaadeena inaad fulisaan ayaan idiin rajaynayaa. Xilka maanta la idin saaray waa xil weyn oo qaran. Anaguna kalsooni weyn ayaanu idin siinaynaa oo idinku qabnaa waxaan ilaahay inooga rajaynayaa inuu gidigeenba hawsha inoo fududeeyo, waynu ognahayoo dareeno badan baa jira waynu ognahay wixii ina soo maray. Hawshaasi kaga baxa wada jirkiina iyo dhaartaas aad ku dhaarateen. Waxaan ilaahay ka baryayaa inaanaan faro gelin badan idinku samaynin. Xilka la idinka sugayaa waa mid aad iyo aad u culus. Waxaaanu jecel nahay haddii aanu nahay madaxdii xisbiyada iyo  murashaxiintii aad u xaqsoorayseen in si siman oo aanaan idinla kala fiqin oo cadaalad ah aad hawshaasi uga soo bixi doontaan.”

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo isaguna ka hadlay xafladii loo sameeyay dhaarinta komishanka wuxuu yidhi “Ilaahay waxaan idiinka baryayaa inuu xilka idinku asturo, arrintan la idiin dhiibay waa arrin weyn qofka gudoomiyaha aad iska dhex dooran doontaan uu ku soo bixi doono qof khayr lihi. Waxaan jeclahay inaad halkaas ka wadi doontaan oo aad doorashooyin xor iyo xalaal ah qaban doontaan. Waxa la eegayaa bilowgiina waxa aad ku bilowdaan oo aad madax fiican doorataan oo aad tidhaahdaan yaa inoogu fiican oo u qalma oo isku hayn kara dalka gudahiisa iyo dibadiisaba. Laakiin haddii  mid kastaa yidhaahdo Aniguna waan geyaa xilka. Tartan baa idinka dhex bilaabmaya ka ku soo baxana hadhoow lala shaqayn maayo.”

“Barrito waa 29-kii October waa maalintii aad ogaydeen wixii la inagu soo qaaday, waa inaynu shacbi weyne iyo xukuumad ahaanba wada jir u xusnaa oo dadkeenii xusuusanaa,kuwa hadda inoo soo hanjabayana waa inaynu u sheegnaa inaanu muranka dhexdeena aanay micnaheedu ahayn waanu kala jeednaa. Waxaanu diyaar u nahay  oo hal ujeedo oo qudha aanu leenahay waa inaynu dadkeena u sheegnaa inaynu feejignaano, oo meel qudha haddii xabadi ka dhacdo Anagoo maqiiqan oo midaysan inaanu u soo baxayno,” Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha UCID wuxuu intaasi ku daray oo uu yidhi “Cadowgeenu wuu firfircoon yahay waynu ka adkaan doonaa, haddii sidan imika aynu ku shaqaynayno wada tashano,Madaxweynaha Somaliland doorkii dhawayd (xafladii heshiiskii axsaabta) ayaan sheegayoo wuu duceeyay, waxaanu jecel nahay in sidaasi aynu u wada shaqayn doono oo doorashadana aynu hareeraha iska wada taagi doono.”.