Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2183 | October 29,2009 Dul-Qacda 10,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Waayihii Shalay Iyo Maanta Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Somaliland ee ka soo jeeda gobolka Sool, waxa uu ahaa sanadihii 1997-kii gudoomiya golaha wakiilada Somaliland, ayaa xilka laga qaaday ka dib markii isaga iyo marxuum Cigaal uu khilaaf weyni soo kala dhex galay islamarkaana waxa uu Xaabsade uu wareegay dhinaca maamul goboleedka Puntland, oo uu maamulkii Cadde Muuse ee Garoowe u magacaabay wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland, kaas oo muddo ka dib ay isku dhaceen islamarkaana khilaaf ba’ani soo kala dhex galay Cadde Muuse ayaa dhinaca Somaliland u soo waregay xilligii ay ciidamada qaranka Somaliland ka saareen gobolka Sool maleeshiyadii Puntland ee haysatay deegaanadaasi, taas oo siyaasiga Xaabsadena saamayn weyn ku lahaa talaabada ay Somaliland dib ugula wareegtay gobolkaasi. Waxaanu maanta Axmed Cabdi Xaabsade ku sugan yahay caasimada Somaliland ee Hargeysa oo uu deganaa muddo laba sanadood ah, ikasta oo aanu si rasmiya saddexda xisbi qaran ee Kulmiye, Ucid iyo Udub midkoodna ku biirin, balse lagu tilmaamo nin aad ugu dhow xukuumadda oo madaxweyne Rayaalena ay si weyn isgu dhow yihiin, hadana waaqaca siyaasadeed ee Xaabsade waa nin u muuqda inuu ka yara nastay hawlhii siyaasada, isagoo wargeyska Haatufna mar uu dhawaan u waramayay u sheegay inuu ka fadhiistay siyaasada, balse wakhtigan xaadirka ah waxa lagu tilmaamaa nin arrimaha siyaasadeed ee ku wajahan deegaanada Sool iyo Buuhoodle ee wax laga weydiiyo. La Soco Cadadka dambe… |